-
Content Count
215,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dalka Kenya ayaa waxaa maanta laga xusayaa ciidamadii dhawaan Kenya looga xasuuqay weerarkii Saldhiga Ceel Cadde. Ciidamadan lagu laayay Ceel Cadde ayaa waxaa la weeraray xili ay ku howlanaayen nasiino waxa ayna ku beegneyd 15-kii January 2016. Ciidamadan ayey dowlada Kenya xustaa sanadkiiba mar waxa uuna weerarkaasi noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ku dhaca Kenya. Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo kor u dhaafaya Kontan ayaa weerarka ku qaaday Saldhiga Ceel-Cadde, waxa ayna maleeshiyada Shabaab xaqiijiyeen in weerarkaasi ay ku dileen ku dhawaad 200, halka dowlada Kenya ay dafirtay in weerarka lagu dilay tirro intaa dhan. Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan. Sidoo kale, al-shabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaarkood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internet-ka, halka qaarka kalena ay weli heystaan. Dhinaca kale, Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Kenya oo laga xusaayo xasuuqii Ceel-Cadde & Dowlada oo weli aan ogeysiin qoysaska Askarta la xasuuqay appeared first on Caasimada Online.
-
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen askari ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgal aan natiijadiisa la shaacin. Sidoo kale, saakay oo Isniin ah waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay howlgallo ka wadaan xaafado ka tirsan magaalada B/weyne. Magaalada B/weyne waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo habeen kahor sidan oo kale magaaladaasi loogu diley askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu Xariga Ka Jaro Dekada Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagi doono Magaalada Hobyo si uu dekada Hobyo Xariga uga Jaro islamarkaasina si rasmi ah u shaqo biloowdo. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa sheegay in uu mar uun uu ku haminayay in Madaxweynaha uu Xariga ka jiro Dekada Hobto isaga oo sheegay in Madaxweynaha uu geeyn doono Hobyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sii wadan doono socdaalkiisa uu ugu magac daray socdaalkii Nabada uu ku marayo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Maanta oo isniin ah ayaana lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu Safar ugu Amba baxo Magaalada Cadaado. La soco Puntland Post oo hel Wararka Safarka Madaxweynaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaraya Dekada Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
The Islamist armed group Al-Shabab has threatened and abducted civilians in Somalia’s Bay region to force communities to hand over their children for indoctrination and military training in recent months. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda. “Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo.. “Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.” Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka. DHAMMAAD Source
-
Fairfax Africa Fund, a US-based investment firm, in collaboration with multiple partners from Asian countries is planning to build an oil refinery in Ethiopia with a total investment cost of four billion US dollars. Source: Hiiraan Online
-
Islam was mentioned a total of 21 times in the Austrian coalition's new governmental programme, titled "Together. For our Austria". Source: Hiiraan Online
-
Liberia’s ruling Unity Party has expelled the country’s outgoing president, Ellen Johnson Sirleaf, who is accused by party leaders of meddling in last year’s presidential elections in which its candidate suffered a bruising defeat. Source: Hiiraan Online
-
US President Donald Trump insisted Sunday that he is "not a racist," after his reported denunciation of immigration from "shithole" countries triggered a global firestorm of criticism. Source: Hiiraan Online
-
US President Donald Trump loves signing executive orders. During his first year in office, he has signed dozens of controversial orders on a wide variety of subjects, ranging from national security to trade. Source: Hiiraan Online
-
US President Donald Trump loves signing executive orders. During his first year in office, he has signed dozens of controversial orders on a wide variety of subjects, ranging from national security to trade. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Israel ay ku tumatay heshiiskii Oslo oo ay la gashay Falastiin,waxaa uu ku tilmaamay qorshaha madaxweyne Trump ee nabad-galyada bariga dhexe inay tahay dharbaaxo waqtiyeed. Madaxweyne Cabas ayaa ku celiyey in madaxda Mareykanka ay diidanyihiin inay dhexdhexaad ka noqdaan geedi socodka bariga dhexe. Madaxweyne Cabas ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan in loo soo jeediyey inay qaataan magaalada Abu Diis ayna u noqoto caasimadda Falastiin badalka Qudus. Cabas ayaa tilmaamay in madaxweynaha mareykanka Donald Trump uu u sheegay inaysan aqbaleynin mashruuciisa Qudusna ay tahay caasimadda Falastiin. Ugu dambeyn madaxweyne Cabaas ayaa diiday in Mareykanka uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Falastiin iyo Israel. Goobjoog News Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland. Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socoda wadamada Caalamka ayaa lafilayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmaya bishan Janaayo gudeheeda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha. Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo yer oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay. Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay masuuliyiinteeda waxa ay uga qeeybgalayeen Shirar muhiim ah oo Dowlada ay ku raadineeyso Dhaqaalo. PUNTLAND POST The post Raisulwasaare Kheyre oo Ka Qeyb Galaya Shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Switzerland. appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed Ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud. Qaban Qaabo lagu soo Dhoweeynayo Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gal-Mudug. Gudoomiye Thaabid ayaa ka qeeybgalaya Soo Dhoweeynta Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb iyo shirka Mideeynta Maamulka Gal-Mudug iyo Ahlusunno. Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud Xildhibaano iyo Siyaasiin isugu jirta oo ka qeeybgalaya munaasabadaha ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb. Waa Markii ugu horeeysay uu gudoomiye Thaabid gaarayo Magaalada Dhuusamareeb tan iyo Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho loo magacaabay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Onlie) – Sida ay qortay warbaahinta Kenya, dalka Kenya si cad weli ugama hadlin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya. Ugu yaraan 1,000 oo Kenyaan ah ayaa la sheegayaa in ay ka dhinteen Kenya tan iyo 2011-dii kadib afduubkii labo dalxiise oo Faransiis ahaa. Qoysas badan ayaa dhibaato ka soo gaartay kadib markii Soomaaliya lagu dilay qofkii biili jiray, dowladda Kenya weli dadkaasi ma siin wax mag-dhaw ah. Khubaro xagga Militariga waxaa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay Sh7,000 maalin walba ugu baxeyso si hal askari u sii joogo Soomaaliya, waxaa ku jira cunto, gaari-raac, caafimaad, xiriirka iyo biyaha, bishii Sh210,000 halka sanadka uu noqonayo Sh2.52 million. Hadda gudaha Soomaaliya waxaa ku sugan illaa 4,000 oo ciidamo Kenyan ah, lacagta sanadkii ku baxeyso waa Sh10.08 billion. Dhowr xog uruurin oo laga sameeyay gudaha Kenya, 68-70% dadka waxaa ay taageersan yihiin in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, 40% waxaa ay qabaan in Al-shabaab ay weeraro uga geysato gudaha Kenya sababta oo ah ciidamada Kenya oo jooga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Khasaaraha naf iyo maal ee ciidamada Kenya ka jooga Somalia oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka Wasaarada Cadaalada xukuumada Somalia Avv Xasan Xuseen Xaaji ayaa daboolka ka qaaday in Maxkamadaha ka jira dalka ay dhibaato badan ku hayaan muwaadiniinta. Wasiirka ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka Maxkamadaha ee loo soo gudbinaayo Wasaarada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan kiisas dhowr ah oo muujinaaya dhibaatooyinka ay Maxkamadaha ku hayaan Muwaadiniinta. Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan awoodin qarashaadka ku baxaya maxkamadaha maadaama qareenada u doodaya muwaadiniinta ay u baahan yihiin in ay helaan qarashaad. Wuxuu sheegay in dadka loo kala sharci qaadayo ay yihiin kuwo kala dhaqaale badan, isla markaana ay dhacdo in dadka qaarkii aysan heysan dhaqaale lasiiyo qareenada. Kiisaska qaar ayuu sheegay in dadka dacwadaha qaba lagu rogo sababo dhaqaale, waxa uuna Wasiirku dhaliilay hanaanka shaqo ee Maxkamadaha ka jira dalka. ‘’Wey sii kordhayaan dacwadaha waayo haddii muwaadinka aan waxba heysan la yiraahdo dacwad kula tartan kan dhaqaalaha heystaa dabcan wey iska muuqataa in dacwada noocaasi ah ay noqoneyso mid dhinac u janjeerta, waxaan ku baaqeynaa in la dhimo dhaqaalaha qareenada waa haddii la doonaayo in kiisaska horyaal Maxkamadaha ay kusoo dhamaadan qaab cadaalad ah’’ ‘’Qareenku waa inuu la shaqeeyo wadciga ka jira dalka balse haddii ay jirto dhaqaale fiirsi oo kaliya anigu ma qabo in dacwadaha horyaal Maxkamada ay kusoo dhamaanayaan si ay cadaalad ku jirto waayo ninka dhaqaalaha heystaa ayaa mar waliba loo janjeeri karaa’’ Wasiirka waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray in dadka qaar ay yihiin sabool isla markaana aysan awoodin qarashaadka lasiiyo qareenada,isla markaana qareen la’aan ay maxkamadaha dacwad qaadi Karin. Hadalka Wasiirka Cadaalada xukuumada ayaa ku soo aadaya xilli dadka Soomaliyeed ay ka cawdaan maxkamdaha ka jira dalka halka qaarkood ay sheegan in aysan awoodin qarashaadka ku baxa qareenada ay qabsadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiir shaaca ka qaaday dhibaatooyinka ay maxkamadaha dalka ku hayaan muwaadiniinta appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Puntland Sayid-Omer Aden Guled, ayaa Dagmada Towfiiq ee gobolka Mudug ka dhagax dhigay xarun caafimaad (MCH). Dadka Degaanka oo hamuum Qabay xaruntaan ayaa aad usoo Dhaweeyay iyagoona Dowladda Puntland uga mahad Caliyay. Wasiirka inta Uu Ku Suganaa Dagmada Towfiiq waxa uu ukuurgalay Deegaanada Ku Teedsan isagoona Xog ka soo aruuriyay Baahiyaha Dadka Degaanka. Odayaasha iyo maamulka Dagmada ayuu kala Hadlay arimo ay ka mid Yihiin Amniga iyo midnimada waxa uuna kula dar daarmay inay xoojiyaan arintaas. Sidoo kale wasiir sayid waxa ay dadka Degaanka usoo Gudbiyeen inay Helaan arimaha hormarinta oo ay kamid yihiin Cafimaadka Biyaha iyo waxbarshada kuwaaasoo Dowlada Puntland ay Qorshayaal ay dajisay lagu hormarinayo Dagmooyinka laamiga ka baxsan. Wasiir udowlaha Cafimaadka Puntland waxaa kaloo uu kormeer Ku sameeyay kooxo arimo Caafimaad Dagaanada Towfiiq ka fulinaya waxaana kamida talaalka oo si habsami leh uga socda Degaanadaas. Wasiirka waxa uu mahad Celiyay kooxahaan oo bulshada arimo Muhiim ah uhaya. Wasaaradda Caafiaamdka Puntland ayaa da daal Xoog leh ugu jira Hormarinta Cafimaadka Puntland.
-
Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, Daahir Salaad Canshuur oo aan goor dhoweyd khadka Taleefonka ku wareystay ayaa sheegay in gobolka Sool uu galay xaalad dagaal,kadib markii ay Somaliland ay qabsatay degaanka Tukaraq oo ay haatan ku sugan yihiin. Mudane.Daahir Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan Waxgaradka,Nabadoonnada iyo Shacabka Tukaraq ay diideen Ciidamada Somaliland,islamarkaana bara-kac xooggan ka bilowday degaannadii ay soo galeen. Guddoomiyaha ayaa iclaamiyey dagaal Somaliland looga saarayo guud ahaan gobolka Sool,isagoo sheegay in aan waan-waan dambe laga geli doonin difaaca Xuduudaha Puntland. “Nimankaan waan la dagaallameynaa,waana ka saaraynaa dalka,dalkayagana dib baan u qabsaneynaa”,ayuu yiri Canshuur. Halkaan ka daawo Wareysiga Canshuur. PUNTLAND POST The post Daawo:dagaalka gobolka Sool oo la isu waaberiisanayo. appeared first on Puntland Post.
-
US President Donald Trump loves signing executive orders. During his first year in office, he has signed dozens of controversial orders on a wide variety of subjects, ranging from national security to trade. Some of these executive orders, such as the ones on the Muslim travel ban and the Mexican border wall, received a lot of media attention and triggered protests around the world. But many other decisions by the president, causing death and destruction in faraway places like Somalia, went considerably unnoticed. Only weeks after taking office, Trump signed a directive declaring parts of Somalia an “area of active hostilities”. This declaration relaxed some of the rules aimed at preventing civilian casualties when the US military carries out counterterrorism strikes in Somalia. The Pentagon claimed that this order expanded its targeting authority “to defeat al-Shabab in Somalia” in partnership with the African Union and Somali forces. But, in practice, what this order did was little more than allow US soldiers to “kill at will” and with impunity within the borders of Somalia. This is illegal, immoral and counterproductive. An illegal order The US aerial bombardment of Somalia started during George Bush’s “war on terror”, but the number of civilian casualties was minimal back then. Since the current US president “relaxed” the rules of engagement, the number and scope of these attacks increased dramatically, leading to many civilian casualties. According to the Bureau of Investigative Journalism, there were 32 to 36 reported US drone strikes in Somalia between 2001 and 2016. In 2017, 34 air and drone strikes were carried out, killing more than 200 people. Al-Shabab, an al-Qaeda-linked militant group, is the official target of most US drone strikes in Somalia. Its ultimate objective is to overthrow the government in Mogadishu and establish a new state in its place. Several African nations have been battling the armed group for over a decade, but Western nations, including the US, are now overtly leading the fight. In the process, Washington appears to be relying on backdoor dealings and violating the sovereignty of an independent nation. It is not clear who authorises the air and drone strikes the US is conducting. Somalia is not the “failed state” it once was – it is no longer a playground for uninvited foreigners. Today, there’s an internationally recognised administration in Mogadishu with functioning judicial, legislative and executive branches, and this administration, not Donald Trump, should be the one “authorising” the measures that can be used in the fight against al-Shabab in the country. Somalia’s constitution clearly states that the country’s sovereignty is inviolable. Its legislative and executive branches are responsible for the security of the nation and only they can decide on military action. Without their approval, attacks are in violation of the nation’s sovereignty and are therefore illegal. Immoral attacks on innocent civilians The US cites its national interests and security as a pretext to conduct attacks on alleged al-Shabab bases in Somalia. No one is denying some of those killed as result of these strikes are indeed al-Shabab fighters, but the vast majority of the victims are civilians. We know this because al-Shabab usually confirms the deaths of its senior commanders and fighters. We have witnessed this when Sheikh Ali Jabal, a senior al-Shabab commander in Somalia, was killed in a US strike in August last year. “The cowardly American enemy planes tried to strike him,” the group said in a statement circulated on social media. “The first missed him and the second hit, making him a martyr.” Al-Shabab leaders do not try to hide the deaths of the group’s commanders and members, because they know that this would be a hard and futile task. Information about these deaths can easily surface through the clans and communities their fighters hail from. So, when we see statements by US forces declaring that they killed dozens of “terrorists” in Somalia and hear no confirmation from al-Shabab leadership about these deaths, we question the validity of US claims about the identities of the victims. Most civilian deaths do not get global attention because the attacks take place in al-Shabab-controlled areas. This makes it impossible for journalists and international human rights groups to investigate. Sometimes local media publish photos and names of the civilian victims of US attacks. But even this depends on the victim’s clan. If a victim belongs to a minority clan that holds no political power, the government will easily dismiss them as “terrorist sympathisers”. On August 17, 2017, the US launched three precision air strikes in the southern town of Jilib. US Africa Command released a statement claiming to have “killed terrorists”. However, the victims, seven of them, were civilians from the same family. Photos of their bodies and the remnants of their house were widely published in Somali media. But the victims belonged to a minority clan that has no power and influence in Somalia, and their relatives’ desperate plea for justice perished soon after they buried their loved ones. A few days later, another US-led military raid took place in Bariire village, 45km from Mogadishu, killing 10 people, including children. Again, the Somali government and the US claimed that they only “killed terrorists”. This time, however, the victims hailed from an influential clan. Survivors and relatives challenged the false official claims about the attack. To prove their case, family members took an unprecedented step and transported the victims’ bodies to the capital city to put them on display. Due to the pressure, government officials met relevant clan elders, apologised and agreed to pay compensation. Despite the solid evidence and a confirmation from the Somali government, the US administration still insists that victims of this attack were not civilians. By denying facts, the Trump administration is damaging US reputation as a nation that respects human rights and the rule of law. A counterproductive campaign The US military campaign in Somalia will not yield any results. Bombs dropped from the sky will certainly take out a few al-Shabab commanders; two of their former leaders were already killed by the US. They may also force their operatives into hiding or restrict their movements. But killing a few commanders and fighters isn’t going to bring the demise of the group. After all, al-Shabab’s success is not based on individuals – it’s based on an ideology and you cannot defeat an ideology with bombs. Somalis won’t be outraged over the fight against al-Shabab and the killing of the group’s fighters. People in the country understand these men have signed up to kill or be killed. But the indiscriminate killings of civilians is antagonising Somalis. This gives legitimacy to the militant group as a resistance movement, especially within communities living under its rule. Every innocent person killed by the US is a gain for al-Shabab. Victims’ family members and fellow clansmen will seek retaliation. To them, revenge is an act of justice. Most of the victims of US military operations in Somalia are farmers and nomads who have no animosity towards the American people. US bombardment is forcing many to flee their homes. In recent months, we have seen “drone refugees” arriving in Mogadishu’s overcrowded camps for the internally displaced. Children are traumatised by the constant fear of bombs falling from the sky. Mr Trump, your bombs are breeding the next generation of suicide bombers in Somalia. Fight al-Shabab but stop terrorising innocent Somalis. To achieve any success, you must respect international and Somali law, reverse your immoral actions and rethink your strategy in Somalia. By: Jama Osman
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda. “Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo.. “Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.” Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka. The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaalkacayo ka dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Laas Geel in Somaliland is home to one of the greatest archaeological sites in the Horn of Africa, with rock paintings estimated to be thousands of years old. UN envoy Michael Keating speaks on the potential of the site on a recent visit.
-
<span style="width:0px;line-height:0;"></span>
