Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa isbadal ku sameeyey go’aankiisa ku aadan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore si weyn uga soo horjeeday in dowladda dhexe waqtigaan la mucaarado ayaa hadda u muuqdo inuu arrintaas isbadal ku sameeyey, waxaana xogta lagu helayaa inuu Xasan Sheekh hadda ka aqbalay kooxdiisa qabyo in meesha laga saaro dowladda dhexe ee Soomaaliya. Siyaasiyiin, wasiiro hore iyo xildhibaano ka mida kooxdii lasoo shaqeysay madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir ugu soo dhammaaday dalka Turkiga. Shirkan oo uu guddoominayey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeyb galay in ka badan 30 xubnood oo ugu cadcadaa kooxda qabyo, waxaana looga hadlay xaaladda dalka iyo mowqifka ay ka qaadanayaan. Xogta laga helayo shirkaasi ayaa sheegeysa in laba fikradood loo kala qeybsamay iyadoo tan hore oo ah in xaaladda siyaasadda dalka wax laga bedelo iyo in muddo kale loo sugo hoggaanka xilligan talada haya. Xubno uu ugu cadcad yahay Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la sheegay inay wateen fekrada ah inaan xilligan wax tallaabo ah la qaadin, isla markaana muddo dheeraad ah la siiyo hoggaanka madaxweyne Farmaajo, balse waxay wararku sheegayaan in laga cod batay oo xubnihii kale ay ku doodeen inaan gacmaha laga laaban karin xaaladda dalka oo sida ay sheegeen halis ku jirta. Shirka ayaa ku soo dhammaaday in kooxdu ay xaaladda socota la fal gasho isla markaana bilowdo qorshe lagu badbaadinayo dalka. Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo hore marar badan ugu baaqay in waqti la siiyo madaxweynaha cusub, la iskana ilaaliyo khilaaf siyaasadeed ayaa hadda u muuqda inuu bedelay mowqifkiisii. Kooxdda Qabyo ee Xasan Shiikh hogaamiyo ayaa la sheegay iney magaaladda Ankara kaga arinsadeen go’aanka Emirate-ka ee arinta is badalka madaxtinimada, waxaa la sheegay iney ku kala qeybsameen fikirka Emirate-ka laakiin waxaa warar hoose sheegayaan iney isku raaceen in mucaaradnimadooda ay xoojiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Jabuuti (Caasimadda Online) – Dalka Jabuuti waxaa maanta ka furmay shir ay ku heshiinayaan Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna,kuwaas oo wajigii 1aad ee wadahadalkooda uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaasha Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,ku xigeennadooda iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka labada Maamul. Wadahadalkan waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD,waxaana wajiga2aad ee wadahadallada labada maamul. Dowladda Federaalka ah ayaa dhowr jeer isku dayday in ay Muqdisho ku heshiisiiso labada maamul hayeeshee waxaa ay dhici weysay. Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay in waligoodba ay diyaar u ahaayeen wadahadallada Galmudug,waxaana uu xusay in markasta ay oggolyihiin in ay wada heshiiyaan. Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalka Jabuuti uu ka filayo in ay ka soo baxaan midnimada Galmusug iyo Ahlu Sunna. Inkastoo Shirka maanta uu si rasmi ah u furmay oo labada dhinac ay si toos ah u wada hadlayaan, ayaa haddana jira in Shuruudo kala duwan miiska ay u saaran yihiin dhinacyadaasi. Hoggaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna ayaa wata Shuruudo adag oo ku aadan hanaanka awood qaybsiga Maamulka Galmudug laga siinaayo Ahlu Sunna, waxaana adkaan doonta qodobada qaar oo shuruudaha ah. Inkastoo Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa Shirkaasi ay ka qayb galayaan, ayaa haddana Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu ka soo horjeestay shirkaasi.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Galabta ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya si uu uga qeybgalo Caleema Saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Uhuru Kenyatta. Xafladda Caleemka saarka ee Uhuru ayaa la filayaa inay dhacdo Berri, waxaana ka qeyb geli doono madax badan oo ka tirsan Qaaradda Africa, waxaana liiskaas kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saacadaha soo socdo isaga iyo wafdigiisa ay ka dhoofi doonaan Muqdisho. Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dib usoo fiicnaaday Xiriirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleystay inuu fududeeyo dhibaatadii Muwaadiniinta Soomaliyeed ay kala kulmi jireen safaradooda Kenya oo lasii marsiin jiray Magaalada Wajiir. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dowladda Kenya ku qanciyey inay muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeyso dal ku galka Kenya, gaar ahaan muwaadiniinta wato baasaboorada Service oo Fiisahooda lagu siiyo (On Arrival). Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda ku jiro jawigii ugu fiicnaa oo is faham siyaasadeed ah waxaana muuqato inay si weyn isugu soo dhawadeen tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa madaxda ka qeyb galeyso, kuwa Ergooyinka u dirayo, kuwa wafdi heer wasiir diraya iyo kuwa kale oo Madaxweyne ku xigeenka ama Ra’isulwasaare uga qeyb qaadan doono. Dalalka ay madaxweynayaashooda ka qeyb geli doonaan Caleemasaarka: Mohamed Abdullahi Farmaajo (Somalia) Yoweri Museveni (Uganda) Ian Khama (Botswana) Paul Kagame (Rwanda) John Pombe Magufuli (Tanzania) Edgar Lungu (Zambia) Ismaïl Omar Guelleh (Djibouti) Hage Geingob (Namibia) Faure Gnassingbé (Togo) iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya and Prime Minister Hailemariam Desalegn of Ethiopia. Wadamada Soo diri doono Ergooyin Senegal, China iyo Japan Wadamada soo diri doono Wasiiro South Africa, Britain Ukraine iyo India Wadamada soo diri doono madaxweyne ku xigeenada ama Ra’isulwasaare: Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi iyo Yemen Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya haddana ah wakiilka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa wado ololo aad u weyn oo uu ku doonayo inuu mooshin kaga keeno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wakiil uga ah Cumar Cabdirashiid ololaha lagu doonayo in dowladda Soomaaliya looga hor imaado ayaa Muqdisho ka bilaabay diyaarinta Mooshin la doonayo in xilka looga qaado Farmaajo laguna bixinayo lacag aad u badan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Xildhibaan kasta oo mooshinkaas saxiixo u ballan qaadayo inuu siinayo 10 Kun oo Dollar, halka Xildhibaankii u codeeyo in Farmaajo xilka laga qaado la siin doono lacag gaareyso 50 Kun oo Dollar. Hadduu Xildhibaanka codsado inuu kaliya saxiixo mooshinkaas wuxuu qaadanayaa 10 Kun oo Dollar, halka Xildhibaankii isku darsado inuu saxiixo kadibna u coddeeyo in kalsoonida lagala laabto Farmaajo uu heli doono lacag gaareyso 10 + 50 Kun oo Dollar oo isku darkeeda noqoneyso 60 Kun oo Dollar. Waxaa durba bilowday shaki weyn oo ay Xildhibaanada ka qabaan ballan qaadkaas, waxayna Cabdiraxmaan Cabdishakuur hor dhigeen inuu lacagtaas kaash u bixiyo si howshaas loogu qabto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan awood u heli karin inuu 185 Xildhibaan oo Farmaajo lagu rido karo siiyo 60 Kun oo Dollar ayaa isku dayayo inuu qiyaano Xildhibanada, waxaana hadda muuqato inay arrintaas fashil ku dhowdahay maadaama ay arrintaas shaki weyn ka qaadeen Xildhibaano badan. Sida aan xogta ku heleyno waxaa Mooshinkaas saxiixay ilaa hadda 2 Xildhibaan oo aan weli la siin 10-kii kun ee loo ballan qaaday, waxayna arrintaas sababtay inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur helin Xildhibaan kale oo u saxiixo mooshinkaas, maadaama ay arrinta kaliya tahay ballan qaad laga leeyahay in lagu qalqal geliyo dowladda dhexe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo rajo ka lahaa in laga dhigo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo markii Xilkaas loo magacaabay Xasan Cali Kheyre bilaabay olole oo aan indho laheyn oo lagu doonayo in meesha looga saaro dowladda cusub ee aan jirin xataa hal sano. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa heysto kalsoonida ugu badan Xildhibaanada Soomaaliya oo intooda badan ah dhallinyaro ay ka go’antahay in dalka wax badan laga badalo isla markaasna meesha laga saaro masuq maasuqii dalka hareeyey.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Bosaso-[Puntland Post]-Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado ayaa ka hadlay Ciidamada dheeraadka ah ee la keenay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Gudoomiye Dhado , ayaa sheegay in ciidamadu ay qabanayaan wax uu ugu yeeray dadka fidnada wada, kuwaas oo uusan si toos ah u carabaabin gudoomiyuhu. ”Ciidamadan waxay u socdaan dadka inta fidnada wada inay ka qabtaan, Puntland halkaan waxay kuso gaartay dawladnimo waa la illaalinayaa, ma jiro qof shakhsi ah oo dawladnimada ku ciyaari karaa ma jiro, qof shakhsi ah oo dadka fidno ku abuura oo hadba meel istaaga dawladu uma dulqaadanayso, Ciidanku waxay amar ku qabaan qofkii fidno wada inay qabtaan” Ayuu yiri Gudoomiye Dhado. Wuxuu intaas ku daray….”Dadka hadba meelahaas ordaya, waxaan jeclaan lahaa inay ka qayb qaataan hormarinta amniga iyo Maalgashiga waxa dalka ka socda, waliba dadka Ganacsatada ah iyo Siyaasiyiinta oo Maslaxada ku haysata dalka, cida laga shaqaysto in la dhibo ma aha”. Yuusuf Maxamed Waceys Dhado , ayaa ka codsaday dad uu sheegay inay dhibaato wadaan inay dhibka joojiyaa, isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri….”Dhibaatada dadka wada waxaan ka codsanayaa inay dhibta joojiyaan, haddii ay joojin waayaan meel lagu joojiyo ayaa jirta, qofka dhibta wada waxaa dadka ka qabta waa Sharciga, dawladu Ciidan iyo wax kasta waa leedahay, waxaan uga digayaa Qaswadayaasha dhibta ay wadaan”. Ugu dambayntii wuxuu mahadcelin balaaran u jeediyay Culumada iyo Isimada Puntland oo uu sheegay inay kala shaqeeyaan arrimaha amaanka. cabdiqani Boos Punland Post- Bosaso The post Gudoomiyaha Gobalka Bari oo ka hadlay Ciidamo Cusub oo Bosaso la keenay appeared first on Puntland Post.
  6. Aqalka sare ayaa xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti mudane Maxamed Cali Xumud. Xafladdan oo sidoo kale uu joogay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ugu horeyn erayo soo dhaweyn iyo sharaxaad qiimaha xiriirka labada dal halkaasi la jeediyay guddoomiya ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari). Abshir Bukhaari waxaa uu dalka Djibouti uga mahadceliyay sida ay u tageeraan Soomaaliya “Mudane Guddoomiye, Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Djibouti waa labo dal oo wadaaga dhiig iyo dhul, iskagana dhaw wadamada kale ee geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba, mudane guddoomiye waa labo dal oo Hiil shuruud la’aan ah isku haya oo mar walba isku tusaaleeya wanaagga, horumarka iyo nabadda”. Guddoomiye ku-xigeenka ee aqalka sare Abshir Bukhaari waxaa uu ka hadlay heerarka uu soo maray xiriirka labada dalka“waxaa tusaale inagoo filan taageerada ay jamhuuriyadda Soomaaliya la garab taagneed xornimadd wadanka Djibouti oo markaasi loo yaqiinay Soomaalida Faransiiska, iyada oo ku bixisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, mudane guddoomiye si la mid ah sidaas ayey Djibouti u garab istaagtay jamhuuriyadda Soomaaliya xiliyadii dagaallada sokeeye iyada oo dadaal xoogan oo aad u badan ku bixisay dib u heshiisiinta Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed iyo dib u yegliilidda dowladnimada Soomaaliyeed, mudane guddoomiye waxaa kale oo lama iloobaan ah ciidamada Hiil-walaal oo ka socda dowladda Djibouti kuwaas oo naftooda iyo dhigoodaba ku difaacaya shacabka iyo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kana shaqeynaya nabadda iyo sidii ammaan loo heli lahaayeen, dadyowga Jamhuuriyadda, mudane guddoomiye kadib halaaggii ka dhacay isgoyska Zoobe 14kii October , dowladda Djibouti iyo shacabkeeda waxaa ay mar kale u muujiyeen in Hiilkoodu uusan soohdin laheyn oo mar walba u heelan yihiin garab istaagga walaalahooda iyaga oo gurmad caafimaad oo degdeg ah dadkii waxyeellada ka soo gaareen hallaagii ka dhacay Isgoyska Zoobe, isla markaasna uga qeyb-qaatay musiibadaas gurmad dhaqaale oo aad u weyn” Waxaa uu ugu dambeyntii Abshir Bukhaari uga mahadceliyay dalka Djibouti garab istaaggooda iyo Hiilkooda. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhankiisa sheegay in aqalka sare iyo golaha shacabka ay ka dhasheen shirkii Carte ee dalka Djibouti, lagana faa’iday oo xiraa deegaankii Carte uu isku badalay gobol shirkaasi kadib. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo xafladda isaga oo u rajeeyay Soomaaliya iyo dhulkeeda in ay ku noqon doonaan sidii hore isaga oo intaasi racaiyay in maanta Soomaaliya aaney dowlad, ciidan iyo sharci ka maqneen ee waxyar dhiman yihiin, isaga oo soo jeediyay in Soomaalida is-aaminto. Goobjoog News, Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan la qaadaney Madaxda ugu sareyso Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii dambe qeyb ka ahaa ololaha looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo ay waday Imaaraadka Carabta ayaa hadda u muuqdo inuu gaba ahaanba isaga baxay, kadib markii uu heli waayey hal arrin oo uu muddo raadinayey markii horena ku qasbeysay inuu kamid noqdo Kooxaha ku xiran Dalka Imaaraadka Carabta. Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu soo waramaya inuu lugta kala sii baxayo kooxdda mucaaradka ee caawimaada ka hesha Emirate-ka kadib markii loo sheegay inuusan u tartameynin badalka Farmaajo hadii qorshaha is badalka lagu guuleysto. Waxaa loo sheegay kooxdda mucaaradka iyo xildhibaanada la iibsanaayo intaba in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu dhameystiri doono waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo. Sheekh Shariif oo ay arrintaas u cantami weysay ayaa go’aan ku qaatay inuu gebi ahaanba isaga haro kooxahaas, wuxuuna hadda la saftay dowladda Soomaaliya oo siisay ballan qaadyo waaweyn. Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaadan doono sidii dowladda dhexe looga dajin lahaa culeysyada kala duwan ee uga imaanayo kooxaha mucaaradka ku ah, waxayna Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha isku afgarteen qodobo aan lala wadaagin saxaafadda oo ay ugu muhiimsaneyd inuu la shaqeeyo dowladda. Sheekh Shariif ayaa looga guuleystay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya, marnaba waxaa ka qaaday Xasan Sheekh marnaba Madaxweyne Farmaajo oo hadda talada dalka hayo. Sheekha ayaa ku taamayey inuu mar kale ku laabto kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya balse waxaa ka hor imaaday caqabado kala duwan oo ay ugu horeysay in loo sheegay in afartaan sano ay dhameysan doonaan beesha hadda xilka heyso xataa haddii meesha laga saaro Farmaajo. Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa ah shakhsi saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa inuu dowladda dhexe wax badan ka caawin karo haddii ay wax kasta u dhacaan sidii lagu heshiiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan Seychelles ayaa sheegay in dowladda Federaalka lagu soo wareejin doono maxaabiis Soomaaliyeed oo xabis ku yaalla dalkaasi ku jira. Wuxuu wasiirka la kulmay 15 maxbuus, 1 kamid ah wuxuu dhammeystay xukunka oo dhowaan ayaa lasoo deyn doonaa, kuwa kalena wuxuu sheegay bisha December lagu soo wareejin doono dowladda. Sidoo kale wasiirka ayaa qoraal uu kusoo qoray bar uu ku leeyahay Internetka wuxuu ku sheegay inuu la kulmay 6 qof oo Afar maalin kahor lagu soo xiray Seychelles, kuwaasi oo iyaguna ku eedeysan fal burcadbadeednimo. Wasiir Garaad ayaa sheegay in dadkaan ay u sheegeen iney yihiin kallumeysato, matoorkii doonta ka halaabay sidaasina lagu qabtay, waxaana dhanka uu sheegay in loo xaqiijiyey in doontooda oo laga helin wax hub ah. Qoraalka wasiirka halkaan hoose ka akhriso: Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan maanta ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran. Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo. Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya. Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl. Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin. Lix hor leh Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood. Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay. Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah. Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa. Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada… Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah. Source
  9. Berbera (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Berbera si rasmi ah uga bilowday dhismaha Saldhiga Militery ee dhawaan Imaaraadku ka calaameystay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia. Dhismaha Saldhiga Militery ayaa waxaa qandaraas ku qaatay Shirkadda ”Divers Marine Contracting LLC”, waxa ayna Saraakiisha shirkada sheegen inay bilaabeen dhismaha Saldhiga. Shirkadaan ayaa waxaa qandaraaska dhismaha lasiiyay Bishii April ee 2017, waxa uuna Agaasimaha shirkada Cabdalla Darwiish tilmaamay in Saldhiga ay ku kici doonto lacag dhan 90 Million oo Dollar-ka Mareykanka ah. Nashqada dhismaha Saldhiga ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaan doono Garoomo kasoo dega Diyaarado dagaal iyo kuwo ay ka kacaan. Qorshaha ugu weyn ayaa ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay Saldhigaasi ka ilaalsato dhaqdhaqaaqa, iyadoo ay xusid mudan tahay in magaalada Berbera ay tahay mid ku taalla Gacanka Cadmeed isla markaana 200-KM dhanka Koonfurta u jirtaa Xeebaha dalka Yemen. Geesta kale, waxaa si dhaqsi ah lagu soo afjari doonaa dhismaha Saldhiga, maadaama qandaraaska uu yahay mid aan soconkarin ugu yaraan muddo kabadan Todobo bil. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com
  10. Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Dhedo, ayaa sheegay dowladda Puntland inay adkaysay ammaanka magaalada Bosaso, kadib markii maalmahaan dambe ay ka dhacayeen buuq ay sameynayeen kooxo kasoo horjeeda horumarka. Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sheegay kooxaha Daacish iyo Shabaab inay raadinayaan fursad ay kaga faa’idaystaan mashquulka ka jira magaalada Bosaso, si ay u geysteen falala argigixiso, laakiin wuxuu cadeeyay inay dowladdu ciidan badan geysay magaalada Bosaso. Wuxuu guddoomiyuhu xaqiijiyay ciidamadaan inaysan lahayn ujeedo kale oo aan ahayn inay ilaaliyaan nabad gelyada shacabka, maadaama kooxaha argigixisadu aanay kala jeclayn shacab iyo dowladba, balse ujeedoodu ay tahay inay xasuuq ka geystaan Puntland, si lamid ah Muqdisho. Guddoomiye Dhedo ayaa ugu baaqay shacabka magaalada bosaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaankooda sugaya ee cadowga ka ilaalinaya, wuxuuna farriin culus udiraysa cid kasta oo qatar ku ah amamanka Bosaso in tlaabo laga qaadidoono. Puntlandi.com
  11. Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Puntland, Eng. Siciid Maxamed Raage, ayaa sheegay ciidamo la geeyay magaalada Bosaso inay gacan bir ah ku qabandoonaan dadka fidno wadayaasha ah oo dowladnimada kasoo horjeeda. “Puntland, wajiga ay maanta leedahay waxay kusoo gaartay dowladnimo, mana loo dulqaadandoono, in laga aamuso qof shakhsi ah oo ummadda kiciya islamarkaana qatar ku ah nabad gelyada Puntland.” ayuu yidhi wasiirka dekedaha. Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Puntland ay go’aan kasoo saartay in sharciga lala tiigsandoono cidii mar dambe iskudayda inay qalalaase ka sameyso magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Halkaan ka dhegayso codka wasiirka. 10155775629166878 Puntlandi.com
  12. Consider the latest news from America’s war zones, still spreading across the Greater Middle East and Africa. The U.S. military is now reportedly building up its troop strength (mostly Special Operations forces) in Somalia. Their number has already doubled, reaching 500, while U.S. airstrikes are increasing against al-Shabab, the well-entrenched Islamist terror outfit in that country. We’re talking about the largest concentration of American troops in Somalia since the infamous Black Hawk Down debacle of almost a quarter-century ago. Meanwhile, in Afghanistan, U.S. troop numbers (now considered a “secret”) are rising into the 14,000-16,000 range with at least 3,000 new troops recently sent in by the Pentagon. U.S. air strikes there are also on the rise. Recently, American B-52s (the bomber of choice of the Vietnam War) and the latest F-22 jet fighters have been loosed for the first time in what may be a “prolonged” campaign against suspected Taliban opium “factories.” At the same time, even though the Pentagon claims ISIS has been defeated in Syria, unknown numbers of American troops will remain there anyway. (In these years, militarily speaking, the U.S. always arrives, but never leaves.) In fact, as foreign policy expert Micah Zenko noted recently, in the past few months the numbers of U.S. military personnel across the Middle East (excluding both Afghanistan and Somalia) have gone from 40,000 to 54,000, a jump of 33 percent. Sixteen years after the 9/11 attacks, it’s obvious enough that this is a pattern, just not one that gets significant attention here. America’s wars go on and on. Tactics vary modestly. Troop strength rises and ebbs, only to rise again. The air war similarly ebbs and then escalates again. For those in charge of American policy in that ever-vaster region of conflict, the options always seem the same. Nothing is imaginable but more (or a little less) of what’s been tried for the last decade and a half. No less important, there is remarkably little discussion of this phenomenon in the U.S. Since the vast surge of opposition to the coming invasion of Iraq faded and died out with the taking of Baghdad, protests against, resistance to, or even serious critiques of America’s twenty-first-century wars have been at best minimalist. By now, this has become something like the modern American way. That those conflicts add up to an ongoing disaster with a staggering price tag seems to matter not at all. Logically, this should be the definition of brain dead, and yet the news of the latest bombing campaigns against the growing Taliban opium trade in Afghanistan or al-Shabab’s horror show in Somalia remains largely back-page stuff. Who cares? What could possibly go wrong? Fortunately, Army Major Danny Sjursen, author of Ghost Riders of Baghdad: Soldiers, Civilians, and the Myth of the Surge, offers an answer of his own in “What If?” as he looks back at September 12, 2001, and considers the true missed opportunities of that moment. Source: – Huffingtonpost
  13. ADDIS ABABA, Ethiopia – Ethiopia’s government says more than 20 people have been killed in renewed clashes between ethnic Oromos and Somalis in the past week. Spokesman Negeri Lenco says 98 people were arrested in the Oromia region and five arrested in the Somali region. A long-standing border dispute and an increased military presence in the regions triggered the recent fighting. Officials agreed to reconcile differences in April and troops were deployed to major roads, but clashes have continued. Fighting in September killed several dozen people and displaced tens of thousands of Oromos. “People were fighting with whatever means they have against the Somali Special Police,” Galagalo Daalacha, an ethnic Oromo, told The Associated Press of Friday’s fighting in the Borana area. “Many people fled to the forest after troops … entered the area.” Source: AP
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada isutaga Imaaraadka Carabta ayaa daboolka ka qaaday inay muhiim tahay in laga fekero sida lagu soo afmeeri lahaa shaqooyinka ay warbaahinta Aljazeera u heyso bulshada caalamka. Dowladu waxa ay sheegtay in Aljazeera ay caqabad ku tahay amni iyo xasilooni ka dhalata dhammaan dalalka carabta, sidaa aawgeed la doonaayo in lasoo afjaro magaca iyo jiritaanka Tv-ga AlJazeera oo laga leeyahay dalka Qadar. General Dhahi Khalfan oo ah Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter ku sheegay in Aljazeera ay mudan tahay in gabi ahaanteeda la Qarxiyo. General Dhahi Khalfan, waxa uu sheegay in warbaahinta Aljazeera ay ku sifowday buunbuuninta Kooxaha argagixisada ah isla markaana ay noqotay mid si toosa ugu hadasha afka kooxaha argagaxisada ah, sida lagu qeexay qoraalka. General Dhahi Khalfan, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in warbaahinta Aljazeera ay taageero siiso kooxaha xagjirka ah isla markaana khatar ku tahay amniga dalalka Carabta. Nuqul kamid ah qoraalka Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, General Dhahi Khalfan ayaa ahaa ”Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka waa inay duqeeyaan warbaahinta ISIS, AlQacida, Al Nusra iyo argagaxisada” Sidoo kale, Yaser Abuhilalah oo ah Agaasimaha guud ee warbaahinta Aljazeera oo ka jawaabaya haddalka General Dhahi Khalfan, ayaa sheegay in haddalkaasi uu ka dhigan yahay duulaanka ay Imaaraadka ku tahay Qadar. Dhinaca kale, Yaser Abuhilalah waxa uu cadeeyay in caga jugleynta General Dhahi Khalfan ay dhiiragalin u noqoneyso maamulka iyo howlwadeenada Aljazeera, sidoo kalane uu dhiiri galinaayo argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jabouti uu ka furmo wajiga labaad ee wadahadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna. Wadahadalka Galmudug iyo Ahlusunna ee magaalada Jabouti ayaa waxaa horboodaya xubno ka tirsan IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalkii kusoo dhamaaday Kenya iyo kan maanta ka furmaaya Jabouti. Wadahadalkan ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Jabouti, waxaana lagu wadaa in wadahadalkan uu noqdo mid afmeer u ah khilaafka labada dhinac. Magaalada Jabouti waxaa hadda ku sugan Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hogaamiye ku-xigeenkiisa Carabey iyo Hogaamiyaha AhluSunna Sheekh Shaakir. Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sidoo kale is hortaag ku sameeyay wafdi uu Hogaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo la doonaayay inay shirka ku matalaan DFS. Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sheegay in shirka uu ka mamnuuc yahay dowlada Somalia, maadaama ay horay ugu soo fashilantay xal u helida khilaafka labada dhinac. Hogaamiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in iyaga iyo Galmudug aanay dagaalsaneyn, balse ay jiraan dad diidan inay midoobaan, isla markaana in la wada hadlo aanay doonin. Dhinaca kale, Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Hey’adda UNICEF ayaa axaddii sheegtay in illaa 11 Milyan oo caruur Yemeniyiin ah ay u baahan yihiin gargaar banii’aadamnimo oo degdeg ah. Sida uu sheegay Geert Cappelaere oo ah madaxa xafiiska hey’adda ee bariga dhexe mar uu hadlayey shir saxaafadeed uu ku qabtay caasimadda Urdun, 11-kaas Milyan ee caruurta ah, waxaa ay u dhigmaan 40% tirada guud dadka reer Yemen. Mas’uulkan waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ka socda Yemen ay ku dhinteen in ka badan 5 kun oo caruur ah 5tii sano ee la soo dhaafay, isaga oo soo qaatay in caruur badan iskuullada ka hareen, qaar caafimaad darro heyso iyo illaa hal miyan oo nafaqo darro soo ridatay. Dagaalka Yemen oo 2014-kii bilowday waxaa isku haya Xuutiyiinta iyo Cabdi Rabu Mansuur, waxaa kale oo dagaalka ku jira ciidamo daacad ah madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalix, Sacuudiga iyo Xulafadiisuna cirka ayey ka duqeeyaan. Goobjoog News Source
  17. Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu shir uga furmayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey nuxurka shirkaan iyo qabanqaabadiisa xilliga ay soo bilaabatay. Wuxuu sheegay in IGAD muddo badan ay ku howlaneed in Labada dhinac wadahadalsiiso, balse mashquul dhanka Galmudug ah loo xayirnaa. Cismaan ayaa sheegay in shirkaan uu noqon doono kaliya gogol xaar iyo sidoo kale in la wadahadlo oo Labada dhinac aqbalaan iney midoobaan, kadibna ka shiraan sida loo midoobi lahaa. Dhanka kale, wasiir socdaal ayaa sheegay in ayaan xumo ay tahay in dad Soomaaliyeed oo waliba gobol ku wada nool iney dal kale shir u aadaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WAREYSI-WASIIR-HORE-GALMUDUG-CISMAAN-DHEERE-27-11-2017-SAX.mp3Goobjoog News Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran. Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya. Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya. Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl. Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin. Lix hor leh Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood. Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay. Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah. Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa. Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada… Mar kale ayaan wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah. W/Q. Yuusuf Garaad
  19. Shir gogol xaar u ah wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya dalka Jabuuti. Shirkaan oo uu wado urur goboleedka IGAD ayaa lagu heshiisiinayaa maamulladan oo ku muransan siyaasadda gobolka Galgaduud. Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in aysan ka qeyb gelin dhismaha maamulka Galmudug oo hadda xarun KMG ah u ah magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa gaaray dalka Jabuuti, kuwaasi oo shalay dalka ka ambabaxay. Waxaa jiray wadahadallo aan dhameystirneen oo horey u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-sunna. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  20. Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Jaamac Soocadde ayaa xukuumadda madaxweyne Gaas ku eedeeyay inay dayacday gobollada Sool iyo Sanaag. Soocadde ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog wuxuu kaga hadlay muranka dhuleed iyo midka siyaasadeed ee ka taagan gobolladaasi una dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland. Wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii Somaliland ka dhacday sidoo kalena lagu qabtay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag. Siyaasi Soocadde ayaa sheegay in dhowr jeer la isku soo hadal qaaday sidii ay Puntland ay dib ugu soo ceshan lahayd gobollada ka maqan, balse aanay suurtagelin. Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay in uu mideeyo bulshada gobolladaasi si siyaasadda looga heshiiyo islamarkaana Somaliland sheegashadeeda Sool iyo Sanaag ay meesha kaga baxdo. Halkaan hoose ka dhageyso: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WASIIR-HORE-SOOCADDE-26-11-2017.mp3Goobjoog News Source
  21. Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan maanta ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran. Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo. Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya. Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl. Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin. Lix hor leh Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood. Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato. Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda. Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay. Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah. Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda. Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa. Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada… Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah. Yuusuf Garaad Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Puntland Post The post Wasiir Yuusuf Garaad oo Warbixiyay Xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Seychelles appeared first on Puntland Post.
  22. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah. Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. —DHAMMAAD—- Source
  23. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah. Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. PUNTLAND POST The post R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeeybgalay Shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada. appeared first on Puntland Post.
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standardmedia ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoraya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda Xarakada Al-shabaab kaddib weerarkii 14kii Ocober ka dhacay Magaalada Muqdisho. Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegaya in madaxda dhexe ee Al-shabaab, guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda. Khilaafkan ayuu wargeysku sheegayaa in uu soo baxay kaddib weerarkii 14kii October waxaana Abuu Cubeyda lagu eedeynayaa in uusan la tashan Golaha shuurada ee Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii Zoobbe ka dhacay. Golaha shuurada ee Al-shabaab ayaa ansixiya bartilmaameedyada la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay. Sidoo kale The Standard waxaa ay sheegeysaa in khilaaf uu ka midyahay dilka lagu fuliyo Dadka lagu eedeeyo in ay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo AMISOM. Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabab Axmed Diiriye ayuu Wargeysku sheegayaa in uu hadda bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab,waxaana uu uga wal walsanyahay in ay saameyn taban ku yeeshaan hoggaankiisa Xarakada. Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira Al-shabaab ay baxsan ka yihiin kaddib markii la isku qabtay weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan Mandheera iyo Gaarisa oo ay ku dhintaan dad Muslimiin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska CUKAAZ ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray. Wargeyska oo ku xiran dowladda Sacuuidga waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go’aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ku dareen Dowladda Qatar Liiska dalalka iyo Shaqasiyaadka taageera Kooxaha loogu yeero Argagixisadda. Wargeyska CUKAAZ waxa kale oo uu qoray inay heleen Mcluumaadka Qorshaha Qatar ku qoranayso Calooshood-u-shaqaystaal Somali iyo Kenyan, si ay weeraro uga geystaan Magaallooyinka Riyadh iyo Abu Dhabi. Wargeyska ayaa sidoo kale horey ugu qoray in Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Qatar ay magan galyo siisay lagu daray liiska argagixisada. Wargeyska CUKAAZ waxa uu qoray in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab, haatanse ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa uu qortay dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waa sida uu Wargeysku qoray. Marka la eego warkan ayaa u muuqanaya mid ka mid ah olalaha ka dhan ah Qatar ee ay wadaan warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo aany jirin meel kale oo loo dhaafo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com