-
Content Count
211,092 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Munaasabad ballaaran oo haatan ka socota Xarunta guddiga doorashada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa looga dhawaaqayaa natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee la qabtay 13 bishaan. The post Toos u daawo:, Guddiga doorashada Somaliland oo haatan shaaciyanaya Natiijada Rasmiga ah. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa haatan Muqdisho ku sugan Amanda Roach oo ah qunsul ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Hadaba, Axmedweli Xuseen oo ah tifaftiaha Radio Goobjoog oo wareysi gaar ah la yeeshay ayaa waxaa uu ka weydiiyay ujeedka safarkeeda iyo arrimaha lottery-ga. Goobjoog News: Ujeedka safarkaaga muqdisho maxuu ku saleysan yahay? Amanda Roach: Hagaag, waxaan ka shaqeeyaa qeybta soo galootiga ee safaaradda dalka Mareykanka ee saldhiggeedu yahay magaalada Nairobi halkaan Muqdishana waxaan wada joognaa asxaabteyda kuwaasoo ka shaqeeya qeybta siisa adeegyada muwaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka sababtoo ah hadda kuma lihin qunsuliyadda adeegyada bixisa Muqdisho xataa kuweena Kenya jooga waxay mas’uul ka yihiin adeegyada looga baahan yahay Soomaaliya, marka safarka aan halkaan ku joogno waa mid aan kula kulmeyno Soomaalida oo aan kula hadleyno kuwa ku jira dowladda iyo sidoo kale ganacsiga si aan wax badan uga baranno deegaanka iyo sida aan uga caawin karno Soomaalida iyo Ameerikaanka adeegyada kala geddisan ee aan bixinno. Goobjoog News: Bal waxaad dadka Kuxiran Goobjoog u sheegtaa Fiisahan nasiibka ku salaeysan ee aad caalamka oo dhan aad ugu talagayeen macnahiisu waa maxay iyo ujeedka aad ka leedihiin? Amanda Roach: Dal ku-galkan sanadkiiba mar la codsado waxaa la billaabay 1995tii, waxaana billaabay golaha sharci dejinta dalka Mareykanka waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu dhiirigelyo socdaalka waddamada aan taariikh ahaan dadkoodu ku badneyn dalka Mareykanka tanina waxaa cabbir looga dhigay haddii dal ay soogalootigiisu ka yaryihiin 50 kun 5tii sano ee la soo dhaafay marka barnaamijkaan wuxuu u furan yahay dhammaan waddamada marka laga reebo waddamada socotadoodu badan tahay, dhinaca Africa oo ay Soomaaliya ku jirto marka laga reebo Nigeria, halkaan xilligii codsiyada la soo gudbinayey waa furan yihiin waxayna xirmeysaa 22ka bishan November oo ah arbacada 8:00pm saacadda bariga Africa marka qof kasta waa soo codsan karaa, waxaana jirta laba ha boo fudud oo aad kusoo codsan karto, mid wuxuu yahay inad soo dhameysay waxbarasho u dhiganta dugsi sare midda kalena waxay tahay haddii aadan intaas sameyn karin inaad shanti sano ee la soo dhaafay ku guda jirtay laba sano oo aad shaqo aad ugu taqasustay shaqooyinkaas taqasuskooda la rabo waxaa tusaale ahaan ka mid ah macallinimo, kalkaalisanimo ama dhaqtarnimo, haddii aad rabto inaad ogaato shaqata ay tahay inaad ku taqasusto waxaad booqan karta pagekeena. Goobjoog News: Soomaali badan ayaa sanadkasta codsata haddana waxaan aragnaa tiro yar oo Soomaali ah oo hesha fiisahan waxaa maxay Sirta ka dambeeysa arrintan? Amanda Roach: Sida aan horey u sheegayba wuxuu u furan yahay waddamada soogalootigoodu yaryahay ee yimaada dalka Mareykanka xulashadana, waxaa si aan kala sooc lahayn u sameeya computer marka computerkaas ayaa go’aan ka gaara codsadeyaasha la aqbalay dad badan ayaana soo codsada, sanadkii tagey oo kaliya in ka badan 40 million oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa soo codsaday waxaana kuu sheegayaa in usbuuc kasta xaafiisyada Nairobi inaan wareysiyo ka qaado Soomaali doonaya dal ku galkan, waxaa in la isxasuusiyo in codsiga qaabka Onlineka ah loo soo gudbinayo inuu bilaash yahay waxaana soo gudbin kartaa oo kaliya hal codsi marka adiga caqabad ha isku noqon haddii aad soo gudbiso in ka badan hal codsi kuma guuleysan doontid mana lagu xulan doono. Goobjoog News: Waxaad ii sheegtay in Kumbiyuutarku uu ka la xulo dadka soo Codsada fiisahan siduu u xulaa habkeese maraa si dadka loo baahan yahay uu u doorto? Amanda Roach: Hagaag, dadka ka imaanaya waddamo gaar ah ayaa loo ogolyahay inay codsadaan marka haddii aad codsato oo aad doorato tusaale ahaan Nigeria kuuma ogolaanayo computerka inaad u gudbiso codsigaaga sababtoo ah dadka Nigeria u dhashay looma ogola inay hadda codsadaan Haa waa qodob wanaagsan, kuma lihin safaarad aan wareysiyada dal ku galka ah ku qaadno hadda Soomaaliya marka sababtaas darteed codsadeyaasha ku nool Soomaaliya waa inay aadaan safaarad kale oo aan ku leenahay gobolka si loogu wareysto tusaale ahaan anigu waxaan ka imid safaaradda Nairobi halkaas ayaan Soomaalida ku wareysannaa sidoo kale Adisababa iyo Jabuuti marka kaasi waa hal sheey oo nagu adag sababtoo ah waa inaad halkaas tagtaa adigoo qarashka iska bixinaya waxa kale ee loo baahanyahayna waa inuu qofku haystaa wax u dhigma dugsi sare ama diploma laakiin nasiib darro safaarad ahaan waa inu adag tahay inaan xaqiijinno dukumiintiyada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya marka iyadoo taasi jirto waxaan dadka weydiinaa inay noo keenaan waaya-aragnimo kale oo dhanka waxbarashada ah oo laga yaabo inay ka haystaan waddan kale laga yaabee haddii ay rabaan inay ka bilaabaan jaamacad dal kale sida Kenya ama Uganda ama haddii ay u shaqeeyeen urur ee kaabi kara waaya aragnimadooda. Goobjoog News: Kumanaan Soomaali ah ayaa sanadkasta saf u gala in ay helaan Fiisahan dalalka colaaduhu ay ka taaganyihiin sida Soomaaliya oo kale mala siiya ahmiyadda Si dad badan looga qaado? Amanda Roach: Dalku galkan gaarka ah waddamada waxaa la siiyaa kala-mudnaan, kuwa ka yimaada waddamada colaaddu ka jirto ama kuwa aadka u xasilan computerka ayaa xulashada leh marka computerkana ma kala ogaan karo laakiin dabcan xaaladdaasi waxaa jira doorasho kale oo lagu tago Mareykanka iyadoo loo marayo nidaam qaxootinnimo laakiin dal-ku-galkan ma jirto kala muhiimadsiin lagu sameynayo waddamada. Goobjoog News: Fiisaha mareykanka marka lamaqlo durbaba waxaa la soo xasuusta Madaxweyne Trump oo dhowaan Sheegay in la hakinayo fiisahan makula tahay in warka madaxweynihiinu uu arrintan saameyn weyn ku yeelan karo oo ay tahay in aan codsigiisaba Soomaalidu isku daalin? Amanda Roach: Hadda ma jirto wax isbedel ah oo lagu sameeyey barnaamijka wali 50kun oo dal ku galka nuucan ah ayaa la bixiyaa sanadkii oo adduunka oo dhan ah walina codsiyada waan qaabileynaa illaa bishan November 22keeda 8:00pm saacadda bariga Africa marka ma jirto hadda wax la joojiyey ama la bedelay hawshuna waa socotaa barnaamijkuna wuxuu billawday 1995tii illaa intaasna waxaa jiray dad su’aalosu’aalo naga weydiinaya barnaamijkan laakiin mar kale waxaa billaabay golaha sharci dejinta ee dalka Mareykanka tillaabooyinka lagu joojinayana waa inay iyaga ka yimaadaan. Goobjoog News: Dad ayaa lacag ka sameeya oo dadka u codsada fiisahan waxaad ii sheegtay in arrintan in aad ka hadasho aad rabto walaaciinu maxuu yahay? Amanda Roach: Waxaan ku guubaanineynaa qof kasta in uu isagu fiisaha codsado oo uusan cid kale u wakiilan, maxaa yeelay waa lacag la’aan sidaa darteed ma ahan in aad cid lacag ku siisid in uu kuu codsado Fiisadan, waxaan ku dhiiragalinayaa dadka in aysan cidna lacag kusiin, maxaa yeelay kuwa lacagta ku qaadanaya waa ay ogyihiin in waxani yihiin lacag la’aan Goobjoog News: Maxaa tallooyin ah oo aad u heysaa Dadka sanad kasta codsada Fiisahan? Amanda Roach: Waxaan kula talinayaa qofkasta oo codsada in uu hubiyo in isagu uusan isreebin oo aysan soo qorin wax qalad ah xiliga ay codsanayaan Tusaale ahaan waxaa lagaa rabaa in aa dhal codsi soo diratid , hadda laba jeer aad soo codsato Vissa ha isla markiiba Kumbiyuutarka ayaa ku reebaya oo ku dhahaya uma qalantid in aad fiisadan Codsato. Wadada kale oo aad ku hari karto waxa waaye in aadan qorin dhammaan qoyskaaga, tusaale haddii aad xaas leedahay waa in aad qorataa, haddii aad ilmo leedahay waa in aad ku dartaa magacyadooda liiska codsiga haddii aysan reer lahayn da’doodana ay ka yartahay 21 sano. Waxaan aragnaa dad marka ay wareysiga u yimaadan Safaaradda aysan u qorneyn xaaskooda iyo carruurtii midna, taas oo keenta in ay ku dhacaan wareysiga sidaa darteed waa in aad marka hore ubisaa in waxkasta oo arrimahaas la xiriira ay kuu diiwan gashanyihiin si aadan wareysgia ugu dhicin. Goobjoognews Source
-
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in 2 Milyan oo doolar ay ugu deeqday hay’adda UNICEF si loogu caawiyo caruurta Soomaaaliyeed ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka. Qin Jian oo ah danjireaha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi ay UNICEF gacan ka siin doonto iney adeeg gaarsiiso 15,000 oo caruur ah kuwaasi ay hayso nafaqo darro aad u baahsan. “Annaga oo usii marineyna UNICEF, waxaan rajeeneynaa in dada ay dhibaatadu saameysay gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fogfog aan gaarsiinno adeegyo naf badbaadin ah” ayuu yiri Mr. Jian. Sidoo kale Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa naga go’an in aan taageerno howsha gargaarka bini’aadannimada ee ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya, waxaana ku faraxsannahay in aan UNICEF kala shaqeynno hubinta in la daboolo baahida kooxaha ugu nugul bulshada” Ugu Dambeyn, Qin Jian ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay iyo dadkeeda ay kaalin weyn ka qaadandoonaan badbaadinta nolosha caruurta. Goobjoog News Source
-
Guddiga doorashada Somaliland ayaa go’aamiyey in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo Galabta 3:00PM oo haatan wakhti kooban ka dhimanyahay,sida uu PUNTLAND POST u sheegay mas’uul ku sugan xarunta guddiga. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay shaaciyaan cidda guushu ku raacday doorashadii 13 bishaan laga qabtay guud ahaan Somaliland. Xisbiga Waddani ayaa maalintii shalay qaaddacay natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxayna sheegeen in ku shubasho la sameeyey,inkastoo guddiga doorashada Somaliland beeniyey eedaymtaasi. Ilaa iyo haatan lama oga in dhammaan saddexda musharrax imaanayan xarunta looga dhawaaqayo natiijada. Faahfaahin goor dhow filo:Puntlandpost.net The post War deg deg ah: Natiijada rasmiga ah ee Doorashada Somaliland. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaanka Maroodille oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxa ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi kulaa saldhig in ay ku qaadeen Weerar ka dibna ay degaanka qabsadeen. Waxa ay sheegeen Al-Shabaab markii ay soo galeen degaankaasi in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u baxeen dhanka Magaalada Baledweyne. Deegaanka Maroodille oo dhaca galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa halkaasi waxaa isbaaro u taalay ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa Shabaab waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Maroodille, kadib markii halkaasi ay isaga carareen ciidamadii dowladda. Ciidankii dowladda ee deegaankaasi isaga cararay ayaa gaaray Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse ciidamada Al Shabaab ayaa hadda maamulaya gacan ku haynta deegaanka Maroodile ee Gobolka Hiiraan. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamullka gobolka Hiiraan oo ku aadan hadalka Al-Shabaab ay baahiyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka KarkaarDigreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland. Guddoomiyaha gobolka Karkaar ayaa looo magacaabay Cabdulaahi Maxamed Barre (Caato), iyadoo degreetada lagu magacaabay ay ahayd xeer Madaxweyne oo nambarkeedu yahay Lr.142 ee November 20, 2017. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Karkaar ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Barre (Caato) ayaa xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Puntland, sidoo kale waxa ahaan jiray Sarkaal ciidamada xooga Soomaaliyeed, wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ka shaqeynayay Hay’adda calamiga ah. Hoos ka akhriso Digreetada PUNTLAND POST The post Cabdulaahi Maxamed Barre oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Maanta waxaa Soomaaliya laga xusayaa maalinta macalinta, waxaa ay xaflado ka socdaan Xalane iyo meelo kale oo Muqdisho ah. Hadaba, Goobjoog News ayaa arrinta macalinta kala hadashay Macalin Maxamed Calasow oo ka tirsan macalimiinta Mujamac Umul-Quraa. Goobjoog News: Macalin manta 21ka November ah maxay kaaga dhigantahay? Macalin Maxamed Calasow: Runtii waa maalin aad iyo aad u weyn oo dhammaan macalimiinta adduunka gaar ahaan macalimiinta Soomaaliyeed ay wada sugayaan, waa maalin aad u qiimo badan, waa maalin loo asteeyay in macalinka lagu xasuusto qadarinta iyo sharafta uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda owgeed. Macalinka waa ninka horseeda haday umadi horumar gaareyso horumarkaasi waxaa asaas u ah macalinka dhinac walba oo uu ka yimaado haddii umadda macalinka ka dhimato oo daryeelkiisa ka dhimato umaddaasi waay dib dhacday umad haddii larabo inay horumarto waa in macalinkeeda la qiimeeyaa oo la qadariyaa. Goobjoog News: Ixtiraamka aad ka heshaan bulshada intee ayuu la egyahay? Macalin Maxamed Calasow: Runtii macalinka aad iyo aad ayey bulshooyinka u qiimeeyaan, waxyaabaha ugu qiimaha badan waxaa ka mida macalinka sidiisaba xoolo matabco waxaa uu tabcaa waa dad, dadku uu tacbo maanta marka aad muddo soo joogtid markaad muddo soo shaqeysid waxaad arkeysaa mee kastoo ka mida meelaha hay’adaha ah waxaad ugu tageysaa arday aad adigu soo saartay ama dhaqtaraa ugu tageysaa ama asigoo injineera ama asoo siyaasiya ayaad ugu tageysaa asigoo xaafiisyadii kala duwanaa ee dowladda kala hagayo ayaa ugu tageysaa oo laguu saro kacaayo oo aad laguu qiimeynaayo taasi ayaaba waxwalba ka weyn. Waxaa taas la eg inta aad adduunka ku heshay in ka bandanna aakhiro ayaad ku helee, maxaa yeelay dad ayaad toosisay toosinta aad aradeyga toosisid oo arday fiican aad soo saartid oo tarabiyo iyo akhlaaq leh sida ay wasaaraddu leedahay waxaad dareemeysaa qadarinta iyo xushmada laguu hayo adoo jidka iska socda ayaa hadii laguu joojiyo ayaa lagu leeyahay macalin soo- raac. Goobjoog News: Farqi ma u dhaxeeyaa xilligii dowladdii hore iyo xilliga maanta marka laga fiiriyo weyneynta macalinka? Macalin Maxamed Calasow: Farqi aad iyo aad u weyn ayaa u dhaxeeya markaan soo qaadano dowladdii dhexe oo dalka ka talineysay mudada dhowr iyo labaatanka sano ah macalinka waxaa uu lahaa qiimeyn aad iyo aad u weyn, macalinka waxaa uu lahaa naadi macalimiinta ay leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa maktabad ay macalimiinta leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa marka laga soo tago mushaarkiisa waxaa uu lahaa habeen dhax haddii gobol loo badalo waxaa uu lahaa ogaashaha gobolkaasi macalinka waxaa uu lahaa caafimaadkiisa ayaa la ogaa caruurtiisa ayaa la ogaa waxaa la ogaa waxbadan oo noloshiisa la xiriira. Balse maanta macalinkii isaga ayaa wax walba isku ah awood dowladeed oo hadda macalinka daryeelkiisa u soo jeeda ma jirto macalinka xitaa waxaa jirtay shalay hadduu howlgab noqdo mushaarkiisa qeyb ka mida ayuu qaadanaayey,lkin maanta maalinta uu howlgab noqdo markaasi ayaa ugu dambeysa cid sheegta. Goobjoog News : Manhajka waxbarashada maku jirtaa oo mala baraa ardeyda sharafka macalinka iyo qiimeyntiisa? Macalin Maxamed Calasow: Taasi waa asaas in macalinka la sharfo, qofka weyn la sharfo waxay ka mid tahay tarabiyada asaaska ah ee ardeyda la siiyo ardeyga haduusan sharfin macalinkiisa waalidkiisana masharfaayo taasina waxay ka muuqaneysaa ilmaha macalinkooda jidka uga horyimaado ama meel ay joogaan ugu yimaado way sare kacayaan way soo dhaweynayaan waa qadarinayaan arrintaasi waa arrin aad iyo aad u weyn manhajkana way ku jirtaa waa ka mid. Ardeyda waxaan u sheegnaa inuu waalidka yahay barbaariyaha jirka macalinkana uu yahay barbaariyaha maskaxda labadoodana aysan kala maarmin taasna ayaa keeneysa xushmeynta ay macalinka u hayaan . Goobjoog News : Ardeyda Soomaaliyeed maadaama la joogo maalinta macalinka maxay uga qeybqaadanayaan? Macalin Maxamed Calasow: Waxaan ognahay maalinta macalimintaba In ardeyda iyo macalimintaba ay si weyn agtooda qadarin uga mudantahay iskuul walba oo ka jira dalka waxay sameynayaan maanta waxay qabanayaan xaflado aad u waaweyn oo macalinka qiimahiisa iyo qadarintiisa ay ku soo bandhigayaan qaarkood waxay diyaarinayaan waxyaabo ay macalimiinta siinayaan sida shahaado sharaf. Goobjoog News Source
-
C/raxmaan C/shakuur oo ka walaacsan mustaqbalkiisa kadib markii imaaraadku ka jareen lacag ay siin jireen. Ina C/shakuur Warsame ayey dadka Soomaaliyeed barteen isaga oo taageero u ah isbaheysigii la oran jiray dib-u-xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea, Xilligaas waxa fursadda uu ku helay markii Banaanbaxyo ka abaabulay London. Cabdi-Shakuur ayaa markii ugu horrreysay kasoo dhexmuuqday Golihii wasiirrada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid Xilligii dowladdii KMG ee Shariif Sh Axmed Madaxweynaha ka ahaa markaas oo uu noqday wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga. Maqaalkan kuma saabsan sooyaalka siyaasigaasi fashilmay laakin waxa uu si kooban u dul istaagi doonaa waayahiisa waqtiga dhow. Muddo kooban oo uu xilka wasiirnimo hayey mudane Cabdi-Shakuur waxa uu galay khiyaanooyin qaran kadib markii isaga iyo ra’iisul wasaarihiisii ay iska kaashadeen bixinta hanta-qaran oo maguurto ah. 100,000 KM oo labo jibaaran oo ka mid ah badda Soomaaliya ayuu C/raxman C/shakuur hormuud u ahaa in Kenya loo gacan galiyo taas oo soo afjartay in markale uu nidaamka Dowlanimada kasoo dhexmuuqdo ilaa iyo hadda. labo mar ayuu isu soo sharaxay Xilka Madaxweyne ee dalka waxa uuna la kulmay waji-gabax iyada oo ay u caddaatay in uusan heysan fursad uu dalka hoggaankiisa uga qeybgali karo laakiin waxa uu istusay in ay u furan tahay in uu ku sii shaqaysto dulaalnimadii uu miiska kusoo koray. Gacan haatintii Imaaraadka. C/raxmaan ayaa ka mid noqday xubno Danley ah oo u madax raariciyey Abu Dhabi oo dooneysay cid u fulisa dano gaar ah oo ay wadanka ka lahayd, Maalgellintii ugu horeysay ayey Cabdi iyo Saaxiibadiis u samaysay doorashadii 2017 dalka ka dhacday laakiin natiijadu kama farxin. Intaas kadib waxaa soo shaac baxay khilaafkii dowladaha gacanka, taas oo sababtay in Soomaaliya iyo isu-tagga imaaraadka carabtu ku kala aragti duwanaadaan qaabka ay wax usocdeen, Amiirka iyo xertiisa ayaa intaas kadib bilaabay in ay dib usoo nooleeyaan xiriirkii ay la lahaayeen Koox danley ah. Wasiirkii hore ee qorsheynta ayay imaaraadku siiyeen lacag dhan $500,000 (shan boqol oo kun oo doolar) ama haddii aan si kale aan u dhigo ‘Nus milyuun’ si uu u qabto xaflado, shirar iyo dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo, C/raxmaan ayaana Muqdisho ka sameeyey isu imaatinno aan wax saameyn ah yeelan. Haddii aad aqrisay maqaalkii kan ka horeeyey ee aan idinla wadaagay waxaan ciwaan uga dhigay “Safarka Imaaraadka: Socdaalkii dhimashada Danleyda” warkaas ayaana soo baxay markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay Abu Dhabi. Imaaraadka ayaa Labo maalin kahor Danleey uu horey ugu soo shaqeysatay oo uu C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay waxa uu si toos ah ugu wargaliyey in uu joojiyey xiriirkii kala dhexeeyey. Arrintaas ayaa calwisay xaalka Oday Cabdi-Shakuur oo sandareertii horana ku bixiyey qaab uu saluug uga jiray, waxaa intaas uga sii daran in afar maalin kahor uu mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho u shubay qarashkii gacantiisa uga haray dakhligii damiir-iibsiga ahaa ee Imaaraatka si koox danleey ah loogu casuumo. Walaaca ku saabsan Mustaqbalkiisa. Adeegahan Xoogga furan waxaa ku adkaatay in uu kusoo laabto siyaasadda dalka, si walba ayuu ugu xusulduubtay malabsiga boolida qaranka oo xittaa Madaxweyne ayuu isu sharaxay, howl uu UN-ka u hayay waa uu Awoodi waayey in uu sii wado, mashruucii ugu dambeeyey farihiisa wuu ka baxay, dhaqaale kama keydsan sandareertii, sidaas darteed waxa uu taaganyahay talo-xumoy I taagdarreysay. Dhaqankii Adeegaha ee dullaalnimada inuu wiiqo rajada umadda waxaa ‘Riyo-maalmeed’ u bedelay siyaasadda dhaxalgalka ah ee mudanayaasha shukaanta u heysa talada wadanka ee Farmaajo iyo Kheyre. Adeege Cabdi oo u cimaamatay caadeysiga kicinta bulshada ayaa walaaciisa laga dheehan karaa bogga uu barta Faceboo ku leeyahay ee uu ku soo qoro hadallo xanaf leh oo ujeedkoodu yahay in dib loogu noqdo dagaalladii Umulo-dooxa ahaa. Maxaa la Gudboon?!!!! Qoraa ahaan marka aan jalleeco dhaqanka Cabdi-Shakuur iyo saaxiibadii waxaa igu soo dhacda xikmadda leh –‘Nin Dharbaaxo Quureed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye!!!” Adeege idmane waxa uu hadda marayaa xaalad hubaal la’aan halbeegga aayihiisa ah, bacdamaa waagu ku baryay isagoo dheygagsan ayuu ku sugan yahay labo-daraale:- 1.Waa inuu ku sii jiro xaaladda ‘Ha dhiman hana noolaan ah’ ee u adeegidda danaha shaqsiga iyadoo la duudsanayo xaqa umadda. Iyo inuu ka ruqseysto masraxa siyaasadda ee hogaaminta bulshada taasi bedelkeedana uu ku koobnaado inuu si xalaal-quudasho ah u dhacsado nolol-maalmeedka qoyskiisa. W/Q: Mohamed Qarandoon Email: aragtidasan@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wararka Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow lagu dhawaaqi doono Natiijada doorashada Somaliland. Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray goob guddiga doorashada Somaliland ay ku shaacinayaan natiijada doorashada. Waxaa si hordhac ah u qaadacay natiijada doorashada Somaliand Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in doorashada lagu shubtay. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in guddiga ay ku dhawaaqi doonaan in Muuse Biixi uu ku guuleeystay Doorashadii ka dhacayday Somaliland. Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaadyo qasaaro geeysta ay ka dhacaaan kadib markii doorashada lagu dhawaaqo deegaanada Maamulkaasi. Dad badan ayaa shaki ka qabo madaxbanaanida doorashadaan ka dhacday Maamulka Somaliand oo lagu eedeeyno in ku shubasho ay dhacday . Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Natiijada Doorashada Somaliand oo goordhow lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa Kenya ku cadaadineysa hanashada Badda Somalia, gaar ahaan qeybta uu muranka ka taagan yahay Qoraal kooban oo boqortooyada Sacuudiga ay u dirtay Madaxweynaha Kenya ee xilka lagu heysto Uhurro Kenyatta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in kiiska Badda Somalia uu yahay mid ay fududeyneyso Sacuudiga. Qoraalka oo qarsoodi ahaa ayaa u dhexeeyay Boqor Salmaan iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga ay faragalin ku sameysay kiiska Badda ee weli horyaal Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ). Waxaa qoraalka lagu muujiyay in Kenya laga doonaayo inay ka faa’iideysato qeybaha kala duwan ee Shidaalka ku jira Badda Somalia, iyadoo laga faa’iideysanaayo faragalinta Sacuudiga. Waxaa lagu cadeeyay qoraalka Heshiis horay u dhexmaray Sacuudiga iyo Kenya oo ku taariikheysan sanadii 2013, kaa oo ku qotomay in labada dowladood ay isla garteen in Somalia loogu awood sheegto Badda laga heysto. Sidoo kale, waxaa qoraalka cusub lagu xasuusiyay Kenya in Kheyraadka kasoo baxa Badda Somalia ee qaniga ku ah Shidaalka 20% ay lahaan doonto Sacuudiga oo iyadu dusha saaran doonta fududeynta kiiska Maxkamada iyo dhaqaalaha ku baxaaya qodista Shidaalka.Heshiiska Sacuudiga iyo Kenya ee dhacay sanadii 2013-ka ayaa waxaa kamida ahaa:- 1-In Somalia laga cuuryaamiyo kheyraadka ku jira Badda iyo Bariga. 2-Isticmaalka Shidaalka ku jira Badda Somalia qeybta ay heysato Kenya. 3-In muddo 8 sano gudahooda lagu soo afjaro muranka Badda Somalia laga bilaabo xiliga uu dhacay Heshiiska ee ah 2013, iyadoo laga faa’iideysanaayo khilaafyada ka dhex jira Soomaalida. 4-In la isticmaalo awoodo diblumaasiyadeed iyadoo la adeegsanaayo Madaxda Gobolada Soomaalida iyo Dowladaha gacanta kula jira Siyaasada Somalia. 5-In la dheereeyo mudada ay Somalia gacanteeda kusoo laaban karto Badda, iyadoo wixii intaa ka horeeya siyaabo kala duwan looga sii faa’iideysan doono Kheyraadka. Dowlada Kenya oo hadda dhex dabaalaneysa kacdoono Siyaasadeed ayaan weli ka jawaab bixin qoraalka bilowga Bishaan uga imaaday boqorka Sacuudiga ee leysku xasuusinaayay Heshiiskii dhacay 2013-kii. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga oo lagu sifeeyo mid aad uga soo horjeeda horumarka dowladaha Islaamka ayaa dhaqaale iyo maskax ku bixineysa sida Somalia looga cuuryaamin lahaa dhinac waliba oo ay ka heli karto kheyraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay Xiriirka Soomaaliya iyo UAE appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo dhammaaday booqashada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku joogay dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga ku wehlinaayay booqashada ayaa la filayaa in maanta ay dib ugu soo laabtan dalka, waxaana soo xirmay kulamadii ay la lahaayen Madaxda Imaaraadka. Madaxweynaha Somalia iyo boqorka Imaaraadka ayaa isku afgartay inta badan qodobadii ay ka wada hadlayeen waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ballanqaadyo dhowra ka helay boqorka Imaaraadka iyo Madaxda kale ee ku dhow dhow. Qodobada ay sida gaarka ah uga wadahadleen ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Khilaafka Khaliijka, waxaana la sheegay in lagu heshiiyay iskaashi dhaqaalo, mid Amni iyo xasilooni siyaasadeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay in laga dul qaado culees siyaasadeed oo ay dowladiisa kala kulmayso Imaaraadka, gaar ahaan arrimo ku saabsan Khilaafkii wadamada Khaliijka. Docda kale, Dowlada Imaaraadka ayaa Somalia u ballan qaaday taageero dhinac walba ah sida ay sheegen xubno ka mid wafdiga Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kullan Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si gaara Sheekh Shariif uga dalbaday inuu kaalin ka qaato xal u helida caqabadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan kuwa ay la kulmeyso dowlada. Waxa uu Kheyre Madaxweynihii hore u sheegay in shaqsiyaadka qaar ee caqabada ku ah dowlada ay yihiin kuwo aan u muuqan horumarada ay sameyneyso dowlada, hase ahaatee ay dhibaato u arkaan in laga gudbo dhammaan dhibaatooyinka isbiirsaday ee ka jira dalka. Waxa uu Kheyre usoo bandhigay Sheekh Shariif inuu gacan ku yeesho dadaalada lagu qaboojinaayo xasaradaha ka dhanka ah dowlada, maadaama uusan ka marneyn shaqsiyaadka laf-dhabarka u ah Somalia. Kheyre ayaa si kaftan ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ugu sheegay in xubnaha qaar ay yihiin kuwo ku dhow dhow isla markaan la doonaayo inuu caburiyo xalna u raadiyo xaalada cakiran ee dalka. Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ku jirto dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab oo la doonaayo in laga faramaruujiyo dhammaan goobaha ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ka ballanqaaday in mudada uu joogo uu ka qeybqaadan doono xal u helida arrimaha leysku fahmi la’ yahay, isla markaana uu rajeynaayo in Siyaasada dalka ay caga dhigato. Geesta kale, dowlada Somalia ayaa ku dadaaleysa xal u helida mowjado Siyaasadeed oo ku kacsan, waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah ay kulan yeelan doonaan Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Sheekh Shariif. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ay ku qabteen dad ka shaqeynayey falal amniga ka dhan ah, islamarkaana shacabka lagu kicinayey. Yuusuf Maxamed Waceys, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay iney hadda hayaan 12 qof oo 4 kamid ah yihiin dumar, wuxuuna sheegay in hadda baaritaan lagu wado. Dadkaan ay hayaan ayuu sheegay guddoomiyaha iney doonayeen iney kiciyaan shacabka Boosaaso oo maalmahan dambe aad u dhaliilsanaa shirkadda DP world ee lagu wareejiyey dekadda Boosaaso. “Waxaan haynaa 4 dumar ah iyo 8 rag ah, waxaa ku jira Nabadoonno, waxay doonayeen iney dadka kiciyaan oo falal amniga ka dhan ah abuuraan, balse hadda su’aallo baa la weydiinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha. Hadalka guddoomiyaha gobolka Bari ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen shacab badan oo dhigayey dibadbaxyo ka dhan ah shirkadda DP World ee lagu wareejiyey dekadda Boosaaso. Goobjoog News Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka ee Wadani C/raxmaan Maxamed Cirro kana mid ahaa Musharaxiinta Madaxweyne, ayaa shaaca ka qaaday in si ku tallo gal ah loogu shubtay codadka Doorashada. Waxa uu Cirro sheegay in lagu xadgudbay codadka qaar, islamarkaana la musuqmaasuqay doorashadii Somaliland ee la qabtay 13kii bishan november 2017. Cirro waxa uu ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada, waxa uuna cadeeyay in mudadii ay soctay Doorashada ay diiwaan galiyeen 1200 dhacdo oo khalad ku ahaa hanaanka doorashada. Waxa uu tilmaamay in si cod la’aan loo dhigo Xisbiga Wadani la xirxiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa ka hor inta aysan codeyn. Waxyaabaha la yaabka leh ee uu sheegay C/raxmaan Cirro ayaa waxaa kamid ah in magacyadii lagu codeeyay ay ku jireen kuwo goor hore dhintay. ”Waxaan qirayaa in musuqa dhacay uu kamid ahaa inay codeeyeen dad goor hore dhintay oo lamasabitay si loogu guuleysto codadkooda” ”Kulmiye waxaan weydineynaa musuqa heerkaasi la’eg ka xisbi ahaan ma aqbali doono doorashada lagu shubtay ee looga beensheegtay xitaa kuwa bari hore la xabaalay” Sidoo kale, Cirro ayaa sheegay in doorashada ay tahay mid ku-xeeran madmadow farabadan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada Somaliland. Haddalka Cirro ayaa kusoo beegmaaya xili Musharaxa UCID Feysal Cali Waraabe uu isna ka hor imaaday natiijada kasoo baxday doorashada, waxa uuna ku goodiyay dagaal ka dhan ah Xisbiga Kulmiye waa haddii la shaaciyo natiijo musuq ku dhisan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa fariin u direy taageerayaasha xisbigooda ee ku sugan guud ahaan deegaannada maamulka Somaliland. Waxa uu sheegay Cirro in shacabka laga doonayo iney ilaaliyaan xasiloonida, islamarkaana aysan sameyn wax qalalaase ah. Cirro ayaa sheegay in weli uu jiro mad madow ku aadan hannana tirinta doorashadii dhacday, sidoo kalena aanay muuqan wax ka qabashada qaar kamid ah cabashooyinkii ay gudbiyeen. Xisbiga Wadani ayaa u muuqda mid saluugsan tirinta cododka doorashadii dhacday 13-kii bishan oo ay u arkaan iney jirto wax is dabomarin. Goobjoog News Source
-
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqo natiijada doorashadii 13-kii bishan. Xubno ka tirsan guddiga aya sheegay in lasoo dhammeeyay tirinta dhammaan cododkii ay dhiibteen shacabka Somaliland, islamarkaana saacado kadib ay ku dhowaaqi doonaan. Waxaa socota qabanqaabada munaasabadda loogu dhowaaqi doono natiijada doorashada Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa aad u sugaya natiijada doorashadii ay codeeyeen, iyadoo ay jiran xisbiyada qaar oo dhaliilsan hanaanka ay wax u socdaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaaa. Kulan golaha wasiirada, ayuu sheegay in dhaqaaqaasi bilaabi doono cunaqabatayno dheeraad ah oo “aad u balaadhan” oo la shaacin doono Salaasada. Laakiin xoghayaha arimaha dibadda Rex Tillerson ayaa markii dambe qirtay in “saamaynta taabashada lihi laga yaabo in ay xadidnaato” Trump wuxu canaantay barnaamijka nukliyeerka dalka iyo taageerada waxa uu ugu yeedhay dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada. Markuu ka shaaciyey go’aanka Aqalka Cad, madaxweynaha Maraykanka wuxu yidhi “inay mudo dheer ka hor dhacdo ahay ahayd” Sebtember Maraykanku wuxu soo jeediyey silsilad qunaqabatayno Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un. Waxay daba socotay tijaabadii lixaad ee nukliyeer ee Woqooyiga iyo ridida gantaalaha lagu celceliyey. Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga. Wadanku wuxu hore ugu jiray liiska laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga. Ololaha lagu celinayaa wuxu xoogaystay ka dib markii arday koolaj Maraykan ah Otto Warmbier dhintay in yar ka dib markii laga sii daayey jeelka Kuuriyada Woqooyi. bbc Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Maraykanka aya waxay xoojisay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiil ka tirsan wasaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tiro ahaan la kordhiyey ciidamadii Maraykanka ka joogay Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiiyey illaa iyo 500 oo askari. Askartaan ayaa la sheegay iney caawinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xoojinayaan weerarada lagu baacsanayo Al-shabaab. Sidoo kale waxay saraakiishaan sheegeen in dowladda Maraykanka ay aad u ballaarisay qorshaha lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo sidoo kale Daacishta Maraykanka. Dowladda Maraykanka ayaa 60-kii cisho ee ugu dambeysay waxay dalka ka fulisay weeraro lagu baacsanayey Xarakada Al-shabaab. Goobjoog News Source
-
Saudi Arabia and Bahrain have called on Arab countries to unite and confront Iran over its role in regional conflicts and its alleged support for militias. Speaking at an emergency session of the Arab League in Cairo on Sunday, Adel al-Jubeir, Saudi foreign minister, said Iran was aiming “to destabilise and fuel sectarian rift” in the region “and to drive a wedge between ourselves and our people”. “This swift response reflects the gravity of the situation our countries are facing … as a result of the ballistic missiles violations of Iran and the blunt interference in the domestic affairs of Arab countries,” said al-Jubeir. The special summit in the Egyptian capital was requested by Saudi Arabia to discuss alleged “violations” committed by Iran in the Arab region. It comes amid heightened tensions in the Arab world following the resignation of Lebanese Prime Minister Saad Hariri, who cited Iranian intervention in his country through Hezbollah, Iran’s ally in Lebanon. Khalid bin Ahmed Al Khalifa, Bahrain’s foreign minister, said his country had been inflicted by “thousands of wounds” by Iran. “Iran has arms in the region, the largest of which is Hezbollah,” he said, adding that Iran threatened the security of Arab states. Bahrain has seen scores of incidents of violence since 2011 when tens of thousands of the country’s majority Shia Muslims demanded reforms and greater rights from the minority Sunni-controlled kingdom. Bahrain crushed the protests with the help of its Sunni Arab Gulf allies suspicious of Iran and opposed to a growing Shia influence across the region. In the final statement, the Arab foreign ministers referred to Hezbollah as a “terrorist organisation”. Yemen war Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit told the summit that a missile that was recently fired by Houthi rebels from Yemen towards the Saudi capital, Riyadh, was “Iranian-made”, describing it as an “unacceptable Iranian message”. The Houthis have repeatedly denied receiving any assistance from Tehran in Yemen’s war, claiming the Burkan 2-H missile was produced in Yemen from modified weaponry. On Saturday, Iran’s foreign minister, Javad Zarif, said on Twitter in Arabic that he had submitted a letter to the United Nations in which he urged the implementation of a previous four-point plan to solve to what he called the “tragic situation in Yemen”, where Saudi Arabia is leading a coalition to defeat the Houthi rebels. Despite being mired in the war for more than two years, the coalition has so far failed to achieve its stated aims as Houthi rebels continue to hold the capital, Sanaa and control the country’s north. The war has taken a huge toll on the country – more than 10,000 civilians have been killed, and millions of Yemenis have been left without basic necessities. Fatemeh Aman, an Iranian-American political analyst, said Zarif’s letter could be used to “improve Iran’s badly-damaged image” at a time when Saudi Arabia is also “facing a progressively deteriorating image”, especially due to its foreign policy. “If, in coming days, [the] Lebanon crisis … [led] to more unpleasant revelation about Saudi’s intentions, one could expect more scrutiny of the Yemen policy by the international community. In such environment Zarif’s letters could gain more significance and increase pressure on Saudis.” ‘Divided Arab region’ Tensions between Saudi Arabia and Iran have soared since Hariri’s shock resignation on November 4, citing Iran’s “grip” on his country and threats to his life. Lebanon’s foreign minister, Gebran Bassil, did not attend the Cairo meeting. Antoine Azzam, the country’s representative to the Arab League, sat in for the summit instead. Marwan Bishara, Al Jazeera’s senior political analyst, said Saudi Arabia had convened the Cairo meeting in a bid to “consolidate its position in a divided Arab region”, hoping that there will condemnation of Iran and Hezbollah in Lebanon, as well as of the Houthis. “The Arab world is divided and a lot of countries convened to Cairo today don’t see eye to eye with Saudi Arabia on its ways and means or how it plans to confront Iran in the region,” he said. “That doesn’t mean they agree to the escalation of Iranian interference in various Arab countries, but paradoxically it was the incompetence and the division among those Arab countries that was the main factor why Iran is able to expand its influence in the region,” added Bishara. Source: – Aljazeera
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan. Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi. -DHAMMAAD- Source
-
A heavy contingent of anti-riot police has been deployed around the Supreme Court ahead of the presidential petition ruling. Roads around the Court have also been barricaded. More officers have been deployed in major slums in the city. The court will deliver the judgment ar 10 am. ​ Lorries of anti-riot police have been seen parked in Dandora, Kibera, Kayole, Mathare, Kariobangi and Kawangware among other areas. This comes after Sunday’s clashes after five people were found murdered in Riverside, Ruaraka constituency. Police fired tear gas as residents demonstrated against the killings. Nairobi police spokesperson Japhet Koome said the killings were a criminal act and were not ethnically instigated. NASA leader Raila Odinga has alleged that 15 people were killed by police on Friday after police allegedly opened fire on his supporters who had turned up to welcome him back from the USA. Source: – Thestar
-
Ururka Xisbullahi Oo Iska Fogeeyay In Ay Hub U Diraan Yeman
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xassan Nasrallah xogheya guud ee ururka Xisbullahi ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay oo ah inay ku lug leeyihiin ururka taageeridda argigixisada. Nasrallahi ayaa iska fogeeyay in Xisbullahi ay Yeman u dirto hub, waxaa uuna diiday eedeymaha ay boqortooyada Sacuudi Carabiya u soo jeedisay kooxdiisa oo aheyd in lug ay ku lahaayeen gantaal lagu soo riday boqortooyada. Nasrallahi ayaa godbadiisa ku weeraray wasiirada arrimaha dibadda ee carabta kuwaas oo ku eedeeyay ururka inay taageeraan argigixisada, waxayna ku sheegeen kulan ay axaddii ay ku qabteen xarunata ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira. Xassan Nasrallah ayaa eedeymaha loo jeediyay waxaa uu ku tilmaamay waxa laga xumaado oo soo laablaabto isaga oo yiri “ Waxaan doonayaa inaan u xaqiijiyo majiraan wax gantaal ah,majiraan wax hub horumarsan xitaa ma jirto biskoolad,waxaan si cad u diidayaan annaga hub uma dirno Yeman,Baxreyn,Kuwait iyo Ciraaq”. Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Iran Lebanon iyo Sacuudiga ayaa todobaadyadii dambe waxaa soo kala dhexgalay xiisado,kuwaas oo ka dhashay gantaal laga soo riday meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha Kowthiyiinta ah waxayna ku soo rideen dhanka boqortooyada Sacuudiga. Waxayna boqortooyada ay ku eedeysay ururka Hezbollah oo taageera Xowthiyiinta inay kaalin weyn ku lahaayeen gantaalka. Xassan Nasrallah ayaa dalbaday in la eego xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Isaraa’iil isaga oo sheegay inay jiraan tilmaamo muujinaayo xiriir inuu ka dhaxeeyo. Goobjoog News Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Websiteka Daily Sabah ayaa soo daabacay warbixin xiiso badneyd oo kashiftay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan in wadanka Soomaaliya la doonayo in la qabsado iyadoo ay dowladaha Reer Galbeed ay arrintaas usoo marayaan Dowladaha Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga. Haddaba warbixintaas oo aad u dheer waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online, maadaama markii hore ay warbixintaan ku qorneyd luuqadda Inigiriiska, waxayna warbixinta ku bilaabaneysaa sida hoos kaaga muuqato. Imaaraadka Carabta iyo Xulafadeeda waxay leeyihiin ajandooyin aad halis ugu ah Soomaaliya, maadaama ay qorsheynayaan in ay ka faa’iideystaan xasillooni la’aanta joogtada ah ee ka jirta dalka sida inay iyaga xasilooni keenayaan oo kale (imperialists). Soomaaliya waxay la kulantay laba weerar oo argagixiso ah Bishii October, Waxaana la sheegay in qaraxii dhacay 28 uu ahaa mid aad u weyn inkastoo uusan Khasaaro ku gaari karin midkii dhacay Magaalada Gilgilay 14 October kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 358 Qof. Wargeysyada Reer Galbeedka waxay qaraxyada ku eedeeyaan inay ka dambeeyaan Ururka Argagixisada ah ee tabarta daran ee Al-Shabaab, waxaana muuqato inay qaar badan oo ka tirsan Warbaahinta ay iska indha tirayaan Xaqiiqda rasmiga ah ee jirto oo ah inay Soomaaliya u dhibaatooneyso Istaraatiijada dhuleed oo ay heysato iyadoo lagu dadaalayo in wadanka lala wareego, waxaana arrintaas loo marayaa inuu dalka kusii jiro Dagaalo Sokeeye, Khilaafaad iyo Musiibooyin ay dad sameenayaan (Man-made Disasters.) Maraykanka iyo Xulafadiisa Reer Galbeedka ah ee ku midoobay Dambiyada ayaa isku dayeen in ay burburiyaan Soomaaliya oo ay Caburiyaan sanado badan, Mareykanka wuxuu Soomaaliya ku ridaa Bombooyin uu ku sheegay in lagula dagaalamayo Argagixisada Al-Shabaab balse lagu doonayo in lagu burburiyo Soomaaliya, halka dowladda Ingiriiska ay Xayiraad saartay Xawaaladaha Soomaalida, yoolka ugu dambeeyana wuxuu yahay burburinta qayb ka mid ah jinsiyadda aadanaha. Waxay isku dayayaan inay ku guuleystaan waxa gumeysiga yurubiyanku ku guul daraystay. Sidoo kale Dalalka qaar sida Emirate-ka Carabta iyo Sacuudiya Carabiya waxay Soomaaliya maamulideeda ka leeyihiin yool siyaad juqraafiyad ku dheehan. Sacuudiga maal mahan awood waali ku dheehan ayay muujinayaan balse waxaa muhiim ah in la xuso inay raali galinayaan reer Galbeedka sida Mareekanka, Ingiriiska, Faransiiska, Israa’iil ama Jarmalka. Sacuudiga waxay doonayaan inay maamulaan in ka badan 3,300 km xeeb dhirarkeeda, tamarta iyo qeyraadka badda Soomaaliya, waxayna diyaar u yihiin inay dhiiga Soomaalida si toos ah iyo si dadban u daadiyaan inta ay u jeedaan fursad ay dhul xeebeedka Soomaaliya ku maamuli karaan u muuqato. Waxaa fariin cad loo diraa kuwa Sacuudiga madax furashada u heestaan oo ay doonayaan sidii Soomaaliya ay ku dhiig maran lahaayeen inay ka caawiyaan. Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga waxaa lagu eedeyn karaa hab dhaqankooda aan sharaxaada la soconin faa’iidad ay leedahay awoodoodda Militari iyo siyaasadooda dibada inay dan ugu jirto shacabkooda iyo guud ahaan gobolka. Talaabooyinka ay qaadayaan waa kuwo reer Galbeedka lagu raali galinaayo waxayna caddow ku yihiin Soomaaliya weliba talaabooyinka ay qaadayaan waxay ku dul adeegsanayaan wadan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aad u daala dhacayo. Emirate-ka Carabta iyo hogaankeeda waxay si dhaqsi ah ku dareemeen muhiimada ay leedahay Soomaaliya qaran ahaan. Sidaa darteed hadafkooda wuxuu yahay inay bur buriyaan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiya u dhaxeeyo iyo xulufooyinka kale ee aan danta Emirate-ka ka talineyn. Emirate-ka hadii Soomaaliya ay sidaan muhiim ugu tahay waxay ahayd inay marhore dalkaan ka caawiyaan kasoo kabashadii abaarihii iyo colaadihii dalka hareeyay, laakiin Emirate-ka sidaas uma shaqeeyaan siyaasad ahaan. Marwalbo dagaalka Mareekanka hogaamiyaan waa mid ku dheehan in dadka nolol ahaan iyo amni ahaan la ragaadiyo si ay isku dhiibaan, sidaa darteed talaabooyinka uu Mareekanka ka wado Soomaaliya waa sidaas madaama sida saxda uusan Soomaaliya u garab taagneyn. Sacuudiga iyo Emirate-ka marka ay Soomaaliya deeq siinayaan kama ahan walaaltinimo ee danaha Mareekanka ayay hirgalinayaan. La yaab ma ahan in labadaan wadan oo Muslimiin ah in Soomaaliya aysan waligood usoo gurmanin si deg deg ah marka abaaro xoogan dalka dilaaceen xiliyo kala duwan, waxay ka noqotay Khaliijka sadaqo soo daahday inay Soomaaliya siiyaan xiliga boogta laga soo kabanaayo. Emirate-ka, Sacuudiga iyo reer Galbeedka wey badaleen siyaasadii ay Soomaaliya kula dhaqmi jireen kadib markii ay arkeen in Turkey ay ka go’antahay caawinta Soomaaliya. Waxay fahmeen inay la macaamil tamayaan Turkiga oo ah dal awood badan kaasi oo awood u leh inuu Soomaaliya si joogto ah u caawiyo si ay argagaxisada caalamiga ah kaga guuleestaan. Tan iyo markii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan booqdey Muqdishu sanadkii 2011, Turkigu wuxuu ku lug lahaa mashaariic badan oo Soomaaliya ka jira si uu uga caawiyo Soomaaliya inay noqoto waddan xasilloon oo awood leh, xiriirkaaan Soomaaliya iyo Turkiga dhex maray waa mid la dagaalamayo Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo doonayo inay dhacaan oo ay ka faa’ideystaan Soomaaliya iyo guud ahaan dhul weynaha Qaaradda Africa, waxaana xusid mudan in Xulafada Caalamiga ah ee Neocons iyo Zionists ay yaqaaniin sida loo xukumo dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga. Neocon: Waxaa laga soo qaatay Neoconservatism oo ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhashay waddanka Maraykanka intii lagu jiray 1960-kii oo ka mid ahaa garabyada xoriyada ee xagjirnimada ah kuwaas oo aan la socon siyaasadda dibadda ee Maraykanka. Zionists: Waa dhaqdhaqaaqa Qaranka ee leeyihiin dadka Yahuuda ee taageersan dib-u-abuuridda Wadan ay leedahay Yahuudda oo la doonayo in lagu abuuro Dhulkii Taariikhiga ahaa ee Reer Israa’iil ee loo yaqaan (Kancaan, Quduuska ah, ama gobolka Falastiin). Dhibaatada loo geystay Dalka Qatar ee dhawaan dhacday ayaa ahayd dhacdo kale oo ku saabsan ciyaarta juqraafi ee ballaaran oo lagu ciyaaro Bariga Dhexe iyo Afrika. Sida laga soo xigtay warbixinnada, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa tobanaan milyan oo Dollar oo laaluush ah siiyay Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho si loo mucaarado Xukuumadda Soomaaliya oo go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay go’doominta la saaray Qatar, Way ku fashilmeen, laakiin taasi ma ayan ku niyad jabin wadamadan in ay isku dayaan inay helaan siyaabo cusub oo cadaadis loogu saaro Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka faa’iideysanaya qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jirto Xasilooni la’aan si ay halkaas uga fuliso Mashaariic Logistics ah, Meelahaas waxaa kamid ah Maamulka Puntland ee isku arko inuu Soomaaliya ka madax banaan yahay, waxaana Dakadda Boosaaso lagu wareejiyey Shirkadda uu fadhigeeda yahay Magaalada Dubai ee DP Word, Sidoo kale DP Word waxaa 30 Sano oo lacag dhimis ah loogu wareejiyey Dakadda Berbera si loogu sameeyo dayactir, waxaana la qorsheenayaa in halkaas laga sameeyo waxaa loogu yeeray aag dhaqaale oo lacag la’aan ah (Xor ah). Kadib qaraxii argagaxiso ee dhibaatada geestay, wariyayaasha Soomaalida ee saameynta leh waxay ka dhawaajiyeen in Imaaraadka Carabta (UAE) yihiin wakiil bur bur u horseedayo Soomaaliya, , waxayna ku eedeeyeen inay Imaaraadka dhinacyo Soomaaliya kamid ah la gashay heshiisyo Sheydaani ah isla markaasna ay Soomaaliya ku sameysay faragelin aan loo baahneyn. Dhawr jeer ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta loogu baaqay inay Soomaaliya ka joojiso howlgalkooda diblomaasiyadeed ee dhibaatada ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Imaaraadka Carabta, Xulafadeeda iyo madaxdooda reer Galbeedka waxay Turkiga u arkaan inuu halis ku yahay qorshahooda Africa ee ku dhisan dhul qabsahada. Dagaalka ka socda Yemen ayaa qayb ka ah isla xisaabtaan, maadaama uu wadankaan ku yaalo Jasiiradda Carabta weliba meel u dhow waddooyinka muhiimka ah ee badaha. Yaboohidda Dalka Yeman wuxuu ahaa qorsho ay soo maleegeen dowladaha Reer Galbeedka, waxaana fulinayey Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in Dhaxal Sugaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed uu saameyn ku yeeshay Boqorka Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman si uu ugu biiro qorshayaashii dhintay-dhamaadka. Cadowga Soomaaliya waxay jeclaan lahaayeen inay marmarsiiyo u helaan bilaabashada dagaal furan, laakiin waxay arrintaas ka doorteen Argagixin Qaawan halkii ay qorshahaas bilaabi lahaayeen, waxaa jiro nooc kale oo kamid ah argagixisada oo uu sameenayo Mareykanka isagoo arrintaas u marayo duqeyn uu ku fulinayo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, ujeedka ugu weyna wuxuu yahay inaysan Soomaaliya ka nabad gelin awodda burburinta ah oo uu wado Mareykanka. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sidoo kale loo arkaa in uu kaalin ka ciyaarayo dhibaatada ka jirta dalka halkii uu fullin lahaa Waajibaadkii loo xil saaray ee aheyd nabadda. Xarunta cusub ee militariga ee Turkiga ayaa ka caawin doonta Soomaaliya horumarinta awooda Ciidamada Difaaca, taas oo ka dhigan inay ka hortageyso marmarsiiyo reer Galbeedka ah oo abuuraya nooc ka mid ah joogitaanka ciidamada Saldhigoodu yahay Dalka Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya. Warbixinnada sirdoonka ayaa sheegayo in Qaraxii Weynaa ee 14 October ka dhacay Muqdisho loola dan lahaa Saldhigga Cusub ee Turkiga uu ka furtay Muqdisho, Waxaa macquul ah inaysan warbixinadaan run aheyn ama ay run yihiin, Si Kastaba Argagixisada iyo kuwa taageera waxay maskaxda ku hayaan inay Mar uun sameeyaan Aargudashada Turkiga ee lama huraanka ah. Waa in la ogaadaa in argagixisada lagu hago Soomaaliya ay si ula kac ah u beegsaneyso xarumo rayid ah. Masaajidada, dhismayaasha dawladda, hudheelada, makhaayadaha iyo suuqyada si loo suurta geliyo inay Soomaaliya noqoto meel foodo ah markaasna ay abuuraan fursad ay dalka kusoo galaan dowladaha Soomaaliya cadowga ku ah ee doonayo inay dalkaan qabsadaan. Si kasta oo ay noqotaba waxay arrintaas kaliya noqon doontaa qalqalgelin iyo booto ka imaaneyso Reer Galbeed iyo Dowladaha Khaliijka ee dabadhilifka u ah, waxaana xaqiiq ah inay Soomaaliya hagardaamadaan ka dhaxli doonto awood (Soomaaliya way guuleysan doontaa). Waxaa Waajib ku ah Dowladda Imaaraadka Carabta ee sii kordhineyso dhaqdhaqaaqeeda Debadda inaysan isku dayin inay weeraraan wax ka badan inta ay cuni karto. Xigasho: dailysabah.com Waxaa Turjumay: Cabaas Cali Xasan (Xaliye) Email: filimside@gmail.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay soo baxdey warbixintii Guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya u xilsaarey kiiskii Qalbi-dhagax ayaa waxaa jira warar sheegaya in madaxda sare ee Hay’ada fulinta dowlada wadahadal la bilaabeen taliyihii hore ee ciidamada Nabad Sugida Cabdulahi Maxamad Cali “Sanbalooshe’. Wadahadlkaan ayaa xubnaha u sareeya Hay’adaan kaga hortagyaan in Taliyihii hore ee NISA sidii uu jawaab uga bixin laheyn eedynta guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka u soo jeediyeen. Guddiga loo xilsaarey iney go’aan kasoo gaaraan dhiibista kiiska Qalbi-dhagax ayaa eeda dhacdadaan waxa ay dusha ka saareen Haya’adii Cabdulahi Maxamad Cali ‘ Sanbalooshe’ madaxda uu ka ahaa kuwaasoo yiri, “Kaddib markaan aragnay dhammaan Dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay taniyo xorriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aaddan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, Guddiga waxaa usoo baxday in dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hay’adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka.” Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee NISA isu diyaarinayo dib uga mid noqoshada Golaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya kaasoo iska casiley xilkaan markii loo magacaabey Hay’adaan. Xogtaan ayaa sheegeysa in Villa Soomaaliya u balan qaadey Taliyahii hore sidii ay ugala shaqeyn laheyd in markale dib loogu soo doorto xubinta Barlamanka Federaalka ama xilal kale loogu magacaabi lahaa. Sanbalooshe oo cabsi ka qaba raadka sharciyan ku yeelan karto eeda dusha laga saarey hadii uusan jawaab ka bixin ayaa sida ay sheegeen sharci yaqaano, waxay saameyn ku yeelan kartaa kamid ahaanshihiisa Barlamanka Federaalka Soomaaliya halka qoyska Qalbi-dhagax dacwad ku soo oogi karaan. Mucaaradka dolwada Federaalka ayaa sidoo kale tan iyo markii ay soo baxdey warbixintaan eedymo u jeedinayey madaxda sare ee Hay’ada fulinta dowlada ( Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha) ku lug lahaanshahooda go’aanka hay’adda NISA ku dhiibtey Qalbi Dhagax halka dhinaca kale ku cadaadinayeen in Sanbalooshe jawaab ka biixyo sida uu wax u og yahay. Taliyaha ciidamada NISA ayaa waxaa lagu magacaabaa wareegto Madaxweyne iyadoo shaqadiisu hoostimaado Ra’isal wasaaraha Soomaaliya. Barlamanada dowlada Federaalka ayaa iyagu nidaam ahaan wax lug ah ku lahyn ansaxinta madaxda hay’adaha amniga. Isha: GO Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com