Abdulladiif Al-Fiqih

Nomads
  • Content Count

    716
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abdulladiif Al-Fiqih

  1. ^Both? Doesn't the Qur'an talk about awliyaa? How could you say both while Allah (sw) describes who are these awliyaa? As someone who was a xafid at one point, you should know this. When Allah says, "Alaa inna Awliyaa Allahi laa khawfun alayhim walaa hum xaznuun" isn't that a proof that they do really exist?
  2. Ibtisam, JB Awliyo waa bidac kaabira, eeh iskaka baax waaxas! Are you saying "awliyo" is not something that exist or its a bidc to claim to be awliyo?
  3. ^LOL@she is too smart. What a silly pal he was abti lol! Ardo, it doesn't addup....she's an intelligent women and she is destryoing her family because of such silly things like flowers and aniversaries. If I were his friend, I w'd have advised him to give her what she is asking for because I don't thing she deserves him
  4. Guys, leave the girl alone.....xantana iska dhaafa. ^Duco, adeer ma waxbaad isku dayilahayd? Waar aniggaa kubari inanta iyo waligeedaba e balse hal shardi uun kasoo bax.....luuq-luuq maroo maya lol!
  5. And what's more, more and more guys are mixing with other races in the clubs and other Godforsaken places but they're marrying Somali girls in the end. Without making it a gender war, as for as I know, the most shocking incidents as of late both involve somali women for the most part. **The Rosevelt High school prositution case was somali girls alone...no somali men involved **The 300 ******* infants at HC medical Center
  6. ^Ducaysane, Duqooshinka aan gabayada udhaafno e dhalinta aan labadeenu uggu horeyno, dhinaca jacaylka iyo amaanta hablaha aan u badano marka sxb, topic kusaabsan "Heesaha iyo Amaanta Hablaha" inoo fur sxb....waa balan inaan barxada imaadaa
  7. ^Right, its his word agaist other's word but Money still has a chance to register it. Registration vs invention? Registration wins here in the US.
  8. Somalia, I mean Unique, wlc to SOL. Like Shar-mar-arke said, she uses an oscillator....I can't stand any artist who uses this.....fake!
  9. ^Come on abti, you want to say Amison tanks didn't kill 1000s of innocent somalis or you saying Sheikh Sharif didn't ride them? Which one is it Mr. Brawn?
  10. The link is broke.Blame that on LST for banning the word 'o-g-a-d-e-n. This is a real heart softner.
  11. Diaspora can't support you forever if you don't make your lazy behind get to work. And who's responsibilities it is to implement a proper taxation system for the people? Diaspora? Either get to work or the Diaspora will disown you very soon.
  12. ^Che-nimanka hadi recognition heleen xaad uggu diidi boowe? Allow sahal. Shankaroon sidkeediina dhaaftey dhalina-weysay.
  13. ^Adigga & AT&T quraan saarbaad ubaahantihiin walee. .
  14. ^may be this one were being very, very rude, inconsiderate, very demanding but not sure about would not deal with women in stores" They would also demand to see a male salesperson and The problems extend to local schools--where some Somali students won't talk to female administrators.
  15. Isku daygii ugu horeeyay ee USC-da Gen. Caydiid ay u dhaqaaqeen waa lasoo jabshay, wuxuna ogaaday in ciidankii uu la diriray ciidan aan ahayn ay difaaca hore soo galeen, dib ayuuna usoo gurtay dhanka Jilib. Isagoo diyaar garow adag ku jira ayaa xubnihii Itixaadka ee Muqdisho waxay soo direen shan nin oo afar ka mid ah ay yihiin Itaxaad, midka haray oo ah Sh. C/lahi Lakari-na kama uusan tirsanayn Itixaadka. Afarta kale waxay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo walaalkiis Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariistee)Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariistee) Raggii shanta ahaa ee laga soo diray Muqdisho, una dhashay beesha ******, waxay ka kala ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariisto) oo isla dhashay iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariisto) waxay ahaayeen **********, Sh. Xasan Calasow, ****** iyo Sh. C/lahi Lakari oo Murursade ahaa. Waxay la kulmeen Jan. Caydid waxayna u sheegeen in wadaado ay saaxiibo yihiin ay ku sugan yihiin Kismaayo ayna ugu yimaadeen in maleeshiyaadka USC ay ka hor istaagaan inay dhibaateeyaan wadaadadaas. Jan. Caydid wuxu u sheegay raggii shanta ahaa in wadaadada saaxiibadood ah ay mar hore dagaalka soo galeen, safka horana ay ku jiraan, uuna kala kulmay iska caabin xoog leh dhankooda. Waxay ka codsadeen Caydiid inuu siiyo 48 saacadood si ay dagaalka uga saaraan ragaas. Caydid wuxu u sheegay inuu siinayo 24 saac oo ay ku dheertahay 48 saac. Saddex nin oo ka mid ah shantoodii ayaa aaday dhanka Kismaayo. Waxana looga tagay Jan. Caydiid inay lasii joogaan Sh. C/lahi Lakari iyo Dr. Max’ed Daahir Aweys. Saddexda nin ee soo aaday buundada Araare waxay ahaayeen Itixaad, waxayna halkaas kula kulmeen wiilashii dhalinyarada ahaa oo cimaamado gaduudan xiran iyo horjoogayaashii watay oo ay ka mid ahaayeen Xasan-Mahdi oo ay isku hayb yihiin Jan. Caydid iyo Ibraahim-Afgaan. Waxay u sheegeen inay usii gudbayaan Kismaayo, waxayna kula balameen inaysan weerar qaadin iyagana aan lasoo weerari doonin. Saddexdii nin Sh. Xasan Daahir, Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal waxay usoo gudbeen Kismaayo waxayna halkaas kula kulmeen rag ay ka mid ahaayeen Sh. Daahir Cabdi (Indha-buur) C/raxman Max’ed Jibriil, Xuseen Cabdule Codweyn, Sh. C/lahi-Raabi, Dalmar Guureeye, Max’ud Ciise Sicid (Rabi ha u naxariisto) Cali-Muuse Siciid. Niqaash dheer iyo caqli calin kadib raggii dagaalka waday waa diideen inay ka baxaan dagaalka marka laga reebo Cali-Muuse Sicid oo ku raacay ragga yimid inay ka baxaan dagaalka u dhexeeya qabaa’isha Soomaliyed. Sh. Xasan Daahir ayaa ka codsaday ragga dagaalka hogaaminayay bal inay usoo bandhigaan saadka dagaalka ee ay haystaan, markii ay tuseena wuxu yiri “hubkaan waa maalin-dagaal, hadaad u badataana saddex maalmood ayaa isku celcelin kartaan” ee ka baxa dagaalka. Waa laga diiday. Sh. Xasan Daahir hadana wuxu soo bandhigay dalab kale oo ah, “maadaama aad diideen inad ka baxdaan dagaalka, saraakiil sar sarana aysan idinla joogin, ka warama hadaan anigu idinku soo biiro oo dagaalka hogaamiyo, si aan saanadaan yar u beekhaamiyo. Taladiisii waa u guuxeen waana ka aqbaleen inuu hogaamiyo dagaalka, lakin Sh. Xasan Calasow ayaa ku qabsaday arinkii Sh. Xasan Daahir, wuxuna ku yiri “Shiikh ii sheeg meesha ay diinta uga taalo nin ergo ah oo lasoo diray, dadkana kala badbaadinaya inuu isagu dhan kasoo jeesto oo dadkii uu kala badbaadinayay uu qaarkood ka diriro. Sh. Xasna Daahir markas ayuu baraarugay kana laabtay go’aankisi, waxayna dib ugu laabteen Jan. caydid oo u sheegeen inay xal usoo waayeen arinkii . Mudo yar kadib Jan. Caydid wuxu qaaday weerarkiisi ragiina Muqdisho ayay u laabteen. Ciidankii Jan. Caydid waxay la kulmeen iska caabin aad u adag, rag badana waa laga laayay, waxaana maalinkaas ay nolol ku qaban rabeen wadaadada Itixaadku fanaanad Xaliima Qaliif Magool oo ka mid ahayd ciidanka Jan. Caydiid.
  16. Aweys NEVER participated that fight. He was actually in Mogadishu at the time and traveled with 3 other sheikhs to Kismaayo to try to stop the fight. He didn't succeed but never took part of that war.
  17. ^Awoow baryahan waad maqnayde ma Xarshin baad qabatey horta? Awoow miyaad maqashey gabadhii dhawrka wiil ladha-latey? Gabadhu wiilasha dhib-badan bay kuhaysay marka duqii ilmaha dhalay ayaa intuu aad ula-yaabay ayuu kaligeed gooni usaaray oo uu qolmeeshana kaligeed geeyey ileyn iyaad wiilashii loogga taag waayey e. Maalintii dambe ayaa iyadoo gurxamaysay kaligeedna ah ayaa odaygii dhalay maqlay aadna ulayaabay waxa baas ee inantu ladagaalayso(guux iyo gunuunuc). Intuuna odeygii hadal-kasoo bixin ayaa mid yar oo Red oo kale ah ayaa soo booday oo yidhi, "aabe, waxay anagga naggu haysay ayee hada kaligeed isku haysaa".
  18. SOL Puntlanders iyo Somalilanders waxay udhaqmaan sidii laba-dhoocilood oo walaal ah AMA sidii laba islaamood oo lawada-qabo ****-doodaa isu-soo uraysa :eek:
  19. Waagii iigu danbaysay reerkayagu wuxuu lahaa hebla caytama ^Xiinow,adigga iyo Ducaysane lafihiina ubaqa afjano meeshay kujirtaaye
  20. ^ bal wax isku day waadigga buraanburta haye e! Faran, I broke the link because I was linking from my Facebook account...that link was going direct to my facebook in-box. I have to find a better way to upload the clip. In a nutshell, the reer hargeysa guy, wuu kagaraabay arinta wuxuuna dhahay arinta umawada-dhamin marka fal uu qoys reerka-ihi galay, yaan lanoo-wadadilin. Dhinacakale, reer Puntland ayuu yara-taabtey isaggoo leh, reer punntland odeybaad wada-wadaagtaan marka gafkay idinkagalaan lama-barbardhigikaro gafkaan galo.
  21. Jawaabtii Hargeysa Boosaasana wali wa lasuggayaa Boosaaso Jawaabtii Xiinbaa laggasugayaa
  22. Gabay: Roda Afjano Roodo Ibraahim Cabdi Gurey, Afjano Waxay curisay Abwaanaddu kadib markey Puntland weerar ku qaadeen dadka ********ya udhashay ee ku noolaa Boosaaso iyo Garoowe 12/04/2008 - 22/04/2008. -Intaa aad dhex joogteen aduun malaggu kaa dheelmin. -Qoraxdii dhacaysaba waxbay kuula soo dhalane. -Dhaka faar wax keeniyo farxadi waysu dhawdahaye. -Dhawaaqii Garoowiyo kayimid dhinaca Boosaaso. -Dhimbiil aad u kululbuu ahaa dhibic rasaaseede. -Dhagahaygu goortay maqleen dhirif i saameeye. -Dhamaan reer ********ya way wada dhalaaleene. -Dhuuxiyo quluubtaa na huri dhamal sidiisiiye. -Dhuug iyo intay baal cadani dhawda nagu hayso. -Dhanqaryadu nadayn mayso oo waan dhutinaynaaye. -Dhagax turun turiyo qoofalbaa dhadka noo galiye. -Boogta dhaymo waydiyo nabraha aan u dhaadhaco’e. -Illahay ha dhawree raggii cadawga loo dhoofshay. -Hooyooyinkii dhaawacmee dhaayaq lagu toogtay. -Iyo jeelka kii lagu dhex dilay ma aha dheeldheele. -Nimankii ku dhiiraday hadana dherebta saaraaya. -Dhogortii wadanigay tigree ugu dhawaadeene. -Dhabihii Hargaysay mareen barana sii dheere. -Dhooroof la’aanbay tubtii ugu dhaqaaqeene. -Dhudhubtaa qodxaha badan horaa loogu dhiidhyadaye. -Haday dhayal sadaan reer Puntland taladan dhooboowday. -Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxalkeede. -Hadii maamulkaa dhagarta galay aan la dhagax tuurin. -Oon dawga ay dhinac mareen lagu dhaleecaynin. -Oo aan dhismaa dumahayee dhiidhi laga muujin. -Xumaatada in loo wada dhanyahay baa dharaar noqone. -Waxa ay dhashiyo waa mid ay yeelan dhaxal keede. -Culmida sharciga dheehatiyo dhigaha diinteena. -Odayada dhasiig lagu hirtiyo samaha dhawraaya. -Abwaanada dhambala ee murtida loogu shubay dhiilka. -Dhalintiyo aqoonyahanka aan dhiman damiirkoodu. -Dhumucdii haweenkiyo bulshada udub dhaxaadkeeda. -Dhacdadaa xanuunka leh haday dhiilo galin waydo. -Dhabna aan shacbigu uga gilgilan dhaqanku iimawye. -Aheey nimanka uu cunay dhurwaa loona dhigay gawska. -Dhimashadiyo way suga hayeen dhacan lasaaraaye. -Dhiig duudsiga ani ii gubi dhamac sideediiye. -Wuxuu dhimay nin diidoo indhaha dhoobo kuumariyay . -Waa ruux dhashiisii dafiray oo ka maray dhaare. -Ma wax dhuuman kari bay noqdeen nimanka dhaadheeri. -Duulkaa martidaa dhaylyadee dhoosha ka halgaaday. -Dhag xumada ayaa lala damcoo fure dharkoodiiye, -Haysisoo dhariijeen xishood waa horuu dhumaye. -Dhalaan raadad waawayn hadday dhaygag curiyeene. -Dhoodhoo miyaa lagaga hadhi wayska dhalanteede. -Dhamaantiinba Soomaaliyeey waad na dhababteene. -Intii aan dhufays ugu jireen nacabka dheel maayay -Dhibka aydun noo gaysateen xadadka soo dhaafye. -Dhasalaalaq iyo talo xumaa saa idiin dhigaye. -Waxba dheelalaw socodku yuu idinla dheeraane. -Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawarysaan wali’e. -Gumaysiga na dhalan dooriyee dhaaxa nagu raagay. -Hadii uu na dhabanaanin jiray idinka oo dhaaddan. -Dhankiiniina waakaa tagee idinku dhaantayne. -Dhuubkaynu ugu wada jiraa namana dhaantaane. -Abeesadii na dhaadhyaysaybaad raarta dhigateene. -Dhunkaal iyo waxaad beerateen geed dhagmaanyo ehe. -Dhidibkiyo walaalnimadu waa labada dhoomoode. -Mid haduu dhan taalana kan kale way ladheeliyiye. -Dhinacaad jirteenbaa xumuhu nooga soo dhiciye. -Isticmaarka dhalan dhoolayaad dhabanka saarteene. -Anaguna waramha dhiiran ee dhabar jab gaadhsiiyay. -Iyo dhoonbir halisaan wadnaha kala dhacaynaaye. -Maxaynaga dhaxaynkara Tigree baad u dhurateene. -Nin waliba dhul waa leeyihiyo kobu ku dhaataaye. -Hadii lays dhex mari waayo oo dhoorka la is gooyo. -Dhito subag ah lama hela hayiyo dhayda caanaha’e. -Dhir magooshay iyo nabadu waa dheeha aadmiga e. -Da ku dhimata mooyee colaad wiil ku dhalan waaye. -Dhaayaha bal fura meel sokaad dhawraysaan waliye. -Dhuuryada Itoobiyo ninkii dharaq ka doonaaya . -Ama dhuuni nagu raadsanoow dhoohanaad tahaye. -Waligeedba dheef maysan helin ay ku dharagtaaye. -Dhafoor xumada kama guurto iyo dhuubni tag darane. -Dhiishii fakhriga loogu shubay dhalada loo saarye. -Dhandhamana ka heli maysid iyo dharab qoyaankiiye. -Dharigeeda gaajada aday kugu dhardhaarayne. -Dhar galkiyo wayaanaha xiligu wuu kadhacayaye. -Dhulkanagana waa laga xoreyn dhuudhigaayimide. -Dhaaraan ninkii noqonhayo kuu dhamays tiraye. -Madhex maro wayaanuhu habeen suuqa Dhagaxbuure. -Way soo dhawdahay guusha aan dherersanaayaaye. -Dhirbaaxiyo ushaba waan karraa dhubuqle waashoowe. -Dhawrsanaada Soomaaliyey wax idin dhaadhaanye. Posted in Dhamac