Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Friday, May 31st, 2013 at 08:49 am C/qaasim Salaad Xasan oo shacabka ku booriyey iney dowladda taageeraan si dhibka looga boxo,kana hadlay arimaha jubooyinka Qaahira(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya ay xalin karaan dadka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dalku uu xiligan ku tallaabsanayo horumar iyo ifafaalo nabadeed. C/qaasima Salaad Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan dowladooda,wuxuuna ammaanay tallaabooyinka ay qaaday dowladdu qaaday oo uu ku tilmaamay iney yihiin bilow wanaagsan oo mudan iney halkaa kasii wadaan masuuliyiinta dowladda hogaaminaya shacabkune ay ku gacan siiyaan dadaalkooda si ay u rumowdo in Soomaaliya laga saaro dhibaatada ay ku raagtay. Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in sida kaliya ee ay dadka Soomaaliyeed mar labaad ku walaaloobi karaan ay tahay in la isku keeno waxgaradka Soomaaliyeed si ay uga xaajoodaan waxyaabihii ummadda kala gaaray 22-kii sano ee ugu danbeeyey iyo ka hor burburkii dowladdii Jaalle Maxamed Siyaas Barre. “waxaa loo baahan yahay in la iskugu yeero cuqaasha iyo waxgadarka ummadda Soomaaliyeed si ay uga wada xaajoodaan dhibaatooyinkii kala gaaray dadka Soomaaliyeed,si ay ummadda heshiis dhab ah u dhex-dhigaan,waana in laga xisaabtamaa wixii la isgaarsiiyey shacabkane loo kala celiyaa hantida ma guurtada ah,isla markaane laga heshiiyaa dhibaatooyinkii la isgaarsiiyey,la iskane cafiyaa wixii dhibaato ah ee la isku geystay,si loosoo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Jubooyinka Madaxweyne C/qaasim Salaad oo ka hadlayey arimaha Jubooyinka ayaa sheegay in goboladaasi ay yihiin gobolo Soomaaliyeed isla markaane ay wada leeyihiin Soomaalidu balse wuxuu si gaara u xusay in codka iyo go’aanka aayo katalinta goboladaas ay xaq u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka u dhashay. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku mideysan yihiin dhammaan bulshada goboladaas isla markaane ay ay raali ka wada yihiin oo ay iyagu doorteen ,kuna yimi rabitaankooda. Wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay ku lahaato shirkaas doorkeeda dowladnimo,maadaama ay iyadu dalka dowlad u tahay,wuxuuna sheegay iney habboon tahay in dowladda ay wax ka ogtahay dhisida maamulkaas si ay u siiso taageerada uu u baahan yahay oo dhaqaaluhu uu kow ka yahay. Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu danbeyntii alshabaab ugu baaqay iney xabbada joojiyaan isla markaane ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna ka waantoobaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay faragalinta ay dalka ku hayaan dowladaha dariska,wuxuuna alshabaab ugu yeeray iney dagaalka Joojiyaan si aysan dalalka derisku u helin marmarsiiyo ay kusii joogaan dalka isla markaane ay kusii wadaan faragalinta qaawan ee ay dalka ka wadaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho http://www.raxanreeb.com/2013/05/cqaasim-salaad-xasan-oo-shacabka-ku-booriyey-iney-dowladda-taageeraan-si-dhibka-looga-boxokana-hadlay-arimaha-jubooyinka/
  2. SOO MAAL The Hogaagane raid was purely led by Somalis, especially Haji Warsame Buraale who was known as Haji the Hyena another cousin of Igare. Igare raid was different, he was leading 450 Somali rifle men and took with him 5,000 local tribesmen to loot the Dervish, it happened before 1921. The British did bomb Taleex, but no one is claiming that. We are talking about raids led by Somalis. "A remarkable somali , Risaaldr Major Haji Musa Farah led a Somali army of 450 rifles a hundred mile across the Waterless Haud, picking up some five thousand local tribesmen on his way, attacking the Dervish camps and capturing several thousand camels and Sheep. This triumph was a blow to the sayyid, as his forces moved always with their families and depended on their livestock meat and milk."
  3. Whether he looks Bantu or not, nin rag ah bu aha. He did a number on Khaatumo folks and the Mad Mullah. Haji Musa Farah(Igare) ha noolaado. There is schools and towns named after him in Somaliland.
  4. He is already in Nairobi.
  5. Why is Hassan Sheikh Mohamud always sweating in Amin's cartoons? Ma dhidiid ba waxas mise cadcad.
  6. My point is simple. You don't have to be on the defensive from someone whose whole Sultan was a British lackey that was shipped to Seychelles of our Xiinfaniin here. Just remind them many of them were British lackies and if historic sources dating to the 19th -20th century are needed , it shall be posted. All in all, be on the offensive not defensive.
  7. You were talking about your group but you lack knowledge of who was lackey in regards to others. Many Khaatumo and Maakhir groups Were British lackies , including their Sultans. The most preferred Ilalos/Guards and Spies of the British were from Khaatumo.
  8. Wadani I am disappointed in you niyohow Why would you let someone whose whole Sultan was a British lackey try lLecture you about this history? Sultan Mohamud Ali Shire, the supreme Sultan of the Makhir group at that time Who invited the British to Laas Qoray for protection since the Dervish movement nearly annihilated the people there. After the British couldn't find no use for him anymore they discharged him and imprisoned him with Shackles, shipping him to the Seychelles, where some of his grandchildren are there today, some are not even Muslims anymore. Mohamud Ali Shire receiving the medal of Lackey from the Queen.
  9. Wadani not only that but many more, the raids inflicted on the Khaatumo clan were written in British history archives. Haji Musa Farab ISO also known Igare of the western Burco community causing a devastating raid on Khaatumos and the Mad Mullah. Looting thousands of livestock. ;98 wrote: "A remarkable somali , Risaaldr Major Haji Musa Farah led a Somali army of 450 rifles a hundred mile across the Waterless Haud, picking up some five thousand local tribesmen on his way, attacking the Dervish camps and capturing several thousand camels and Sheep. This triumph was a blow to the sayyid, as his forces moved always with their families and depended on their livestock meat and milk." . Book:Heart of a Stranger.
  10. Weaker clan? Is that why Oodweyne's people looted thousands of Khaatumo camels in the battle of Hogaagane and even allegedly Women? or perhaps when Igare took their livestock with many of his Burco kins in the Haud.
  11. Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somaliland. Adisababa(Ramaasnews) May 31,2013-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland. Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro yar) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya. waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala ah, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo iyo qalabeyntooda, iyadoo dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur, shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho” Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada culculus, ciidan gaarana loo tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidanka SPU-da loo keenay oo la siin doonaa lix Baabuur”. Ayuu yidhi. Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey. Mar la weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa, waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh”. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somaliland, waxa uu yidhi“Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland” Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn. Ramaasnews Hargeysa Desk http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Dawlada-Ingiriiska-Oo-Ka-Noqotay-Digniintii-Ay-Uga-Digeen-Muwaadiniintoodu-In-Ay-U-Safraan-Somaliland.html
  12. What the hell are the triangle cities? Bermuda triangle? We settle in Sool and Sanaag as well.
  13. Allssc.com Kismaayo, sida ay inoo xaqiijiyeen sarakiil katirsan dawlada juba-land ciidamada ilaalada xeebaha ee magaalada Kismaayo ayaa werar ku qaaday labo doon yood oo kuwa dheereya ah kuwaas oo kasoo shiracday magaalada Muqdisho, waxaana doomahas sida sarakiishu ay inoo sheegen saarna hub noocyo kala duwan lehciidamadena waxaa ay ka warhelen doomo hub sida oo kusoo foolaha magaalada Kismaayo waxaana ciidamadu oo ahaa kuwo wayadanba dhaqdhaqaaqyo ciidan kawaday dhanka xeebta ay ku guulaysteen in ay ogaadan so gali taanka biyaha juba-land ee doomahan waxaana ay ku garaceen madafc xili ay soo marayeen meel 25 mayl u jirta magaalada Kismaayo oo dhanka bada ah mid kamid ah ayaa goobta ku basbeshay ayuu hadalkiisa sii raciyay , waxaana uu sargaalkan hoosta ka xariiqay in ta labadna ay fara caaradod kaga baxsatay sida uu hadalka u higay, waxaa uu sheegayn in ay ka war hayan doonyo kale oo bada kusoo jira oo hubsida ayna ka hortagi doonan talabadan ay maanta qaaden ciidamada juba-land ayaa kusoo beegmaysa wax yar uun kadib digreeto kasoo baxday Madaxwaynaha juba-land taas oo lagu adkaynayo amaanka xeebaha juba-land iyo dhanka bariga si aysan u dhicin shaqaqoyin laga baqdin qabo, dhanka kale kulan ayaa waxaa uu caawa ku dhex marayaa magaalada Kismaayo labada masuul ee juba-land ugu sareya kaas oo ay kaga arin sanayaan xaaladaha dalka ka jira iyo qaabkii dawladan curdanka ah ay u wajahayso , waxaana lagu wadaa marka xubnaha wasiirada ah ee imika magaalada Kusugan ay laabtan in ay dhacdo xaflada caleema saarka madaxwaynaha juba-landwixii kusoo kordha xaaladaha juba-land waan idiin soo gudbin doona inshaa allah xafiiska wararka Kismaayo, Short URL: http://allssc.com/?p=64840
  14. Xaaji Xunjuf;956597 wrote: :D when your entire future is dependent on the Kikiyus this is what happens.
  15. MoonLight1 Loves the Kenyans too much, he nearly had a heart attack upon hearing they were ordered to leave.
  16. If Ugandans,Burundians, Kenyans etc go, who will liberate the rest of the Al shabab occupied south Somalia ? We know the Somalia Army is ineffective.
  17. Mogadishu refuses to share the aid it gets on the Somalia name with Puntland. I don't see why Puntland should share its resource with Mogadishu. You reap what you sow.
  18. One of the factors why the people of Mogadishu are violent and have been fighting over 22 years is there is high Manganese exposure in their areas.
  19. Three studies in the California prison system found those in prison for violent activity had significantly higher levels of hair manganese than controls(61,37), and studies of an area in Australia with much higher levels of violence as well as autopsies of several mass murderers also found high levels of manganese to be a common factor(37,134b,115a). Such violent behavior has long been known in those with high manganese exposure. http://www.flcv.com/violence.html
  20. Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay In Uu Saluugay Kana Tashanayo Ka Qaybgalka Shirka Turkiga Ee Bisha Soosocota U Bilamaya Somaliland Iyo Somalia Hargeisa(DNS)_Warar hoose oo Durdurnews ka soo gaadhaya Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxayan in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu ka fiirsanayo in xukuumadiisu ka qaybgasho shirka badhtamaha bisha soosocota dhexmari doona maamulka Madaxweyne Xasan Maxamudka Somaliya. Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu Saluugay habdhaqanka ugu dambeeyay iyo ereyada kasoo burqanaya Madaxweynaha Somaliya oo si wayn u weeraray Somaliland isla markaana jabiyay qodob ka mida qodobadii lagu kala saxeexday Dalka Turkiga oo ahayd in dhinacna ku dhaqaaqin wax xagal daacinaya kalsoonida iyo wadahadalka labada dhinac isla markaana laga fogaado afxumo iyo xaal abuur,Siilaanyo ayaa la sheegayaa in uu si wayn uga cadhooday hadalada Madaxweynaha Somaliya isla markaana uu hayo cadaymo dhaqdhaqaaq lagu go,doominayo Somaliland,sida la wareegida hawada Somaliya iyo cadaadis diplamaasiyadeed oo Somaliya ku hayso Somaliland. Madaxweynaha Somaliya oo cadaadis sii kordhayi ka haystaan golaha wakiilada Dawladiisa ayaa waxa aad moodaa in uu go,aansaday si uu u dabciyo mucaaradada gudaha in uu Somaliland si wayn u weeraro si uu mucaaridkiisa uga dhaadhiciyo inuusan dalka kala goynaynin. ilo warar dheerad aha aanu helayno ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ku jiro wada tashi balaadhan oo uu lalaeeyahay hawlwadeenadiisa lama oga xaqiiqda dhabta ah in Madaxweyne Siilaanyo go,aan rasmiya ka qaatay shirka Turkiga iyo inkale. May 26, 2013 DurdurNews http://durdurnews.com/Detail.php?id=763