-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira. Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku Dagaallamay Degmada Kaaraan ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale. Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii. Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco. Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus. “Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd? “Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray. Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada. Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin. Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka. Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”. Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”. “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay. Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed. Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan iyo Netanyahu oo hadallo kulul is waydaarsaday iyo xaaladda oo meel xun mareyso appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira. Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn. Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Wararka naga soo gaaraya garoonka kubadda cagta Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin lagu aasay afafka hore ee garoonka. Wararka ayaa sheegaya in miinooyinka lagu aasay albaabka weyn ee garoonka banaadir,waxaana lagu guuleystay in laga soo saaro iyadoo aan qarxin. Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka soomaliya iyo kuwa amisom ayaa howgal kawada gudaha garoonka koonis. Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili galabta ay wada balansan yihiin ciyaartoyda kala matalaysa Galmudug iyo gobolka banaadir. Sidoo kale xiriirka kubada cagta soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay ciyaartaas. PUNTLAND POST The post Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Puntlandi) Hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa maanta Garowe ku qabatay kulan looga hadlayey wadatashiga iyo meel marinta qorshaha ka jawaabida abaaraha iyo unuglaanta. Kulankaan ayaa hay’addu waxay kusoo bandhigtay daraasad ay ka sameysay 37 degmo iyo 69 tuulo oo katirsan Puntland, iyadoo ay daraasadaan ay ka qeyb qaataan 160 qof oo hay’addu dirtay. Waxaana daraasadaan lagu eegayay sababaha soo cel celiya abaaraha. Barnaamijkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay qorhshaha wax ka qabashada isbeddelka cimilada. DAAWO SAWIRRADA.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in miinooyin laga soo saaray Albaabka hore ee garoonka Kubadda Cagta banaadir halkaas oo uu galabta ka dhacayo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Gobolka Banaadir iyo Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Albaabka Weyn ee Garoonka Banaadir in laga soo bixiyay Miinadasi ka hor inta aysan qarxin. Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale Gudaha Garoonka Koonis waxa ay ka wadaan baaritaano kale oo ku aadan ogaanshaha in miinooyin kale ay ku jiraan gudaha. Kumanaan qof ayaa ku qulqulayey garoonka iyadoo ay dhawr saac ka dhiman tahay kulankaas adag, waxaana hadda muuqato inay jirto cabsi weyn oo ku aadan in Miinooyin kale ay jiri karaan. Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyagoo dib uga soo noqonayo garoonka, maadaama ay cabsida meel weyn gaartay, sidoo kalana dadweyne aad u badan ayaa ku dhex jiro garoonka oo saacado ka hor halkaask u xarooday maadaama ay ka cabsanayaan inuu garoonka xilli hore ka buuxsamo. Wasaaradda Dhalinayarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Ciyaarta u dhaxeysa xulalka Banaadir iyo Galmudug ay dhici doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Miinooyin laga soo saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir iyo cabsi weyn oo jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Qudus (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale. Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil. Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii. Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco. Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada. Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin. Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka. Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com The post Netanyahu oo baaq yaab leh oo ku saabsa Qudus u diray Falastiiniyiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo. Kulankan oo uu gogoshiisa dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa ka dhex muuqday Xildhibaan Faarax C/qaadir, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo xubno kale, halka dhanka Culimada ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwo kale. Kulankii ugu danbeeyay waxay shalay la yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo iyadoo ka codsaday inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isla markaana aanay isku hor gudbin madaxda dalka. Xubanaha siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ayaa ugu horeyn cabasho ka keenay hadalo horay uga soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud, kaasoo uu si gaar ah ku beegsaday Xildhibaanada, waxaana ay ka dalbadeen inay u caddeeyana in hadalkaas uu yahay mid Culimada dhan la qabto iyo in kale. Xildhibaannada kooxdii Qabyo iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo wada mooshin xil ka qaadis madaxweynaha ayaa si weyn uga naxay hadal dhowaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku baaqay in xildhibaannada mooshinka wata laga matajiyo lacagta laaluushka ah ee ay qaateen. Xubnihii culimada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadalada Sheekh Nuur ay ahaayeen kuwo shaqsi ah oo aanay dhamaan Culimada la qabin, balse ay dhankooda tuhun ka qabaan siyaasiyiinta qaar oo dalal shisheeye ay maalgelinayana, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka iyo dalka loo shaqeeyo. Kulankii shalay ee labada dhinac ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, markii inta badan culimada kulanka ka qeyb gashay ay ku adkeysteen inaysan dhexdhexaad ka noqon karin xasilooni darro siyaasadeed in dalka la geliyo, isla markaana xilligan mooshin la keeno, waxayna u cudurdaareen Sheekh Nuur Baaruud oo ay sheegeen inuu xor u yahay fekerkiisa, sida iyaguna ay madaxda sare wax uga sheegaan xaq loogu leeyahay in mucaaradkana wax laga sheego. Waxaa kaloo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada u jeediyeen Culimada inay la yimaadaan qodobo cad cad oo ay ku difaacayana dowladda iyo cidii dalka dumineysa, balse aanay noqon Culimo Madaxtooyada laga soo siiyo awaamiirta. Hore waxay kooxda Qabyo iyo siyaasi C/raxmaan C/shakuur kulan ugu tageen Imaamka Beelaha Muqdisho oo isna si cad ugu sheegay inuusan arrimo siyaasadeed ka hadli karin iyadoo aan jirin dad mideysan, koox gaar ahna taageeri karin. Ujeedka kooxda wada ololaha mooshinka madaxweyne ayaa ah in ay ku qanciyaan ururrada bulshada baahi loo qabo isbedel hoggaamineed, kadib markii si weyn looga hor yimid qalalaase siyaasadeed oo xilligan ka dhaca dalka, taasoo hadda u muuqata inay ku guuldareysteen labadii tallaabo ee ay u qaadeen dhinacaasi. Culumada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u diiday inay cambareynta ka joojiyaan kooxaha ay ugu yeereen inay yihiin kuwa doonayo in la dumiyo dowladda Soomaaliya, waxayna xildhibaanadaas u sheegeen inaysan marnaba macquul aheyn inay qaataan fikirada noocaan oo kale. The post Sawirro: Kulan fashilmay oo dhex maray xildhibaannadii Qabyo, CC Shakuur iyo culumada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Baledweyne (Caasimadda Online) – Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Hiiraan, waxa ay ku gubeen gaadiid u rarnaa ganacsato Somaliyed, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Baledweyne, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolkaasi. Deegaanka Maroodile ee Gobolka HIiraan ayeey ku gubeen Shabaab gaadiidkaan oo siday raashin, una socday meelo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Bakool. Gaadiidka ay gubeen Shabaab ayaa tiradooda wuxuu gaaraya illaa lix gaari oo kuwa xamuulka ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baladweyne Muxumed Cali Maxamuud. Baabuurtaan oo u rarneyd ganacsato Somaliyed, ayaa raashin u waday deegaano ka tirsan Gobolada Baay, Bakool iyo Hiiraan, balse Shabaab ayaa dabkaasi qabadsiiyay. Muxumed Cali Maxamuud Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen tallaabada Shabaab ay ku baabi’iyeen hantidaasi shacabka leeyihiin, wuxuuna xaqiijiyay gaadiidka ay gubeen inay ahaayeen lix baabuur. Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, mana ogola in halkaasi la geeyo raashin. Gaadiidleyda ka hawlgasha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in gaadiidkooda ay gubaan Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo gaadiid ku gubay Gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Khuburo Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalka Denmark ayaa 11kii Decembar-2001 asaasay warbaahinta PUNTLAND POST oo kamid ahayd kuwii ugu horeeyey ee af-Soomaali wax ku tabiya baraha internetka ee loo yaqaan website. PUNTLAND POST ayaa durbadiiba si aada uga dhex muuqatay warbaahinta Soomaalida, iyadoo la kowsatay 10-sano kadib burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxayna tabisay mudadii ay jirtay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ka socday geyiga Soomaalida iyo guud ahaan caalamka mudadii u dhaxaysay 2001 illaa 2017. PUNTLAND POST oo soo martay marxalado kala duwan mudadaas ay jirtay waxay ku guulaysatay inay noqoto warbaahin u dhexa bulshada iyo qaybaha siyaasada ku kala gedisan ee ay wararka u tebiso , waxaana marba marka ka danbeeya kor usii kacaayey dadweynaha ku xiran PUNTLAND POST. PUNTLAND POST oo markii hore ku bilaabatay website waxay sanadkii 2013 soo kordhisay wargeys ku baxa afka Soomaaliga kaas oo laga daalacdo degaanada Puntland, soona baxa todobaad walba maalinta talaadada ah fadhigiisuna yahay magaalada Garowe, wuxuuna wargeyskana isaguna jirsaday shan sano. Warbaahintan ayaa tebisa wararka, Falooyinka iyo maqaalada khuseeya siyaasada iyo arimaha bulshada, waxay sidoo kale leedahay qaybta loo yaqaan Somali Jobs oo ay shaqa doonka iyo shaqaale doonkuba ka raadiyaan shaqaalaha iyo shaqadda ay u baahan yihiin. Waxaa xusid mudan in PUNTLAND POST ay wararkeeda ku tebiso luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska labadaba. Hadii aad tahay dadka ku xiran PUNTLAND POST Website iyo Wargeysba fadlan wixii talo iyo tusaale ah, dhaliil iyo amaan ah noogu soo dir pp@puntlandpost.com PUNTLAND POST The post Warbaahinta PUNTLAND POST oo 16-sano jirsatay appeared first on Puntland Post.
-
The new president of Somaliland, Muse Bihi Abdi will be inaugurated as fifth president on December 13, 2017, after his victory of a tight contest with the country’s two opposition candidates but ultimately a legitimate election when his main challenger, Abdurrahman Mohamed Abdilahi (Irro) conceded a defeat and called for national unity. The election of the new president in Somaliland has attracted the eyes and attention of the neighboring countries as well as the international community. Thus, his inauguration is believed to be a tribute to democratic presidential election that took place peacefully in the country last November in this year but to overcome many challenges is an examination for the new president elected. The International Election Mission congratulated the way, the election was performed by Somaliland government in collaboration with the local citizens for whom, nothing could have been successfully done without their support and I am here to thank for all Somaliland citizens, the National Electoral Commission (NEC) and the political parties for doing their responsibility and commitment that led the peaceful poll into a positive conclusion by electing a competent leader expected to solve many domestic and foreign social problems. The challenges that are ahead of the new president could be internal and external issues. However, let us state that the domestic challenges are to be; uniting the people after many clans splintered into groups during the election campaign, dealing with inflation, poverty, poor healthcare, education, corruption, silence of the rule of law, the reform of all government institutions and tremendous youth unemployment which are all threats to social stability and peace in Somaliland. Such internal challenges will be hindering at any success of his administration if not given a full contemplation and careful actions against them. Additionally, one of the most politically awaited pressing internal matter for the new president is the implementation of Khatumo agreement with Somaliland that will pave the way for a lasting peaceful existence in the country and will also fortify the national cohesion and the solidarity of Somalilanders at last in which the out-going president, Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo) signed on October, 20th in Anaibo, Saraar region. The agreement is centered on five main principles such as national unity, power-sharing, living together in peace, national development and uniting against all external threats. The external challenges are also included by the long waited pending recognition of Somaliland depending on the new design; the president comes with talks between Somaliland and Somalia, the improvement of current poor diplomatic relations with African Union, Arab Muslim countries and the international partners to Somaliland which was worsened by the successive delays of country’s elections. As a final point of my writing, the new president is expected to form a clean government free from corruption as well as strengthening the relationship with the UAE that signed a contract of $ 442 million investment project with Somaliland that was highly politicized but now the new president will also have the opportunity to improve it and gain the confidence of the nation showing them that the project implementation will be transparent that will formulate the country as a hub of economic development in the Horn of Africa and the rest of the world. Muse Jeeh, Freelance writer majeex2004@hotmail.com Hargeisa, Somaliland.
-
Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho ka furmay xafladda daahfurka qaamuuska doorashooyinka Soomaaliya iyo qorshaha isiraatiijiyadda Shanta sano guddiga madaxa banaaan ee doorashooyinka qaranka. Munaasabadan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda xukuumadda Federaalka, gobolka Banaadir, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo sidoo kale dowladaha daneeya Soomaaliya. Waxaa munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxyaabaha u qorsheysan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sidoo kale hannaanka ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay la dagaalanto islaamiyiinta hubeysan ee ku sii xoogesanayo Soomaaliya labada sano ee soo socota. Taasi waxay ku cadeyneysaa qorshe madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay, qorshahaan cusub ayaa bishii October la saxiixay waxayna wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ay dooneysaa in uu ka awood sareeyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka taas oo mararka qaar awood u leh inay joojiso weerarada lagu qaadayo meelaha banaanka ka ah dalka Mareykanka. Sharci cusub oo Bishii October ee la soo dhaafay la saxiixay ayaa Ciidanka Mareykanka u oggolaanaya in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya loogu oggolyahay in ay sii wadi karaan muddo ka badan Labo sano oo soo socota. Marc Raimondi oo ah Afhayeenka Golaha amniga Qaranka Mareykanka ayaa u sheegay Newyor Times in howlgalka lagu beegsanayo AL-shabaab iyo Dacish ee Soomaaliya uu sii socon doono labada sano ee soo scota. “Maddooneyno in aan qorshaheenna iyo siyaasadaheenna la dagaallanka Argagixisada baahinno,waxaanse kuu sheegayaa in howlgalka lagu kordhiyay waqti cusub islamarkaana noo oggolaanaya in aan beegsanno kuwa qatarta ku ah amnigeenna”ayuu yiri Marc Raimondi intii uu wareysiga siinayay Newyork Times. Haddii qorshan uu anisixiyo Golaha xeer dejinta Mareykanka waxaa ay Wasaaradda difaaca lumin kartaa awooddeeda in ay hakad geliso weerar uu fasaxay Pentagon-ka ayaa lagu yiri Warbixintan. Hayeeshee Wasaaradda Gaanshaandhigga waxaa ay wali awooddaa joojinta weerarrada qaar iyada oo kulamo deg deg ah la yeelaneysa Golaha amniga Qaranka ee Dalka Mareykanka. Wasaaradda gaashaadhigga ayaa fulisay 30 weerar oo ka dhan Islaamiyiinta ayaa lagu yiri warbixintaani 2017 oo kaliya, waxaana la filayaa tiradaasi in ay sii badato maadaama ay ka badantahay tii 2016 ka uu Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay. Weerarada waa ay kordhi doonaan 2018 haddii qorshahaan cusub la ansixiyo, waxayna tani qeyb ka tahay qorshe Mareykanku uu ku doonayo gaar ahaan golaha ammaanka qaranka inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in labada sano ee soo socota markii ay weeraradaasi dhacaan ka dib la sameynayo wixii uga soo baxo Mareykanka dib u eegis lagu sameyn doono,dib u eegistaas oo mareykanka kaliya ka imaan doonto oo aan loo adeegsan doonin cid banaanka ah Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Mareykanka oo laba Sano ku kordhiyay howlgalka cirka ah ee uu ka wado Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo taageero ka heleysa hey’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa waxaa ay bilowday olole 3 maalmood ah oo Talaalka Dabeesha ah. Ololaha waxaa ka faa’ideysan-doona illaa 726,699 oo caruur ah da’doodu ka yar tahay 5 sano, kuwaas oo ku nool Banaadir iyo labada Shabeelle. “Ma jiro hal kiis oo dabeyl ah oo la helay laga soo bilaabo August 2014, laakin waxaa in ka hortag la sameeyo” sidaasi waxaa yiri ergeyga WHO ee Soomaaliya Dr. Ghulam Dhinaca kale Steven Lauwerier oo u qeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya waxaa uu leeyahay “Ololaha waa labo wareeg, waana guri-ka guri halkaas oo koox ka socota wasaaradda ay dadka ka caawin-doonaan wacyigelin iyo tallaal, wareeyada 1aad iyo 2aad waxaa dhibic afka ah laga sii doona caruurta ka yar 5 sano halka wareegga 3aad ka hortag la siin-doona caruurta jirta 2-23 bil. Goobjoog News Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka socda shirar aan kala go laheyn oo looga arrinsanaayo dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadka al-Shabaab kawadaan Gobolka Gedo iyo qeybo kamid ah deegaanada duleedka ka ah magaalada Kismaayo. Shirarkan oo u dhexeeya Madaxda Hay’adaha amaanka iyo Saraakiisha hogaamisa ciidamada Hubeysan ayaa waxaa lagu dajinayaa qorshaha ugu sahlan ee looga hortagi karo dhaqdhaqaaqa ay wadaan al-Shabaab. Madaxda Hay’adaha amaanka oo iyagu culeys kala kulmaaya Hogaamiyaha maamulka ayaan weli dhinac iskula ridin hanaanka ay uga hortagi lahaayen dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee kusii baahaaya deegaanada Jubbaland. Madaxda Hay’adaha ayaa la soo sheegayaa inay isla garan la’ yihiin hal arrin oo ah Hanaanka uu u dhici lahaa howlgalka lagu fashilin lahaa dhaqdhaqaaqa socda, waxaana xusid mudan in arrinkaas uu fashiliyay mooraalka ay lahaayen Saraakiisha hogaamin laheyd ciidamada. Halka arrin ee meesha ka saaray isfahanka ayaa la sheegay inuu yahay in howlgalkaas laga qeybgaliyo ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ethiopia iyo in loo madaxbaneeyo keliyah ciidamada Jubbaland. Sidoo kale, Saraakiisha iyo ciidamada ayaa u xaniban go’aanka la filaayo inuu kasoo bixi doono shirarka u socda Madaxda Hay’adaha amaanka, wallow uu arrinku u muuqda mid aan looga maarmi doonin Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, shirarkan socda ayaa kusoo beegmaaya xili muddo ku dhow laba Asbuuc qeybo ka tirsan Gobolka Gedo uu ku sugan yahay Horjoogaha ugu sareeya al-Shabaab iyo Maleeshiyaad aad u farabadan oo uu Hogaaminaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com The post Shirar aan kala go laheyn oo ka socda magaalada Kismaayo & Hal arrin oo weli la isku fahmi la’ yahay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka ayaa qorsheyneysa in ay la dagaallanto argagixisada Soomaaliya ku sugan ugu yaraan laba sano oo dheeraad ah, sida uu qeexayo sharci cusub oo uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump. Sharcigaan cusub oo la saxiixay Bishii Oktoobar ayaa u oggolaanaya Pentagon in ay ka howlgalaan meelo ka baxsan goobaha dagaalka ee joogtada ah, si ay u sii wadaan weerarada al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan Soomaaliya muddo sanado ah. Pentagon ayaa qaaday 30 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah kooxaha argigixisada ilaa sannadkan 2017, waxayna tiradaan labo jeer ka badan tahay tirada sanadkii hore 2016-ka. Sannadka 2018 ayaa la filayaa inay weeraradu kasii badan karaan haddii soo-jeedinta cusubi hesho oggolaansho. Marc Raimondi, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, ayaa u sheegay wargeyska The New York Times: “Waxaan dooneynaa inaan sii wadi doonno siyaasadaheena bartilmaameedsanaya argagixisada noo hanjabaysa, “Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu qaato daryeel aan caadi ahayn oo lagu yaraynayo dhimashada dadka rayidka ah, iyada oo wax laga qabanayo baahida milatari ee ka dhexjirta cadowga.” Puntlandi.com
-
Koox Hubeeysan ayaa Xaafadda Jaamacadaha Degmada Hodan ee Muqdisho xalay ku dilay Haweeneey katirsaneyd ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya. Allaha u naxariistee haweeneeydaan ayaa lagu magacaabi jiray Ridwaaan Salaad waxaana ay aheyd haweenka dhalinyarada ah ee ku jira ciidamada Booliska dowlada Soomaaliya. Dilka Haweeneeydaan ayaa waxaa geeystay kooxo bastoolado ku hubeeysan oo gudaha u galay hooyga ay ku sugneyd Ridwaan kadibna rasaaas dhanka sare ee jirkeeda uga dhuftay. Kooxihii dilkaasi geeystay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka oo howlgalo ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysanayo dadka la shaqeeya dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Haweeneey Katirsaneyd Ciidamada Booliska oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Barnaamij wacyi galin ah oo looga hadlayay tacadiyada Ka dhanka ah Jinsiga, Guurka Gabdhaha Caruurta Lagu sameeyo iyo sida loo dhaqan galinkaro sharciga ka dhanka ah kufsiga ayaa lagu qabtay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug. Barnaamijyadan ololaha iyo Shirarka Iskugu jiray waxaa Kaqayb galay naamulka degmada Kan Gobalka Mudug iyo Dhamaan degmooyinka Gobalka Mudug. Waxaa qabatay TAGF oo kaashanaysay wasaaradda wasaaradda haweenka. DAAWO SAWIRRADA. Puntlandi.com
-
Xaflad ay ka soo qeyb-galeen Marti sharaf ajaanib ah, mas’uuliyiinka ka socota hey’ado caalami ah iyo wasiirada Pakistaan ee Science iyo Technologyada iyo arrimaha dibadda ayaa lagu bogaadiyay in Soomaaliya noqotay xubinta 26aad ee ururka (COMSATS). Soomaaliya ayaa horay ugu biirtay COMSATS, arrintan waxaa ay dhacday xaflad xarunta ururka ka dhacday bishii hore, heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka Waxbarashada & TacliintaSare Cabdiraxman Daahir Cismaan iyo agaasimaha COMSATS Dr. S. M. Junaid Zaidi. COMSATS waxaa ku jira dalal ka tirsan qaaradaha Yurub, Asia, Latin American iyo Africa. COMSATS, waa urur dowli ah oo xaruntiisa ay ku taalo Islamabad, waxaana la aasaasay 1994,in ka badan 26 dal oo 4 qaaradood ah ayaa xubin ka ah, waxaa ay ka shaqeysaa horumarinta Science and Technology . Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka hortagtay Musuq-Maasuqii ka dhextaagna xarumaha dowlada. Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Musuq-maasuq uu hadda bilow ka yahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Hantida Qaranka lagu kala iibsanaayo suuqyada magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in goobaha wax lagu kala iibsado xiliyada qaar aad ku arkeysid Hanti Qaran, waxa uuna cod dheer ku sheegay musuqa ceynkaa ah ay mas’uul ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada. Hantida Qaranka ee lagu kala iibsanaayo Suuqyada ayuu sheegay inay u hayaan cadeymo rasmi ah, wuxuuna ku baaqay in la xafido Hantida shacabka. Madaxda ugu sareysa dalka ayuu dusha ka saaray mas’uuliyada musuqa maadaama aysan u diyaarsaneyn inay ka hortagaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Fiqi waxa uu cadeeyay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada oo guryo waaweyn ka dhistay Hantida Qaranka, halka xarumihii Wasaaradaha ay yihiin kuwo burbursan sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaa raaciyay in Musuq-maasuqa ka jira dalka uu saameeyay xitaa madaxda ugu sareysa dalka iyo dhamaan shaqsiyaadka ku magacaaban Xafiisyada dowladda. Haddalka Fiqi ayaa kusoo beegmaaya maalin un ka hor goortii uu Ra’isul wasaare Kheyre shaaciyay in Xukuumadiisa ay ciribtirtay waxa loogu yeero musuqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Fiqi oo banaanka soo dhigay Sir badan ‘’Waxaan heynaa cadeymo muujinaaya inay jiraan Wasiiro Hantida Qaranka ka dhistay Guryo waaweyn’’ appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay la dagaalanto islaamiyiinta hubeysan ee ku sii xoogesanayo Soomaaliya labada sano ee soo socota. Taasi waxay ku cadeyneysaa qorshe madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay, qorshahaan cusub ayaa bishii October la saxiixay waxayna wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ay dooneysaa in uu ka awood sareeyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka taas oo mararka qaar awood u leh inay joojiso weerarada lagu qaadayo meelaha banaanka ka ah dalka Mareykanka. Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa dooneysa in haddii qorshahaan la ansixiyo inuu noqdo mid ay ku sii wadaan weerarada Xarakada Al-shabaab iyaga oo aan cidna la tashanin sanadaha soo socda sida uu New York Times uu u sheegay qof ka tirsan wasaaradda difaaca dalka Mareykanka . Wasaaradda gaashaadhigga ayaa fulisay 30 weerar oo ka dhan Islaamiyiinta ayaa lagu yiri warbixintaani 2017 oo kaliya, waxaana la filayaa tiradaasi in ay sii badato maadaama ay ka badantahay tii 2016 ka uu Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay. Weerarada waa ay kordhi doonaan 2018 haddii qorshahaan cusub la ansixiyo, waxayna tani qeyb ka tahay qorshe Mareykanku uu ku doonayo gaar ahaan golaha ammaanka qaranka inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in labada sano ee soo socota markii ay weeraradaasi dhacaan ka dib la sameynayo wixii uga soo baxo Mareykanka dib u eegis lagu sameyn doono,dib u eegistaas oo mareykanka kaliya ka imaan doonto oo aan loo adeegsan doonin cid banaanka ah Mareykanka. “Marabno inaan ka hadalno siyaasaddeenna iyo meelaha aan bartilmaameysaneyno intaba waxa ku saabsan ee dhanka la dagaalanka argigixisada ayuu yiri iyo dadka u hanjabayo ee dhibaatada ku ah dalka Mareykanka,balse waxaan rabnaa si guud inaan u sheegno dagaalka ka dhanka ah argigixisada iyo siyaasaddaas inay sii socon doonto taas oo soo bandhigeysa qiimaha iyo sida uu rabo Mareykanka inuu wax u maamulo” ayuu yiri Mark Rumad oo ka tirsan waaxda ammaanka ee dalka Mareykanka. Goobjoog News, Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay ka dhaceen duqemo diyaaradeed oo khasaaro kala duwan geystay. Duqeymaha oo xooganaa ayaa waxa ay ka dhaceen Degmada Qoryooleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Cali Maxamed Aadan ‘’Cali Waaq’’ oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryoley ee Gobalka Shabeelada Hoose, ayaa xaqiijiyay duqeyntaas ka dhacday Degmada Qoryoley. Waxa uu sheegay in duqeynta xoogeeda ay ku soctay Saldhigyo qarsoodi ah oo ay lahaayen Alshabaab waxa uuna cadeeyay in maleeshiyada intooda badan laga saaray Degmada. ’Cali Waaq, wuxuu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan 45-KM ujirta degmada Qoryooley, taasi oo uu sheegay ilaa hadda inaanan laga heyn warbixin buuxda, balse ay jiraan khasaarooyin kala duwan. Macluumaad aan si rasmi ah loo xaqiijin oo ay helayaan ayuu sheegay inay muujineyso in khasaaraha uu kor u dhaafayo 15 oo ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac oo Horjoogayaal iyo maleeshiyaadba leh. Wuxuu sheegay in hada ay wadaan baaritaanada la xiriira Duqeyntaaasi iyo sidii ay u soo bandhigi lahaayeen khasaaraha rasmiga ah ee khashay Duqeynta. Dhinaca kale, duqeyntaan ayaa daba socta duqeymo dhowr ah oo maalmahan ka dhacaayay qeybo kamid ah Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Duqeymo lixaad leh oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose & Khasaaro kala duwan oo kasoo gaaray al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya isgooska Tarabuunka ee degmada hodan ee gobalka banaadir, ayaa sheegaya in Saaka halkaa uu ka socdo dhaqdhaqaaq hor leh oo ay wadaan ciidamada NISA iyo kuwa Militeriga oo shalay halkaa ku dagaalamay. Ciidamadan oo kawada tirsan dowlada ayaa la kala qaaday waxaana saaka mar kale halkaa kusoo rogaal celiyay ciidamada Militeriga oo iyagu ka careysan askar laga qabtay. Ciidamada Militeriga oo tirro ahaan shalay yaraa ayaa saaka helay gurmad hor leh waxaana laga cabsi qabaa in mar kale halkaa uu ka dhaco dagaal. Ciidamada Militeriga ee saaka ku sugan isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan, ayaa eeryadaas ka mamnuucay ciidamada Xasilinta ee NISA, kuwaa oo fariisimo ku leh Tarabuunka. Gaadiid ka tirsan ciidamada Militeriga oo ay la socdaan ciidamo u muuqaal ek kuwo aan u diiwaan gishneyn Militeriga ayaa sidoo kale gaafmeer kawada Isgooyska Tarabuunka, kuwaa oo kor ka ilaalinaaya ciidamada lasoo dhigay Tarabuunka ee dhaqdhaqaaqa wada. Goobjooge ku sugan Isgooska Tarabuunka ayaa sheegay in Saaka ay mar kale ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo, maadaama ay dareemayaan dhaqdhaqaaq ka duwan kii shalay dagaalka dhaliyay. Waxa ay Goobjoogayaasha sheegen in Saaka ay indhaha ku kala furteen ciidamo farabadan oo ka tirsan Militeriga kuwaa oo tuban Isgooyska Tarabuunka. Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ayaa u muuqanaaya kuwo iyaga un iska adag, xili aysan u babac dhigi Karin kuwa cadowga ah marba haddii uu xaalku sidaa yahay. Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka ee aan qudhooda laheyn Taliyayaasha iyo Maamulka Degmada Hodan ee gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu ka dhaco Muqdisho & Ciidamo dhaqdhaqaaq kawada D/Hodan appeared first on Caasimada Online.