-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddi nabadayn ah oo nabad kusoo dabaala dhibaatada ka dhextaagan dadka walaalaha ah ee wada degan degaanka cagaare ayaa maanta 22 December 2017 waxa ay ka ambabaxeen magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib markii Madaxweynaha Dawladda Puntland ku booriyey labada beelood ee dagaaladu dhexmareen inay nabada ka shaqeeyaan. Guddigan oo ka kooban Isimo, Culumo Aw-diin, nabaddoono, cuqaal, waxgarad, xeel-dheerayaal, ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa ka hor intaanay ka anbabixin degmada Buurtinle ayaa waxaa ay la hadleen iyagoona baaq nabadeed u diray lada beelood ku dagaalamay degaanka Cagaare. Imaam Cadiwahaab Maxamuud oo kamidda guddiga arintana loo xilsaaray ayaa sheegay inay gurmad u yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen dhibaatada ka dhextaagan shacabka walaalaha ah, waxaana uu sheegay inay yihiin dadka dhimanayaa dad walaalo ah oo isku ehel ah, hal qoys ah oo hal degaan ah, isla markaana waxa uu baaq u diray shacabka labada dhinac ee degaankaasi wada degan inay joojiyaan dhibaatada, xaaladdana nabad, waan-waan iyo wada hadal ku dhameeyaan. Nabadoon Yaasiin Cabdisemed oo kamida nabadoonada Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay ka waxgarad ahaan ka xun yihiin dhacdada foosha xun ee ka dhex dhacday dadka ehelka ah, waxaana uu cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay dadka shacab ka ah ee wada degan dhexdooda nabad uga dhex dhalan lahayd, isla markaana waxa uu xusay inay ka rajaynayaan waxgaradka dhinaca kale inay iyana dhankooda ka shaqeeyaan daminta colaaddaasi. Dhinaca kale Shiikh Maxamed Caalin Axmed oo kamidda culima aw-diinta Soomaaliyeed ee rere Puntland oo ka hadlay madasha baaqa nabadeed ayaa shegay in Alle “SWC’ ”sheegay in qofkii qof muslim ah dila oo kas iyo ula kac u dila in naarta Jahana Alle ku abaal marinayo cadho Allena ay ku dhacayso, raxmadda Allena laga fogaynaayo oo isaga iyo shaydaan isku meel la-dhigayo “. Ug danbayn, Shiikh Maxamed Caalin Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Rasuulkeena Maxamed “SCW” uu yidhi ” laba qof oo muslimiin ah oo mid walbi hubkiisa sito haddii ay iska horyimaadaan oo ay dagaalamaan labaduba naartay gelayaan”. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Guddi Nabadayn Ah oo u Ambabaxay Degaanka Cagaare oo Maalmahan Ay Ka Jireen Dagaalo Sokeeye . appeared first on Puntland Post.
-
HALKAAN KU DHUFO SI AAD U DAAWATID.
-
Muqdisho (PP) ─ Waxaa goor-dhaw Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium ka billaabatay cayaartii kama dambeysta ahayd [Final-ka], Koobka Kooxaha maamul-goboleedyada Somalia, taasoo ay Cayaarayaan kooxaha Puntland iyo Jubbaland. Labada xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana koox walba ay isku dayaysaa galabta inay koobka loo tartamayo galabta ay iyadu hanato, iyadoo la xusuusto in koobkan ay sannadkii hore qaateen xulka Puntland. Cayaartana ayaa waxaa daawanaya taageerayaan fara badan oo ka kala socda labada maamul-gobleed iyo dadweyne kale oo Reer Muqdisho ah; waxaana cayaarta galabta ay soo af-jaraysaa cayaarihii ay toddobaadyadan cayaarayeen kooxaha maamul-goboleedyada dalka. Haddaba; DAAWO Cayaarta Final-ka ah ee Koobka Maamul-goboleedyada; PUNTLAND POST The post Cayaarta Final-ka ee Koobka Kooxaha Maamul-goboleedyada dalka oo Goor-dhaw billowday appeared first on Puntland Post.
-
“Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ey xoog wax ku raadinayaan” Waa hadalka uu C/Raxmaan C/Shakuur ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey. Ilaa shaley dad ku celcelinaaya warkaas oo u tiirinaaya C/Raxmaan C/Shakuur waan arkaayey. Laakiin waxaan sugaayey inaan dhegeheyga ku maqlo, maanta ayey ii suurto gashay inaan maqlo. Waxaan rabaa C/Raxmaan C/Shakuur inaan u sheego arrimahan: 1- Dadka diiday dulmiga, dalbayna sharciga in waxkasto loo maro ma aheyn hal qolo ee waa inta waxgaradka ah oo waddanka u damqanaya. Badankoodana ma fiirinin qofka la dulmay yuu yahay, balse mabda’a ayey ka diideen. 2- Dadka aad ku tilmaantey in loogu yaqaan mise lagu sheekeysto inay xoog wax ku raadiyaan ma ahan dadka xamar u dhashey ee waa dadka duullaanka ku ah oo aad ogtahay, Marka ha isku qasin. 3- Caasimadda waddanka qof marti ku ah mise marti loo yahay ma jirto, haddiise aad ka waddo beelaha aan u dhalanin, adiga ayaa ugu horeynaayo oo marti ku ah. 4- Dowladda marna marti ma noqoneyso, xitaa dadka waqtigaas talada haaya aysan u dhalanin caasimadda mise Koofur. Maxaa yeelay dowladda ma ahan qofka xukunka heysta oo keliya. 5- Waxaa ayaan daro ah in adigoo raadinaaya inaad ummadda Soomaaliyeed madax u noqoto, haddana weli maskaxda ay kaa guuxeyso in dad marti ah iyo dad marti loo yahay ay jirto. 6- Biseyl siyaasadeed oo badan ayaa kuu dhiman haddii weli aadan ka bixin aagga ku tiirsanashaha beeshaada. Tani waxba kama bedeleyso mawqifkeygii hore oo aan si cad ugu diiday dulmiga laguu geystay maxaa yeelay markii horeba shaqsi ma ahayn waxaan daafacayey ee wuxuu ahaa inaan kasoo horjeedo qof muwaadin ah in lagu takrifalo xuquuqdiisa. W/Q: Dr. Mohamed Al-hadi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post C/raxmaan C/shakuur oo hal hadal ku baabi’iyey waxkasto uu ku helay dulmigii loo geystey appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya waxa ay maraysaa marxalad muhiim ah oo ay dib uga soo kabanayso qalalaaso iyo burbur baahsan oo qaatay ku dhawaad 30 sano, waxana jirta yididiilo iyo rajo weyn oo laga qabo in dalku uu dib lugihiisa isugu taago. Dhibaatada xilliga dheer qaadatay ee ku habsatay qaranka Soomaaliya, waxa ay saamaysay nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan iyo danaha ummadeed ee aynu leenahay, mana jirto cid ku niyadsan waxa uu dalkeennu soo maray haddii aanay ahayn dhinacyo dano gaar ah leh oo laga yaabo inay ku faa’iideen oo ku hodmeen sharci la’aanta dalka ka jirtay, iyagoo ka baqanaya inay dawladnimada oo soo laabata iyaga ay khatar ku tahay. Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed ee samaha iyo nabadda jecel waxa ay ka midaysan yihiin in wadada qura ee ay nabad iyo nolol wanaagsan lagu heli karo ay tahay iyadoo la taageero Dawladda sharciga ah ee dalka ka jirta si danta guud u meel marto. Waxaa marag-ma-doonto ah in rabitaanka wanaagsan ee inta badan dadka Soomaaliyeed ay hirgeli doonto, oo tiro yar ee danleyda ah aysan hor istaagi doonin. Xilliyadii u danbeeyey waxaa jiray shakhsiyaad iyo kooxo soo bandhigayey mucaaradnimo aan qiil iyo sal wanaagsan toonna lahayn, taasi oo ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda talada haysa iyo hoggaanka qaranka, waxana muuqata in mucaaradnimadooda inta badan laga maalgeliyo dalka dibaddiisa, waxaase ayaan darro ah in madax u dhaaratay qaranka Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin qorshahan khiyaamada qaran ah ee dalka lagu manjo xaabinayo, isla markaana, meel ku dhac ku ah haybadda dawladnimada Soomaaliyeed. Madaxdaas oo waa yaabe ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ah halkii ay waajibka ku ahayd in laga difaaco rabitaanka shacabka iyo dawladnimada. Waxaa guul weyn ah in dadka Soomaaliyeed oo runtii waaqica la socda ay faham durugsan u leeyihiin shakhsiyaadka iyo dhinacyada mucaaradka ah ee iyadoon sanad ba gaarin is hortaagga ku samaynaya waxqabadka iyo hannaanka geeddi-socodka nabadda iyo dawlad dhiska ee haatan socda ee ay garwadeenka ka tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa xusid mudan, in bulshada caalamku qirsan tahay waxqabadka iyo hufnaanta madaxda talada haysa ee Soomaaliya, lana aamini karo xukuumadda iyo madaxda qarankeenna. Shaki kuma jiro in inta shaqo socoto ay jirayaan qalad iyo gafaf la gelayo, laakiin waxa ay noqonayaan kuwo wax laga barto, waxaana looga gudbi karaa isu tanaasul iyo in miiska wada-hadalka la wada fariisto. Waxaa jirta dad aan doonayn inay wadahadal wax ku raadiyaan, maxaa yeelay waxay fahamsan yihiin in dooddoodu aysan qiil lahayn oo aan lala shir tegi karin. Mucaaradka Xukuumadda Ra’iisul Khayre waxa ay u muuqdaan kuwo qaab hayb beeleed u abaabulan, waxana damac kaga jiraa kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo wax walba u samaynaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen Xukuumadda si toodu u meelmaro. Madaama ay xilli cayiman xilka hayn doonto Xukuumaddan Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaan kula talin lahaa dhinacyada mucaaradka siyaasadeed ah inay sugaan markooda, oo aysan sumcadda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed xumayn, isla markaana ay u turaan nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaaliya ma qaadi karto qalalaaso siyaasadeed iyo daganaansho la’aan joogta ah oo qof walba saamayn karta. Waxaan ku soo gaba-gabeynayaa dawladnimadu waa teedka iyo darbiga ugu muhiimsan ee umadduhu ku naaloodaan, kana reebban isbarbaryaac. Isqabqabsiguna waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dawlad xumida iyo fashilka dawlad wanaagga. Umadaha qadarinta iyo tixgalinta ku leh nolosha, waxay ku tiirsan yihiin nidaam dawladdeed oo u taagan aayo ka talintooda. Dhammaan xadaaradaha lajanto ee dunida ka hanaqaaday waxa hormuud ka ahaa dawlad han iyo higsi leh, Soomaalidana waxaa la gudboon iney iska daayaan is-qabqabsiga dhexdooda oo u istaagaan sidii horumar iyo iskutashi waara loogu heli lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. W/Q Ahmed-nur Mohamed E-mail; axmednuur59@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Yaan Soomaaliya fursadda laga lumin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxa Talo wadaag ayaa soo saartay war murtiyeed ku saabsan siideynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dhibaatadii ka dhalatay xarigiisa. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran WAR MURTIYEED Golaha Aasaasayaasha Madasha Talo-wadaag oo ka wakiil ah xubnaha iyo taageerayasha Madasha waxay soo saareen baaqan: Sida ku cad Maabaadiida (Madasha Talo-wadaag), Dawladnimada iyo Maamul wanaagga waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo dastuurka dalka Lana adkeeyo saraynta sharciga oo la xaqiijiyana Madaxbanaanida Garsoorka iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka soomaaliyeed. Waxaanu soo dhawaynaynaa sii daynta Mudane: Cabdirahman Cabdishakuur Warsame oo xorriyaddiisa dib u helay shalay oo Khamiis ah 21/12/2017. Waxaanu Tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabadii dadkii ku dhintay dhacdadaas waxaanu leenahay Allah ha u Naxariisto anaga oo dhan samir iyo iimaan allah ha naga siiyo. Waxaanu ku amaanaynaa dhamaan dhinacyada kala duwan ee u istaagay in laga shaqeeyo nabadda lana kaabo hannaanka dowladnimo oo ay tahay in aan dhamaanteen wada ilaashano kana shaqayno sidii la isaga kaashan lahaa xasilinta dalka iyo xalinta xasarad kasta oo dhacda. Waxaanu ku boorinaynaa hay,dahaha kala duwan ee dowladda in ay yihiin cidda u xil saaran dhowridda iyo ku dhaqanka sharciga sidaa darteed waa in ay ka taxadaraan wax kasta oo keeni Kara ku takri-fal awoodeed iyo in lagu gabood falo xuquuqda muwaadiniinta. Waa in lagu ixtiraamo hay,adaha dowladda gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah si waafaqsan shuruucda dalka. Ugu dambeyn iyadoo la xeerinayo marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in meel looga soo wada jeesto halista cadowga, lana wajaho dhamaystirka howlaha qabyada ah ee hor yaalla Qarankan sida xasilinta iyo xoraynta dalka, dib u eegista dastuurka, geeddi socodka dimoqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin xor ah 2020. Si arimahaasi loo hirgeliyo waa in dowladda, mucaaradka, iyo bulshada rayidka ah ay dhamaan yeeshaan wada shaqeyn ku saleysan wada hadal is qancin iyo is faham, waxaana lagama maarmaan ah in dhacdo kasta lagu xalliyo hanaanka dowladnimo. Ridwaan Xirsi Maxamed Guddoomiyah, Madasha Talo-wadaag The post Madasha Talo-wadaag oo soo saartay war murtiyeedka xasaasi ah oo ku saabsan arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa — IOM, the UN Migration Agency in collaboration with Somaliland’s Ministry of Rehabilitation, Resettlement and Reconstruction, Hargeisa Migration Response Centre (MRC), the Ethiopian Community Centre in Hargeisa, the Ethiopian consulate in Somaliland, Somaliland’s Immigration Department and Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs, assisted 68 vulnerable Ethiopian migrants to return home on 6 December 2017. This Assisted Voluntary Return (AVR) movement was supported by the Regional Mixed Migration Program funded by the US Department of State Bureau of Population, Refugees and Migration (BPRM). After the 68 migrants were selected, IOM contacted the Ethiopian consulate in Hargeisa to carry out a nationality screening exercise and issue travel documents. The men, women and children were provided temporary shelter, food and onward transportation assistance to their final destinations upon arrival in Ethiopia. IOM missions in Hargeisa and Ethiopia worked together to verify their final destinations. The returnees were flown to Addis Ababa and received at the Bole International Airport by IOM Ethiopia on the same day. “The IOM AVR programme is an indispensable part of a comprehensive approach to migration management aimed at orderly and humane return of migrants who are unable or unwilling to remain in host or transit countries and wish to return voluntarily to their countries of origin,” said Fesial Mohamud, a Project Officer with IOM Somalia’s Migrant Assistance Division. There has been an increase in the number of Ethiopians deciding to return home in the recent past, according to the Hargeisa MRC database. The database also reveals that Ethiopian migrants who move to Hargeisa hoping to improve their economic status often opt to return home due to economic and social challenges. Between January and November 2017, IOM Somalia through the Hargeisa Migration Response Centre (MRC) received over 230 applications for AVR from Ethiopians residing in Hargeisa. Many of the applicants were single mothers and the elderly who said that they would have found it difficult to make the trip home without support. IOM
-
10 Dowladood ee kaalmada ugu badneyd ka helay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay ayaa intoonada badan ama ka codeeyay go’aanka Mareykanka ee Qudus ama ka aamusay. Sida ku qoran website-ka “Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta caalamiga ah” ee USAID dowaldaha kaalmada ugu badan ka helay Mareykanka 2017, waxaa ugu horreeyay dalka Ciraaq, halka aaney Soomaaliya kasoo dhex muuqan liiska tobonka dal ee uu Mareykanku lacagaha ugu badan ku bixiyo, waxaa kasoo dhex muuqday, koonfurta Suudaan oo inaga kaalmo badan iyo Tanzania oo la mid ah. 1 .Ciraaq, waxay Mareykanku sanadkii ku maalgeliyaan 5.28 Bilayn oo dollar. 2 .Afghanistan: 5.06 bilayn oo dollar. 3 .Masar: 1.23 billion oo dollar. 4 .Urdun: 1.21 billion oo dollar 5 .Kenya: 1.14 bilyan oo dollar. 6 .Ethiopia : 1.11 billion oo dollar. 7 .Pakistan: 778 milyan oo dollar. 8 .Nigeria: 718 milyan oo dollar. 9 .Koonfurta Suudaan: 708 milyan oo dollar. 10 .Tanzania: $629 milyan. Hadaba, 10 kaa dowladood sagaal ka mid ah ayaa u codeeyeen go’aanka Mareykanka lagaga soo horjeedo, halka Koonfurta Suudaan iyo Keynya ay sheegeen in ay ka aamuseen Si kastaba, Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley Ayaa Arbacadii ku hanjabtay iney hoosta ka xariiqi doonaan dowladaha Mareykanku uu kaalmada siiyo ee ka codeeya. Iyadoo ay u muuqato in hanjabaadaasi aaney wax saameyn ah yeelan, fadeexad iyo weji gabaxna ay ku noqotay Mareykanka iyo waliba Israel. Source
-
Filippo Grandi expresses his gratitude to Kenya for hosting almost half a million refugees and keeping its borders open to people fleeing war. During a visit to a women’s centre in Dadaab, Kenya Grandi reassured refugees of UNHCR’s continued support. © UNHCR “This commitment of Kenya must be matched by the international community.” NAIROBI, Kenya – WEBWIRE – Friday, December 22, 2017—UN High Commissioner for Refugees Filippo Grandi has expressed his gratitude to Kenya for continuing to host almost half a million refugees and keeping its borders open to people fleeing war. In a meeting with President Uhuru Kenyatta, Grandi received assurances that as the Somali refugee repatriation programme progresses, no refugee will be returned against his or her will. “At a time when many other countries are closing their borders and adopting restrictive measures, Kenya is continuing to host refugees,” Grandi said. “This commitment of Kenya must be matched by the international community with humanitarian and development funding as well as increased resettlement places, university scholarships and other opportunities.” “This commitment of Kenya must be matched by the international community.” The Somali refugee crisis is now entering its 27th year and Grandi said that as long as Somalia remains fragile, many refugees will remain apprehensive about returning home. Nevertheless, he noted that a significant number of refugees are deciding to return. So far this year, over 35,000 refugees from Dadaab refugee camp have moved back to Somalia under UNHCR’s voluntary repatriation programme, while over 18,000 have registered to leave. Since December 2014, over 73,000 refugees from Dadaab have returned voluntarily to Somalia. “These refugees are hopeful, and have made informed choices,” Grandi said, pledging continued support from UNHCR, the UN Refugee Agency in providing them with reintegration assistance upon arrival in Somalia. In Kismayo, Somalia, where most returning refugees from Dadaab have settled, Grandi met families who had lived in refugee camps in Kenya and Djibouti for two decades. Although the families were concerned about security, they expressed joy about shedding their refugee status and determination to contribute to rebuilding their country. UNHCR, together with the American Refugee Committee, is building simple settlements for returnees in greatest need of housing, and providing vocational training to help them find work or create businesses. On a visit to Dadaab on Tuesday, together with Ahmed Hussen, the Canadian Minister for Immigration, Refugees and Citizenship, Grandi spoke to refugees who were trying to decide whether to remain in Dadaab or return home to Somalia. Both Grandi and Hussen visited the repatriation ‘help desk’ where UNHCR carefully verifies the voluntary nature of their decision. While meeting refugees, Grandi appealed for stronger international efforts towards stabilization. “Somalia continues to need international efforts to help rebuild infrastructure and to create security conditions for refugees to return,” he said. During his visit, Grandi heard from Somali refugees about their challenges and hopes for the future. He also met with local authorities and host community leaders. “It’s useful for me to be here to learn and hear from you, even as we continue to do our best to support you,” he said, at a meeting with women and girls who are survivors of sexual and gender-based violence in Dadaab’s Hagadera camp. The women and girls displayed artwork they had been trained to make through a UNHCR-funded programme, managed by the International Rescue Committee, that supports vulnerable women. The women, who receive counselling at the center, expressed gratitude for the support they received but asked for more sewing materials so they could sell their wares, citing a lack of sufficient income-generating activities in the camp. “I can assure you that UNHCR and our partners are doing our best to use the scarce resources available to meet the most basic needs,” Grandi said. He expressed his regret that donor support is diminishing at a time when refugees here still require ongoing aid. Receiving Grandi in her modest shelter with a tin roof and a dirt floor, Ladan, a mother of five, told Grandi that conditions were tough. She was relocated after her section of the camp was closed as people left for Somalia. “I struggle to get enough food for my children as the food we used to receive was reduced by half,” she said, referring to World Food Programme’s ration cuts, a consequence of reduced donor funding. Her woes were echoed by other refugees, including community leaders who met with Grandi and outlined the challenges they face in the camps. The leaders cited high numbers of school dropouts and lack of higher education, decreasing opportunities to be resettled to third countries and lack of specialized services for people with special needs as some of their challenges. Grandi listened carefully to their concerns, particularly the need for more university education scholarships and vocational training. He was inspired by 16 high achieving students whom he met with Minister Hussen and had been awarded university scholarships under the World University Service of Canada, but regretted that hundreds of other successful high school graduates would not have the means to continue their studies. The High Commissioner said he would continue to appeal to international donors on their behalf and work with the government of Kenya in realizing President Kenyatta’s pledge to establish a vocational education center in Dadaab for both refugees and the host community. “Our appeal to donors and hosting countries is not to give up on Somali refugees,” Grandi said, noting that the World Bank had allocated US$100 million in loans in recognition of Kenya as a major refugee hosting country. Much of that investment is planned for infrastructure development and environmental rehabilitation programmes in Dadaab. Grandi called for a departure from a dependency model of enclosed camps like Dadaab. He said he was encouraged that Kenya had signed on to be one of the 13 countries that have adopted UNHCR’s new Comprehensive Refugee Response model. “In the future,” Grandi said, “we will strive to adopt an approach that provides both refugees and the host community access to services, while promoting self-reliance and economic opportunities to improve their living conditions and avoid aid dependency.” Webwire
-
FILE – African Union (AU) soldiers stand with their armored vehicles near a checkpoint on the eve of presidential elections in Mogadishu, Somalia, Feb. 7, 2017. WASHINGTON/NAIROBI — The African Union Mission in Somalia (AMISOM) says it needs urgent and reliable funding in order to defeat al-Shabab militants and transfer security responsibilities to the Somali National Army. AMISOM chief Francisco Madeira issued the appeal while talking to reporters in Nairobi Thursday. “We need urgent support. Our troops are ready, but they need to be resourced. This has not been happening to expectations, despite the repeated commitments by partners in different forums,” said Madeira. Madeira warned that lack of funding could endanger the hard-won gains in the fight against militants over the last decade. “A stable Somalia is critical for the stability across the East African region and beyond, and if we do not decisively address the threat of al-Shabab, [the group] will continue to pose a danger,” he said. AMISOM has said it will begin drawing down the number of troops in Somalia ahead of a total pullout in 2020. The first batch of 28 Ugandan soldiers left the country earlier this month. FILE – The U.N. Security Council votes on a resolution concerning Somalia, March 23, 2017. President Mohamed Abdullahi Mohamed addressed the council via a video link from Nairobi. A recent United Nations Security Council resolution slightly reduced the maximum number of troops to 21,626. Pre-conditions The AU plan for withdrawal set pre-conditions, including the training and equipping at least 30,000 Somali National Army (SNA) personnel with the support of the U.N. and other donor countries. Madeira says it is the time to help the SNA prepare to take the lead in the stabilization process. “It is urgent that Somalia security forces are capacitated to take over the security responsibilities of their country. The integration of Somali National Army needs to happen in urgency,” said Madeira. Mission optimism As the clock ticks towards a new year, AMISOM and the Somali Army, with the help of U.S. military, are preparing for a major offensive to drive al-Shabab militants out of their strongholds in the Juba Valley, the Gedo region and the Middle Juba region. “We look forward for 2018 with great optimism,” said Madeira. Madeira said AMISOM’s 2018 plans include handing over major frontline bases across Somalia to the SNA. But he questioned the viability of these plans without adequate funding and support. “We will work with the Somali National Forces and other stake holders to open unsecure main supply routes, protect strategic infrastructure such as key bridges in order to link population centers and support humanitarian activities. These operations are all subject to availability of adequate support,” said Madeira. On Tuesday, Somali Defense Minister Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman said an assessment conducted by the government found that approximately 30 percent of the SNA soldiers do not have weapons. The evaluators said some units also lack medium and heavy weaponry, and some are “undermanned.” Khadar Hared contributed to the story from Nairobi. VOA
-
Somaliland is often described as a breakaway state, void of international recognition. But most parts of Somaliland—including Hargeisa—boast safe, democratic, and culturally compelling destinations for tourists and professionals alike. Situated on a more temperate plateau, Hargeisa was a cultural epicentre for Somalis until the 1970s, and an overdue revival of its historical and creative essence is being fuelled by the tens of thousands of Somalis returning from the diaspora to their homeland with ideas and capital to invest. With a population of roughly 800,000, Hargeisa is the capital city and financial hub of Somaliland. Its construction and telecommunications sectors are booming, with new buildings coming up on a weekly basis. In the midst of all this modernization, many souvenirs can be picked up from the central market, including cowbells made of wood, dhiil (traditional milk containers), and the baati, a cotton dress recently popularized by a major international fashion magazine. A mandatory-without-being-mandatory trip to Laas Geel will expose you to the rich history of the region: stunning cave paintings dating back 6,000 years are just an hour away from Hargeisa. The cave paintings are some of the most vivid rock art in Africa, telling stories of cattlemen with ceremonial robes (and domesticized dogs!). Speak to the curators at the Saryan Museum, who would happily accompany you, and enjoy the art of their story-telling, so integral to Somalis across the globe. Nightlife in Hargeisa is filled with music, drawing inspiration from 1970s funk, contemporary pop, and Somali storytelling again. A famous boiling pot of creativity is Hiddo Dhowr (“preserve culture”), a restaurant and music venue built like traditional Somali homes (aqal Soomaali). Famous artists from Hargeisa, Mogadishu, and the West perform classical and contemporary Somali music every Thursday. Make sure you try dancing Dhaanto and Buraanbur, and finish your evening with sweetened Somali tea made with camel milk. Cash is king in Hargeisa. There are several ATMs available in hotels and banks, but most people use mobile money, as mobile penetration is amongst the highest in Africa. The Ambassador Hotel, located a mile from the airport, provides some of the best goat meat and tropical fruit smoothies in East Africa. You can also go to Café Barbara for good coffee and, in case you’re interested, the latest political and social intrigue making the rounds! For the more lazily inclined visitor, Gulivery delivers food to your doorstep, competing with the likes of UberEats. No trip to Hargeisa is complete without a quick fadhi ku dirir session in the shade. There are hundreds of tea stalls across the city, with plastic chairs or stools made out of cow skin, for you to sit and embrace the city’s atmosphere. Don’t hesitate to say “iskawaran?” (“how are you doing?”) to passing residents to evoke the hospitable responses of Somalis in Hargeisa. Worldbank Hassan Hirsi Communications Consultant Hassan Hirsi is a Communications Consultant working with the Somalia Country Management Unit (CMU). Blogging on: NASIKILIZA
-
Taliyihii ciidanka bilayska Puntland ee gobolka Cayn Col, Maxamuud Jaamac Cali ayaa ku geeriyoodey magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Taliyaha ayaa u geeriyooday xanuun awgiis, sida ay eheladiisa u xaqiijiyeen weriyaha Puntlandi ee Garowe, wuxuuna uu ku geeriyooday isbitaalka guud ee Garowe. Maanta oo jimco ah ayaa marxuumka lagu aasayaa magaalada Garowe, iyadoo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin dowladda katirsan iyo saraakiil ciidan. Puntlandi.com
-
Sheikh Cabdiraxmaan Dabcasar ayaa ku sugan saldhiga booliska madaarka Hargeysa ka dib markii saaka Jabouti ku soo celisay diyaarad shalay lagaga masaafuriyey Hargeysa. Shaqaalaha madaarka ayaa inoo sheegay inay ku war heleen Dabcasar oo diyaarada dhexdeeda fadhiya oo diidan inuu dego ilaa markii dambi laga soo dejiyey ka dibna la geeyey qaybta booliska madaarka. Dabcasar oo shalay laga sii daayey xabsi ku yaalla Hargeysa ayaa intii diyaaradii lagu masaafuriyey ayna ka bixin hawada madaarka wuxuu dhexdeeda ku duubay muuqaal uu ku dhaliilayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka jawaab celiyay qoraal ay dhawaan usoo dirtay Xeer ilaalinta Qaranka Somalia. Jawaari ayaa qoraalka Jawaab celinta ah u diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir, waxa uuna ku cadeeyay inay Jawaab u tahay warqad codsi ah oo ku saabsaneyd xasaanad ka qaadida Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdi saabir Nuur Shuuriye. Warqadan oo ka koobneyd Saddex bog ayaa waxa ay ku taariikheysneyd 19-ka bishan December 2017-ka. Jawaabta warqada ayaa waxaa lagu qeexay go’aan kasoo baxay fadhi ay 18-kii bishan Guddiyada Joogtada ka yeesheen warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab cad ah oo dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha. The post Akhriso: Jawaari oo Xeer ilaaliyaha Qaranka u diray Warqad Jawaab celin ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa loogu baaqay inay waxbadan ka bedesho talaabooyinka ay ku caburineyso Siyaasiyiinta kasoo horjeeda. Qaar kamid ah Xisbiyada Mucaradka oo ka gadoodsan caburinta lagu hayo Siyaasiyiinta dhaliilsan howlaha Qaranka ayaa sheegay in DFS laga doonayo dulqaad maadaama ay tahay tan laga sugaayo isbedelka. Waxa ay sheegen in dhinacyada Mucaaradka ay xaq u leeyihiin inay dhaliilan wax waliba oo ay u arkaan caqabad, balse dowlada laga doonaayo inay si hoose u saxdo khaladka la faramuuqaayo ee lagu eedeynaayo Farmaajo iyo Kheyre. Waxa ay cadeeyen in mucaaradka uu yahay mid codkiisa ku raadinaaya xil ama kursi heer Madaxweyne sidaa aawgeed aysan munaasib aheyn in DFS ay ku jawaabta qori caaradiisa. Waxay Dowladda ka dalbadeen inay yareyso caburinta ay ku heyso siyaasiyiinta, waxeyna sheegay hadii Dowladda ay adeegsato awood in ay imaan karto khalaase hor leh oo caasimaddu ay gasho. Dhinaca kale, waxa ay ku taliyeen in xariga iyo caburinta la huri waayo loo maro waddo sharci ah oo aan loo marin rasaas iyo duulaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo loogu baaqay ka fogaan shiyaha arrin ay aad u dhibsanayaan Mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahinayaan wakaaladaha Africa waxaa sii xumaanaya wada shaqeynta ka dhexeysa Xildhibaanada baarlamaanka Ethiopia, kadib markii ay isku khilaafeen qaabka loo wajahaayo xiisada ka dhex aloosan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Xildhibaanada ka soo kala jeeda Amxaarada iyo Oromada oo aad uga careysan dhibaatooyinka labada qowmiyadood ayaa si cad u qaadacay kulanka baarlamaanka Ethiopia. Xildhibaanada Amxaarada iyo Oromada, ayaa sheegay inaan la qaban doonin kulan danbe oo ay isugu imaanayaan Xildhibaanada waa haddii aan la qaadin talaano lid ku ah rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Xildhibaanada ayaa sheegay in xiligaan aanu jirin sabab uu baarlamaanka u kulmo ilaa Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan rabshadaha u dhexeeya labada qowmiyadood iyo sida ay ku bilawdeen. Xildhibaanada ayaa Ra’isul wasaaraha ugu baaqay inuu hor imaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo rabshadaha, maadaama ay dhibaatadu sii xoogeysaneyso. Sidoo kale, Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka ayaa qaba in rabashadaha u dhexeeya labada qowmiyadood uusan saameyn ku yeelan howlaha baarlamaanka. Khilaafka labada qowmiyadood ee saameynta ku yeeshay Xildhibaanada ayaa ka dhashay xasuuq Isbuucii la soo dhaafay ay qowmiyada Oromada u geysatay Soomaali dhan 60 qof. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay xero boolis dhexdeeda. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaalka Soomaalida & Oromada oo saameyn adag ku yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga digtay masuliyintii hore ee dawladda Soomaaliya in ay isticmaalaan Gadiid ciidamada melatariga Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta xukumadda Soomaaliya EN. Cabdiraxmaan Yarisow, ayaa sheegay in caqabad tagan ay tahay in gadidka ciidamada ay wadataan shaqsiyaad gaar ah. Wasiirka ayaa intaasi raaciyay inay jiraan shaqsiyaad dawladda ka mid ahaa oo si gaar ah u heesta gadiid ciidamada xooga oo baahi looqabo in dalka loogu adeego. Wasaarada gadhandhiga federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan soo sartay Daraasad lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda, ayaa waxaa ka mid ahaa in gaadiidka ciidanka ku jiro gacan kale. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay inay xayiraad kusoo rogto amiirka dhaxal sugaha ah ee dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman oo lagu eedeeyay xadgudubyo loo geystay Yemen. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa QM ugu baaqday inay hakiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada Bin Salmaan, iyadoo loo aqoonsan doono qaswade. Akshaya Kumar, oo ah ku-xigeenka Agaasimiha hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, ayaa sheegtay in Bin Salmaan uu halis ku yahay rajada shacabka Yemen, waxa ayna ku talisay in la cunaqabateeyo. Akshaya Kumar, waxa ay sheegtay in dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya uu ka masuul yahay xadgudubka gudaha Sacuudiga iyo dhibaatada bani’aadamnimo ee sii socota ee ka jirta dalka deriska la ah ee Yemen.” Kumar ayaa sheegtay in dib u habeynta Mohammed bin Salman, sida haweenka u oggolaanaya in ay wadaan gawaarida, furitaanka waxbarashada jimicsiga ee gabdhaha, iyo masraxyada filimka in ay furaan, ay ahaayeen tallaabooyin muhiim ah, balse waxa ay ka digtay dhibaatooyinka Amiirka u ka gaysanayo meelaha kale. Akshaya Kumar, oo arrinkaas ka hadlaaya ayaa tiri “Dagaalka Yaman, iyo doorka weyn ee xilka wasiirka difaaca, ma aha kuwa si aan fiican u sharxi kara hoggaamiye dhalin-yar ah,” oo aragti iyo isbadal doon ah ayay tiri. Dhinaca kale, Kumar ayaa hadalkeeda raacisay maaddaama xaddidaada la saaray Yaman ay halis galinayso qarkana ay u saaranyihiin malaayiin qof macaluusha iyo faafinta cudurrada caadiga ah ee la daweyn karo, ma aha in Amiirka Mohammed bin Salman loo ogolaado inuu suubiyo waxa uu rabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhaxal sugaha Sacuudiga oo loo aqoonsanaayo qaswade boholo mugdiya kuwada mustaqbalka wadanka… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ee la shaqeeya ciidammada xoogga dalka, aysan lahayn qorsho wada shaqeyn iyo isdhexgelin ah. Francisco Madeira wuxuu sheegay in tababarada kala duwan ee ciidammada Soomaaliya la siiyo aysan ka muuqan goobta dagaalka ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Tani waxay imaaneysaa iyadoo AMISOM ay bilowday in si aayar ah uga baxdo Soomaaliya. Illaa 1000 askeri ayaa illaa iyo hadda ka baxay dalka. In AMISOM ay bilowdo ka bixidda Soomaaliya wuxuu ka dhashay qaraar ay Qaramada Midoobey saxiixday bishii August. Qorshaha wuxuu yahay in masuuliyadda howlgalka ay la wareegaan ciidammada xooggadalka Soomaaliya. Askarta ayaa laga doonayaa in ay qeyb muhiim ah ka noqdaan dhowridda amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Qodobada ugu muhiimsan ee uu ka hadlay madaxa AMISOM ■ Ciidammada Soomaaliya isku tababar ma ahan, mana wada howlgali karaan ■ Ma lahan talis sax ah iyo xakameynWaxaa tababara EU, Turkiga, UAE iyo dalal kale ■ Wada shaqeyn la’aan ka dhexeyso dalalka soo kala tababara ciidammada Soomaaliya ■ Waxay ciidammadaasi ku kala biiraan maamul goboleedyo, shirkaddo gaar ah ■ Kuwa militariga ku biiray ma haystaan adeegga aasaasiga ah sida hub iyo hoy ■ AMISOM kun askeri ayey Soomaaliya ka saartay. Sannadka soo socdana kun kale ayaa la bixi doonaan ■ Militariga Somaaliya diyaar uma ahan in uu la wareego fariisimada AMISOM ay banneyneyso ■ AMISOM ciidammo badan way keeni kartaa, haddii maalgashi ay hesho ■ Tirada ciidammada waxay ku xiran tahay qalabka ay haystaan sida diyaaradaha ■ AMISOM in ay isku dayeysay in ay caawiso ciidammada Soomaaliya si hubka uusan gacanta ugu galin Al-Shabaab Laakiin madaxa AMISOM wuxuu sheegayaa in militariga Soomaaliya aysan “diyaar u ahayn in ay la wareegaan saldhigyada ay AMISOM ka bexeyso iyo howlgalka amniga”. Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib?Ma lagu guuleysan karaa dhismaha ciidammada qaranka Soomaaaliya?Yaa masuul ka ah rayidka lagu laayay Soomaaaliya? Ciidammada Soomaaliya ma haystaan qalab ku filan, tiradoodana ma gaareyso inta loo baahan yahay, balse waxay hadda la howlgalaan kuwa AMISOM iyo ciidammo kale oo ajaaniib ah. Francisco Madeira wuxuu sheegayaa in tababarka aadka loogu baahan yahay ee hadda socda uusan lahayn mabaadii’da aasaasiga ah. Midowga Yurub, Turkiga, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo kuwa kale ayaa tababara ciidamada Soomaaliya, balse Madeira wuxuu sheegayaa in loo baahan yahay in la isu yimaado oo la isku raaco qaabka loo mideyn karo dadaalka la wado. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah ciidammada la tababaray ay maamul goboleedyo ka tirsan yihiin, qaarna ay ku biiraan shirkado gaar loo leeyahay oo amniga ka shaqeeya, kuwana ay ka tirsan yihiin militariga balse “aysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah sida hubka iyo xarrumo”. AMISOM dhankeeda waxay wajeheysaa dhaqaale xumo ka dhallatay maalgelinta xaddidan, waxaana jirto cabsi ah in ka bixitaankooda uu saameeyo guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
-
Addis Ababa (PP) ─ Xildhibaannada kasoo jeeda Amxaarada iyo Oromada ayaa Qaadacay kulanka Baarlamaanka dalka Itoobiya, iyagoo ka careysan rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Mudanayaashu waxay sheegayaan inaysan jirin sabab uu Baarlamaanka u kulmo illaa Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan qalalaasaha u dheexeeya qowmiyadaha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Amxaarada iyo Oromada waxay muddo ka dibadbaxayeen waxay ku tilmaameen faquuqa siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay sheegeen in si gaar ah iyaga loogu hayo. Muddo bilo ah waxaa socdo dagaal dad badan ay ku dhinteen oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa in ka badan 60-qof oo Soomaali ah lagu dilay Gobolka Oromada ee Itoobiya. Dhanka kale, Arbacadii lasoo dhaafay ayaa Xisbiga EPRDF ee talada wuxuu ku eedeeyay Golihiisa Fulinta inay awoodi waayeen inay rabshadaha dalka taagan ay xal u helaan. Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay gudaha Xero Booliis oo ku taalla Gobolka Oromada. Inkastoo Desalegn uusan sheegin tirada Soomaalida ah ee la dilay, ayaa la sheegayaa in tirada la laayay ay u dhaw yihiin 100-qof, wuxuuna Desalegn sheegay in dhibaato badan ay ka dhacday goobtaas. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dambiga uu ku cadaado. PUNTLAND POST The post Khilaafka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo Saameeyay Baarlamaanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha Mareykanka ku goodiyay inuu talaabo ka qaadi doono wadamada xubnaha ka ah QM ee ka hor imaada go’aanka Qudus,, ayaa waxaa arrinkaas jawaab ka bixiyay Wadamada qeybta ka ah QM. Wadamadan ayaa si buuxda uga soo horjeestay hanjabaada Maraykanka iyaga oo u codeeyay qaraar ka dhan ah go’aanka madaxweyne Donald Trump. Wadamadan waxa ay qaadaceen go’aanka Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel, waxaana qaraarka lagu ansixiyay Shirwaynaha Guud ee Golaha Khamiistii. Waxaa u codeeyay 128 dal waxaana kasoo horjeestay 9 dal, halka 35 dal ay ka aamuseen arrintaan. Sidoo kale, wakiilada golaha ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraarka inkasta oo maamulka Trump ay isku dayeen inay cabsi galiyaan wadamada ka hor imaaday go’aanka Qudus looga dhigay caasimada Israel. Maamulka Trump ayaa ayaa ugu caga jugleeyay dowladahaas in ay kaalmada dhaqaale ka jarayaan dalalka xubnaha ka ah golaha ee codkooda uga soo horjeesta go’aankiisa. Safiirka Maraykanka u fadhiya QM, Nikki Haley, ay ka digtay in ay qaadi doonto magacyada dalalkaas, waxa ayna arrin culeyskeeda leh ku sheegtay talaabada ay qaadayaan wadamadaasi. Dhinaca kale, Wakhti kooban ka dib codeynta, hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa ugu yeeray codka guusha ree Falastiin waxayna u mahadcelisay wadamada xubnaha ka ah UN-ta ee diiday in ay taageeraan go’aanka “Trump” inkastoo oo cadaadis badan lagu soo rogay”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Go’aankii Trump ee Qudus oo lalaalay & Golaha Guud ee QM oo hal mowqif yeeshay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas maanta oo tagay Magaalada Burtinle ayaa sheegay inay wadaan hishiis ay kala dhex dhigayaan Dadka kud-dagaalamay degaankaasi. Madaxweynaha Puntland oo booqday degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa ka hadlay dagaal labo beelood ku dhex maray deegaanka Gumbur ah howdka u dhexeeeya Gobalada Sool iyo Nugaal. Madaxwayanaha ayaa kulama laqadanaya dadka degaanka waxaana uu sheegay in labada dhica uu lahadlay dirirta ay u-dhaxeeso ayna balann qadeen hishiis rasmi ah inay wada-gaaraan. Waxaa kale uu sheegay dhica Mudug in meel wanaagsan ay marayaan nabada Gaalkacyo oo dhawaan hishiis la gaaray taasi uu sheegay in waxbadan ay kabadashay nolosha dadka uu sheegay inay donayaan nabad waaarta. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] ayaa u qoray Xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Warqad jawaab u ah codsigii uu Xeer-ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa Xasaanad-ka-qaadidda Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye. Warqadan oo ka ku Taariikheysan 19-ka bishan December 2017-ka, ayaa ka soo baxday shir gaar ah oo ay bishan 18-keedii yeesheen gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay Xeer-ilaaliyaha in iyadoo aanu guddoonka soo gaarin warqadii codsiga Xasaanada uu Saxaafadda ka sii daayay, isla markaana ka sheegay magacyada labada xildhibaan, taasoo lagu sheegay inay mid qalad ah oo baal marsan sharciga. Haddaba, AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Somalia; PUNTLAND POST The post AKHRISO: Guddoomiye Jawaari oo ka Jawaabay hadalkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Deegaanka Caggaare, weli waxaa is hor fadhiya laba beelood oo Colaad dhawaan ku dhexmartay deegaano u dhaxeeya Gobolada Sool iyo Nugaal, Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhexmara Xoolo dhaqatada ayaa sababay dhimasho iyo dhawaac. Inta la xaqiijiyey 14 Qof ayaa ku geeriyooday in kabadan 50 Qof oo dhinacyadii dagaalku uu dhexmaray iyagana dhawac ayaa soo gaaray. Waxaa hadda laga Cabsi qabaa in mar kale ay isku dhacaan dadka Reer miyaga ah kuwaas oo isku haya deegaanka, Mid Ka Mida Waxgaradka Puntland oo Dawlada Ugu Baaqay inay Ciidamo Kala dhexdhigto Beelaha dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Caggaare. Nabadoon Xuseen Cabdiraxmaan Xaaji oo ka mida Wax-garadka ka soo jeeda deegaanada wax ka dhaceen ay Puntkland Ugu baaqay in Ciidamo kala dhex gala dadka dirirsan u dirto. Xaalada degaanka ayaa hada ah Mid degan waxaana soconaya waan lagu xoojinay nabada iyo xabad joojin lakala dhex dhigayo beelaha halkaasi kudagalamay. Goobjoog News Source
