Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Indeed Faroole has always been a anti SSC since he came into power & his so determined in stopping their advances.
  2. Faroole: Haddii Dr: C/Kariim Ra’iisal Wasaare Loo Magacaabo Annagu Waanu Goosanaynaa Iyo Warbixin Dheeraad Ah. Tuesday, 05 October 2010 14:21 Nairobi(Jidbaale.com):-Tan iyo intii uu iscasiley Ra’iisal Wasarihii dawaladda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, waxaa soo baxayey warar kala gedisan oo ku aadan cida loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha beddeli doona Cumar C/Rashiid. Waxaana dadka ugu cadcad loona filayo in qalinku ku dhaco ka mid ah Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, oo ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada ahna lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Siyaasada. Ilaa iyo intii uu saxaafada soo galay Dr: Jaamac, ayaa waxaa dhanka kale soo xoogaysanayey dedaalka ka imaanaya dhanka maamulka waqooyi barri ee uu hogaamiyo C/Raxmaan Faroole. Waxaana la sheegay in Mr Faroole oo suxul duub ugu jiro sidii aanu xilkaas marnaba u qabteen Dr: C/Kariim oo ka soo jeeda deeganada SSC, Wuxuna isku dayey in uu arintan ka hor istaago madaxweyne Shariif mar ay ku kulmeen maagaalada Adis Ababa oo fadhi u noqotay Faroole beryihii u danbeeyey. Madaxweyne Faroole ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uusan dooneyn in la magacaabo nin aan ka soo jeedin gobolada waqooyi barri asagoo weliba afka ku dhuftay Nugaal, Mudug iyo degmada Qardho. Wuxuuna ku hanjabey Mr: Faroole in ay gooni goosad ku dhawaaqi doonaan hadii la magacaabo shakhsi ka soo jeeda SSC. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Madaxeyne Shariif ayaa arintan si weyn uga horyimid, una sheegay Faroole in arintani ay tahay Awood dastuuri ah Madaxweynuhu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo shakhsigii uu u arko in uu dalkan Hogaamin karo. Waxaa la sheegay in Faroole uu shaagay hadii goboladaasi ay waayaan Ra’iisal wasaaraha ay taas micnaheedu tahay in maamulkiisu uusan ka mid noqon doonin Federaalka. Waxaana la sheegay in Madaxweyne Shariif uu arintan aad uga la yaabay, isla markaana uu u sheegay in ay ka turjumayso in waxii Puntland la dhihi jirey lagu kala baxay. Faroole oo adeegsanaya xubnaha beeshiisa ee ku jira Barlamaanka Federaalka ah ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaq xoogan oo ay uga soo horjeedaan Dr: C/Kariim Xassan Gabaydhe oo ay ku Eedeeyeen in uu yahay nin SSC ah isla amrkaana taageersan in dadka deegaanadaasi ay taladooda u madax banaanaadaan, wuxuuna sheegay Faroole in arinta ay uga soo horjeedaan C/Kariim ay tahay qadiyada uu aamisan yahay ee SSCnimada ah. Dr: C/Kariim waa kuma? Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, waa Aqoonyahan wax ku soo brtay dalka Maraykanka, wuxuu tagay dalkaasi wakhtigii ay jirtay dawladda Soomaaliya wuxuuna halkaas u aaday waxbarasho, Dr: C/Kariim wuxuu sitaa shahaadada u danbaysa aqoonta maadiga ee PHD-da loo yaqaana, wuxuuna ku qaatay Maamulka iyo maareynta oo ay ku la dhan tahay siyaasadu, wuxuu sidoo kale yahay nin aad uga dhisan dhanka Aqoonda diinta Islaamka, wuxuu madax ka noqday Ururka Islaamka ee dalkaasi Maraykanka. Kaasoo maamula maasaajidada ugu waa weyn ee dalkaasi, iyo kuwa ku yaala Washingtond DC, Wuxuu sidoo kale mudo badan ka shaqeeynayey Safaarada Sucuudiga ee dalka Maraykanka, Dr: C/Kariim dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan nin degan, Shaqo badan isla amrkaana Kartidiisu ay tahay mid aad u saraysa, Waxaa kaloo lagu sheegay nin xishood badan, isla markaana meesha ama xafiiska uu ka shaqeenayo ka soo Dhalaala, Wuxuu sidoo kale hada yahay Dr: C/Kariim La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ahna Agaasimaha guud ee madaxtooyada. Dr: C/Kariim waa nin ka keliya ee sida daacadnimada ah ula shaqeeyey Madaxweyne Shariif intii u xilka hayey, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin aan xaasidnimo ka muujin shaqada iyo la talinta Madaxweynahaba. Wuxuu sidoo kale ku caanbaxay in uu ka dhigay aqalka Madaxtooyada mid hakayl dawladeed iyo kala danbeyn leh, Aqalka oo wakhtigii Dawladii C/Laahi Yuusuf ahaa mid isku dhex yaacsan, shaqaaluhuna ay ahaayeen kuwa xataa ku dhex qayila Villa Soomaaliya, ayaa hada uu yahay mid ka mid ah Madaxtooyooyinka Afrika ugu nadaamka fiican. Dr: C/Kariim waxaa sidoo kale lagu sheegaa nin aad u qaddiyad wacan, wadinayadiisuna ay tahay mid aad u weyn, wuxuu sidoo kale ka dhex muuqdaa dhamaan kulamada madaxweynuhu la yeelanayo Beesha caalamka iyo dalalka deriska ahba, sidoo kale wuxuu aqoon dheeraad ah u lee yahay beesha caalamka oo uu madaxweynaha Markastaba ku weheliyey safaraduisa debeda oo dhan. Wararkii ugu dabeeyey? Wararkii ugu danbeeyey ee magacaabista Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaysa in weli DR: C/Kariim yahay magaca liiska Madaxweynaha horyaala ugu sareeya. Wuxuuna Dr: C/Kariim yahay nin aad ugu xidhan xubnaha Barlamaanka Federaalka, wuxuu sidoo kale kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee daneenaya jagadan asagoo xildhibaaada barlamaaka qolo kastaba cid ka wata. Halka kuwa ka soo horjeedaa ay wataan,xubno beelahooda keliya ka soo jeeda. Waxana la sheegay in madaxweyne Shariif weli uu qalinka dabadiisa hayo, walow siyaasadu daqiiqadkasta is bedeli karto. Isku soo wada duubo, dhaq dhaqaaqa ka socda Villa Soomaaliya caawa oo madaxweyne Shariif dib ugu laabtay, ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana arintan ka soo yeedhay Faroole ay dib dad badan u xasuusinaysaa weedhihiisii uu jeediyey sanadkii 2009kii markii uu si cad u yidhi.” Hadii Sh Shariif magacaabo mas’uul ka soo jeeda deeganada SSC, Caabudwaaq ama Galdogob, aqoonsan mayno dawladda Jabuuti lagu soo dhiso, Waxaana Faroole lagu tilmaamay ninka keliya ee aan qabyaalada iyo dhinac u xaglinta qarsan weligiis.
  3. 05 October Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Af-jaray Khilaaf Cakiran Oo Maalimihii U Dambeeyey U Dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Kalluumaysiga Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa soo Af-jaray Khilaaf u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga, isagoo shalay u kala diray Digreeto uu ku cadeeyay Dhaqan gelinta Go’aamadii ay ka soo saareen Guddi ka kooban shan xubnood oo uu u magacaabay inay xal ka gaadhaan Khilaafkaasi oo ku dhex maray labada Wasiir ee Wasaaraddahaasi Khidmadaha ay Dekeddu ka qaado Badeecadaha laga soo dajiyo. Guddida uu Siilaanyo magacaabay oo ka koobnaa shan wasiir oo kala ah Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dekeddaha, Wasiirka Gashaandhiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Duulitsa iyo Hawada ayaa waxay soo saareen Go’aamo ay ka mid yihiin in Dekadduhu u Madax-banaanaadaan Khidmaha ay qaadaan si waafaqsan kuwa Caalamka iyo in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay lix cashuurood oo kala ah:- Income Tax, Harbour Tax, Manifes Fee, Navigation Fee, Port dues, Interest Fee. Haddaba, Madaxweynaha Somaliland isagoo ka Duulaya labadaas qoddob ee ay soo go’aamiyeen ayaa waxa uu u qoray labada Dhinac iyo Maamulka Dekedda Wareegto uu ku Dhaqan galinayo arrintaasi waxaanay Wareegtadaasi u dhignayd Sidan “Anigoo ka Duullaya Go’aankii Guddida aan u saaray xallinta khilaafkii u dhaxeeyay Wasaaraddda Maaliyadda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekedaha, waxaan go’aamiyay in la dhaqan galiyo Heshiiskii ay soo gaadheen Guddidu oo ah labadan Qoddob:- 1. Dekeddaha Somaliland waxay ugu Madax-banaan yihiin khidmadaha soo gala si waafaqsan sida kuwa Caalamka 2. Wasaaradda Maaliyaddu waxay Dekedda ku yeelanaysaa:- a) Income Tax b) Harbour Tax c) Manifes Fee d) Navigation Fee e) Port dues f) Interest Fee.” Wareegtadaasi ayaa soo Af-jaraysa khilaaf balaadhan oo labada Wasiir ka dhex Aloosnayd tan iyo intay Xilka la wareegeen, waxaana mudadaasi ay isdhaafsadeen qoraalo Hanjabaad ah oo ay Saxaafaddu soo Bandhigtay, taasoo wer-wer galisay dad badan oo filayay Masuuliyiinta cusub ee Xukuumaddu inaanay yeelan doonin Nidaam caynkaas oo kale ah. Waaheen
  4. X.J, Indeed god bless Muj.Lixle AUN he was one of my favourite SNM figures and he will forever be in our hearts.
  5. So far they seem to be making progress since Cumar Abdirashiid was sacked.
  6. loool you guys are a bunch of jokers keep up the good work whoever has a hope in the "4km" government.
  7. Xaflad weyn oo ka dhacday kenya Caasimada Nairobi gaar ahaan Xaafada Eastleight Xafladaas lagu xusayey Mujaahid lixle oo ka dhacday hotelka caanka ah five star ayaa waxaa hogaanka u heystay marwadii u dhaxday mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye ( Mujaahid lixle ) iyo gabadhii uu ka tagay Bahja Xaashi Diirie Hotel kaas lagu magacaabo Nomad Plaza Xaafada Eastleight marwada magaceeda layiraahod Xayaad Cismaan xaaji Ali xafladaas lagu xusayey mujaahidiinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo ururo ka dhisan Kenya iyo kuwa ka socdo safarada Mareykanka horay aan Kenya uga dhicin in Mareykan ka qeyb galo waxaa ka soo qeyb galay Maxamed Ali maxamed oo ah development consultant in the international community. Nin beesha caalamka ugu qaabilsan qeybta nabad geylyada iyo arimaha bulshada isagoo meel ka soo wada jeedaan Maxamed Ali isagoo dhalasha ahaan ka soo jeedo somaliland. xafladaas waxaa ka soo qeyb galay Ahmed Bashiir Mohamed oo ah Hogaankiii shanaad ururweynaha Somaliland Youth For Positive Change Peace Building and Development waxaan maanta u sheegeynaa dad weynaha Somaliland in uu urur weynaha aan kor ku xusnay uu buuxiyey kaalintii jaaliyad nimo ee horumarka dhalinta sababtoo ah kadib markii beesha caalamka iyo qaramada midoobey fadhigeeda Nairobi looga aqoonsaday iyadoo loo qiimeynaayo howgalkii balaarnaa oo uu ka soo qabtay isku duba ridka iyo iskaashiga dhalinyarada ka soo jeeda qarakna Somaliland shirkaasoo looga munaaqishoonayey arimaha horumarka iyo kobcinta dhaqan dhaqaale ee Qaranka Somaliland. Halkaasoo looga hanbalyeey sida ugu qeyb qaatay ifinta soo shey qaadka baahida dhalinyarada iyadoo looga hortagaayo waxyeelada arimahaasi ay u leeyihiin bulshada. Lagunna dhiiri galiyey inuu soo gudbiyo mashaariic kooban oo haqabtireysa qeybaha dowlada iyo beesha caalamkuba aanay baahitirin sababo jirta awgeed. Xafladaasoo kulmisay qeybo badan oo kamid ah bulshada, kunool magaalada Nairobi iyadoo loo arkay xusid mujaahid maxamed xaashi Diiriye (lixle) oo ay hormuud u tahay Dumarka somaliyeed sida ay ugu shidaal qadan lahaayeen xusida waxyaalaha gabood falku ku dhacay (Human right violation ) taasoo inay iska kaashadaan soona muujiyaan fir fir coonidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka amaanka hada taagan iyo gabood falka xad dhaafka ah ee burburka kadib saameeyey somalia oo idin si ay ugu shidaal qaataan taasoo tixgelin u yeeshay in ururka haweenku ee iska kaashadaan, dhaqan galiyaan , nabad gelyada iyo wada noolaanshaha dadka reer somaliland.
  8. Haji Xanjuf, actually cidaanka Koodhbuur existed way back alongside cidaankii Sayiid Ali ( Maxamed ali who entered cadaadley & burco. cidaankii Koodhbuur was also kuwi galay Borama alongside gutada 99.
  9. Che -Guevara, i am a believer of justice and i will not hestitate to point out the faults & wrongdoings of xukumada whenever i see one. Injustice anywhere is a threat to justice everywhere.
  10. good to see xukumada lifted the xayiraadd and apologised to him before things got out of hand.
  11. Saalax

    The N word

    What is up Nigga. I think black people using it with other black people is not offensive compared to when a white/asian/chinese utters that word.
  12. Radio Hadhwanaag oo Waraysi layeelatay Fanaanada Codka Macaan Sahra Halgan (Sooyaalkii Taarikheed ee SNM). Hadhwanaag oo waraysi aad u xiiso badan layeshay Fanaanada Caanka ah Sahra Ahmed Mohamed (Sahra-Halgan) oo ka waramaysa Sooyaalkeedii Taarikheed ee Halgankii SNM.Waraysi Qaade Ahmed Haji Barkhad Wixii Fariin ah halkan kala xidhiidh. Sahra Halgan
  13. Originally posted by *Ibtisam: Libaahe- wax almost la yidahad ma jiran ee waraka daaf. Wishful thinking does not become reality. Waxba meye dhici- not even a demo- naga dhaa dhee ciyarta. adi newska la so dhiigo mixi ku dhiibaysa? whether it is almost or if it happened it's part of the news and it's not like news posted on SOL will have any effects on the situation backhome like cause a massive conflict so relax and put your fears aside.
  14. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Libaahe even abdi waraabe graduated and ciiro and ina samaale wey badnayeen ardeydii qalan jabiiyeen lool lol it was not even a proper undergraduate course it was a somaliland conflict solution programme course, laakinse cirro has jamacad degrees, masters from Finland -helinski university so it's not his first time, unlike Musa bihi.
  15. Xaji_Xunjuf, bal ka waran ayamahan adeerka Musa Bixi? i heard he graduated from hargeysa university two weeks ago maxa ka jiira?
  16. Something already happened the police tried to arrest former vice governor of Togdheer but they couldn't, debededna biskoolad bu ula so baxay car waryaa kii iso dhawada ku yidhi and since there was many civilians who sided with him the police backed out.
  17. Originally posted by *Ibtisam: why do you want them to fight? Where did i said i want them to fight? i am just reporting the events and the raising tensions in burco & somaliland.
  18. Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UDUB Oo Shaaca Ka Qaaday In Garabyadii Xisbiga Ee Borama In Xabsiga Loo Taxaabay. Seems this new government is on a witch hunt. Garabyadii Xisbiga Ee Borama Oo Xabsiga Loo Taxaaabay
  19. Jacaylbro what is funny? Rabsho = Trouble, i don't know adigu waxad uu taqaniid rabsho in your ends. Even Togdheernews reports the events that unfolded in burco. Togdheernews
  20. Booliska Burco oo shalay isku deyay inay soo xidhaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee G. Togdheer iyo Raabsho ka dhalan gadhay. Rabsho ka dhalan gadhay Magaalada burco
  21. Magaalada Burco oo dagaal ka dhici gaadhey Magaalada Burco Oo Fara-ciddidood Kaga Badbaadday In Dagaal Ku Dhexmaro Dadweynaha Iyo Ciidammo Doonayey Inay Xidhaan Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka “Guriga aan ku jiraa waxa uu la mid yahay Guriga uu Md. Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey…..Markaan U Tagay Hoggaanka Boolisku wuxu igu yidhi hadal aad u qiimo-daran oo ah mawaxaad ahayd inankii yaraa ee Kibray?” Badhasaab ku-xigeenkii hore ee G/Togdheer Burco (Harowo) - Wararka laga helayo magaalo madaxda gobolka Togdheer ayaa muujinaya xaalado kacsanaan iyo cadho ka dhalatay hawl gal ciidamada Booliska ee gobolkaasi iyagoo fulinaya maamul wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose ku siiyay inay soo qabtaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolkaas uu ka dhashay rabshado iyo isku dhac booliska iyo dadka magaalada dhex maray. Sida ay ku warantay jariiradda Hargeysa Star oo ka soo baxda magaalada Hargeysa maanta barqadii ayaa ciidamo ay magaalada Burco ku weerareen gaadiga gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samarta, waxaanu arintaa uga sheekeeyay wargeyska oo khadka telefoonka kula hadlay caawa. “Anigoo maraya badhtamaha magaaladda Burco abbaaro 11:30-kii maalinnimo, ayaa Gaadhi Ciidan ahi iga wareegay, dabadeeto markii aan ku idhi waar maxaa dhacay waxay igu yidhaahdeen ‘waannu ku doonaynaa ee soo deg oo Gaadhigan Booliska soo fuul, gaadhi-gaagana u dhiib Askarigaa dawaralka ah’, markii aan weydiiyey cidda ay ka socdaan waxay igu yidhaahdeen Ciidankii Booliska ahaa, ‘waxa noo sookaa direy hoggaanka Booliska ee Gobolka’. Markaa waxaan ku idhi ‘Siddeed sannadood ayaan Gobolka Badhasaab ka ahaa Tuugna ma ihi, haddiise raad I soo galay Madaxda Gobolku way I garanayaan telefoonkayga way hayaan ee wax karaamadii qofka iyo dawladdnimadii ka baxsan hay ugula kicinnee idinku isku noqda.” Sidaa waxa yidhi Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo Booliska magaalada Suuqa Burco ku dhex qabsadeen. Ka dib markii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland amar ku bixiyey in la qabto Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer, isaga iyo gaadhigiisaba sida la sheegay. Md. Guuleed isagoo hadalkiisa sii wata kana waramaya waxa ciidamadu isugu xeereen waxa uu yidhi “Markii intaasi dhacday waxay nimankii Ciidankaa ahaa damceen inay awood Igu muquuniyaan anniga (Badhasaab ku-xigeenkii hore), oo waan iska difaacay, dabadeedna Dadkii Suuqa joogay ee waddooyinka marayaayey ayaa arrintii dareemay oo gadood ayaa dhici gaadhay. Markaa, waxa loo arkay waxyaabahan dalka ka soconaayey ee intii uu KULMIYE qabsadey meesha (Somaliland), markaa waxa loo arkay inay nimankan KULMIYE la imanayaan iska horkeen iyo khalkhal ay nabadgelyadii galinayaan markaa waxa inkastoo aanan Xilkii ahayn haddana Masuuliyad ayaa iga saaran Amniga dalka waxaanan dadkii shacabka ahaa ku dejiyey in aanay samayn wax Nabadgelyada khal khal gelinaya.”Markaa waxaan ku idhi arrintani way tahay mid laga dagaalamo balse shicibyahow waxaan doonayaa in aan Burco burbur ka dhicin oo aan ciddi ku dhiman. Ciidankii Booliska ahaa waxaan ku idhi Ninka idin soo direy Ixtiraam ayuu leeyahay oo waa madaxdiinnii, anniguna ixtiraam ayaan leeyahay, waxaanna laga yaabbaa in waxa la iigu yeedhayaa aanay wax sidaa u sii wayn-ba ahayn in aad iska noqotaan oo aydaan horseedin isku dhac ayaa wanaagsan. Markaa, taas ayaan ka codsadey illeyn shalayba waataan idin Xukumayee aniguna waan imanayaa meeshii la iiga yeedhay, dabadeed Ciidankii dib ayey iskaga noqdeen markii ay baaxadda dadweynihii ii soo gurmaddey.” Ayuu yidhi Guuleed. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer, waxa uu sheegay inuu markaa ka dib tagay Xafiiska Gobolka ee magaalada Burco. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; ka dib aniguna waxaan imid Xafiiskii Gobolka oo waxaan ku idhi yaa I doonaayey Taliyihii Taraafikadda ee Gobolka Togdheer, dabadeed waxaan Xafiiska Badhasaabka ayaan is idhi gal markaa waxa la Igu yidhi hoggaanka ayaa ku doonaya, markaa hoggaankii ayaan u imid oo aanan garaneyn, waayo? Waa la soo baddelay. Hoggaanka markii aan waydiiyey inuu anniga I doonayo iyo in kale, waxa uu iigu jawaabey maxaad ahayd? Dabadeedna, waxaan ku idhi waxaan ahay Badhasaab-xigeenkii hore, ka dib waxa uu hoggaankii igu yidhi hadal aad u qiimo darran oo ah ma waxaad aheyd Inankii yarraa ee kibray ee Baastooladda ula baxay Ciidanka, markaa waxaan ugu jawaabey haddaad Ciidanka qaabkan u soo dirto annigu waxba maan layn ee waa la layn doonaa, nidaamkii dawligaa ahaanna meel baad kaga dhacdey mana istaahishid hoggaan-baad sheegaysaaye bidhi-wale.” sawirka ninka xukuumada siilaanyo rabtay inay xidho ee dagaalku ka dhici gaadhay burco “Mid-na waan kuu sheegayaa Gobolka Badhasaab ku xigeen ayaan ka ahaa oo xilbaa iga saaran imika iyo markii hore labadaba. Sidaa darted, waxaan ilaalinayaa nabadgelyada ee waa maxay ujeeddada aad iga leedahay, waxaanu iigu jawaabey ‘Gaadhiga halkaa iska dhig oo Ciidanka raac,’ Markaa waxaan ku idhi taasi waa edeb-darro, haddii aad mar dambe ku celisana wixii halkaas ka dhaca adigaa ka masuula; markaana dadkii Gobolka joogey ee hawlaha u lahaa way nagu soo urureen, dabadeeto aniga Niman odayaal ah ayaa igu yidhi orod gaadhigaaga kaxayso oo iska tag.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Wax yar kadib ayuu la Hadley qaybtii Booliska oo uu yidhi waxaad ii soo dirtaan laba gaadhi oo Tikniko ah, markaa anigoo gurigaygii jooga ayey damceen inay is weer iga qabtaan, ka dib markii intaasi dhacdey waxa meeshii yimid magaaladii oo arrintu gaadhay. Halkaa dabadeeto waxa ka dhici gaadhay isku dhac aad u wayn, markii dambenna sidii ayaan dadweynihii ugu khudbadeeyey, waxaana noo yimi Odayaashii magaalada Burco oo yidhi ‘Nimankii Booliska watay ma waxaad doonaysaan in dagaal dhaco, markaa Ciidankii caqli ay leeyihiin kumay tagine waxay ka baqdeen baaxaddii dadka, wax dhibaato ahina kamay dhicin halkaas, laakiin iyagu waxay ugu talla-galeen inay meesha dhibaato ka dhacdo.” “Markaa ujeeddada laga leeyahay waxaan u qaatay Xisbiga KULMIYE ee doorashada nagaga guulaystay waxa ku dhex jira Masuuliyiin badan oo aan raalli ka ahayn Somaliland-nimada oo doonaya dhibaatooyinka ka socda hareeraheenna, Madaxweynaha waxaan leeyahay ka fiirso tallaabooyinka aad qaadayso.” Mar la weydiiyey Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer in arrimahaa uu sheegay ka dib inay cidi kala soo xidhiidhay xagga maamulka gobolka, waxaanu ku jawaabay; “ Mayee cid ila soo xidhiidhey ma jirto, haddii laga tagi waayo waxa ay wararku igu soo gaadhayaan inay leeyihiin waa in Ninkaas la qabtaa.” Sidoo kale, Guuleed oo la weydiiyey, ka sokow Hoggaanka Booliska Gobolka, cidda amarka soo qabashadiisa bixisey, “Badhasaabka, Ku xigeenkiisa iyo Hoggaanka Booliska ayaa ku wadda jira, inkastoo warar xog-ogaal ahi sheegayaan in arrintan uu ka dambeeyo Wasiir arrimaha guduhu Dr. Gabboose, waa wax isku wadda xidhan khadkaasi, Odayaashii magaaladuna waxa ay amar igu siiyeen in aanaan wax tallaabo ah qaadin aniga iyo cidda igu dhaw-dhaw.” Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo aannu waydiinney waxa laga rabaa iyo dambiga uu galay waxa ay yihiin waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxay leeyihiin Guriga haka baxo, Hay’ad ayaannu ka kiraysanaynaaye oo Gaadhiga ha iska dhigo si sharci-darro ah ayaa loo siiyeye, Gaadhigana illaa maalintaan iibsaddey iyo maanta waxa ku xidhan lambarkii aan ku xidhay, haddii wixii aan ku wareejiyey wax dhiman yihiinna Agaasimaha guud muu yeelleen in aan hantidii ummadda aan badh la hadho.” Mar la weydiiyey in Guriga uu ku jiraa ka mid yahay Guryaha dawladda, waxa uu yidhi; “ Gurigu waxa uu la mid yahay Guriga uu Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey, wax uu kaga duwan yahayna ma jirto.”
  22. Magaalada Burco Oo Fara-ciddidood Kaga Badbaadday In Dagaal Ku Dhexmaro Dadweynaha Iyo Ciidammo Doonayey Inay Xidhaan Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka “Guriga aan ku jiraa waxa uu la mid yahay Guriga uu Md. Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey…..Markaan U Tagay Hoggaanka Boolisku wuxu igu yidhi hadal aad u qiimo-daran oo ah mawaxaad ahayd inankii yaraa ee Kibray?” Badhasaab ku-xigeenkii hore ee G/Togdheer Burco (Harowo) - Wararka laga helayo magaalo madaxda gobolka Togdheer ayaa muujinaya xaalado kacsanaan iyo cadho ka dhalatay hawl gal ciidamada Booliska ee gobolkaasi iyagoo fulinaya maamul wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose ku siiyay inay soo qabtaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolkaas uu ka dhashay rabshado iyo isku dhac booliska iyo dadka magaalada dhex maray. Sida ay ku warantay jariiradda Hargeysa Star oo ka soo baxda magaalada Hargeysa maanta barqadii ayaa ciidamo ay magaalada Burco ku weerareen gaadiga gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samarta, waxaanu arintaa uga sheekeeyay wargeyska oo khadka telefoonka kula hadlay caawa. “Anigoo maraya badhtamaha magaaladda Burco abbaaro 11:30-kii maalinnimo, ayaa Gaadhi Ciidan ahi iga wareegay, dabadeeto markii aan ku idhi waar maxaa dhacay waxay igu yidhaahdeen ‘waannu ku doonaynaa ee soo deg oo Gaadhigan Booliska soo fuul, gaadhi-gaagana u dhiib Askarigaa dawaralka ah’, markii aan weydiiyey cidda ay ka socdaan waxay igu yidhaahdeen Ciidankii Booliska ahaa, ‘waxa noo sookaa direy hoggaanka Booliska ee Gobolka’. Markaa waxaan ku idhi ‘Siddeed sannadood ayaan Gobolka Badhasaab ka ahaa Tuugna ma ihi, haddiise raad I soo galay Madaxda Gobolku way I garanayaan telefoonkayga way hayaan ee wax karaamadii qofka iyo dawladdnimadii ka baxsan hay ugula kicinnee idinku isku noqda.” Sidaa waxa yidhi Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo Booliska magaalada Suuqa Burco ku dhex qabsadeen. Ka dib markii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland amar ku bixiyey in la qabto Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer, isaga iyo gaadhigiisaba sida la sheegay. Md. Guuleed isagoo hadalkiisa sii wata kana waramaya waxa ciidamadu isugu xeereen waxa uu yidhi “Markii intaasi dhacday waxay nimankii Ciidankaa ahaa damceen inay awood Igu muquuniyaan anniga (Badhasaab ku-xigeenkii hore), oo waan iska difaacay, dabadeedna Dadkii Suuqa joogay ee waddooyinka marayaayey ayaa arrintii dareemay oo gadood ayaa dhici gaadhay. Markaa, waxa loo arkay waxyaabahan dalka ka soconaayey ee intii uu KULMIYE qabsadey meesha (Somaliland), markaa waxa loo arkay inay nimankan KULMIYE la imanayaan iska horkeen iyo khalkhal ay nabadgelyadii galinayaan markaa waxa inkastoo aanan Xilkii ahayn haddana Masuuliyad ayaa iga saaran Amniga dalka waxaanan dadkii shacabka ahaa ku dejiyey in aanay samayn wax Nabadgelyada khal khal gelinaya.”Markaa waxaan ku idhi arrintani way tahay mid laga dagaalamo balse shicibyahow waxaan doonayaa in aan Burco burbur ka dhicin oo aan ciddi ku dhiman. Ciidankii Booliska ahaa waxaan ku idhi Ninka idin soo direy Ixtiraam ayuu leeyahay oo waa madaxdiinnii, anniguna ixtiraam ayaan leeyahay, waxaanna laga yaabbaa in waxa la iigu yeedhayaa aanay wax sidaa u sii wayn-ba ahayn in aad iska noqotaan oo aydaan horseedin isku dhac ayaa wanaagsan. Markaa, taas ayaan ka codsadey illeyn shalayba waataan idin Xukumayee aniguna waan imanayaa meeshii la iiga yeedhay, dabadeed Ciidankii dib ayey iskaga noqdeen markii ay baaxadda dadweynihii ii soo gurmaddey.” Ayuu yidhi Guuleed. Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer, waxa uu sheegay inuu markaa ka dib tagay Xafiiska Gobolka ee magaalada Burco. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; ka dib aniguna waxaan imid Xafiiskii Gobolka oo waxaan ku idhi yaa I doonaayey Taliyihii Taraafikadda ee Gobolka Togdheer, dabadeed waxaan Xafiiska Badhasaabka ayaan is idhi gal markaa waxa la Igu yidhi hoggaanka ayaa ku doonaya, markaa hoggaankii ayaan u imid oo aanan garaneyn, waayo? Waa la soo baddelay. Hoggaanka markii aan waydiiyey inuu anniga I doonayo iyo in kale, waxa uu iigu jawaabey maxaad ahayd? Dabadeedna, waxaan ku idhi waxaan ahay Badhasaab-xigeenkii hore, ka dib waxa uu hoggaankii igu yidhi hadal aad u qiimo darran oo ah ma waxaad aheyd Inankii yarraa ee kibray ee Baastooladda ula baxay Ciidanka, markaa waxaan ugu jawaabey haddaad Ciidanka qaabkan u soo dirto annigu waxba maan layn ee waa la layn doonaa, nidaamkii dawligaa ahaanna meel baad kaga dhacdey mana istaahishid hoggaan-baad sheegaysaaye bidhi-wale.” sawirka ninka xukuumada siilaanyo rabtay inay xidho ee dagaalku ka dhici gaadhay burco “Mid-na waan kuu sheegayaa Gobolka Badhasaab ku xigeen ayaan ka ahaa oo xilbaa iga saaran imika iyo markii hore labadaba. Sidaa darted, waxaan ilaalinayaa nabadgelyada ee waa maxay ujeeddada aad iga leedahay, waxaanu iigu jawaabey ‘Gaadhiga halkaa iska dhig oo Ciidanka raac,’ Markaa waxaan ku idhi taasi waa edeb-darro, haddii aad mar dambe ku celisana wixii halkaas ka dhaca adigaa ka masuula; markaana dadkii Gobolka joogey ee hawlaha u lahaa way nagu soo urureen, dabadeeto aniga Niman odayaal ah ayaa igu yidhi orod gaadhigaaga kaxayso oo iska tag.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Wax yar kadib ayuu la Hadley qaybtii Booliska oo uu yidhi waxaad ii soo dirtaan laba gaadhi oo Tikniko ah, markaa anigoo gurigaygii jooga ayey damceen inay is weer iga qabtaan, ka dib markii intaasi dhacdey waxa meeshii yimid magaaladii oo arrintu gaadhay. Halkaa dabadeeto waxa ka dhici gaadhay isku dhac aad u wayn, markii dambenna sidii ayaan dadweynihii ugu khudbadeeyey, waxaana noo yimi Odayaashii magaalada Burco oo yidhi ‘Nimankii Booliska watay ma waxaad doonaysaan in dagaal dhaco, markaa Ciidankii caqli ay leeyihiin kumay tagine waxay ka baqdeen baaxaddii dadka, wax dhibaato ahina kamay dhicin halkaas, laakiin iyagu waxay ugu talla-galeen inay meesha dhibaato ka dhacdo.” “Markaa ujeeddada laga leeyahay waxaan u qaatay Xisbiga KULMIYE ee doorashada nagaga guulaystay waxa ku dhex jira Masuuliyiin badan oo aan raalli ka ahayn Somaliland-nimada oo doonaya dhibaatooyinka ka socda hareeraheenna, Madaxweynaha waxaan leeyahay ka fiirso tallaabooyinka aad qaadayso.” Mar la weydiiyey Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer in arrimahaa uu sheegay ka dib inay cidi kala soo xidhiidhay xagga maamulka gobolka, waxaanu ku jawaabay; “ Mayee cid ila soo xidhiidhey ma jirto, haddii laga tagi waayo waxa ay wararku igu soo gaadhayaan inay leeyihiin waa in Ninkaas la qabtaa.” Sidoo kale, Guuleed oo la weydiiyey, ka sokow Hoggaanka Booliska Gobolka, cidda amarka soo qabashadiisa bixisey, “Badhasaabka, Ku xigeenkiisa iyo Hoggaanka Booliska ayaa ku wadda jira, inkastoo warar xog-ogaal ahi sheegayaan in arrintan uu ka dambeeyo Wasiir arrimaha guduhu Dr. Gabboose, waa wax isku wadda xidhan khadkaasi, Odayaashii magaaladuna waxa ay amar igu siiyeen in aanaan wax tallaabo ah qaadin aniga iyo cidda igu dhaw-dhaw.” Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo aannu waydiinney waxa laga rabaa iyo dambiga uu galay waxa ay yihiin waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxay leeyihiin Guriga haka baxo, Hay’ad ayaannu ka kiraysanaynaaye oo Gaadhiga ha iska dhigo si sharci-darro ah ayaa loo siiyeye, Gaadhigana illaa maalintaan iibsaddey iyo maanta waxa ku xidhan lambarkii aan ku xidhay, haddii wixii aan ku wareejiyey wax dhiman yihiinna Agaasimaha guud muu yeelleen in aan hantidii ummadda aan badh la hadho.” Mar la weydiiyey in Guriga uu ku jiraa ka mid yahay Guryaha dawladda, waxa uu yidhi; “ Gurigu waxa uu la mid yahay Guriga uu Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey, wax uu kaga duwan yahayna ma jirto.”