-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Kaahiya ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay ku sheegeen iney iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen. Waxay sheegeen in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Booliiska xilli ay safaf dhaadheer ku jireen barxadda Jeneraal Kaahiya. In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxii Ismiidaamin ahaa ee saakay ka dhacay dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan ku dhowaaqay inuusan ka tirsaneyn Xarakada Al-shabaab. Roobow ayaa shalay gaaray Kismaayo kadib sida la sheegay casumaad uu ka helay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxyaabaha ay ka wada hadleen Labadan mas’uul ayaa ugu badan sida loo wajihi karo dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, maadaama Jubbaland ay qorsheyneyso iney duulaan ku qaaddo deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka iyo Gedo. Abuu Mansuur ayaa Axmed Madoobe siiyey macluumaad badan oo la xiriira sida loola dagaallami karo Al-shabaab iyo arrimo kale oo dhanka ciidanka ah. Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo uu kormeeray xeryaha ciidamada, waxaana xigay safarkiisan Kismaayo. Goobjoog News Source
-
Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, balse u abaabulan qaab beeleed ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Buulo-maaxaay, waxaana la sheegayaa in dhinacyadan isku hayaan lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaalla. Wararku ayaa intaasi ku daraya in dagaalkii xalay uu khasaare ka dhashay, balse lama oga inta khasaaraha la egyahay. Ciidamada xasilinta Muqdisho oo qudhooda doonayey iney xalliyaan dagaalkan soo noqnoqday ayaa la sheegay in garab kamid ah dhinacyada is haya ay rasaas kala kulmeen. Waa markii Sadexaad oo lagu dagaallamo xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Kaaraan, iyadoo ciidanka dagaallamaya yihiin kuwo dowladda ka wada tirsan balse qaab qabiil u kala abaabulan. Maamulka degmada Kaaraan weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalladan soo noqnoqday, iyadoo shacabkii deganaa xaafadda dagaalladan kusoo noqnoqdeen ay bilaabeen iney halkaasi isaga barakacaan. Degmada Kaaraan ayaa kamid ahayd degmooyinka ugu amniga badan ee magaalada Muqdisho, balse dagaalladan ayaa baqdin ku beeray dadka shacabka ah. Goobjoog News Source
-
A suicide bomber in police uniform blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu on Thursday, killing at least 13 police officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker, with explosives strapped to his body, infiltrated the General Kahiye Police Training Academy and struck during a police parade. Abdikadir Abdirahman, the director of Amin Ambulances, told Reuters: “We have carried 13 dead people and fifteen others who were injured from the police academy.” The militant Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. “We will give details of casualties later,” said Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman. Al Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. It is waging an insurgency against the U.N.-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces. Source: Reuters The post Suicide bomber kills at least 13 in police academy attack in Somali capital appeared first on Caasimada Online.
-
The overall head of Al-Shabaab in Somalia has moved with his troops to Gedo, a region in the war-torn country bordering Kenya’s Mandera County. Security sources said Ahmed Diriye aka Ahmed Umar fled the Shabaab-controlled district of Jilib in Lower Jubba region after intensified aerial strikes by international forces. Somalia National Army General Ismail Sahardiid, the commander of Sector 43 in Gedo, was quoted as saying that captured Al-Shabaab militants had confessed that their leader had fled. “The displacement of the leadership is among many other strains facing the group,” reads a security dispatch to Kenyan security agencies. “The increase in precise air strikes against their hideouts is increasing fear and suspicion among the group’s top leadership. “This situation has led to some officials and militants defecting to the Federal Government of Somalia.” AFRICOM STRIKE The latest strike against the militant group was carried out on Tuesday by United States Africa Command (Africom). “In coordination with the Federal Government of Somalia, US forces conducted an airstrike against an al-Shabaab vehicle-borne improvised explosive device in the early morning hours, about 65 kilometres southwest of the capital, Mogadishu,” said Africom in a statement. It added: “US forces will continue to use all authorised and appropriate measures to disable terrorist threats. This includes partnering with Amisom and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counter-terrorism operations and targeting terrorists, their training camps and their safe havens throughout Somalia and the region.” Kenyan troops fighting there are part of Amisom (African Union Mission in Somalia). Kenya Defence Forces (KDF) are deployed in Sector 2 of Lower Jubba. Of late, more than 100 al-Shabaab militants have been killed in US-led airstrikes. On December 11, some 23 of them surrendered to the federal government-friendly administration of Bay. The region’s internal security minister, Mr Abdikadir Abdirahman, confirmed the surrender. Reports say al-Shabaab is also faced with a power struggle between Diriye and one of his deputies called Fidow, the lieutenant in charge of finance and administration, who is thought to be plotting a coup. Source: – Daily Nation The post Shabaab head flees Jilib in Lower Jubba as US drops bombs appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarkaasi ismiidaaminta ah uu fuliyay xubin iyaga ka tirsan, waxa ayna sheegyeen inay ku dileen Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska. Maleeshiyada ayaa tiri ‘’Waxaan saaka ku kalahnay xerada Booliska Jeneraal Kaahiye,waxaan ku dilnay weerarkaas Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska oo ku jiray safaf’’ Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa saaka aroortii hore fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska, kaa la xaqiijiyay inuu galaaftay ciidamo farabadan. Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxa, warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in ay ku dhinteen in ka badan 8 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Geesta kale, Taliska Booliska ayaan weli xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, wallow uu yahay mid aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Saaka ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah usoo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka iyo midka awood qeybsi oo u dhexeeya Guddoonka Labada Gole ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia. Khilaafka taagan ee soo ifbaxay ayaa waxaa markii ugu horeeyay daboolka ka qaaday Guddoonka Aqalka Sare oo tilmaamay inuu jiro is fahan daro ka taagan qaabka ay u wada shaqeyn lahaayen labada gole ee Aqalka Sare iyo kan hoose. Khilaafka labada Gole ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxa uuna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si rasmi ah u joojiyay shir la filaayay inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo kaa oo u furmi lahaa Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee maamul goboleedyada, isla markaana uu qaban qaabinayo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka duulaaya isku dhex yaaca awoodaha shaqo ee labada Gole ayaa qoray Warqad uu ku hakinaayay shirka ka furmaaya magaalada Baydhabo, taa oo look ala diray dhammaan Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada, iyadoo la wargaliyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warqada ku dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxa uuna shirkaasi ku sheegay mid lagu burburinaayo Nidaamka Federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa aaminay in Baarlamanaka hadda jira uusan garaneynin shaqooyinkiisa, isagoo u shaqeynaaya qaabkii uu u shaqeynaayay baarlamaanka 9aad ee wakhtigiisa dhamaaday. The post Arrin cusub: Khilaafka Guddoonka Aqalka Sare & Aqalka Hoose oo gaaray heerkii ugu sareeyay (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Saraakiisha caafimaadka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo. Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943 Hey’adaha ammaanka ayaa wado baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana lagu wadaa in ay war ka soo saaraan. Goobjoog News Source
-
Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu doonayo in la joojiyo ka qeyb-galka shir ay yeelan lahaayeen golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada. Shirkan oo qorshuhu yahay in uu ka dhaco Baydhabo ayaa qoraal-kan ka soo baxay Aqalka sare kaas oo ku socday madaxweyneyaasha iyo guddoomiyeyaasha golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada lagu dalbaday in la joojiyo shirkaasi. Aqalka sare, waxaa qoraalkiisa ugu muhiimsanaa: Shirka waxaa uu aqalka sare ku sheegay mid bur-burinaya oo aan la jaan-qaadi karin ku dhaqanka nidaamka federaalka ah. Waxaa kale oo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada lagu wargeliyay in ay fiiri-gaar ah u yeeshaan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo nidaamka federaalka ah iyo xil gudashada aqalka sare. Akhriso Qoraalka: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya ‘’ General Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa. Ciidamada uu naftii haligaha isku miidaamiyay ayaa xiligaa ku guda jiray diyaar garowga dabaaldaga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska, waxa ayna ciidamadaasi ahaayen kuwo lasii baraayay gaada ka cayaarka ka hor inta aan la gaarin maalinta dabaaldaga. Askari kamid ah kuwa Booliska ee ku sugan goobta oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 askari. Sidoo kale, waxa uu sheegay in naftii haligaha uu ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska, waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya. Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya. Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Xero ciidan oo ku taal magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
sida ay ku waramayaan warar hadda soo gaaray Goobjoog News, qof ismiidaamiyay ayaa qarax ka geystay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye . Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, halkaasina khasaare ka dhashay, tiradana ay ka badan karto 10 qof. Gaadiidka gargaarka ayaa hadda goobta gaaray, lamana sida qofkaasi uu meesha ku tagay. Wararka kala soco, Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ciidan oo la kala saftay laba qoos oo isku hayay dhul ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay Xaafadda Jamhuuriya. Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Seddex, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafay afar. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Odayaal kala matalaya labada dhinac ee is haya ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo colaada soo laab laabatay. Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro kala duwan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiga Ciise Saciid Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ay gaareen uu ahaa mid ay ku heshiiyeen labo qolo oo siyaasadda isku heysay oo kaliya ay heshiiyeen, oo loo baahan yahay heshiis bulsho. Ciise Saciid, wuxuu ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda dhabta ah ee gobolka Galgaduud oo aysan noqon sida loo malaynayo hadda oo ah inay dantooda keliya fiirsanayaan, wuxuuna soo jeediyay in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug lagu tixgeliyo aragtidooda. Siyaasiga oo horay uga mid ahaa musharrixiintii xilka madaxtinimada u tartamay febraayo sanadkani 2017, ayaa sheegay in gobolka Galgaduud uu u baahan yahay in siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dadka maamulka Galmudug ku shaqada leh ay heshiis dhab ah gaaraan. “Heshiiska waxaa ka wnaagsan wax la arko heshiiska waxaa uu u muuqdaa inuusan qaadan mid dowladnimo waxaa la dhihi karaa heshiiskaas waxaa uu dhexmaray labo qolo siyaasadeed ee ma jirto heshiis ka dhex dhacay dadka degan galmudug oo dhan”. Hadalka Ciise Saciid ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maamulka Galmudug iyo ahlu suuna uu heshiis ku dhexmaray maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimad Onine) – AMISOM iyo Kenya ayaa iska fogeeyay in Soomaaliya ay ka gesyteen arrimo ka dhan ah xuquuqul aadanaha, arrintan waxaa ay timid kadib markii UNSOM iyo UN Human Rights ku eedeeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM in ay dileen 131 oo Soomaaliyeed oo rayid ah inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017. Madaxa AMISOM Francisco Madeira oo ka jawaabayey eedeynta Q.M waxaa uu sheegay in aaney jirin ciidamo kuwooda ah oo geysatay dil sharci darro ah iyo xad-gudub jinsi “Waxaan aragnaa in warbixintan ay been ka buuxdo marka la fiiriyo dhacdooyin la sheegay in ay ku lug- lahaayeen AMISOM iyada oo laga tagay niyad wanaagga iyo waxqabadkii loo dan-lahaa”waa jawaab uu bixiyay December 8, 2017. Madeira waxaa uu intaasi ku daray in aaney warbixinta ku kala cadeyn ciidamada AMISOM ah iyo kuwa aan aheyn, arrintaas oo keeni karta sida uu sheegay caad soo food-saara cidda mas’uulka ka ah. Francisco Madeira, waxaa uu carabka ku adkeeyay in aanay AMISOM mas’uul ka aheyn ciidamada aan ku jirin ee jooga gudaha Soomaaliya, arrintaasina wax laga weydiinayo dowladda federaalka ah. AMISOM waxaa kale oo ay iska diiday kufsi ay ciidamadooda u geysteen gabdho 14 iyo 17 ji ah, kaas oo ka dhacay sida la sheegay Ceel-buur, iyaga oo sheegay in Ceel-buur aaney tagin AMISOM oo Al-shabaab ay heystaan, Isbitaal-ka Xalane ee gabdhaha la dhigana aanu ku oolon degmada. AMISOM, waxaa ay sidoo kale wax lagu wareeray ku sheegtay in QM aaney qaadin tillaabooyin la xiriira wareysiga dadka dhibanayasha ah. Dhinaca kale, dalka Kenya ayaa inkiray in ay jiraan ciidamo Kenyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ku qoran warbixinta UN-ka, arrintaas waxaa lagu sheegay qoraal uu QM u diray safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo , isaga oo soo jeediyay in qeybtaas warbixinta laga tirtiro. Safiirka Kenya intaasi kuma ekaanin, ee waxaa uu warbixinta QM midoobey ku sheegay mid dabada ka riixaya ajendaha iyo qorshaha Al-shabaab iyo kooxaha argigixisada ah kuwaas oo howlgalka AMISOM mar walba dadka u xumeeyo. Sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey waxaa jira waxyeelo loo geystay illaa 42 qof oo Soomaali ah(36 dil, 6 dhaawac ah) halka AMISOM ay dileen 4 rayid ah iyaga oo dhaawac u geystay 5 kale. Qaramada Midoobey waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ay baareyso in diyaaraha helicopters-ka ay duulayeen waqtiga dhibaatada dhaceysay iyo in kale. Waxaa xiriir la sameysay UNSOM, Laakin wax jawaab ah ma helin. Warbixintan oo lagu sheegay waxyeello soo gaartay illaa 4,585 oo rayid ah ayaa la la soo bandhigay December 10, oo ku began maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka. Caasiada Online Xafiiska MUqdisho Caasimda@live.com The post Kadib markii Amisom iyo kenya iska fogeeyeen…yaa dilay 131-ka qof ee rayidka ah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale sheegay in dowladiisa ay talaabo cad ka qaadi doonto Israel oo uu sheegay inay tahay dowlad taakuleysa kooxaha argagixisada. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tilmaamay haddii ay imaado xaqiiqda in dowlada Mareykanka aysan garab siin doonin Israel balse iminka la doonaayo in laga fiirsado ficilada la sameynaayo. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu carabka ku dhuftay in qorshaha Mareykanka iyo Israel uu yahay mid lagu kicinaayo xasiloonida ka jirta adduunka. Erdogan ayaa dowlada Israel ku sheegay inay noqon doonto Seddex arrin midkood oo uu sheegay inay soo ifbixi doonto haddii ay sii taagnaato faragalinta lagu hayo Qudus kuwaa oo kala ah: 1-In Israel ay awoodeeda iyo dhulka ay ku magacaaban tahay ku weyn doonto carqaladeynta Qudus. 2-In sabab ay u noqoto colaad ay ka dhalan doonto cawaaqib oo dhexmarta dunida islaamka iyo kuwa kale ee heysta diimaha kiristaka oo garbinaaya Yahuuda. 3-In Israel ay aqoonsan doonto awoodeeda oo ay qeyb ka noqon doonto dowladaha ka shaqeynaaya Nabadda Qudus. Recep Tayyip Erdogan, ayaa Yahuuda ku sheegay kuwo aan ka sineyn in Qudus laga dhigo caasimada Israel sabab uu ku sheegay in shucuubta adduunka aysan diyaar u aheyn colaad salka ku heysa arrimo diimeed. Sidoo kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Israel leyska celin doono haddii ay kasoo gudubto xadkeeda, maadaama laga nabad-galay shacabka reer Falastiin. Haddalka Recep Tayyip Erdogan, ayaa imaanaya xili magaalada Istanbuul lagu qabtay shir looga soo horjeedo Go’aanka Trump uu Qudus uga dhigay caasimada Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Erdogan oo sheegay in 3 arrin midkood ay noqon doonto rabitaanka Israel ee Qudus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku jiraan heegan ay uga feejigan yihiin weerar kaga imaada al-Shabaabka ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Gedo. Saraakiishu waxa ay sheegen in laga cabsi qabo in maleeshiyaadka ay weerar kusoo qaadan Xarumaha maamulka maadaama dagaalyahaano dhan 700 ay gudaha iyo daafaha Gobolka ku sugan yihiin. C/llahi Axmed oo kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyaadka ku sugan Gobolka Gedo ay sii kordhayaan waxa uuna tilmaamay inay ilaalinayaan Horjoogaha ugu sareeya ee al-Shabaab Axmed Diiriye ‘’Abu Cubeyda’’. Waxa uu intaa ku daray in lagu soo wargaliyay in Abu Cubeyda ay la socto Haweeneyda u dhalatay dalka Britain ee lagu magacaabo Samantha Lewthwaite “Carmaladda Cad” oo inta badan sanadkan 2016 nolosha ku qaadatay Somalia. Waxa uu C/llahi Axmed sheegay in Abu Cubeyda, Carmaladda Cad iyo Maleeshiyaadkooda ay ku dhuumaaleysanayaan duleedka dhulka howdka ah ee ku yaala duleedka Gedo. ‘’Abu Cubeyda iyo Carmaladda Cad waxa ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka, waxaan ku jirnaa difaac maadaama ay maleeshiyadu baxsad ka yihiin duqeymaha ka socda Gobolada dalka’’ Sidoo kale, Saraakiisha kale ayuu ugu baaqay inay baaraan gaadiidka shacabka iyo kuwa soo gala magaalooyinka waaweyn maadaama ay Carmaladda Cad ku dhex dhuuman karto magaalada. Dhawaan dowlada Somalia ayaa sheegtay inay baadi-goob ugu jirto Carmaladda Cad oo la sheegay inay ku sugan tahay Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Carmaladda Cad oo laga baadi-goobayo gobol ka mid h Somalia oo lagu arkay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka danbeeyay dilka Horjoogihii hore ee maleeshiyada al-Shabaab Axmed Godane waxaa sii kordhaayay xubnaha sida dhow ula shqeya Sirdoonka Mareykanka ee ku dhex jira al-Shabaab. Xubnahaan ayaa u badan kuwo xilal sar sare ka haya Hogaanka maleeshiyada al-Shabaab, waxaana la xaqiijinayaa inay ku jiraan rag caan ah oo Kooxda qeyb ka aasaasay. Dadka ugu badan ee sida dhaw ula shaqeeya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaadka Hubka wata oo iyagu si toosa xiriir ula leh Saldhigyada Mareykanka ee Somalia iyo Jabuuti. Horjoogayaasha la tuhunsan yahay ayaa waxaa kamid ah Axmed Diiriye oo ugu sareeya maleeshiyada kaa oo saacado un ka hor xiliga duqeynta ka baxa goobaha la beegsanaayo, waxaana jira macluumaad muujinaaya in macluumaadka uu ku shubo Saldhiga Jabuuti. Ilo Sirdoon oo ka kala tirsan Faransiiska, Britain iyo Ruushka ayaa carabaabay inuu jiro wada shaqeyn dhow oo ka dhexeeya Sirdoonka Mareykanka iyo qaar kamid ah Horjoogayaasha ugu sareeya al-Shabaab. Qandaraaslihii hore ee Sirdoonka Mareykanka Edward Snowdenl, ayaa kamid ah dhinacyada sheegay inuu jiro xiriir Sirdoonka Mareykanka kala dhexeeya Hogaanka Sare ee al-Shabaab kuwaa oo macluumaadka la wadaaga Xarumaha Dhexe ee Sirdoonka Mareykanku leeyahay. Edward Snowdenl, waxa uu tilmaamay in diyaaradaha Mareykanku ay beegsadaan keliya Saldhigyada ay ka howlgalaan argagixisada aan wada shaqeynta kala dhexeen ee suuragalinkara fashil ku imaada danaha gaarka ah ee Mareykanka kala dhexeeya qaar kamid ah xubnaha Hogaanka al-Shabaab. Sawers Karake, oo kamid ah Saraakiisha Sirdoonka Britain ayaa isna sheegay in xubnaha ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin gudaha al-Shabaab lagu qiyaasi karo 5%, oo ay ku jiraan Horjoogayaal miisaan ku dhex leh Shabaabka. Waxa uu tilmaamay in Mareykanku uu mar waliba cadow u arko keliya cida aan isaga la shaqeyn kana tirsan qeybaha argagixisada, waxa uuna intaa raaciyay inay sii kordhayaan Sirdoonka Mareykanka ee ka dhex shaqeeya al-Shabaab. Sanadihii 2015 iyo 2016 ayuu sheegay in xubnaha Mareykanku ku dhex leeyahay al-Shabaab ay gaarayeen 3%, balse muddo sanada uu koror ku imaaday cadadka ay Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin al-Shabaab. Sidoo kale, Sirdoonka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in shaqsiyaadka la shaqeeya aysan qudhooda la wadaagin talaabooyinka horyaal sida weerarada ay qaadayaan, Goobaha iyo cida ay ku wajahan yihiin ee la doonaayo. Si kastaba ha ahaatee, weerarada ugu badan oo ay fulineyso diyaaradaha Mareykanka ayaan galaafan Horjoogaha ugu sareeya iyo shaqsiyaadka kale ee ka hoos shaqeeya kana tirsan Shabaabka, inkastoo beegsigooda uu kusoo beegmi doono xili laga maarmo shaqooyinka ay u hayaan Sirdoonka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin Al-Shabaab oo gaaray heerkii ugu sareeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa magaalada Garoowe ku soo xirtay taba-bar ku saabsan joojinta gudniinka gabdhaha oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,sidoo kalena ay qayb ka ahaayeen hay’adaha Global Media,Ifrah Foundation,UNICEF iyo Save The children. Taba-barka oo muddo 4 cisho ah ka soconayey caasimadda Garoowe ayaa loo qabtay weriyaasha iyo culimada,waxaana lagu barayey sida ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen joojinta gudniinka gabdhaha,islamarkaana bulshada u fahamsiin lahaayeen dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta gudniinka. Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed cali ayaa sheegtay in ay hawl weyn ka qabteen arrimaha la xiriira tacaddiyada ka dhanka ah gabdhaha iyo haweenka ,gaar ahaanna gudniinka halista ah ee FGM. Marwo. maryan ayaa caddaysay in weriyaasha iyo culimada ka qayb galay taba-barkaan ay isaga yimaadeen guud ahaan Soomaaliya ,sidaasi darteedna la oron karo Soomaali oo dhan baa ku jirtay. Marwada Madaxweynaha Drs. Hodan Siciid Ciise ayaa dhankeeda sheegtay in gudniinka Fircooniga ah dhibaatadiisu gaartay carruur da’dood 5 sano tahay“Xumaatadiisa waxaa sii fool xumaynaya weliba, carruurta yar yar ee lagu samaynayo oo shan jir ilaa sagaal jir lagu samaynayo“,ayey tiri Drs. Hodan. Sawirro. The post Taba-bar ku saabsan Joojinta gudniinka gabdhaha oo Garoowe lagu soo xiray. appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay rabshado hor leh oo ka soo cusboonaaday qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Ethiopia. War qoraal ah oo Galabta ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xukuumadda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay rabashado dhimasho iyo dhaawac sababay oo labadii maalmood tegay ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromada. Safaaradda ayaa ku boorrisay shacabka Ethiopia in ay ilaashadaan sooyaalkooda ku dhisan is-ixtiraamka qowmiyadah,wadajirka iyo nabadda,sida ku xusan qoraalka. Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 18 ruux lagu dilay rabshado todobaadkaan ka dhacay magaalada Chelenko ee gobolka Oromia. Rabshadaha ayaa u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,waxaana dadka ku dhintay ku jira arday jaamacadeed,sida ay qortay Warbaahinta dalkaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo ka hadashay rabshado ka qarxay dalka Ethiopia. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Mukhtaar Roobow, oo labadii asbuuc ee ugu danbeysay Safaro ku kala bixinaayay qeybo kamid ah Gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo. Mukhtaar Roobow, waxaa safarka ku wehlinayay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somalia C/rashiid C/laahi Max’ed, waxaana magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan Odayaal, Haween iyo dhalinyaro. Mas’uuliyiintan ayaan wax macluumaad ah ka bixin ujeedada safarka Mukhtaar Roobow, waxaana loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Jubaland. Warar hoose ayaa sheegaya in ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo uu yahay wadatashi uu la qaadanayo Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo xili hore ay ka wada tirsanaayen Al-Shabaab. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa hore uga tirsanaan jiray Al-shabaab, haseyeeshee horaantii bishii August ee sanadkan ayuu isu soo dhiibay dowladda, isaga oo isu soo dhiibay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa intaa kadib loo soo gudbiyay Muqdisho. Dhinaca kale, Socdaalka Roobow ayaa qaadan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah in mudada uu halkaa joogo ay Jubbaland isku dhiibaan maleeshiyaad hada dhow gaaray Gobolka Gedo. The post Sawirro: Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in uu Khamiista berri ah booqdo waqooyiga iyo Koonfurta magaalada gaalkacyo. Wefdiga ayaa la kulmaya mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee ku sugan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo,iyagoo kala hadli doona arrimaha amniga iyo heshiisiinta bulshada gobolka Mudug ee ay kala fogaysay colaadda qabiilka ku salaysan. Taliyaha iyo wefdigiisa oo Isniintii soo gaaray magaalada Garoowe ayaa shalay booqday xerada 54aad oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidankii dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya,kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2400 askari. Wefdiga oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa dhinaca kale kulan aan la shaacin Maanta la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland,sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helnay. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Maalinta berri ah booqanaya gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo in ka badan 50 dal oo dunida muslimka ah isugu yimaadeen. Madaxda wadamada kasoo qeybgalay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa si wada jira u diiday go’aanka Maraykanka ee uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel. Yousef al-Othaimeen, oo ah Xoghayaha guud ee Ururka ayaa Hogaamiyayaasha Dunida islaamka ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan si ay ula imaadaan jawaab mideysan oo ku aadan tallaabada uu Madaxweynaha Mareykanka Qudus uga dhigay caasimada Israel. Xoghayaha guud ee Ururka Yousef al-Othaimeen ayaa ku nuuxnuuxsaday inay diideen oo ay cambaareeynayaan go’aanka Maraykanka, waxa uuna yiri “Tani waa xadgudub sharciyada caalamiga ah, waana tallaaba kicinaysa dareenka muslimiinta adduunka, waxayna abuuri doontaa xaalad xasilooni darro ah gobolka iyo adduunka.” Madaxwaynaha Falastiin Mahmoud Abbas, oo ka hadlaayay shirka ayaa sheegay in Maraykanku u qalmin laftiisa inuu door ku yeesho mustaqbalka nabada Israel iyo Falastiin, waxa uuna yiri ‘’Talaabada Mareykanka waxa ay muujineysaa mid loogu xaglinaayo Israel’’ Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin” Hadal kuu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”. Israa’iil ayaa hadda maamusho dhammaan Qudus, horey waxaa u maamuli jirtay Urdun. Yahuudda ayaa qabsaday magaalada intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii, waxayna u araktaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala qeybin karin. Falastiiniyiinta waxay sheegayaan in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda, balse waxay ahayd in looga xaajoodo kulamada keedi socodka nabadda. Caalamka weli muusan aqoonsanin in Israa’iil ay u madaxbannaan tahay Qudus, dalalka oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaan magaalada Tel Aviv. GO’AANNADII HALKAAS KA SOO BAXAY WAXAA UGU MUHIIMSANAA: 1-Madaxda dunida muslimka waxaa ay iska diideen go’aanka madaxweyne Trump uu Qudus uu ugu aqoonsaday magaalo madaxda Isra’il. 2-Waxaa mar kale lagu celiyay sida dunida Muslimka uga go’antahay garab istaagga reer Falastiin iyo sidii ay ku heli lahaayeen xuquuq dhameystiran. 3-Waxaa lagu celiyay in madaxdan ka go’antahay in Isra’il iyo Falastiin yeeshaan labo dal oo si nabad ah kuwada nool iyada oo bariga Qudus tahay caasimadda dalka Falastiin. 4-Waxaa kale oo lagu baaqay in dadaalladan Aqsa ku saabsan la sii wado, shir kale oo kan la mid ahna lagu qabto magaalada Jakarta ee dalka Indonesia. 5-Waxaa lagu sheegay war murtiyeedka in go’aanka Trump aanu sharciyad heysan isla markaana uu ka hor imaanayo qawaaniinta caalamiga gaar ahaan kuwa ka soo baxay golaha ammaanka. 6-Waxaa maamulka Mareykanka dusha laga saaray cawaaqib xumida ka dhalata go’aanka iyaga oo Mareykanka u soo jeediyay in uu faraha kala baxo geedi u socodka nabadda ee bariga dhexe. 7-Waxaa mar kale lagu celiyay in Qudusta Bari ay tahay caasimadda dalka Falastiin. Si kastaba, madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka uu safaaraddiisa u rari doono magaalada Qudus mana jirin is bedel ku imaaday Go’aankiisa tan iyo markii ay bilaawdeen kacdoonada Dunida muslimka. The post Sawirro: Hogaamiyaasha Muslimiinta oo go’aan ka qaatay Riyadii Trump ee Qudus & Qodobo dhowr ah oo laga soo saaray Shirka Istanbuul appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland authorities are carrying out a “ Drought Impact Needs Assessment” (DINA), based on a globally recognized methodology, that is identifying long term solutions to recurrent cycles of drought, which are to be delivered in parallel to life saving humanitarian relief. The DINA is being led by the Somaliland Government and supported by the World Bank, the European Union (EU) and the United Nations (UN). At a meeting in Hargeisa last week, attended by Government officials and representatives from the international community, participants discussed how the methodology will be applied to break the cycle of recurrent emergencies, mitigating the risk of famine. Cyclical drought and subsequent famine risk has resulted in millions of people in need of humanitarian assistance and hundreds of thousands displaced across the country. Somaliland is however at a critical juncture where it may be able to break the cycle of such recurrent crisis, as it has continued to build stronger, inclusive and more effective institutions. It has also made considerable democratic gains, including a recent 2017 peaceful presidential electoral process carried out in a democratic manner. The DINA methodology has been used around the world to assist countries recover and build resilience to crises such as recurrent drought and famine risk, while at the same time ensuring the delivery of life saving humanitarian assistance. The exercise in Somaliland is assessing the damage and losses due to drought and is building on data that has already been gathered by government authorities in partnership with the UN and NGOs. It is being carried out in alignment with the priorities of the recently launched National Development Plan II (NDPII). The findings of DINA will inform the development of a Recovery and Resilience Framework (RRF), situated within the NDP II. The RRF will detail long-term plans for the financing and implementation of recovery interventions identified in the DINA, and will recommend policy measures required to support resilient recovery, which will be implemented in parallel to and in complementarity with humanitarian relief. Speaking at the meeting in Hargeisa, H.E. Mohamed Ibrahim, Minister of National Planning and Development for Somaliland, reiterated the government’s strong commitment to the assessment and to the development of the Recovery and Resilience Framework. “Recurrent drought has caused extreme hardship to people in Somaliland. It is our aim that the DINA and RRF process will help us to better respond to such crises,” he said. H.E. Hussein Abdi Boss, Somaliland Minister of Water and Natural Resources, underlined the need to reduce the risk and impact of droughts on the Somaliland population. “We welcome the DINA/RRF exercise and we ask for particular focus on the lack of access to water, as a major cause of loss of livelihoods,“ he said. The Somaliland Minister of Education and Higher Studies, H.E. Abdullahi Habane, said that it was important to invest not only in physical capital but in social capital, to increase resilience amongst the population. “The key to building resilience in Somaliland is a vibrant economy so that government revenues can support critical services such as education and health,” he added. Ms. Pauline Gibourdel of the European Union, congratulated the Somaliland government for its leadership in carrying out the globally recognized DINA and RRF exercises. “The DINA and RRF are a very effective and internationally recognized system used to identify the best practices to mitigate and respond to crises and build resilience,” she said. Mr. Matthias Mayr, speaking on behalf of the World Bank, reiterated that the DINA and RRF exercises are adding to the substantial existing data gathered by government and development partners and will help to mobilise the resources needed to implement development priorities. “With the findings of DINA, we can support the priorities of the National Development Plan and identify the investment opportunities in Somaliland that can reduce the impact of recurrent drought,” he said. Mr. Sultan Hajiyev of the United Nations Development Programme (UNDP), underlined that the DINA/RRF aims to harness development expertise to break the vicious cycle of recurrent emergencies, while delivering and supporting parallel crucial life-saving operations. “The findings of the DINA and RRF exercises will pinpoint and provide the momentum to deliver needed long term interventions in line with the government’s development priorities, and in complementarity with humanitarian relief,” he said. The final DINA assessment report and the launch of the Recovery and Resilience Framework are due in early 2018. ReliefWeb
-
Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) oo Maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay Qudus u aqoonsan yihiin Caasimadda Falastiin ee la haysto. Bayaan midaysan oo laga soo saaray kulankaas ayaa lagu yiri“waxaan ereyada ugu adag ku cambaareynaynaa go’aanka kelinimada ah ee aan qaanuunka waafaqsaneyn oo uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil”. Hoggaamiyaaasha ayaa sheegay in mas’uuliyad-darro ka muuqato go’aanka Trump,iyagoo dalalka caalamka ku boorriyey in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Falastiin“waxaan ku dhawaaqaynaa in Qudus-ta Bari ay tahay caasimadda Falastiin,waxaana dalalka caalamka ugu baaqaynaa in ay aqoonsadaan dowlad Falastiin leedahay oo caasimadeedu tahay Qudus-ta la haysto”. Dhammaan 57 dal ee uu ka koobanyahay Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa ku midaysan go’aankaan sida bayaanka lagu xusay. PUNTLAND POST Abdirahman Isse Omar The post 57 dal oo bayaan midaysan ka soo saaray go’aankii Trump ee Qudus. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somalia Jeneraal C/laahi Cali Caanood shaaciyay inuu xiriir ka dhexeeyo mas’uuliyiinta maamulka G/Sh/Hoose iyo Alshabaab ayaa waxaa si kulul arrinkaa uga hadlay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed. Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed, ayaa sheegay in Abaanduulaha ciidamada Xoogga uu u gafay mas’uuliyiinta maamulka. Waxa uu sheegay in hadalka Abaanduulaha uusan u ekeyn canaan balse uu yahay meel ka dhac lagu sameeyay maamulka, waxa uuna beeniyay inuu jiro xiriir maamulka kala dhexeeya Al-Shabaab. Waxa uu Gudoomiye ku-xigeenka amniga G/Sh/Hoose haddalka Abaanduulaha ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, isla markaana la doonaayo in la cadeeyo asbaabaha keenay haddalkaas. Mar uu ka hadlaayay eeda Abaanduulaha ayuu yiri ‘’Hadii ay jiraan xubno uu Abaanduulaha arkay iyaga oo Shabaab la xiriiraya inuu soo gudbiyo, balse aaney aheyn inuu Warbaahinta ka sheego wax malo ah’’ Sidoo kale, Gudoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Gobolka uusan ka socon dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku wajahayaan deeganada Shabaabka ay ka joogaan Gobolkaasi. Dhinaca kale, Abaanduulaha ayuu ugu baaqay inuu la imaado cadeymo maadaama haddalkiisa uu ahaa mid culus oo danqinaaya maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xiisad ka dhalatay hadal uu Abaanduulaha CX warbaahinta u mariyay Maamulka Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.