-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee saakay ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan. Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Jenaraal Muqtaar Xusen Afrax ayaa faah faahin ka bixiyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Jenaraal Kaahiye. Jenaraalka ayaa sheegay in qofka isqarixiyay uu Ciidanka soo dhexgalay isaga oo watay dharka ciidanka xili ay ku jireen quraac isla markaana isku diyaarinayeen xuska Aas aaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku beegan 20, Bishaan December. Ku simaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay nin soo xirtay Jaakada Qaraxda inuu soo dhexgalay Ciidamo quraax cunayay, kadibna uu isku qarxiyay. Wuxuu sheegay Ciidamada Booliska mar walba in ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan dalkooda, wuxuuna tilmaamay Shabaab mar walba in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay dib ugu dhigi lahaayeen, balse aanan laga yeeli doonin. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Taliyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Muqtaar.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Taliyaha Ciidanka Boolis oo si rasmi ah u sheegay tirada ciidamadii ku dhimatay Qaraxii Kaahiye ” “Anagu ma qarineyno Qof dhintay” appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdulqaadir Yuusuf Ciise oo ah aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda xulka Puntland Cabdulaahi Gacan ayaa cambaareeyay u jeediyay dad uu sheegay inay been abuur ka samaysteen wiilkiisa iyo qoyska laacib Cabdulaahi Gacan oo shalay laga sagootiyay magaalada Garowe si uu uga qeybgalo tartanka ka socda magaalada Muqdisho. Aabe Cabdulqaadir Yuusuf Ciise ayaa u sheegay warbaahinta PUNTLAND POST inay jiraan dad ka faafinaya been abuur iyo dacaayado uusan u qalmin wiilkiisa Cabdulaahi Gacan oo ka mid ah laacibiinta ugu firfircoon xulka Puntland. Wuxuu amaan u jeediyay shacabka reer Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo jecel Qaranimada iyo Wanaaga, Isagoona taas bedelkeeda ugu baaqay xaalmarin dadka uu ku eedeeyay inay dacaayado ka faafiyeen sharafta wiilkiisa. Ciyaartooy Cabdulaahi Gacan wuxuu ka mid ahaa laacibiin maalmihii u dambeeyay la hadal hayay in looga tagey Garowe, balse nasiib wanaag shalay u ambabaxay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo tartanka maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir . Daawo Aabaha Laacib Cabdulaahi Gacan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Aabaha dhalay mid ka mid ah ciyaartooyda Puntland oo difaacay wiilkiisa appeared first on Puntland Post.
-
1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah — Ciise Muuse 2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada — Jaamac Siyaad / Dhul Bahante 3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta —Samaroon 4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha — Reer Daahir / Habar Jeclo 5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga —- Warsan Gali 6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — Ciidagale 7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada — Ciise 8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta — Reer Adan / Arab 9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha — Habar Cafaan / Samaroon 10 . Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud — Dhulbahante 11. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — Habar Yoonis 12. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha — Jibriil Abakor /Sacad Muuse 13. Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga — Jiriil Yoonis / Makaahiil / Samaroon 14. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada — Reer Yoonis / Habar Jeclo 15. Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga — Guulane / Arab 16. Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga — Biciide / Habarjeclo 17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta — Makaahiil / Sacad Muuse 18. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka —- Cali Siciid / Habaryoonis 19. Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha —- Nuur Axmed / Dhulbahante 20. Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta — Habarjeclo 21. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka — Ciise Muuse 22. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha — Habarjeco 23. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — Habaryoonis Wasiir Ku Xigeenada 1. Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada — Subeer Celi / Arab 2. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha — Sacad Muuse 3. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — Ciidagale 4. Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha — Ayuub 5. Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada — Toljecle 6. Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta — Gabooye 7.Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — Ciidagale 8. Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka — Habar Jeclo 9. Sahal Maxamed jaamac Faraax wasiir ku xigeenka —- Habar JecloShan WasiirHabar Yoonis Saddex Wasiir Arab Laba Wasiir Ciise Muuse Laba Wasiir Sacad Muuse Laba WasiirCiidagale Hal Wasiir Dhul Bahante Saddex Wasiir Samaroon saddex Wasiir Ciise Hal Wasiir Warsangali Hal Fiiro Gaar ah : Beelaha Harti Daarood ayaa Xukuumada Mujaahid Muse Biixi ka helay 4 Wasiir, Beesha Dhulbahante ayaa heshay Wasiirka Waxbarasha, mida Hawlaha Guud iyo mida Biyaha, iyadoo laga qaaday Wasaaradii Arimaha Gudaha ee ay hore u hayeen, sidoo kale Beesha Warsangeli ayaa sii hayn doona Wasaarada Gaashandhiga oo ay hore u hayeen
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Qaraxii ka dhacay General Kaahiye, heshiis Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo gashay Nairobi, Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo arrimo kale. Kualanka ayaa intii uu socday waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda Federaalka, kuwaasi oo ka hadlay halka ay marayaan howlaha Wasaaradahooda. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dhibaatadii saakay ka dhacday Dugsiga Tababarka General Kaahiye, halkaasi oo uu isku qarxiyay nin ku soo labistay dharka Ciidanka, waxayna Golaha Wasiirada Askartii ku geeryootay Alle uga baryeen in Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo, halka kuwii ku dhaawacmayna ay u rajeeyeen caafimaad deg deg ah, Qaraxaasi waxaa ku geeryootay 17 Askari, sidoo kale waxaa dhaawac uu ka soo gaaray 17 kale. Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la baajiyay cayaartii dhexmari laheyd kooxaha Jubbaland iyo Galmudug, iyaga oo tilmaamay in dhibaatada lala qeybsanayo qoysaska ay dhibaatada soo gaartay. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Hay’adaha ammaanka in ay aqoonsadeen ninkii isku qarxiyay xerada Gen. Kaahiye, wixii kalena dib laga soo sheegi doono. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Golaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hay’adaha ammaanka oo aqoonsaday ninkii isku qarxiyay xerada Genal Kaahiye appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho, December 14, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayay falkii argagixiso oo saakay ruux naftii halige ah uu ku qaaday xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye. Waxuuna Weerarkaas ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska. “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre. Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Barriire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay. Weerarka deegaanka Barriire lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay ciidamo Mareynkanka oo ku sugan Soomaaliyo iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya. Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay adeega Baarista Danbiyada Badda in ay raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ciidamo Soomaali oo kaashanaya ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariirre ee gobolka Sh/hoose. Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Barriire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur. Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Barriire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley. Weerarkii Bariirre ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Mareynkanka ee Soomaaliya ku sugan iyo ciidamada dowladda Soomaaliya. Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa kooxda argagixisada Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Taliska Mareykanka Africom oo dalbaday in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Barriire appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa Sharaf ii ah inaan si guul ah u soo gabagabayno barnaamijka SMP ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo nagu toosinaya jidkii deymaha na looga cafin lahaa.Waan sii xoojinaynaa dadaalkeena si aan dalka iyo dadka u horumarino” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in si dhaqso leh dowladda Deymaha looga cafiyo, wuxuuna intaas ku daray intii badnayn shuruudihii laga rabay dowladda ay buuxiyeen. “Dowladda Shuruudo badan oo aasaas u ah in deymaha laga cafiyo way buuxisay, hase yeeshee waxaa jira qodob aad muhiim u ah oo aysan weli fulin kaas oo ah in ay marka hore bixiso deymaha sharciga ah ee dowladda looga leeyahay Gudaha dalka, intooda badanna waxaa ku leh ganacsato shacab ah”, ayuu yiri ganacasade ka mid ah kuwa dowladda ku leh deymaha oo sheegay in haddii aysan dowladda si dhaqso leh ku bixin deymahaas ay waxba dhaammi doonin dowladihii ka horreeyay oo ahaa buu yiri kuwa caddaaladda ka arradan. “Aad baan u soo dhoweynayaa in Soomaaliya ay ku guuleysatay in caalamku ku qanco hannaanka maamulka maaliyadda dalka kaasi oo xiliggan lagu maamulo nidaam leh daah-furnaan oo haddii shuruudaha inta dhimman la dhammaystiro keeni karta in dalka laga cafiyo deymaha mashaariic dalka waxtar u lehna laga fuliyo” ayuu yiri Guddoomiyihii Shirkadda Rajo Construction C/casiis Max’ed Xasan (Dhagaweyne) oo sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in dowladda ay si dhaqso leh uga helaan Magdhowgooda muddada 4-ta sano ku dhow kaga maqan. Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Max’ed C/llaahi Farmaajo intii ay jirtay waxay samaysay dadaallo fara badan, waxaase laga xusi karaa arrinta deymaha ee uu Wasiirka Maaliyadda, Mudane Beyle ka hadlay taasoo ah rajada dowladda ka qabto in laga cafiyo deymaha muddada dheer lagu lahaa oo uu Wasiirku sheegay in dhammaan intii badnayd shuruudihii ay la galeen Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay buuxiyeen inta yar ee hartayna dhowaan buuxin doonaan. Waa Dowladii ugu Horeysey oo si Cad Shacabkeeda u sheegta hanaanka au Dowlada u mareyso in Dhamaan laga cafiyo Deymihii lagu lahaa , hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaba hadii ay Bixiso Dowladd Deymaha iyo Magdhowyada lagu leeyahay ay imaan karto in Shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan in ay Dowlada siyaan Deymo islamarkaana ay Gudaan wixii Magdhow ah ee Dowlada lagu leeyahay. Sidoo kale waxay soo dhaweeyeen Bulshada Sharciga Maareynta Maaliyada kaasoo Horyaala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed sida darteed Ujeedka sharcigan ayaa ah in uu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira Maaliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoona dajinaya Mabaadi’da aasaasiga ah iyo Habraaci diyaarinta, ansixinta Miisaaniyadda Qaranka.Waxaa kale oo uu sharcigan dejinayaa habraaca kormeerka gudaha, Xisaabaadka, Warbixinnada iyo Dabagalka Dakhliga, Kharajka, Raasumaalka iyo Deymaha, sidoo kale mareynta deynta guud iyo Magdhowga Xukuumadda looga Baahan yahay. W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro Source
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirrada kaddib amrkii xilkan loo dhaariyay maalintii shalay ahayd. Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ka mid ah xubno ku jiray Xukuumadda Siilaanyo ee xilka wareejiyay Shalay waxaana ay gaarayaan ilaa shanwasiir. Sidoo kale Wasaaradaha uu magacaabay Muuse Biixi kama mid ah Wasiirka Madaxtooyada oo Xukuumadihii hore ee Somaliland ka ahaa midka ugu awoodda badan Golaha Wasiirrada. Aqriso Magacyada. The post Akhriso: Muuse Biixi oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada Maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muse Biixi Cabdi oo shalay xilka loo dhaariyay ayaa maanta magacaacay xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisa. Wasiirada cusub ee Somaliand ayaa ka kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku xigeen waxaana ku jira wasiiro hore oo ka tisanaa Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo. Hoos ka akhriso Liiska Golaha Wasiirada cusub ee Somland PUINTLAND POST The post Akhriso:- Muuse Biixi oo magacaabay Golihiisa Wasiirada appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed Sarreeye Gaas C/weli Jaamac Warsame ayaa ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxadda dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye. Taliyaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo Alle caafimaad uga baryey askartii kale ee ku dhaawacantay qaraxaasi. Dhanka kale, taliye C/weli ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay marwalbo u feejigan yihiin si ay u sugaan amniga guud e dalka. Qof soo xirtay jaakad walxaha qarxa ah ayaa isku qarxiyey barxadda dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahitye, waxaana halkaasi ku dhintey askat ka badan 10 iyadoo dhaawacna uu jiro. Goobjoog News Source
-
HARGEISA-— President, Col. Musa Bihi Abdi has finally named 32 persons to form his cabinet. The Cabinet list was released from the office of the presidency. The majority of cabinet ministers are new although certian ministers have been reinstated as they served in ex-president, Silanyo’s cabinet. Find below the full list of Cabinet ministers Minister of Trade and Industry – Mohamoud Hasan Sa’ad Minister of Finance – Yusuf Mohamed Erigay3. Minister of Defence –Isse Ahmed Yusuf Adale 4. Minister of Interior – Mohamed Kahin Ahmed 5. Minister of Endowment and Religious affairs – Sheikh Khalil Abdilahi Ahmed 6. Minister of Foreign Affairs – Dr. Sa’ad Ali Shire. Mr. Sa’ad aslo was the FM of Silanyo’s cabinet who made a comeback. 7. Minister of Agricultural Development – Ahmed Muumin Seed 8. Minister of Education – Yaasin Faratoon. He was the minister of interior of Silanyo’s last cabinet 9. Minister of Health – 10. Ministry of Family affairs – Ms. Hinda Jama Hirsi 11. Ministry of environment and Rural development– Ms. Shukri Bodare, She has also made a comeback as she served as holding this ministerial post in Silanyo’s cabinet 12. Ministry of investment and development– Mohamed Ahmed Mohamoud Awad 13. Ministry of Water Resources – Suleiman Yusuf Ali Koore 14. Ministry of Sports & Youth— Yusuf Mohamoud Nour 15. Ministry of Justice—— Abdikani 16. Ministry of Livestock –Hasan Mohamed Gafadhi 17. Ministry of Employment and Labour Relations – Ignatius Bafuor Awuah 18. Ministry of Public Works – Abdirashid Haji Du’ale 19. Ministry of information and national guidance– Abdirahman Abdilahi Farah Diriye 20 Ministry of Telecommunication and Technology– Dr. Abdiwali Sheikh Abdilahi 21. Ministry of Energy and Mineral— Jama Mohamoud Egal 22. Ministry of Constitutional Affairs– Mohame Haji Elmi 23. Ministry of Transport and Development– Abdilahi Abokor Osman Assistant Ministers Deputy Minister of Information and National Guidance– Mohamed Muse Abees, former state minister for presidency during Silanyo’s cabinet. Deputy minister of Livestock Ministry–Ms. Yurub Abiib Abdi Deputy Finance development ministry– Mr. Mohamed Dahir Deputy Education ministry- Abdikadir Mohamoud Dhagaweyne Deputy Health Ministry–Abdinasir Omar Rooble Deputy Transport Ministry–Sahal Mohamed Jama Faarah
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Somaliland ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirrrada, waxaana ka soo muuqday wejiyo cusub oo markii ugu horeysay ah. Halkan ka akhriso, magacyada qaar: Wasiirka arrimaha dibada: Sacad Cali shire Wasiirka Waxbarashada: Yaasiin Faratoon. Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta: Xasan ismaaciil warsame Wasiirka arrimaha gudaha: Maxamed Kaahin Wasiirka Gaashaandhiga: Ciise Axmed Yuusuf Cadale Wasiirka horumarinta maaliyada: Yuusuf Maxamed Cabdi Wasiirka cadaaladda: Cabdiqani.. Wasiirka diinta iyo awqaafta: Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Wasiirka Beeraha: Axmed Muumin Seed Wasiirka Howlaha Guud: Cabdriashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha: Yuusuf maxamuud Nuur Wasiirka Isgaarsiinta iyo technology: Dr Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Ganacsiga: Maxamuud Xasan Sacad Wasiirka Arrimaha Bulshada: Hinda Jaamac Xirsi Wasiirka xannaanada Xoolaha: Xasan Maxamed Cali Wasiirka Warfaafinta: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Diiriye Wasiirka deegaanka iyo horu marinta reer miyiga: Shugri baandare Wasiirka Biyaha: Saleebaan koore Yuusuf Cali Koore Liiskan oo dhameystiran, la soco goordhaw Goobjoog News Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo Kulankan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay saaxibkiis hore Mukhtaar Roobow. Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay. Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan. Mukhtar Roobow ayaa u bandhigay Axmed Madoobe qorshayaal ku saabsan qaabka loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida xilligan looga faa’ideysan karo fursadaha la heysto. Waxaa lagu wadaa in maanta uu kormeero ku tago meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, gaar ahaan xeryaha ciidamada, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho. Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Axmed Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi, ayaa maanta ku dhowaaqay liiska xubnaha golihiisa wasiiradda. Halkaan hoose ka akhriso. 1. Sacad cali shire wasiirka arimaha dibada 2. Yaasiin faratoon waxbarashada 3. Xasan ismaaciil warsame wasiirka Qorshaynta iyo horu marinta 4. Maxamed kaahin arimaha gudaha 5. Ciise Axmed Yuusuf Cadale wasiirka Gaashaandhiga 6. Yuusuf Maxamed Cabdi wasiirka horu marinta maaliyada 7. Cabdiqani wasiirka cadaalada 8. Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed wasiirka diinta iyo awqaafta. 9. Axmed muumin seed wasiirka horu marinta beeraha 10. Cabdriashiid xaaji ducaale wasiirka hawlaha guud 11. Yuusuf maxamuud Nuur wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada 12. Dr Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi wasiirka Isgaadhsiinta iyo technology 13. Maxamuud xasan sacad wasaarada ganacsiga warshadaha 14. Hinda jaamac xirsi wasiirka arimaha bulshada iyo qoyska 15. Maxamed axmed maxamuud cawad wasiirka horu marinta maal gashiga. 16. Xasan maxamed cali gaafaadhi wasiirka xanaanada xoolaha 17. Cabdiraxmaan cabdilaahi faarax diiriye wasiirka warfaafinta wacyi geinta iyo dhaqanka 18. Shugri baandare wasiirka deegaanka iyo horu marinta reer miyiga. 19. Saleebaan koore Yuusuf Cali Koore horu marinta biyaha. 20. Jaamac maxamuud cigaal wasiirka macdanta iyo tamarta 21. Cabdilaahi abokor cismaan wasiirka gaaddidka iyo horu marinta jidadka 22. Maxamed xaaji cilmi wasiirka arimaha dastuurka 23. Maxamed muuse abees wasiir xigeenka warfaafinta 24. Yurub Abiib Cabdi Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha 25. Maxamed daahir wasiir ku xigeenka horu marinta maaliyada. 26. Cabdiqaadir maxamuud dhaga wayne wasiir xigeenka waxbarashada 27. Cabdinaasir cumar rooble wasiir xigeenka horu marinta caafimaadka. 28. Sahal maxamed jaamac faarax wasiir xigeeenka gaadiidka iyo horu marinta jidadka. Fiiro Gaar Ah:- Waxa Jira Masuuliyiin La Magacaabay Oo Ka Maqan Liiskan Kuwaas oo aanu goor dhaw idiin soo gudbin doono. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 19 Askari oo ka mid ah Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday kaddib markii saaka uu Qof is miidaamiyay ku qarxay barxadda Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Ciidanka ayaa xilliga la weerarayay sameynayay Gaardis aroortii ah,waxaana sidoo kale ay isu diyaarinayeen Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20ka Bisha December. Sidoo kale Askar ka badan inta dhimatay ayaa ku dhaawacntay weerarkaas waxaana loo qaaday Isbitaallada Ciidanka ee Magaalada Muqdisho. Qof ka isqarxiyay ayaa watay dharka Ciidanka waxaa kale oo uu xirnaa Jaakad ay ku xiranyihiin waxyaabaha Qarxa,waxaa uu ku qarxay barxadda dhexe ee Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye. Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas waxaana ay sheegeen in askar badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay ku dileen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Immise ayey gaartay tirada ciimdadii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee General Kaahiye? appeared first on Caasimada Online.
-
Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Somaliyed ee General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho. Ismiidaamintan oo uu fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ku dilay tobanaan ka tirsan ciidamada Booliska Somaliyed. Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi iyaga ay fuliyeen, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo Boolis ah, khasaaraha weerarka ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan. “Mujaahidiinta ayaa Qarax xooggan ku beegsaday Maleeshiyaad ah xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskoola Boliisiyo khasaaraha ka dhashay weerarka dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab kasoo baxay. Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliya weli kama aysan hadlin ismiidaamintaan ka dhacday Dugsiga Tababarka ciidanka Booliska Somaliyed ee Magaalada Muqdisho. Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska Somaliya ayaa tagay goobta qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay, halkaasi oo ay ku qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shabaab oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray ismiidaaminta ka dhacday General Kaahiye appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka laabtay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo uu saxiixay saddex Maalmood ka hor. Xildhibaanka ayaa sheegay in uu garowsaday ka laabashada mooshinkaas oo sida uu sheegay uu ku deg degay markii hore hayeeshee hadda gartay in uu ka laabto. Shaacir ayaa sheegay in uu la dhacsanyahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo sida ay wax u waddo islamarkaana ay jirto sanad kaliya oo aan lagu deg degi karin mooshin hadda laga keeno. Xildhibaannada isaga la midka ahaa ee saxiixay Mooshinka ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay ka laabtaan,islamarkaana dowladda ka joojiyaan mooshinnada. Xildhibaanku ma sheegin sababta uu mooshin uga laabtay marka laga reebo in uu sheegay in uu iskiis u go’aansaday,waxaana sidoo kale jira Xildhibaanno kale oo saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Shaacir: “waan ka laabtay mooshinkii aan 3 maalin ka hor saxiixay” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Qarax ah oo lala beesaday maanta ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo isku diyaarinayay inay ku gaardiyaan gudaha dugsiga tababarka jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir. Weerarkan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 17-askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan; waxaana qaraxan uu noqonayaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo. Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo, C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha Qarxa, isla markaana uu khasaare ba’an u geystay ciidammo xerada la weeraray ku suganaa. Sidoo kale, Abuu-Muscab oo la hadlayay Reuters ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen 27 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil ka tirsan booliiska Somalia, isla markaana uu weerarkan ka mid ahaa kuwa ay ku doonayaan inay dowladda hadda jirta ku curyaamiyaan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in illaa 15 askari oo boolis ah ay ku dhimatay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Ruuxa weerarkan fuliyay ayaa iska soo dhigay askari, isagoo xirnaa dareyska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Waxaana ciidamada Qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo loo diyaarinayay inay ka qayb-qaataan Munaasabadda Maalinta Booliiska Soomaaliyeed. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in xilliga weerarkan uu dhacayay ay isku diyaarinayeen ciidamadan la weeraray inay gaardiyaan, balse taasi ma dhicin oo waa la weeraray, laakiinse waxaa khasaaraha inta uu ka badan lahaa haddii uu dhici lahaa qarxan xilliga gaardiska lagu jiro, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Somalia. Ugu dabeyn, Weerarkan ay Al-shabaab sheegatay oo ka dhacay barxadda lagu tababarto ee Dugsiga Jeneraal Kaahiye, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isku diyaarinayeen ciidamada booliiska xuska maalintooda oo ku began 20-ka bishan December. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegay mas’uuliyada Qaraxii Maanta lala beegsaday Dugsiga Jen. Kaahiye appeared first on Puntland Post.
-
Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani with the President of Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo. The meeting was held on the sidelines of the extraordinary summit of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held at the conference centre in Istanbul. The meeting reviewed the bilateral relations and the means to boost and develop them. In addition, the meeting discussed a number of topics of common interest. The President expressed his gratitude to H H the Emir for Qatar’s support to the Republic of Somalia and its government in order to establish a safe and stable state and its efforts to achieve sustainable development through supporting several developmental projects. The meeting was attended by Their Excellencies the delegation accompanying H H the Emir. From the Somali side, and the meeting was attended by a number of Their Excellencies the Ministers. Peninsula
-
Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa digniin xoogan kasoo shir magaalada Baydhabo lagu qabanayo oo lagu casuumay guddoomiyayaasha barlamaanada dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka ee Soomaaliya. Shirkaan oo uu qaban qaabinayo barlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya, ayuu aqalka sare ku tilmaamay mid halis ku ah nidaamka federalismka Soomaaliya islamarkaana aanu awood barlamaanka Soomaaliya u lahayn inay shirkaas iyagu qabtaan. Aqalka sare wuxuu ku eedeeyay barlamaanka Soomaaliya inuu isticmaalayo awoodihii aqalka sare islamarkaana ay u shaqeynayaan sidii inaanu jirin wax la yiraahdo aqala sare. Halkaan hoose ka akhriso war saxafaadeedka aqalka sare. Puntlandi.com
-
A suicide bomber disguised as a policeman blew himself up inside a police training camp in Somalia’s capital Mogadishu this morning and killed at least 15 officers, officials said. Police spokesman Major Mohamed Hussein said the attacker had explosives strapped to his body and infiltrated the General Kahiye Police Training Academy during an early morning parade. “So far 15 have died and 17 others were injured,” Abdullahi Nur, another police official, told Reuters. Earlier, the head of a local ambulance service said they had moved the bodies of 13 victims as well as 15 injured people. The militant Islamist group Al-Shabaab claimed responsibility for the attack and gave a higher death toll. “We killed 27 police [officers] and injured more,” Abdiasis Abu Musab, the group’s military operations spokesman, told Reuters. Al-Shabaab carries out frequent bombings in Mogadishu and other towns. The group, which is allied to Al-Qaeda, is waging an insurgency against the UN-backed government and its African Union allies in a bid to topple the weak administration and impose its own strict interpretation of Islam. The militants were driven out of Mogadishu in 2011 and have since been steadily losing territory to the combined forces of African Union peacekeepers and Somali security forces.
-
Weerar Ismiidamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababbay ayaa saaka lagu qaaday Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho. 17 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 17 kale, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay inuu tagay goobta weerarku ka dhacay. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay halkaasi ku dileen 27 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay. Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan la la beegtay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Muqdisho, marka laga reebo qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Ciidamada weerarka la la beegsaday ayaa isu diyaarinayay xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20 December. PUNTLAND POST The post 17 Askari oo ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga Taliyaha ayaa socdaalkan ku weheliyaha Saraakiil sare sare oo ka tirsan Puntland kuwaas oo qayb ka ah Sagoontinta ciidamada Booliska ee dawlada Federalka Soomaaliya qayb uga noqonaya Isku dhafka ciidamada xooga dalka Soomaaliya. 2,400 Askari iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta munaasibad lagu soo dhawaynayo ay ka socotaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Soo dhawaynta masuuliyiintan kadib ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan inta aysan ka bixin magaalada Gaalkacyo inay maamulada Puntland iyo Galmudug la qaataan kulamo Goos Goos ah kuwaas oo hordhac u ah Nabad Galyada gobolka Mudug. Puntlanddi.com
-
Muqdisho (Puntlandi) Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay nin ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa ka dhacayMuqdisho. waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen 17 askar ah. Weerarkaan ayaa ka dhacay Akadamiyada ciidanka General Kahiye, halkaas oo uu ciidan katirsan kuwo booliiska tababar loogusoo xirayay. Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Mohamed Hussein , ayaa sheegay ismiidaamiyuhu inay usoorto gashay inuu gudaha usoo galo xarunta tababarka ciidanka, waxaana uu sheegay dadka dhintay inay ku jiraan saraakiil ciidan. Askarta ku dhimatay falkaan ayaa la sheegayaa inay intaas kasii badan tahay, dhaawacuna wuxuuna marayaa 15 askari. Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan. Waa markii labaad oo Alshabaab isku qarxiyaan goob ciidan tababar loogu hayay. Puntlandi.com
-
Afar iyo toban qof oo is kugu jira caruur iyo dad waayeello ah ayaa 24 saac ee ugu dambeysay ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Cudurkaan ayaa sidoo kale soo ritay ku dhawaad 80 kale oo qof kuwaasi oo ku nool magaalda Baledweyne iyo deegaannada hoos yimaada sida ay sheegeen maamulka Isbitaalka Baledweyne. Dadka uu soo ritay cudurkaani ayaa qaarkood waxaa la dhigay Isbitaalka,halka qaarka kalana ay yaallaa xaafadaha. Dr Axmed Khaliif oo ah agaasimaha Isbitaalka Baledweyn ayaa sheegay tirda dadka u dhintay cudurkaani . “Waxaan ku talo galnay maanta inaan soo aragno dhibaatooyin laga sheegayo degmada Baledweyne inta aan ognahay waxaa u dhimatay toban qof waxyaabaha keenay dhibaatada waxaa ugu wacan nadaafad xumida ka jirta deegaanka, waxaa kaloo u sabab ah nafaqo darro dadka u sii dheer”. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dilaacay gobolka Hiiraan cudurka shuban biyoodka waxaa uuna soo ritay dad badan oo is kugu jira caruur iyo da’ waxaana u dheer cudurka nafaqo darro baahsan oo ay dadkaani la il daranyihiin taasi oo sii xoojineyso inay kororto dhimashada. Goobjoog News Source