Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Garowe ee caasumada dowlada Puntland ayaa maanta lagu qabtay munaasabad dowladda federalka Soomaaliya kula wareegtay 2400 (laba kun iyo afar boqol) oo askari,kuuwaasoo laga soo xulay ciidanka Daraashiista Puntland. Munaasabadda oo lagu qabtay xerada Gen.Maxammed Dirir Ex 54 aad ee duleedka Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay Wasiiru dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,wasiirka Amniga Puntland ,taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland S/guud Siciid Maxammed Xirsi(Siciid dheere) ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidankaan laga soo xulay Daraawiishta Puntland,islamarkaana mas’uuliyadoodu ay ku wareegtay dowladda Federaalka. Wasiir-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaliya oo ciidanka la wareegay ayaa ku boorriyay in ay laba-jibaaraan dagaalka looga hor jeedo wax uu ku tilmaamay”cadowga umadda Soomaaliyeed”,wuxuuna uga digay in ay ku dhex milmaan dagaallada sokeeye ee dalka. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ciidanka ku wareejiyey wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in hawl badan laga soo maray soo xulidooda Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Puntland oo Laba kun iyo afar boqol oo askari ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  2. Mogadishu, Somalia, 30 November 2017– The World Health Organization (WHO) in cooperation with the Somali Federal Ministry of Health (FMOH) has concluded in Mogadishu today a five-day national cascade training on management of Severe Acute Malnutrition (SAM) with medical complications. This cascade training which marked the participation of 24 health workers from 12 nutritional stabilization centers in Somalia aimed at improving the quality of services in nutrition stabilization centers and reducing the mortality rate resulting from the mismanagement of SAM cases. The training focused on the management of sever acute malnutrition with complications including preparation of the therapeutic milk (F-75, F-100) using local available ingredients in case of stock out of F-75 and F-00. Participants were also trained on the management of cholera in severely malnourished children in accordance with WHO guidelines and technical recommendations. “More than 1.4 million children in Somalia are still under the threat of acute malnutrition,” said Dr. Ghulam Popal WHO Representative in Somalia. “WHO will continue supporting the Federal Ministry of Health with the trainings and technical advice required to build the national health capacities and enable them manage the various malnutrition cases with medical complications,” he added. The trend of acute malnutrition from 2014 to 2017 is reflecting a clear deterioration in the nutrition status of the population. The current draught crisis has increased the Global Acute Malnutrition (GAM) percentage from 12% in 2014 to 17.4% in 2017. As of October this year, a total of 388,000 children were reported with acute malnutrition while 87,000 were classified with severe acute malnutrition. According to the nutrition cluster, these figures are likely to increase by more than three folds in 2018. Since September 2017, WHO has conducted two TOT and two cascade training courses on management of acute malnutrition with medical complications for a total of 75 participants from different parts of Somalia. The trainings were part of a program designed by WHO in coordination with the local health authorities and nutrition cluster to respond to the draught crisis and build the capacity of the Ministry of Health nutrition cadres to expand the training program using national facilitators. To maintain its health care delivery services and emergency response activities all over Somalia, WHO will need to fill the funding gap of US$5 million with the beginning of 2018. So far, WHO has been able to support its first-line health response program in Somalia through generous contributions from The Government of Germany, The Government of Japan, The Vaccine Alliance (GAVI), The Polio Global Eradication Initiative, The UN Central Emergency Relief Fund (CERF), and the UK Department for International Development (DFID).
  3. Shirkaan oo muddo saddex maalmood ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa lagu lafo gurayey natiijadii kasoo baxday barnaamijkii tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland. Guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigay xog rasmi ah oo muujinaysa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ku kala sugan dhammaan xarumaha gobollada iyo caasimadda sidoo kale waxay soo bandhigeen sidii ay u diiwaan geliyeen shaqaalaha dawladda iyagoo sheegay inay qof walba ka qaadeen sawir, suul iyo saxiix isla markaana ay u sameeyeen aqoonsi xaqiijinaya shaqada rasmiga ah ee uu qofkaasi u hayo xarunta uu ka shaqeeyo. Sidoo kale shirkaddii kala shaqaynaysay guddiga dhinaca fasmada iyo diiwaan gelinta ayaa iyadana aad loo bogaadiyey maadaama ay shaqo ballaaran la soo qabatay guddiga taas oo aan suuro gal noqototeen shirkadda la aanteed. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Cabdalle Tigaana oo munaasabaddii xiritaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay xogtaan Wasaaraddu la wareegi doonto maadaama ay ay tahay xogtii guud ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda isla markaana ay iyagu maamuli doonaan kaydka xoga shaqaalaha(Data Base). Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo shirka soo xiray ay u mahad celiyey guddigii soo qabtay shaqadaan iyo shirkaddii kala shaqaynaysey dhinaca farsamada isagoona hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha dawladdu ay yihiin kuwo leh tiro koob rasmi ah oo aanay jiri doonin in la arko shaqaale dambe oo caag leh ama mushahar iska qaata isaga oon shaqayn. Barnaamijkaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa waxaa ka gacan-siinayey dawladda Baanka adduunka waxaana gundhiggiisu ahaa sidii meesha looga saari lahaa mugdiga iyo madmadowgii kujirey sax ahaanshaha tirada shaqaalaha dawladda The post Shir looga hadlayey tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Garoowe kusoo xirmay appeared first on Puntland Post.
  4. ISLAMABAD—-Somalia’s Ambassador to Pakistan Khadija Mohamed Almakhzoumi said on Wednesday that Pakistan should focus on Somalia to penetrate Africa’s growing market. Interacting with the business community at Islamabad Chamber of Commerce and Industry (ICCI), she said that Pakistan can capture a market share in Somalia by exporting quality products at affordable prices. She said that both countries should focus on specific areas to improve bilateral trade. She said Pakistani investors should explore Somalia for joint ventures and investment as Somalia was looking for foreign investment in various sectors including energy, infrastructure development, environment, construction, healthcare and others. ICCI President Sheikh Amir Waheed said bilateral trade between the two countries was quite nominal which needed serious efforts from both sides for improvement. Tribune
  5. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasiirka Amniga mudane Cabdirashiid Janan ayaa laga dhagaystay xaaladaha amniga ee deegaanka iyo waxyabahii ugu danbeeyay. Wasaarada Beeraha ayaa soo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu xakameeyo cabashooyin ka jira dhul beereedyo kala duwan waxaana wasaaradu ay sheegtay in ay wado samaynta sharci la xiriira hananka dhul Beereedyada deegaanka ayna dhawaan golaha hor keeni doonto. Sidoo kale wasaaradaha Cadaalada iyo Caafimadka ayaa laga dhagaystay hananka shaqo ee wasaaradaha . Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa iyana faah faahin ka bixisay sababaha ay uga noqotay qabashada tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo lagu waday in dhawaan lagu qabto Kismaayo. Mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sheegay in wakhtiyadii lasoo dhaafay ay dadaal xoog leh ugu jireen sidii ay Ciyaarahu u qabsoomi lahayeen balse dhismaha aan wali dhamaan ee kasocda garoonka kubada cagta ee Waamo uu sabab u noqday in wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Federaalka ay ku war galiyaan in aan hada lagu qaban Karin tartanka Dowlad Goboleedyada isla markana ay diyaar u tahay Jubbaland in meel walba oo lagu qabto ay ka qayb gasho. Wasiirka Maaliyada mudane Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa golaha u qaybiyay qoraalka miisaaniyada 2018 iyo qorshe hawleedka wasaarada iyadoona dood dheer kadib ay golahu anisixiyeen. Miisaaniyada Sanadka Cusub ee 2018 ayaa ka badan midi sanadkii hore la meel mariyay iyadoo xooga lagu saaray dhismaha iyo Taakulaynta Ciidanka qalabka sida. ………….DHAMAAAD……….
  6. Kulan wacyi gelina oo looga hadlay arintan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado, waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada Galmumudug , saraakiisha ciidan-ka, xubno ka tirsan ciidamada booliska Galmudug, haween iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaa ayna si weyn uga hadleen gabood-fallada ay haweenka Soomaaliyeed la kulmaan iyo in aysan helin cadaalad ku filan oo ay kaga samri karaan dhibaatooyinka xiliyada qaar soo jawaha. Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmuudg Xamdi C/qaadir Sheekh Aadan ayaa sheegtay in ay wadaan qorshe lagula dagaalamayo falalka tacadiyada haweenka ka dhanka ah. “Wasaaradu waxaa ay bilowday in la sameeyo wacyi gelino ku aadan in la dhoowro xaquuqda haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaankeena, odoyaasha dhaqanka Galmudug ayaan ka saxiixnay in tacadiyada dumarka aan lagu xallin xeer dhaqameed balse sharciga iyo cadaalada la mariyo cidii ku kacda dhibaateyna haweenka. Dumarku caqabadaha ay bulshada inteeda kale la kulmaan qeyb ayeey ka yihiin basle waxaa u dheer inay wajahaan falal ay ka mid yihiin kufsi , guur qasab ah iyo kuwo kale sida ay sheegeyso Sahro Maxamed “Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmaan Kufsi, guur qasab ah iyo dhibaatooyin kale, waana in cadaalad lagu xaliyo hadii ay dhibaatooyin yimadaan si looga gudbo tacadiyada dumarka”. Wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka macdinta iyo Kheyraadka biyaha Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay ka hadlay sida ay muhiimad u leedahay in la dhowro xaquuda dumar iyo dadka baahiyaha gaarkaa qaba taasina ay ku imaa karto amni iyo kala danbeyn. Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo haweenka inkasta oo ay jiraan wacyi gelino wasaaradaha arintaan ku shaqada leh ay hadaan laakiin wali lama gaarin waqtigii guusha ee laga gudbi lahaa dhibateynta dumarka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source
  7. Guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe (14 October) ayaa warbixin dheer kasoo saaray waxyaabihii ay qabteen, lacagaha baxay, kuwa la hayo, caqabadaha guddiga haysto iyo arrimo kale oo isla howlaha guddiga un ku saabsan. Xubnaha guddigan oo maaanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney isku dubarideen qorshe meelmar noqday oo uu uga jawaabayey khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe. Guddiga ayaa sheegay iney taakuleyn siiyeen qaar kamid ah dadkii ehladooda ku dhinteen qaraxii Zoobe, dadkii dhaawaca ahaa, dad muruqmaal ah iyo kuwo qaraxii Zoobe uu waxyeello u geystay. Waxay sheegeen in guddiga ay soo gaartay lacag dhan $3,802,847.43 ay bixiyeen lacag dhan $1,374,441.87 halka ay taallo lacag dhan $2,427,500.56. Dhanka kale, guddiga taakuleynta ee Qaraxii Zoobe ayaa sidoo kale muujiyey cabasho dhanka ammaankooda ah, xafiis ay ku shaqeeyaan oo aanay haysan iyo sidoo kale agabkii lagu fududeyn lahaa howlahooda shaqo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga. Goobjoog News Source
  8. Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 110 macalin oo kulliyadda baraha ama macalinimada ka bartay kulliyadda GTEC. Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, macalimiinta qalin jebisey, waalidiin, arday, ganacsato iyo bahda waxbarashada. Gudoomiyaha jaamacadaha Puntland ahna maamulaha kulliyadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa madasha ugu horayn ka sheegay in ardaydaani ay dhammaysteen barashada macalinimada oo 2 sano ah ayna diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jebisey wuxuuna ku booriyey in wixii ay barteen ay dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiinta qalin jebiyey ayaa sheegay in kulliyadda GTEC ay tahay isha kaliya ee bahda macalimiinta u soo saarta Soomaaliya dowladda Puntlandna ay ka go’antahay sidii loo tayeyn lahaa. Dhanka kalena, Eng Camey wuxuu ardayda kula dardaarmay inaysan dayicin cilmiga ay barteen aysana noqon kuwa kaliya dhaqaale ku raadiya ee ay dadka ugu faa’iideeyaan. SAWIRRO
  9. Dowladda Puntland ayaa Maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda,kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu diidday waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda,haye yeeshee Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo Maanta weriyaasha kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay khaakhuul(fowdo) ku hayaan wakiiladii doomaha alwaaxa ah oo keliyah. Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Daawo: Dowladda Puntland oo khaakhuul ku tilmaantay xirnaanshaha dekadda Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  10. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu burburiyo midnimada iyo mustaqbalka dunida Muslimka ah. “Qorshe aad u xun ayaa socda oo ka dhan ah midnimada, mustaqbalka iyo hodantinimada dunida muslimka ah”ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey shirka ururka dalalka Islaamka ee magaalada Istanbul. Erdogan waxa uu sheegay in dunida muslimka ay sanadihii dhowaa ku sugneyd xaalad aad u adag. Madaxweynaha Turkiga ayaa dalalka Reer Galbeedka ku eedeeyey inay dunida Muslimka usoo dhoofiyeen taariikhdooda cudurka ah. “Ka aamusnaanta reer galbeedka ee xasuuqa ka socda Syria toddoba sano, ayaga oo albaabka ka xirtay dadka muhaajiriinta, iyo ayaga oo aan cambaareyn xasuuqa muslimiinta Myanmar, waxay na tustay wejigooda dhabta ah” ayuu yiri. Waxa uu uu is-weydiiyey sababta dalal badan oo muslimiin ah ku qasbeysa inay ballaayiin dollar siiyaan quwadaha reer galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. The post Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay, Amaanka, Firxadka Al-shabaab iyo Warbixinno. appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa maanta Xerada 54 aad Ee Garowe lagu qabtay Xaflad lagu wareejinayay ciidamo katitrsan kuwa Daraawiishta Puntland, oo ku biiraya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan oo tiro ahaan gaaraya 2.400 oo Askari, ayaa qayb ka ah ciidama laga qorayay Maamulada xubnaha ka ah Dawladda federalka dhexe, waana heshiis horey loo kala saxiixday oo ku saabsanaa isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Taliyaha Guud Ciidamada difaaca Puntland Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi Siicd dheere ayaa sheegay Ciidamada Puntland ku wareejisay dawlada dhexe gaar ahaan Wasaarada gaashaandhiga Somaliya inay ka yimaadeen ciidamada Puntland oo dhexdooda laga soo xulay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciidankaani yihiin, ciidankii xooga Puntland ee ku sugnaa xertaha difaaca. Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay maanta laga bilaabo in ciidanka Daraawiishta Puntland ay kamid ahaandoonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayna dowladda federalku la wareegidoonto dhammaan wixii xuquuq ah oo ay ciidankaan leeyihiin. Wasiir udowlaha gaashaandhiga ayaa ciidankaan u sheegay inay sii labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Puntland ee nabad-diidka ugu horeeyaan, wuxuuna sidoo kale uga digay inay ka qeyb qaataan colaadaha sokeeye. Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in waqti badan soo qaataday in la diyaariyo ciidamada ay wareejinayaan. Camay ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo mushaarkooda iyo masuuliyadda ciidamadan ay leedahay Dawladda federalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa noqonaysa Maamulkii ugu danbeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoraysay dawladda dhexe ee federalka, taasoo qorshuhu ahaa in Maamul kasta laga helo 3000 oo Askari. Halkaan ka dhegayso codka madaxweyne Camey. Madaxwayne ku xigeenka 54 aad Puntlandi.com
  13. Nairobi (Caasimadda Online) – Dadka Reer Africa ee Booqanayo dalka Kenya ayaa wixii hadda ka dambeeyo aan u baahneyn inay Viso dalbadaan ka hor inta aysan usoo safrin dalkaan, waxaana hadda kadib Visaha lagu siin doonaa garoonka dhexdiisa (on Arrival) , waxayna Kenya noqotay wadankii ugu dambeeyey ee ogolaado inay Africa noqoto mid si sahlan la isaga kala goosho. Intii ay socotay Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in hadda kadib wadamada Africa ee soo booqanayo Kenya Visaha lagu siin doono garoonka dhexdiisa isla markaasna aysan dhici doonin inay Viso dalbadaan iyagoo aan soo safrin. Uhuru ayaa arrintaan sheegay in loola jeedo sidii horumar looga gaari lahaa dhanka Ganacsiga iyo Amniga, wuxuuna sheegay inay Kenya horeyba u fududeyn jirtay Visaha balse ay hadda kadib Garoonka ku bixin doonto sida uu hadalka u dhigay. “Dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadkeenna ku sugan qaaradeena waxay marwalba ahayd hannaan ka mid ah walaaltinimada ” ayuu yiri Kenyatta. ” Waaa inaan si xor ah u safranaa qaaradda Africa, waana inaan isku muujino isku dhafnaan iyo mahadcelin” ayuu sii raaciyey. Madaxweynaha dalka Kenya ayaa khudbadaan iyo fasaxaan ka hor jeediyey Hoggaamiyayaasha dalalka: 1) Somalia 2) Djibouti. 3) Ethiopia 4) Gabon 5) Nigeria 6) Rwanda 7) Uganda 8) Zambia Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horey ugu heshiiyey in Muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda wado baasaboorka Service-ka Visaha lagu siiyo garoonka dhexdiisa, ilaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin karo haddii ay Soomaalida dhan kawa faa’ideysan doonaan fasaxa cusub ee uu bixiyey madaxweyne Uhuru. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Bam, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacv isugu jira. Bamkaan qarxay ayaa lagu tuuray sida la sheegay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo bartamaha magaaladaasi ku sugnaa. Goob jooge ayaa inoo xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ay ku jiraan, waxaana ku dhaawacmay 10 kale. Ciidamo badan oo Puntland ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana soconaya howlgal ballaaran. Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso waxaa loola cararay dadkii ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo weli xaalad kacsanaan ah la dareemayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
  15. Garoowe (Caasimadda Online) – Munaasibad Maanta ka dhacday Xerada 54aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna taalla duleedka Magaalada Garowe ayaa maamulka Puntland waxaa uu 2,500 oo Askari kula wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasibadda wareejinta Askartan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya,Wasiirka amniga puntland,Taliya Ciidanka Puntland iyo guddiga difaaca Golaha shacabka Soomaaliya. Ciidankan waxaa ay ka mid noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 54aad,waxaana arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha isku dhafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Soomaaliya. Xubnaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaqeeyay tallaabadan,waxaana ay ku baaqeen in sidan oo kale maamullada dalka ay uga qeybqaataan dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Howlgalka AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay in Bisha soo socota ee December ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidankooda kaddibna ay tartiib tartiib u billaabaneyso bixitaan AMISOM ilaa Sanadka 2020ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Baladul Amiin ee Shabellaha Hoose, waxay ku qabteen Hub iyo sidoo kale kartoono ay ku jireen walxaha qarxa. Sarkaal ka tirsan ciidanka Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in ciidamadan ay guri guri u baareen deegaankaasi, islamarkaana mid kamid ah guryaha la baaray laga helay Rasaas, qoryo iyo sidoo kale walxo qarxa. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirada: Goobjoog News Source
  17. Garowe (Puntlandi) Xoghayaha cusub ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xassan, ayaa maanta la wareegay xilkiisa dhowaan loosoo magacaabay, wuxuuna xilkaas kala wareegay Cabdiqafaar Cabdiraxmaan oo muddo labo sano ah xafiiska joogay. Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, ayaa guul iyo horumar u rajeeyay masuulka xilka kala wareegay, isagoo sheegay inuu xilku meerto yahay islamarkaana uu soo dhoweynayo go’aankii wasaaraddaha arrimaha gudaha kasoo baxay ee xilka looga qaaday. Puntlandi.com
  18. Waxaa maalinkii 4-aad haawanaysa dekadda Magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn degaanada Puntland kadib khilaaf soo dhex galay Dawlada Puntland iyo ganacsatada wax kala soo dega waxna ka dhoofsada dekadaas. doonyo sida maciishad kala duwan ayaa maalinkii 4-aad taagan duleedka dekadda iyadoo ganacsatadu diiday inay wax kala soo degaan inta laga xalinaayo khilaaf ka dhashay sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Sharuudaha ay ganacsatadu ka biyo diidan tahay waxaa kamida khidmado dheeriya oo la saaray maciishada imaanaysa dekadda hase ahaate Dawlada Puntland ayaa ku eedaynaysa khilaafkan kooxo dano gaara wata oo aan u turayn dekadda iyo bulshada masaakiinta ee ku xiran. Dawlada ayaa magaalada Bosaaso geysay ciidamo fara badan si ay uga hortagaan mudaharaadyo rabshado wata laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada kuwaas oo daba jooga rabshadihii horay magaalada uga dhacay. Xirnaashaha dekadda ayaa durba laga dareemay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana sara u kacay maciishada kala duwan oo ay kamid tahay cuntada asaasiga ee ay dadweynuhu quutaan, mana muuqato wax xala iyo isu soo dhawaansho laga dhex dareemaayo Dawlada iyo ganacsatada oo ay dadweynihii danyarta ahaa ku dhex liitaan. Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta waxaana la filayaa inuu dhawaan ka dego magaalada Bosaaso oo ay mushkiladani ka aloosan tahay. PUNTLAND POST The post Dekadda magaalada Bosaaso oo maalintii 4-aad xiran appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Puntladi) Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in wax shacab ah ku dhinteen weerarkii ay 25-ka bishii August laga fuliyay degaanka Barire ee gobolka Shabellada hoose, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo hubaysanaa. Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay baaritaan uu sameeyay inuu ku xaqiijiyay in dadka la bartilmaameesaday ay ahaayeen maleyshiyada Shabaab, wuxuuna meesha ka saaray cabashada ehelada dadka lagu dilay weerarka, kuwaas oo sheegtay magdhow iyo raali galin. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Puntlandi.com
  20. Xudur (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada milateriga dowladda ee Gobolkaasi. Waxaana ay ka wada hadleen qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolka Bakool. Korneyl Cabdiraxmaan Tima Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankaasi, wuxuuna wareysi siiyey Idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho. Waxaana uu xusay in ay ka arrinsadeen sidii Al Shabaab looga saari deegaanada Gobolkaasi Bakool Halkaan hoose ka dhageyso Wareysigaas http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/cod-bakool.mp3
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee AFRICOM,fadhigooduna yahay Dalka Jabuuti ayey ku beeniyeen in dhacdadii 25kii August ka dhacday degaanka Bariirre ee lagu dilay 10ka Qof aysan ku jirin dad shacab ah. Taliska ayaa warbixintiisa ku sheegay baaritaan dheer oo uu sameeyay kaddib in uu ogaaday in dadkii lagu dilay Bariirre ay ahaayeen Al-shabaab ee aysan ahayn dad shacab ah. Ka hor weerarkaas ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in “Ciidamada iskaashanayay ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay qorsheeyeen weerarkaas waliba si faahfaahsan,waxaana fulinnay weerar isku dheelli tiran oo ay dowladda Soomaaliya hoggaamineysay”,ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka. “Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in kahor inta aysan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan. Jen Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo ahaa Taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan is casilin weerarkaas ku sheegay in dad shacab ah lagu laayay,sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa isna Ciidamada Mareykanka ku eedeeyay in Bariirre ay ku laayeen dad shacab ah. Meydadka Dadkii lagu dilay Bariirre ayaa la aasay 10 maalmood kaddib geeridooda kaddib markii ehellada Meydadkaas ay aqbaleen Baaritaan in lagu sameynayo weerarkaas oo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba sheegeen in Al-shabaab lagu laayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Baladul Amiin (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga Dalka oo shalay Al-shabaab kala wareegay degaanka Baladul Amiin oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa degaankaasi ku qabtay Kartooman la dhex geliyay Qaraxyo iyo Hub ay lahaayeen Shabaab. Qaraxyada iyo Hubka ay Ciidanka Danab qabteen ayaa ururka Al-shabaab waxa ay ku xareeyeen guri ku yaalla degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Saddex Kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas oo yaallay guriga. Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Telefoono ururka Al-Shabaab ay isticmaali jireen. Degaanka Baladul Amiin oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wuxuu hoostagaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
  23. Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee gobalka barri ayaa sheegaya in Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafada masjidu raxma ee Magaalada boosaaso. Waxaana la shaqeeyay in ciidamo ka tirsan madaxtooyada ee magaalada boosaaso oo saran gaari ayaa lagu tuuray bamboo gacmeed,sida sheegayaan dadka deegaanka. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in la ogeyn qaraxa nooca uu ahaa,waxaana la sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen,qaraxaasi ka dhacay xaafada masjidu Raxma ee Magaalada Boosaaso,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhimashada inta ay la egtay. Dadkan dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidanka puntland,iyo dad shacab ah,waxaana la sheegay in dadkaasi ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada puntland,iyadoona 11 qof ee ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday isbitaalka magaalada boosaaso ee gobalka barri. Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada boosaaso ee gobalka barri,kaasi oo ku aadan qaraxa nooca uu ahaa iyo dadka ku waxyeeloobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaas oo soo maray heerar iyo qaabab kala duwan , dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee dowlad goboleedyadu la soo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan ku yihiin kuraastooda, taas oo halis galin karta dadaalada iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay ugu jirto la kali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka. Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan hormarka dowladda dhexe ay ku jirto in xiriir dhow ay lasamayso dowlad goboleedyada ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran oo sabab u noqan karta isu soo dhawaansho labada dhinac , wixii isfahanwaa ahna xal laga gaaro , tani waa istiraatiijiyad ku qotonta u hiilinta danaha wadanka iyo hirgalinta nidaamka lagu heshiiyay ee federaalnimo, taasi waxay dhabbada u xaaraysa in wadanka laga samato bixiyo duruufaha adag ee in mudda ahba la’ildarnaa. Dowladdaan, Hab-dhaqankii aanu ka aragnay sagaalkii bilood ee ay jirtay waxay noqotay mid ka duwan wixii laga filayay oo ahaa hirgalinta nidaamka federaalinimada , dowladda dhexe waxay door biday colaadinta nidaamka federaalnimo ee lagu heshiiyay, nidaamkaan waa mid kulmiyay dhammaan qaybihii ku kala duwanaa siyaasadda kadib markii lagu bixiyay dadaal dheer dhibaatooyin badana lagala soo kulmay. Buug uu qoray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya haddana ah madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Prof: c/wali Maxamed Cali Gaas , cinwaankiisu yahay caqabadaha ku horgudban in laga gudbo marxaladda kumeelgaarnimada , wuxuu ku sheegay buuggiisa in nidaamka federaaliga uu yahay mid dhayaya boog in badan hoos uqodan iyo in dib loo hanto wixii lawaayay ee ah tiirarka iyo nuxurka wadaninimo , waddada kaliya ee lagu hanan karana ay tahay in layagleelo xukuumad dhexe oo kulminaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, taasoo dammaanad qaadaysa qaybinta awoodaha iyo khayraadka si siman oo ay cadaaladi ku dheehan tahay. Federaalnimadu ma tahay nidaam laga hirgalin karo Soomaaliya? Inta aanan u guda galin faa’iidooyinka iyo khasaaraha nidaamka federaalka uu leeyahay , qaababka iyo noocyada kala duwan ay noqoto , bal marka hore waa inaan is lafahanaa in dowladdii Soomaaliya ka jirtay ay eersatay xukunkii ku dhisnaa kali-talisnimada ee gacanta bireed wadanka ku maamulayay hogaankana uu hayay Maxamed Siyaad Barre(AHN) , taasi waxay dhalisay in lagala horyimaado kacdoon iyo diidmo qayaxan kadib markii loo adkeesan waayay nidaamkii qalafsanaa ee u diiday inay dadku cabiraan dareenkooda danahoodana ka hadlaan, xuquuqdooda asaasigana duudsiiyay , si ula kacna u gacan-bidixeeyay gobalada ka fog xarunta dhexe , falcelintii laga sameeyay cadaadikaas waxay keentay dhibta illaa iyo maanta nahaysata. Haddaad si hoose u dhuuxdid xusuus qorkii uu qoray madaxweenihi hore ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed (AHN) cinwaankiisuna ahaa (Halgan iyo Hagardaamo ) waxaa kuu soo baxaya in xalka Soomaaliya marnaba uusan dhameestirmaynin illaa labalaadhiyo wadatashiga , hanaanka siyaasadana laga qaybgaliyo dhamaan awoodaha iyo qaybaha siyaasadda ee kala duwan , waxaa la yaqiinsaday caqliyada ku dhisan isfogaynta iyo isfaquuqidda aan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala fogaansho iyo isnacayb , awood-aruusan oo aan baahsanayn maahan mid ku habboon mujtamac qaab-dhismeedkiisu somaaliyoo kale yahay oo u kala qaybsan qabaa’ilo gobalo kala duwan degaan. Nidaamka dimiquraadiga ee soomaaliya u baahan tahay waa mid tixgalin siinaya qaab-dhismeedka qabiilka ee wadanka si loo ilaaliyo isu-dheelitirnaanka qabaa’isha si looga badbaado isku-dhac , waa in la iswaafajiyaa nidaamka dimuqaraadiyadda iyo federaalnimada ee hab-qabiileedka ud hisan si loo helo nidaam ku haboon nidaam beeleedka wadanka uu sameesanyahay. Shirkii jabuuti lagu qabtay bishii lixaad ee 1992 dii oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno matalayay aduunwaynaha , waxay is laqaateen qodobo lagu tilmaamay kuwa taariikhda baal dahaba ka galay oo ahaa xoojinta iyo taabagalinta nidaamka federaaliga ah , si geesinimo leh ayaa lasoo jeediyay fikrad ku dhisan in dowlad goboleedyada ayagu ismaamulaan si ay u hormariyaan goboladooda , wuxuu ahaa heshiis matalayay rabitaanka dhabta ah ee awoodaha kala duwan ee wadanka kajiray , maqcuul matahay in xukumaada federaalka inaysan kawarqabin heshiiskaas kaasoo aan hayno nuqul kamida, aanu ognahayna in ay kasoo wareegtay muddo kabadan 20 sano , waa wax aan laqaadan Karin in daaqada laga tuuro dadaalki loo galay in umadda heshiis ladhex-dhigo layskuna keeno. Khilaafka khaliijka Dhibaatada kataagan khaliijka waxay saamayn ku yeelatay Soomaaliya , afar dowladood oo carab ah ayaa waxay go’aan ku gaareen inay ku soo rogaan dowladda Qadar cunaqabtayn dhinaca dhulka baddda iyo cirka. Markii laga fiiriyo dhinaca akhlaaqda waxaa munaasib ahayd in dhexdhexaad laga noqdo khilaafka walaalaha carbeed dhexdooda ka aloosmay , iyo in ladhiiri galiyo in khilaafka lagu soo afmeero wadahadal , lakin su’aasha isweediinta mudani waxay tahay: maxay soomaaliya u dooratay mowqifkaan dhexdhexaadanimada ah oo ay dad badani u arkaan inay uxaglinayso dhinaca Qadar ?! go’aankaan masiiriga ahi, maxaa wadatashi looga galinwaayay maamul goboleedyada ? Waxaa laga yaabaa dadka qaarkii inay isweediiyaan maxaa kagalay dowlad goboleedyada wixii kusaabsan xiriirka dibadda ayagoo milicsanaya dastuurka wadanka qodobkiisa 54-Aad oo ay ku caddahay in wixii laxiriira umuuraha dibadda,lacagta , difaaca wadanka, iyo baasaboorka ka talinteedu ay ku kooban tahay dowladda dhexe aysana boos uga banaaneen dowlad goboleedyada , taasi waa sax, shakina lama galin karo; lakin waxaa jira qodobka 53-Aad oo xaq usiinaya in maamul goboleedyada go’aannada masiiriga ahi laga qaybgaliyo go’aan kagaaristeeda. Go’aanka ay lakali noqotay dowladda Federalka ah waxaa shaki sii galiyay oo sii murjiyay xaaladaan waxay ahayd in go’aankaasi aan lamarin labada aqal kan hoose iyo kan sareba. Maaraynta khilaafaadka udhexeeya dowladaha carabta iyo go’aan kaqaadashadooda maahan mid ugub ku ah Soomaaliya , heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Camp David, Soomaaliya waxay lasafatay wadanka Masar kadib markii Masar ay go’doomiyeen dowladaha carbeed intooda badan, waxaa kaloo jiray khilaafkii Kuwait iyo Ciraaq in Soomaaliya ay la safatay Kuwait taas oo marnaba aanan laga filanayn , illaa hadda Kuwait abaal ayay u haysaa Soomaaliya , mar aan booqday Kuwait dhamaadkii 2015kii waxaan soo ogaaday in ardayga soomaaliga ahi uu ku dhigto dugsiga hoose iyo kan saraba lacag la’aan ayagoo abaal uga dhigaya mowqifkii halyeeynimada ahaa ay kula safteen wadankooda. Kadib markii , xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go’aankii dhexdhexaadnimada , dowladda Qadar waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay uga golleheed inay uga baxdo go’doominta ,waxay ku tilaabsatay in dowlado badan ay kacafisay dalkugal (visa), waxaa nasiib daro ahayd in Soomaaliya aysan ka mid ahayn dowladahaasi, Qadar waxay balaadhisay xidhiidka dhaqaale ay lalahayd dowlado qaatay mowqifka soomaaliya oo kale oo waxaa ka mid ahaa Sudan, Ethobia, Oman , waxaan si deganaansho iyo isqadarini ku dheehan tahay u waydiinayaa xukuumadeena anagu booskee kataaganhay mashariicdaas Qadar ay kutaagayreeso kuna abaal marinayso dowladahaasi aanu isku mowqifka ka ahayn khilaafka gacanka carbeed ? Talooyin looga bixi-karo ismaan-dhaafka siyaasadeed Somaaliya maanta waxa ay dul hoganaysaa dhardhaar karkaraya taasoo ugu wacantahay samayn dibadeed oo fara kulul ku haya , jiwigaana waxaa hareeyay khilaafaad siyaasdeed ee gudaha ah , si looga baxao waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan hoos ku taxan:- 1) Khilaaf kasta oo u dhexeeya umadi waxaa asal u ah isfahanwaa, Isfahan-waagaasi waxuu kasoo unkumaa go’aamo iyo qodobo aan si fiican loo karkarin loogana fakirin ,taasina waxay kasoo ifbaxdaa aragtida iyo mowqifka uu qofku qaadanayo , taasi waa meesha ay ka soo burqanayso iskudhaca soo laalaabta ee udhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada , sii looga gashaanto arintaa waa in xukuumadda ay dhamaystirtaa dastuurka qabyada ah ee isfahanwaaga marwalba dhaliya. 2) in dowladda dhexe ay xilwayn iska saarto sidii ay uqancin lahayd dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo in si dhab ah loo hirgaliyo shuruucda inoo dajisan ee nafaraysa taabgalinta iyo baahinta nidaamka federaalnimo. 3) In laga fogaado caqliyadda kudhisan faquuqidda qaabaailada misaanka culus leh si uusan khalkhal ugu imaan dheelitirka siyaasadda , Dr towfiiq asagoo kahadlaya waxyaalaha keenay in mashruuca xarakada islaamiga ee soomaaliya uu la hanaqaadi waayay waxa uu kusheegay inaysan kafaa’iideesan qaabaa’isha waawayn ee saamaynta leh. 4) In dowladda ay u furfurnaato dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada , dad badan waxay uga gows-qabsanayaan dowladda dhexe waxay tahay inay fuquuqid iyo is fogayn kucaan baxday ayagoo iskugu soo aruuray kooxyar oo kaduulaya aydaloojiyada ama fikir qura oo mideeya. PUNTLAND POST The post Maqaal:- Hardanka garbaha Soomaaliya..Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaalaynta! appeared first on Puntland Post.