-
Content Count
10,388 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
"Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood."
-
Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}. Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC. Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah. Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle. Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay. Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood. Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii” Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya” ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan ” ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku. Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor’imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin. Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu. Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay. http://horufadhi.com/2011/03/30/faah-faahin-wajigabaxii-kaga-dhacay-buuhoodle-kooxdii-suldaan-garaase-iyo-gawaadhidii-oo-laga-wareegay-warbixin/
-
Good stuff. Suldaan Xiiray iyo Masuuliyiin Kale Oo Maanta Deeq Lacageed Gaadhsiiyey Qoyskii iyo Agoontii Uu ka Tagay Marxuun Maxamed Xuseen Faarax(Fanax) Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Cidaanka Qaranka Somaliland. http://oodweynenews.com/news/60736-suldaan-yuusuf-muxumed-xiiray-iyo-masuuliyiin-kale-oo-maanta-deeq-lacageed-gaadhsiiyey-qoyskii-iyo-agoontii-uu-ka-tagay-marxuun-maxamed-xuseen-faarax-fanax-oo-ka-mid-ahaa-saraakiisha-ciidanka
-
XX. His not dead. I liked alot of his past films aswell such as the first rush hour of 1998.
-
Somaliland:borama road constructions in full gear + PICS
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Good stuff. -
Warlord Cabdilahi Yusuf not safe in yemen he is going to flee once again
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
*ANWAR* His excellency former Pres. Millionaire Dollar Riyaale is in somewhere comfortable unlike Abdilahi yusuf. -
^^ That is hargeysa. I said Jigjiga - Ethiopia.
-
^^ You should be deported to Jigjiga prison.
-
Galgala Clan chief Axmed salax caynab assassinated in bosaaso
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;706639 wrote: Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa Boosaaso lagu toogtay News/Articles Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee Boosaaso (SPR): Waxaa maanta toogasho gaadma ah lagu dilay Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Puntland gaar ahaana kasoo jeeda Degmada Galgala ee gobolka Bari Nabadoon Axmed Saalax Ceynab. Axmed Saalax Ayaa ahaa nabadoonkii ugu horeeyey oo ka hadla markii ay ciidamada Puntland galeen magaalada Galgala isla markaana taageera. Waxaa todobaad ka hor miina lala beegsaday Nabadoon Xuseen Gurxan oo kasoo jeeda isna degmada Galgala isagoo dhaawac halkaasi kasoo gaarey, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku nafwaaye. Nabadoon Axmed Saalax wiil uu dhalay ayaa ah saraakiisha sarsare ee ciidamada PIS'ta isla markaana qeyb kamid ah gobolka Bari heysta. Arintan ayaa waxaa ay dadka qaar ay u badinayaan in ay dilka ka dambeeyaan ciidamadii buurta ka dagaalamayay Galgala ee isla markaana la dagaalamayay Puntland. Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga dadka kasoo jeeda Galbeedka Bari ayaa maalmahan ka bilowdey gobolka xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo mudadii labadii bilood lasoo dhaafey dhowr qof lagu toogtey. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi oo aan wali cid loo heyn. AUN. -
Nothing new The daily star is a racist newspaper that mostly fabricates things against immigrants and tries to put blame on them.
-
Galgala Clan chief Axmed salax caynab assassinated in bosaaso
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
D/P. -
War ma maqiiqansayn ee i didn't know it was posted before. Just scrolled down to the bottom page topics seems Haji Xandjuf already posted it.
-
I didn't know it was posted already. Anyways AUN to the elder.
-
Warlord Cabdilahi Yusuf not safe in yemen he is going to flee once again
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Poor warlord. -
Al Shabaab oo Saaka la Wareegay Tuulada Mareeg ee Degmada Ceeldheer Iyo Odayaasha Deegaanka oo Fariin U Diray Ceeldheer (RBC Radio):-Xaaladda degmada Ceedheer gobalka G/gaduud iyo deegaanada ku xeeran ayaa saaka degan kadib dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku dhaxmaray dhinacyo is diidan. Wararka nagasoo gaaraya Ceeldheer ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Al Shabaab ee shalay magaalada qabsaday ay saaka aroortii horay dagaal la’aan lawareegeen Tuulada Mareeg ee dhacda Xeebta. Dad goob joogayaal ah ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in Tuulada Mareeg oo Dekad macmal ah leh ay saaka galeen ciidanka Al Shabaab oo ku hubaysnaa 6 gaari oo nuuca dagaalka ah. Tuulada Mareeg oo ay ku taal Dekad Macmal ah ayay Shabaabku gudaha ugaleen lamana oga in ay fariisin ka dhiga doonaan iyo in ay dib ugasoo bixi doonaan, Mareeg aya ah goob Istiraatiiji ah waxaana Hubka loogasoo dejin jiray ciidankii deegaanka ee Ahlusuna taageersanaa. Dhinaca kale Saraakiil Shabaab katirsan iyo Odayaasha deegaanka ayaa shalay gelinkii dambe wadahadal ku yeeshay Garoonka Ceeldheere waxaana lasoo sheegayaa in kulankaasi looga hadlay sidii loo bad baadin lahaa dadka deegaanka iyo Hantida shacabka. Odayaasha deegaanka Ceeldheer waxay Yuusuf Kaba Kudukade ka codsadeen in aan labiliqaysan hantida ganacsatada iyadoo la adeegsanaya Erayga “Murtad” oo ay shababaku ku caan bexeen adeegsigooda xiliyada dagaalka. Ilaa hada wax Bililiqo ah kama aysan dhicin Ceeldheer , Bililiqa la’aanta Ceeldheer  waxaa u sabab ah saraakiisha shabaabka ee Ceeldheer qabsaday oo qaabiil ahaan deegaanka kasoo jeeda waxaana kamid ah saraakiishaasi Yuusuf Kaba Kudukade iyo Xasan Wiif. Al Shabaab ayaa horay u Biliqaystay magaalada Jowhar xiligaas oo ay dagaal uga qabsadeen ciidamo taageersanaa dowlada Federaalka KMG ah Somaliya waxaana xiligaasi laqaatay wax walba oo waxtar lahaa.
-
There is a book written about "Elmi Boodheeri & Hodan Walanwal" it's called The Epic Love of Elmi Boodheri i posted here before in SOL http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/11983-The-Story-The-Epic-Love-of-Elmi-Boodheri .