-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Maleeshiyaad aan heebtooda la garaneynin ayaa weerar Qaraxyo ah ku qaaday Hooyga Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle. Xildhibaankan ayaa la sheegay in lagu weeraray Bam Gacmeedyo xili uu ka maqnaa Hooygiisa, sida laga soo xigtay Saraakiisha amniga magaalada Jowhar. Qaraxyada lagu weeraray Hooyga Xildhibaanka oo inta badan laga maqlaayay magaalada Jowhar, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu khasaaro kasoo gaaray qeyskiisa. Xildhibaanka gurigiisa lagu tuuray bam gacmeedyada, ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Bashiir Qaasim Daqare. Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa Marwada Xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa kadib markii Qaraxa uu ka dhex dhacay Hooyga. Sidoo kale, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in weerarkaasi looga shakisan yahay maleeshiyad maalmahaani ku cusbaa magaalada oo lagu dabajiray. Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay Qaraxa waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobaayo shaqsiyaadka ka danbeeyay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
The cause of Egypt’s fear of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) that it will enable the Sudan to use its full share of the Nile water, which has been going to Egypt as a “lend” since 1959, said the Sudanese foreign minister on Monday. “For the first time, a Sudanese (official) says this frankly, Sudan did not use its full share of the Nile water according to the 1959 agreement. The Renaissance Dam preserves Sudan’s water that was going to Egypt at the time of the flood and gives it back (to Sudan) in time of drought,” said Ibrahim Ghandour in statements to Russia Today. In a recent meeting held in Cairo, Egypt, Ethiopia and Sudan failed to reach an agreement on a report by two French consultative firms, BRL and Artelia, about the GERD’s impact on Egypt’s share of the Nile water and the dam’s ecological, economic and social impacts of the dam on Sudan and Egypt. The Sudanese Sudanese Water Resources, Irrigation and Electricity Mutaz Musa who represented his country at the meeting questioned the credibility of the study alluding it ignored Sudan’s share of the Nile water as it is provided in the 1959 agreement. “There is an agreement between Sudan and Egypt that this share is a loan in accordance with the 1959 agreement. Now the creditor can stop giving this lend and it is clear that the debtor does not want this tender to stop ..” Ghandour said on Monday giving a clear explanation of what the water minister had said. In line with an agreement between Egypt and Sudan in November 1959, Egypt has the right to 55.5 billion cubic meters of Nile water a year and Sudan 18.5 billion cubic meters per year. The who As Sudan didn’t use its full share, in agreed to grant Egypt one and half billion cubic meters of Nile water a year until 1977. Also, due to the lowering of water storage capacity of the High Aswan Dam by the sediment deposited in its reservoir, Sudan granted additional five billion cubic meters to Egypt. Egypt says the GERD would negatively affect the power production of the High Aswan Dam pointing that the filling of the Ethiopian dam will lower water volume in the reservoir of Lake Nasser. Last Saturday after the failure of Cairo meeting, Egyptian President Abdel-Fatah al-Sisi once again threatened Ethiopia saying that the Nile “water is a matter of life or death.”. “No one can touch Egypt’s share of water,” he stressed. Source: – Sudan Tribune
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqayn dhinaca cirka ah oo shalay subax ka dhacday duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee loo yaqaan ”AFRICOM, oo ka hadlaayay duqeynta ayaa sheegay in duqayntaasi ay ka dhacday deegaanka Buurcadde. Duqeynta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka ku leeyihiin deegaankaas, kaa oo lagu dilay 100 ka mid ah maleeshiyaadka al-Shabaab. Dowlada Somalia oo ka hadashay duqeynta ayaa dhankeeda ka sheegtay in lala beegsaday shaqsiyaad muhiim u ahaa al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Xukuumada Somalia. Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ka qeybqaaten ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uuna xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab. ”Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada al-Shabaab, duqeyntu waxa ay u dhacday sidii loogu tallo galay waxaana lagu dilay ilaa 100 maleeshiyo” ayuu yiri Wasiirka. Waxa uu sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay sii wadi doonto dagaalka cirka ah oo ay kula jirto al-Shabaab, si buu yiri loo yareeyo tirada maleeshiyaadka qaswadayaasha ah. Waxa uu intaa raaciyay inay jiraan goobo kale oo ay ahmiyad u arkaan dowlada iyo saaxiibada caalamka kuwaa oo ay ku dhuntaan maleeshiyaadka balse ay soo afjari doonaan haddii ay soo baxaan fursado kale. Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa khasaarooyin is xigxiga la kulmaayay tan iyo markii ay xasuuq ka geysteen Isgooyska Zoobe oo ay ku dileen in ku dhow 400 oo shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Xaruntooda magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa la filayaa inay maanta ka shiraan qodobo dhowr ah, waxaana la horgeynaa hindise sharciyeedyo ay soo diyaarisay Wasaarada amniga ee Xukuumada Somalia. Hindise sharciyeedyada la horgeynayo Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila. Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa sidoo kale hortagaaya Xildhibaanada waxaana uu ka hor aqrin doonaa labada sharci ee kor ku xusan. Sharciyadaan ayaa golaha Wasiirada Xukuumada Somalia markii ay ansixiyeen waxaa ay sheegeen in ay yihiin kuwo muhiim ah isla markaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrinta 1aad Aqrinta 2aad iyo Aqrinta 3aad ka dib. Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada waxa uu ka kooban yahay 37 qodob. Qodobka 35-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya awooda qaadista dacwadaha xeerkan, waxa uuna u qoran yahay sidatan. 1-Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal dambiyeedka argagixisada ee uu xeerkan tilmaamayo. 2-Cid kasta oo ay cadaato in eedeynta loo soo jeediyay aysan aasaas lahayn kana soo gaarta waxyeelo sharafeed iyo mid hantiyadeed, waxa uuna xaq u yeelanaya raali gelin mag dhaw u dhiganta mida soo gaartay. Qodobka 31-aad ee xeerkan waxa uu tilmaamaya qaabka koox loogu tilmaami karo argagixiso. 1-Hadii Wasiirka wasaarada u xil saaran amniga gudaha uu hayo sababo macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayin ahi ay ku lug leedahay howlo argagixiso,waxa uuna isaga oo cuskanaya xog sugan oo ay so gudbiyaan taliyaasha hay’ddaha amniga soomaaliyeed isaga oo wargelinaya cid ay khuseyso waxa uu ku dhawaaqaya kooxdaasi ay tahay koox argagixiso iyadoo la raacayo xeerkaan. Sidoo kale hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila waxa uuna isna ka kooban yahay 10 qodob. Geesta kale, Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka wax dilo ayaa hadii la ansixiyo waxaa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu golaha shacabka horgeeyo Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dilo oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa. Waxa uu wasiir Islow uu xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhrin doonaa Labadan hindise sharciyeed. Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmariyey Labadan Sharci, waxaana golaha shacabka iyaguna laga doonayaa markii ay dhameeyaan akhrintiisa iney codka u qaadaan. Labadan Hindise sharciyeed ayaa ah kuwo aad ugu muhiimsan amniga guud ee dalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale Goobjoog News Source
-
Dowladda federaalka Soomaaliya aya sheegtay iney dar-dargelineyso wadahadalladii ay la lahaayen Somaliland. Madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay u ballanqaadayaan madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargelinta wadahadalladii socday. “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa hakad galay kadib is faham waa Labada dhinac soo kala dhexgalay. Goobjoog News Source
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal dad lagu qabtay waxay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Ciidamadan ayaa howlgalkaan waxay kusoo qabteen dad looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab. Guddoomiye ku xigenka gobolka Shabellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu qabtey 8 qof, 4 kamid ah dadkaasi lasii daayey kadib baaritaan lagu sameeyay, halka 4 kale ay baarayaan. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen saldhiyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada holwgalkaan laga sameeyay. Al-shabaab dhankooda kama hadal waxa ka jira saldhiggan laga burburiyey, waxaana maalmahan socday howlgallada ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadeen gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha mamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa hambalyo u direy madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xaaf in doorashadan oo ku dhacday si nabad galyo ah ay muujineyso ku dayasho iyo sidoo kale bislaansho. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maraykanka ka sameeyeen Gobolka Baay. Waxa uu sheegay wasiirka in duqeyn lala beegsaday xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahayen deegaanka Buur Ceelcade oo hoostagta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu diley ku dhowaad 100 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab. “Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabaab oo duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa sidaasi yiri. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada lagu weerarayo Al-shabaab wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October 2017. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil. -DHAMMAAD- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil. -DHAMMAAD- Source
-
Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa aqbalay natiijada doorashadii ka dhacday 13-kii bishan deegaannada Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani C/raxmaan Cirro oo isaga aad u saluugsanaa hannaanka cod tirinta ee doorashada Somaliland ayaa sheegay in hadane uu aqbalay wax walbo oo uu ku dhowaaqay guddiga. Wuxuu sheegay Cirro inuu eegay danta Somaliland, islamarkaana uu isaga ku aqbalay wax walbo sidii loo heli lahaa amni iyo kala dambeyn. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe oo isna ah guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo natiijadii ay ku dhowaaqeen guddiga doorashada Somaliland. Muuse Biixi oo aha musharraxa xisbiga Kulmiye ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Somaliland. Goobjoog News Source
-
Ra’iisulwasaarihii is-casilay ee dalka Lebnon Sacad Xariiri ayaa ku laabtay magaalada Beirut, waana markii ugu horreysay uu ku laabto dalkiisa tan iyo markii uu shaaciyey inuu iska casilay xilka 4 November. Ilo wareedyo ayaa waxay cadeeyeen in Xariiri ay garoonka ku soo dhaweeyeen qebo ka mida ciidamada Ammaanka. Xariiri ayaa ka soo duulay magaalada Paris ee caasimadda Farnsiisk isaga oo soo maray magaalada Qaahira halkaasi oo uu kulan kula soo yeeshay madaxweyne CabdiFitaax Al-siisii. Goobjoog News Source
-
Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda sharafta leh ka raagelineysaa qoraal cinwaankiisu ahaa “Hadaad Laangaab Tahay Ha Noqon Maangaab” oo uu soo qoray akhristaha Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim) oo ku nool dalka Mareyaknaka. Waxaa nala soo xiriiray dad dhibsaday qoraalkaasi, waxaan u aragnay in ay haboon tahay in aan bixinno, kana raalli-gelinno akhristayaasha. Goobjoog News, Source
-
Inkastoo uu guddiga doorashadu 10 maalmood codbixinta ka dib ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay, misna saadaal badan ayaa dhankaas u janjeertay; kaliya waxaa laga dhawrsanayey in afka la soo mariyo bacdamaa aan natiijo rasmi ah lagu dhawaaqin. Haddaba maxaa guushiisa fududeeyey? Siyaasad iyo dhaqan Midda ugu horraysa, murankana uusan ka taagnayn waa codadka la dhiibtay oo musharraxa xisbul-xaakimka uu ka helay 305,909 cod, kuwaa oo u dhigma 55.19%. Wuxuu si wanaagsan oo weliba xeeladaysan u adeegsaday ololihiisa oo uu u isticmaalay hannaan siyaasadda iyo dhaqanka oo la isku dhafay. Tusaale ahaan, beel aan aad u taageersanayn, dhalasho ahaanna ay u siman yihiin isaga iyo ninka ay aadka isku hayeen ee C/raxmaan Cirro ayaa deegaan ay xoog lahaayeen waxaa lagu dhagaxyeeyey gaariga Muse Biixi (lama hubo inuu saarnaa). Gogol ayuu u dhigtay isagoo xaal ka dalbaday maadaama aysan labada murashaxba beesha ka tirsanayn, wuxuuna ku saleeyey eeddiisa in isaga laga hiilliyey oo sabab la’aan lagu dhagaxyeeyey. Markii la ogolaaday in la xaal mariyo ayuu yiri “waad mahadsan tihiin lacagna idinkagama baahni laakin igu xaal mariya codkiina oo isaga I siiya” waxaa la aaminsan yahay in beeshaas u codad aad u badan sidaa uga helay. Isla xagga dhaqanka oo siyaasadda Somaliland ay ku qotontana waxaa abtiyaal u ah beesha uu ka soo jeedo murashaxa mucaaradka. Taageerada madaxweynaha xilka ka degaya iyo xisbiga talada haya ayaa kaalin weyn ka cayaaray inuu soo baxo. Dagaalkii SNM Waa nin Somaliland sumcad kaga dhex leh dagaalkii SNM oo uu ka mid ahaa raggii jabhaddaas soo hoggaamiyey. Sidaa awgeed bad badan oo reer Somaliland ah ayaa Biixi u arka in uu yahay in u soo halgamay, taasi oo uu codad badan ku kasbaday. Go’aan adeyg Dabeecad ahaan waa nin furfuran oo dadka yaqaanna ay ku tilmaameen in uu yahay nin la fahmi karo, waxna fahmi kara. Waxay kaloo ku tilmaameen inuu yahay nin go’aan adag oo aan ka laaban waxa u go’aansado. Taasi waxay keentay in uu isagu toos maamusho ololihiisa.
-
Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay madal looga hadlayey Isirka Soomaalida, xarunta dhaqanka ee Ifiye oo soo qabanqaabisay kulankan, waxaa marti ku ahaa Prof. Maxamed Gaandi oo ah qoraa taariikhda iyo Isirka Soomaaliyeed. Gaandi sidoo kale waa siyaasi horay u soo noqday wasiirka gashaandhigga(2009-2010), hadda waxaa uu ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Prof. Maxamed Gaandi, waxaa uu madasha uga hadlay bilowga taariikhda Soomaaliya, Isirka Soomaalida, abtirka Iyo beelaha hadda Jira, waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida, Isticmaarka iyo Soomaaliya. Bilowga Taariikhda Soomaaliya: Prof. Maxamed Gaandi, Taariikhda Soomaalida waxaa uu ka soo bilaabay xilligii faraacinada gaar ahaan boqoraddii Xatshepshut, oo aheyd boqoradii 5aad ee Faraaciinta, taas oo xiriir soke la laheyd dhulka Soomaalida, Faraaciinta waxaa ay halkan ka qaadan jireen fooxa iyo waxyaabaha udgoon. Waxaa kale oo Soomaalida xiriir la laheyd dalka Giriigga, magacyo badan oo loo aqoon jiray Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Punt, Zinji iyo Azaaniya. Asal-ka Magaca Soomaal waxaa uu ku sheegay in 3 meel: Erayga carbeed ee (duu-maal) oo micnaheeda yahay mid maal leh oo ka yimid sida uu sheegay Yemen, iyaga oo-Yemen-aan ku dhawaaqi karin”D” ayey yiraahdeen Zuumaal halka Soomaalida oo aan Z laheyn u badaleen Soomaal. So-Maal oo hilib ah, waa micno kale. Erayga marti-gelinta ka tarjumaayo ee xoolaha Soomaal. Prof. Maxamed Gaandi , Waxaa kale uu soo qaatay in qarniga 16aad markii ugu horeysay qoraallada Xabashida lagu arkey in beelo uu jabiyay boqorkii Itoobiyaan-ka ahaa uu ku yiri “Soomaaliya u sheeg”, taas oo muujineysa in xilligaasi ay Soomaalida diriri-jireen, gaar ahaan loolanka Xabashida iyo Soomaaliya. Asalka Soomaalida waxaa uu ku soo koobay 3 aragti: (1): Carab: Prof. Maxamed Gaandi , waxaa uu sheegay in ay jirto aragti xoogan oo leh Soomaaliya waa carab, oo muujineysa in dhulkan markii hore ay Bantu deganayeen, oo Oromo in ay timid xoogtay, una soo riixday dhanka Koonfurta, Kadibna Soomaalida Jasiiradda carabta ka yimaadeen oo iyagana Oromada dhulka ka xoogeen, sidaana ay u dageen…Soomaalidana markii ay isticmaarka yimaadeen oo la doonayey in la qoro isirkooda, si diinta Islaamka u badbaadiyaan ayey abitirka geliyeen carab. (2): Aragtiga Shalotrenz ee Isirka: Xaam ama Xaamiyiinta Yaafith ama Yaafisiinta Saam ama Saamiyiinta Aragtiyadaasi waxaa ay Soomaalida gelinayaan bahda Cushitic, oo ah in Soomaalida ka soo jeedaan dad ku noolaa dhulka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, dadkaasi oo xitaa Faraacinada ka adkaaday 800 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise. Cushitic: waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Aragti kale, oo dhigeysa in Soomaalida yihiin Afirikaan rasmi ah oo aan biyo is-marin. Abtirka Iyo Beelaha Hadda Jira: Prof. Maxamed Gaandi Qabiillada Iyo Abtirka Hadda Jira mar uu ka hadlayey waxaa uu meesha ka saaray abtirka iyo beelaha in ay weligood sidaasi ahaayeen, waxaa uu qabaa in intii isku dan iyo nidaam ah ay magac iskala baxeen, sidaana ay ku yimaadeen magacyadan aan naqaanno, waxaa kale uu ku doodayaa in beesha 5aad ama .5-ka lagu sameeyay shirka Carte 2000 ay beel la yaqaano oo lagu abtirsado isku badali-doono 50 sano kadib. Waxyaabaha uu qabiilka ku wanaagsan yahay waxaa uu ku sheegay iskaashiga, dhiigga oo la isla bixiyo, xoolaha oo la isla raaco iyo wanaagga oo la iskugu gargaaro, isaga oo intaasi ku daray in ay beesha sii jiri-doonto illaa laga helo nidaam dowladnimo oo adag. Waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida. (1): Deegaanka: Soomaalida waa bulsho deegaan ahaan isku mid, oo hal meel oo geeska Afrika ah ku nool, 4 dal ayey degaan sida Jamhuuriadda federaalka ah ee Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya. (2): Afka: Waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay Cushitic, Teeda kale Cushitic waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Xigto: Soomaalida waa dad xigto ay ka dhaxeyso. (4): Silsiladda Tolka: Soomaalida waxaa ay leeyihiin silsilad ka soo bilaabatad Qoys, reer, jilib, laf, qolo illaa tol oo isku tollan. (5): Dhismaha Aqalka: Waxaa uu sheegay in weli reer miyiga heystaan dhaqan ah in aqalka ay dhismahiisa iyo qalabeyntiisa iska kaashaadaan reerka wiil iyo gabadha isku guursanaya. (6): Marxaladaha Da’ada: waxaa kale uu sheegay in caruurta yar, wiilka gaashaan-ka iyo gabdha gashaantiga ah, garmadow illaa Duq ay dhammaan qaab cumri ah u sameeyaan marxaladaha ragga iyo haweenka. (7): Beel: Waxaa ay ka simman yihiin sida uu sheegay beelaha oo beel weliba leedahay rag lagu tashto dhanka xoogga, deegaan ay leedahay, magta iyo qaaraanka oo la isla bixiyo, magaca, xoolo iyo summad iyaga beel ahaan u gaar ah. (8): Qeybaha Bulshada: Waxaa uu soo qaatay in qeybaha bulshadii hore loo kala saaro waranle, waable iyo wadaad, waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad ku nool webiyada, magaalooyinka iyo jasiiradaha. (9): Xeerka: Soomaalida waxaa ay wadaagto waxaa ka mid ah xeerka, sida dhiig iyo dhaqan, waxaa qeybtan ka mid ah waxyaabaha Moodka(dhulalka, guraya….) iyo Nool oo xoolaha iyo waxa nool. (10): Dowladda: Waxa ugu casri-san ee Soomaalida wadaagaan waxaa uu ku sheegay calanka iyo dastuurka. Isticmaarka Reer Galbeedka iyo Soomaaliya: Prof. Maxamed Gaandi, ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Isticmaarkii reer Yurub ay wax badan ka badaleen bulshada balse Soomaalida aaney is-dhiibin sida: Sharaf-beelka Odoyaasha: Isticmaarka waxaa ay odoyaasha siin-jireen Sado si dadka ugu marti-qaadaan markii dambana mushaar ayaa loo qoray, taasi oo meesha ka saartay sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeem Diin Jaceylka: Isticmaarka waxaa uu sii xoojiyay jaceylka ay Soomaalida u qabaan diinta Islaamka, waxaa ay badiyeen dhismaha madaarista qur’aanka, waxaa caruurta u diideen Iskuullada isticmaarka, waxaa kale oo caruurta loo bixiyay magacyo carab ah, isaga oo ku dooday in 3 ama 4 jiil aan la dhaafin karin magacyada Soomaaliyeed ee carabta, taasina la isaga celiyay oo keliya isticmaarka. Isirka Carabta: Isticmaarka waa dadkii ugu horeeyay ee raadiyey ama qoray isirka Soomaalida, dadkii ay la hadleen, waxaa ay abtirka geliyeen Carab si ay uga fogaadaan Afrikaan iyo meelo kale. Dhaqanka Oo Laga Fogaaday: Isticmaarka waxaa uu qaabab kala duwan ula dhaqmay Soomaalida, Koonfurta oo Talyaani ahaa iyo Waqooyiga oo Ingiriis gumeysan jiray waxbarashada iyo wax badan ayey ku kala duwanaayeen, tiiyoo markii dambe keentay in dalka uu soo galo hanti-wadaag oo meesha ka baxo marjicii umadda Soomaaliyeed iyo dhaqankii suubanaa. W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye
-
Hargeysa (Caasimada Onlinne) – Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay Guul-darada Xisbiga Wadani uu kala Kulmay doorashadii “Kulmiye iyo Ucid waa Isku mid, Wadani Wuxuu ahaa Soomaali-wayn, Guusha waanu la Leenahay Muuse Biixi Cabdi “ ayuu yidhi Faysal Cali waraabe oo Guul-daro xoogan kala kulmay doorashadii Somaliland ayaa sheegay inuu Aqbalay Natiijada kasoo baxday Gudiga Doorashada. “Hadii aanu Horey u sheegtay inaanu Aqbalayno Natiijada, waanu ku Khasbanahay inaan Aqbalo Najiitada lagu sheegay inuu Muuse biixi Guulaystay”. Ayuu yidhi Faysal. Faysal ayaa sheegay in la mideeyao Qabiilada isku Nacay Xiligii doorashada isagoo Xusay inay doorashadu ka dhacday Qaab Qabiilo ku salaysan. “Doorashadu waxay ahayd Qof iyo Codkiisa oo Diimuqraadi ah, Balse waxaa lagu Codeeyay Qabiil ahaan, Waxaana Hanbalyo u dirayaa Beeshayda oo Codkeeda isiisay”. Ayuu yidhi Faysal. Wuxuu Muuse Biixi iyo ku xigeenka usoo jeediyey inay sii wadaan Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Wuxuuna uga digay inay keligood Talada isku Koobaan. “Heshiiskii Khaatumo waa in la dhamaystiro, waa in la galo Heshiiskii iyo Wadahadalka Buuhoodle, waa in dadka la Mideeyo, waa inaysan Noqon dawlad ku kooban galbeedka Hargeisa sidii horey u dhacday, Hadii ay sidaas Noqoto Faraha ayaanu ka Qaadi doonaa “ Ayuu yidhi Faysal Waraabe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulan gaara kula qaatay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis. Micheal Keating iyo General Samora Yunis, ayaa inta uu kulankooda socday isla soo qaaday xaalada cakiran ee ka taagan Somalia, Amniga iyo sida ciidamada Somalia loogu wareejin lahaa amaanka dalka. Micheal Keating, ayaa Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis ku amaanay sida ay uga go’an tahay inuu isku garabtaago Somalia, sida uu hadalka u dhigay Keating waxa uu sheegay in Taliyaha uu ku adkeeyay wax ka bedelka xaalada cakiran ee iminka ka taagan Somalia, gaar ahaan dhanka amniga. Qoraal kooban oo ergaygu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in isaga iyo Taliyaha difaaca ay ka wada hadleen sidii mas’uuliyada amniga Somalia loogu wareejin lahaa ciidamada Somalia. Keating, waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay in la adkeeyo awooda ciidamada Somalia, isla markaana ciidamada loo muuqaal ekeysiiyo kuwo tayo leh oo wax muuqda ka qabankara amniga Somalia. Sidoo kale, waxa ay Keating iyo General Samora si wada jira u qireen in bixitaanka ciidamada AMISOM uu bilaaban doono sanadka 2018 waxaana muhiim ah in ciidamada Somalia loo diyaariyo sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga dalka. Dhinaca kale, magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ka socda kulan ku aadan arintan oo ay qayb ka yihiin Midowga Afrika iyo QM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Hubka usoo daga dowlada Federaalka ee gala gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab ee sida aadka ah uga soo horjeeda amniga iyo xasilooni ka dhalata Somalia. Hubka dowlada qeybahooda kala duwan ayaa iminka ku jira gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab, waxaana xusid mudan in qaarkood laga faramaroojiyay ciidamada dowlada. Noocyada Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Sida Sabanka, AK47 iyo Qoriga Dhashiikaha ee ku dul-xirma gaariga dagaalka ee Soomaalidu u taqaan Cabdi-bilaha. Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa sahla asbaabaha kala ah: 1-Xuquuq la’aanta heysata ciidamada dowlada oo sahashay iibsashada Hubkooda. 2-Alshabaab oo xubno qarsoon iyo kuwo muuqda ku dhex leh dowlada Federaalka, taa oo fududeysa in Alshabaab ay hantaan wax waliba oo ku jira gacanta dowlada. 3-Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada qaarkood oo ay wada shaqeyn hoose kala dhexeyso al-Shabaab, taa oo dhiirigalin iyo hami gaara galisay argagixisada. 4-Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqalaha kasoo goostay al-Shabaab ee xilalka loo dhiiba oo kusii kordhaaya dowlada. Sidoo kale, waxaa la qiray in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka hub badan tahay Dowlada Somalia, kadib markii dagaalamayaasha Kooxda ay dhaqan iyo caado ka dhigteen inay ugaarsadaan ciidamada Hubka wata. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid aan ku baraarugin dhibta ay Shabaabka ku hayaan dalka iyo dadka, waxaana xusid mudan in maleeshiyadu ay ka kaaftoomeyso Hub dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaa aad usii adkaanaya xiriirka wada shaqeeneyd ee Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax kala dhexeeya Saraakiisha kale ee Booliska. Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar, ayaa la xaqiijiyay inuu is fahan’waa kala dhexeeyo Saraakiisha ciidamada, kadib markii uu dhammaantooda duldhigay amaro fulintooda ku adag. Jen. Mukhtaar, ayaa Saraakiisha ku amray inay heegan ku ahaadan Saldhigyada ay maamulaan iyo dhammaan Isgoosyada uu ka kooban yahay Degmooyinka ay ku magacaaban yihiin. Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Jen. Mukhtaar oo ku ad adag dhanka sharciga ayaa Saraakiisha ugu goodiyay inay mari doonaan waxa uu sharciga qabo, haddii ay dhacdo in lagu helo khaladaad. Wuxuu ku wargaliyay in Saraakiisha Booliska aysan ku kala sareyn doonin sharciga, isla markaana uu mari doono Sarkaal weliba. Sidoo kale, Saraakiisha Booliska ayaa cadaadis u arka amarada uu kusoo rogo Jen. Mukhtaar, waxa ayna tani caqabad ku noqotay wada shaqeynta ka dhexeysa Sii hayaha xilka Taliyaha Booliska iyo Saraakiisha. Dhinaca kale, waxaa lasoo warinayaa in Jen. Mukhtaar uu si KMG ah shaqada uga fadhiisiyey Saraakiil dhowr ah oo lagu heysto eedeymo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen “is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay”. Waxa kale oo uu Cirro sheegay in “taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan”, waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay “cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan” in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin. Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland” waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “waxaan go’aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo”. Aqbalaadda Cirro ayaa dad badan ay lama filaan ku noqtay maadaama uu horey u sheegay in doorashada lagu shubtay, waxayse tani muujineysaa inuu danta Somaliland ka horumarinayo tiisa shaqsiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa Salaasada Maanta ansixiyey qaraar ku baaqaya in tallaabooyin adag la qaado si looga hortago tahriibinta dadka iyo addoonsiga casriga ah dhammaan daafaha caalamka. Qaraarkan ayaa waddamada caalamka ku boorrinaya in la dhaqan-geliyo xeerarka la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo in dadaal badan la geliyo sidii loo xaqiijin lahaa burburinta iyo kala-furidda shabakadaha addoonsiga ee caalamka. Dhammaan 15 xubnood ee Golaha Amniga QM ayaa anixiyey qaraarka,waxayna sheegeen in ay qaadayaan tallaabooyin looga hortagayo arrintaas. Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha u sheegay in horumarka caalamka lagu xoojin karo la-dagaallanka ka ganacsiga dadka iyo addoonsiga. Guterres ayaa ku baaqay in la caawiyo muhaajiriinta caalamka,sidoo kalena la ilaaliyo qaxootiga ku sugan waddamada colaaddu ragaadisay,sida Libya ee u nugul addoonsiga. Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada dhowaan ayaa muujiyey soogalooti Afrikaan ah oo lagu iibinayo dalka Libya. “maalmihii u dambeeyey waxaa argagax nagu beeray sawirada ka imaanaya dalka Libya ee muujinaya Afrikaanka la xaraashayo sidii badeecadaha. Waa mas’uuliyadeenna wadareed inaan joojinno denbiyadaan.It is our collective responsibility to stop these crimes”,ayuu yiri Guterres. PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ansixiyey Qaraar cusub. appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland outgoing president congratulates president-elect
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland outgoing president HE Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo speaking on behalf of his government and the people congratulate on President Elect, Hon. Musa Bihi Abdi and Deputy President, Abdirahman Abdilahi Sayli’i. In an announcement by the president’s office on Tuesday stated that the incumbent president who will transfer power has prayed that the President Elect will smoothly execute the presidential duties and asked that the almighty Allah will make this tasks easy for them. The incumbent president has called on the new president to unite the nation and to do justice for all. The outgoing president has reminded his successor that he is now the Head of State for those who voted for him, voted against him, abstained voters and those who did not cast their votes. The president has lauded the two main opposition parties that participated the presidential campaign. Mr. Silanyo has praised the courageous actions that both defeated candidates have conceded defeat and accepted the presidential election outcome. He said that both parties have shown a high sense of maturity. Incumbent President Ahmed Silanyo will leave office within a month once the President Elect is sworn in to office. He has retired from politics after serving as SL Head of State for 7 years. -
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed. Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.” ------ President Farmaajo
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaaradahooda ay Duqeyn ka fuliyay Somalia, gaar ahaan deegan hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose. Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Buur-Ceelcade oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay. Waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi oo lagu guuleystay lagu dilay maleeshiyaad dhan 100 oo isugu jiray kuwo hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii joogteyn doonaan weerarada ay ku hayaan Alshabaab meel walba oo ay ku tuhmaan sida xarumaha tababaraha iyo saldhigyadoodaba. Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka Faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland. Dhinaca kale, duqeyntan oo la sheegay inay dhacday tobankii subaxnimo ee saaka ayaa noqoneysa tii ugu khasaaraha badneyd.