Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq dawo ah gaarsiisay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiya Abiikar Nuur iyo wafdi ay hoggaamineysay ayaa gaaray B/weyne, waxaana dawada la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi. Wasiir Fowsiya ayaa kormeertay goobaha lagu daweynayo dadka uu soo ritey cudurkaasi, waxaana goobahaasi kamid ah Isbitaalka guud ee B/weyne. Mar ay si kooban wasiir Fowsiya ula hadashay saxaafadda waxay sheegtay in dowladda ay garab taagan tahay dadka la xanuunsanaya Shuban biyoodka, islamarkaana kaalin ka qaadan doonto daweyntooda. Goobjoog News Source
  2. Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo saxaafadda la hadlay kadib markii ay dambi ku weysay maxkamada gobolka Banaadir ayaa si kooban uga hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn wuxuu u mahadceliyey cid walbo oo ka dhiidhisay xariggii ay dowladda kula kacday, isaga oo sheegay iney guuleysatay cadaaladdii. Waxa uu tilmaamay in hadda ay soo dhammaatay oo kaliya qeybta hore ee dacwadda balse qeybta dambe ay furmi doonto uuna ku raadsanayo xaqii uu lahaa. Sidoo kale, waxa uu Mr. Shakuur u sheegay madaxda sare ee dowladda in laga gudbay waqtii wax lagu maquuninaayey waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhanka kale, C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay Labada aqal Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya in lala xisaabtamo cid walbo oo mas’uuliyaddeeda gabtay. “Dacwada qeybteeda hore ayaa dhamaatay, qeybtii dambena wey furmi doontaa oo aniga xaqii aan lahaa ciddii igu soo been abuuratayna beenteedii waa la cadeeyay, waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka haysata, waa laga gudbay xilligii qori caaradiis wax lagu maquuninaayey, dalkaan xilli dib loo celiyo ma joogo, dastuurka iyo sharciga ayaa ka taliya, Labada guddoon ee baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in sharciga ay la tiigsadaan cid walbo oo sharciga ka weynaato, xildhibaannada baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa dalkaan waxa lagu wada joogi karo waa sharci, cidii gabtay mas’uuliyadeeda iney kula xisaabtamaan Labada aqal dhexdooda” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta sheegtay in wax dambi ah aanu lahayn siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana sidoo kale ay tilmaantay maxkamaddu inaanu racfaan ka furneyn kiiskan. Goobjoog News Source
  3. Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dalka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa Goordhow Shir Jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ka soo horjeeystay Go’aankii maxkmada Gobolka Banaadir ay kus ii deeysay cabdiraxmaan Cabdishakuur. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Sharci Daro ay tahay in loo diido racfaanka Xee ilaalinta isaga oo sheegay in ay xaq u leeyihiin in racfaan ay helaan xir ilaalinta. Maanta ayaa Maxkmada Gobolka Banaadir sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyada oo sii deeysay. Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Mudane Aweys Shiiq Cabdilaahi Ayaa sheegay in xeer ilaalinta dalka aan wax racfaan ah u furneeyn. Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka Soo Horjeeystay Xukunkii lagu Sii Daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  4. Ethiopia, Somaliland are enjoying a period of having good bilateral ties according to SL representative to Ethiopia, Ali Hussein Ismail aka “Ali Shoombe”. The envoy told Geeska Afrika, local paper published in Hargeisa and said that the deals signed between the two countries will be carried out by Musa Bihi’s new administration. Hon. Shoombe has declared that the road linking Somaliland to Ethiopia particularly Wajale road will commence soon as the technical committees from both sides are in action. The envoy to Ethiopia further stated that the Ethiopian transport minister who spoke to BBC Somali services admitted the relation between Somaliland and Ethiopia remains good and strong.Speaking on Somaliland consulate in Ethiopia, the envoy said that their mission is to bring the two nations closer together.
  5. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xoriyadiisa dib uguoo celisay Siyaasiga Cabdiraxmaan C/shakuur, kaddib ay markii shaacisay in wax dambi ah lagu waaayay. Maxkamadu waxay cadeysay Xeer Ilaalintu inay caddeymo rasmi ah ku keeni weyday muddo 24 saac oo loo siiyay. Waxay kaloo sheegtay inaan markii horeba sifo sharci ah lagusoo xirin siyaasiga. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan. Puntlandi.com
  6. Somalia is continually plagued by numerous problems, despite growing support for its central government. Other pressing challenges include famine and disease. After years of enduring a protracted civil war, Somalia continues to face a set of intractable challenges with security foremost among them. In October, more than 500 people were killed in a double bombing attack in the Somali capital of Mogadishu. Others challenges include violence, famine and disease. TRT World’s Andrew Hopkins reports.
  7. Booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daayay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo ku magac dheer Sheekh Dabcasar kaddib markii ay dhawaan kasoo xireen hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa. Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa isla maanta la geeyay Dabcasar, waxaana lagu amray inuu si degdeg ah uga baxo magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolada Somaliland. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inuu mar dambe Live kasoo galo Facebook-giisa oo uu ka hadlo arrimaha Somaliland iyo qadiyadeeda, inta uu Hargeysa ku sugan yahay. Dabcasar ayaa dhowaan jirdil loogu geysto Hargeysa kadib markii uu ka hadlay arrimo la xiriira Soomali weyn, arrintaas oo Somaliland ay si weyn uga carootay, waxaana kadib lagu tuuray xabsi. Puntlandi.com
  8. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay dowladda ku eedeysay qiyaano qaran. Waxay maanta maxkamadda dhageysatay dacwaddii loo haystay Shakuur, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa siyaasiyiin, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale. Maxkamadda ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin. Warkaan oo faah faasan goor dhow la soco. Goobjoog News Source
  9. Waxaa Goordhow Maxkmada Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday Go’aankii kama dambeeysta ahaa ee ku saabsanaa kiiskii lagu eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaana Gudoomiyaha uu amray in si buuxda xuriyadiisa loo siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Gudoomiyaha Maxkmada ayaa sheegay in Xeer ilaalinta aanay u furneeyn wax racfaan ah. Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeer ilaalintu ay maxkmada horkeeni weeysay cadeeymo la xariira dambiga uu galay islamarkaasina lagu soo eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xasan Maxamed samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Maxkmada Gobolka Banaadir oo wax dambi ah ku weeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur siina deeysay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u fasaxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in wax caddeyn ah lagu waayey. Guddoomiyaha Maxkamadda Awey ayaa sheegay inay xeer ilaalinta keensan weysay wax caddeyn ah oo lagu xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sheegay in markii horeba qalad lagu soo xiray iyadoo aan wax fasax ah laga heysan Maxkamadda Gobolka Banaadir. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadanayaan go’aankaan, guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka dhaga adeegay, wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax racfaan ah. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay inay xeer ilaalinta Maxkamadda horteeda la imaan weysay wax caddeyn ku filan kiiskaas. “Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda. Arrintaan ayaa dhabarjab ku noqotay xeer ilaalinta oo Siyaasigaan habeen madow kusoo weerartay gurigiisa. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Halkaan ka daawo go’aanka Maxkamadda The post Deg deg: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la fasaxay iyo racfaan laga qaatay oo la diiday appeared first on Caasimada Online.
  11. Wararka Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay xabsiga ka sii daayeen Cabdiraxmaan Cabduullaahi Xaaji oo Magac Dheeree Dabcasar. Sheekh Dabcasar ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka ka xeeysteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga Hargeysa. Ciidamada ayaa u geeystay jirdil aad u xoogan waxaana la dhigay isbitaal ku yaala Hargeysa Todobaadkii la soo dhaafay inkastoo markii dambana xabsiga dib loogu ciliyay. Dabcsar oo Jirdil Ay u geeysteen Ciidamada Soomaaliland isbitaal koo Jiifiyayugu dambeeyntii Soomaaliland ayaa sii deeysay Sheikh Dabcasar oo ah nin caan ka ah aaladaha Social Media . Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid. Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Maamulka Soomaaliland oo sheegtay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa ka dhaca tacadiyo ka dhan Xuquuqda aadanaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliand oo Sii Deeysay Dabcasar Kana Musaafurisay Soomaaliland appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro. Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista. Diidmada oogu daran waxay si aan qaadansho waa lahayn uga imanaysaa dalalka Maraykanka ka soo horjeeda. Dhanka kalana dalal xulafo la ah Maraykanka ayaa goodinta Maraykanka ku tilmaamay hanjabaad maran ama aan meelna gaarsiisnayn. Dublamaasi sare ayaana ii sheegay in ay caddahay in Maraykanka ay ka go’antahay in uu Israa’iil ku garab istaago Qaramada Midoobay, laakiin uu ka shakisan yahay in Washington ay gargaarka ka jari doonto Masar oo soo dhigtay qaraarkii Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhicisoobay kaas oo ku qotama midkan Golaha loo dhan yahayna. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Trump” Ciddii Ka Soo Horjeesata Go’aanka Qudus Waxaan Ka Jari Doonaa Gargaarka” appeared first on Puntland Post.
  13. Ciidanka Aminiga Puntland (PSF) oo maalmahan hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka waday Buuraleyda deegaanada madarshoon, Karin Xagarood iyo Mariidleee Buuraha CalMadow oo saldhigyo ay ku dhuumaalaystaan ay ku leeyihiin Al Shabaab, ayaa waxay ciidanka PSF ku dileen hawlgalladan in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al Shabaab. Dhanka kale, ciidanka PSF waxay ka tacsiyeynayaan geerida laba sarkaal oo ciidanka PSF kaga shahiiday miino shalay kula kacday waddada u dhexaysa Madarshoon iyo Galgala iyaga oo ku jira waajib qaran oo ay ku difaacayeen diintooda, dalkooda iyo dadkooda,waxayna Ilaahay uga baryeen labadaas sarkaal ee ciidanka PSF ka shahiiday in Allah uu ka aqbalo shahaadada kana waraabiyo jannatul firdowsa qoyskoodii, qaraabadoodii, ciidankoodii ,dawladda iyo shacabka Puntland na samir iyo iimaan ka siiyo. Hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ciidamada PSF wadaan ayay sheegeen inay sii socon doonaan ilaa cadowga laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba. Puntlandi.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay nuqul kamid ah waraaqihii damiinta ahaa ee lagusii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sida ka muuqato Saxiixaha Waraaqaha waxaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinta: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Seddexdaas mas’uul ayaa damiintay, waxayna waraaqdaan xeer ilaalinta guud ku caddeysay inay aqbashaday codsigaas isla markasna ay sidaas kusii deystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Muqdisho ka socoto, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro natiijo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda damiinta The post Akhriso Waraaqihii damiinta ahaa ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
  15. Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa war ka soo saaray xariggii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xalay dowladda damiin ku sii deysay iyo xaaladihii ka dhashay xarigiisa, kaddib howl gal dhiig u daatay oo habeenkii Axadii Ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maanta mar kale maxkamad la soo taagayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo u xiran dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya caddeymaha loo hayo denbiyada lagu soo oogay. Xogta la helayo ayaa qeexeysa in xeer ilaalinta ay u gacan galeen macluumaad ku saabsan qorshihii afgembiga siyaasadeed ee ay ku howlanaayeen xubno ku xiran Imaaraadka oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, xidhibaanno iyo madax hore. Caddeynaha ugu muhiiimsan waxaa ka mida: 1 – Codad muujinaya abaabulka ridista dowladda oo ku saabsan dhaqaale la bixinayo iyo kharash dibadda looga helay in lagu laaluusho xildhibaannada. 2- Marqaati iyo caddeyn xildhibaanno lacag lagu siiyay inay saxiixaan mooshin lagu ridayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. 3- Qoraallo iyo dokuments la xiriira mooshin oo ku taxan yihiin liiska xildhibaanno lacag la siiyay. 4- Wadahadal codad ku saabsan tirada lacagta la siinayo xildhibaannada oo dhex maraya laba xildhibaan oo xeer ilaalinta soo eedeysay iyo C/raxmmaan C/shakuur. Lama oga in Xeer ilaalinta ay adeegsan doono caddeymahan oo dhan iyo in qaarkeed ay soo bandhigi doonto, inkastoo xildhibaannada kiiskan ku jira ay weli xasaanad heystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog culus: Akhriso caddeymaha Xeer ilaalinta u heysato kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo xildhibaanno la shaqeeya appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka AMniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay weerarkii 17kii Bishan Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame. Wasiir Islow oo ka hadlayay madashii xalay lagu siideynayay C/Raxmaan C/Shakuur ayaa yiri “Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana bixineynaa”. Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ay ku dhinteen 5; Qof ku qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay la sii daayay. Maanta ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u fariisaneysaa kiiska C/Raxmaan iyada oo Xarunta Maxkamadda ay ku wada suganyihiin Xeer ilaalinta dowladda iyo Qareennada Difaacaya C/Raxmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”. appeared first on Caasimada Online.
  18. Booliiska Magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux ku dhaawacantay gaari dad ku der-deray isgooys mashquul badan oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi. Booliiska ayaa intaasi ku daray in xabsiga la dhigay dareewalkii gaariga iyo nin kale oo la socday,islamarkaana baaritaan ku socdo,balse faahfaahin dheeri ah ma bixin. Mas’uuliyiinta gawaarida gurmadka deg degga ah ee gobolka Victoria ayaa sheegay in ay isbitaalka geeyeen 13 ruux oo dhaawac ah,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in ay arkayeen dadweyne kala cararay iyo dhaawacyo dhulka yaalla ,kadib markii gaariga oo xawli ku socdaa isgoyska soo galay. Ilaa iyo hadda ma cadda in weerarkaan ahaa mid argagixiso iyo in kale. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost.net The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhaawacmay gaari la jiirsiiyey. appeared first on Puntland Post.
  19. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay Maanta war ka soo saaray xasaradda ka dhalatay xarigga siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur oo xabeenkii Axadda Ciidanka Nabad Sugidda Qaranku ay soo qabteen,kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Madasha ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horrayn tacsi loogu diray dhamaan intii wax ku noqotay weerarkaas,sidoo kale golaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay weerarka,taasoo haddii aan si deg deg deg ah loo xallin saamayn xooggan ku yeelan karta deganaanshaha iyo xasiloonida. Golaha ayaa ka digay in denbi laga dhigo ra’yiga siyaasiyiinta iyo in awoood ciidan loo adeegsado dadka afkaartooda u cabbiraya sida Dastuurku qabo,wuxuuna si gaar ah uga digay in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Militariga loo adeegsado arrimaha madaniga ah. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran. The post Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyda oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhalatay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maxkamadda Gobalka Banaadir goor-dhaw ka furmay Maxkamadeynta Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay si Damaanad ah lagu sii daayay. Xeer ilaalinta ama Dacwad ogayaasha C/raxmaan ayaa maanta laga sugayaa in ay Maxkamadda hor keenaan Cadeymo la xariiro Dacwada C/raxmaan waxaana Goobta ku sugan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Barlaamanka Soomaaliya. Sawirada laga soo qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muujinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay garabkiisa fadhiyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku heybta ah. Warar aan la hubin ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur diiday qaab xeer jajab ah oo la doonayay in kiiskiisa lagu xaliyo, iyadoo aan Maxkamad la aadin, balse waxaa uu ku adkeystay in Maxkamad lagu kala baxo. Odayaal, siyaasiyiin, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa dadaal u galay sidii loo sii deyn lahaa, kaddib is afagarad laga gaaray xaaladihii ku wareegsanaa eedeyntiisa. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa kuu biirtay Safaaradda dalka Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho, waxaana maxkamadda Gobolka Banaadir soo gaaray xubno kamid ah Safaaradaas. Qarreenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Maxkamadda ay furantay maantana ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dhinac u dhacdo dooda taagan. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah The post MaxkamadeyntaC/raxmaan C/shakuur oo bilaabatay iyo Safaaradda Ingiriiska oo Maxkamadda…. appeared first on Caasimada Online.
  21. Waxaa Goordhow xarunta Maxkmada Gobolka Banaadir soo gaaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sugaya go’aankii u dambeeyay ee maxkamadeeyntiisa. Xuranta waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiin. Xarunta Maxkmada waxaa ku sugan hadda Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa hadda la sugayaa in ay soo xaadiraan dhamaan qareenada iyo dadka dhageeysanaya xukunka Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur. Go’aankaan ayaa noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay soo saareeyso maxkmada iyada oo la wada sugayo go’aanka maxkamada. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Go’aankii ugu Dambeeyay ee Maxkmada Abdiraxmaan Abdishakuur oo Goordhow Bilaabaneeysa appeared first on Puntland Post.
  22. Qoraal uu maanta soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) ayaa lagu soo dhoweeyay sii-deynta shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame iyaga oo dhinaca kale ka dhigay in la bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaarad. Ugu horeyn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) wuxuu tacsi u dirayaa elehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday hawlgalkii bishan 18keedii ka dhacay Guriga Siyaasiga Abdirahman Abdishakuur Warsame, intii ku dhimatayna waxaan ilaahay uga baryeynaa in u naxariisto. Sidoo kale waxan ilaayah uga baryayaan in intii ku dhaawacantayna cafimaad degdega siiyo Amiin. Labadii bari ee la soo dhaafey, Goluhu waxuu si dhow isha ugu hayey xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatey Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho kuwaas oo hadii aan xal siyaasadeed oo degdega laga gaarin saameyn xoogan ku yeelan kara deganaanshaha iyo xasiloonida dalka, sidaas darteed Goluhu waxuu: Soo dhoweynayaa sii deyntii shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame, ka dib dadaalo ay u galeen Golaha Iskaashiga (GIDG), Wasiirro, Xildhibaanno, Duubab, Odoyaal, iyo Xubno kale oo bulshada ka tirsan. Waxaan ku baaqynaa in arrimaha weli dhimana lagu dhameeyo si degdega oo waafaqsan sharciga, lana dhowro xasiloonida guud, amniga, iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.. Ka digayaa in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee mar walba jiri kara, lana bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaaradaan siyaasada dowladda, madaama oo sharicigu u ogolyahay in mucaarad iyo muxaafidba ay ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed ee ku aadan hadba xaalada siyaasadeed ee taagan si waafaqsan dastruurka, kaas oo ogol xoriyaadda kulanka iyo qowlka. Soo jeedinyaa in laga foojignaado in dariiqa loo marayo xalinta kala duwanaashaha xaga afkaarta siyaasadeed ee lakala qabi karo loo adeegsado awood ciidan iyadoo wadanku wali ku jiro marxalad aad u nugul oo lagama maar maan ka dhigaysa in wax walba lagu gaaro dib u heshiisiin iyo is qancin, hadii la waayana ay tani sababi karto kala qaybsanaan hor leh iyo in dib loogu noqdo meel fog oo laga yimid. Mar labaad sidii horey la isugu raacay aan ciidamada nabad sugida iyo xooga dalka midkoodna loo isticmaalin arrimaha madaniga ah oo boolisku leeyahay. Qoraalka Oo Dhameystiran halkan Ka Akhri: Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa mowjado Siyaasadeed oo ay ku kicinayaan dowlado dhowr ah kuwaa oo is garabtaagaya dhinacyada Mucaaradka. Mowjadaha ku furan dowlada ayaa waxaa qeyb ka ah dhinacyo mucaarad ah oo ka kooban labada Baarlamaanada ee dalka iyo Siyaasiyiin miisaan leh, waxaana adkaaneysa in la kala dilo. Dhinacyadan ayaa waxaa fangareynaaya dowlado dhowr ah oo dhaqaalaha u marinaaya dowlada Imaaraadka oo iyadu cadeysatay dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia. Dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya mucaaradka oo qaarkood daaha gadaashii ka qasaaya Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kamid ah: Dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya oo dhamaantooda dhaqaalaha loo adeegsanaayo dhibaateynta Somalia u marinaaya Imaaraadka Carabta. Dhaqaalaha ay bixiyeen dowladahan ayaa waxaa kamid ah tan la sheegay in laga soo saaray Hooyga CC Shakuur oo dhawaan ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada. Dowlada Somalia ayaa ka gaashamaneysa faragalin kaga imaada dowlada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu qaska Somalia u sameynaaya Kheyraadka ku jira dhulka aawgii. Dhinaca kale, Dukumiintiyo ay heshay dowlada Somalia ayaa muujinaaya in dowlada Imaaraadka ay shaqsiyaad gaara u ballanqaaday inay gaarsiin doonto heer Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay Mucaaradka ku qasayaan Siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii deynta xalay saqdii dhex damiinka lagu sii daayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Waesame ayaa dhalisay farxad aan hore loo arag. Odayaal dhaqameed, siyaasiyiinta labada gole iyo xubno kala duwan oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa dadaalkanka dambeeyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, waxayse natiijadii noqotay in damiin lagu sii daayo iyadoo dacwadu socon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawiro: Farxadii siyaasiyiinta Hawiye ee ka dhalatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in hadda ay heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha. Waxaa uu sheegay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayuu sheegay in ay Guddoonka Golaha shacabka ka codsadeen in uu kalfadhiga Baarlamaanka dib u furo si ay howlaha hadda taagan u dhameystiraan. Mahad,ayaa sheegay in Warqadda codsiga in guddonka dib u furo fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,waxaana uu intaas raaciyay in ay gudbin doonaan. Mooshinka ayaa xoogeystay kaddib markii Axaddii Ciidanka amaanka ay weerar ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir. C/Raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan. Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada. Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah. “Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mahad Salaad: “96 Xildhibaan ayaa saxiixday mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Caasimada Online.