Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saxiixa heshiiska Qadar iyo SoomaaliyaDowladnimada Soomaaliya wixii ka danbeeyey dowladii uu madaxweynah ka ahaa Eebe ha naxariistee Maxamed Siyaad Bare ma jirin heshiis rasmi ah oo lagu maalgalinayo dalka ama lagu siinayo dowladihii soo maray dalka dhaqaale wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax loogu qaban karo. Laga soo bilaabo dowladii Carte ee Cabdiqasim Salaad Xasan madaxweynaha ka ahaa ilaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ma jirin heshiis dhaqaale ee dhanka horumarinta iyo kaabayasha dhaqaalaha ku baxaya oo dowladdu la gashay dowlado kale ama hay’ado caalami ah oo noqda mid miro dhal ah, ama waxaa ku xirnaan shuruudo aan laga bixin karin fulintooda. Heshiika shalay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta mudane Jamaal Maxamed Hassan iyo Agaasimaha Sanduuqa horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ku dhex maray magaalada Muqdisho kaasoo gaaraya $ 200,000 milyan oo doolar oo wax looga qabanayo dhismaha wadooyinka isku xira Muqdihso Jowhar, iyo Afgooye iyo Muqdisho isla markaana dib u dhis balaaran lagu samaynayo xarumaha dowladda ee ku burburay dagaalada sokeeye ayaa wax weyn ku soo kordhinaya horumarka dalka. Heshiiskaan ayaa calaamad u ah garab istaaga aan shuruudu ku xirnayn ee walaalaheena Qadar ay la garab istaageen shacabka Soomaaliyeed. Aan dib u milicsano heshiiskii (New Deal) ee Dowladii hore ay gashay kaas oo lagu saxiixay aduun gaaraya 2.5 Bilyan oo dolar, oo wadamada deeqda bixiya ugu wanqaleen wax ka qabashada amniga, horuamrinta adeega bulshada, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, kor u qaadida tayada hay’adaha dowlada iyo gar gaarka bani aadantinimo. Mudadii 4-ta sano ahayd ee uu socday barnaamijkaas ma jirto ilaa iyo hada wax la taaban karo oo dalka looga qabtay lacagta intaas le’eg, waxaana dhaqaalahaas badankiisu ku baxay shirar ka dhacaya dalka dibadiisa iyo gudihiisa, la taliyayaal sare oo ka socday caalamka, diyaarado maalinba meel u duulayey, waxaa xusid mudan in diyaaradaha qaarkood malin kasta looga soo shaqo tagi jiray magaalada Nairobi galabtiina ay rawaxin jireen shaqaalaha ajanabiga ah. Dowladan cusub ayaa gabi ahaanba iska diiday in shirkii bisha May, 2017-kii ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska in Soomaaliya la galiyo barnaamij la mid ah New Deal, waxaase taa badalkeedu dowladu dalbatay in lagu taageero “Qorshaha Horumarinta Qaranka” (National Development Plan) oo ah barnaamij Soomaalidu leedahay oo ay dajisay Wasaarada Qorshaynta ee XFS, waxaana ay ku wargalisay beesha caalamka ciidii rabta in ay Soomaaliya taageerto wixii dhaqaale ay u soo marsiiso halkaas si wax looga qabto meelaha mudnaanta u kala leh dowladda. Lacagtii ugu badnayd ee hal mar la siiyo dowladii hore ayaa ahayd in ($ 50 milyan oo doolar) oo ay bixisay dowlada sucuudiga, lakiin shuruudaha ku xiranaa lacagtaas ayaa ahayd in la gooyo xiriirka siyaasadeed ee Dowladda Iraana la leedahay Soomaaliya, waxaana go’aankaas lagu fuliyey in kayar usbuuc. Halka ka akhriso lifaaqa qoraal ay soo qortay Rauters xiligaas.https://www.reuters.com/article/us-somalia-saudi-iran/somalia-received-saudi-aid-the-day-it-cut-ties-with-iran-document-idUSKCN0UV0BH. Waxaa kale oo jiray lacago aan badnayn oo cadaan ah oo soo galay dalka, kuwaas oo dhamaan watay shuruudo adag. Waxaase marna la ilaabi karin in dowlada Turkiga oo ah dowlada kaliya ee kabta Miisaaniayadda dowladda sanad kasta aysan wax shuruud ah ku xirin gar-gaarka ay siiso Soomaaliya, waxayna dalka ka qabteen wax la taaban karo laga soo bilaabo 2011-kii. Dowlada Soomaaliya oo ku fa’iiday Siyaasadii dhex dhexaadnimada ahayd Dad badan oo siyaasada gobolka iyo tan caalamka u dhuun daloola ayeey ku noqotay lama filaan kadib markii dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqay in khilaafka ka dhaxeeya dalalka khaliijka ay dowlada Soomaaliya qaadatay door dhex dhexaadnimo. Waxaa durbaba la isla dhex yaacay warar been abuur ah oo sheegaya in Soomaalida ka shaqaysata Sacuudiga la soo tarxiilayo dhamaantood, in ganacstadii xafiisyada ku lahayd Dubai waqti ay dalka uga baxaan loo qabtay, in xoolihii Soomaaliya ee Sucuudiga aadi jiray la joojinayo, in lacago badan lagu bixinyo sidii dowlada looga keeni lahaa mooshin, iyo in maamulada gobolada dhaqaale la siin doono si ay uga horyimaadaan dowladda, balse taa badalkeeda dowlada waxay u noqotay guul in go’aankaas ay qaadatay una soo hooyey magac iyo sharaf weyn, waxaana meesha ka muuqatay in Soomaaliya ay noqoto wadan lala tacaamuli karo madaama go’aankooda ay u madax banana yihiin, waxaana dowladu ku guulaystay in ay xiriir saxiibtinimo la yeelato wadamada dariska ah oo dano kala duwan wata iyo dalalka khaliijka oo khilaaf xuni soo kala dhexgalay. Dhinaca kale waxaa jiray dad yar oo qabay in “Waa Baahanahay aan Bakhti loo cunin” Go’aanka Soomaaliya qaadatayna u arkay mid ka turjumaysa qab-weyni iyo sharaf, mid ka turjumaya madax-banaanida dalkeena, mid ka turjumaya go’aan qaadashada madaxdeena iyo mid ku qotoma inaan soor quureed la qaadan. Dalalkaan khaliijka ee dirirta siyaasadeed dhex martay ayaa dhalyo ahaan, dhaqan ahaan, is dhexgal bulsho ahaan, darisnimo, carabnimo iyo ceelasha saliida oo dhuumahoodu isu wada daloolaan aysan kala maarmi karin oo ay mar uun heshiin doonaan, sidii Sacuudiga iyo Sweden uga heshiiyeen xurguftii siyaasadeed oo dhexmartay June, 2015-kii, taas oo horseeday in Soomaaliya ay ku canbaarayso Sweden waxaana dowladda Soomaaliya tiri xiligaas “Dowlada Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa oraahda ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, taas oo la xariirta inuu dhexgalo arimaha Sacuudiga. Dhaqaka noocaan ah wuxuu si cad u mamnuucayaa cadooyinka siyaasadeed iyo sidoo kale sharciga caalamiga ah ee u dhaxeeya wadamada” Waxaan xasuustaa xiligii Dowladda Cabdullahi Yusuf Axmed AUN Madaxwynaha ka ahaa oo ay daganayd magaalada Jowhar 2005-tii, ayaa waxaa booqosho noogu yimid safiirka Shiinaha u fahdiya Kenya, wuxuuna noo keenay jeeg ay ku qoran tahay $100,000 (Boqol Kun oo dollar) waxaana loo qabtay xaflad lagu gudoonsiinayo dowlada lacagtaas. Waxyna maalinkaas noogu dhignayd marka loo fiiriyo duruufta dhaqaale ee xiligaas jirtay mucaawino aad u balaaran oo naga soo gaartay dalweynaha Shiinaha. Hada marka la fiirsho baahiyaha ay Soomaaliya qabto ee dhan kasta ah $ 200,000 Milyan maahan lacag badan, balse wadan ku dhiiraday inuu intaas bixiyo waxaan u ahayn abaal weyn, taariikhada ayaana xusi doonta deeqda Qadar ay bixisay. Gabagbadii, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyey siyaasada arrimaha dibaada, wuxuuna salka u dhigay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya caalamka iyo dalalka aan dariska nahay. Waxaan sidoo kale amaan iyo bogaadin u soo jeedinaya dowladda Qadar oo si deeqsinimo ah dhaqaale aad u faro badan ugu deeqaday Soomaaliya, dhaqaalahaas oo noqonaya kii ugu badnaa oo hal mar la siiyo dowlada Soomaaliya. Waxayna daliil u tahay in dowladnimada Soomaaliya ay qaangaar noqotay isla markaan abuurtay jawi hufnaan iyo is aaminaad ku dhisan. Waxaan aad u rajaynaa inaan la dayicin fursadan oo qandaraaska lagu bixinayo dhismaha wadooyinka la siiyo shirkado aqoon durugsan u leh dhismaha laamiyada si xorr ah oo xalaal ahna loogu tartamo. By Diraac Fagaase The post Faallo:- Qaaraanka ay Qadar ku deeqday, qofba si u qaaday appeared first on Puntland Post.
  2. Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Dalka Ivory coast ee Galbeedka qaaradda afrika. Madaxweynaha iyo wafigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo xaaladda wadanka Soomaaliya iyo tan afrika. Shirkaan oo u dhaxeeya Madaxda afrika iyo Yurub ayaa la sheegay in looga hadli doono Guud ahaan xaalada siyaasadeed mid dhaqaalo iyo dhinaca amniga ee wadamada Africa waxaana wadamada xoogga lagu saarayo ka mid ah Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka jeediyo khudbad ku saabsan Xaalada Soomaaliya, dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaa madaxda qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Ka Qeyb Galaya Shir u dhaxeeya Madaxda Afrika iyo Yurub oo Ka Dhacaya Ivory Coast appeared first on Puntland Post.
  3. Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacday gobolka Bari aya a lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ISIS (Daacish). Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Puntland iyo Mareykanka ayaa ka dhacday deegaanka Boholle oo 70 KM dhanka bari ka xigta degmada Boosaaso. Wali lama shaacin magaca taliyahan ka tirsanaa Daacish ee duqeynta lagu dilay. Muddooyinkii dambe waxaa la ballaariyay howl gallada ciidan ee cir iyo dhulba leh ee lagu bartilmaameedsanayo Alshabaab iyo Daacish. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab ayaa lagu laayay meel u dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ka dib duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday saldhig ay ka soo abaabulayeen weerar ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegaya in Alshabaab iyo saraakiishooda sar sare ay bilaabeen in ay raadsadaan meel ay gabbaad ka dhigtaan, ka dib markii ay joogto noqdeen weerarrada cirka iyo dhulka ee ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo xulafadeedu. PUNTLAND POST The post Duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Daacish iyo ilaaladiisa appeared first on Puntland Post.
  4. Maxkamad ku taala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay dambi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah. Maxkamadda ayaa sheegtay in labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka Soomaaliga ah weeraray ay soo gaareen dhaawacyo kuwaasoo markhaati furayaal ka ahaa dhageysiga dacwada kiiska ninkan Soomaaliga ah. Sidoo kale Xeer ilaalinta maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbiga lagu soo oogay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo bareer ah, iyo inuu dhaawac u geystay dad aan waxbo galabsan. Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay ee ah inuu rabay inuu dil geysto, balse waxaa maxkamada ka markhaati furay dhowr kamid ah dadkii goobjooga ka aha dhacdadaas. Maxkamadda kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa sidaan oo kale xukuno ugu riday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal dambiyeedyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaliyeed oo Lagu Xukumay 10 sano oo Xabsi ah Dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
  5. Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka kenya dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ka Tirsan Ciidamada Kenya oo marayay wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu. Weerarka ayaa ku bilowday miino dhulka ku aasneed oo la kacday mid kamid ah Gawaaridda Ciidamada Kenya waxaana xigay dagaal toos ahaa oo dhexmaray ciidamada Booliska Kenya iyo ragii ka tirsanaa Al-shaabab. War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay sedax gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada. “Al-shabaab ayaa weerar lagu gubay sedax gaari oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya ka fuliyay inta udhaxaysa deegaannada Wittu iyo Gamba ee gobolka Lamu” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Wali wax war ah kama soo bixin Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay lamu ay shabaab geysteen. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Jidka u Galay Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Kenya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed ”Odawaa” ayaa ka hadlay wadahadalka magaalada Jabuuti uga socda maamulada Galmudug iyo Ahlusuna. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad usoo dhaweynaayo wadahadalada ka furmay Jabuuti ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna. Waxa uu Odawaa sheegay inay muhiim tahay in labada maamul ay xiligaan wada garteen xaqiiqda iyo faa’iidada ku jirta in la heshiiyo waxa uuna ku taliyay inaan lagu kala tagi wadahadalka socda. Waxa uu Xildhibaanka tilmaamay in qaabka ay hadda wax u socdaan ay ka dhadhaminkaraan inay jirto rajo ku aadan midow iyo kala danbeyn dhexmara labada dhinac. Waxa uu sheegay inay rajeynayaan in wadahadalada ka furmay Jabuuti inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo u horseeda dadka Galmudug Midnimo. Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaadato heshiisiinta labada dhinac iyadoo la eegaayo danta guud maadaama ay iminka muuqato isku soo dhawaansho. Haddalka Odawaa ayaa imaanaya xili dhawaan Hogaamiyaha Ahlusunna uu shaaciyay inay la midoobayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay qaadan doonaan dhaliilahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Militants loyal to the Al-Qaeda linked Al-Shabaab have reportedly fled to the central region following the US airstrikes on their bases in southern Somalia. The commander of Somali National Army (SNA) in Hiran region, Gen Mohamed Ahmed Tredishe, stated that they had received reports of the Al-Shabaab militants vacating parts of Hiran. “Villagers and pastoralists have been reporting that militants who appeared to have abandoned their bases in southern Somalia have reached some areas in the central region,” said Gen Tredishe at a press conference in Beledweyne town, the capital of Hiran region. Beledweyne town lies some 335km north of Mogadishu. Further north There were reports that the jihadists also wanted to move further north to Galgaduud and Mudug and even to the northeastern regions in the semi-autonomous Puntland State. “We will not allow Al-Shabaab militants to hide in the mountainous area of the central regions or move on to the eastern regions,” stated Gen Tredishe. The fleeing militants are said to have come from the Al-Shabaab bases in Lower Juba, Gedo and Lower Shabelle, the scenes of recent bombardment by US drones supporting the government of Somalia and the African Union forces (Amisom). Last week, a US defence official was quoted by CNN, saying the strike on an Al-Shabaab training camp was carried out by a manned aircraft, killing 100 militants. The fight The strike reportedly occurred 125km northwest of Mogadishu. Since October 14 when a huge car bomb killed nearly 400 civilians in Mogadishu, the Somali government and Amisom troops have initiated more aggressive military campaigns against the jihadists. In March, President Donald Trump enhanced the US military’s authority to intensify airstrikes in the fight against the Somali insurgents. Source: – Theeastafrican
  8. The Qatar Development Fund (QFD) has pledged to support the Somali economy through a package of $200m worth of projects in the fields of infrastructure, education, economic empowerment, By signing a partnership agreement with the Somali Government aimed at strengthening its efforts in the area of ​​stability and economic development. The agreement was signed by H E Khalifa bin Jassem Al-Kuwari, Director General of the Qatar Development Fund and HE Jamal Mohammed Hassan, Minister of Planning, Investment and Economic Development, representing the Somali government. The project includes the implementation of several developmental projects including the construction of the Mogadishu-Jawhar road for 90 km, the Mogadishu-Afgoy road with a length of 30 km, the rehabilitation of the prime minister’s building, the rehabilitation of the Ministry of Planning, Investment and Economic Development, the rehabilitation of the Mogadishu municipality building, And building the building of the Diplomatic Institute in addition to supporting the Silatech Foundation to empower unemployed youth through vocational and technical training projects in the various Somali government and states. The projects will also include the signing of a memorandum of understanding to support education programs in Somalia between the Qatar Development Fund and the Education Foundation above all. H E Khalifa bin Jassim Al-Kuwari, Director General of the Qatar Development Fund (QFD) said that this commitment is part of the commitment of the State of Qatar to the brothers in the Somali government and people. It is an extension of a number of development projects between the two countries. Economic empowerment and job creation for youth and empowerment of women. He added that the State of Qatar is keen to strengthen the efforts of the Somali government to achieve its national interests. “We are grateful for the support of the State of Qatar over the past years,” said HE Jamal Mohammed Hassanouser, Minister of Planning, Investment and Economic Development of Somalia. He also stressed that the bilateral relationship between the two countries has been outstanding. He also praised the support provided by the State of Qatar in other fields, Humanity, education and health to restore Somalia’s health. Source – The Peninsula Qatar
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee uu yeelan doono maamulka. Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa bilaabay shirinta qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka mid noqon doona Golaha Wasiirada ee hadda ku sugan magaalada Jowhar. Waare ayaa lagu wadaa in 24 saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadiisa iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle. Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim ”Balcad” oo ka mid ah Xildhibaanada HirShabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in mudo 48 saac gudahooda la magacaabi doono Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle. Xildhibaan Balcad, ayaa sheegay in Waare uu la tashtay xitaa Xildhibaanada isla markaana aanu u harsaneyn la tashiyo kale magacaabis mooye. Waare ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo wadatashi ah oo uu la qaadanayay waxgaradka iyo xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle, isagoo kala hadlayay sida ugu wanaagsan ee loogu soo dhisi karo Golaha wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Dowladda Puntland ayaa gashay feejignaan oo ka dhan ah qatarta amni ee kaga imaan karta firxadka maleyshiyaadka Alshabaab ee ka baxsanaya duqaymaha Maraykanka uu kula beegsanayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. iyagoona doonaya inay gabbaad ka helaan buuraleyda Golis. Sida warsidaha Puntlandi uu xogta ku helayo waxay dowladda Puntland xoojisay ammaanka baraha kantaroolada ee lagasoo galo Puntland, waxaa kale si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Sargaal katirsan hay’addaha amniga oo ka gaabsaday inaan xusno magaciisa ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in dowladda Puntland loosoo gudbiyay xog ku saabsan boqolaal katirsan Shabaab inay iskudayayaan inay gaaraan Galgala, “Puntland ciidankeeda iyo sirdoonkeedu si aad ah ayuu ula socdaa halista argigixisada. Waxaan idiin xaqiijin karnaa in sirdoonka dowladda federalka soo gudbiyeen farriin amni oo ku saleysan in laga digtoonaado dagaalamayaaal shabaab ah oo iskudayaya inay si shacab ah ku galaan Puntland, kadibna usii gudbaan buuraha Golis. Dowladda Maraykanka ayaa labo jibaartay duqeymaha ka dhan ah kooxaha argigixisada ah, iyadoo arrintaan ay keentay inay isisoo dhiibaan boqalaal katirsan argigixisada oo adkaysan waayay duqeymaha isdaba jooga ah ee Maraykanka la beegsanayo xarumaha argigixisada ku sugan yihiin. Puntlandi.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta magaalada Nairobi kaga sii socdaalo dalka Ivory coast, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa. Madaxweyne Farmaajo oo ka bixi doona magaalada Nairobi ayaa la filayaa in mudada uu ku sugan yahay dalka Ivory coast uu halkaa uga qeybgalo shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. Shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub oo ay marti ku yihiin Madaxweynayaal dhowr ah, ayaa waxaa looga hadli doona arrimo khuseeya xiriirka labada qaaradood ee uu shirka khuseeyo. Shirka ayaa qodobada looga doodi doono waxaa kamid ah xaaladaha ka taagan Somalia iyo kaalinta wax ka qabadkeeda kaga aadan dowladaha uu shirka u dhexeeyo. Madaxda lagu marti galiyay Khudbada ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo oo Khudbadiisa kaga warami doona xaalada dhabta ah oo ay ku shaqeyso dowladiisa iyo waxyaabaha la gudboon. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ivory coast, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalkaasi tan iyo markii loo doortay xilka, waxaana xusid mudan inuu noqon doono Madaxweynaha ugu horeeya ee socdaal ku gaari doona Ivory coast. Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa xaalado kala duwan oo ay ka dhaxashay burburka dowladii Dhexe, waxaana iminka u bilaabanaaya dadaaladii ay ku baadi goobi laheyd degnaanshiyaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo xiligaa ku guda jiray howlgal. Maleeshiyaadkan oo ku hubeysnaa Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la xaqiijiyay inay wadada u galeen gaadiidkas. Maleeshiyaadka ayaa weerarka qaaday xili ay ciidamada marayeen wadada xiriirisa degaanada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan Gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu. Ciidamada Kenya ayaa weerarka inta uu socday looga gubay Seddex gaari nooca dagaalka, halka laga dilay askar tirro ahaan lagu sheegay 11 oo la socday gaadiidka. Ciidamada ayaa weerarka looga dhaawacay Todobo Askari, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska xili ay ka warbixinayeen sida ay wax u dhaceen. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka looga dilay 6 maleeshiyo oo la sheegay inay sababsadeen qoriga loo yaqaan Sabanka oo ay adeegsadeen ciidamada Kenya. Geesta kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaan weli ka hadal khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka Kenya ay ka qiratay dhabar jabka soo gaaray. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago wadanka Ivory coast, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub. Shirkaan ayaa looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood, waxaana sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono shirkaan kamid ah xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  14. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Garowe. Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari yar oo ay la socdeen dadka shilkaan galay, kuwaas oo maydkooda iyo dhaawacooda la geeyay isbitaalka guud ee Garowe. Gobolka Nugaal ayaa noqday meelaha ugu badan ee ay shilalka ka dhacaaan. Puntlandi.com
  15. Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen gabaldhacii Taladaada (shalay) kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya. Ciidamada Kenya oo marayey waddo isku xirta Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa la sheegay in dagaal xooggan ay kala kulmeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Larry Kieng, taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu ayaa sheegay in markii Al-shabaab soo weerarayeen ciidankooda ay galbinayeen Basas badan oo shacab saarnaa, waxaana meel howt ah uga soo baxay dagaalyahanno hubeysan. Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 4 kamid ah ciidamada Kenya, sidoo kalena laga gubay Saddex gaaro. Taliye Kieng waa uu beeniyey in dhankooda gaadiid laga gubay, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay nabad qabaan dhammaan shacabkii ay galbinayeen. Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, iyadoo marar badan sidan oo kale ay u weerareen gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya. Goobjoog News Source
  16. Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka golaha wakiillada Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay ka maqnaanshiyaha deegaanka dhammaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulkaasi oo hadda midkoon aanu joogin. Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka ay jabiyeen qodob kamid ah dastuurka, maadaama ay dhammaantood ka maqan yihiin degmada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug. Xildhibaanka ayaa uu sidoo kale sheegay in madaxdan ay ka tallabsadeen dastuurka, islamarkaana ay doonayaan in wax walbo lagu xalliyo xeer jajab. “Arrintaan Dastuurka Galmudug waa ay ku caddahay, waxaana aad uga hadlay qodobka 53-aad kaas oo tilmaamaya sii haynta xilka madaxweynahana, wuxuuna ka kooban yahay Afar qodob, waxaana ugu horreeya hadii madaxweynaha maqanyahay waxaa xilka sii hayna ku xigeenkiisa, haddii ay Labadooda maqan yihiin waxaa sii haynaya guddoomiyaha baarlamaanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahay waxaa sii haynaya guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, kan ugu dambeeya waxa weeye in madaxdaan kor lagu xusay aanay Hal mar dalka ka maqnaan karin” ayuu yiri Xildhibaan C/wahaab. Ugu dambeyn, Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud ayaa sheegay in haddii la fuliyo sharciyada lagu heshiiyo uu meesha ka baxayo wax walbo oo khilaaf ah. Goobjoog News Source
  17. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa Goobjoog u faah faahiyey kormeer ay ku tageen xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Ciise iney soo arkeen dhallinyaro aqoonyahanno ah, dhaqan wanaagsan ka muuqda, Soomaali oo dhan ka kooban oo lagu tababaro halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qeybaha ay xeradaasi ka kormeereen ay kamid tahay dhanka tababarka ciidamada Cirka, balse fasalladii tababarkaasi loogu talogalay aanay cidna joogin, isaga oo sheegay in saraakiishii halkaasi ku sugneyd u sheegeen in kaliya ay dowladda Federaalka ka sugayaa raggii dhanka cirka loo tababari lahaa. “Muhiimad ugu weyn waxay ahayd inaan aragno inaan dalka gudahiisa ku leenahay xaro aan ku tababarano ciidamada, waxaan soo aragnay tababaradii socday, laakiin dhinac ciidamada cirka fasaladoodii cid fadhida malahan, waxayna inoo sheegeen in dhankeena oo kaliya la sugayo inaan soo dhammeystirno dadkii loo xuli lahaa arrintaasi” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise. Xerada ciidan ee Turkiga ka furay magaalada Muqdisho ayaa ah xero aad u weyn, waxaana lagu tababari doonaa ciidamo badan oo Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
  18. Dowladda Maraykanka, gaar ahaan taliska ciidamadaasi ee ku sugan Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya iyo sidoo kale ilaaladiisa. Waxaa qoraalkan lagu xaqiijiyey in duqeyntii ka dhacday todobaadkii tagay saldhig ay daacish ku lahaayeen deegaan 70KM qiyaastii u jira magaalada Boosaaso ay ku dileen sarkaalkan iyo 15 kamid ah ilaaladiisa. Magaca sarkaalkan ma aanay sheegin, balse waxay xaqiijiyeen in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan. Dowladda Maraykanka ayaa maalmahan dambe waxay dalka ka wadday howlgalka dhanka cirka ah oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la bartilmaameedsanayaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo saraakiishooda. Goobjoog News Source
  19. Wasiirka gaashaadhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay gantaalka is kaga gudba qaaradaha,waxa uuna arrintaasi ku tilmaami handadaad ka dhan ah amniga caalamka. Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa horay u sheegtay in gantaalka ay tijaabisay kuuriyada waqooyi uu jarayo masaafo dhan 1000 KM ka hor inta uusan ku dhicin badda Japan. Saakay oo arbaco ah ayaa waxay tijaabisay Kuuriyada waqooyi gantaalka is kaga gudba qaaradaha,arrintaani ayaa ka dhalatay ka dib markii Kuuriyada ay si is daba joog ah ay u tijaabineysay gantaalada ridada dheer,kuwaasi oo keenay inay ka dhexdhalato xiisad kuuriyada waqooyi iyo qaar ka mida wadamada caalamka. Hadalka ka soo baxay wasaaradda gaashaadhigga ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii madaxweyne Trump iyo mas’uuliyiin waaweyn oo ka tirsan aqalka cad ay isla gorfeeyeen gantaalkii ay tijaabisay saakay kuuriyada waqooyi. Source
  20. Madaxda Sacuudiga ayaa siidaayey Amiir Mutaib bin Abdullah oo ahaa wasiirkii hore ee ilaalada qaranka Sacuudiga ka dib 3 todobaad oo uu xirnaa sida ay sheegeen mas’uuliyiin sacuudiyiin ah. Mas’uul sare oo ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in Amiir Mutaib bin Abdullah siideytiisa ay timid ka dib markii lagula heshiiyey inuu bixiyo lacag ka badan 1 bilyan. Ilo wareedyo horu dhac ah ayaa waxay sheegayaan in madaxda Sacuudiga ay heshiis la galeen maalqabeennada ay heystaan,kaasi oo ah in lacag ay ku badashaan xoriyadooda. Madaxda Sacuudiga ayaa 4 November waxay xabsiga dhigeen toban qof oo is kugu jira amiiro hore wasiiro boqortooyada ka tirsan ganacsato kuwaas oo lagu eedeeyay inay lagaha kula jiraan musuq-maasuq. Boqorka sacuudiga ayaa ku dhawaaqay olole lagu soo xirxirayo dadkaani waxaa uuna magacaabay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa. Dadka la soo qabtay ayaa waxay gaarayeen 11 qof oo amiiro ah waxaana ku jira ganacsadaha billionairka ah ee Al-Waleed bin Talal Source
  21. Last week, the Republic of Somaliland’s independent National Electoral Commission announced the result of our country’s presidential election, which took place on November 13. For a sixth consecutive occasion since 2003, Somaliland’s citizens participated in multi-party and largely peaceful elections, certified as free and fair by a 60-strong team of international observers, the result of which has been accepted by all three parties who entered candidates. Just as notably, in a world first, the elections employed pioneering iris-recognition technology to register and identify voters, which is testament to Somaliland’s commitment to investing its resources in democratic institutions and the rule of law. I am honoured to have been chosen by Somalilanders as their next president. Amid the celebrations on the streets of Hargeisa, my transition team has already begun the hard work of preparing to hit the ground running following my inauguration next month. We are under no illusions about the scale of the challenges facing Somaliland. Despite the peace and stability largely prevailing in Somaliland, security remains the paramount concern for many international actors in the Horn of Africa. The instability and terror campaign perpetuated by al-Shabaab beyond our southern border, in Somalia, and the acts of piracy across our coastline to the east, make us acutely aware of Somaliland’s role in supporting international efforts to combat these forces. My administration will remain committed to this agenda and continue to invest in security measures to protect our citizens and members of the international community residing and doing business in our country. The economic headwinds facing Somaliland are equally fundamental. Our per-capita GDP is one of the lowest in the world. Unemployment is far too high, particularly among the 70 per cent of the population below the age of 30. We are overly reliant on our livestock sector. Food constitutes Somalilanders’ single largest expense, but is increasingly imported, compounding the impact of currency depreciation on household budgets. The World Bank describes Somaliland’s private sector as “dynamic and highly entrepreneurial”, but its more than 90 per cent contribution to GDP reflects an absence of state investment. To combat these dynamics, we will invest in Somaliland’s infrastructure to stimulate growth and create job opportunities. We anticipate that the development of roads, electrical grids, and both existing and new ports along our 850km of coastline will accelerate growth and help rebalance our economy. Somaliland also faces a public health crisis, exacerbated by the Horn of Africa recently suffering its most severe drought in 35 years. A life expectancy of 50 years is significantly lower than elsewhere in sub-Saharan Africa, while a devastating 9 per cent of children do not live to the age of five. My administration will equip the Ministry of Health with the resources to radically lower infant mortality rates and promote greater access to clean water, particularly across rural communities. Similarly, educational attainment is lower in Somaliland than similar countries in the region. We aspire towards academic excellence and will introduce reforms to expand the literacy rate and improve the quality of our primary, secondary and tertiary educational institutions. Investment in our social infrastructure is, however, contingent on our ability to attract international investors to Somaliland’s shores. The $442m investment from DP World in the Berbera Port was an important milestone in our efforts to establish Somaliland as a hub for inward investment on the Horn of Africa — creating a strategic and secure location for infrastructure and an entry point to access the wider east Africa market. We have developed important trading partnerships with the United Arab Emirates and Ethiopia of late, which we hope to build on and expand over the course of the next five years. These challenges and opportunities are cast against the backdrop of our enduring quest to secure international recognition, which creates an enforced exclusion from international markets and global trading networks and compounds the socio-economic pressures that Somaliland faces. Efforts to secure international recognition will of course continue under my administration, and will be combined with a strategic focus on achieving a network of bilateral trading relationships; but Somalilanders can be sure that we will not allow our international status to impede action on the reform agenda that I set out on the election campaign. I would like to pay tribute to my predecessor, President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo, who showed great commitment to national security, expanding Somaliland’s international presence, and investing in housing and infrastructure. But we are cognisant of where the government has fallen short in the past seven years. Corruption in particular remains all too present within Somaliland, and we will seize this opportunity to root it out and rebuild the state apparatus to work in the best interest of all citizens. This will include appointing a cabinet guided by the principle of inclusive meritocracy: I will oversee a highly competent ministerial line-up of experts in their respective domains, which has greater gender balance and is more representative of Somaliland’s population than before. About 700,000 Somalilanders voted in this presidential election. An 80 per cent turnout in the context of a year of terrible drought, which caused the postponement of the elections, reflects the faith of the people of Somaliland in democratic institutions, and their high expectations of the incoming administration. We are committed to repaying the trust that Somaliland has placed in us, and we look forward to rising to the ambitious challenges the electorate has set us. Muse Bihi Abdi is President-Elect of the Republic of Somaliland. Financial Times
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Haween ka tirsan Soomaalida Kenya oo muddo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ayaa ka sheekeysay qiso yaab leh oo qabsatay intii ay kooxdaas la joogtay. Sheekadan oo uu daabacay wargeyska Daily Maverick ee dalka South Afrika, ayaa gabadhan oo lagu magacaabo Khadiija waxa ku sheegtay in ayada oo 20 jir ah ay ka tagtay Gaarisa, una shaqo tagtay Mombasa, hase yeeshee halkaasi baabuur laga saaray lana geeyey xero tababar oo al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya. “Markii aan xerada tagay waxaan helay tababar diimeed iyo mid dagaal oo ku saabsan sida loo dagaal galo, loona fuliyo weerarada ismiidaaminta” ayay tiri. Khadiija ayaa sidoo kale ka sheekeysay dhacdo isku day kufsi oo xerada Al-Shabaab ku qabsatay, hase yeeshee dhammaad yaab leh yeelatay. “Markii aan xerada tagay waxaan ahaa bikro, waxaa kadib inuu i kufsado isku dayyey mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, waan la dagaalamay markii uu isku dayay inuu xoog igu soo galo, kadibna waan mindiyeeyey oo waa uu dhintay” ayay tiri. Khadiija ayaa sheegtay in dhowr ilkood ay kaga dhaceen dagaalkaas, hase yeeshee dhacdadaas ay qabsatay dareenka dagaalyahanada kooxda, kadibna lagu abaal-mariyey in laga dhigo taliye, sababtuna ay tahay ayaga oo u sheegay inay tahay geesiyad. Waxay sheegtay in wixii markaa ka dambeeyey ay hormuud u ahayd 40 haween oo badankood Kenyan ah. Sheekadan oo English ah halkan ka aqriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa ka digtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay hubeyso maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacishta ka dagaalanta buuraaleyda Galgala ee Puntland. Qadar ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay u fara dhuuban tahay dhanka kooxaha qalqal galiya amaanka Somalia ee al-Shabaab iyo Daacish. General Salah Harrathi, oo kamid ah Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka Qadar ayaa sheegay inay jiraan macluumaadyo muujinaaya in Imaaraadka ay Hub iyo Kiimikada laga sameeya Qaraxyada u daadgureyneyso Somalia, si ay u isticmaalan kooxaha arbushaada ku haya amniga. General Salah Harrathi, waxa uu cadeeyay inuu jiro jiro isku soo dhawaanshi u dhexeysa dowlada Imaaraadka Carabta, al-Shabaab iyo Daacishta Somalia, waxa uuna ka digay in lasii huriyo dhibta ka taagan Somalia. Sidoo kale, waxa uu Hay’adaha ku shaqada leh la socodka Hubka ugu baaqay inay il gaara ku eegan Maraakiibta iyo Doonyaha dheereeya ee kasoo baqoola dhanka Imaaraadka isla markaana kusii jeeda Somalia. Ugu danbeyntii, waxa uu Hay’adahaasi kula taliyay inay si gaara ula socdaan Kiimikooyinka laga sameeyo Qaraxyada oo ay suuragal tahay in laga buuxiyo Jawaanada burka iyo badeecooyinka kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa wada qorsho uu isbedel ugu sameynaayo maamulka iyo Howlwadeenada Bankiga Dhexee ee Somalia. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa qorshahaasi ku doonaya in meesha looga saaro mas’uuliyiin dhowr ah, halka uu ka magacaabi doono mas’uuliyiin kale. Qorshaha Kheyre ayaa waxaa kamid ah in la yareynaayo howlwadeenada hoose ee Bankiga, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in tirada bixi doonta ay yihiin kuwo lagu hayo falal la xiriira musuq-maasuq. Khilaaf iyo Dacwado u dhexeeya maamulka Sare ee Bankiga iyo Howlwadeenada, ayaa soo dadajisay in Kheyre uu Go’aan ka gaaro dacwadaha ka taagan Bankiga. Waxaa sidoo kale jira tuhun la xiriira isdabamarinta lacago loogu tallo galay mushaaraadka ciidamada DFS, taa oo gaaraysa ilaa Seddex bil oo xiriir ah. Ugu danbeyntii isbedelka uu Kheyre la damacsan yahay maamulka Bankiga ayaa saameyn doona dhammaan Xafiisyada uu leeyahay Bakiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Soomaaliya waxay leedahay dekado dhawr ah, waxaana loogu isticmaal badan yahay Dekadda Muqdisho, Dekadda Berbera oo maamulka Somaliland hayo iyo Dekadda Bosaso oo maamulka Puntland gacanta ku hayo. Dekadaha Berbera iyo Muqdisho waxaa gacanta ku haya shirkado laga kala lee yahay dalalka Turkiga iyo Imaaraadka carabta, Dekadda Bosaso dhawaan ayaa lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports Limited oo la mataaneysan shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carabta, waxaana saamigeeda 100% si gaar ah u leh Shaikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum oo ah Sheekha Mandiqada Dubai. Kadib wareejintii dekadda Bosaso waxaa is bedalay maamulkii, waxaana muran xooggan ka dhex aloosmay ganacsatada, wakiilada doonyuhu u kireysan yihiin iyo maaulka Puntland iyo weliba shirkadda P&O oo dhinac ah, muranka xoogiisa ayaa la xiriira khidmadda lagu kordhiyey alaabaha dekadda ka soo dega. Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka Badda ee Puntland ayaa saxaafadda u soo bandhigtey in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmada yar saddexda dwkadood ee dalka ka shaqeeya, waxaana ay ku eedeyeen ganacsatada qaarkeed in ay yihiin manaxayaal, kuwaas oo badeecadaha qaarkood kala dega dekadda Berbera bixiyana dhaqaale aad uga badan tan Bosaso, laakiin ay doonayaan in dekadda Bosaso indhaha isugu qabtaan. Wasaaradda dekadaha ayaa tusaale u soo qaadatey raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Bosaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda sida Wasaaraddu ku eedeysey. Sidoo kale Wasaaraddu waxay sheegtey in kiraalayaasha doonyuhu ay isbeddel ku sameeyeen lacagtii ay kirada uga qaadi jireen alabaaha ay soo qaadayaan waxaana ay tusaale u soo qaateen in gaariga yar ee ka soo baxaya Dubai ay ka qaadi jireen $100, laakiin ay hadda ay qaadaan $150 iyaga oo ku andacoonaya in qiimaha khidmadda ee dekadda Bosaso kor loo qaadey, markii ay soo gaaraan xeebta Boosaaso aysan u dejin ganacsatada oo ay abaabulaan mudaaharaadyo iyo kacdoon shacab. shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha). DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha) Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ). DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha). Xogta qiime kordhinta kirada doonyaha waxaa laga soo xigtey wasaaradda dekadaha Puntland. Shaxda Hoose waxay muujineysa in dekadda Bosaso tahay midda ugu qiimaha jaban Soomaaliya oo dhan. Dekadda Bosaaso ayaa shalay u shaqeyneysay si gaabis ah, waxaana shirkadaha qaarkood u hoggaansameen isbeddelka dekadda, halka kuwo kale ay la baxeen doonyahoodi ama ay diideen in ay canshuurtaan alabaahooda. Isha: HM