Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Puntland is the number 1 abuser of minorities. In Somaliland they have representives even in the presidential place. http://www.galgalanews.com/?p=5632 Faallo: – Puntland Iyo Beesha G*b**ye Maxaa Kala Haysta???. Ujeedada Puntland Ay Ka Leedahay Weerarka Beesha G*b**ye. Dowlada puntland oo sanadihii ,bilihii,asbuucyadii iyo maalmihii u danbeeyey dhex dhexaadin aan xaqiiqada ku salaysnayn ka dhex waday beelaha g/bari ee isku dhamaaday ayaa iska dhigaysa inay wax hagaajinayso iyadoo mid hoosta ku wadata,taas oo macnehedu yahay inay sii huri nayso dhibaatada beelaha g/bari, waayo g/bari ama puntland beelaha degaa waa in is taqaan iyo in wada dhalatay ama is dhashay dhibaaatooyinka dhx yaallaa maxay dowladihii hore uu dh mari wayday waa su’aal is waydiin mudan qofkasta oo caqli lehna uu garan karo. Sida la ogyahay umadaha gabooye waa umadii loogu yimid dhulka somalia oo dhan waxaana taas qiraya taariikhyahanada somaliyeed ama kuwa caalamkaba, waxay ka mid ahaayeen saldanadii qaddaafi ee libya waxay kaloo taariikh ahaan ahaayeen dadkii waqtiyo hore talada dalka la waydiin jiray , hase yeeshee is bedel aan wali laga daba tagin ayaa dhacay iyadoona beelaha kale ee somalidu ay raadiyeen inay gabooye cagta hoosteeda galiyaan taasi waa ay hagaagi la’dahay illaa maanta waxaana jira dhaq dhaqaaq baaxad leh oo beelaha gabooye ay ku soo kabanayaan oo caalamka ka socda. Gabooye in somalia iyaga loogu yimi waxaa kuu xaqiijinaysa waxay deegaan ku yihiin 18-ka gobol ee dalkan somalia magaalo kasta oo aad tagto waa habeenkii xalay ahaa oo tagay in laga waayo beelaha gab**ye waxaana taasi oo aan been ahayn balse xaqiiqada ku salaysan. Hadaba dowlada puntland maxay tahay sababta ay u weerartay beelaha gabooye ee gobolka bari , ma waxay doonaysaa inay ku darto beelaha ay weerarka ku tahay,ma waxay doonaysaa inay dhagar qabayaal ka dhigto bacdamaa ay yihiin beesha kaliya ee ka nadiifsan dhibaatada dhex taala somalia, mise waxay doonaysaa inay dhaqaale ka samayso??? Su’aalahaan ayaa waxaa looga jawaabi karaa , puntland gabooye waxay ka damacsantahay inay ka dhigto dhagar qabayaal, oo ay yeeshaan kuwo dadka laaya kuwo dadka qarxiya iyo kuwo dhibaatada ka shaqeeya si ay miisaan ahaan ula mid noqdaan beelaha kale ee soomalida marka laga hadlayo beelaha gabooye ee degen puntland. Maxay Puntland Kaga Duwantahay Somaliland Marka Laga Hadlayo Qaabka Ay Ula Dhaqmaan Somalidu Beelaha G*b**ye. Iyadoo dhaqanka somalidu kula dhaqmaan beelaha gabooye uu kala duwan yahay isla markaana laga hor istaagay inay talada dalka iyo xasilinta dalka qayb ka ahaadaan ayaa waxaa muuqatta in la tabay maqnaanshaha beelaha gabooye ay ka maqan yihiin saaxafad siyaasadda somalia isla markaana haddii ay siyaasadda kaalin lixaad leh ku lahaan lahaayeen sidii dowladihii hore uu ay macquul tahay in dalku hagaago bacdamaa ay yihiin dadkii dalka logu yimi. Taariikh badan inagoon faaqidin balse taariikhdu aysan qarsoonayn puntland iyo somaliland farqi weyn ayaa u dhexeeya marka laga hadlayo ka qayb galinta siyaasadda beelaha gab**ye, inkastoo beesha **** ee somaliland ay laftoodu dhibaateeyaan beelaha gabooye balse sanadihii udanbeeyey uu arintaasi is bedel ka muuqanayay. Siilaanyo oo ah madaxweynaha somaliland dhowaan ayuu magcaabay la taliyaha madaxtooyada somaliland e beelaha gab**ye si wax looga bedelo nolosha dadkaasi talada somali land-na ay wa ugu yeeshaan taasi oo si weyn u dhiiri galinaysa in somali land ay hesho madax banaanida ay raadinayso bacdamaa ay arin dimuqraadiyada ku salaysan ay fulisay waxaana arintaasi islamarkiiba taageeray beesha caalamka. Puntland dhankeeda iska daa inay xubin u magcowdee waxayba biwloday inay guryohooda ugu dhacdo oo ay weeraro ugu gaysato , iyadoona xalay ciidanka afdalow ay soo xidh xidheen dhalinyaro iyo culimo caan ka ah bosaso oo beesha gabooye ka tirsan. C/laahi Aadan dhuguf oo ah nin dhalinyaro ah isla markaana arday ah kana shaqeeya shaqada dareewalnimada ayaa isagoo ku sugan masjid ku yaalla goobtii lagu dilay Cismaan Axmed Cismaan (Qarawo) ay garabka ka haleeshay xabad kamid ah xabadihii ay soo rideen ragii dilkaasi gaystay iyagoo isla markiina meesha ka carary. Wax yar ka dib waxaa weerar caddaan ah oo aan geedna loogu soo gaban soo qaaday afdalow iyadoo ciidankiisu ay jirdil u gaysteen c/laahi aadan dhuguf oo dhaawac ahaa iyo dhalinyaro kale oo ku qayilaysay dilku meesha uu ka dhacay meel ka ag dhow waxaana ciidanka afdalow ay kaxaysteen dad gaadhaya ilaa 20-qof oo ratid ah kana mid ah beesha gabooye. Hadal hayna bosaso ee dilka Cismaan Axmed Cismaan (Qarawo) ayaa waxaa ay sheegaysaa in lagu tuhunsanyahay beesha cali saleebaan bacdamaa cali saleebaan iyo ugaadh salebaan oo uu Cismaan Axmed Cismaan (Qarawo) ka dhashay colaadi ay dhex taallo taasi oo noqon karta arin loo qaateen ah bacdamaa aanooyinkii ay bateen. C/raxmaan Yaasiin Jamac oo ka mid ah culimada bosaso si weyna looga yaqaano isla markaana tafsiirka qur’aanka ka mariya mid ka mid ah masaajida bosaso ayaa sidoo kale afdalow iyo ciidan uu horkacayo ay ku weerareen gurgiisa oo ku yaalla xaafadda laanta hawada xilli danbe oo ku beegnayd 02:30am ee danbe iyagoona baadhay dhamaanba gurigiisa isla markaana si un dhibaato ugu gaystay soona kaxaystay iyagoon u caddayn sababta loo xidhayo waxaana taasi uu uga dhowaanayaa in gab**ye uu yahay dad sidii la doono laga yeeli karo balse taasi laysaga daba iman doono. C/laahi Aadan dhuguf ayaa isagana isagoo dhaawac ah oo dhiigu qubanayo la geeyay saldhiga badhtamaha ee bosaso isagoona afdalow markuu intaas fuliyay lugaha isa saartay oo sheegay in baaadhitaan lagu samayn doono. Waxaa kaloo jira in 18-qof oo kale oo beesha ka tirsan oo ay ka mid yihiin ninka dhaawacan ee ardayga ah iyo shiikh craxmaan ay iyaguna ku xidhanyihiin saldhiga bosaso iyadoona ilaa iyo hada aaan wax baadhitaan ah lagu samayn balse sidii adhi lasoo xidhay oo kale ay xerada saldhiga badhtamaha ku jiraan. Odayaasha beelaha gab**ye ee bosaso ayaa maanta ku guulaystay inay C/laahi Aadan dhuguf oo dhaawac ah ula cararaan dhakhtarka bosaso si loo dabiibo xaaaladdiia caafimaadna loo soo cesho waxayna sheegeen inaysan raalli ka ahayn kana ahaan doonin sida loo dhibaateeyey beelaha gabooye oo aan waxba iyagu galabsan arintana si weyn u dareemay bacdamaa aysan ahayd dad aan dhibaatada ka shaqayn balse danohooda kale ku mashquulsan inta badan. Mowqifka Odayaasha Beelaha Gab**ye Ee Dhac dadan. odayaasha beelaha gabooye oo aan kala hadhin ayaa hal meel uga soo wada jeestay dhacdadan iyagoona tilmaamay inay la gudhin doonaan afdalow rabitaanka uu ku doonayo inuu ku dhibaateeyo , waxay kaloo sheegeen in mowqif ahaan ay raali k ayihiin in cid kasta oo beelaha gabooye ka mid ah haddii looga shakiyo waxyaalo amniga dhibaato ku ah in baadhitaaan lagu sameeyo si loo ogaado xaqiiqada jirta. Waxayse odayaashu sheegeen in aysan raalli ka ahayn weererka qaawan ee aan geedna loogu soo gabban ee dowlada puntland ay beesha gabooye ku soo qaaday ayna ka qaadan doonaan tallaabada kala gudboon arrintaasi, waxay kaloo odayaashu hadalkooda ku soo gaba gabeeyeen in beelaha gabooye ay tahay beel (Colaadna Taqaana , Nabadna Taqaanna) Si kastab ha ahaatee shacabka kala duwan ee bosaso ku nool ayaa iyaguna si weyn ugu dhaliilay Puntland arrintaan isla markaana sheegay in ay puntland ku kacday tallaabo xuquuqda aadamiga ka dhan ah ayna kula talinayaan inay ka firsadaan dhibaataynta beelaha gab**ye. Geedi Cali Geedi GalGala-news-Bosaso
  2. Naxar Nugaaleed;764095 wrote: Now if we could only find a way to offend Burco West or East, the mission will be complete kkkkk what a loser and people wonder why Somalia has failed. His here a kid in the west dreaming about creating problems between brothers.
  3. Boosaaso [RBC Radio]Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta deeq ka koobanbaabuur dayactir ku sameynaya Wadooyinka deegaanada Puntland ku wareejisay Dawladda Puntland mas’uuliyiin ka socday. Deeqdan ayaa Dawladda Puntland waxaa soo gaarsiiyey Puntland Wefdi ka socday DKMG ah ee Soomaaliya oo shalay soo gaaray gudaha magaalada Boosaaso, waxaama deeqdu ay ka kooban tahay Cagaf-cagafyo iyo kuwa kale. Wasiiru Dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Siciid Maxamed Qoorsheel oo wefdiga hoggaaminayey oo Saxaafadda kula hadlay gudaha degkadda Bosaso ayaa sheegay in Deeqdan ay ka timid DKMG ah taas oo loogu talagalay in ay kaga qeyb-qaadato horumarka Puntland. Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka ee Puntland Injineer Xasan Cismaan Cali ayaa isna sheegay in qalabkan ay soo gaarsiisay DKMG ah uu yahay mid waxtar weyn u leh dhismaha Wadooyinka Puntland gaar ahaana Garoowe iyo Gaalkacyo oo aad u burbursan. Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa uga mahadcelisyey Wefdigii DKMG ah ka socday ee deeqda gaadiidka ah soo gaarsiiyey Puntland,wuxuuna xusay in xirriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo laba dhinac. Wasiirka amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in ay ka gudoomeen DKMG ah deeqda ayna uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee ay uga qeyb-qaadaneyso arrimaha bulshada. Dhanka kale Wefdigii ka socday Dawladda KMG ah ee Soomaaliya uuna hoggaaminayey Wasiiru Dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dawladda KMG ah Siciid Maxamed Qoorsheel ayaa Kormeer ku tagay meeshii uu ku yaalay Suuqii basbeelay ee Boosaaso,waxaana Indho-Indheyn kusoo sameeyeen qeybaha kala duwan ee u Suuqu ka koobnaan Jiray. Wasiiru Dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dawladda KMG ah Siciid Maxamed Qoorsheel oo bartamaha Suuqa kula hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka Tacsiyeynayaan dhibaatada ku timid ganacsatadii hantidooda ku waayey Suuqa isagoona xusay in dalalka deeqaha bixiya ay u bandhigayaan si wax loogu qabto dadkii dhibaatadu kasoo gaartay. Gabagabadii ayaa Wasiiru Dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dawladda KMG ah Siciid Maxamed Qoorsheel waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxda Dawladda KMG ah u gudbin doonaan khasaaraha baaxada leh ee Suuqa iyo Ganacsatadii ku ganacsan jirtay soo gaartay. Si kastaba deeqdan ka timid DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo gaaray deegaanada Puntland Shalay,kuwaas oo kasoo kici timay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana intii ay ku sugnaayeen kulamo la qaateen madaxda Dawladda Puntland. Cismaan Turaabi RBC Radio Boosaaso http://www.raxanreeb.com/?p=121935
  4. Carafaat;763767 wrote: NSUM only cares about Somaliland. What Mahiga and other UN officials have done in Somalia or Moqdisho they dont care. Quite ironic for those pretending to care about Somalia.
  5. Somaliland Enemies Are Behind Saameel Massacre This week enemies of Somaliland has plotted an attempt to disturb the security of Somaliland western regions, where three people were murdered in cold blood inside their homes of Saameel town of Baki district in AWDAL Region of Somaliland. The enemies who infiltrated the country across Somaliland-Ethiopian border were members of armed terrorist groups ONLF, Al-Shabab and Itahad Al-Islamiya. The killing aimed to put insult to an old injuries between the tribes of the area. The tribesmen solved old differences in brotherly manner with the support of Somaliland government, where the Vice President of Somaliland Abdurrahman Saylici was present at the reconciliation meeting. There are traditional links between the tribes of the region, which is located between Gabiley and AWDAL including widespread intermarriage. After recent Somaliland´s progress in development and foreign policy, the enemies are trying all possible ways to trigger tribal violence in Somaliland, in order to stonewall Somaliland cause of independence by creating instability. The Kulmiye led government has produced effective results in very short period of time, which attracted the international community including UN Representative for Somaliland and Somalia Mr. Augustina Mahiga who called for diplomatic recognition to Somaliland. The aforesaid terror groups failed to break through the strong Somaliland security system, because, Somaliland took serious security measures after 2008 terrorist suicide bombing in Hargiesa. However the terrorist changed their approach and now trying to trigger tribal violence to downgrade the hard-earned stability of Somaliland…. But they will fail too. In Somaliland culture, the tribes fight and misunderstandings end through talks and negotiations. It is uncommon for the Somaliland tribes to kill families or children, where in the current violence at Saameel town, three members of single family is been killed in cold-blood, which illustrates foreign hands in action. The elected President of Somaliland Mr. Ahmed Siilaanyo issued an immediate order to capture the traitors who were behind the murder. The Parliament, House of Elders, Cabinet, and Chief Tribes supported the president´s order and soon the criminals will be brought to justice. This is the time for all Somalilanders (AWDAL to SOOL) to hold their hands together because it is difficult time and enemies are trying to destabilize the country. All parts of the community including tribesmen and chief tribes should cooperate with the security officers to arrest criminals. There are mutual cooperation between Somaliland and Ethiopian Forces and killers will not be save even if they cross the border into Ethiopia. Abdulaziz Al-Mutairi
  6. Mash'Allah Somaliland skies is beautiful at night.
  7. Ethiopian Gen. slaps Somalia President Fri, 22 Feb 2008 16:20:44 Somalia's interim President Abdullahi Yusuf Ahmed has been slapped by Ethiopian General Gabre twice on the face, officials say. The row between President Yusuf Ahmed and Gen. Heard started after the president accused the army general of disobeying the orders given by the Somali government, a Somali official, speaking on condition of anonymity, told the Press TV correspondent in Mogadishu. Irked by the Somali President's remarks, who accused the Ethiopian troops of firing artillery at the Presidential Palace and the government bases, the army general slapped the Somali president on the face. The angry general then swore that he would kill the president and left the room. Following the quarrel, the president called Amison peace keeping troops for security. There is speculation that a conflict could arise between the African Union Mission in Somalia (Amison) and Ethiopian troops. Gen. Gabre has his supporters in the government, including Mogadishu Mayor Mohamed Omar Habeeb and head of the security agency Mohamed Warsamme Darwiish. MRD/RE
  8. Jacaylbaro;763224 wrote: He knows it is for Somalia dee not Somaliland ,,,
  9. Somaliland Football National Tournament updates. Saalax;763171 wrote: Ciyaartii Afraad Ee Tartanka Gobolada Dalka Oo Maanta Dhex Martay Gobolada Gabiley Iyo Saaxil Oo Ku Soo Gabogabowday Barbar-Dhac 1:1 Ah. Burco (Ramaas) Dec 4,2011 – Ciyaartii afraad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socda Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo ay maanta wada ciyaarayeen Gobolada Gabiley iyo Saaxil ayaa ku soo gabogabowday barbar dhac 1:1 ah. Ciyaartan oo ahayd ciyaar labada kooxoodba uu ka muuqday diyaar-garow aad u heer-sareeya ayaa waxa ay labadooduba soo bandhigeen ciyaar weerar iyo weerar celis ah oo markii hore la isla dhaafi waayey 0:0, balse kooxda gobolka Gabiey ayaa markii ciyaartu muddo socotay dhashatay goolkooda, iyadda oo taageeraasha gobolka Gabiley ay ku qaabileen dabaal-deg iyo sawaxan ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin goolkooda. Balse, debaal-dega taageerayaasha iyo kooxda Gobolka Gabilay ma sii waarin, balse markii haafkii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda gobolka Saaxil la soo galeen garoonka dardar aad u heer-saraysa, waxayna cidhiidhi galiyeen kooxda gobolka Gabiley, waxaana kooxda Saaxil u suurto-gashay inay gabogabadii ciyaarta dhalinyaan goolka barbar dhaca. Ciyaartan labada kooxood wada ciyaareen oo daawashadeeda ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo iskaga kala yimid daafaha Magaaladda Burco iyo waliba Magaalooyinka Gaboley iyo Berbera isla-markaana dadku kala socdeen telefiisnada qaarkood iyo Idaacadda Radio Hargeysa ayaa waxa ay noqonaysaa ciyaartii ugu dambeysay ee wareega hore ee tartanka. Dhinaca kale, tartankan ciyaarta kubada cagta ee gobolada Somaliland ayaa waxa si mugle uga qayb-qaadanaya ciidanka booliska Magaaladda Burco oo si habsami ah isha uga haya amaanka guud ee garoonka iyo taageerayaashaba. Ramaasnews Desk Hargeysa
  10. Egypt & Ethiopia relations improving = bad for ONLF as they hoped the two nations would go direct war with each other over the nile.
  11. Xaklatoosiye. "Halaga Digtoonaado Shirqoolka Khatuumo laan2" (Video.) http://taleex.net/2011/12/03/kooxda-xaglatoosiye-halaga-tigtoonaado-qorshayaasha-shirqool-ee-khaatumo2-video
  12. Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inaanay Ka Qayb Galayn Shir Lagu Qabanayo Magaaladda London Kaas Oo Lagu Hashiisiinayo Kooxaha Somaliya. “Waxa jirra shir magaalada London lagu qabanayo oo lagu heshiisiinayo kooxaha Soomaaliya, shirkaasina ma aha mid khuseeya Somaliland”. Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Hargeysa (GNS) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inaanay Xukuumadda Somaliland ka qeyb gali doonin shir ay dawlada Ingiriisku u qabanayso kooxaha Soomaaliya Bisha December ee fooda inagu soo haysa. Sidaas waxa uu Wasiirku ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka, waxana uu wasiirku tilmaamay in shirka lagu qabanayo Magaaladda London uu yahay mid dib u hashisiinayd, siddaas awgeedna aanuu khusayn ayuu yidhi Wasiirku Somaliland, isaga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Waxa jirra shir magaalada London lagu qabanayo oo lagu heshiisiinayo kooxaha Soomaaliya, shirkaasina ma aha mid khuseeya Somaliland”. Shirkan ayaa ah mid ku saabsan Dib u hashiisiinta Somaliya, waxana loo qabanayaa Kooxaha kala duwan ee Dalka Somaliya, waxana shirkan lagu sheegay mid dib u haashiisiinayd, taas oo lagu dhexdhexaadin doono qaybaha kala duwan ee Dalka Somaliya. . http://www.gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=19732&permission=1&audioFile=
  13. OdaySomali;762991 wrote: Whose the ethiopian looking guy in the checkered suite ? I think Ethiopian Ambassador to Somaliland.
  14. :cool: Saalax;761999 wrote: Dhalashadeenu waa Somaliland.
  15. Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Galaya Maalintii labaad Awdal VS Sool Kala Soco ToggaHerer. Burco/ ToggaHerer 02 Dec 2011 Waxa goor dhaw kuna Beegan Bacdal Salaada Casar ee Wakhtiga Geeska Afrika ka Bilaabmaya Ciyaarta Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Ka socoda Garoonka Alamzey Stadium ee Burco. Group B Awdal VS Sool Tartanka oo Ah Ciyaartii Labaad ayaa waxa Fooda isku Daraya Gobolada Awdal VS Sool oo ka wada Tirsan Group B. Tartanka ayaa Galaya Maalintisii Labaad Waxana la saadalin Karin Xulka ugu fir Fircoon labada Gobo lee Maanta Wada Dheelaya. Hase yeeshe waxa ay wax waliba ku xidhnaan doonaan Ciyaartoyga ay soo safaan Labada Gobol iyo Shaxda Tababrayaashu soo dhigaan…. Akhyaarta ku xidhan Shabakadda ToggaHerer waxanu la socod siinaynaa in aad kala socon doontaan Shabakadda ToggaHerer halka ay kolba wax marayaan iyo Natiijada ka soo baxada Ciyaarta…. Warqabadka ToggaHerer Burco Somaliland
  16. Xaklotoosiye iyo Kooxdiisii oo Qaadacay Mashruuca Galaydh ee Khaatumo laan 2. http://taleex.net/2011/12/01/xaglatoosiye-iyo-kooxdiisii-oo-qaadacay-masharuuca-galaydh-ee-khaatumo2
  17. DJIBOUTI(SomalilandPress)—Djibouti’s Director of Water Agency Mr. Yusuf Mirphani Barkat meets with Ibrahim Ziyad Yonis Managing Director of Hargeisa Water Agency to discuss ways and means to lay the foundations for a successful partnership in the control of a smooth management of the vital resources between the two countries. Mr. Ibrahim Ziyad Yonis was part of the delegation that was with Somaliland President Ahmed Silaanyo’s visit to Djibouti last week. Both Mr.Barkat and Mr. Yonis talk about how Djibouti’s expertise of water management and distribution of water can help Somaliland. Director Ibrahim Yonis thanked his counterpart for Djibouti’s help with rebuilding Somaliland’s water structure that only covers the capital of Hargeisa. Director of Djibouti’s Water Agency Mr. Yusuf Barkat expressed his desire to establish an exchange program of expertise with Hargeisa Water Agency as he said “Djibouti and Somaliland are neighbors who have a lot of things in common and therefore it is important that we have an ongoing collaboration and partnership in the interest of our people and nations”. The meeting between Mr. Barkat and Mr. Yonis was a good opportunity for water professionals from both countries to discuss ways and means to lay the foundations for a successful partnership in the control of smooth. http://somalilandpress.com/somaliland-and-djibouti-discuss-management-of-water-resources-24736
  18. Ismadii Puntland oo u Digo Rogtay Hargaysa Suldaan Af-Guduud oo Gaadhay Somaliland Suldan C/casiis Maxamuud Af-Guduud oo ka mid ahaa Isimadii ugu Fir Fircoonaan dhulka Puntland ayaa Gaadhay Magaalada Hargaysa waxana uu Safarkiisa ku sheegay inuu yahay mid degenaansho uu ka helay Somaliland iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Isimada Puntland qaarkood. Af-Guduud ayaa Tibaaxay in Somaliland Gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo Mudo xidhiidh wanaagsan lalahaa Isimada PL isla markaana ay Saldhig ka dhigandoonaan Somaliland inta Faroole xilka ka degayo oo wax Yari u hadhsanyihiin. “Anigu xil ma Soo Raadsan Shacabka Somaliland iyo Shacabka Puntland wax Xurgufa oo dhex taala ma Jirto wixii la siyaasadaynayo waa Meeshiida aniga Madaxwayne Siilaanyo iyo Golaha wasiirada qaarkood baa Gogol Noo Fidiyay sidaasi baan Hargaysa ku soo Gaadhay waxaan Jeclaan Lahaa in Somaliland uga Mahadceliyo dadaalkeeda ay ku Gaadhay Nabad”Ayuu Yiri Af-Guduud oo Wargaysa Madaxa-banaan ee Somaliland u Waramayay. Suldaanka Somaliland u soo Dega rogtay waxa la waydiiyay Waxa uu Deegaankaasi Puntland uga Yimi madaama ay Madaxwayne Faroole isku Beel Yihiin” Adeer anigu Shakhi ahaan waxaan arkay wax ka taagan Puntland Faroole waa nin Madaxa adag oo Kaligiis Talis ah waana Qadaafihii Labaad Ninka saas ah Yaa La Noolaanaya Saxaafadii buu xidhay Isimadii buu xidhay xitaa Ganacsigii baa cidhiidhi Galay sidaasi baan Somaliland ugu soo Talaabay” Ayuu Yiri Af-Guduud. Suldaan C/casiis Af-Guduud waxa dhawaan xidhay Madaxwaynaha Pl ka dib markii uu Warbaahinta ka sheegay in Amaanka Bosaaso uu xumaaday xadhig dheer ka dib ayaa dib loo Fasaxay waxana ay Suldaankan Walaalo Yihiin Taliyihii Booliska Puntland ee Wakhtigii Gen Cade Muuse C/saaq Af-Guduud kaasi oo ahaa nin Si wayn Looga Yaqaan G.Bari. GalGalanews.com http://www.galgalanews.com/?p=6362
  19. Burco is playing on the name of Togdheer because it's the regional capital of Togdheer.
  20. kkkk good game between Hargeysa and Burco i am waiting for Sanaag to play, Togdheer is my second favourite to win the tournament.