Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Musharraxa Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa aqbalay natiijada dodorashadii la qabtay 13 bishaan ee Galabta lagu dhawaaqay in uu ku guulastay Muuse Biixi Cabdi,musharrixii Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu Cirro ka sheegay in uu aqbalay natiijada soo baxday,isagoo ilaalinaya danta iyo midnimada Somaliland,sida uu hadalka u dhigay. “Anigoo u turaya danta guud ee shacabka islamarkaana diiddan in dhiig la’ daadiyo ayaan aqbalay natiijada doorashada”,ayuu yiri Mr. Cirro. Wuxuu sheegay in uu aqoonsanyahay madaxweynaha la doortay uuna ka shaqeyn doono danta umadda Somaliland . Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu qaaddacay natiijada doorashad oo uu ku tilmaamay mid lagu shubtay. PUNTLAND POST The post Xisbiga waddani oo aqbalay in doorashada looga adkaaday. appeared first on Puntland Post.
  2. Qoraal uu soo saaray militariga Maraykanka ayaa lagu shaaciyey in tobanaan ka tirsan AL-shabaab ay ku dhinteen duqeyn diyaaradahooda Drones-ka ay ka fuliyeen Soomaaliya. Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika oo qoraalkaan soo saaray ayaa sheegay in duqaynta salaasadii Maanta laga laga fuliyey meel 201 km Waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 100 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab. faahfaahin daqiiqado kadib. The post Deg deg: In ka badan 100 Dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay. appeared first on Puntland Post.
  3. Adeer Abuukar Sheekh Axmed Maataan iyo adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh oo kala ah Aba Cali Siid Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Lemon Cabdulle Sabriye iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Jamiila Cariif iyo Seygeeda John Shaqaaq, Hindiya Cariif iyo syegeeda Xasan Dalfac, iyo Sayid Caraaye. Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelada Marxuum Mahamed Mahamud Xassan (Maxamed Yarow), si gaar ah waxay ay tacsi ugu dirayaan:- Abdullahi Ahmed Gacal, Maryan Mohamed, Hassan Mohamed (Xasan Yare), Abdulqadir Mohamed, Ahmed Mohamed Washington. Zeinab Mahdi, Abdi Mahdi, Naima Shuceib, Bashir Mohamed, Ali Mahdi, Abdulaziz Mohamed, Kiin A Yalaxow. Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumka, isagana jannada fardowsa ha ka waraabiyo. Inaa Lilaah waa Inaa Ileyhi Raajicuun.
  4. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga dalka Ehiopia ayaa waxa uu maanta gelinkii danbe 21 Nov 2017 kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr. Haile-Mariam Desaglen. Kulanka uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland kuwaas oo qayb ka ahaa weftiga Madaxweyha. Madaxweyne dawladda Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam Desaglen ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Puntland, iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen arrimo la xidhiidha xuduudda Puntland iyo dalka Ethiopia gaar ahaan Costume ka Tuur-dibi kaas oo in Muddo ah ay kawada Shaqaynayeen Wasaaradda Ganacsiga dawladda Puntland Iyo dalka Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland ay leeyihiin xidhiidh wanaagsan kaas oo ku qotoma Ganacsiga, Amaanka iyo Siyaasadda Gobolka, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in dawladda Puntland guud ahaan iyo gaar ahaanba diyaar u tahay xoojinta xidhiidh kaasi taariikhiga ah ee labada dhinac. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland, waxa uu xusay Ra’iisul Wasaare Haile-Mariam in ay dawladda Puntland mar-walba dhinac taaganyihiin oo ay ka gacan siinayaan soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish. Ugu danbayn, Madaxweynaha ayaa tusmeeyey in shacabka Soomaaliyeed ka daaleen dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada ah, isagoona Madaxweynuhu sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba had iyo jeer ku foogan yihiin dabar goynta kooxaha tamarta yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Bari, Galgala iyo Calmadaw. =DHAMMAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  5. Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sanadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa iyo hadda. Hase yeeshee waxaa laga yaabaa in markii uu la saftay xaaskiisa, taageereyna in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda. Isaga oo 93 jir ah ayuu sanadihii dhawaa aad tabcaan u noqday muuqaal ahaan, balse sidaas oo ay tahay waxa uu doonayay in uu markale isu soo taago doorashada madaxtinimo sanadka soo socda. Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo. Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra’isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah. Sooyaalka Mugabe oo kooban 1924: Dhashay 1964: Waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian 1980: Waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada kadib 1996: Waxa uu guursaday Grace Marufu 2000: Waxa uu ku guuldaraystay afti , kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka. 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay 2017: Waxa uu xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa Halyeey Halgan Waxaa lagu eedeeyay in uu isticmaalay rabshado si uu u jabiyo mucaaradkaMar ayaa waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay , meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan. Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga wali halkii ayuu taaganyahay, tusaale ahaan xisbigiisa aragtiyada shuuciyadda ku dhisan waxa ay wali la dagaalamayaan in ay ka reeyaan xooggaga hanti goosadka waxa ay ku tilmaameen. Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo waxaa loogu yeeraa “Qaa’inul waddan ama dabo dhilif”, kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale. Markasta waxa uu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah.. Mucaaradka oo gubaya lacag qiimo beeshayDadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah. Waxa uu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe. Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sanadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana waxa uu gaaray 231 milyan boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda. Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri “Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar imaadaan, markasta siyaasadda ayaa guuleysan jirtay”. Sanadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag markii koowaad, waxa uu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda. Mugabe ayaa dhiirogaliyay in lala wareego beeraha caddaankaWaxa uu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka. Marka si kale loo dhigo, Mugabe waxa uu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday. Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen. Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sanadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, ayaa waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca “halyeeyada dagaalka” kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga , waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo. Siddeed sano kadib iska arrintii oo kale ayaa dhacday kadib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee doorashada wareegii koowaad ee doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai. Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga. Mugabe oo 93 jirsadayNinkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka. Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka. Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa. Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya. Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go’aano ay kaga soo horjeedaan isaga. Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe. Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin. Xigasho: BBC SOMALI
  6. Democracy at work: The Republic of Somaliland fits the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States definition that a state should have a permanent population, defined territory, a government and the capacity to enter into relations with other states. Picture: TRISTEN TAYLOR The immigration official at the border between Ethiopia and the Republic of Somaliland says that, in his seven years of working at the small and dusty border post, he has never seen a South African passport before. During the day, the air in Somaliland’s capital city Hargeisa is still and listless in the heat. There is not a great deal to do except nap to the lullaby of an electric fan, listen to the mu’addhin calling out to the faithful, or chew khat. Alcohol is banned, so there is no cold beer to help the day drift on by. During the night, a cool breeze and sugary milky coffee lubricate conversations with Somalis, who often have American or British accents. The diaspora is returning home and investing heavily in the country. The usual topic of coffee shop conversations is the national elections: Somaliland went to the polls on November 13. After that conversation, there tends to be a bombardment of questions about President Jacob Zuma’s corruption. I inevitably end up apologising for SA’s xenophobia, like I have had to do in every country on my 1200cc motorcycle ride up Africa. Three parties contested the election: Kulmiye, Wadani and For Justice and Development. To reduce the potential for conflict, the parties held carnival-like marches on alternating days. The general feeling is that the politicians will accept the election results. Street campaigning in Hargeisa is a million miles away from Kenyan electioneering — where I got tear-gassed twice — or SA’s omnipresent threat of political violence. Somaliland is not exactly a hot spot for tourists: I did not see any. Perhaps the lack of tourism is due to the false impression that al-Shabaab rules the streets and there is no difference between Hargeisa and lawless Mogadishu in Somalia. If you are foolish enough to come to this part of the world, and move through the streets in anything but a tank, says the conventional wisdom, you’ll be kidnapped by zealots of a perverse distortion of Islam. On the plus side, the YouTube video of your rolling head should get a few clicks. But Somaliland is the safest and friendliest country I have ever been in. My Johannesburg mentality keeps freaking out with the locals: why are you talking to me? What do you want? Are you trying to set me up for some scam by inviting me over for a cappuccino? Instead of being mugged, stabbed, conned or generally intimidated, I’m in danger of tooth decay from sweet spiced tea. And then there is that disquieting feeling of a returning faith in humanity. Maybe tourists don’t come to Somaliland because it is not an internationally recognised state. The UN, for example, sees Somaliland as a part of Somalia and not as an independent country. This is where matters start to get complicated. Is Somaliland a state? International recognition can’t be the determinate of statehood. Even if we don’t declare a camel to be a camel, it is still a camel. Camels are what they are. Generally, cantankerous animals that often run unexpectedly out of the bush and onto the road. Thus we are left with the pressing question what a state is. For if Somaliland is one, then SA’s Department of International Relations and Co-operation has some explaining to do. There are two main definitions of a state. The first definition comes from article 1 of the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States (1933), which declares that a state should have a permanent population, defined territory, a government and the capacity to enter into relations with other states. Check on all four counts. Borders, budgets, rule of law, people, embassies, traffic police — Somaliland has them all, along with 9GB of prepaid mobile data for R75. In 1918, the noted German sociologist Max Weber defined the state as “a human community that [successfully] claims the monopoly of the legitimate use of force within a given territory”. Check again. No road transport was allowed on voting day. The borders were closed. Police manned the voting booths. Social media was shut down. The human community of Somaliland has that monopoly on legitimate violence, just like the South African state does. If it runs, chews, smells, looks and bites like a camel, then it is a camel. So why hasn’t SA recognised the conservative but democratic Republic of Somaliland? Maybe the government is petrified that if it recognises the divorce of Somalia and Somaliland, it would have to give in to the powerful Cape Party and allow the Western Cape to become the world’s first Hipster Republic. The more likely explanation is that the ANC as a liberation party is dead. Buried deep under tons of overpriced Gupta concrete. Reflecting the personal inclinations of Number One, the ANC as a governing party has a foreign affairs platform that supports anything but democracy. Omar al-Bashir, Robert Mugabe, Vladimir Putin, Xi Jinping, Joseph Kabila, those are our guys. As the ANC’s commitment to supporting the development of democracies outside of SA has waned, we should not be surprised that its commitment to democracy inside SA is withering. In 2015, our friends in the People’s Republic of China abducted five booksellers in Hong Kong. We didn’t say anything then, did we? And now look at what the President’s Keepers are trying to do. Businesslive
  7. ZIMBABWE:[Puntland Post]-Madaxweynihii dalka Zimbabwe soo xukumayay 37 sano Robert Mugabe ayaa xilka ka dagay maanta kaddib markii xisbigiisu ugu hanjabeen in ay la tiigsanayaan sharciga islamarkaana ay maxkamad soo taagayaan. Mugabe oo murankiisa xileed socday maalmo ayaa horay waxa uu u diiday in uu xilka ka dago kadib markii ciidamada xoogga dalkaasi ay si khasab ah talada dalka ugala wareegeen. Wakaaladda wararka ee AP ayaa iminka qoreysa in uu xilka ka dagay madaxweyne Mugabe. Muranka Mugabe ayaa bilowday kaddib markii uu damcay in xaaskiisa oo 41 sano ka yarGrace Mugabe uu xilka dalkaasi ku wareejiyo maadaama uu isaga duqoobay uuna jiro 93 sano. Si uu arrintaasi ugu fududeeyo xaaskiisa ayaa waxaa uu xilkii madaxweyne ku xigeen ka qaaday saaxiibkiis Emmerson Mnangagwa, sidaasna ay ciidamada kusoo fara-galiyeen arrinta. Mugaabe ayaa xukunka kala wareegay sannadkii 1980-kii guneystihii dalkaasi xukumayay ee Ingriiska. Cabdiqani Boos Puntland Post The post DEG DEG Madaxweyne Mugabe oo xilka ka dagay appeared first on Puntland Post.
  8. Musa Bihi Abdi of the ruling Kulmiye party was declared the winner of Somaliland’s presidential election on Tuesday, by the election commission of the breakaway region. Situated at the northern tip of east Africa on the Gulf of Aden – one of the busiest trade routes in the world – Somaliland broke away from Somalia in 1991 and has been relatively peaceful since. The region of 4 million people has not been internationally recognized but it has recently drawn in sizeable investments from the Gulf. In the election, Abdi won just over 55 percent of the vote, while opposition leader Abdirahman Iro took nearly 41 percent, election commission chairman Iman Warsame said. Turnout was 80 percent. In a debate before last week’s vote, Abdi pledged to boost women’s participation in politics and introduce compulsory national service for high school and university graduates. There was no immediate comment from Iro, whose opposition party Waddani had accused Kulmiye of vote-rigging although it has not given evidence. A U.K. government-funded international observer mission said the poll “preserved the integrity of the electoral process” and concluded irregularities were limited and did not undermine the vote. The former British protectorate broke away from Somalia in 1991 following a bloody civil war. The poll had originally been scheduled for 2015 but was delayed by political spats and severe drought. Analysts say the region enjoys strong ties with neighboring Ethiopia and Djibouti as well as its growing investment from the Gulf. Earlier this year the government agreed to let the United Arab Emirates establish a military base in its port of Berbera. That came after Dubai’s DP World last year signed a 30-year concession to develop the same port that will require an investment of $440 million. The company is pouring further funds into a project connecting the port to landlocked Ethiopia. This month DP World said it would also develop an economic zone in the region. Reuters
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro maleeshiyaadka al-Shabaab u qaabilsan dhanka Qaraxyada. Ciidamada ayaa maleeshiyaadkan ku qabtay howlgal si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Danab ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka la qabtay ay al-Shabaab u qaabilsanaayen Qaraxyada, isla markaana xiliga la qabanaayay ay ku howlanaayen fulinta Qaraxyo. Howlgalka lagu qabtay maleeshiyada ayaa waxaa barbar socday howlgal kale oo isna lagu qabtay 16 maleeshiyo kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa howlgala khaaska ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalkan ku guda jireen burburiyey saldhig ay maleeshiyada ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose. Geesta kale, howlgalkan lagu qabtay maleeshiyaadkan Muhiimka ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiil cadaan ah, waxa uuna bartilmaameedka ahaa Saldhiga iyo Maleeshiyada Qaraxyada diyaarineysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland ayaa shaaciyay in Muuse Bixii oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishan. Cadbiqadir Imaan Warsame Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in musharraxa xisbiga Kulmiye uu helay 55% codadkii la dhiibtay. Biixi ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, si uu u kasbado kalsoonida shacabkii soo doortay iyo xitaa kuwa aan u codeyn ee deegaannada Somaliland. Arrimaha muhiimka ah waxaa ka mid ah qodobbada hoos ku xusan. Arrimaha Gudaha Muuse Biixi waa nin muddo ku dhex jiray siyaasadda Somaliland. Waxa ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa’ilka ee ka dhex jirta Somaliland. Bil matal, magaalada Hargaysa waa magaalo qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan u kala qaybsan koofur iyo waqooyi. Sidaas si le’eg, magaalada labaad ee Somaliland, Burco, waxay u kala qaybsan tahay Bari iyo Galbeed. Madaxdii isaga ka horraysay wax weyn kama qabanin kala qoqobnaantaas. Isla ayadaas ayey nabadda ku dul dhiseen, taasoo si fiican u shaqaysay, su’aashuse waxay tahay ilaa intee ayey nabadda, hannaanka qabaa’ilka iyo siyaasaddu isla socon karaan? Ictiraaf raadin Waxa ugu weyn halkan waa Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeeda kale sanaddii 1991. Farsamo ahaan, weli dunida waxay u aqoonsan tahay hal dal. Qariidada dunida weli laguma darin Somaliland, dalalka jaarka la ahna maba aysan aqoonsan, inkastoo ay ku qaddariyaan nidaamka iyo kala dambaynta iyo hannaanka dawliga ah ee ka jira. Ugu yaraan, waxa ugu weyn ee horyaalla Muuse Biixi iyo xukuumadiisa waa inay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya iyaga iyo Puntland, iyo in meel fiican la gaarsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaa laga war dhowrayaa waxyaabaha uu sameyn doono sidii u dardan gelin lahaa ictiraaf raadinta oo ah qadiyad ay ku mideysan yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Somaliland. 2020 iyo Furitaanka Xisbiyada Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaanTobankii sanaba mar baa la furaa xisbiyada Somaliland in hoggaankooda loo tartamo. Labo sano ka dib waxaa la filayaa in hoggaanka xisbiyada uu isbeddel ku yimaado oo wejiyo cusub ay hoggaanka qabtaan. Sidii uu ugu diyaargaroobi lahaa mowjadaas ku soo socota ee la saadaalinayo inay galaafan doonto ugu yaraan mid ka mid ah raggii ay wada tartameen waa arrin qorshihiisa wakhtiga fog wax ka tari karta. Wax qabad Waa waxa ay dadku hoggaanka ku doortaan, hoggaanna uu bulshadiisa ugu adeego. Waxaa looga fadhiyaa in uu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyey xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.Waxaa ka mid ah waxaa ka mid ah wax ka qabashada shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland taasoo ku qaaday in dhalinyro badan oo reer Somaliland ah ay tahriibaan. Xigasho: BBC Somali
  11. Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa baarlamaanka hortiisa uga dhawaaqay inuu is casilay. Is casilaada Robert Mugabe ayaa noqotay mid la yaab leh kadib markii uu dhawr jeer oo hore ku adkeystay inuusan is casileyn. Warqad uu soo saaray Mr Mugabe ayuu ku sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ikhtiyaari ah oo aysan cidna ku qasbin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Iyadoo ay socotay qaban qaabo ku aadan in Madaxweynaha laga keeno mooshin xilka looga qaadayo ayaa si lama filaan ah waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka loo hor keenay waraaq kasoo baxday madaxtooyada oo uu Mugabe ku sheegay inuu is casilay. Robert Mugabe ayaa asbuucii hore diiday inuu is casilo kadib markii ay talada dalkaas ay la wareegeen Ciidamada Militariga. Madaxwyenahaan ayaa xilka hayey ilaa 1980, waxaana ku kacay ciidamada Militariga oo ku amray inuu is casilo.
  12. Abu Dhabi Crown Prince Sheikh Mohammed Bin Zayed Al-Nahyan discussed on Monday with Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo means of upgrading collaboration and coordination with counterterrorism efforts. The two said that cooperation is key to upholding security and stability in Somalia. The Crown Prince also talked over with the visiting Somalian president ways to boost bilateral ties. Sheikh Mohammed, also deputy supreme commander of the United Arab Emirates (UAE) armed forces, and Farmajo affirmed the relations of “brotherhood” between the two countries, the UAE state news agency WAM reported. They reviewed issues of common concern, especially development issues, humanitarian and charitable programs and reconstruction projects carried out by the UAE to support the Somali people, it said. They also discussed ways of boosting cooperation in combating terrorism, violence and armed groups, as well as taking joint action to maintain security and stability in Somalia. Sheikh Mohammed said the UAE will continue supporting Somalia and its people in building national institutions and maintaining security and stability. For his part, the Somalian president briefed the host on his government’s efforts to implement development programs and fight terrorism. He expressed his thanks for the UAE’s continued support to Somalia and its people, which contributed to the normalization of life in many Somalian regions, “both in terms of stability and development.” On the other hand, the UAE Foreign Affairs Minister Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan met on Monday with United Nations Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs and Emergency Relief Coordinator Mark Lowcock. During the meeting, they reviewed UN humanitarian and relief efforts in emergency situations and the support provided by the UAE for the efforts of the international organization in humanitarian action. After that, FM Sheikh Abdullah met with Russian Deputy Foreign Minister Mikhail Bogdanov, who is also Russia’s presidential envoy. Both sides discussed aspects of joint cooperation and ways of enhancing bilateral relations as well as regional developments. Source: – Aawsat
  13. Somaliland’s National Election Commission (NEC) has officially declared Kulmiye’s candidate, as the winner of the presidential election in the just-concluded polls. Muse Bihi was declared winner on Tuesday afternoon at the National Tallying Centre in Hargeisa with the main opposition party Wadani led Abdirahman Mohamed Irro protesting. Bihi from the ruling party Kulmiye garnered 305,909 votes (55) defeating Wadani’s flagbear, Irro who got 226,092. The commission also said the third candidate from UCID scored 23,141 which equivalent 4.17% which equivalent to votes cast 13th this month. NEC chairman, Abdikadir Iman said that the conditions that had been set for the repeat poll were met and that the fresh election credible, free and fair. “I am satisfied that we were able to meet these conditions set for the election, and I believe it was a free, fair and credible election,” said Mr Iman. The international poll observers earlier said it had found no evidence to suggest last week’s election was manipulated or inaccurate, as the opposition had attested. Source: HOL
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Sucuudiga iyo Iiraan oo ah labo dal oo daris ah, misna xoog badan ayaa si weyn ugu hardamaya midkoodii ku ku gacan sarayn lahaa gobolka Bariga Dhexe. Loolankan oo soo jirey tobonnaan sano ayaa sababta ugu weyn ay tahay wax salka ku haya diinta, taas oo ah kala duwanaanshaha mad-habka Sunniga ah iyo kan Shiiciga ah. Iiraan waxaa u badan Shiicada, Sacuudigana Suniga. Maxaa ugu wacan xifaaltanka qaraar ee Sucuudiga iyo Iiraan? Kala duwanaanshahan u dhaxeeya labada dal waa mid sidoo kale ka jira dalalka Bariga Dhexe intooda kale, kuwa ay Shiicada ku badantahay waxa ay ku xiran yihiin Iran, halka dalalka Suniga u badanyihiina ay isu riixaan dhanka Sucuudiga. Taariikh ahaan Sucuudiga ayaa hormuud u ahaa dunida islaamka, balse markii lasoo gaaray sanadkii 1979-kii waxaa dhashay kacaankii islaamiga ahaa ee Iiraan, kaas oo xitaa ay ka go’nayd in ay faafiyaan mad-habka shiiciga ah. Wuxuuna loolan adag la galay hoggaamintii Sucuudiga. 15 kii sano ee lasoo dhaafay ayaa si gaar ah ay cirka isku shareertay xasaradda u dhaxaysa labada dal. Duulaankii Maraykanka uu ku qaaday Ciraaq oo dal sunni ahaa ee lagu dilay Saadaam Xuseen ayaa wuxuu meesha ka saaray mid ka mid ahaa caqabaddii ugu weyneyd ee Iran hortaagnayd. Waxaa sidoo kale dhacday in saamaynta Iran ay ku faafto Ciraaq. Markii lasoo gaaray sannadkii 2011-kii oo ay dhasheen kacdoonadii shacabka ee Carabta, ayay labadan dal ka faa’iideysteen xaalada qalalaasaha ah ee dalalkaas ka jirtay si ay u faafiyaan saamayntooda. Xaalka ayaa aad uga daraya sababtuna waxay tahay Iiraan oo u muuqata in ay ku guuleysanayso tartanka. Dalka Suuriya, Iiraan oo garab ka heleysa Ruushka ayaa xukuumadda Bashaar Al Asad ka caawisay in uu meesha ka saaro inta badan ciidammadii kooxaha falaagada. Sucuudiga ayaa si naf la caarinimo ah isugu dayaya in uu uga hortago qorsheyaasha Iiraan, iyada amiirka da’da yar ee Maxamed Binu Salman uu hormuud ka yahay dadaaladaas. Dalalka sida tooska ah loogu hardamayo waxaa ka mid ah dalka Yemen oo uu ka socdo dagaal labo sano jirsaday oo u dhaxeeya xulufada uu Sucuudiga hormuudka ka yahay iyo kooxda Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto. Dalka Lubnaana, dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Sucuudiga ay ku cadaadisay Ra’isulwasaarihii dalkaas Sacad Xariiri in uu is casilo. Sucuudiga wuxuu taageero xoog badan ka haystaa xukuumadda Trump ee Maraykanka iyo waliba Israa’iil oo la sheegay in ay Sucuudiga ku taageersantahay dadaalka in Iran wax laga qabto. Israa’iil ayaa cabsi weyn ka qabta halista ay ku yeelan karto in maamullo Iiraan dabada ka riixayso sida Suuriya oo kale. Markii sannadkii 2015-kii Golaha Ammaanka u codeynayeen heshiiskii hubka Nuyuukleerka , Israa’iil iyo Sucuudiga ayaa kasoo horjeedsaday. Yaa xulafo ah? Marka si guud loo eego qariidadda Bariga Dhexe waxaa si toos ah loo arki karaa sida la’isu xulufaysanayo suniga iyo shiicada. Xulafada Sucuudiga waxaa ka mid ah dalalka gacanka Carabta sida Imaaraatka, Kuwait, Baxreyn, Masar iyo Urdun. Dhanka Iran waxaa xulufo la ah dowladda Suuriya, ururka Xisbulah ee Lubnaan, dowladda Shiicada horboodayso ee Ciraaq iyo waliba kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Sidee loo wajahayaa dagaalka? Loolanka waxa uu leeyahay dhammaan astaamihii dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Midoowga Soviet u dhaxeeyay muddo dheer. Iran iyo Sucuudiga toos uma dagaalamayaan, balse waxa ay ku lug leeyihiin dagaalo kala duwan oo ay si dadban ugu jiraan, waxaana tusaale ah dagaalada ka socda Suuriya iyo Yemen. Dhawaan markii kooxda Xuutiyiinta ay gantaal ridada dheer ku tureen Sucuudiga, waxaa si weyn loogu eedeeyay Iiraan, waxaane sare usii kacay dagaalka afka ah ee labada dal. Maadaama horumar badan ay ka gaari waayeen Yemen, Suuriyana lagu jabiyay, Sucuudiga meesha xigta ee ay isha ku hayso ayaa ah Lubnaan. Lubnaan ayaa halis ugu jirta in ay noqoto sidii Suuriya oo kale, hase yeeshee dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in danaha Sucuudiga ay u egtahay in ay ka fulayaan Lubnaan. Haddii Lubnaan ay wax ka dhacaan waxaa aad suurtogal u ah in Israa’iil ay soo farogaliso , waxayna keeni kartaa dagaalkii saddexaad oo dhexmara Israaiil iyo Lubnaan. Ma laga yaabaa in uu dagaal toos ah dhexmaro Sucuudiga iyo Iiraan? Illaa iyo hadda dagaalka Tehran iyo Riyadh waxa uu ahaa mid dadban, midkoodna ma uusan qaadin talaabo toos ah oo uu kan kale ku weerarayo marka laga reebo hal gantaal oo Yemen laga ganay, laguna riday Sucuudiga. Meesha suurtagalka ay tahay in ay isaga hor tagaan ayaa ah badda gacanka Carabta, halkaas oo xuduud badda ah ay ka leeyihiin. BBC Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dhacday 13-kii bishan ayaa ku dhashay Miyiga Magaalada Hargeysa sannadkii 1948-kii, waana 69-jir. Biixxi wuxuu sheegay inuu Waxbarashadiisii Qur’aanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga Sare ee Cammuud oo ku yaalla Magaalada Boorama ayuu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii, kaddibna wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa bishii May ee sannadkii 1985-kii ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii dhexe ee Somalia, isla markaana Somaliland ay ku dhawaaqday goonni-isu-taaggeeda ayuu ka qabtay xilal kala duwan. Sannadkii 1993 ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna Wasaaradaas hayay muddo oo uu kusoo caan-baxay. Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii, kaddib shir-weynihii xisbiga, waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa xisbiga. Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii. PUNTLAND POST The post Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kooban appeared first on Puntland Post.
  16. Bosaso-[Puntland Post]-Hooyo Raaqiyo Cabdilahi Ibraahim Cali waa hooyo soomaliyed oo ku nool Magaalada Bosaso waxa ay la dhibatoonaysaa wiil ay ay dhashay kaas oo ka tahriibay. Wiilkan ay dhashay Raaqiyo Cabdilaahi Ibraahim Cali oo ah hooyo soomaliyeed waa Agoon abihiina mar hore ayuu geeryoday sida ay iyadu noo sheegtay. Mahaysato wax ay ku caawiso wilkeeda oo ay sheegatay in ay haystaan magafayaal waxana uu hada ku suagn yahay Caasimada Libiya ee Tripoli waxana ku dhacday xabad xili uu rabay in u baxasado waana dhaawac sida hooyo Raaqiyo ay u sheegeen dadka haysata wiilkeeda. In dheheeda wax ka muuqada murugo xoogan oo ay la ilmaynaso silica haysat wiilkeeda iyo wax la aanta haysat Hooyo Raaqiyo. Hooyo Raaqiyo oo hadlkeeda sii wadata Waxa ay Umada islamaka ah ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba ka cod sanaysaa in laga caawiyo si danta wiilkeeda oo ay markale hesho . Ilahay waxa uu yiri isku gar gaara aan idin gar gaare walal u gar gaar hooyo Raaqiyo Cabdilaahi Ibraahim Cali uguna dir wixii aad awood taleefanada Shaashada kaga muuqda. Walalo Caawi Hooyadan Dhiban oo la xirii Talefankeeda. +252906141956 Ama Puntland Post Xafiiskeeda Bosaso 0907643863 Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Daawo : Hooyo Dhibaateysan Oo Muslimiinta U baaqday appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu qabtay madal looga hadlayey Isirka Soomaaliya, xarunta dhaqanka ee Ifiye oo soo qaban-qaabisay kulankan, waxaa marti ku ahaa Prof. Madaxmed Gandhi oo ah qoraa taariikhda iyo Isirka Soomaaliyeed. Gaandhi sidoo kale waa siyaasi horay u soo noqday wasiirka gashaandhigga(2009-2010), hadda waxaa uu ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Prof. Madaxmed Gandhi, waxaa uu madasha uga hadlay bilowga taariikhda Soomaaliya, Isirka Soomaalida, abtirka Iyo beelaha hadda Jira, waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida, Isticmaarka iyo Soomaaliya. Bilowga Taariikhda Soomaaliya: Prof. Madaxmed Gandhi, Taariikhda Soomaalida waxaa uu ka soo bilaabay xilligii faraacinada gaar ahaan boqoraddii Xatshepshut, oo aheyd boqoradii 5aad ee Faraaciinta, taas oo xiriir soke la laheyd dhulka Soomaalida, Faraaciinta waxaa ay halkan ka qaadan jireen fooxa iyo waxyaabaha udgoon. Waxaa kale oo Soomaalida xiriir la laheyd dalka Giriigga, magacyo badan oo loo aqoon jiray Soomaaliya waxaa ka mid ahaa: Punt, Zinji iyo Azaaniya. Asal-ka Magaca Soomaal waxaa uu ku sheegay in 3 meel: Erayga carbeed ee (duu-maal) oo micnaheeda yahay mid maal leh oo ka yimid sida uu sheegay Yemen, iyaga oo-Yemen-aan ku dhawaaqi karin”D” ayey yiraahdeen Zuumaal halka Soomaalida oo aan Z laheyn u badaleen Soomaal. So-Maal oo hilib ah, waa micno kale. Erayga marti-gelinta ka tarjumaayo ee xoolaha Soomaal. Prof. Madaxmed Gandhi , Waxaa kale uu soo qaatay in qarniga 16aad markii ugu horeysay qoraallada Xabashida lagu arkey in beelo uu jabiyay boqorkii Itoobiyaan-ka ahaa uu ku yiri “Soomaaliya u sheeg”, taas oo muujineysa in xilligaasi ay Soomaalida diriri-jireen, gaar ahaan loolanka Xabashida iyo Soomaaliya. Asalka Soomaalida waxaa uu ku soo koobay 3 aragti: (1): Carab: Prof. Madaxmed Gandhi , waxaa uu sheegay in ay jirto aragti xoogan oo leh Soomaaliya waa carab, oo muujineysa in dhulkan markii hore ay Bantu deganayeen, oo Oromo in ay timid xoogtay, una soo riixday dhanka Koonfurta, Kadibna Soomaalida Jasiiradda carabta ka yimaadeen oo iyagana Oromada dhulka ka xoogeen, sidaana ay u dageen…Soomaalidana markii ay isticmaarka yimaadeen oo la doonayey in la qoro isirkooda, si diinta Islaamka u badbaadiyaan ayey abitirka geliyeen carab. (2): Aragtiga Shalotrenz ee Isirka: Xaam ama Xaamiyiinta Yaafith ama Yaafisiinta Saam ama Saamiyiinta Aragtiyadaasi waxaa ay Soomaalida gelinayaan bahda Cushitic, oo ah in Soomaalida ka soo jeedaan dad ku noolaa dhulka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, dadkaasi oo xitaa Faraacinada ka adkaaday 800 oo sano ka hor dhalashada Nabi Ciise. Cushitic: waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Aragti kale, oo dhigeysa in Soomaalida yihiin Afirikaan rasmi ah oo aan biyo is-marin. Abtirka Iyo Beelaha Hadda Jira: Prof. Madaxmed Gandhi, Qabiillada Iyo Abtirka Hadda Jira mar uu ka hadlayey waxaa uu meesha ka saaray abtirka iyo beelaha in ay weligood sidaasi ahaayeen, waxaa uu qabaa in intii isku dan iyo nidaam ah ay magac iskala baxeen, sidaana ay ku yimaadeen magacyadan aan naqaanno, waxaa kale uu ku doodayaa in beesha 5aad ama .5-ka lagu sameeyay shirka Carte 2000 uu beel la yaqaano oo lagu abtirsado isku badali-doono 50 sano kadib. Waxyaabaha uu qabiilka ku wanaagsan yahay waxaa uu ku sheegay iskaashiga, dhiigga oo la isla bixiyo, xoolaha oo la isla raaco iyo wanaagga oo la iskugu gargaaro, isaga oo intaasi ku daray in ay beesha sii jiri-doonto illaa laga helo nidaam dowladnimo oo adag. Waxyaabaha ay ka siman yihiin Soomaalida. (1): Deegaanka: Soomaalida waa bulsho deegaan ahaan isku mid, oo hal meel oo geeska Afrika ah ku nool, 4 dal ayey degaan sida Jamhuuriadda federaalka ah ee Soomaaliya, Djibouti, Kenya iyo Itoobiya. (2): Afka: Waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay Cushitic, Teeda kale Cushitic waxaa umad ama bulsho jirta 7 kun oo sano, oo ka kooban 40 jinsiyadood oo dega bariga Afrika, waxaa ay dhammaan isaga mid yihiin luqadda xagga naxwaha iyo dhaqanka. (3): Xigto: Soomaalida waa dad xigto ay ka dhaxeyso. (4): Silsiladda Tolka: Soomaalida waxaa ay leeyihiin silsilad ka soo bilaabatad Qoys, reer, jilib, laf, qolo illaa tol oo isku tollan. (5): Dhismaha Aqalka: Waxaa uu sheegay in weli reer miyiga heystaan dhaqan ah in aqalka ay dhismahiisa iyo qalabeyntiisa iska kaashaadaan reerka wiil iyo gabadha isku guursanaya. (6): Marxaladaha Da’ada: waxaa kale uu sheegay in caruurta yar, wiilka gaashaan-ka iyo gabdha gashaantiga ah, garmadow illaa Duq ay dhammaan qaab cumri ah u sameeyaan marxaladaha ragga iyo haweenka. (7): Beel: Waxaa ay ka simman yihiin sida uu sheegay beelaha oo beel weliba leedahay rag lagu tashto dhanka xoogga, deegaan ay leedahay, magta iyo qaaraanka oo la isla bixiyo, magaca, xoolo iyo summad iyaga beel ahaan u gaar ah. (8): Qeybaha Bulshada: Waxaa uu soo qaatay in qeybaha bulshadii hore loo kala saaro waranle, waable iyo wadaad, waxaa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad ku nool webiyada, magaalooyinka iyo jasiiradaha. (9): Xeerka: Soomaalida waxaa ay wadaagto waxaa ka mid ah xeerka, sida dhiig iyo dhaqan, waxaa qeybtan ka mid ah waxyaabaha Moodka(dhulalka, guraya….) iyo Nool oo xoolaha iyo waxa nool. (10): Dowladda: Waxa ugu casri-san ee Soomaalida wadaagaan waxaa uu ku sheegay calanka iyo dastuurka. Isticmaarka Reer Galbeedka iyo Soomaaliya: Prof. Madaxmed Gandhi, ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Isticmaarkii reer Yurub ay wax badan ka badaleen bulshada balse Soomaalida aaney is-dhiibin sida: Sharaf-beelka Odoyaasha: Isticmaarka waxaa ay odoyaasha siin-jireen Sado si dadka ugu marti-qaadaan markii dambana mushaar ayaa loo qoray, taasi oo meesha ka saartay sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeem Diin Jaceylka: Isticmaarka waxaa uu sii xoojiyay jaceylka ay Soomaalida u qabaan diinta Islaamka, waxaa ay badiyeen dhismaha madaarista qur’aanka, waxaa caruurta u diideen Iskuullada isticmaarka, waxaa kale oo caruurta loo bixiyay magacyo carab ah, isaga oo ku dooday in 3 ama 4 jiil aan la dhaafin karin magacyada Soomaaliyeed ee carabta, taasina la isaga celiyay oo keliya isticmaarka. Isirka Carabta: Isticmaarka waa dadkii ugu horeeyay ee raadiyey ama qoray isirka Soomaalida, dadkii ay la hadleen, waxaa ay abtirka geliyeen Carab si ay uga fogaadaan Afrikaan iyo meelo kale. Dhaqanka Oo Laga Fogaaday: Isticmaarka waxaa uu qaabab kala duwan ula dhaqmay Soomaalida, Koonfurta oo Talyaani ahaa iyo Waqooyiga oo Ingiriis gumeysan jiray waxbarashada iyo wax badan ayey ku kala duwanaayeen, tiiyoo markii dambe keentay in dalka uu soo galo hanti-wadaag oo meesha ka baxo marjicii umadda Soomaaliyeed iyo dhaqankii suubanaa. W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source
  18. Washington (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay ciidanka ka jooga Somalia ee dagaalka kula jira Kooxda Al-shabaab iyo Ururka Daacish ee ku sugan Buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sanadihii lasoo dhaafay la kordhiyay ciidamada ka jooga Somalia, kuwaasoo la gaarsiiyay illaa 500 oo askari. Boqollaalkan Askari ee Mareyanka ee ku sugan Somalia ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa ee Mareykanka kaga sugan Soomaaliya Tan iyo Sannadkii 1993-kii, xilligaasoo Somalia lagu dilay 18 askari oo Mareykan ah. Askartan ayaa isugu jira kuwa fuliya howl-gallada gaarka ah, la-talinta, kuwa la-dagaalanka argagixiada, tababaridda ciidamada iyo taakuleynta, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay sugida amniga iyo xoojinta Awoodda Ciidamada Soomaaliya. Maamulka sare ee Mareykanka ayaa sannadkan xoojiyay weerarada dhanka ka ah Kooxda Al-shabaab ee ay fuliyaan diyaaradaha Drones-ka iyo kuwa kale ee dagaalka, waxaana sannadkan oo kaliya la fuliyay illaa 28 weerar oo duqeymo ah, halka sannadkii hore ay ka ahaayeen 15 weerar oo keliya. Dhanka kale, Mareykanka ayaa tan iyo 09-kii bishan la fuliyay illaa Sagaal weerar oo cirka ah, kaasoo mid ka mid ah lala bartilmaameedsaday kooxda ISIS ee saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee gobolka Bari. Taliska ciidamada Dalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in Weerarradii u dambeeyay ee Somalia laga fuliyay lagu dilay 40 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida. Ugu dambeyn, Hawl-galada Qarsoodiga ah ee Mareykanka ka fuliyo Somalia ayaa isugu jira dhismaha shabkadaha Macluumaadka keena, Waxaana inta badan weerarada qaar ay sahlaan marka gacanta lagu dhigo xogo ama qalab laga qabto kooxaha argagixisada. PUNTLAND POST The post Mareyanka oo kordhiyay Ciidamada kaga sugan Somalia iyo Hawl-galada ay Fulinayaan appeared first on Puntland Post.
  19. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada Somaliland, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi, Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi: Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa. 1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka 1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka. 1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka. Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM. 1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland. Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE. 2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE. 2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE. Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka. Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood. Dadka taageersan doorashadan ayaa u badnaayeen gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey goor dhow natiijada doorashadii 13-kii bishan dhacday waxaana ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharrax madaxweyne u ahaa Muuse Biixi. Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Deegaanno badan oo Somaliland ah waxaa durba ka bilowday dabaaldegyada ay sameynayaan taageerayaasha xisbiga Kulimye.
  21. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada Somaliland, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi, Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi: Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa. 1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka 1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka. 1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka. Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM. 1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland. Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE. 2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE. 2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE. Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka. Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood. Dadka taageersan doorashadan ayaa u badnaayeen gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer. Goobjoog News Source
  22. Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey goor dhow natiijada doorashadii 13-kii bishan dhacday waxaana ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo musharrax madaxweyne u ahaa Muuse Biixi. Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka: Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19% Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73% Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17% Deegaanno badan oo Somaliland ah waxaa durba ka bilowday dabaaldegyada ay sameynayaan taageerayaasha xisbiga Kulimye. Goobjoog News Source
  23. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Somaliland ee la qabtay 13 bishaan Nov,sida uu shaaciyey guddiga doorashada Somaliland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in maadxweyne Ku xigeenka uu ku guulaystay cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici oo horayba xilkaan u hayey. Faahfaahin dgoor dhow Puntlandpost.net The post Deg deg: Muuse Biixi Cabdi oo ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
  24. Munaasabad ballaaran oo haatan ka socota Xarunta guddiga doorashada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa looga dhawaaqayaa natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee la qabtay 13 bishaan. The post Toos u daawo:, Guddiga doorashada Somaliland oo haatan shaaciyanaya Natiijada Rasmiga ah. appeared first on Puntland Post.
  25. Waxaa haatan Muqdisho ku sugan Amanda Roach oo ah qunsul ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Hadaba, Axmedweli Xuseen oo ah tifaftiaha Radio Goobjoog oo wareysi gaar ah la yeeshay ayaa waxaa uu ka weydiiyay ujeedka safarkeeda iyo arrimaha lottery-ga. Goobjoog News: Ujeedka safarkaaga muqdisho maxuu ku saleysan yahay? Amanda Roach: Hagaag, waxaan ka shaqeeyaa qeybta soo galootiga ee safaaradda dalka Mareykanka ee saldhiggeedu yahay magaalada Nairobi halkaan Muqdishana waxaan wada joognaa asxaabteyda kuwaasoo ka shaqeeya qeybta siisa adeegyada muwaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka sababtoo ah hadda kuma lihin qunsuliyadda adeegyada bixisa Muqdisho xataa kuweena Kenya jooga waxay mas’uul ka yihiin adeegyada looga baahan yahay Soomaaliya, marka safarka aan halkaan ku joogno waa mid aan kula kulmeyno Soomaalida oo aan kula hadleyno kuwa ku jira dowladda iyo sidoo kale ganacsiga si aan wax badan uga baranno deegaanka iyo sida aan uga caawin karno Soomaalida iyo Ameerikaanka adeegyada kala geddisan ee aan bixinno. Goobjoog News: Bal waxaad dadka Kuxiran Goobjoog u sheegtaa Fiisahan nasiibka ku salaeysan ee aad caalamka oo dhan aad ugu talagayeen macnahiisu waa maxay iyo ujeedka aad ka leedihiin? Amanda Roach: Dal ku-galkan sanadkiiba mar la codsado waxaa la billaabay 1995tii, waxaana billaabay golaha sharci dejinta dalka Mareykanka waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu dhiirigelyo socdaalka waddamada aan taariikh ahaan dadkoodu ku badneyn dalka Mareykanka tanina waxaa cabbir looga dhigay haddii dal ay soogalootigiisu ka yaryihiin 50 kun 5tii sano ee la soo dhaafay marka barnaamijkaan wuxuu u furan yahay dhammaan waddamada marka laga reebo waddamada socotadoodu badan tahay, dhinaca Africa oo ay Soomaaliya ku jirto marka laga reebo Nigeria, halkaan xilligii codsiyada la soo gudbinayey waa furan yihiin waxayna xirmeysaa 22ka bishan November oo ah arbacada 8:00pm saacadda bariga Africa marka qof kasta waa soo codsan karaa, waxaana jirta laba ha boo fudud oo aad kusoo codsan karto, mid wuxuu yahay inad soo dhameysay waxbarasho u dhiganta dugsi sare midda kalena waxay tahay haddii aadan intaas sameyn karin inaad shanti sano ee la soo dhaafay ku guda jirtay laba sano oo aad shaqo aad ugu taqasustay shaqooyinkaas taqasuskooda la rabo waxaa tusaale ahaan ka mid ah macallinimo, kalkaalisanimo ama dhaqtarnimo, haddii aad rabto inaad ogaato shaqata ay tahay inaad ku taqasusto waxaad booqan karta pagekeena. Goobjoog News: Soomaali badan ayaa sanadkasta codsata haddana waxaan aragnaa tiro yar oo Soomaali ah oo hesha fiisahan waxaa maxay Sirta ka dambeeysa arrintan? Amanda Roach: Sida aan horey u sheegayba wuxuu u furan yahay waddamada soogalootigoodu yaryahay ee yimaada dalka Mareykanka xulashadana, waxaa si aan kala sooc lahayn u sameeya computer marka computerkaas ayaa go’aan ka gaara codsadeyaasha la aqbalay dad badan ayaana soo codsada, sanadkii tagey oo kaliya in ka badan 40 million oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa soo codsaday waxaana kuu sheegayaa in usbuuc kasta xaafiisyada Nairobi inaan wareysiyo ka qaado Soomaali doonaya dal ku galkan, waxaa in la isxasuusiyo in codsiga qaabka Onlineka ah loo soo gudbinayo inuu bilaash yahay waxaana soo gudbin kartaa oo kaliya hal codsi marka adiga caqabad ha isku noqon haddii aad soo gudbiso in ka badan hal codsi kuma guuleysan doontid mana lagu xulan doono. Goobjoog News: Waxaad ii sheegtay in Kumbiyuutarku uu ka la xulo dadka soo Codsada fiisahan siduu u xulaa habkeese maraa si dadka loo baahan yahay uu u doorto? Amanda Roach: Hagaag, dadka ka imaanaya waddamo gaar ah ayaa loo ogolyahay inay codsadaan marka haddii aad codsato oo aad doorato tusaale ahaan Nigeria kuuma ogolaanayo computerka inaad u gudbiso codsigaaga sababtoo ah dadka Nigeria u dhashay looma ogola inay hadda codsadaan Haa waa qodob wanaagsan, kuma lihin safaarad aan wareysiyada dal ku galka ah ku qaadno hadda Soomaaliya marka sababtaas darteed codsadeyaasha ku nool Soomaaliya waa inay aadaan safaarad kale oo aan ku leenahay gobolka si loogu wareysto tusaale ahaan anigu waxaan ka imid safaaradda Nairobi halkaas ayaan Soomaalida ku wareysannaa sidoo kale Adisababa iyo Jabuuti marka kaasi waa hal sheey oo nagu adag sababtoo ah waa inaad halkaas tagtaa adigoo qarashka iska bixinaya waxa kale ee loo baahanyahayna waa inuu qofku haystaa wax u dhigma dugsi sare ama diploma laakiin nasiib darro safaarad ahaan waa inu adag tahay inaan xaqiijinno dukumiintiyada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya marka iyadoo taasi jirto waxaan dadka weydiinaa inay noo keenaan waaya-aragnimo kale oo dhanka waxbarashada ah oo laga yaabo inay ka haystaan waddan kale laga yaabee haddii ay rabaan inay ka bilaabaan jaamacad dal kale sida Kenya ama Uganda ama haddii ay u shaqeeyeen urur ee kaabi kara waaya aragnimadooda. Goobjoog News: Kumanaan Soomaali ah ayaa sanadkasta saf u gala in ay helaan Fiisahan dalalka colaaduhu ay ka taaganyihiin sida Soomaaliya oo kale mala siiya ahmiyadda Si dad badan looga qaado? Amanda Roach: Dalku galkan gaarka ah waddamada waxaa la siiyaa kala-mudnaan, kuwa ka yimaada waddamada colaaddu ka jirto ama kuwa aadka u xasilan computerka ayaa xulashada leh marka computerkana ma kala ogaan karo laakiin dabcan xaaladdaasi waxaa jira doorasho kale oo lagu tago Mareykanka iyadoo loo marayo nidaam qaxootinnimo laakiin dal-ku-galkan ma jirto kala muhiimadsiin lagu sameynayo waddamada. Goobjoog News: Fiisaha mareykanka marka lamaqlo durbaba waxaa la soo xasuusta Madaxweyne Trump oo dhowaan Sheegay in la hakinayo fiisahan makula tahay in warka madaxweynihiinu uu arrintan saameyn weyn ku yeelan karo oo ay tahay in aan codsigiisaba Soomaalidu isku daalin? Amanda Roach: Hadda ma jirto wax isbedel ah oo lagu sameeyey barnaamijka wali 50kun oo dal ku galka nuucan ah ayaa la bixiyaa sanadkii oo adduunka oo dhan ah walina codsiyada waan qaabileynaa illaa bishan November 22keeda 8:00pm saacadda bariga Africa marka ma jirto hadda wax la joojiyey ama la bedelay hawshuna waa socotaa barnaamijkuna wuxuu billawday 1995tii illaa intaasna waxaa jiray dad su’aalosu’aalo naga weydiinaya barnaamijkan laakiin mar kale waxaa billaabay golaha sharci dejinta ee dalka Mareykanka tillaabooyinka lagu joojinayana waa inay iyaga ka yimaadaan. Goobjoog News: Dad ayaa lacag ka sameeya oo dadka u codsada fiisahan waxaad ii sheegtay in arrintan in aad ka hadasho aad rabto walaaciinu maxuu yahay? Amanda Roach: Waxaan ku guubaanineynaa qof kasta in uu isagu fiisaha codsado oo uusan cid kale u wakiilan, maxaa yeelay waa lacag la’aan sidaa darteed ma ahan in aad cid lacag ku siisid in uu kuu codsado Fiisadan, waxaan ku dhiiragalinayaa dadka in aysan cidna lacag kusiin, maxaa yeelay kuwa lacagta ku qaadanaya waa ay ogyihiin in waxani yihiin lacag la’aan Goobjoog News: Maxaa tallooyin ah oo aad u heysaa Dadka sanad kasta codsada Fiisahan? Amanda Roach: Waxaan kula talinayaa qofkasta oo codsada in uu hubiyo in isagu uusan isreebin oo aysan soo qorin wax qalad ah xiliga ay codsanayaan Tusaale ahaan waxaa lagaa rabaa in aa dhal codsi soo diratid , hadda laba jeer aad soo codsato Vissa ha isla markiiba Kumbiyuutarka ayaa ku reebaya oo ku dhahaya uma qalantid in aad fiisadan Codsato. Wadada kale oo aad ku hari karto waxa waaye in aadan qorin dhammaan qoyskaaga, tusaale haddii aad xaas leedahay waa in aad qorataa, haddii aad ilmo leedahay waa in aad ku dartaa magacyadooda liiska codsiga haddii aysan reer lahayn da’doodana ay ka yartahay 21 sano. Waxaan aragnaa dad marka ay wareysiga u yimaadan Safaaradda aysan u qorneyn xaaskooda iyo carruurtii midna, taas oo keenta in ay ku dhacaan wareysiga sidaa darteed waa in aad marka hore ubisaa in waxkasta oo arrimahaas la xiriira ay kuu diiwan gashanyihiin si aadan wareysgia ugu dhicin. Goobjoognews Source