-
Content Count
211,092 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkaan oo looga hadlayey hannaanka siyaasadaha kaydinta maamulidda xogta dawladda ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda qorshaynta, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarad iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana, Agaasimaha Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Barni Ciise, madax qaybeedada dhammaan hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca CIP ee Baanka adduunku ka caawinayo Dawladda, Xubno ka socdey xiriirka Mashruuca CIP ee PCU iyo Khuburo caalami ah ka socotey Baanka adduunka. Shirka ayaa waxaa lagu lafo gurayey isla markaana wax ka beddel loogu samaynayey siyaadaha Kaydinta xogta dawladda oo dhowaan laga diyaariyey dhammaan xarumaha dawladda isla markaana la doonayo in dib loo eego lana tafaftiro kadibna si toos ah loogu dhaqan geliyo xarumaha dawladda. Yusuf Dahir oo ku hadlayey magaca xiriirka Mashruuca ee PCU oo hadal ka jeediyey shirka ayaa tilmaamay muhiimadda mashruucaani uu u leeyahay bulshada iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay dalka isagoona xusay in uu mashruucu marwalba dhiirri gelinayo inuu dawladda kala shaqeeyo tayaynta shaqaalaha, dejinta siyaasadaha iyo dhammaan arrimaha la xiriira horumarinta hannaanka dawladnimo. Barni ciise oo ah agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha oo iyaduna kelimadeeda goobta ka jeedisey ayaa bogaasidey shaqaalaha dawladda ee isu xilqaamay kasoo qayb galka shirkaan, isla markaana waxay xustay inay muhim tahay in si taxadar leh looga baaraan dago arrinta la xiriirta siyaadaha maamulka iyo kaydinta xogta dawladda iyadoona ku adkaysay inay juhdi geliyaan sidii ay talooyin wax ku ool ah ugu biirin lahaayeen arrintaan. Sidoo kale Mrs. Rosa oo ah la taliye khibrad dheer u leh dejinta siyaadaha maamulidda iyo kaydinta xogaha ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo Record and Archive management ayaa ku dheeraatay muhimadda ay arrintaani u leedahay dawladda Puntland. Agaasime Axmed Cabdalla Tigaana oo shirka furay ayaa ku boorriyey daadihiyayaasha shirka iyo dhammaan kasoo qayb galayaashiiba inay si qoto dheer u dersaan Siyaasadahaan , waxna ka beddelaan, waxna ku daraan isla markaana ay soo saaraan siyaasado dhaxal gal u ah mustaqbalka hannaanka maamulka iyo kaydinta xogta dawladda. Shirka ayaa socon doono muddo shan maalmood ah waxaana la filayaa in maalinta la soo gunaanadayo ay kasoo bixi doonto natiijo wanaagsan oo wax ka beddeli doonta sida loo kaydiyo loona maamulo xogaha dalwadda, maadama dadka shaqadaan qabanayaa ay yihiin dhallinyaro aqoon yahan ah oo dadka iyo dalka wax usoo bartay. The post Shir looga hadlayey siyaasadaha hannaanka maamulidda iyo kaydinta xogta dawladda oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir-gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Golaha Amaanka ee heer Dowlad-goboleed, kaasoo ka farcamay golaha Amniga Qaranka. Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay. Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay. Sidoo kale, Xubnaha Golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo. Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin. Arrimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka. Ugu dambeyn, Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay Kulankii ugu Horreeyay ee Golaha Ammaanka appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maanta waxa lagu soo dhaweeyey Ciyaar Toy Somaliyeed oo Ka Yimaday Dalka ustuleriya . Kooxdan ayaa maalinta bari ah waxa ay la ciyaari doonta kooxda FC Bari oo dhawaan ku guleysatay koobka Horyaalka Puntland. Sida oo kale kooxda Melbounr somali team ayaa lagu wadaa in ay gaarto magaalada Garowe ee Caasimada Puntland si ay uga qeyb galaan tartan kubadeed oo halakaasi ka furmaya. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Kooxda kubada Cagta ee Melbounr Somali Team oo Bosaso lagu soo dhaweeyey appeared first on Puntland Post.
-
By: Farrah Yusuf HARGEISA–Somaliland’s Ex-finance minister, Hon. Mohamed Hashi Elmi has called on President–designate that his cabinet should not exceed by 15 lean and competent ministers who could deliver. Hon. Hashi said on Sunday that 70 ministers are now in Silanyo’s government which is straining the country’s economy. The former minister urges that the president-elect should not appoint ministers on tribal basis. He bluntly accused ministers of misappropriating public funds. The minister has asserted that appointing small based cabinet would perform the daily day operations and focus on the difficult task ahead. The minister has revealed that gov’t officials spend public money on the consumption of Khat. Once asked on reinstating the current ministers serving under outgoing president, Mr. Hashi responded that they have not accomplished anything. He scathingly attacked the cabinet, the house of assembly and the elders have failed to live up to their duties. The former minister has stated that the their is a huge responsibility on president designate to protect the public asset. Hon. Hashi has urged the new Head of State to know that the civil servants and men and women in uniform are in need. He cited that they are not well paid. He took as an instance that during his tenure as finance minister that he made 100% increment for their salaries. He uttered that he was about to increase the salaries for a second time but said that he was sacked unfortunately. He advised the president elect to give a proper care to the armies and the civil servants. He spoke of the traits that the new president has and said that he is a man of his words and takes decisions. Once asked if he is seeking a cabinet portfolio in the upcoming government and responded that he does not remain ready to serve due to old age. The former treasury minister has called on president elect to emulate the Rwandan president who developed his country’s economy. He also said that Hon. Musa Bihi should emulate the example set by Turkish president and Malaysia. The President-Elect is due to sworn in to office on 14th December,2017 and once the presidential election results which was submitted to the constitutional court approves it. Hon. Musa Bihi won Somaliland presidential election held on 13 Nov. by defeating his main rival, the former house speaker, Mr. Irro. Hon. Musa garnered 55% while Irro got 40 percent of voted cast. Citizens are waiting with bated breath to know the size of the Council of Ministers that President-designate Musa Bihi will have. Speculation was rife on who would be included in the Cabinet. The names doing the rounds include Prof. Ahmed Ismail Samatar, Hon. Jamal Ali Husein and Hon. Mohamed Ali Bile. Former finance minister, Abdiasis Mohamed Samale is poised to be in the new cabinet. https://www.youtube.com/watch?v=uJ82KtT6d2o
-
Maanta oo ay tariikhdu tahay 26/11/2017 waxaa soo dhawayn diiran loogu sameeyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kooxda kubada cagta ee Melbourne Somali team. Kooxdaan ayaa galabta isniinta ee berrito ah waxay kulan ciyaareed saaxiibtinimo ah la qaadandoonaan kooxda Fc, Bari ee ku guulaysatay horyaalkii kubada cagta ee Puntland. Waxaa kale oo kooxdaan tagidoontaa magaalada Garowe, iyagoo halkaasi la filayo inay kaga qeyb galaan tartan afar kooxood ah, oo sanadkii hore sidaan oo kale la qabtay. Kooxdaan ayaa saddex habeen kahor magaalada Muqdisho kulasoo ciyaartay xulka kubada cagta gobolka Banaadir, iyagoo ka guulaystay, waxayna kadib maanta usoo baqooleen dhinaca Puntland. DAAWO SAWIRRADA. Puntlandi.com
-
Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdi ka socda baarlamaanka Djibouti, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa soo dhaweeyay wafdiga Djibouti, wafdiga ayaa sidoo kale loo xiriiriyay khadka Telefoonka guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo hadda xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga. Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi-doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin goloyaasha baarlamaanka Soomaaliya. “Kulanka iyo booqashada aad noogu iman-doontaan waxaa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal, golaha shacabka iyo Senatoradana in ay ka wada shaqeeyaan guud ahaan dhismaha iyo midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xumad Qaar ka tirsan Senatarada aqalka sare ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay booqashadan, iyaga oo intaasi raaciyay in labada gacmood midba mar la barkado. Maxamed Cali Xumad, Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti waxaa uu khamiisii booqasho ku yimid Muqdisho isaga oo Jimcihii tagay Baladweyn halkaas oo ay joogaan ciidamada Djibouti ee”Hiil-walaal” kuwaas oo ka tirsan AMISOM, waxaa uu sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle halka shalay oo sabti aheyd oo ka hor khudbeeyay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Goobjoog News Source
-
Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 26 Nov 2017 magaalada Yubbe ka dhagax dhigay Saldhiggii Afraad ee gobolka Sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare], Nabadoon Cige Jaamac Shire, Nabadoon Saciid Faarax Xasan, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Yubbe, isimada, Nabadoonada iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweyseyba uga mahad celiyey sida waddaniyaddale ee ay usoo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, waxaana uu timaamay Agaasimuhu in magaalada Yube tahay meel muhiim ku ah gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla markaana ay tahay meel ay ku dhaqan yihiin dad dhaqan yaqaana, waxgaradda, sharaf iyo maamuus u saaxiiba. Sidoo kale Agaasimaha ayaa xaqiijiyey in Saldhiggii afraad maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ka dawladda ahaan wax kasta oo lagu hirgelinkaro saldhiggaasi ka diyaar yihiin wakhti xaadirkan, si daasi daraadeedna looga baahan yahay maamulka magaalada, isimada iyo waxgaradka kaleba ka qayb qaadashada dhismaha saldhigga. “Yubbe waa magaalo muhiimad gaara u leh gobolka, dad dhaqan soo jireen ah leh ay degen yihiin, sidaa daraadeed waxaan garan karaynaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu gartay qiimaha iyo ahmiyadda ay leedahay magaaladan iyo dadka degan ee ku dhaqanba, waxaan ka cudur daaranaynaa wixii gaabis ah ee dhankayaga kayimid laakiin maanta waa sidaa inagoo isku duuban aynu u dhagax dhignay Saldhiggii Booliska ee Afraad ee muddo Afar cisho gudohooda aanu ka dhagax dhigno gobolka Sanaag “ ayuu yiri Agasimuhu. Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa ku booriyey maamulka magaalada Yube iyo shacabkooda inay ku dedaalaan ka qayb qaadashada hirgelinta dhismaha saldhigga, maadaama uu muhiimad gaara uleeyahay xasiloonida, kala danbaynta iyo amaanka magaalada iyo guud ahaan degaanada hoosyimaada, isla mar’ahaantaana waxa uu kula dardaarmay shacabka magaaladaasi inay kawada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka magaaladooda. Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare] ayaa dhankiisa cadeeyey inay u heelan yiihin gacan qabashada horumarka dhan walbale ee ay dawladda Puntland kawaddo gobolka Sanaag gaar ahaan saldhiggyada muhiimka ah ee laga dhagax dhigay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa uu xusay in masuuliyiinta iyo shacabka magaalada Yube uga mahad celinayaan Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba waxqabadka balaadhan ee ay kafuliyiin magaalada Yube iyo guud ahaanba sagaalka gobol ee Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka, cuqaasha, siyaasiyiinta iyo nabadoonada ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa iyana dhankooda si wada jira u xusay in Saldhigga Booliska maanta laga dhagax dhigay magaalada Yube uu yahay horumar u soo kordhay magaalada iyo guud ahaan degaanada hooyimaada, waxaana ay tilmaameen in uu ka qayb qaadan doono Saldhiggu nabadda, xasiloonida iyo kala danbaynta magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag. Ugu danbayn, Agaasimaha Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa kormeeray xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Yubbe iyo sidoo kale tuulada Jiingadda oo hoostimaada magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADA PUNTLAND. The post Puntland oo Saldhigii 4-aad ka oo laga Hirgalinayo Gobolka Sanaag ka dhagax dhigtay Magaalada Yubbe appeared first on Puntland Post.
-
Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah (27-11-2017) wadahadal uga furmo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ay iyaguna u ambabaxayaan dalkaasi. Ulajeedka shirkaan ayaa ah in ay isku soo dhowaadaan Ahlu-sunna iyo Galmudug, waxaana isku keenistooda kaalin ka qaadanaya ururka IGAD. Madaxweyne Xaaf ayaa horey u sheegay in dedaal walbo u mari doono sidii ay ula heshiin lahaayeen maamulka AHlu-sunna oo maamula qeybo kamid ah Galgaduud. Goobjoog News Source
-
Tripoli (Caasimadda Online) – 31 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay sida ay sheegayaan wararka ay baahinayaan Warbaahinada qaar kadib markii ay doon ay la socdeen tahriibayaashaan ay ku quustay Badda Mediterranean-ka loo yaqaan. Dadka geeriyooday oo la socday doon ka baxday dalka Libya waxaana ay ku socdeen dalka Talyaaniga halkaasoo ay doonayeen inay uga sii gudbaan wadamada Yurub sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil ka tiesan Ciidamada Badda dalka Liibiya. Sida ay wararka sheegayaan dadka Musiibadaas ku dhintay waxaa ku jiray Haween iyo Carruur aad u yar yar oo qaarkood ay ku jireen Xilligii Umusha. Sidoo kale ciidamada illaaladda badda Yurub ayaa bad baadshay 60 ruux oo kale oo la socday doon kale oo iyana la socotay doontay degtay. Sargaal u hadlay ciidamada badda Libya oo la yiraahdo Korneyl Abu Ajala Cabdilbaari ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la bad baadshayba ay u dhasheen dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Eritrea Nigeria, iyo Pakistan. Shilkaan waxaa uu ka dhacay meel qiyaastii 37 mile u jirta caasimada Libya ee Tripoli. Khamiistiina 250 ruux oo tahriibayaal Afrikaan ayaa la bad baadshay sidoo kalena ciidamada badda Talyaaniga illaa Taladaadii hore waxay sheegeen bad baadsheen in ka badan kun ruux oo doonyo ku tahriibayay. Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegay in 17 sanno ee lasoo dhaafay dadka ku geeriyooday badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ay ku naf waayeen qiyaastii 33 kun oo ruux. Sanadkaana waxaa la aaminsanyahay in dadka ayagoo tahriibaya ku maqan badda Mediterranean,ka waxay gaarayaan 3 kun oo ruux sida laga soo xigtay hay’adda IMO. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka bilaabay Olole ay dib ugu soo celinayaan bilicda magaaladaasi. Dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in si iskood ah ay u nadiifinayaan magaalada, waxaana ay hal ku dhig ka dhigteen u hiili dalkaaga oo qurxi magaaladaada. Waxaa la arkayey dhallinyaradan oo wata qalabka wax lagu nadiifiyo, waxaana ay magaalada ka qaadayeen qashinka. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qaarkood tusaale wanaagsan waxaa u noqday Dhalinyaro si iskood ah isku xilqaamay kuwaa oo ku howlan sidii ay uga shaqeen lahaayeen qurxinta iyo nadiifinta magaalooyinka ay ku nool yihiin. Goobjoog News Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay qabteen rag Ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Dadkaasi ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Ammaanka degaanka Garacad ee gobolka Mudug. Ragga la qabtay ayaa la sheegay in ay wateen Doon, waxaana la socday nin Soomaali ah sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay u dhasheen dalka Yemen,islamarkaana ay ku waddaan baaritaano kala duwan. Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkaasi yihiin kalluumeysato iyo in ay ka tirsan Al-shabaab ay baarayaan. “Saddexdaan Qof Labo waa Ajaanib midna waa Soomaali waxaan uga Shakisan nahay in ay yihiin Al-shabaab ama ay la shaqeeyaan Baaritaan ayaan ku wadnaa oo wixii ka soo baxa Saxaafadda waan la wadaagi doonaa”ayuu u sheegay Warbaahinta Puntland Sargaal ka tirsan Ciidamada Badda Puntland. Puntland ayaa Shalay Ciidamo badan geysay Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen in ay heleen Xog muujineysa in Al-shabaab ay doonayaan in ay isku Fidiyaan Magaalo Xeebeedka Garacad oo ay Weeraro ka soo qaadaan. Hayeeshee Dhowr jeer ayaa Ciidamada Puntland ay Xeebaha Puntland ku qabteen Dad Ajaanib ah oo u badnaa Kaluumeysato lagu Eedeeyay in ay si sharci daro kuga Jilaabanayay Degaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada Booliiska ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho waxay kusoo qabteen waxyaabo maanka dooriye, rag iibinayey iyo kuwo isticmaalayey. C/fitaax Cumar Xalane, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalkaan uu dhacay habeenkii xalay ahaa, islamarkaana looga gol lahaa sidii waxyaabahaasi maanka dooriye iyo cid walbo oo ku lug leh gacanta lagu soo dhigi lahaa. Wuxuu sheegay afhayeenka in dadkaan hadda lagu hayo xarunta dambi baarista ee CID, islamarkaana baaritaan kadib cadaalad la horkeeni doono. Sidoo kale afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in ciidamada sidan oo kale ay u bartilmaameedsan doonaan cid walbo oo iibineysa ama cabeysa waxyaabaha maanka dooriya. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan waxay sidan oo kale usoo qabteen rag isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale kuwa iibiya. Goobjoog News Source
-
Kismaayo, November, 26, 2017.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka. Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay. Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay. Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo. Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin. Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka. Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland. Puntlandi.com
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in sharciga la marsiin-doono sarkaal lagu eedeeyay in uu kufsaday gabar 16 jir ah. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in askari Cabdirisaq Warsame gacanta lagu hayo, sharcigana la marsiin-doono. Warsame waxaa uu isku dayey in uu ka baxsado sharciga, waxaana laga soo qabtay Kismaayo, Jubbaland, arrintaas oo muujineysa sida mar walbo u dhacdo in dambiga lalal dhuunto. Kiiska gabadhan 16 jirka ah, waxaa ay qeyb ka tahay dhibaato maalin walbo loo geysto haweenka Soomaaliyeed kuwaas oo aaney cidna ka fal-celin. Hadaba, Halkan Ka Akhriso: Noocyada Kala Duwan Ee Gabood-fallada Haweenka Loo Geysto Iyo Waxa Ka Dhasha Dhibaatada ay haweenka la kulmaan waa kala duwan yihiin, waxaa ay ku xiran tahay deegaanka iyo qaabka ay wax u dhacayaan Gabood-fallada ka dhanka ah dumarka waa mid jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad ama nafsad ahaan iyo mid dhaqaale. Dhibka ay haweenka kala kulmaan guryaha, kufsiga, anshax xumada lagula kaco iyo gaboodfalada ka dhanka ah dumarka ee jir ahaaneed, mid jinsi, caadifad waa qaar maalin walba haweenka ku dhaca. Waxaa kale oo dalalka qaar ka dhacda in haweenka laga faa’ideysto, laga ganacsado, qaab fircooni ah loo gudo, xoog loogu guuriyo ama iyaga oo caruur ah nin lagu daro. Dambiyada kale: Dambiyada lagu galo magaca ilaalinta sharafta Haweenka oo la dilo Gabdhaha oo la duugo Dhaqaalaha oo lagu gumeysto Kuwooda da’a ah si xun loola dhaqmo Meherka oo lagu dhibo Sida ay qoreyso hey’adda WHO hal ka mid 3-dii dumar ah oo dunida ku nool waxaa ay la kulmaan jir-dil ay u geystaan ragga ay la nool yihiin. Dunida: 38% dilka loo geysto haweenka waxaa u geysta rag ay u dhaxday ama xiriir hore kala dhaxeeyay Dhibaatada haweenka loo geysto waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadkeeda, qaab fikirkeeda iyo xitaa dhalmada, waxaa kale oo ay khatar u gelin kartaa HIV-ga. Waxyaabaha fududeeyo in haweenka la dhibo waxa ka mid ah: In waxbarasho aan la geyn marka ay yar tahay, in yaraantii si xun loola dhaqmi jiray, in hooyadeed dili jirtay, in la sooci jiray ama ay arki jirtay iyada oo mar walba ahmiyadda la siiyo wiilasha reerka. Qoyska: Caruurta arka, waalidkooda oo dhibaato ka dhex-taagan tahay waxaa ay yeeshaan dabeecad xun, kumana fiicna la dhaqanka dadka. Caruurta gurigaasi ku nool, waxaa ku bata jirro, hooyada waa ay soo tuurtaa ilamaha, ilmaha nool inta badan waxaa ku dhaco shuban iyo nafaqo-darro. Bulshada: Haweenka la jir-dilo, la kufsado ama si xun loola dhaqmo, waxaa ay ka go’aan bulshada, shaqada kuma fiicna ama maba shaqeyaan, wax dakhli ah sooma galo, bulshada iyo deegaanka ma caawin kartaan, haweeneydaasi si fiican xitaa uma daryeeli karto nafteeda iyo caruurteeda. Goobjoog News Source
-
Recognition or no recognition from the broken and dysfunctional system which led by dysfunctional organizations such as the unelected UN bureaucracy and two den or club of dictators such as the so-called African Union and the Arab league, the Republic Somaliland will keep on progressing and thriving without any help from any one. Both of these toothless and dysfunctional organizations are places dictators come together, and connive their survival strategies and brain storm of ways to stay in power and prolong their lives as one man unelected for life leaders. The time Somaliland has changing been changing five presidents peacefully, most of the members of the dictators clubs in the AU and the Arab league are still there. The word democracy is derived from the Greek work “demos” which means people, or a system of government. Democracy could be exercised in many ways either directly by citizens or through elected agents. The Greek democracy has been in the wilderness for hundreds of years, until it was picked up by countries emerging from kingdoms in Europe in the 17th century. In the United States democracy and its attributes have been adopted in 1776. The basic six characteristic of democracy are majority rule, free and fair elections, established popular sovereignty, compromise, and citizen participation in government. According to Ibrahim Lincoln the 16th president of the United States democracy is a government of the people, by the people, and for the people. A democratic government allows adult citizens the right to elect their representatives. Democracy is a government of majority rule and minority rights. The attribute and the characteristic of democracy principle of majority rule is important parts of the democratic system are free and fair elections, citizen participation, cooperation and compromise. The Republic of Somaliland has already entered in the world encyclopedia of uniqueness, resilience, maverick behavior, and rapid evolution for the better. Somaliland has adopted all the characteristics of democracy which have been blended or combined with traditional attributes of collective consensus, conflict resolution, compromise and collaboration which is manifested in Somaliland upper chamber of congress. This Somaliland chamber is populated with elderly wise men, community elders, and traditional leaders who have extensive experience in peaceful resolution of conflict, the art of compromise, collaboration and consensus seeking. The wise men in this chamber are the pacifying and moderating influences in the Republic of Somaliland. The Republic of Somaliland has all the attributes of a state, but the broken world which is filled with multiple dysfunctional states. There more than fifty countries that could not fit the so-called conditions for being a state, but are still bestowed with recognition. There are a good number among these dysfunctional states are dictatorship and one man rule states that barely rule their countries. In many of these states there are foreign interventions that sustain these rogue states. Many of these so-called countries are dysfunction states that are marred by massive corruption. Among these dysfunctional states are failed states, and there are some that are collapsed states to be propped up by foreign troops. Despite being ignored by the broken international system headed by the toothless UN bureaucracy, Somaliland has more than fulfilled the so-called conditions of becoming a state. The broken international system has called places such as Chad, Sierra Leone, Liberia, Honduras, Nicaragua, El Salvador, Guinea, Central African Republic and countless place in Africa, Latin America, the middle east and other places as real states bestowed with sovereignty. Despite all that the Republic of Somaliland has established itself as a defacto independent and sovereign state. According to professor Stefan Talmon of internal law at oxford University in Great Britain who is the author of (Recognition in International law), no country is allowed to freely attack a defacto state. These rules have been established during the cold war. According to that rule the use of force s prohibited under the United States charter. The recent Somaliland election was the fifth presidential election and the 8th free and fair election peacefully conducted in the country in its 25 years of independence. Again according to Professor Stefan Talmon a professor of International law in Oxford University, recognition of states is a complicated which is amalgamation of international law and international politics. Though according to some people including myself recognition is nothing but international politics. There is no right to recognition; it just depends on the discretion of existing states. There was at a time during the peak of the cold war when the recognition of the states of North and South Vietnam, North and South Korea, East and West German depend on cold war on NATO and Warsaw countries. In these modern times; there are some states such as Taiwan, Palestine, Kosovo, and Northern Cyprus which are recognized by some countries, while not recognized by others. This shows that recognition is a political thing which depends on the existing states. Suleiman Egeh is a free lance writer and a senior science instructor
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey oo muddo badan uu Khilaaf ka dhaxeeyey ayaa Maanta la arkay iyagoo si wadajir ah uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Labadaan mas’uul ayaa isku raacay Safar dalk Jabuuti ah halkaas oo la filayo inuu ka furmo Wajiga labaad ee wadahadalka Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo Carabey ayaa midba goonidiisa ugu dhawaaqay inuu kan kale ka qaaday xilkii intii ay socotay ololihii ka socday Cadaado oo ay Sababta u aheyd go’aankii uu Xaaf ka qaatay Khilaafka u dhaxeeyo Dowladaha Khaliijka. Labadaan Mas’uul ayaa Maanta u dhoofay Dalka Jabuuti halkaas oo la filayo inu lagu soo dhameeyo Khilaafka waqtiga badan qaatay ee u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna. Sida ay Wararka hoose sheegayaan Xaaf iyo Carabey waxaa dhawaan heshiisiiyey Madaxweyne Farmaajo inkastoo aan si rasmi ah Saxaafadda loola wadaagin Qodobada lagu heshiiyey. Haddaba Halkaan hoose ka daawo Sawirada
-
Munaasabad loogu yeeray xuska 3; guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu kar-jebinayey nux-nuxda xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS. Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay heesaha iyo masraxiyaddaba loo danlahaa xildhibaano iyo Siyaasiyiin wada olole ka dhan madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan ama Aw-Shariif, sida suugaanta saddex-guurada loogu yeerayey, heesaha waxa kamid ahaa heesta “Awshariifow Annagaa ku dooranay” iyo hees kale oo lagu dhalliilayey hal-hayska Isbeddel fadaanee! Oo malaha hal-qabsi u ah siyaasiyiinta wada Ololaha, kuwas oo sugi la’ muddada ka hartay xilka madaxtinimada madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa ay billaabatay kaddib salaadda Maqrib; waxa ayna dhammaatay labada habeennimo ama siddeed saac, waxa ka hadlay xildhibaano heer federal iyo heer gobol ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula jiraan hoggaanka KGS, balse waxa jiray xildhibanao labadaas heer kala ah oo aan ka qaybgelin munaasabadda kuwaas oo Baydhaba joogay, qaarkood oo aan arkay waxa ay ii sheegeen in madaxweyne Shariif ; uu soo hormariyey ololihiisa doorashada ee xilliga labaad, sidaas awgeedna aanay arkin saddex guurada wax weyn oo ay ka qabgalaan, waxa ii sheegeen in 17-ka November; ay tahay maalinkii la doortay madaxweynaha balse aanay ahayn maalinkii la aas-aasay maamulka KGS. Waxa ka qayblay madax uu kamid ahaa madaxweynaha Hirshabeelle iyo wakiil ka socday Galmudug, kuwaas oo intooda badan ku dhiirrigeliyey dadka joogay munaasabadda in ay taageeraan hoggaanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Marka uu Shariif Xasan ka maqan yahay Baydhaba; waxa kaca hugunka iyo soo jeedinta mooshin dhan ah madaxweynaha, balse waxa ay shiiqaan oo ay u muuqadaan in ay meeshaba ka bexeen marka uu joogo, sidaas waxa ii sheegay Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin kala duwan oo aan la kulmay intii aan joogay Baydhaba. Taasna waxa ay ii muujisay in madaxweyne Shariif Xasan; uu kamid yahay madaxda aan Xilka iyo Xollaha wada raadin halmar, ee marka ay mid hayaan kan kale ku illaaliya, taas oo ah dhaqanka madaxda hesha waqti dheer oo ay wax ku xukumaan, taasi kama dhigna in xukunkoodu toosan yahay balse waa in ay xilkooda ku waardiyeeyaan xoolaha iyo hantida soo gasha. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in ay munaasabadda ay ka qaybgaleen Wasiirkii gaashaandhigga ee iska casilay xilka iyo Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee golaha xukuumadda xilka ka Qaaday, taas oo inyar muujisay jiritaanka is xulufeysi billow ah, kaas oo ka soo unkamay golaha dowladgoboleedyada, ayna kua soo muuqan doonaan madaxda sida qaabdarrada ah xilka looga qaado ee dowladda dhexe iyo kuwa laga masaafuriyo dowladgoboleedyada iyada oo lagu haysto in ay ka horyimaadeen madaxda. intii aan joogay Baydhaba; waxa aan warbaahinta ka maqlay xildhibaano kamid ah KGS; oo sheegaya in ay ka laabteen sii waddidda mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaano heer federal ah iyo kuwo heer dowlad goboleed ah ayaa iska kaashanaya sidii loo kicin lahaa hugun siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay soo oogidda mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mucaaradku waxa ay u arkaan in aanay jirin wax loo dabbaaldego oo 3; sano kaddib ka muuqda magaalooyinka iyo degmooyinka KGS, iyaga oo dhismayaasha madaxtooyada Baydhaba iyo Baraawe, Hirgelinta Telefeshinka iyo Raadiyaha KGS; iyo wixii la halmaala u arka xoog iyo xoolo kaalmo ah oo ay bixiyeen kana shaqeeyeen hay’ado iyo deeqbixiyeyaal caalami ah. Balse Shariif Xasan Sheekh Aadan; oo weli rogrogi kara siyaasadda iyo qaab-dhismeedkeeda ayaa dooddda mucaaradka ku furay hir xoog badan oo loo adeegsaday warbaahinta iyo Fanka, kuwaas oo gaaray heer ay ku heesaan Aabe Shariifow adigaan ku aaminay. Fursad kale oo u muuqatay in kubadda uu laaday Shariif Xasan ay gashay shabaqa ayaa ah in Wasiirk koowaad ee xukuumaddu uu tagay Baydhabo; kaddibna uu ka qaybgalo furitaanka jaamacad loogu magacdaray isaga, hadalna ka jeediyo habeenkii xigay munaasabad ka dhacday isla meeshii ay ka dhacday munaasbaddii xuska saddex-guurada KGS. Inkasta oo aanan hubin in ay sax tahay haddana raisalwasaare Kheyre ayaa ka sheegay munaasabadaas in xukuumadda Soomaaliya shaqo uu abuurtay muddada ay jirto 5000; oo qof, ayna dhammaadka sanadkan u abuuri doonto 20,000 oo qof shaqo ay ku noolaadaan. Dhinaca Nabadgelyada Baydhaba; waa nabad marka aad dhex-joogto, balse daafaheeda si sahal ah looguma dhiirran karo in lagu safro ama loo daneysto, sababtuna waa in aanay ku jirin gacanta KGS iyo ciidanka Amisom ee jooga gobolka, raisalwasaaraha ayaa ka sheegay Baydhaba in ay qabanayaan 2; arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah furitaanka jidak isku xra Xamar iyo Baydhaba, sidaas oo kalana in xukuumaddu ku caawineyso madaxweynaha KGS, sidii uu ugu guurii lahaa madaxtooyada KGS ee Baraawe. Labadaas arrimood iyo kuwa ammaanka la xiriira ee haysta KGS waxa ay hirgeli karaan oo keli ah marka ay xaqiiqo noqoto in siyaasiyiinta wada ololaha “Isbeddel ya Fadaanee” iyo madaxweyne shariif Xasan; ay ka gudboon is haysiga gudaha iyo adeegsiga warbaahin hal-dhinac ku hadli karaan dhinaca kalana u taqaan dad bilaa macne ah. W/Q: Axmed Ciise Guutaale
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka looga qaaday wasiirkan, iyadoo aan la sheegin sababaha xilka looga qaaday. Waa tallaabadii ugu horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood. Waxaa xilkaan si kumeel gaar ah usii hayndoona Wasiiru Dowlaha Mudane Abdihakim Hassan Ibrahim Ashkir Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxayna kala hadleyn Caqabadaha hortaagan in Xukunka dilka ah lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Wasiir Cabaas Shiikh C/llaahi Siraaji. Xildhibaanadaan oo gaaraya ilaa 50 Mudane oo ka tirsan Labade Gole ayaa sheegay in madaxweynaha ay weydiiyeen Su’aalo ku saabsan Caqabadaha hortaagan in la fuliyo go’aanka Maxkamadda waxa ayna sheegeyn in ilaa hada uusan sheegin Sababtaasi. Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Barteeda Facebook ku soo qortay hadalkaan. “Xildhibaano gaarayo 50 Xildhibaan oo ka tirsan Labade Gole ayaa la kulmay Madaxweynaha waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan in uu saxiixo dil lagu fuliyo Askarigii ka dambeeyay dilka Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska Soomaaliya waxa uuna sheegay in arintaasi uusan ilaabin meel wanaagsana ay mareyso balse uu tix gilinayo go’aanka maxkamadana la fulin doono balse laga war sugo” sidaas waxaa barteeda facebook ku soo qortay Xildhibaan Xaniifa Xaabsade. Sidoo kale Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay in uusan Madaxweynaha Soomaaliya uusan cadeynin waqtiga la sugayo balse ay dareemayaan in dano qabiil ay ku hor gudban yihiin fulinta kiiskaasi. Qoraalka ay soo dhigtay Barteeda facebook ayaa markii dambe laga saaray lamana oga sababta ka dambeysay in laga saaro Page-keeda qoraalkii ay so dhigtay oo ay kaga hadlaysay Kulankii madaxweynaha ay la yeesheen sidoo kale waxaa Page-keeda laga saaray qoraal ka sii horeeyay oo ay kaga hadleysay kulan ay yeesheen Xildhibaanadii madaxweynaha u tagay oo ay kaga hadlayeen isla arintaan. Waa markii ugu horeysay oo xildhibaano ka tirsan Labada ee Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynaha Dalka kala shiraan Arinta ku saabsan Dilka Marxuum Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji. Askariga loo xukumay dilka Wasiir Siraaj Cabaas ayaa ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu xukun suge ku yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee hlusuna Waljamaaca ayaa ka hadlay wadahadalo socda oo lagu dhex dhexaadinayo isaga iyaga iyo Maamulka Galmuudg. Waxa uu sheegay in waqtigan uusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Xaaf balse ay jiraan dad sii kala fogeynaya. “Xaqiiqdii aniga Xaaf majiraan dagaal naga dhaxeeya balse waxaa jira dd nasii kala fogeynaya kuwaas oo markasta sheegaya in uu khilaaf naga dhaxeeyo waa kuwaas kuwa diidan ina an mudowno,Bulshadana waxaa laga rabaa in ay intaas garato ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir” ‘’ Waxa ogtihiin marwalbo waa nala dacaayadeyaa wax walba waa nagala shegaa laakiin dadka ma oga xaqiiqda jirta marwalbo oo nalo yeero ama Gobalada dhexe nagula yimaado inaga waxa dhaheynay idiinka aya wakiil inaga ah hadana warar been abuur ah ayaa nagala baahiyaa, ayuu yiri Madaxweyne Sheikh Shaakir” ayuu mar kale yiri. Sikastaba waxaa la filaya in dhawan dalka Jabuuti ay tagaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Sheekh Shaakir si halkaasi wadahadalo uga furmaan. Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir. http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Madaxweyne-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso-[Puntland Post]-Dood Ku Saabsan Saamenta Khilaafka Wadamada Khaliijka iyo Dawlad Gobaleedyada Soomaliya oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi Baarinta Geeska Afrika ayaa ka dhacaday Magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka bari. Waxaa ka soo qeyb galay kulanka xubno ka socday golaha wasiirada Puntland, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro, madaxda jaamacadaha, culimo’udiin, madaxda bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta . Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sharaaxaad dheer ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo wadamada khaliijka. ”Sidaa ognahay waxaa iskhilaafay wadamo aynu nahay walaalo, sharciga adduunkana kuma dhisna in wadan la isku xulufeysto, su’aasha aan maanta isweydiinayno waxa ay tahay maxaan ka faa’idnay jirjiga wadanka Qadar, wadomo oo ay ka mid yihiin Itoobiya Qadar waxa ay ka faa’ido mashaariicyo badan, waxaan u baahanahay in meel cad aynu ka istaagno khilaafyadaasi ayuu yiri Wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdifitaax Nuur Ashkir.” Gudoomiyaha jamacadda Bosaso Pof. Cabdiwali Cabdiraxaman Geere ayaa isna sharaax sidoo kale ka bixiyey xiriirka wadamada Khaliijka kala dhexeeyey Soomaaliya. Madaxa xarunta cilmi baarista geeska Afrika Liibaan Axmad Shire ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Soomaaliya iyo khaliija uu yaay soo jireen, iyadoo taariikhda qoray inta aan la hormarin in wadamadaasi khaliijka ay ahaayeen wadamo baahiyo iyo duruufo badan ka jirtay. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Dood ku saabsan khilaafka wadamada Khaliijka iyo mowqifka soomaliya oo Bosaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Laba askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, kadib markii lagu weeraray goob Koontarool ah oo ciidanka ay ku sugnaayeen. Ciidamada la dilay ayaa ku hawlanaa baarista gaadiidka mara Isgoyska Sanca ee aada dhanka Hotel Global, waxaana dilkooda ka dambeeyay ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya. Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada dilka gaystay ay horay u sii qaateen laba qori oo ay lahaayeen labadaasi askari ee dilka ay u gaysteen. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in wali maydka askartaasi uu yaalo ka soo hor jeedka Sarta Baana Raama ee Sanca. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Askarta dilka Geysatay ay ka tirsanaayeen Ciidanka Xasilinta Gaar ahaan Qaybta uu Taliye u ahaa allaha unaxariistee Taliye ku dhintay weerar ka dhacay Hotelka Naasa hablood two. Labadan Askari ee la dilay ayaa diiday in ay hubka soo Wareejiyaan ka dib markii la sheegay in lagu amray in ay Hubka soo wareejiyaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo maleynayo in uu jiro isku dhac kale oo Horay uga dhaxeeyay, laakiin Lama xaqiijin. Ciidamadii weerarka soo qaaday ee Nabad Suggida ka tirsanaa ayaa durba halkaasi isaga cararay, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya. Xaalad feejignaan ah ayaa ka jirta koontaroolada Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan shaki soo kala dhex galay ciidanka dhexdooda.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali. Tani ayaa muuqata tallaabadii u horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu qaado, isla markaana xilka ka qaadis ku sameeyo wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa, kaddib markii ay Labo Wasiir is casileen bil gudahood. Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ay la xiriirto arrimo ku saleysan awood qeybsiga beelaha. Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xilalka dowladda u hela qaab awood qeybsi, waxaana dad badan sheegayaan in xil ka qaadista Wasiirkan iyo magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga uu ka muuqdo isu dheelitir qaabka awood qeybsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad ka careysan dhul la burburinayo ayaa banaanbaxa ka dhigaya Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir,waxaana ay isku dhac dhexmaray Ciidamada halkaas bur burka ka wada ku dhaawacmay dhowr qof. Rabshadahan ayaa billawday kaddib markii Ciidamada dowladd ay bur birin ka billaabeen Xaafado ku yaalla degaankaas oo ilaa shalay ay bur burinta ka socotay. Dadka degaanka ayaa Ciidamada ku eedeynaya in Ganacsato ay gadaal ka riixayaan bur birinta Ciidamada dowladda ka wadaan xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir. Banaanbaxayaasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in uu wax ka qabto Ciidamada ka socda dowladda ee xaafadahooda bur burinta ku haya iyaga oo tuhmaya in Ganacsato ka dambeyso. Dadka degaanka ayaa sheegaya in wax ka yar lix saacadood loo qabtay islamarkaana lagu amray in ay guuraan ama guryaha laga duminayo,waxaana ay sheegeen in aysan taas qaadan karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa xalay kala hadlay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo wax hor-taagan in la fuliyo dilka Askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji. Mudanayaashan Qaarkood ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aalo la xiriira sababaha illaa iyo hadda loo fulin la’yahay go’aankii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya a ku ridday askariga dilka geystay. “Annagoo 50 xildhibaan ah kana kala tirsanaa labada gole ee Baarlamaanka ayaa la kulmay xalay Madaxweynaha DF, waxaana kala shirnay caqabadaha hortaagan inuu saxiixo dil lagu fuliyo askarigii ka dambeeyay dilkii Wasiir Cabaas Siraaji, Wasiirkii hawlaha guud ee Somalia, Wuxuuna noo sheegay in arrintaas uusan hilmaamin meel wanaagsanna ay mareyso, isla markaana uu tix-gelinayo go’ankii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida,” ayay tiri Xildhibaanad Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahayd kuwii la kulmay madaxweynaha Somalia. Sidoo kale, Xildhibaan Xaniifa ayaa sheegtay inuusan Madaxweyne Farmaajo caddeyn xilliga la sugayo, laakiin ay dareemayaan in dano Qabiil ay ku hor-gudban yihiin fulinta kiiskaas. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan kulanka ay xildhibaannadu la qaateen madaxweynaha Somalia, waxaase ujeeddada kulankoodu ahaa inuu cadaalad helo marxuum Siraaji, lana fuliyo xukunkii maxkamaddauku ridday askarigii dilkiisa ka dambeeyay. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli baraha bulshadu ku xiriirto la soo dhigayay todobaadkii hore hadallo ku saabsan dilkaas iyo sababaha loo fulin la’yahay dilka gacan-ku-dhiiglihii dilay wasiir Siraaji. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ay Madaxweynaha DF kala hadlaan arrinta ku saabsan dilkii Marxuum Siraaji iyo Askarigii ka dambeeyay oo horay Maxkamadaha ciidamada ay dil ugu xukumeen. PUNTLAND POST The post Xildhibaano kala hadlay Farmaajo sababta loo fulin la’yahay xukunkii dil ee Askarigii dilay Wasiir Siraaji appeared first on Puntland Post.