Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Boorame oo laga ugaadhsanayo dhalinayrada taagersan Awdal state. Tobonaan ka mid ah sirdoonka Somaaliland, kana Soo jeeda beelaha dhexe, oo uu hogaaminayo Daahir Muuse Abraar – Qonbor (Xeeb-Jire, Samroon), oo ilaa shalay lagu soo daabulayay magaalada Boorama, ayaa bilaabay olole lagu ugaadhsanayo dhalinyaradii ka qayb qaadatay mudaharaadkii lagu taageerayay gooni isku taaga maamul goboleedka Awdal State ee shalay bisha May 18-keedii ka dhacay Boorama. Wararka la xidhiidha sirdoonka beelaha dhexe ee uu hogaaminayo Daahir Muuse Abraar (Qonbor), ayaa sheegaya inay gaaf wareegayaan xaafada magaalada Boorama, iyaga oo wata sawiro laga soo naqalay Internet-ka, kuwaas oo sida la sheegay laga soo dheegay Viedo laga duubay dhalinyaradii mudaharaadaysay. Mudaharadkan, ayaa sida laga warqabo khalkhal galiyay xuskii 18-ka May ee ka dhacay Boorama. Mud. Daahir Muuse Abraar (Qonbor), ayaa sida la sheegay khabiir ku ah “Jidh-Dilka dadka iyo sida looga hadalsiiyo dadka dembiyada lagu soo oogo”, waxaanay wararka intaa raacinayaan in looga cabsi qabo inuu xirfadihiisan ku isticmaalo dhalinyaradan la soo raafayo. Qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la soo qabqabtay ayaa maanta hor tubnaa saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, iyaga oo ooyaya. Wararka la xidhiidha ugaadhsiga dhalinyarada Awdal state, ayaa sheegay in ilaa hada tirada la hayo kor u dhaaftay 20, iyada oo wali raafkii iyo baadhitaankii wali uu sii socdo. Dhinaca kale, waxa soo if baxaya warar sheegay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay sirdoonka beelaha dhexe ee magaalada la soo dhoobay iyo ciidanka amniga ee Boorama. Khilaafkan ayaa sida la sheegay ku salaysan baaxada iyo tirada dadka xabsiga loo taxaabayo. Ciidanka bilayska ee magaalada Boorama, ayaa sida aanu ku helnay warar ku dhaw dhaw raba in arintan aan la buun-buunin, lana soo koobo baadhitaanka iyo dadka la xidhayo intaba, halka sirdoonka beelaha dhexena rabaan in arinta la balaadhiyo, loogana faa’iidaysto fursadan oo la soo qabqabto siyaasiiin badan oo la shaqayn jirtay xukuumadii hore, dhalinyaradana la tuso cashar lama ilaawaan ah. Si kastaba ha ahaatee magaalada Boorama, ayaa labadii casho ee u dembaysay ahayd meel ay ka jirto xamaasad qabyaaladaysan oo wajiyo badan leh, waxaana looga cabsi qaabaa inay gaadho heerka ay mareeyso Laascaanood, oo sida la muuqata amaankeedu faraha ka baxay harawo
  2. Saalax;721444 wrote: Somaliland doesn't neeed Somalia. The divorce was bound to happen sooner or later. Awdal and SSC Regions don't need So-called Somaliland, If Somalia is divisible , So is the territories of former British Somali colony.
  3. Reality on the ground Awdal & SSC people want their Regions to be an integral part of United Somalia, and Somaliland Clan Militia want Awdal &SSC Regions to join Somaliland Clan Enclave by FORCE. If people of Northern Regions of Awdal and SSC want United Somalia, Somaliland Clan Militia cannot force and wage clan wars on Unionist population in North Somalia. Only one clan supports the Somaliland Clan Militia and Clan secession project. Soamliland Militia failed to convince other Clan and Regions of North Somalia to join Somaliland's One-Clan Secession Project, because Somaliland Militia has zero respect for Uninoist North Somalia Regions like Awdal and SSC Regions. Somaliland Clan Militia only uses insults, threats, wars, and humiliation to deal with Pro-Union North Somalia Regions (Awdal and SSC). If Somalia is divisible so is the Former British Somali Colony, One-Clan militia cannot claim all the territories of the former British Somali Colony. No one can force people of Awdal and SSC Regions to be part of Former British Somali Colony in 21 Century, the Pro-Union region of North Somalia have the right to remain part of United Somalia
  4. Somali people United We Stand One people, One Nation, one country... Divided We Fall Awdal State of Somalia , Northwest, SSC Somalia , Puntland, Galmudug, Hiiraan, Banadir, Bay, Bakol, and Juba Region.
  5. Awdal State Media Breaking News | Mudaharaad Balaadhan oo Looga soo Horjeedo Maalinta Xasuusta Maamuul Gobaleedka Snm ayaa Borama ka Dhacay + Khasaare Naf iyo Maalba leh Maalinta Xuska Maamul Gobaleedka SNM ayaa waxa lagu soo waramaya inay Dadweynaha Awdalstate ee Magaalada Borama Hawada U direen iyadoo lawaayay dad baaxad leh oo isagu soo baxa khayriyada Boorama laakin badalkeedu lagu soo bandhigay Madashaasi Mudaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo Maalinta Xuska SNMta. Waxa wararku inta ku darayaan inay dadweynahu kaliya 15 min kadib markii ay socoto Xuska SNMtu oo ay la so baxeen Calanka Awdalstate kuna dhawaaqeen eryo lagu taageerayo awdal state isla markana lidi ku ah maamul gobaleedka SNM ee ku wiiqmay Degaanada awdal state tani iyo markii dadweynuhu maqleen ku dhawaaqida awdalstate ee dibada. Markuu Mudaharaadku bilaamay ayaa wax kale oo dabali******yada cuna bariiska awdalstate hadana ugu shaqeeya SNMtu iyo SNM badan oo la soo duldhigay Magaalada Borama bilaabeen inay xabad ku furaan waxana wararku inta ku darayaan inay ila hada Naftood hurayaashi awdalstate ee ka dhiidhiyay Maamulka SNMta saddex ka mid ah ayaa dhawaac ka soo gaadhay xabada SNMtu hoos ugu dhigtay waxana sidoo kale xabsiga loo taxaabay ila iyo 17 dhalinyaro iyo wax garad isku jira. Wararka oo inta ka faahfaahsan kala soco awdalstate muuqaalo iyo maqaal naga sug insha allah awdalstate desk Daawo Video | Tageerayasha Awdalstate ee Magaalada Borama ayaa Mudaharaad Balaadhan oo Looga soo Horjeedo Maamulka SNM + Maalinta 18 May of SNM ee Boorama oo Fashilantay
  6. 'Liibaan';721228 wrote: I agree with people of Borame and Awdal, Vive Awdal State of Somalia, Guusha Yaa leh Awdal State
  7. Awdal State of Somalia Caamudnews: Xuskii Maalinta SNM(18 may) Oo Borama isagoon dhamaan Lagu kala Yaacay+ Taageerayaasha Awdalstate Oo Si Habsami leh u Maraya Wadooyinka Waaweyn ee Boorama iyagoo Lulaya Calanka Awdalstate+ Shicibka Magaalada oo Sacab iyo Mashxarad ula Sarakacay " frameborder="0" allowfullscreen> Maleeshiyada Somalidiidka oo Tacshiirad Isdabajooga Sii Daayay, Dad Badanna Dhaawacay Ka Dib Markii Xuskii 18-ka May ee Boorama Isku Bedelay Munaasabad Lagu Taageerayo Gooni Isku Taaga Maamul Goboleedka Awdal Awdal Sate. Boorama : - Askarta ciidanka Somaliland, ayaa tacshiirad aan loo aabo yeelin ku furay dadkii ka soo qayb galay xukii 18-ka May ee ka dhacay magaalada Boorama, ka dib markii 80% dadkii madasha xuska ku sugnaa ay isku bedeleen dad taageersan gooni isku taaga maamul goboleedka Awdal State. Wararka la xidhiidha Mudaharaadkan ayaa sheegaya in dad aan tiradooda wali la xaqiijin ku dhaawacmeen rasaasta ay ciidanka Somaliland ridayeen. Sida ay noo sheegeen dad goob joog ka ahaa khayriyada Boorama, waxa bilowgiiba lagu daadiyay goobta ay xafladu ka dhacayso waraaqo digniin ah oo ay ku qornaayeen ”inay ceeb tahay in la xuso maalinta SNM-ta”. Sida wararku sheegayaan daka khayriyada joogay ayaa waraaqihii gurtay, wayna akhristeen, ka dina cadceeda ayay iska digeen. Dadkan oo sida la sheegay u badnaa dhalin yar, arday iyo qaybo ka mid ah bulshada Boorama ayaa dhamaantood hoosta ku sitay, kuna qarsanayay calanka Awdal State. 15 daqiiqo ka dib furitaankii xaflada ayaa waxa soo maray madasha xuska dhalinyaro dhinacna ku sitay calanka somaliland, dhinacna calanka Awdal State, taasi oo sida la sheegay ahayd baaq la isla ogaa oo astaan u ahaa biloga mudaharadka. Wax yar ka dib ayaa sida wararku sheegayaan waxa qof walbaa oo khayriyada joogay la soo baxay calankii uu hoosta ku watay ee Awdal State, ka dina waxa bilaamay buuq iyo qaylo, waxaana meesha ka baxay, lafahoodana u baxasaday madaxdii meesha joogtay. Markii ay madaxdii iyo dadkii waayeelka ahaa meesdha ay ka baxeen, ayaa sida wararku sheegayaan waxay dadkii mudaharaadayay dhulka soo dhigeen calamadii Somaliland ee meel walba sudhnaa, waxaanay ku bedeleen calanka Awdal State. Qaban qaaba xuska 18-ka May ee sanadkan ee magaalada Boorama, ayaa aad uga gedisnayd kuwii hore uga dhici jiray gobolka Awdal, iyada oo la kowsatay ku dhawaaqista maamul goboleedka Awdal State. Dareenka iyo cadada reer awdal/Salel ayaa waxa sii kiciyay habdhaqanka xukuumada Siilaanyo, taasi oo si gaar ah cadaawad ugu muujisay shacabka reer Awdal/salel. Si Kastaba ha ahaate, mudahaaradkan iyo Awdal state-da ka hoos shanqadhaysa iyo googoynta calanka Somaliland, ayaa sida la filayo inay kor u sii kicinisay xaraarada siyaasada ee Awdal/Slalel iyo Ismaandhaafka xukuumada Silaanyo. La soo wixii wara ah ee soo kordha. Xigasho:-Harowo.com, Boorama
  8. General Duke;719889 wrote: Real countries named here. Nothing fake and unrecognised. The secessionist will run away as usual when the truth comes home.. Yes, Only Real Countries like Somalia, no fake country like snm-clanland/Somalidiidland
  9. Markii ay qoreen codsigii ayay 13 kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:- “Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..” Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”. Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan. Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye. Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca. Laga soo bilaabo sanadkii 1943-kii waxaa Xisbiga SYL laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed sida qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada. Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood: 1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin. 2. Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii. 3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay. Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyoodey xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo Halgame Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne. halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo ay SYL ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’isalwasaarihii xukuumada daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii. Dhinaca kalena waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haarro & wadno goyn weyn oo xiligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dhici karto awlaadii 13-ka dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug leeyihiin in dalka loo kala googooyo iyadoo ay haatan soo kordhayaan nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo & gobolka kasta uu sheegto dawlad taasi oo ay u sii dheertahay toabaan calan & tobanaan madaxweyneyaal oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dawlad loo dhan yahay, midnimo & qaranimada Soomaaliyeed. Waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u ahaa horiyada Ummada Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka yaraayeen 20 sano halkii ay ka diideen guumeysi in dalka uu sii xukumo inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan in aanay laheyn haykal & himilo qaranimo ayna dhici karto in caasimado ajanabi ah inay laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen.
  10. Taariikhda Ururka Gobanimodoonka Somaliyeed ee SYL Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xoriyada ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii. Halgankii ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah. Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal dahab. Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan fahmansaneyn qiimaha ay leedahay xorimada iyo in dad waliba uu yeesho calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay. Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku qabtey, isla markaana halgamayaal fara badani ay maalmooda iyo naftooda u hureen, si ummada Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xiligaasi ay aheyd xili ay qaaradan Afrika ay si weyn ug halgamaysay xoriyada iyo inay iska qaado heeryadii guumaysatayaashii reer Yurub. Xiligaasi waxaa qaarada Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray “Kacdoonkii Xoriyada ee Afrika” shulcadaasi guumaysi diidka ee ifaysay Soomaaliyana waxay qayb ka aheyd ummadihii kale ee Qaarada madow ee halganka ugu jirey hanashada xoriyada. Maanta oo kale 15-kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC (Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo markii dambe u xuubsiibtey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), sanadkii 1947-kii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatey . Xiligaasi waxaa ururka dhisey 13 dhalinayaro ah kuwaasi oo kala ahaa 1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. ( xiligaasi wuxu jitey 24 sano. 2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sano. 3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano 4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano) 5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano) 6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano 7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano ah) 8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sano ) 9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano) 10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano. 11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sano) 12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano) 13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sano) Waxaa ururkii SYL sanadkaasi xoghaye loo doortey Cabdulaahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa ra’isalwasaarihii xukuumadii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xiligii gobanimada la qaatey. Ururka SYL wuxuu shaaca ka qaadey qorshihihiisii siyaasadeed waxaana uu sheegay in u taagan yahay xornimo gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd 5 gobol oo gacanta ay ku hayeen guumaystayaashii reer Yurub. SYL waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxaana hoosta ay ka xariiqdey in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn. Dhallinyaraasi SYL waxaa xiligaasi u suurtagashey in ay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hor tago gumeysiga , iyaga oo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weyneyd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeeddooyinkoodda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaaliyeed weyn. Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaadey turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed. Inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xiligaasi si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakin waxaa quluubtooda arintaasi ku shubey xisbigii SYL oo si weyn ugu dadaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha xornimada. Intii uu socdey halgankii SYL ee ay hormoodka ka ahaayeen baadi goobta xornimada ummada Soomaaliyeed waxaa jirey dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada guumaystaha, waxaana dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii guumaystaha Talyaaniga. Dadkaasi guumaysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jirey xornimo gaarsiinta ummada Soomaaliyeed. Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jirey inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya in ay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga. waana halka ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula day dayi oo doonayen daa’in abidkaa inaad hesho”. Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadley shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku guuleysto ujeedooyinkiisa. Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu balaaran ku lahaa hanashadii xornimada ummada Soomaaliyeed ee la hantey sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan wali la gaarin 50 sano ka dib, tiiyoo waliba ay meesha ku jirto in labadii gobo lee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada qaatey 1960-kii ay hada Goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin dawlad madaxbanaan. Halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo mudo 20 sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii SYL. SYL sidee ku aasaasantey ? Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay taariikhyahano ii sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmark oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jirey mar kasta, waxay kawahadleen sidii ummada Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga. Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jirey 24 iyo 26 sano waxay mudo ka sheekaysanayeen sidii bal guumaystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaana ka saara guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala. Ka dib wahadaladii labada nine e dhalinyarada ah waxaa ku soo biirey dhalinyaro kale waxaana la isku raacay in la dhiso golle ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, islamarkaana dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo Luuqada Ingiriiska oo xiligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed. Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso golle dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisey golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii. Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:- * In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC (Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto. * In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada. * In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo *****li kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
  11. Great Song, Thank You Fanaanada Qaranka Somalia Saado Cali :)
  12. To all SSC & Somali people, Happy May 15 ( Somali Youth Day)
  13. Dhalinta SSC iyo Buuhoodle iyo Xuskii Ururkii SYL (Sawiro). Dhalinyarada SSC iyo buuhoodle gaar ahana kuwa ciyaara kubada cagta ayaa shalay xusay maalinta lagu 15-may oo lagu xusuusto ururkii SYL waxaana shlay garoonka kubada cagta ee xabadi isugu soo baxay boqolaal dad wayne ah oo usoo daawasho tahay bandhig ciyaareedkan. Ilaayo 8-kooxood oo ka dhisan magaalada buuhoodle ayaa ka qayb qaatay xuska dhalinyaradii la odhan jiray SYLoo ku beegnayd 15-ka may oo shalay ahayd. Axmed cabdi guray oo ah qurbajoog reer ssc ah hadana si toos ah u degan magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn oo ka m id ahaa dadkii arrintaas soo qabanqaabiyey oo la hadlaayey allssc ayaa waxaa uu sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu halkaas kasii socdo hormarka dhalinta reer buuhoodle. Gees kale dhalinyaradii munaasibadaas ka qayb qaatay ayaa iyana waxay iisheeheen in ay aad ugu faraxsan yihiin maalintan oo ku wayn guud ahaan umada soomaaliyeed laguna xusuusto dhalinyardii SYL. ee noqotay hormoodka dalka soomaliya xiligii gumaysiga. DAAWO SAWIRADA Xaflad Baalaran oo Lagu Xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed SYL la’asaasay ayaa kadhacday Magaalooyin Badan oo Kudhaca Woqooyiga Somalia Magaalooyinka Buuhoodle, Boocame, Taleex, Baran, Qardho, Dhahar, Boosaso, Garowe, Galkacyo, ayaa iyaguna ka mid ahaa meelihii sida wayn loogaga dabaal-degay laguma muujiyey qiimaha iyo ahmiyadda maalintaani ay ugu fadhido ummadda Soomaaliyeed.
  14. Ciidamada SSC ee sida khaaska ah u tababaran oo SooGaadhay Aaga Laascanod iyaga oo uuHogaaminayo COL. Maxamed Waranle wararka naga soo gaadhaya magaalada kalabaydh ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa maanta dhaw dhaqaaq xoogan ka sameeyay kornayl maxamed waranle isagoo hogaaminayo ciidamo aad utiro badan waxaana naloo xaqiijiyay inay kalabaydh udhaafeen dhinaca gobolka sool iyagoo wata tigniko aad utiro badan iyo ciidan xoogan maraanu wax kaweydiinay shacabkii arkayay ciidanka ssc ee fadhigiisu ahaa muddooyinkanba kalabaydh ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu hogaaminayo col.maxamed waranle iyo saraakiil kale waxayna shacabku noo caddeeyeen in u saxaafadda ay kagaabsadeen waraysiga mujaahidiinta ssc ee kusugan kalabadhaha magaalada laascanod iyo kalabaydh waxayna istab ka sameeyeen barta udhaxaysa baaraan iyo kalabaydh ciidankan xooga badan oo ayaamahanba lagu tababarayay magaalo madaxda labaad ee ssc buhodle ciidamadaas oo sida naloo xaqiijiyay ay ka kala yimaadeen dhinaca nugaasha ee tukarraq iyo dhinaca hawdka in kastoo tirada ciidamada ay gaadhayaan sida naloo xaqiijiyay 800 oo askari oo ah kuwa khaaska ah ee ssc ee kamaandoowska ah ilaa hadda waxaa socda abaabul xoogan ooka socda dhamaan gobolada ssc iyadoo haatana gabi ahaanba magaalada laascanod laga dareemay xoogaas ciidan ee kusoo foolka leh isku soo wada duuboo abaabulkan ayaa kusoo beegmaya madaxweyaha maamulka ssc oo isagu hadda soo gaadhay waddanaka kenya iyo hadalkii madaxweyne ku xigeenka ee ssc COL. cali sabarey uu sheegay in ciidamada ssc ay diyaar yihiin hadda inay gacanta kusoo ceshadaan dhulka ka maqan kalabaydh SSC, Somalia www.SSCnews.com hamoogaan u adeegaha shacabka ssc
  15. Shacabka SSC hada waa uu diyaar inay iska xoreeyaan Maleeshiyada SNM , shacabku ma yeelayo in gabdhihii iyo wiilashii ardayda ahaa qaarna la dilo, qaarna jeelasha laga buuxiyo.
  16. Cabdimalik Askar Oo Ka Warbixinaya Shirkii Khaatumo,ayaa wuxuu si faahfaahsan uga waramay go'aamadii kasoo baxay shirkaas
  17. He said Reconciliation / Dibu-heshiisiinta SSC
  18. AfricaOwn;717513 wrote: Listen to 3:07 - 3:12 He was about to say what? Don't you understand basic Somali? He said he supports the SSC Conference in London UK
  19. Fallacy No.4: unilateral secession fate in the region is based on historical, legal, cultural or any other noteworthy of social and religious identity and therefore Somaliland could claim de facto borders and permanent population within. Reality: Any one with miniscule knowledge of the tortured Somali history needs no to be bored with repetition, but this is yet another favorite punch line for some hardened pro folks. Somali people, like rest of African, never had defined internal political border before the arrival of Colonial scourge in the 19th century. Each clan occupied certain space with imaginary lines and most had little contact with each other except with their immediate neighbors through exo-marriages and pastoralist lifestyle. It is only after the foreign invaders made bogus treaties with some groups that were loosely lumped together and drawn arbitrary lines against their will. These lines cut through even the same tribal heartlands into hopeless foreign patchwork. So, the hypothetical question is whether such old and “token” treaties could offer a legal, historical or identity bases among the Somalis, and especially after the 1960s independence which dissolved legality of the fraudulent treaty. The answer to the argument is apparently little. The point is that only nationalistic bond and the kinship, to some extent, can offer common bond among Somali race. A claim that someone from Buroa has more in common with Gadabursi native than his Awdalite kin across the Ethiopian border does or someone from the south is convoluted logic. It sounds ironic, but there is a reason to believe the current situation could get worse before it gets better- expect more tribal homelands- and the blame falls on the shoulders of the existing ones. Fallacy No. 5: compared to united Somalia, a regional secessionist path is sustainable in terms of credible socio-economic and geo-strategic relevancy. Reality: This is yet another overrated assumption given the poor economic standing of Somalia proper in the past and the new forces of regional economic blocs that are pulling together many parts of the world. Somalia is a resources poor country (never mind the alleged hydrocarbon reserves) with a fragile and social segmentation by any standard. The country was heavily depended on foreign charities for many years. And remember that Somalia’s breadbasket and fertile regions remain in the farther south and whatever livestock export comes through Berbera port is mainly from the Ethiopian regions. This left you wonder now what sort of economic future of a lone break way Somali region could claim. Of course, clannish politicians see things through a tribal prism and sense a tribal “Jackpot” delivered in the form of “dead aid” and handouts but such perception cannot square with the dismal socio-economic facts on the ground. As for other strategic values, it is the much-cited significance of Berebera port and its main benefactor (Ethiopia) which uses the sea corridor for delivery of non-essential goods and food aid into the interiors. But such geo-strategic values are over sold for two reasons of (1) Ethiopia hasn’t give up its long-term strategic and traditional sea outlets on the Eritrean side. It is only matter of time before Ethiopian regime gains the lost sea outlets through either regime changes or other mutual diplomatic venues (2) Ethiopians have already unlimited access to all Somali ports from Kismaio to Zaila regardless, and they do so as long Somali state remains in coma. So, all the talks of economic sustainability and strategic importance of the region are less convincing. Fallacy No.6: S/land factor is far removed from the protracted mayhem of the South or other assumption that main supporters of the separation issue (Isaqs) were the sole victims of the ex-regime’s brutal repression and the ensuing bloodshed in the post-collapse period. Reality: true, Somaliland has nothing or little to do with the on going conflict and mayhem in the south or it seems so on the surface, but that does not mean it played a holistic role in the genesis of Somali civil strife and the subsequent collapse. The hitherto role of the SNM militia in the affairs is a sad reminder of the point. Later, its modus operandi amounted to obstructionist nature that made harder for every recon effort to succeed. The vehement refusal of its rightful place in the matters without proposing an alternative solution except insisting on unilateral divorce is very problematic. Instead of fishing erratically for far-flunked corners of the earth for elusive recognition cues, why not be at the center and front of the peace reconciliation venues thereby ensuring a peaceful and equitable outcome for everyone concerned? Sure, southerners have produced more than their share of charlatan politicians but that doesn’t necessarily mean one should abandon to fill in the patriotic vacuum altogether. Another often-evoked card is also the injustice of bygone era as far as hardliners are concerned. To be honest, the masses in the northern region and the Isaqs in particular may have suffered at hands of previous repressive regime and no one is to belittle the loss, but they were not the only ones at the receiving end of the state’s security apparatus. Other Somali clans like Majirtens have also suffered no lesser pain while folks in the Awdal and Bay areas endured untold economic and political injustice under the regime. On the flip side, it is not secret that the SNM militia reinforced by the Ethiopian regulars committed atrocities against civilians in the north, including more than 300 people massacred in a single day in the Awdal region. Other armed factions used similar tactics in the south, including the genocidal famine imposed on the ********* people. Besides, if human suffering or body counts make any difference there are tens of thousands of others who lost their lives and limbs in the ensuing Somali war inferno to this date. This fact by itself further complicates the whole notion of who victimized whom and where or why. The point here is that settling clan grievances through universal justice and principles serves the best interest of everyone concerned in the Somali conflict whether in the pre or post-collapse period, but such idealistic thoughts should not be in priority list at this point. A sense of urgency should be peace and order, reconciliation and institutional resurrection, not vise versa. The sooner every Somali citizen or clan understands such urgency and its orderly fashion the better. My take on this is that Somalia does not need “ Dual Track “ or “Multi Track“ policy from America and its allies at this juncture. Such policies reward certain sectarian entities at the expense of the nation as whole and will prolong the status quo further. What Somalia needs most is a genuine reconciliation and holistic policy initiative- a peace deal through carrot and stick approach- that takes all local factors on the ground into account. At the very least, restrain of Ethiopian regime from its sinister conduct in the conflict could be helpful act. Saying all these things does not make me happy but doing in the opposite about the controversy is a moral hazard. To those who may suspect ulterior motives couldn’t be more wrong. I do believe that moral support of any self-styled tribal Somali enclave should based on at least three conditions and that is (1) peace and order among diverse community in the region (2) cross-communal of economic and institutional justice for all (3) a holistic role in the larger Somali peace efforts. Sadly, as long warmonger leadership cum their tribal supremacists is busy brewing one tribal toxic plot after another and killing innocent people, realizing such noble expectation remains an elusive dream.
  20. The Truth about Tribal Homelands and Fragmentation Issues By Mohamed Awale April 17, 2011 Ever since the collapse of central regime in the1990s, Somalia descended into internecine, famine and separatist hotbed. Efforts of the global community to rescue from self-destructive mode have been in vain. A push for secessionist aspiration backed by politically entrenched clans and foreign interests, though by no means alone, is one of the main factors why Somali situation still remains in political mess. The world community and the USA in particular or any one concerned with Somalia’s crisis need to be able to see through a thick layer of smoke behind debates of the fragmentation issues. The current ill-defined American “Dual Track Policy” toward Somalia is the case in point. This is not surprising given the complexity and intertwining vested interest actors involved in the situation. Understanding the underlining faulty assumptions of the controversy is not only helpful to judge merits or demerits of secessionist bide per se but it is also vital aspect to grasp the bigger question of Somalia’s rebirth and the regional instability in the face growing extremism, sea piracy and chronic lawlessness on the ground. Here are a couple of recycled fallacies that need to be dealt with, together with a more truthful and realistic explanations of Somalia’s disintegration prospect and other security related issues. The following pointed discussion is far being an original talking point of mine when it comes to pro- and anti-fragmentation debate, but it is something often blurred so much so that for the stranger or anyone who may take passing interest of the topic left confused at best. So, let us recap what many of us already heard about the argument once again for sake of it. Fallacy No.1: Somaliland is at peace with self or the notion that Somaliland region is immune to terrorism and extremism threats or at least it could be used as a buffer zone against the menace of extremism in the medium term. Reality: this is the first line of defense for the hardcore of the split cause, but further examination of facts shows different account. No one is saying that all foundations of peace and order in the territory are broken down. In fact, Somaliland experienced decades of relative peace thanks to the traditional reconciliation methods minus foreign intervention in which local elders led the effort into successful ceasefire accord. Those efforts, combined with the limited number of tribe variables in the region, saved it from much of the trouble in the south. However, the peace itself has been under pressure from two fronts of both local and foreign nature- the clan pettiness and religious extremism. The immediate assault increasingly comes from inter-clan violence and greed. These disputes are based on resources and territorial related issues where politicians from certain clans keep fueling the violence for short gains. Other societal factors like the crashing poverty, mass illiteracy and environ stress also contribute to the trend. The recent crises in Kalshaale and El-bardaale of the Sool and Awdal regions are just the tip of the iceberg of things to come. The rise of religious extremism in the region is also a real threat to the precarious peace. The zealots have extensive local and regional network of support from Al-shabab in the south and middle-east. With or without recognition, these dark forces are waiting in the wings and are ready to strike at the earliest opportunity. The last year’s deadly blasts in Hargaisa that almost killed former leader, Dahir Rayaale, is a vivid remainder of the bloody scenario. Fallacy No.2: Somaliland is “an oasis of ideal democracy and paragon of social equality.” Reality: This yet another erroneous proposition touted by some but it does not hold much water for further scrutiny. Since the unilateral divorce two decades ago, the administration’s lopsided power sharing and institution formula among the native clans is far from being an equitable system. Three quarter of the parliament seats, executive portfolios and NGO operatives are at the hand of one group. And do not even mention the monopoly held on the leadership of the three political parties whereas forming any different political stripe, be it nationalistic or religious is verboten. Obviously the design of the system is inherently skewed in favor of a single constituent at the expense of the rest and there have not been efforts to redress the disparity issue over many years. On the contrary, the pendulum moved even farther down with the election Silaanyo. As for the quality of the last election, 30% of the counted votes were fraudulent according to reliable observers, not to mention the incendiary clannish overtones of Mr. Silaanyo & co. during the election campaign. To its credits, Somaliland fares much better on this issue compared to the Puntland enclave and it deserves some high points, but still it is not anywhere near to a semblance of institutional equity among citizens. Insisting upon international or indigenous blessing while clinging onto the status quo is tough sell. If nothing, it seems the proverbial cart and horse order at this point? Fallacy No.3: a credible, free and fair referendum about the question of secession took place in the region and thus vast majority people in the region are in support of the secession project. Reality: This is yet another incongruent argument cited by the less informed and other hardcore supporters. Sure, there was a nominal referendum conducted in the early 1990s but it was hardly a credible event in terms of participation and minimum international standard, as should be the case for any serious policy decision. For one thing, the timing and framing of the question itself (a single clause buried in hundred pages of constitutional draft) were problematic. Likewise, no input was solicited from groups outside of the pro core constituents in the region. Inhabitants of the entire eastern regions of Sool and Sanaag were left out in process out while few in parts of Awdal region took part in the event. Therefore the notion that majority of the people of the enclave are unified for separate national entity is misleading. Even intentions of the exercise at the time and the leader behind it were dubious. Ostensibly, Mohamed Egal’s objectives were two fold of (1) to limit the spill-over of the prevailing chaotic situation in the South at that time (2) to consolidate his political powerbase while undermining threats of the SNM remnants in the region and he succeeded in both fronts. The solution? If need be, devising a transparent and inclusive referendum vote is the first logical step of a healthy discussion in the future.