Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Wasiir kuxigeenka wasaarad gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya Korneel Maxamed Cali Catoosh ayaa waxa uu sheegay inay si nabadgelyo ah kusoo gaareen maanta magaalada Baydhabo isaga oo sheegay in si weyn loogusoo dhaweeyay halkaas. Korneel Maxamed Cali Catoosh oo u waramayay idaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in magaalada uu xaalkeedu wanaagsanyahay islamarkaasna ay dadkii horay uga barakacay magaalada dib ugusoo laabanayaan isaga oo sheegay in lagu guda jiro xiligii beero goosashada oo ay dad badanina kumashquulsanyihiin arinkaas. Korneel Maxamed Cali Catoosh, wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu qayb ka ahaa wefdi ballaaran oo uu hogaaminayay gudoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wefdiga maanta magaalada Baydhabo gaaray ayaa waxa ay wadahadalo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka gobolka iyo kan degmada, saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa dowlada Itoobiya. Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan dadaalo la damacsanyahay in la mideeyo fikirka siyaasiyiinta qowmiyada YYYYY iyo XXXXXx islamarkaasna la dhiso maamulgoboleed ka arimiya gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya si ay ula jaan qaadaan maamulada kale ee kajira dalka Soomaaliya. Source : baidobamedia
  2. lol@Sakin being a puppet for a Somali. -------- Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tagay Baydhabo, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen xubnaha maamulka gobolka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka. Shariif Xasan iyo shir jaraa'id qabtay markii lagu soo dhaweeyay Baydhabo ayaa wuxuu ciidamada Itoobiya kaga mahadceliyay gacantii ay ka geysteen in laga saaro Baydhabo xoogagii Al-shabaab. Markii diyaaradihii waday Shariif Xasan ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa qadar kooban la jaray isgaarsiinta sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Baydhabo. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxay kulammo la leeyihiin maamulka degmada, kan gobolka, xidlhibaannada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan xarunta gobolka Bay. Afhayeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wariyeyaal, iyadoo wafdigiisa uu noqonayo kii labaad ee dowladda ka socda oo tagay Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadan doonto booqashadiisa. Ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya ayaa saddex toddobaad ka hor kala wareegay Baydhabo xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay muddada saddexda sano ka badan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Cambuulo iyo bun;805695 wrote: acudi bilah Doctoru need Quraan saar ASAP walahi u crazy LOL. Waa cusub tahay weli.
  4. It's a village, an up and coming village IA.
  5. Xaaji Xunjuf;805481 wrote: jb la qabso waxa la yidha south western state Baardheere ayey sugaayaan inta laga eryaayo Alqaeda.
  6. Safar uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku tegi lahaa Baydhabo oo u baaqday sababo dhinaca duulimaadka ah Sabti, Maarso 17, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu wady inay maanta oo Sabti ah safar ku tagaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa u baaqday sababo dhinaca duulimaadka ah, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdigii raaci lahaa. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wafdigiisa ay u badnaayeen xildhibaanno ayaa wuxuu qorshuhu ahaa inay saakay tagaan Baydhabo, waxaana sidoo kale safarkaas ku wehlin lahaa qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho. "Innagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa naloo sheegay in safarka uu u baaqday sabab la xiriirta dhinaca duulimaadka," ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiintii safarkaas raaci lahaa, sidoo kale mas'uul ka tirsan xubnihii raaci lahaa guddoomiyaha ayaa sheegay in safarka la baajiyay, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu aadi doono. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay qorshaha ugu jirto inuu safar ku tago magaalada Baydhabo oo ay saddex toddobaad ka hor kala wareegeen Al-shabaab ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya. Ilo wareedyo hoose oo ay helayso HOL ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka lagu wado inuu tago Baydhabo labada maalmood ee soo socda, waxaana wafdigiisa uu noqonayaa kii ugu heerka sarreeyay oo ka socda dowladda KMG ah oo booqda degmooyinka ay dowladdu ka qabsatay Xarakada Al-shabaab. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  7. Carafaat;805437 wrote: Who is Dafle? Does anyone have more info. Wuxuu ahaa xubin ka mid ah 5 xubnood ee Golaha Sarre ee XHKS. MSB sodogiisna wuu ahaa.
  8. NASSIR;805199 wrote: I suggest you free the captive areas and help them become independent. These figures sure help the corrupt UN agencies in Nairobi apply for more funds for these hapless communities from donors. That's more important than anagaa idinka badan argument. That a boi! I don't need to take advice from the likes of you thus spare me your phony suggestions. Stick to making up fake numbers to boost your clannish ego. ElPunto asked if someone can post the UNDP table and I did, you got issues with it, take it up with the UNDP ha nagu cabaadin anaga. Sheesh!
  9. Somali government troops, backed by the African Union, have for the first time seized an area outside the capital from the Islamist group al-Shabab. The BBC's Mohamed Dhoore, who travelled to the area of Galgalato, 30km (20 miles) north-east of Mogadishu, said it appeared to have been used as a military camp. Most al-Shabab fighters seemed to have withdrawn without much resistance. BBC news.
  10. http://www.jowhar.com/xuseen-carab-ciise-qorshaha-marnaba-isma-bedelin-ilaa-howl-galka-shabaab-muqdisho-lagaga-saarayay/
  11. Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayo wafdi ballaaran oo ay kamid yihiin xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan u dhoofo magaalada Baydhabo. Wafdigan ayaa waxaa la filayaa inay booqasho kusoo bixiyaan magaalada Baydhabo oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya. inta uu wafdigu ku suganyahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulamo la qaataan saraakiisha ciidamada, xildhibaano katirsan baarlamaanka oo horay ugusii sugnaa magaalada Baydhabo iyo weliba oday dhaqameedyada magaalada. Waa markii ugu horeysay ee uu gudoomiyaha baarlamaanka booqasho ugu amba baxo magaalada Baydhabo tan iyo markii ay u gacan gashay ciidamada dowlada KMG Soomaliya iyo kuwa Itoobiya 22kii bishii Febraayo ee sanadkaan aan kujirno. Horay waxaa magaalada Baydhabo booqasho ugu tagay wafdi ay horkacayeen wasiirka gaashaandhiga dowlada kmg Soomaaliay Xuseen Carab Ciise iyo kuxigeenkiisa korneel Maxamed Cali Catoosh. Baidoa media.
  12. Peacedoon;805396 wrote: You did not understand me, I fear. What I was saying is. The Garowe community has its own heroes. The Mogadishu community has its own heroes. The Hargeisa communisty has its own heroes. Insulting each others heroes will not bring peace. Let us look for other ways. Garbaharey has its own heroes too.
  13. http://www.worldpulse.com/magazine/columns/community-voices/somalia-a-world-free-of-violence
  14. Somalia;805407 wrote: Sorry, I am just pointing out the trait of sexual violence against women, I am sorry if me standing up for women bothers you. Get a life.
  15. Waxaan yaa naga qabta. Orodoo wax isku fal.
  16. These are the kind of people that the country needs more of. MashaAllah!