Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 11 qof oo ah muwaadiniin Soomaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirnaan jiray xabsiyada dalka Libya, kadib markii halkaas ay Tahriib ku galeen. Dadkaan oo isugu jiray dhalinyaro, carruur iyo haween ayaa noqonaya tiradii ugu horeysay ee Soomaali ku dhibaataysanayd dalka Libya oo dalka dib loogusoo celiyo, iyadoo arrintaan ay iska kaashadeen dowladda federalka iyo hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro iyo xildhibaano ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib loogusoo celiyay Muqdisho. Puntlandi.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – 10; ka mid ah dhallinyarada Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dhallinyaradan waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya. Dhallinyarada maanta yimid Muqdisho waxaa ay ka mid ahaayeen dhallinyaro badan oo u xir xiran Magafayaasha iyo dowladda Liibiya,iyada oo dad badan oo Soomaali ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaas. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo. Maryan Yasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan. The post Sawirro:-Qaar ka mid ah dhalinyaro ka soo badbaaday Magafayaasha Libya oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya in Diyaarad hub sida ay Jimcihii shalay kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaaradan oo hubka ay siday u badnaa qoryaha fudud iyo saanad laga keenay Shiinaha. Ilo ku sugan garoonka ayaa sheegay in hubku u socday dowladda Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siiyay in hubkan ay u geyso dowladda Soomaaliya. Hubkan ayaa ah kii labaad oo Muqdisho la keeno, kaasoo ah mid Sacuudiga uu horay qandaraas ugu siiyay Shiinaha. Madaxtooyada ayaa wada qorshe la doonayo in hubkan lagu geeyo maamul goboleedyada, si loogu keydiyo, maadaama hubkan uu aad u badan yahay, suura galna aheyn in Muqdisho lagu haayo. Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay bixisay dhaqaalaha Hubkan loogu soo iibiyey Shiinaha oo hubka iyo saanadda kale u soo daabulaya Soomaaliya. Waa markii labaad ee Hub iyo saanad noocan oo kale ah la keeno Muqdisho. Hubkan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono ciidamada Qaran ee dhowaan la isu keeni doono, kana kala imaan doona maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dowladda oo hub farabadan kala soo dagtay garoonka Aadan Caade appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku shaandheyn ku sameeyay waaxda Dakhliyada dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo kala bedel lagu sameeyay, isla markaana xubno hore dib loo soo celiyay. Iyadoo muran weyn ka taagan yahay qaabka awood qeybsiga beelaha ee miisaanka ka dhex muuqda isbedelka uu sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaanu idin soo gudbiyneynaa mas’uuliyiinta loo magcaabay Dakhliyada G/banaadir iyo beelaha ay kasoo jeedaan. HOOS KA AKHRISO LIISKA Xasan Xuseen C/llaahi -Agaasimaha Dakhliyada kala duwan [Abgaal / Daa’uud] Xamdi Cali Nuur – Agaasimaha Khasnadaha D/hoose ee Xamar [Murusade] Ayaan Cabdi Maxamed – Agaasimaah Canshuuraha [Murusade] Maxamed Macalin Dhicisow – Aagaasimaha Gaadiidka iyo Ganaaxyada [Xawaadle] C/raxmaan Muxyadiin Maxamed – Agaasimaha Suuqyada iyo Iibinta Xoolaha [Abgaal / East Sanaag Clan] C/raxmaan Cismaan Ibraahim – Agaasimaha Miisaaniyadda [Reer Aw-Xasan] Xuseen Axmed Culusow – Aagaasimaha Adeegga & Khidmadaha [Saruur] Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Magacyada & Beelaha ay kasoo jeedaan mas’uuliyiinta loo magacaabay Dakhliga ee G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  5. Qaar kamid ah beelaha dagan gobolka Sanaag ayaa maanta gudiga dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo ku wareejiyay lacag dhan cadadkeeda 70 kun oo doolar. lacagtan ayaa lagu wareejiyay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah gudiga dhismaha wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo. Beeshan ayaa sheegtay in ay ku dhimantahay qoondadii ay ugu talagaleen in ay kaga qayb qaataan dhismaha wadadan lacag dhan 130 doolar oo kale taas oo ay ku soo dari doonaan maalmaha soo socda marka layska soo uruuriyo. Hoos ka dhagayso codka odayaasha wareejiyay lacagtan. Codka odayaasha
  6. Nairobi (HOL) - Kenyan police have confiscated a vehicle carrying weapons suspected to have imported from Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Kenyan police have confiscated a vehicle carrying weapons suspected to have imported from Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxda dowladda Garmalka ayaa cadeesay in ay xireen wiil 20-sano jir Soomali ah, kaas oo looga shakiyay in xiriir dhaw uu lalahaa Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somaliya. Wiilkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay, in uu ku kacay dambiyo ay kamid tahay in uu gaystay dil. Abduqaadir ayaa waxaa 2012-kii lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab, asagoona ka qayb qaatay tababaro fara badan oo ay kooxda bixisay, waxaana sidoo kale loo haystaa in uu ku lug lahaa weerarka lagu dilay shaqsi ku cibaadeysanayay Masjid ku yaala Magaalada muqdisho. Waxaana sidoo kale Abduqaadir looga shakiyay dilka xubin muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka Somaaliya, kaas oo ka badbaaday weerarkii lagu qaaday. Wiilkaan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa dowladda jermalka waxa ay sheegtay in qoyskiisu ay ka soo qaxeen soomaaliya, soona gaareen gudaha dalka Jermalka sanadkii 2014-kii. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Xiray Jarmalka appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Puntland ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay howlgalkii bad baadinta doonidii ku soo caariday xeebta magaalada Bosaaso oo shalay laga dajiyay rarkii saarnaa. Shacabka Puntland ayaa mudadii ay socotay bad baadinta hantida saaran doonida Xafiis waxa ay isla dhexmarayeen hadal hayn ah in dowladda ,Wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland iyo maamulka lawareegay dhismaha iyo balaarinta dekeda Bosaaso aysan door fir fir coon ka qaadan samatabixinta doontan. Dadweynaha ayaa qaarkood qabay fikir ah in uu jiray dayac kayimid dhanka dowladda Puntland iyagoo fiirinaya sharciga uyaala maamulka lawareegay dhismaha dekeda Bosaaso ee P&O . Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar ayaa sheegay in eedeentaasi dowladda loo soo jeediyay aysan waxba kajirin dowladduna ay mas,uuliyad ka saarantahay ilaalinta iyo badbaadinta hantida shacabka. Wasiirka ayaa waxaa wax laga waydiiyay sababta ay dowladda udiiday in dekeda uu ku soo xirto horantii bishii tagtay Markab waday xoolo Geel iyo Ari isugujiray oo kayimid magaalada Kismayo. Wasiir kuxigeenka ayaa waxa uu ku jawaabay ” Markabkaasi waxa uu ahaa markab baafin kujira ,kabtankii markabka wadayna waxa uu soo galay dambi ah in mid kamid ah shaqaalaha Markabka uu kaga dhacay bada tas oo sababtay in markabkaasi lagu xakameeyo meeshii uu taagnaa isaga oo ka cararayay in uu ku soo xirto dekeda Bosaaso ayaa xoolihi saarnaa lagu dajiyay deegaanka Mareero ,waxaan ka cabsi qabnay in markabkan hadii aan ku soo xirno dekeda Bosaaso uu naga fariisto meesha mana lahayn baroosin uu ku soo xirto hadii ay dhicilahayd in uu uu ku soo xirto dekeda uuna ku ciladoobo waxaa dhicilahayd in guud ahaanba ay istaagto shaqadii dekeda. Hadaba hoos ka dhagayso Wasiir kuxigeenka . Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha Wakiilkii Markabkaasi ay celisay dowladda Puntland C/laahi Maxamed Cumar ayaa sheegay in maalinimadii shalay uu markabkaasi ka ambabaxay deegaanka Mareero lagana dajiyay gud ahaanba xoolihii saarnaa, waxaana uu sheegay in wax qarashaad ah aysan ku dalacin Dowladda Puntland . Halkan ka dhagayso Wakiilka Markabka. wakiilka markabka
  10. Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka. Munaasabadda casha sharafta ah waxaa soo abaabulay urur siyaasi ah oo ka dhisan Gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xafladda ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus. Dadka ka hadlay xafladan cashada ah waxa ay intooda badan u hambalyaynayeen Wasiirka oo ay in badan soo wada shaqeeyeen mudadii uu ahaa Safiirka u fadhiyay dowladda Soomaaliya magalada Washington DC, iyaga oo ku tilmaamay in Wasiirku uu yahay shaqsi waxbadan ka qaban kara arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga. Wasiir Cawad ayaa dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka dagan ka codsaday in la dhiso guri ay yeelato safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Mareykanka iyo in arintaas la iska xil saaro, waxa uu xusay in mudadii uu safiirka ahaa uu ka gaabsaday in uu soo bandhigo fikirka dhismaha safaaradda isaga oo xusay in dadku u arki karaan in macne kale laga wato ama dano gaar ah laga leeyahay, balse waxa uu xusay in iminka uusan safiir ahayn balse uu ogyahay baahida jirta. Qurba joogta Mareykanka ayuu ku dhiiragaliyay in ay dalkii dib ugu laabtaan isla markaana Indhahooda ku soo arkaan waxa ka jira, waxa uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya is badashay isla markaana ay ku taagantahay wadadii Horumarka iyo is badalka. “Waa muhiim in aad waqtigiina qaar siisaan dalka oo aad maskax maal iyo aqoon ku celisaan xitaa hadii intaas aadan awoodin adigu tag oo fasaxaaga ku soo qaado waxaan hubaa in aad la soo laaban doonto wax ka duwan waxa aad aaminsantahay hadeer” ayuu yiri Wasiirka oo dhiiragalinayay qurbaoogta. Waxaa la weydiiyay su’aalo aad ubadan oo meelo kala duwan taabanayay waxana ugu danbayn Wasiirku u balan qaaday in uu samayn doono qorshe isku xiri doona qurba joogta iyo Wasaaradda arrimaha dibadda si loo helo iskaashi wax badali kara. Waxaa la gudoonsiiyay Wasiirka shahaado sharaf oo ka socday dhoowr xaafiis oo ka mid ah xaafiisyada dowladda gobolkan Ohio. Dhanka kale Wasiirka ayaa booqday xarunta codbixinta ee xaafada Soomaalidu ugu badantahay isaga oo la kulmay howl wadeenada xarunta iyo shaqaaleheda isla markana waxaa lagu soo wareejiyay qeybaha xarunta, iyada oo loo sharaxay hanaanka codbixinta casriga iyo sida ay uga shaqeyso halkan. Wasiirka ayaa ujeedka booqashada xaruntan ku sheegay in ay qiimayn ku samaynayaan hananka doorashooyinka caalamigaa ee wadamo badan oo caalamka ku yaal si dowladda Soomaaliya ay u diyaariso waqtiga dhow doorasho madax banaan oo Qof iyo Cod ah. Wasiir Cawad ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Mareykanka isaga oo kulamo la soo qaatay Soomaalida Virginia, Minnesota, Ohio iyo kuwo kale. Xigasho:Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA. The post Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus appeared first on Puntland Post.
  11. Bosaso[Puntland Post]-Guddiga Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa Bah-wadaagta Reer Saalax kaga gudoomay Deegaanka Midigale ee Gobalka sanaag taakulo lacageed oo dhan Todobaatan kun oo doolar ($70,000) oo ay ugu talagaleen Mashruuca Dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacaday deegaanka midigale oo ka tirasan gobalka sanaag. waxana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobalka sanaag, gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ,odayaal ka socday Bah-wadaagta Reer saalaxa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka midigale. Nabadoonka guude ee beesha Reer saalax Cabdiqaadir Maxamed Saalaax oo lacagta ku wareejiyey gudiga wadada aya xusay in markasata ay garab taagan yihiin dhameystirka wadada oo mihiimad u leh buslahada deegaankasi. Aniga oo ku hadlaya afka bulshada Bah-wadaagta Reer saalax waxan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$70,000] doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino guduga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Nabadoonka guud ee Bah-wadaagta Reer Saalax. Agaasimaha mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Maxamed Mahad Ciise ayaa cod dheer ku sheegaya in loo baahan yahay in wadada inta ka dhiman meel looga soo wada jeesto dhameystirkeeda. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo gudoomiyaha dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo deeqadan lacageed kala wareegay Bah-wadaagta Reer Saalax ayaa ka mahad celiyey deeqadan waxana uu buslahada kale ugu yeeray in dhankooda ay taageero muujiyaan si guusha loo gaaro. Gudoomiyaha gobalka Sanaag Maxamuud Ismaciil ayaa dhankiisa bulshada Bah-wadaagta Reer saalax ku amaanay sida ay dhiirigalinta ula garab taagan yhiin gudiga gacnta ku haysa dhismaha wadada. Shacabka deegaanka Midigale oo ka tirsan gobalka Sanaag waxaa lagu xasuusta in ay horay u bixiyeen Xoolo isugu jiray geel iyo Ari , waxaana ay sheegeen inay ka go’antahay taageero kasta oo ay kaga qeyb-qaadanayaan Dhismaha wadadaa oo si iskutashi ah lagu hirgelinayo. Cabdiqani Boos Puntland Pos-Bosaso The post Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir -Ceergaabo oo la wareegay lacag dhan [$70,000]doolar appeared first on Puntland Post.
  12. Mandera town that was once on her knees due to constant insecurity especially from terror attacks is now back to life. Businessman Aden Hussein has attributed this to the decision by locals to closely work with security agents by volunteering information and reporting suspicious people to the authorities. Residents can now move freely and carry out their daily business without fear. Frequent attacks from the dreaded al Shabaab saw a mass exodus of non-locals who were the main target by the militant group. The Garissa University attack of April 2, 2015 that left 148 people majority of them students dead led to the reshuffle and interdiction of top security chiefs at regional and county level. Residents could close their businesses as early as 5pm because of curfews. Hotel industry and small-scale traders were the most affected. “This town was literally going to the dogs. Everything was at a stand still and most people left,” Hussein said. “Residents, elders, and elected leaders could hold meetings to preach peace so as to save the town from being taken over by the militants,” he added. The executive member of Maendeleo Ya Wanawake Bishara Hussein said Mandera was now peaceful and urged all those who fled the area especially the teachers, doctors, nurses and civil servants to come back. The residents however maintain they are conscious and alert because the threats posed by al Shabaab remain real. Northeastern regional commissioner Mohamud Saleh told residents to work with security teams and peace elders to kick out al Shabaab or risk loosing the region to the terror group. He recently released a list of 35 youth suspected to be working with the terror group, and said Mandera has been the worst hit due to its pproximity to the Somalia. Source: – The Star The post Come back, Mandera is now safe, say residents appeared first on Caasimada Online.
  13. Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, kuwaas oo ka dhacay dhulka ay ku nool qowmiyada Oromada. Digniintaan ayaa lagu yiri: “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si ku meel gaar ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada. Dowladda Maraykanka waxay muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay inay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni, dhegtana ku hayaan aqbaaraadka warbaahinta maxaliga ah iyo inay ka feejignaadaan goobaha mudaraharaadyada ay ka socdaan. Hailemariam Desalegn oo ahaa raysal wasaarihii waddanka Ethiopia ayaa is casilay khamiistii todobaadki hore, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee loogasoo horjeedo dowladda. Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya, EPRDF ayaa u fadhiya sidii ay usoo magacaabi lahaayeen raysal wasaarihii badeli lahaa Desalegn. Desalegn ayaa Raysal Wasaare Ethiopia ka ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii kadib geeridii Meles Zenawi. Puntlandi.com
  14. Nairobi (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday Qaraxyo iyo Hub farabadan oo sharci daro ah. Saraakiisha ayaa Gaariga iyo Hubka ku qabtay gobolka Isio ee dalka Kenya waxa ayna xaqiijiyeen inuu ka imaaday Soomaaliya. Saraakiisha oo qabashada Gaariga Qaraxyada siday iyo Hubkaba la wadaagay Saxaafada ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Soomaaliya. Qaraxyada uu siday Gaariga ayaa waxaa kamid ahaa Miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo Afeysan nooca ay isticmaalaan Shabaabka. Sidoo kale, Booliska gobolkaasi Isio ayaa sidoo kale xusay in gaariga ay saarnaayeen waxyaabo la doonaayay in la qarxiyo oo laga sameeyay Kiimiko. Docda kale, Booliska Isio ayaa iminka wadda howlgallo ay ku baadi goobayaan raga la socday Gaariga oo labo ah kuwaa oo ka baxsaday ciidamada. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com The post Gaari siday Qaraxyo & Hub farabadan oo lagu qabtay Kenya xili uu ka baxay Somalia appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha BF Jawaari. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa xal loogu raadinaayay Ra’isul wasaare Kheyre oo xiligaan la kulmaaya culeysyo kaga imaanaya dhanka xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia. Xogtu waxa ay sheegeysaa in mudada uu kulanka socday uu Madaxweynaha Somalia Farmaajo ka dalbaday Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan in xal degdeg ah loo raadiyo is fahan darida Ra’isul wasaaraha kala dhexeysa baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Jawaari ka dalbaday in Ra’isul wasaaraha uu kala shaqeeyo xal u raadinta Xildhibaanada u tafaxeydanaaya inay carqaladeeyan Xukuumada kadib furitaanka Kalfadhiga. Waxa uu Madaxweynuhu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in kulamo is arag ah uu ka dhex sameeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaanada garabka kacdoonka wada, si buu yiri loo helo xasilooni Siyaasadeed. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la faray inuu ka shaqeeyo xasilinta kacdoonada ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, iyadoo laga duulaayo guuxa ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka. Kheyre ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu xooga saarayo xal u helida tabashooyinka baarlamaanka, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan tabashooyin isbiirsaday oo ka imaanaya dhanka mudanayaasha dhaliilsan Siyaasada. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa gudaha asbuucaan bilaabi doona kulamo joogta ah oo ay la kala yeelanayaan Xildhibaanada, waxaana xusid mudan inay sii kordhayaan Xildhibaanada dhaliilsan Siyaasada Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Kulan uu albaabada u xirnaa oo dhexmaray Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ku xirtay Markab weyn. Markabka ayaa la sheegay inuu wado shixnado kala duwan oo u badan qalabka dhismaha oo casri ah, kaa oo ay leedahay Koonfur Galbeed. Shixnada saran Markabka ayaa la xaqiijiyay in lagu dhisi rabo Dekadda iyo Garoonka diyaaradaja magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed. Shixnada uu sido Markabka ayaa waxaa qeyb ka ah Gaadiid kala duwan oo ay kamid yihiin noocyada dhismaha sida kuwa Cagafta iyo kuwa shiida Shamiindada. Xuseen Bare oo ah Guddoomiyaha Baraawe ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Magaalada Maadaama ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Dekadda iyo Garoonka magaalada Baraawe, si caasimada loogu raro Baraawe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Rar noocee ah ayuu wadaa Markabka weyn ee ku xirtay Dekadda Magaalada Baraawe? appeared first on Caasimada Online.
  17. A Kenyan court on Friday sentenced the widow of a radical imam to 10 years in prison for her role in a failed attack on a police station in the port city Mombasa. Source: Hiiraan Online
  18. BERLIN (AP) — German authorities have arrested a 20-year-old Somali man on suspicion of being a member of the extremist militia al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  19. Dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada ka socda Ethiopia waa mid ka mid ah khilaafyada ugu saamaynta badan qaaradda waxa uuna [dhaqdhaqaaqaasi] awood u leeyahay in uu wax ka beddelo siyaasadda Maraykanka ee Geeska Africa. Waxa uu sidoo kale carqaladayn karaa dedaallada argagaxiso-la-dirirka ee ka socda Soomaaliya iyo yaraynta tirada ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Koonfurta Suudaan. Waxase la yaab leh, dhaqdhaqaaqan laguma soo hadal qaado falanqaynaha siyaasadeed ee Washington ama warbaahinta Maraykanka. Dadweynaha Oromada ee Ethiopia waxa ay maanta u dabbaldegayaan guul aan hore loogu arag taariikhda Africa. Iyada oo aanay dhicin gacan-ka-hadal iyo dhiig-daadasho badan, iyo iyada oo ku dhawaad dhammaan hoggaamiyayaashii muddaharaadayaasha Oromadu ay xabsi ku jiraan, dibadbaxayaashu waxa ay ku guuleysteen in ay ku khasbaan mid kamid ah xukuumadaha ugu awoodda badan Africa in ay oggolaato dalabaadkooda. Markii shaqajoojin iyo muddaharaad abaabulan oo ay ka qaybgelayaan tobanaan kun oo ka mid ah dhallinyarada Oromada ay u soo dhawaadeen magaallo madaxda Addis Ababa, dawladda Ethiopia waxa ay aqbashay in soo dayso koox muhiim ah oo maxaabiis siyaasadeed ah, uuna ku jiro Bekele Gerba, oo ah dhaqdhaqaaqe xooggan oo ay siideyntiisa dawladdu si adag uga meermeertay. Toddobaad ka hor, Bekele waxa lagu xukumay sannad iyo bar dheeraad ah oo xarig ah ka dib markii uu qaaddigii xukumayey ka hor qaaday hees dibadbaxeed. Siideynta Bekele awgeed, dibadbaxyadii Oromada waa la hakiyey, kumanaankii waddooyinka buuxeyna dareen farxadeed baa saaqay. Dabadeed, 14-kii February, dawladdu waxa ay haddana kaga farxisay dibadbaxayaashii ka dib markay sii deysey mucaarad kale oo xagjir ah (oo uu ku jiro Eskindir Nega oo ah qoraa, hoggaamiyihii mucaaradka Andualem Aragie, guddoomiyihii hore ee Gambella Okello Akway, iyo u-dhaqdhaqaaqaha Muslimka ah ee xorriyadda diinta Ahmedin Jebel), waxana ku jira rag lagu xukumay eedaymo la xiriira argagaxisnimo. Raysalwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalagn ayaa horraantii January ballanqaaday siideynta tiro badan oo maxaabiis siyaasadeed ah, mar danbena waxa uu sii daayey tiro kamid ah qolyaha u dhaqdhaqaaqa siyaasadda, oo uu ku jiro hoggaamiyaha mucaaradka Merera Gudina. Masuuliyiinta dawladdu waxay wakhtigaas sheegeen in tallaabadan looga gonleeyahay ballaadhinta baaxadda siyaasadda iyo in la dardargeliyo wadahadal lala yeesho mucaaradadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada qowmiyadnimda ku salaysan. Laakiin badi dibadbaxayaasha iyo kuwa ka shakisan dawladdu waxa ay tallaabadan u akreen mid aan sii ridneyn oo laga yaabo in loogu talagalay iska hor-keenidda mucaaradka, maaddaama oo dadka qaarna la sii daayey, qaar kale oo ay ku jiraan kuwa ugu saamaynta badan mucaaradkuna ay weli ku jiraan xabsiyada. Ka dib dhacdooyinka February 13 iyo 14, waa ay adag tahay in laga shakiyo daacadnimada dawladda ee arrintan. Sida muuqata, dibadbaxyadu waxa ay halis ku noqdeen dawladda, baahida loo qabo karaar-jebinta dibabadbaxyaduna waxa ay noqotay mid cad. Waxa kale oo muhiim noqotay in laga gudbo kala-duwanaanshaha feker ee u dhexeeya kuwa loogu yeero “qunyarsocodka” iyo kuwa “mayal-ka-dag” ee ka tirsan garabka Tigreega (TPLF), oo ah kan ugu awoodda badan gudaha xisbiga talada dalka haya. Werwerka haysta TPLF waa mid laga garaabi karo, weydiinta keliya ee meesha taalla se waa in tanaasulka [TPLF] u sameeyey dibadbaxayasha uu yahay mid aad u yar oo lala soo habsaamay. Carada ka dhalatay maquuninta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Tigreega ayaa dabada ka riixaysa dibadbaxyada, halista ah in xasuuq loo geysto qowmiyadda Tigreega uu dhacana waa mid isa soo taraysa. Muwaadiniin Tigree ah oo cabsanaya aya la sheegayaa inay iyaga oo tiro badan ka guureen gobollada Amxaarada iyo Oromadu waddanka ka degto. Sidoo kale, iska hor-imaadyo gacan-ka-hadal oo u dhexeeya qowmiyadaha kale, gaar ahaan Oromada iyo Soomaalida ayaa si xawli ah u kordhay. Xaaladdu waa ay kacsan tahay, dibadbaxyaduna waxa ay la ashqaraarsan yihiin farxad, mucaaradka hadda la soo daayeyna waxa laga yaabaa inay mucaaraddada sii wadaan. Sidaasi darteed, ma jirtaa suurtagalnimo ay dibadbaxyadu ku yaraan karaan? Waxay u eeg tahay inaan suurtagalnimadaasi jirin, walow ay hubanti tahay rajada uu TPLF ka qabo in Bekele Gerba, Ahmedin, Jebel, Eskindir Nega iyo asxaabtoodu ay u garaabi doonaan wadahadallada soo socda. Nimankani, hore uma aysan ahayn xagjir waxa ayna aad uga soo horjeedeen gacan-ka-hadalka, halka mucaaradka caanka ka ah raadiyaha iyo warbaahinta oo ay badankoodu qurbaha jiraan ay caan ku noqdeen maqnaanshahooda, haddana ay majaraha u hayaan mucaaradka. Shacabka reer Ethiopia ma aqbali doonaan dibuhabaynno aan dhammaystirnayn, daacadna laga ahayn maaddaama oo ay guullo ka gaareen dibadbaxyada. Tusaale ahaan, waxa la isla dhexmarayaa in Raysalwasaare Hailemariam lagu beddeli doono qof ka soo jeeda qowmiyadda Oromada. (Lema Megersa oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboolleedka Oromada ayaa loo badinayaa in uu noqdo qofka beddeli doona RW hadda). Arrintani waa uun kutirikuteen, haddii se ay run noqon weydo waxa laga yaabaa inay keento dibadbaxyo kale oo hor leh. Muwaadiniin kale oo gacanta ciidamada Ethiopia ku dhinta ama bandow kale oo ay dawladdu waddanka ku soo rogto, waxa ay keeni doonaan isla natiijadii hore. Wakhtiga soo socdana, tanaasulaadka ay samayso dawladda Ethiopia ma noqon doonaan kuwo ku filan inay joojiyaan dibadbaxyada. Haddii wadahadalladu fashilmaan, ciidamadana awoodda laga qaado, dagaalka halkaas ka dhalan doona waxa uu noqon doonaa mid fool xun oo uu dhiig badani ku daato, taasina ma istaajin doonto kacdoonka socda. Saamayn sidee ah ayay tani ku yeelan kartaa siyaasadda Maraykanka? Washington, dabcan, waxay haysataa wax kasta oo ku dhiirriggelinaya in ay ka baaqsato sinaariyo caynkaa ah. Maraykanku wax badan ayuu ku qabaa Ethiopia, oo ciidankeeda iyo iskaashigeedu ay muhiim u yihiin dedaallada Washington ugu jirto xasilinta Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Istaraatajiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika ku wajahan si daran ayay u sinbiriraxootay, waxaana ay muujisay in ay ku fashilantay gaarista hadafyadeedii (marba haddii xaaladda labada dal [Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan] ay weli ka sii darayso). Laakiin siyaasad taa beddesha ayaan miiska saarnayn, kartida Ethiopia u leedahay taageeridda siyaasadaha Maraykanka ee Afrika khuseeya oo meesha ka baxdaana waa musiibo. Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya, oo aanay waxba uga danbayn, sida la qiyaasi karo ka ma samatabixi karo xoogagga Ethiopia oo si lamafilaan ah oo aan kalahar lahayn u baxa—nolosha rayid aad u badan ayaana Koonfurta Suudaan halis ku geli doona. Ethiopia khalkhashaa waxay dabcan u nuglaanaysaa daandaansiga kooxda argagaxisada Soomaalida ee al-Qaacida xiriirka la leh, al-Shabaab, oo iyadu mar horaba cagta la heshay gudaha Kenya, oo ay ka jiraan xaalado bulsho oo kuwan shaabbaha (dhallinyaro aan shaqayn oo badan, dadyaw Muslimiin ah oo la hagraday lana yaraystay, iyo cadaawad boolis oo arxan daran). Nasiibxumo, dalal kooban ayaa Maraykanka uga faradhuudhuuban in ay kaalin togan ka qaataan mustaqbalka Ethiopia. Tani waxay ka imanaysaa taariikhda dheer ee Washington ku leedahay siinta taageero miisaaniyadeed xisbiga talada Ethiopia haya, iskaashiga dhaw ee u dhexeeyay militeriga iyo sirdoonka labada dal, iyo ka-warwareegidda soo jiitantay ee mas’uuliyiinta Maraykanku ka gaws adaygayeen in ay dhaliilaan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee taliska ama in ay is hortaagaan xarigga kumanaan rayid ah. In Washington ka aamusnaato xuquuqda aadanaha iyo xaaladda amni ee Ethiopia ku xumaanayaa waxay ka dhalatay dhawr qodob. Ta u horraysa uguna doorroon, dabcan, waa in Ethiopia ay noqotay wehelka aan la loodin karin ee “dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” tan iyo 2000-nadii. Mar labaadka, ra’iisal wasaarihii hore iyo naqshadeeyihii xisbiga talada haya, Meles Zenawi, wuxuu saaxiibtinnimo shakhsi ah la abuurtay siyaasad-sameeyayaal sarsare oo Maraykan ah, kuwaas oo dabadeed taliska halyey ka dhigay kana difaacay dhaliisha guud. Mar saddexaadka, sida Rwandaba ka jirta, siyaasad-sameeyayaasha Galbeedku Ethiopia waxay ku socodsiiyeen “Tusaale Afrikaan oo Guulaystay” iyaga oo taa u maray u-fududaynta deeq aan kalago’ lahayn iyo maalgashiga qaaradda; in tooshka lagu qabto qisooyinka xuquuqda aadanuhuna wuxuu ahaa mid aan habboonayn. Mar afraadka—oo aan ahayn ka ugu muhiimadda yar—diblomaasiyiinta Maraykanku waxay u arkeen in dhaleecaynta maxfalka ah ee taliska Ethiopia lala beegsadaa aanay waxba soo kordhinayn: sannooyinkan waxay dhaleecayntaasi sababtay in weriyayaal badan, diblomaasiyiin, iyo ururro aan xukuumi ahayn oo Maraykanka laga leeyahay laga soo cayriyo Ethiopia, wax hagaag ahna ku ma ay biirin dhaqanka taliska. Awoodda ay Ethiopia u leedahay gelidda Midawga Afrika (maaddaama xarunta Midaawga Afrika ay ku taallo Addis Ababa) waxay falanqeeyayaal iyo weriyayaal sumcad leh ku kelliftay in ay iyagu isfaafreebaan. Ethiopia waxay sida oo kale muujisay in ay ka go’an tahay in ay ka jawaabceliso cadaadiska dibloomasiyadeed iyada oo la-hayste ka dhigatay danaha amni ee Maraykanka: bishii September 2017, tusaale ahaan, markii Aqalka Guddihoosaadka Arrimaha Afriki isku deyay in uu ansixiyo bayaan tooshka ku ifinaya gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee Ethiopia, safiirkii xilligaa Ethiopia u joogay Maraykanku, Girma Birru, wuxuu booqday xubnaha Guddihoosaadkaa, wuxuuna ugu hanjabay in ay ka laaban doonaan wadashaqayntooda argagaxisa-la-dirirka ee Soomaaliya. Markii ay hanjabaaddani soo fool saartay, Guddihoosaadkii durbadiiba way ka noqdeen bayaankii. (Guddihoosaadku waxay shalay ku hanjabeen in ay bayaankii soo celin doonaan si loogu codeeyo February 28, haddii aanay xukuumadda Ethiopia u oggolaan kooxda baarista ee Qaramada Midoobay in ay dalka soo galaan.) Codadka loogu kalsooni badan yahay dhaqdhaqaaqa dibadbaxyadu waxay mar horaba dhaliileen ficil la’aanta Maraykanka, iyo in aanay la qaadanayn wadahadalka mas’uuliyiinta Maraykanka—xaqiiqatan, waxay ku doodeen in haddii ay la xiraan Washington, ay taasi dhaawici doonto kalsoonida lagu qabo, waana ay saxan yihiin. Washington dabcan way awooddaa in ay isku daydo in ay xisbiga TPLF ku qanciso in uu sameeyo isbeddello micno leh oo lagu kalsoonaan karo—laakiin dib-u-eegista ay Washington ku samaynayso taariikhda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Addis waxay muujinaysaa in dedaallada caynkaas ahi aanay wax miro ah dhalin doonin. Sida oo kale ma cadda nooca isbeddel ee dadweynaha raalliggelinaya: in kasta oo ay jiraan baaqyo ku aaddan in xoogagga amni ee Ethiopia ay faraha kala baxdo Oromada, Amxaarada iyo gobollada kale (sida Soomaalida, ama aagga “Ogaadeen”), haddana cidna ma soo hadalqaadayso doorashooyin daray ah (kuwaas oo taariikh ahaan la fadhataysan jiray) ama halbeegyo dimuqraaddiyadeed oo kale si dib loogu hanto nabadda. Bilaha, iyo maalmaha, soo socdaa waa kuwa go’aan keeni doona. Taliska Ethiopia labo ayay soo kala geli: in ay ku sii dheganaato mawqifkeedan oo ay fidiso kago’naanteeda uu ka go’an yahay isbeddelku, kago’naantaasna waxa muujin kara iyada oo ra’iisal wasaaraha laga dhigo hoggaamiye Oromo ah. Ama waxay labalaabi doonta mawqifkeedii hore, oo waxay ku dhawaaqi doontaa xaalad degdeg ah, laakiin tani waxay noqon doontaa go’aan dhimasho ah, maaddaama xaalad degdeg ah oo cusub ay mucaaradka iyo dibadbaxyayaashu u arki doonaan iclaamin dagaal. Rejada keli ah ee nabadda Ethiopia waa tanaasulaad degdeg ah oo daacad ah, oo ay la yimaaddaan haldoorka TPLF, taas oo ay tahay in ay noqoto dibuqaybin micno leh oo dib loo qaybiyo awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed. Shacabka Ethiopia wuu tijaabiyay awooddiisa, si ama si kalana u ma sii jiri doonto taagantu (status quo). The post Ethiopia xaggee ku danbayn doontaa? appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo dajiso Maxaabiis Soomaaliyeed. Maxaabiistan ayaa ku jiray gacanta magafayaasha dalka Libya, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay qabaan dhaawacyo. Maxaabiistan ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11 Maxaabiis, waxaana la xaqiijiyay in muddo farabadan ay ku jireen gacanta Magafayaasha dalka Libya oo u geestay dhabaatooyin kala duwan. Mas’uul ka tirsan Safaarada Somalia ee dalka Libya ayaa sheegay in Maxaabiistan ay gacanta magafayaasha ku jireen muddo laba sanadood ah, balse iminka laga soo saaray. Danjire Ali Siciid Fiqi oo ah Safiirka DFS u fadhiya Midowga Yurub, ayaa sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii dhalinyaradaasi loo sii dayn lahaa. Waxa uu Danjiraha sheegay in ka shaqeynta deysmada Maxaabiista uu u xil saaray Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ay ku guuleysteen. Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu u duulo Magaalada Muqdisho, kadib laba sano oo uu ku xirnaa dalka Libya. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa balan qaaday in dowladiisa ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Somaliyed ee ku xiran dalalka caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post DFS oo maanta Maxaabiis kasoo dajineysa Garoonka Aadan Cadde (Tirada) appeared first on Caasimada Online.
  21. Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn resigned unexpectedly on Thursday, the first leader to do so in the country’s recent history. Source: Hiiraan Online
  22. Egal Daud, 30, was found dead in his car Sunday morning in a parking lot on Northview Road in Nepean after being reported missing by his family five days earlier. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku helnay Safaarada Turkiga ee Somalia ayaa wada qorsho ay ku howlgalineyso qaar kamid ah ciidamadii ay dhawaan tababarka ugu soo xireen Saldhiga Militery ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bekar, ayaa qorshahaan cusub la kaashanaaya Saraakiisha Turkida ee gacanta ku heysa Saldhiga. Qorshaha Safiirka ayaa la sheegay inuu yahay in ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Saldhiga lagu wareejiyo amniga Safaarada iyo Xarumaha kale oo ay maamusho Turkiga. Qorshaha ayaa markiisa hore la xaqiijiyay inuu ahaa in dufcada koowaad lagu wareejiyo amniga Saldhiga, Safaarada iyo Isbitaalada ay maamulaan Turkida, hase ahaatee waxaa howshaasi dib u dhigay isku shaandheyn lagu sameynaayo ciidamada. Dowlada Turkiga ayaa kaalmaha koowaad ugu jirta dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in dhammaan howlaha ay kawadaan Somalia ay maamulka u dhiibaan Soomaalida. Dhinaca kale, qorshaha uu wado Ambassador Olgan Bekar, ayaa dib usoo celinkara mooraalka ciidamada dhawaan tababarka loogu soo xiray Saldhiga ee Soomaalida ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Safaarada Turkiga ee Somalia oo wada qorshe cusub oo dhiiri galin leh appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqooyinka halkaa ka socday ay qarka u saran yihiin inay galaan hakat, kadib Wasiiro iyo Xildhibaano Jahwareer galiyey howsha Gobolka Banaadir. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay buux dhaafiyeen Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar ‘’ Yariisow’’, oo la filaayo in dhawaan uu magacaabo Guddoomiyayaal Degmo. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kala wata shaqsiyaad ay doonayaan in loogu magacaabo Guddoomiye Degmo, xili uu si hoose u socdo qorshaha lagu bedeli lahaa Guddoomiyayaashii uu horay u magacaabay Guddoomiyihii xilkiisa waayay Taabit. Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa waxaa kaabaaya Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo saaxiibo dhow la ah Guddoomiye Yariisow, kuwaa oo qudhooda damac ka qaba in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshaan hal iyo laba Guddoomiye, wallow talaabadaasi ay carqalad galinkarto kursiga Guddoomiyaha. Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Cumar “Yariisow’’, ayaa balamo u kala qabanaaya mas’uuliyiinta inkastoo ay xogtu sheegeyso in qaarkood uu ugu tago goobaha ay degan yihiin si uu uga fal celiyo dalabaadkooda. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka ayaa waxaa ka dhex muuqan doona xubno ay wataan Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka dowlada oo xiriir hoose la leh Yariisow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Wasiiro iyo xildhibaano jahwareer galiyey howshii xarunta gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.