-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: nice pics nothing but good comes from ceerigabo now and days. I guess it's a good thing that mostly good news is coming from that side of the corner alhamdullilah we should all be grateful to allah, who gave barqaawo, prosperity, opportunities to the upcoming young generation of this particular community.
-
Originally posted by Suldaanka: Good to see that Ceerigaabo High School is renamed after one of the great Sanaagian poets Xaaji Adan Afqalooc. Indeed, it's great to see the schools being named after famous sanaagian poets such as Haji Adan Afqalooc may god bless his soul.
-
d/p.
-
So you are a al shabab supporter that is all needed to know, and where each individual stands.
-
So you are saying you don't support al shabab? atleast be man enough to admit you do, don't worry the USATC won't track you down posting from the comforts of your home in boston.
-
Che -Guevara, don't flatter yourself sxb i hardly talk about al shabab i just find it strange they are the only 1's wearing pakistani clothes in the somali peninsula.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Libaahe dont u understand Che wears pakistani clothes in The united states To its normal if your a member of alshabaab no wonder his so defensive of kashmiir clothes.
-
who wears pakistani styled khamiis aside from pakistan(mostly), few from bengaladesh, and india? excuses excuses, nobody introduced this pakistani styled khamiis to somalia since most somalis are not even fond of it, do you see ordinary people wearing it? it's only al shabab.
-
^^^ lol i didn't know wearing pakistani clothes makes you a lion.
-
Che -Guevara, like it or not pakistani clothes are very unfamiliar in somalia, especially the pakistani styled khamiis.
-
^^^ Who said anything about western clothes sxb? i am strictly for somali clothes when i am backhome you can even catch me jamming with my macawis in erigavo. and not pakistani clothes, atleast if they want to wear a khamiis why not wear just a normal one which is familiar with somalis.
-
Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Furay + SAWIRO Ceerigaabo(Oodweynenews)- Kaddib toddobaadkii hore dhammaadkiisii markii si ku meel gaadh ah loo xidhay Dugsiga Sare (Haji AdenSecondary School) ee Ceerigaabo. Ayaa kulammo dhex maray maammulka wasaaradda, macallimiinta iyo guddiyada walidiinta waxa si rasmi ah mar kale dib loo furay dugsigaasi. Iyadoo macallimiinta wax ka dhigaya iyo ardayduba si dhammays tiran xilliyada loo qoondeeyey halkaas ay ka xaadirayaan. Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ayaa isaguna maalmahan saacadihiisa shaqo intooda badan ku qaadanayey dugsigan sare (Haii Aden) ee Ceerigaabo si uu u hubiyo habsami u socodka guud ahaanba hawlaha dugsigan. Saxaafadda oo maanta booqatay dugsigaasi waxna ka weydiisey hawlaha dugsigan ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolk Sanaag C/raxmaan Siciid Xuubey wuxu yidhi “Shirar badan oo dhex maray maammulka wasaaradda iyo macallimiinta iyowaalidiinta kaddib ayaa waxa dugsigan sare (Haji Aden) si rasmi ah loo furay Sabtidii, sababihii hakadka hore keenay iyo caqabadihii soo wajahayna waa la isla saxy”. Isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka ilaa hadda jira ee u baahan si guud in cxal loo helona wuxu yidhi “Dhibaatooyinka kale ee jira waxa ka mid ah macallimiintii Masaarida ahayd ee dugsigan wax ka dhigi jirey oo sannad-dugsiyeedkii inna dhaafay iyo sannad-dugsiyeedkan toonna aan dugsign ka hawl gelin iyo tirada ardayda ardayda oo badan awgeed in aan fasalladu ku filnayn iyadoo fasallada qaarkoodna ay ku fadhiyaan dhawr iyo 90—100 arday”. Sikastaba ha ahaatee xilligan ayaa dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo waxa ka muuqata dardar gelin hor leh oo hareeraha laga taagan yahay tayaynta waxbarasho iyo maammulkaba ee dugsigaas.
-
Qandali, exactly the suldaan made a excellent speech and telling the natives to welcome people from southern somalia who were devastated by the war, but instead of being understanding some take it the wrong way and think they can do whatever they want in somaliland without the consent of the natives.
-
'Sister Wives': TLC's Polygamist Family Asks Us To 'Rethink Marriage'
Saalax replied to Che -Guevara's topic in General
What a thread how did i miss it, heer ba la gadhay haadi mar cadaankii america barteen polygamy. -
Doorashadii Xisbiga Labour Party Ee Ingiriiska oo U Dhacday Si Lama filaan & yaab Ah Kadib Markii Ed Miliband uu Kaga Guuleystay Walaalkii oo Ka weyn David Miliband oo Ahaa Wasiirkii A. Dibada Ee Ingiriiska Ee Hore LONDON(OWN)- Doorashadii Xisbiga Shaqaalaha Ee dalka Ingirrska ayaa waxaa ka dhacday lama filaan kadin markii Ed Miliband uu kaga guuleystay hogaaminta xisbiga walaalkiisa ka weyn isla maarkaana ahaa wasiirkii arimaha dibada ee Ingiriiska Mr.David Miliband, David Miliband oo ahaa nin Siyaasi caan ah isla markaana sumcad weyn ku lahaa siyaasada dalka Ingiriiska ayaa la filayey inuu ku guuleysto hogaaminta xisbiga Shaqaalaha ama Labour Party, David Miliband ayaa sheegay inuu aad uga naxay markii walaalkii u sheegay inuu kula tar tamayo hogaaminta xisbiga Shaqaalaha Bishii MAY ee sanadkan, Doorasahadan oo maanta ka dhacday magaalada Manchester ayaa markii loo codeeyey labada nin ee walaalaha ah waxaa labadii wareeg ee hore ku horeeyey David Miliband oo isagu ahaa walaalka weyn isla markaana ahaa Wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ee xukuumadii Gorden Brown, Doorashadan ayaa si lama filaan ah isla markaana laga yaabay uu ku soo baxay Ed Miliband oo ah walaalka yar ee David. isagoo ku badiyey 50,65 halka uu ka helay David 49,35, David miliband oo doorashadaa hogaaminta xisbiga uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay inuu walaalkii yahay isla markaana uu jecel yahay uuna la shaqeyn doono, Ed Milliband ayaa la sheegay inuu ka faa,iideystay codadka nin sadexaad oo la tar tamayey oo lagu magaacbo Ed Balls kaasoo helay 16,49, Ed miliband oo ku guuleystay hogaaminta xisbiga shaqaalaha ee dalka ingiriiska isla markaana ku tartami doona jagada Reysal wasaaraha ee dalka Ingiriiska doorashada soo socota ayaa sheegay inuu wax weyn ka bedeli doono siyaasada dalka ingiriiska isagoo sheegay inuu kasoo saari doono ciidamada Ingiriiska ee dalka Afganistan ku sugan, David Miliband oo doorashadaa uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay in Reer Miliband ay u tahay maalin farxad badan isla markaana ay wax weyn iska bedeli doonaan siyaasada dalka Ingiriiska mar hadii maanta la doortay nin yar oo dhalinyaro ah oo 40 jir ah, Isagoo intaa ku daray inuu la shaqweyn doono walaalkiisa ka yar ee ka guuleystay, Dhinaca kale waxaa hambalyo u soo diray Ed Miliband Reysal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron kadib markii uu caawa telefoon kula soo hadlay Ed Miliband,
-
Hargeysa (TogHerer) Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr.Johhnie Carson kasoo sheegay in ay wada shaqeyn dhow la yeelanayaan Dawlada Somaliland . Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdulaahi Cumar oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan hadalkaas kasoo yeedhay masuulka ka tirsan Maraykanka. Wuxuu sheegay tan iyo wixii ka danbeeyey doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ay beesha caalamka il gaar ah ku haysay Somaliland,iyadoo u tilmaamay in wafuud caalami ah ay booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa oo ay ugu danbeyeen wefdi ka socday dalka Denmark. Wasiirka ayaa xusey in maamulka Somaliland ay si aad ah ula shaqeynayso Dawladda Maraykanka. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Dawlada Somaliland ay kala shaqeynayso sidii looga hortagi lahaa faafitaanka xagjirnimada,iyadoo ay balanqaaday in ay gaadhsiin doonto mashariicda dhaqaalaha,biyaha iyo Beeraha. Hargeysa
-
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Oo Shacbiweynaha Reer JSL Ugu Baaqay In Ay Soo Dhaweeyaan Dadka Somaliyed Ee Ka Soo Barakacay Dagaalada Somaliya iyo Ilaalinta Nabadgelyada Somaliland. Hargeysa(Ramaas) Sept.23, 2010 - Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadka Somaliyeed ee ka soo qaxay koonfurta Somaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ee dagaalada qadhaadhi ka socdaan ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Isaga oo reer Somalilandna usoo jeediyey in ay nabadgalyadooda ku fara adaygaan. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayey arday hore xiftiga qur’aanka uga dhamaysay Dugsiga Aflax oo xaflad loogu samaynayey dalad kulmisa ardaydaas oo lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga magaalada Hargeysa ku yaala. Suldaanku isaga oo arintaas kala hadlaya shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi “Koonfur ama Somaliya waa walaalaheen isku dad iyo isku diin ayeynu nahay, laakiin waxa aynu kala nahay laba dawladood oo walaalo ah. Waxa aynu Ilaahay uga baryeynaa inuu dhibaatada haysata ka dulqaado oo barwaaqo, nabad iyo bash bash ugu badelo”. Waxaa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi Suldaanku “Waxan ka codsanayaa shacabka Somaliland dadku way soo qaxeen oo walaaladeen way inoo yimaadeen ee ha la soo dhaweeyo, ma ninkii balaaya wada mise shacabka caadiga ah iyo dumarka iyo caruurta ninkii balaaya wada sharcigaa qaban ummadduna way iska qabanaysaa. Waxaan idiin soo jeedinayaa waar dadkaa walaalaheena ee ay naftu inoo keentay cunfi, dhibaato ah ha galinina oo ha jidh-diidina ee soo dhaweeya, oo nin wallowba wixii aad u qaban karayso u qabo, waayo anigu iyagana Suldaan baan u ahay oo xil gaar ah ayaa iga saaran. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaa uu shacabka u soo jeediyey in ay ilaashadaan nabadgalyada ilaahay siiyey, isaga oo si cilmiyeysana uga hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay wuxu yidhi “Maanta nabadgalyo ayeynu haysanaa, Ilaahay ha inoo sii xoojiyo waxba maynaan dhiganeen horumar kalena maynaan samaynayn, haddii aynaan nabadgalyo haysan, bal hadda hadalkaa u fiirsada markaa shacabka reer Somaliland qaybahooda kala duwan waxaan leeyahay waar nabadda aynu gacanta ku hayno”. Suldaan Xiiray waxa uu soo qaatay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sannadkan, taas oo uu tilmaamay in ay sabab u ahayd qabsoomideedu nabadgalyada ka jirta Somaliland ,waxanu yidhi “Bal waxa kaliya oo aad eegtaan warqad cad baa Madaxweynihii hore ee tagay lagu eryey dhiig kuma daadan dhibaato kamay dhicin, kan jooggaana warqadaa cad buu ku yimid, ka iman doonaa warqad cad buu ku imanayaa, kana taasi ayuu buu ku tagayaa”. Isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxa dhacday habeenkii la yidhi bari ayaa doorashada loo dareerayaa, horta caloosha ayaan ka yara naxay eray kale ismaan odhane waxaan isidhi bilaa la iskula yaacaa, taasuun baan habeenkii oo dhan ka ducaynayey oo aan lahaa ilaahayow nabad noogu dhamee kii doonaa ha helee. Waxaan farxay markii ay 200 oo qof ka soo qayb galeen, markii ay labada Madaxweyne xilka isku wareejinayeen oo si nabad ah ku dhamaatay oo Madaxweynihii tagay uu albaabka ka baxay ee uu Madaxweynihii la doortayna kursigii uu ku fadhiisan jiray Daahir Rayaale uu xaggiisii u dhaqaaqay oo uu ku soo fadhiistay. Arinta intaa le’eg ee miisaankaas leh, waxa keenay codkiinii aad sida nabadgalyada ah ku codayseen, nabadgalyadaana Ilaahay baanu ugu xamdi naqaynaa.” Dad Somaliyeed oo ay soo barakiciyeen dagaalada ka socda dalkooda ayaa guud ahaanba ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, dadkaas oo si fiican ay shacabkuna u soo dhaweeyaan. kuwaas oo iyaga laftooduna isu arka in ay la joogaan dad ay walaalo yihiin.
-
In that sense i do agree.
-
lol@Barack Obama Quotes tan waan kugu racay "We are the ones we have been waiting for. We are the change we seek", i would not exactly agree with the first two though since, waiting for some other person( could be somebody from southern somalia who can fix the problems, or some other time they could get lucky, but we are talking about how foreigners will not be able to fix the current inner problems nor bring any meaningful change to somalia's troubled turmoil of 20 years.
-
Hales, we are not talking about funding they can fund the government all they want but they can't fix somalia's inner problems, it takes alot more then just funding, or sending forgien troops.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Libaahe as long as these people think the UN is going to transform the failed state of Somalia in to respectful useful country again they are being naïve and delusional Co-Sign.
-
Xaji_Xunjuf, you hit the nail in the head.