-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Gedo oo shir ku yeeshay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestay qorshe maamullo loogu sameynayo degmooyinka gobolkaasi. Waxay waxgaradkan sheegeen in hadda aysan macquul ahayn in la sameeyo maamullo cusub, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo amniga iyo sidoo kale kala dambeynta. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Jubbaland looga baahan yahay iney ka shaqeyso waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin. “Hadda ma arko iney jirto baahi loo qabo maamullo kale oo la sameeyo, degmooyinka waa ay kala xiran yihiin, meel Luuq 2-km u jirta Nabadoon ayaa lagu gowracay, qof banaanka aadi karto malahan, marka waxaa la doonayaa oo kaliya in laga shaqeeyo sidii nabad loo dhalin lahaa” ayuu yiri Ugaaska. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ku sugan Gedo ayaa wada dedaal badan oo ku aadan sidii isbedallo loogu sameyn lahaa maamullada ka jira degmooyinka gobolkaasi. Goobjoog News Source
-
Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo gaaray Degmada Baled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa halkaasi ka furaya Shir ku saabsan sameeynta Gole deegaan oo degmadaasi ay yeelato. Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay in degmadaasi laga dhiso gole deegaan oo daboola baahiyaha kala duwan ee degmadaasi Baled-xaawo. Shirkaasi oo maanta oo Talaado ah furmaya ayaa waxaa daah furaya Wasiir Juxa waxaana goobtaasi ku sugan masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Baled-xaawo. Wasiirka kama aanu hadlin xiisadihii baryihii ugu dambeeyay ka taagnaa degmada Baled-Xaawo oo ku aadanaa Dowlada Kenya oo soo xadgudubta xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Wafdiga wasiirka juxa ayaa isla maanta markii ay daah furaan shirkaasi dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho. Hoos ka Dhageeyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Wasiir-Juxa.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wasiir Juxa oo Baled-Xaawo ka Furaya Shirka Dhismaha Golaha Deegaanka appeared first on Puntland Post.
-
Kenya Defence Forces soldiers on Sunday killed five suspected Al-Shabaab militants believed to have been involved in the attack on Ijara Police Station in Garissa. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafdi uu horkacayo oo shalay Doolow tagay ayaa isla galabtii u gudbey magaalada Beled-xaawo iyaga oo booqday xadka labada dal iyo goobaha ay ku soo xad-gudbeen Kenyaanka. Wasiir Juxa waxaa isaga iyo wafdigiisa ay booqdeen xadka, iyaga ay wehliyaan dad khubaro ah oo xeer-dheer xadka, waxaa kale oo ay dhageysteen dadka reer Beled-xaawo kuwaas oo Juxa uga war-bixiyay sida ay wax u jiraan, In kasta oo xalay wasiirka iyo wafdiga la socday ay dib ugu soo laabteen Dolow hadana lama oga waxa u qorsheysan saaka iyo in ay mar kale ku noqon-doonaan iyo in kale. Shalay ayey aheyd markii golaha shacabka soo saareen qodobo muhiim u ahaa arrimaha xadka sida: Guddiga waxaa uu arkey in xiriir ha ujeeda ah uu ka dhaxeeyo soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Balad Xaawo ay u soo galeen arrimo la xiriira dariga iyo muranka badda. Guddiga waxaa uu cambaareeyay isku-day dhul boob oo ay wadaan Kenyaaka. Guddiga waxaa uu boggaadiyay shacabka Beled-xaawo oo si geesinnimo leh uga hortagay taangiyada Kenya. Xukuumadda waxaa loogu baaqay in ka bixiso jawaab mas’uuliyeed , loona diro guddi wasiirro ah iyo goleyaasha baarlamaanka. Guddiga waxaa ay arrinta Beled-xaawo u qabteen guddi ka kooban 5 xubnood oo la socon-doona xaalada Beled-xaawo. Wararkan oo faah-faahsan kala soco, Goobjoog News Source
-
Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in dhowaan ay deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ka bilaabi doonaan talaalka cudurka Jadeecada. In ka badan Hal Milyan oo carruur ah, kuna nool deegaannada Puntland ayeey wasaaraddu sheegtay in laga talaali doono Jadeecada. C/naasir Cismaan Cawke, wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Lixdii bil ee ugu dambeysay loo soo sheegay 1,800 kiis oo cudurkaasi ah. Waxa uu wasiir Cawke ku baraarujiyey waalidiinta iney ka qeybqaataan talaalka cudurka Jadeecada. “Macquul ma ahan in talaalkii oo yaalla ay carruurteena u dhintaan sabab la xiriirta Jadeecada, carrurteenna aan talaalanno si aan u badbaadsanno” ayuu yiri wasiirka. Cudurka jadeecada ayaa kamid ah cudurada dilaaga ah, waxaana la sameeyaa dedaal badan oo lagaga hortagayo. Goobjoog News Source
-
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/hoose Ayaa waxa ay sheegayaan in Halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo katirsan kuwa AMISOM. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeyso Degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer ee Gobolka Sh/Hoose. dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in Jugta qaraxa oo aheyd mid culus laga maqlay deegaano badan oo katirsan Gobolka Sh/hoose. Sida wararka ay intaasi ku darayaan qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka AMISOM waxaana ka soo gaaray qasaare aan ilaa iyo iminka si rasmi ah loo ogeeyn. Ciidamadii qaraxa la la eegtay ayaa fariisin ka sameeystay goobta qaraxa uu ka dhacay iyga oo halkaasina ka sameeyay howlgalo. Warar Al-Shabaab ay ku faafiyeen baraha Bulshada ayeey ku sheegteen masuuliyada qaraxaasi iyaga oo sheegay in AMISOM qasaare badan uu ka soo gaaray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada AMISOM oo Qarax Miino lagula eegtay Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Pakistan been iyo inay dhagar ay ku sameeyaan Mareykanka xilli lacag Balaayiin ah oo ay kaalmo ahaan ay uga hesho . Trump ayaa sanadkaan Twitterka waxaa uu ku soo qoray qoraalkiisii uu uga hadlayey Pakisatan waxaa uuna yiri “Pakistan waxay hooy u tahay argigixisada”. Pakistan ayaa dhankeeda si caro leh ugu jawaabtay hadalka uu soo qoray Trump “dhammaan maalgalinta waxay ku xirantahay xisaab iyo marmarsiino, Trump waxaa uu dareemayaa qaraarka jabkii ka soo gaaray Mareykanka Afghanistan”. Waxaa kale oo la sheegayaa in Mareykanka ka fiirsan-doono illaa $250 Milyan oo horay ugu ballan-qaaday Mareykanka in uu siin-doono Pakistaan. Goobjoog News Source
-
2017 has turned out to be another anus horribilis for journalists throughout Somalia. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) recorded during the year four journalists killed, 12 wounded, while 22 journalists were arrested and 8 beaten up, or threatened with death or imprisonment. Source: Hiiraan Online
-
Somali prosecutors have filed charges against five men in connection with the Oct. 14 truck bombing in Mogadishu that killed 512 people — the single deadliest terrorist attack in African history. Source: Hiiraan Online
-
Mudisho-[Puntland Post]-Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka tirasan golaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa markii ugu horaysay ka digaya in Ciidamada Dawlada iyo garsoorka dalka loo adeegsado dano gaar ah oo dadka lagu dhibaataynayo. Xildhiban Maxamuud Mashruuc ayaa sheegay in dhacado xanuun badan oo Fool xun ay ahayd weerarkii lagu qaaday Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid islamarkaan lagu xad gudbay Xasaanadiisa. ‘’Waa dhacdo Fool xun oo aan la garan Karin waxa lagu macnan karo Senator Aqalka sare ka tirasan oo gurigiisa la weerary waxana madaxda dawlada ugu baaqayaa in si dag dag ah shrciga loo hor keeno cidii ku lugta lahayd weerarkasi.’’ Sanator Maxamuud Mashruuc ayaa sida oo kale waxa uu sheegay in aan laga mashquulin Hay,addah Amniga waa jibadkii loo igmaday ee ahaa soo celinta nabada iyo kala dambenta dalka. Maxamuud Mashruuc oo ka tirasan Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ugu damben sanadka cusub ee 2018 bulshada soomaliyeed u rajeeyey hormar iyo Nabad galyo. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Cawaale Qaybdiid. appeared first on Puntland Post.
-
Washington (PP) ─ Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Pakistan inay khayaanayso Xukuumadda Washington oo siisa gargaarka ugu badan ee caaalmka la siiyo. Trump aya qoraalkii ugu horreeyay ee sannadkan uu soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay in Dowladda Pakistan ay gabaad siinayo Kooxo uu ugu yeeray argagixisada ciidamada Mareykanka kula dagaalamaya dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan. Dowladda Pakistan ayaa hadalka Trump si caro leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhammaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trump-na uu ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan. Sidoo kale, Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya inuu xannibo in ka badan 250-milyan oo Dollar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto ee sannadkaan. “Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in ka badan 33 bilyan oo doolar, 15-kii sano ee lasoo dhaafay, kamana aanan helin wax aan khiyaano ahayn oo ay u maleegayaan Mareykanka,” ayuu Trump oo intaas ku daray in Pakistan ay ka faa’iideysteen doqonnimadii madaxdii ka horreysay ee dalka Mareykanka. Trump wuxuu hadalkiisa daba-dhigay. “Gabaad ayay siiyaan Argagixisada aan dalka Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa” taasina ma sii jiri doonro.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Pakistan, Khawaja Asif ayaa Telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay – Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump dheeraadkiisu wax ahmiyad ah ma lahan. Ugu dambeyn, Waddanka Pakistan waxay si cad Maraykanka ula wadaagtaa macluumaadkaste oo ku saabsan qaabka loo adeegsado deeqda Maraykanka laga helo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Mareykanka oo Dowladda Bakistaan ku eedeeyay Khiyaano iyo been appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maaalada Muqdisho kawada shirar gaargaar ah oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada iyo Odayaasha Beelaha Hawiye. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada iyo Odayaasha Beelaha Hawiye kala hadlaaya sida loo qaboojin lahaa xiisad Siyaasadeedka ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hooyga Xildhibaan Cabdi Qeybdiid. Kheyre ayaa dhinacyada uu la kulmaayo sharaxaad kasiinaaya culeyska ay la kulmeyso dowlada Somalia iyo dhacdadii ka dhacday Hooyga Qeybdiid. Waxa uu ku qancinayaa in weerarkii ka dhacay Hooyga Qeybdiid uu ahaa mid aysan waxba kala socon, balse ay diyaar u yihiin inay Maxkamada soo taagan shaqsiyaadka lahaa weerarka iyo cida ka danbeysay oo lagu hayo baaritaan. Kheyre waxa uu Odayaasha si gaara uga dalbanayaa inay isgarabtaagan dowlada Federaalka, halka ay garab uga yihiin dhinacyada mucaaradka, waxa uuna cadeeyay in dadaalkooda uu yahay keliya mid la doonaayo in lagu saxo khaladaadka jira. Sidoo kale, Kheyre ayaa dhinacyadaasi u balanqaadaya inay saxayaan khaladaadka jira, balse waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dowlada Federaalka ay sharciga la tiigsan doonto shaqsiyaadka loo arko inay caqabad ku yihiin amniga iyo xasilooni ka dhalata dalka. Haddalka iyo kulamada uu wado Kheyre ayaa u muuqda mid ay dowlada Federaalka dawo ugu raadineyso khaladkii lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Cabdi Qeybdiid oo xasaanad leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Maxay yihiin ujeedka kulamada R/W Kheyre iyo siyaasiyiinta Hawiye? appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga — Thousands of Jidwaq people—one of the largest Somali clans in the Somali Regional State (SRS) of Ethiopia— have taken to the social media, with many calling for the removal of Somali-Ogaden regional President, Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley). In mid-December, Jidwaq community held an anti-Abdi Iley meeting in Minneapolis in which they stated on Facebook live video that they are “demanding justice”, without elaborating. Khadar Abdi, a local minister for Trade and Transportation among other officials are touring in the United States of America to put down Jidwaq uprising against Abdi Iley. Meanwhile, the local regional administration stage-managed a pro-Abdi Iley Jidwaq people meeting in the regional capital of Jigjiga, drastically escalating tensions between the local government and Jidwaq clan. The local government warned that their families back home would suffer severe consequences if cooperating with Oromo people continued and have already forced Jidwaq elders to defend President Abdi Iley against their sons in the diaspora on air. Jidwaq, also pronounced Jidwaaq, says that they are not cooperating with anyone against Abdi Iley and called on the Federal Government to intervene in. “We would pursue our interests in the region, like any other clan and nobody can stop us holding an event like this,” said one of the organizers. Abdi Iley administration waged a propaganda war against Jidwaq clan expats in the U.S by calling anti-Abdi Iley meeting organizers as ‘Magafayaal’, the name for insatiable traffickers, from whom there is no escaping. Abdi Iley’s mother hails from Jidwaq but his main concern is that Jidwaq remains the most Pro-Ethiopian clan in the country since TPLF took over the central government in 1991, therefore he can’t Persuade the Federal government by labelling his opponents as “Anti-Peace elements”. Somali region commentators say, Abdi Iley will likely ignite conflict between his clan and Jidwaq to gain their support.
-
HARGEISA—While the Khatumo Reconciliation Agreement Should be fulfilled to the letter, the incoming administration should be given time. The urging were made to Khatumo secession leader Prof Ali Khalif Galayd by Somaliland Member of Parliament Abdirahman Osman Ali popular known as Abdirahman Dheere during a tet ‘a’ tet with Geeska Afrika in Hargeisa The legislator who started by congratulating president Musa Behi upon his election win and subsequent ascension to office also went on to commend the system utilized in forming the administration which the legislator termed as satisfactory to all communities in the country. In apparent response to recent calls for the opening of constitutional Review made by Prof Ali Khalif Galayd, the head of the Khatumo secession movement operating in the east of Somaliland, the legislator said haste should be avoided. “While The Khatumo reconciliation accords that include constitutional Review were entered upon by the past government, President Musa Behi should be given time” said MP Abdirahman Dheere adding that the new administration has been in office for only 19 day’s. At the same time Prof Galayd was also appraised to the fact that while constitutional review was part of the accords signed it was not the only issue. Said he, “ Constitutional review is not specific to the Khatumo accord but to various aspects prevalent in the country today, said the legislator adding that president Behi is also faced by a myriad of other national priorities. Supporting the full compliance and implementation of the Khatumo accords that he termed as behind tranquility in east of Somaliland, MP Abdirahman Dheere also urged upon President Musa Behi commitment to see the agreement to fruition Prof Ali Khalif Galayd has in the recent past publicly spoken in the urgency of starting the constitutional Review process agreed upon in the Khatumo reconciliation accords. Horn
-
HARGEISA—Steps taken so far by the new president Musa Behi Abdi are very encouraging for Somaliland. This was stated by Former minister Omar Sheikh Mohamed Farah ‘Omar Yare’ during an interview with Geeska Afrika in which he also touched on other issues like administration cooperation with Opposition parties and the threats emanating from the Houthis a rebel outfit in Yemen. On the composition of the council of Ministers formed by president Musa Behi Abdi , the politician said that its leanness is a pointer to better things to come. “With such a lean administration hopes are high that a myriad of difficulties engulfing citizens especially inflation shall be handled properly” said Omar Yare adding that in comparison with past administrations this one ranks Supreme. Omar Yare served in the government of Former President Ahmed Mahmud Silanyo as minister of aviation, livestock development as well social services. Queried on his take as per the recent meeting between president Behi and Wadani party leader Abdirahman Irro who were main contenders for the presidency during the November elections, the legislator opinionated that once the electioneering process is over it is incumbent for winners and losers to join hands for the sake of the nation. Said he “The cooperation were are witnessing between President Behi and his arch office opponent is very encouraging and hopefully it shall go full term” On the threat of missile attacks directed to Somaliland by the Houthis of Yemen, the former minister said, “this is a serious issue that must not be taken lightly” stressing on the fact that the Houthis have the capacity to fulfill a missile attack on the country. The Houthis who are accused of firing missions at Riyadh the Saudi Arabia capital on two occasions, are reported to have issued the threat more specifically at the Somaliland coastal town of Berbera where this country’s main port is situated as well as proposed UAE military base is to be established. The Iran supported rebels currently in control of a large swath of Yemen including the capital Sanaa are angered by not only the planned presence of UAE forces in Somaliland but by this country’s support to Saudi Arabia which is leading a coalition fighting against it. Horn
-
Hargiesa——The alleged transfer of Somaliland airspace control and management to authorities in the Somalia capital Mogadishu by ICAO a UN body is a major injury to the sovereignty of Somaliland. Speaking to Geeska Afrika the Somaliland foreign Minister Dr Saad Ali Shire also revealed the submission of protest letter to the United Nations on the same subject a gist of whose content is that the move is not only untenable but detrimental to the general security of the Horn region. Below verbatim excerpts of the interview Geeska Afrika – during various secessions of the Somaliland Somalia talks arrangements were for joint airspace management, so how comes Somalia has been granted full control Per se? Dr Saad Ali Shire – it’s true that numerous agreements on joint airspace control between Somalia and Somaliland were entered upon in 2011 to lately early 2017. Therefore the alleged transfer of crate Blanche authority to Somalia by the UN does not only come as a shock but it is one that shall not be acceptable at any any cost. Q- The international Civil Aviation Authority-ICAO has been managing the Somaliland Somalia airspace for over two decades, so what changed to thence the UN body transfer authority to Somalia, and have you discussed this matter with friendly members of the international community? A- Yes protest letters have been submitted especially to the UN which is the ICAO parent body but whatever the outcome it worthy for all to be appraised to the fact that Somaliland is Master of its own air, land and waters therefore anyone’s aspirations to the contrary should take careful note, for our territorial integrity is sacred. Q- Can we surmise that lack of Somaliland’s intensional recognition as a sovereign nation is reason for the transfer of its airspace authority to Somalia? A- The entire world is aware of the history between Somaliland. And Somalia more so as two nations that voluntary United While sovereign entities. Subsequently just like in whatever union if partners are unsatisfied by arrangements they break the union, that’s what happened. For the 26 years Somaliland has been self governing strides made in various fronts be it democratically, economically, development or otherwise plus the 97% of votes for sovereignty are major pointers to the fact that we are two countries no matter what others want to portray So neither the IC nor others can force Somalilanders to be governed by others let alone Somalia. Q- If the UN remains adamant to its position of transferring airspace control to Somalia what shall steps shall Somaliland government take? A- If that happens appropriate steps shall be taken Hornnewspaper
-
Sii hayaha Taliyaha ciidanka booliska Puntland gaashaanle sare Cabdulaahi Shirre Doole, ayaa caawa magacaabay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Waxana xilkaan loo magacaabay G/dhexe Axmed Cismaan Cali. Sidoo kale, taliyaha ayaa magacaabay taliyaha laanta ilaalinta canshuuraha ee gobolka Mudug, waxaana loo magacaabay Farxaan Maxamed Cali. Halkaan hoose ka akhriso nuqulka wareegtada magacaabida. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay Hanaanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu u go’aamiyey eedeynta xeer ilaaliyaha ee loo gudbiyay guddiga. Xildhibaan Xasan Macalin oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in eedaasi ay aheyd mid waxba kama jiraan ah oo aan loo heyn xaqiiq lagu kalsoonaan karo. Xildhibaan Xasan ayaa tilmaamay in go’aankii shalay ee guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia uu dawo u ahaa sharciga, waxa uuna carab dhabay in baarlamaanka uu yahay mid sharci ku shaqeeya. Isagoo Xildhibaan Xasan ka hadlaayay go’aankaas ayaa waxa uu yiri ‘’Runtii go’aankaas waxaa uu ahaa mid lagu qotomiyay sharciyada baarlamaanka waayo waxaa uu leeyahay nidaam sharci’’ ‘’Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka laga soo bilaabo maalintii la keenay eeda ilaa iyo hadda waxay ka baaraan degayeen qaabkii ay u eegi lahaayeen oo ay u fiirin lahaayeen, guud ahaan waxaa loo arkaa eedaas inay iska aheyd eedeyn siyaasadeed oo sal iyo raad toona aan laheyn”. Waxa uu Xildhibaan Xasan sheegay inay ka fogaaden in awood iyo xabad lagu raadiyo xalka dalka, waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay ku raadinayaan Siyaasad. Xildhibaan Xasan Macallin ayaa mar kale yiri “Go’aanka guddiga joogtada waxaan filayaa in wadadii saxda aheyd uu lugta u saari doono, arimahaana meelihii ay lahaayeen waa siyaasadeed, siyaasad la aadi doono oo aysan jiri doonin wax la yiraahdo xabad xarig iyo xoog isku sheegasho inaysan jiri doonin ee la aadi doono jidkii siyaasadda” Waxa uu sheegay inaanu ka waaban doonin inuu ka hortago in shacabka uu matalo lagu hogaamiyo Siyaasado khaldan, waxa uuna cadeeyay inay ka hortagayaan wixii caqabad ay u arkaan oo aysan dareensaneyn dowlada. Waxa uu mar kale yiri Xildhibaan Xasan ‘’Anagu waxaan nahnahy siyaasiyiin, waxaan dadka u qaabilsanahay siyaadda dalka, oo waan ku matalnaa marka in nidaamkii aan naqaanay habdhaqankii siyaasadeed in lagu soo noqdo ayuu baarlamaanka ku guuleystay inuu meesheedii u soo celiso.” Sidoo kale, Xildhibaan Xasan waxa uu sheegay in khaladaadka dhacay ay kamid aheyd weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/Shakuur oo loo adeegsaday qori caaradiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi iyo wixii lamid ah. ‘’Talaabada ceynkaasi ah waxa ay muujineysaa inuu jiro fashil Hogaan Siyaasadeed oo u baahan in loo helo isbedel dhab ah’’ Waxa uu sidoo kale tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday Hooyga Senatar Cabdi Qeybdiid taa oo uu sheegay inay u baahan tahay baaritaan fog oo u baahan Asbuucyo. Dhinaca kale, waxa uu sheegay isagoo u waramaayay Idaacada GJ in xaaladda dalka ay ku socto mugdi badan iyo welwal badan ‘’waxaad moodaa mararka qaarkiis in siyaasaddii iyo hogaankii ayba ku adkaatay inay gacanta ku hayaan arimihii dalka”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xil. Xasan Macalin oo ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Siyaasada dalka (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad lagu soo oogay eedeysanayaal loo heysto Qaraxii 14-kii Bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Eedeysanayaasha maaanta dacwadooda la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, iyadoo mid ka mid ah shanta eedeysane uu ka maqnaa maxkamada, waxaana magacyadooda ay kala yihiin: 1-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay 2-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah 3-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud. 4-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud 5-Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana masuul ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha Degmada Wadajir. Dhageysi iyo dood kaddib Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’ isugu soo laaban doono Maalinta Khamiista oo ku beegan 4/1/2018. Qaraxa oo ay ka danbeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxuu geystay Qasaaro badan oo soo gaaray dad shacab ah. The post Sawirro: Sidee ayey u dhacday dacwadii loo heystay eedaysanayashii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors
