Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji. Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid. Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday. Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan. Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon. Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday. Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo. Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo aamminaad aad u weyn. Waan ka mahadcelinayaa. Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay. Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada shaqeyn. Xiriir dhowna ma aynaan lahayn. Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa. Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn. Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa. Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen intii aan xilka hayay. Guddoomiyayaasha labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si aan xilkeyga u guto. Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran. Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda, aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin. Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida, xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan. Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin. Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga ka mas’uulka ahaa. Waxaan xusuustaa markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin, in ay ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda. Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha. Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo ujeeddo yihiin. Taas oo ah in inta tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna uu ku nollaado. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada guuleeyo. Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka. Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya hayan oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirku dani tiri. Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay in dhiirri gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay. Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah. Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo aan ka gaabiyay. Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii xamatay ama ii cambaareysay. Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal jacayl igu garab istaagtay iyo dulqaadka iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale iyo midda amniba ay adag yihiin. Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan afar jeer ka beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka. Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda. Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka ciladda haysata Dowladnimada Soomaaliya. The post Qof Mareykanka joogo ayaa iisoo sheegay in xilka la iga qaaday, Yuusuf Garaad oo qormo xasaasi ah soo qoray appeared first on Caasimada Online.
  2. Wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isaga oo tilmaamay in isaga oo wax war ah ka hayn ama aan lasii ogeysiin xilkaasi laga qaaday. Qoraal uu Garaad soo dhigay bar uu ku leeyahay Internetka ayuu ku sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre uu xalay u diray isaga iyo wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda howl, taasi oo la doonayey in lasoo hor dhigo shirka golaha wasiirada ee Todobaadlaha ah. Waxa uu sheegay Garaad in xilka laga qaaday in shaqsi Maraykanka jooga soo wacay una sheegay in xilkii laga qaaday, islamarkaana xiriir uu la sameeyay wasiirka Warfaafinta loo xaqiijiyey run ahaanshiyaha warkaasi. “Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday, Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar ayaa u mahadceliyey madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii horeba xilkaan u magacaabay, waxaana sidoo kale uu u mahadceliyey cid walbo oo la shaqeysay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Yuusuf Garaad ayaa kula dardaarmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, si ay u cago dhigato siyaasadda dibadda ee dalka in wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda lagu fududaan in la bedalo. “Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda” Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirada Arrimaha dibadda, Gudaha iyo Warshadha iyo ganacsiga. Goobjoog News Source
  3. Boondheere waa mid ka mida degmooyinka ugu faca weyn eek u yaalla caasimadda waxayna ka koobantahay afar waaxood oo kala ah Yuusuf Al-kownwyn, Siinay, Daljirka Daahsoon iyo nasiib buundo. Waxaa ku yaalay safaaraddii Talyaaniga iyo Jarmalka oo markaasi kala ahaa bari iyo galbeed waana halka uu deganaa Kamaaludiin Saalax oo ahaa ergay ka socday qaramada midoobay una dhashay dalka Masar. Masaajidda ku yaallo boondheere waxay ka badanyihiin goobaha waxbarasho ee ku yaallo degmada waxayna gaarayaan 16 Masjid hal ka mida haatan mashaqeeyo waxaa uuna ahaa kii ugu horreeyay ee laga dhiso degmada waana Masjidka Afleershe. Iikar Miire Cabdulle reer Boondheere waxaa uu yiri “Masaajidka Afleyrshe waa Masjidka ugu horreeyay ee Boondheere dad noo dhisi lahaa hadaan heli laheyn in naloo dhiso ayaan jeclaan laheyn hadda waa baab’ahay” Wasaaradaha arrimaha gudaha warshadaha, boostada iyo isgaarsiinta, waxbarashada iyo mida caafimaadka oo loo aqoon jiray Isbitaal Raaf ayaa ahaa goobihii ay dadku u gali jireen safafka dhaadheer si ay u helaan adeeg dowladeed,hadaba side ayuu ku baxay magaca boondheere. Zeynab Yuusuf Wehliye Guddoomiyaha Degmada Boondheere ayaa tiri “ Waxaa igu maqaalo ah inuu ku baxay magacaan Boondheere waxaa joogi jiray nin dheer oo kabaha sameeyo marka ninkii ayaa loogu magic daray ayaa la yiri”. Degmada waxaa aay leedahay Iskuullo la yegleelay xiligii dowladdii dhexe oo ayna ku soo wax barteen dad badan oo reer boondheere ah waxayna ahaan jireen kuwo si bilaash ah wax looga baran jiray. Muriidi Cadow Cabdulle reer Boondheere “Waxaa ku yaalay degamada ilaa iyo todobo Iskuul waxaana ugu horreeyay Iskuulka Boondheere, Iskuulka Kacaanka, Iskuulka Sheekh Xasan Barsane, Iskuulka Yaasiin Cusmaan, Iskuulka Yuusuf Alkowneyn, Iskuulka wiil-waal iyo Iskuulka 12 October”. Degmada Boondheere xarumaha Taariikhiga ah oo ay leedahay waxaa ka mida Dal-jirka Daahsoon,Xaawo-Taako,Matxafka qaranka masaajidka Afleyre iyo kobo kale. Maxamed Cali Dhoore reer Boondheere “Waxaan u sheegaa inay taaladaan ay tahay taalo taariikhiya oo lagu xusayo dadka ciidamadii ahaan jiray ee aan la aqoonsan markii ay geeriyoodeen “. Boondheere waxaa ay leedahay hal-heysyo ay isticmaalaan dadka reer Boondheere una ah is afgarsho guud oo ay isku fahmaan . Maxamed Ciise Koonaa Source
  4. Iran ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u gudbisay dacwad taasi oo ay uga dacwooneyso Mareykanka inuu faro-gelin ku hayo arrimaheeda. Wakiilka Iran u fadhiya qaramada midoobay Gulaam Cali ayaa fariin u gudbiyey xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres,isaga oo u sheegay in maamulka Mareykanka uu wado isku dayo balaaran ee lagu faro galinayo arrimaha gudaha ee Iran. Arrinaani ayaa imaanaya xilli aqalka cad uu sheegay in cuna-qabateyn lagu soo rogay dadkii ku lugta lahaa dibad-baxyo ka dhacay Iran iyo in lacaburiyey dadkii dibad-baxyaasha ahaa. Wakiilka Iran u qaabilsan qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay korortay maamulka Mareykanka uu hogaaminayo Donad Trump faro-gelinta qaawan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Iran,isaga oo ku marmarsiyoonaya inuu taageero siinayo xukuumadda sidii look ala burin lahaa dibad-baxyaasha. Diba-baxyo ayaa waxaa ay ka dilaaceen maalmihii ugu dambeeyay magaalada ugu weyn Iran,iyaga oo dibad-baxyaasha ku fiday guud ahaan dalka. Source
  5. Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa xilalkii looga qaaday wasiirkii arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha Qadra Axmed Ducaale, sida uu warbaahinta u shaaciyay Wasiirka warfaafintaEng C/raxmaan Yariisow. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad. Wasiirada cusub ayaa lagu amray inay si dhaqso ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana la sheegay in faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono magacaabidda wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya. Puntlandi.com
  6. Xisbiga mucaaradka ee Turkiga ayaa madaxweynaha ugu baaqay inay baarlamanka baaraan hadal ay sheegtay mu’asaso diini ah, kaasi oo sheegaya inay suurto gal tahay in loo guuriyo gabdadha 9 sano jira iyaga oo lagu dabaqayo shareecada Islaamka. Arrintaani ayaa waxay dhalisay caro ka imaaneysay dhanka ururada haweenka waxayna ka wadaan baraha bulshada olole ka dhan hadalka ka soo baxay mu’asasad diiniga ah. Sharciga u yaallo Turkiga ayaa waxaa uu qorayaa in lagu guursan karo da’da 18 sano jir, sidoo kale sharciga ayaa u ogolaanayo in lagu guursan karo da’aada 16,17 haddii waalidiinta ay isku raacaan ay dhan maxkamadeed uu ka soo baxo amarka. Goobjoog News Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online )-War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM, ayaa waxaa lagu bayaaniyay weerar cirka ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliska ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in duqeyntaasi ay dhacday 2-dii January 2018, waxaana lagu sheegay in qasdiga weerarka uu hirgalay. Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday deegaan 50-KM u jira magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana sidoo kale lagu dilay 2 maleeshiyo oo aad loo doon doonaayay. Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in maleeshiyaadka la dilay ay saarnaayeen Gaari walxaha Qarxa ay saaran yihiin oo ku soo jeeday Muqdisho, kaasi oo isaguna la burburiyay. Waxaa kaloo lagu sheegay in diyaaradaha ay ka hortageen khatar ku soo wajahneyd shacabka Muqdisho, waxaana la burburiyay qalabka. Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo uu fuliyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo war cusub kasoo saaray tirada ay ku dileen Duqeyntii ugu danbeysay ee ka dhacday G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa sheegay in Raii’sul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre uu xilka qaadis ku sameeyay saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda, isla markaana lagu bedelay saddex wasiir oo kale. Wasiirrada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin; Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Yussuf Garad Cumar Axmed Wasiiraddii Ganacsiga iyo Warshadaha, Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Saciid Faarax (Juxa) Saddexda Wasiir ee lagu bedelay ayaa kala ah; Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo isbedel lagu sameeyay iyo Wasiiirro Xilalkoodii Waayay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Yuusuf Garaad Cumar, Qadra Axmed Ducaale iyo Cabdi Faarax Juxa ayaa waayay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog faahfaahsan oo ku saabsan cidda ka dambeysay in Cabdi Maxamed Sabriye loo magacaabo wasiirka Arrimaha Gudaha booskaas oo laga qaaday Yuusuf Garaad Cumar. Xildhibhaan Saciid Nuur Gariish oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn u taageersan dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah maxkaxdii ka dambeysay in xilkaan loo magacaabo Cabdi Maxamed Sabriye. Dadaal badan oo uu sameeyey Gariish ayuu ku guuleystay in xilkaan loo magacaabo ninkaan oo ay isku beel yihiin sidoo kalana ay qaraabo dhow yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog culus: Yaa ka dambeeyey in Cabdi Maxamed Sabriye loo magacaabo wasiirka Arrimaha Gudaha? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Ururuka Qareennada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qaadacay ganaax ay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir dul dhigtay ilaa 8 qareen. Qareenada ayaa sheegay in ganaaxaasi uu yahay mid ka hor imaanaya sharciyada, waxa ayna ku doodeen keliya in lagu eedeeyay iney diideen u doodista siyaasi C/raxmaan C/shakuur. Qareenada uu ku dhacay ganaaxa ayaa si faahfaahsan u sharaxay sharci ahaanshiyaha go’aankaasi, mudada loo sheegay iney u doodayaan Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur. Ururka Qareenada ayaa sidoo kale sheegay in maalin ka hor balanta Maxkamada uu qaadacay C/raxmaan C/shakuur inay ku matalaan dooda kiiska horyaal Maxkamada, taana ay ugu wacneyd inay ka hor imaadaan u doodista C/raxmaan. Sidoo kale, waxa ay Qareenada uu ganaaxa ku dhacay sababta diidmada dooda ku sheegen inay aad isugu dhaweyd xiliga loo magacaabay kiiska iyo xiliga la furaayay ay aad isugu dhawaayen. HOOS KA AKHRISO GO’AANKA UU SOO SAARAY URURKA The post Akhriso: Ururuka Qareennada oo qaadacay go’aanka ay Maxkamada Racfaanka ku ganaaxday tiro Qareeno ah appeared first on Caasimada Online.
  11. The Garissa University College terror attack case in which 147 students were killed will resume on January 21. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa idiin soo gudbineyso beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada xilka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay: Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah, Habargidir/Ceyr waxaa booskiisa lagu badalay: Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo u dhashay Beesha Habargidir/ Ceyr/ Habaraji Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Isaaq/Habar Jecle, waxaa lagu badalay Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye) oo u dhashay isla Isaaq/Habar Jecle. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Majeerteen, waxaa lagu badalay Danjire Axmed Ciise Cawad oo isna isla Majeerteen ah. Booska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa mar kale lagu soo celiyey Hawiye, gaar ahaan Habargidir. Dhanka kale Majeerteen ayaa loo weeciyey Wasaaradda Arrimaha Debadda, halka Booska seddexaad isla beesha Isaaq lagu celiyey. Arinta waxay imaaneysaa iyadoo wali ay banaanyihiin boosaskii ay baneeyeen labo kamid ahaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, oo kala ahaa wasiirkii gargaarka iyo wasiirkii diinta iyo Awqaafta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan Wasiirada la magacaabay iyo kuwa xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay go’aanka maxkamada Racfaanka Gobolka banaadir ay ku laashay warkii Maxkamada Gobolka banaadir ka soo baxay Bishii hore ee December. Maxkamada Racfaanka ayaa shalay sheegtay in CC Shakuur aanu ka bixikarin dalka, isla markaana Xeer ilaalinta la faray inay wado kiiskeeda baaritaanka ahaa oo ay ku heysay CC Shakuur. Go’aanada Maxkamada Racfaanka waxaa kamid ahaa inay waxkama jiraan kasoo qaaday hadalkii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh uu ku sheegay inuusan wax danbi ah leheyn Siyaasigan oo weerar lagu qaaday gurigiisa lagu soo qabtay. CC Shakuur ayaa diidmadiisa go’aanka Maxkamada Racfaanka u daliishaday qodobo dhowr ah oo uu sheegay inaanu qabin sharciga ay Maxkamada Racfaanka kusoo nooleysay kiiskiisa. Muuqaal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey Xeer illaaliyaha inuu ku xadgudbay xeerka iyo sharciga dalka isagoo sheegay in xarigiisii sharci darada ahaa uu keenay dilka shan kamid ah illaaladiisa. Hoos ka daawo qodobada uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku beeniyay go’aanka Xeer ilaalinta iyo Maxkamada: The post Daawo: Qodobada adkaa ee CC Shakuur uu u cuskaday diidmada Kiiska Maxkamada Racfaanka appeared first on Caasimada Online.
  14. The risk of dying from scheduled surgery in Africa is more than double the global average, researchers said on Wednesday, in a study shedding light on one of the continent’s biggest but poorly investigated healthcare problems. Source: Hiiraan Online
  15. In a surprise move, Ethiopia’s prime minister has announced the release of political prisoners and the closure of a notorious detention centre, allegedly used as a torture chamber. Hailemariam Desalegn told a press conference the move was designed to allow political dialogue. But it is unclear exactly who will be released – or when it will take place. Ethiopia, a staunch ally of the West, is accused by rights groups of using mass arrests to stifle opposition. Amnesty International welcomed Mr Hailemariam’s announcement, saying it could signal “the end of an era of bloody repression in Ethiopia” – although warned the closure of Maekelawi detention centre should not be used to “whitewash” the “horrifying” events which took place under its roof. Who are the political prisoners? Those held in jails across the country include opposition activists from the Amhara and Oromia regions, which were at the centre of anti-government protests in 2015 and 2016, as well as the Southern Nations and Nationalities Peoples Region, and journalists who have criticised the government, says BBC Ethiopia correspondent Emmanuel Igunza. The prisoners also include UK citizen Andargachew Tsege, who was seized in 2014 when changing planes in Yemen and forced to go to Ethiopia, where he had been sentenced to death in absentia for his political activities against the state. It is difficult to know exactly how many “political prisoners” there are, but our correspondent estimates there are about 1,000 held under the country’s anti-terrorism proclamation, including high profile leaders from the opposition. However, there are another 5,000 cases still pending, made up of those arrested after a state of emergency was declared in October 2016, he adds. Will they actually be released? The government has given no timeline on the release of the prisoners – including those still awaiting trial – or explained exactly who is considered “political” and who is not. Our reporter notes a number of cases have political backgrounds, but are also linked to groups the government considers to be terrorists. Nineteen people linked to Ginbot 7 – deemed a terror group – were sentenced to prison terms just this week. Whether they will all be released remains to be seen. Any dialogue would have to include legitimate opposition groups like the Oromo Federalist Congress, whose leaders would have to be freed to fully participate in the process, our correspondent says. What about the detention centre? As well as releasing the prisoners, Mr Hailemariam announced the closure of Maekelawi – a detention facility in the capital, Addis Ababa, which Amnesty International described as a “torture chamber used by the Ethiopian authorities to brutally interrogate anybody who dares to dissent, including peaceful protesters, journalists and opposition figures”. “A new chapter for human rights will only be possible if all allegations of torture and other ill-treatment are effectively investigated and those responsible brought to justice,” Amnesty International added. The government strongly denies the torture allegations, but it has now decided the prison will become a “modern museum” – a move the privately-owned Addis Standard newspaper called for in an editorial in 2016. A new detention centre will be opened, Mr Hailemariam said, which would comply with international standards. Why now? Our correspondent says the detention of political prisoners has always been a major concern. In December, social media users staged a day of action to remember those held behind bars. But this decision comes hot on the heels of a meeting between the parties which make up the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) coalition. Over the past months, infighting within the coalition, which has been in power for more than 25 years, has led the prime minister to acknowledge the need for change. The Oromo Peoples’ Democratic Organization and the Amhara National Democratic Movement, which are part of the coalition, have been pushing for increased political space and the “respect of their people” following the massive anti-government demonstrations that have been witnessed in the country. Who is Hailemariam Desalegn? A trained engineer, Mr Hailemariam took the reins of power in 2012, after the death of Meles Zenawi, who had ruled since 1991. However, while the former deputy prime minister was a close ally of Mr Meles, he struggled to gain approval of the other EPRDF leaders in order to assume his new role. He is not known for tolerating dissent well, despite statements to the contrary, his critics say. In 2016, he blamed “anti-peace forces” for the violence in the Oromia region, a year after he told the BBC that bloggers and reporters arrested were not real journalists and had terror links. Source: BBC The post Ethiopia to release political prisoners, says prime minister appeared first on Caasimada Online.
  16. Egypt has proposed excluding Sudan from contentious negotiations over the future of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), the largest hydroelectric dam project in Africa, according to an Ethiopian newspaper. Source: Hiiraan Online
  17. Aden Abdiraman Warsama, a Somali refugee who has been living at the Dadaab camp in Garissa County in northeastern Kenya since 2008, is optimistic about returning home. We met him on December 19 at the county airstrip with his wife and three children waiting to be flown to the port city of Kismayu under a voluntary repatriation programme. The media had accompanied the United Nations High Commissioner for Refugees, Filippo Grandi to the Dadaab refugee complex. Mr Warsama was among some 20 families and 80 individuals being airlifted to Somalia. Voluntary repatriation “I need my country,” he said of Somalia, which has suffered two decades of civil war that has brought the country to its knees. While Mr Warsama felt Somalia was stable enough for him to return, he still appealed to the international community to help the government to provide basic amenities such as security and shelter as well as a source of income. The voluntary repatriation programme was launched in December 2014 after the Kenyan government threatened to close the Dadaab camp that has been in existence for 26 years. Since then some 71,792 of 369,656 Somali refugees have returned to their homes. This year alone, 32,478 returned to their homes mainly in Kismayu, Mogadishu and Baidoa, that are considered safe. Another 4,949 non-Somalis have been relocated to Kakuma Refugee Camp in Turkana County that mainly houses South Sudanese refugees. The Kambioos camp in Dadaab that used to hold over 19,000 refugees has been closed. It was one of five camps that made up the Daadab refugee complex. The remaining are Dagahaley, Hagadera, Ifo and Ifo II. However, not all the remaining refugees are enthusiastic about returning home, citing insecurity, lack of infrastructure, health and educational facilities. Returnees About 400 Somalia refugees, who had signed up for voluntary repatriation have returned to Dadaab, posing a challenge to the UNHCR on how to help them because they had surrendered their refugee status and are not entitled to ratios. Particularly, those who were born in Kenya are not even considering the option of returning, because they have no links with Somalia. Among them is 23-year-old Ayan Abdullahi Osman who is now married with four children. Ms Osman, a housewife, stays with her family at Ifo 1 camp. “If the camp is closed, it is up to the UNHCR to transfer me to another country because I have no links with Somalia, and it is not safe,” she said. Sirat Mohammed, a 51-year-old mother of two from Afmadou, whose son Anas Hassan Abdullahi is disabled, rules out any possibility of returning to Somalia, and would rather the government and UNHCR relocate her to another camp. Equally Osman Noor Hussein, an 18-year old orphan, who sat for his Kenya Certificate of Primary Education national exams in November at Ali Hulheab Academy in Garissa Township, is instead looking for sponsorship to enable him join secondary school. He has been living with an aunt ever since his parents died in 2002. Donor support Those who opt to return receive counselling and briefing for two weeks to ascertain that their return is voluntary. “We also allow them to consult with family and relatives in case they want to change their minds,” said James Taban, the repatriation officer. Once cleared, the returnees receive a cash grant of $200 and a World Food Programme card lasting six months. The package also includes $25 per month for education for the same duration, while those with special needs receive additional $30. Mr Grandi expressed concerns over diminishing donor support saying that it is difficult to mobilise resources despite the continent hosting many refugees. He said the UNHCR has asked for support for 40,000 new settlements but only resources for 13,000 settlements are available. “We appeal to the international community not to give up on Dadaab. We have also held discussions with the Kenyan government to help rehabilitate the infrastructure which is shared with the local community,” he said. Source: – Theeastafrican The post Somali returnees worry about amenities appeared first on Caasimada Online.
  18. Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu shaqada ka ceyriyay wasiirrada kala ah : Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga calamiga Yusuf Garaad,, Wasiirka warshadaha iyo ganacsig Khadra Axmed Ducaale, iyo wasiirka arrimaha gudaha federalism-ka Cabdi Farah Saciid“Juxa Wasiirrada cusub ee booskooda la magacaabay waxaa ay kala yihiin: Wasiirka cusub ee arrim aga dibadda Amb Axmed Isse Awad, , wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Mohamed Cabdi Hayir Mareye, iyo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Mohamed Sabriye Source
  19. Somali government officials say al-Shabab militants have executed five men accused of spying for the Somali government, Kenyan and Ethiopian forces. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah: Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah; Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah; Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah; Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS; Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta; Waxuu magacaabay: Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018. Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018. Qodobka 2aad; Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018. Qodobka 2aad; Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda Qodobka 3aad; Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya; Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DEG DEG: RW Kheyre oo xilka ka xayuubiyay Wasiiro & kuwo kale oo la magacaabay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  21. Attorneys for three men accused of plotting to bomb a mosque and apartment complex housing Somali refugees urged a federal judge on Wednesday to include prospective jurors from rural western Kansas because they are more likely to have voted for President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  22. Ulrich Wegener, the police commando who led the 1977 West German raid that rescued 90 people from a Lufthansa jetliner that four militants had hijacked and flown to Somalia, died on Dec. 28 in Cologne. He was 88. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Bandhigga wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin si dhaw ula socday hannaanka Maaliyadda dalka. Masuuliyiintaas ayaa ka aragti dhiibtay habka loo maareeyey maaliyadeed Soomaaliya sanadkii tagay, caqabadaha ku xeeran iyo sababaha dib u soo nooleeyey ee sida weyn ay u amaaneen beesha caalmka. Khubarada iyo Masuuliyiinta ku xeel dheer dhaqaalaha Soomaaliya ayaa tilmaamay labo sababood oo horseeday guulaha maaliyadeed ee la gaaray sanadkii 2017kii kuwaas oo kala ah: 1- In Madaxda Qaranka ay dadaal dheer ku bixiyeen hir gelinta miisaaniyad hufan oo dhammaystiran iyagoona u madax baneeyey maamulka iyo maareynta dhaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda taas oo meesha ka saartay lacago si khaldan loo maareyn jiray. 2- Wasaaradda Maaliyadda oo warbixino joogta ah u soo gudbin jirtay laamaha iyo hay’adaha ay shaqo wadaagta yihiin sida Baarlamaanka DFS, Bangiga dhexe, Hay’adda Lacagaha Aduunka IMF iyo Bangiga Adduunka. Arrinkan oo dar-dar geliyey xallinta caqabado badan oo horay u wiiqay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya sidoo kalena ka hor tag u noqday musuq maasuq baahsan oo ka dhex jiray. Guulaha sida weyn loo tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah, in tan iyo bishii 2aad ee sanadkii tagay ay ku guuleysatay dowladdu bixinta Mushaharaadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Rayidka ah, waana markii ugu horreysay tan iyo bur burkii dowladda dhexe sida ay xaqiijiyeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Rayidka ah Xasan Abshir Maxamed. Sidoo kale, masuuliyiin badan ayaa ku ammaanay Wasaaradda Maaliyadda xiriirka wanaagsan iyo wada shaqeynta dhow ee ay la yeelatay dolwad Goboleedyada dalka taas oo horseeday in dhidibada loo taago hannaan Maaliyadeed oo ka tarjumaya baahida iyo awoodda dhaqaale ee dalka. Dhawaan ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Hay’ada Lacagta IMF ay ku bogaadiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya habka ay u maareyso lacagaha dalka iyo sida loo jaangooyey miisaniyadda sanadkii tagay iyo miisaaniyadda cusub ee 2018ka. Hay’adda Lacagta Aduunka waxay xaqiijisay in hannaanka maareynta maaliyadda ee Soomaaliya uu haatan cagta saaray wadada saxa ah arrinkas oo suurta gelinaaya in daymaha laga dhaafo Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii looga cafin lahaa dalka Daymihii horey loogu lahaa oo gaaraya 6 Bilyan oo doolar, arrinkas oo caqabad weyn ku noqday horumarka kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyadoona Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay marar badan ku cel celiyeen in aysan wax deyn ah galin doonin dalka inta ay xilka hayaan. Deynta ugu badan ayaa lagu yeeshay Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadkii 2013 ilaa 2016 kii oo wixii ka horreeyey sanadkii 2013kii waxa ay ahayd deynta lagu leeyahay Soomaaliya Labo Bilya oo doolar taas oo ka dhigan in ay labo labmatay deynta lagu leeyahay dalka muddaas kooban gudaheed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Soomaaliya hannaan maaliyadeed oo la ammaanay sanadkii 2017, maxaa sabab u noqday? appeared first on Caasimada Online.
  24. The initiative by Islamic Relief Malaysia (IRM) to build wells in Somalia is not only aimed at supplying water to the locals but also for farming and development in the strife-torn country. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay sii deyneyso dhammaan Maxaabiista Siyaasiyiinta ah ee u xiran arrimaha Siyaasadeed. Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay dib uga fiirsaneyso go’aankii lagu xiray Siyaasiyiinta. Waxaa lagu sheegay qoraalka in deysmada Siyaasiyiinta ay tahay mid lagu hormarinaayo dib u heshiisiinta qaran, waxaana kamid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda dhulka Soomaalida. Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Siyaasiyiintaasi laga ridi doono xukuno ku dhacay qaarkood, waxaana la cafin doonaa dhammaantooda. Sidoo kale, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in siyaasiyiinta hadda dacwada ku socoto iyo kuwii horey loo xukumay kiisaska la tirtiri doono ama la cafin doono, sida ay wakaaladda wararka AFP kasoo xigatay. Siyaasiyiinta uu cafiska deysmo ku dhici doono ayaa waxaa ku jira kuwo Soomaali ah oo kasoo horjeeda dowlada Ethiopia iyo maamulka Jigjiga. Dhinaca kale, Hailemariam Desalegn ayaa go’aankaas qaatay xili uu kulan la qaadanaayay hoggaamiyeyaasha kale ee xisbiga talada dalka haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xabsiyada Ethiopia oo laga sii deynaayo Siyaasiyiinta Mucaaradka & Soomaali la sheegay inay ku jiraan appeared first on Caasimada Online.