-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa maanta ogolaaday in cod loo qaado mooshinka lagasoo gudbiyay. Wuxuu sheegay Jawaari inuu cod ku yimid, codna ku baxayo, waxaa uu beeniyay warar baraha bulshada qabsaday oo sheegayay inuu is casilayo. Sidoo kale waxaa uu dalbaday in muddo 10 cisho gudahood mooshinka cod loogu qaado, isla markaana meel munaasib ah lagu qabto, waxaa uu mar kale ku celiyay in xarunta golaha shacabka ay ciidamo heystaan. Puntlandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gellinkii dambe ee maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay mooshinka laga keenay, isgaoo sheegay inuu u u yahay diyaar in cod lagu kala baxo. Prof. Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is-casilayo, isagoo riyo ku tilmaamay hadalkaas. “Waxaan ku imid cod, kaasoo aan ku qabtay xilka Guddoonka Baarlamaanka Somalia, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa,” ayuu yiri Prof. Jawaari ku yiri hadalkii uu siiyay warbaahinta. Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia ayaa mar kale sheegay in ciidammo ay heystaan xarunta golaha shacabka. Wuxuuna ka dalbaday Xildhibaanada in muddo toban maalmood gudahood ah in codka mooshinka loogu qaado. Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan-waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada taagan ee khatarta gelisay hawlaha Dowladda Somalia, Waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod. Ugu dambeyn, Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184-cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Jawaari oo Aqbalay Mooshinkii laga keenay kuna baaqay in cod lagu geliyo… appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Amniga ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta Wadooyinka Waawayn ee dhexmaray Magaalada Bosaaso waxa ay ka sameeyeen Howlgal lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada Bosaaso oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah Amniga. Ciidamo Farabadan oo isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa la soo dhoobay Wadooyinkaaasi dhexmara Magaalada Bosaaso , waxayna Baaritaan ay ku samaynayeen dadka iyo Gaadiidka isticmaalayay Wadooyinkaasi . Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay Garawaarida ay ka fiiqayeen Bacaha Madoow , kuwaas oo sida ay Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen qab ka aha Amaan xumida Magaalada ka jirta. Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii kooxo hubaysan ay gudha Magaalada Bosaaso ka gaysteen weerar Ban Baano oo ay ku dhinteen labo qof oo midi uu yahay Askari Ciidamada ka tirsanaa iyo Wiilyar oo ka ag dhawaa halkii uu weerarkan ka dhacay oo ku dhawayd dekeda Magaalada Bosaaso , waxaana weerarkaasi ka horeeyay dilal qorshaysnaa oo maalmahanba ka dhacayay Magaalada Bosaaso, taas oo lala beefsaday Askar ka tirsan Ciidamada Booliska oo siyaabo kala duwan loogu dilay bartamaha Magaalada Bosaaso .
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-sarkaal katirsan kooxda alshabaab ayaa ayaa isku soo dhiibay ciidamadda xoogga dalka Horjoogahaan oo Al-shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo qaraxyada waaweyn ayaa lagu magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq. Horjoogahaan ayaa si gaar ah Alshabaab ugu qaabilsanaa gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir iyo deegaano kamid ah gobolada dhexe ee dalka sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowladda.. Caddow Macalin Isxaaq ayaa sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo ka bar bar dagaalamaysey Al-shabaab si gaar ah ay u taabatay weerarkii 14-October ee Isgoyska Zoobe, taasina ay keentay in dhalinyaro badan ay go’aansadaan in ay isaga soo baxaan Maleeshiyaadkaasi. “Waxaan marqaati kasoo noqday in ay been abuur tahay in Al-shabaab ay diin u dagaalamayaan, si arxan daro ah ayey u laayaan dadka Soomaaliyeed, taas ayaana garanay aniga iyo dhalinyaro kale oo hadda isku dayaya iney isaga soo tagaan”ayuu yiri Caddow Macalin Isxaaq. Ismaaciil Khaliif Shire Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga baaqey dhalinta laqaldey in ay ku daydaan Caddow oo ay isoo dhiibaan . waxaana u balan qaadey in si wanaagsan loo soo dhaweyn doono. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer sheegay in dowladdu ay cafis u fidinayso dhalinyarada ay qaldeen Alshabaab,haddii ay isku soo dhiibaan Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Horjooge Al-Shabaab ahaa oo isku dhiibay Ciidanka Dowladda & Xilkii uu Shabaab u hayey oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
DOHA: Qatar Charity has opened a model primary school in the town of Hudur, the southwestern Bakool region of Somalia near the border with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled a three-day state visit to Qatar after dispute sparked between the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo has cancelled three day state visit to Qatar after dispute sparked betweel the leaders of executive and Lower House. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dib u habeyn lagu sameeyay saraakiisha ciidammada milateriga Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorsha cusub ee lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay Hogaanada Ciidanka oo markii hore ahaa 23 Hogaan, balse haatan lagu soo Koobay 13 Hogaan, Waxaana lagu soo biiriyay dhalinyaro Saraakiil ah oo dibada wax lagu soo baray. Wasiir Mursal ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu degay xarunta Taliska Ciidanka ee Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo Todobaadkii udanbeeyay Madaxweynaha u ehayd Hoy iyo Xarun Shaqo. Isbedelka hoggaannada taliska ciidamada xoogga dalka ayaa saameyn ku yeesay 9 sarkaal oo u badan Jeneraallo kuwasoo shaqada laga fariisiyey, kadib markii waaxyihii ay ku magacawnaayeen la baabi’iyey, taasoo ahayd tallaabadii ugu weyneyd ee isku shaandheyn lagu sameeyo taliska ciidamada Qalabka sida. Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo todobaadkii la soo dhaafay uu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan is bedelada ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka dhaka ah Al-Shabaab. Wasiir Mursal ayaa sheegay in abaabulkan socda uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana darajo ahaan ay ka hooseeyeen, isla markaana abaabulka hada socda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. “Ciidamo isku dhaf ah ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Ciidamada xoogga dalka kala ma ahan, abaabulka aan hada sameyneynno wuu ka duwan yahay kii hore, darajo ahaan wey ka hooseeyeen, laakiin abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Waxaa uu sheegay in horay looga bartay in ciidamada dowladda marka ay deegaan xoreeyaan dib isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay in tani ay ka duwan tahay, isla markaana ciidan kale loo diyaariyay, marka la qabto deegaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo dib u habeyn lagu sameeyay [9 Sarkaal oo xilalkoodii la baabi’iyey] appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaadday imtixaan toos ah ama (Interview) ee loogu tartamayey dhowr boos/jago oo ka bannaan qaybo kamid ah hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda. Boosaskaan oo aad u badnaa isla markaana dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyey la qaadayey imtixaanadooda ayaa si loo kala saaro dadkii isugu soo haray imtixaankii qoraalka ahaa waxaa lala yeeshay waraysiyo afka ah ama toos ah, taas oo lagu kala ogaanayey khibraddooda iyo waayo aragnimadooda la xiriirta shaqooyinka ay u tartamayaan. Imtixaankaan tooska ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka, dhowraanna kalsoonida bulshada, isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka. Heerka shaqo ee boosaskaana ayaa isugu jirey agaami waaxeeddo iyo Madaxqaybeeddo taas oo looga golleeyahay in la dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee muhimka u ah xarumaha dawladda. The post hay’adda shaqaalaha rayidka ha ee Puntland oo qaadday Imtixaan toos ah (Interview) appeared first on Puntland Post.
-
Sualo u baahan jawaabo Maxaa saldhig u ah xariirka ka dhexeeya Somalia iyo dawladaha shisheeyaha? Dalka Somalia ma waxuu ka koobanyahay laga bilaabo Saylac ilaa iyo Raas Kaambooni, mise waxuu ku egyahay Xamar? Shacabka Soomaaliyeed, ma inta ku nool Xamar kaliya ayaa xaq u leh in ay helaan taageero shisheeye mise dhamaan meel uu joogaba xaq ayuu u leeyahay in uu helo taageero shisheeye? Waxaad moodaa in ayadoo ujeedooyin badan laga leeyahay si waaqaca iyo xaqiiqada ka fog loo adeegsanayo mediaha ayadoo lagu daboolayo daah been ah oo ah wadan jacayl iyo Soomaalinimo. Sidaynu uula socono dhamaanteen dalkeena Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeyo oo sababay burbur badan iyo kala guur qof walba uu ku laabtay xaafadii uu asal ahaan uuga soo jeeday. Dawladii Soomaaliya intii ay jirtay waxay ahayd dawlad madax ka nool ah oo wax kasta ay ku xiranyihiin Caasimada. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed, ma heli jirin services kii ay u baahanyihiin oo asaasiga u ah nolasha aadanaha; sida caafimaadka, tacliinta, cadaalada, dhisamaha, ganacsiga iyo in kale oo badan. Taas oo keentay in dhamaan tacabkii umada Soomaaliyeed mid dawldeed iyo mid gaar ahba uu ku ekaa Xamar oo kaliya. Waxuu ku khasbanaa qof kasta oo Soomaali ah oo intaa aan sheegnay u baahan in uu Xamar iska xaadiriyo hadii kale baadiyaha bahalku ku cuno. Markii dagaalkii sokeeye dhacay waxuu sababay kala carar iyo guryo noqod, taas uu dhib aad u badan kasoo gaartay dadkii aa nasal ahaan kasoo jeedin xamar laakiin ku dhaqmay oo ku dhashay oo aan aqoonin meel aan Xamar ahayn, sidaan u sheegnayna aysan jirin meel nolol ka jirto oo aan ahayn caasimada. Dadkaas waxaa ku baryey waa cusub oo aad u xanuun badan. Laakiin dhib kasta oo dhacda positive ayey leedahay hadii si fiican looga faaiidaysto. Hadaba faaiidada kaliya oo laga helay dagaalkii sokeeye ayaa ah in nolol laga sameeyo gobaladii iyo dagaamadii horay looga guuray oo maamulkii iyo shacabkiiba dayaceen. Taas waxay keentay in qof kastaa tuuladiisii uu ka aasaaso nolol hor leh oo cidina ku taageerayn ayagoo kaashanayo Ilaahii waynaa kadibna awoodiisa intii rabto ha gaarsiisee. Hadaba dhibkaas maxaa laga bartay? Waxaa loo haystay in dadkii ilbaxay oo daruustii dakaalka sokeeye laga faaiidaystay oo la ogaaday in aan dal hal magaalo oo kaliya ah in uusan umad dhan kaafin Karin, laakiin waxaad moodaa nasiib daro in dariiqii wali la hayo iyo mid kasii daran oo si aad u fool xun loo adeegsanyo saxaafada si dalka mar labaad loogu soo celiyo maamulkii foosha xumaa oo qarniyaalka dib u celiyey umada Soomaaliyeed. Example, deeqahii shacabka Soomaaliyeed lagu soo kabaayey waxaa la sharciyeey in dalkii Xamar wax ka qabta la dhahaayo shacabka Soomaaliyeed ayuu saaxiib la yahay, dalkii meel kale wax ka qabtana la dhahaayo shacabka Soomaaliyeed ayuu cadaw u yahay!!!. Waa wax aad loola yaabo in aan laga faaidaysan dhibaatooyinkii lasoo maray maamul iyo shacab intaba. Hadii aan usoo laabto mawduuca hada ka taagan saaxada Soomaalida oo ah dalalka Imaaraadka iyo Turkiga oo labaduba lug ku leh ama faragalin arimaha siyaasada ee dalka Soomaaliya. Laba dal ayaa uugu dhaqdhaqaaq badan dalalka muslimka ah oo ku lug leh siyaasada Soomaaliya. Mid waxaa lagu safeeyey in uu yahay badbaadiyihii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, midna waxaa lagu safeeyey in uu yahay cadawgii dadka iyo dalka. Waxaa is waydiin leh ma sidaas ayaa xaqiiqadu mise waxbaa ku hoos jira? Aragtidayda gaaban waxaan u arkaa in aysan arintaas sidaa dadka loogu sheegay oo campaign kaas xoogan loo isticmaalay aysan ahayn ee waxyaalo badan ku hoos jiraan dadka Soomaalinimda jecel oo u hiloobay in ay dawlad Soomaaliyeed helaana loogaga faaiidaystay dacaayado been ah. Dawlada Turkigu tan intii ay dalka Soomaaliya soo gashay hal meel ah xataa waab kamay dhisin oo aan ahayn magaalo madaxda Mogadisho oo ahayd meeshii horay hantadii nus qarniga dalku xorta ahaa kaligeed la galiyey. For example, safiirkii u fadhiyey dalka Turkiga Soomaalia mudo 3 sano ka hor ah, waxuu booqasho ku yimid magaalo madaxda dawlad goboleedka Puntland, waxuu dhagax dhigay skool farsamada gacanta ah oo balan qaaday in ay sanad gudihiis ku dhisayaan iyo mashaariic kale oo badan oo uu balan qaaday. Nasiib daro dhagaxii Meesha uu dhigay ayaa uugu danbeeyey hal shay oo kalana kama qaban. Puntland waa dalka uugu balaaran gayiga Soomaaliya ugu yaraan shan malyan oo qofna ku nooshahay. Sidaas oo kale dhamaan gobolada kale oo dalka hal meel ah maalin wax kama qaban. Dhinaca kale Imaaraadku waxuu mashaariic badan haba iska tabar yaraadaan uu ka wadaa Puntland iyo Soomalilaand. Ciidamada bada ee Puntland oo xeebta dhererkeedo yahay 960 Kilo meters ilaalisa asagaa kharashkooda bixiya. Waa isha kaliya oo dhamaan umada Soomaaliyeed ka ganacsato oo xariir soo jireen ah la leedahay. Waxaa lagu sheegay cadawgi Soomaaliyeed waayo dalka oo dhan ayuu fiirshay ee hal meel ah ma dhihin ayadaa dalka oo dhan matasha. Dawladii Xamar joogtay oo aan hal maalin ah kula talin saaxibkood Turkiga in uu il naxariis leh ku fiirsho dalka intiisa kale; waxay u aqoonsadeen halkii dal oo asagu dareemay in Soomaaliya Xamar ka wayntahay in lagu sheego cadaw soomaaliyeed!!!. Waa exploitation aad u fool xun oo laga faaiidaysanyo qalbiga fiican iyo soomaali jacaylka shacabka Soomaaliyeed ayadoo la marin habaabinayo ujeedooyinka wax ku oolka ah oo dalka wax looga qaban lahaa, lana doonayo in burburkii laga soo kabsaday dalka dib loogu celiyo lana xaasidayo gobalada ayago gacantooda ku dhistay baahiyahii asaasiga ahaa ayagoo aan sidii aan horay u sheegay Ilaahay maahee aan maamul wax kasoo gaaray jirin, ayadoo waxii aduunku u gartay dadka iyo dalka Soomaaliya hal meel ah lagu ekeysiiyey. Ugu danbayn: Waxaan kula talinayaa shucuubta iyo maamulada dalka ka jira, in uusan dariiqa Soomaalinimado marin burburinta gobaladooda iyo ka tanaazulka xaqooda. In uusan dariiqa Soomaalinimado marin in kii ayaga wax qabta am raba in uu wax u qabto lagu sheego cadaw, kii dhagaha ka furaysta oo caasimada dhisana la oranayo waa badbaadiyihii Soomaaliyeed. Taas waxaa lagu sheegi karaa afka qalaad “credulity” umad daciif ah oo waxii loo sheegaba rumaysata aana kala aqoon ka maslaxadooda wada iyo kan maslaxadooda ka soo hor jeeda. Qore/ Faisal Shire Cali alunun@gmail.com
-
Raysal wasaare Xasan Kheyre ayaa Madaxweynaha ja codsadey inuu dib u dhigo safarkii uu maanta ku aadi lahaa Dalka Qatar. Qalalaasaha Sliyaasadeed ee u dhexeeya Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo meel aan wanazgsaneyn maraya ayaa Taysal wasaaruhu ka walwalsan yahay waxa ka imaankara gadii Madaxweynuhu Daæka ka dhoofo, Waayo haduu Madaxweynuhu dhoofo waxaa Dalka hogaaminaya Gudoomiye Jawaari oo si toosa u noqonaya ku simaha Madaxweynaha, taasna kuma faraxsane Raysal wasaare Kheyre. Dastuurku awood buuxda ayuu siinaya Kusimaha Madaxweynaha waana tan uu diidan yahay Raysalvwasaaruhu inuu Madaxweynu dhoofo si uusan Gudoomiye Kawaari u noqon ku simaha Madaxweynaha. Dublamaasi la hadley Puntandi ayaa xaqiijiyey in Madaxwehkuhu uu aqbakay codsigii Raysal wasaaraha uuna saas ku baajiyay Safarkii maanta uu ku aadi lahaa Dooxa. Puntlandi Muqdisho
-
Saddex xubnood oo ka tirsan Koox xagjir ah ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago,iyagoo lagu eedaynayo in ay qorshaynayeen in ay qarxiyan masjid iyo xarun kale oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed,taasoo ku taalla Koonfurta galbeed gobolka Kansas ee dalka Maraykanka. Gavin Wright,Patrick Stein iyo Curtis Allen ayaa saddexduba iska difaacay eedaymaha loo jeediyay oo ay kamid yihiin maleegidda shirqool lagu isticmaalo hubka wax gumaada,kaasoo haddii lagu helo ay ku mutaysan karaan xabsi daa’im. Dacwaddooda ayaa lagu wadaa in ay talaadada ka bilaabato Wichita. Wakaaladda Wararka AP News ayaa ka soo xigatay xeer-ilaaliyaasha in xubin afraad oo ka tirsanaa kooxdan uu mas’uuliyiinta wargeliyay,kadib markii uu adkaysan waayey necaybka sii kordhaya ee ay faafinayaan saaxiibadiis. Kooxdan xagjirka ah ayaa Qaxootiga Soomaalida necayb daran u muujiyay,waxayna ku tilmaameen”baran-barooyin” Maraykanka soo galay. PUNTLAND POST The post Koox doonayey in ay Qaxooti Soomaaliyeed qarxiyaan oo maxkamad la soo taagayo. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi ayaa u sheegay Jariidad kaso baxda dalka Imaaradka Carabta in dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska Somaliland ay la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaradka. Mr Bixi ayaa u waramay Jariidada Alceyn waxana uu u sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world. Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin. Madaxweynaha Somaliland ayaa uga digay Qatar inay joojiso faragalinta toos ah uu sheegay inay ku hayso heshiiskaasi inkastoo si dhab ah uusan u cadeen qaabka ay Qatar saameynta ugu leedahay heshiiska dhacay balse waxaa xusid mudan in Qatar ay colaad diplomasiyadeed kala dhaxeeyo dalka isku taga Imaaradka Carabta. “Qatar waxay u taagan tahay inay joojiso heshiiska, waa cadawga heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera ee DP World”ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Waxaa uu sheegay in Qatar aanay soomaali badan ku sugneyn, taa bedelkeed waxaa uu xusay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku nool yihiin maalgashadayaal fara badan. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay wadaagaan xiriir dhanka badda ah, isagoo xusay in Berbera iyo magaalada Jeddah ay isu jiraan illaa 300KM dhanka Badda. Horaantii bishan March ayaa Shirkadda DP World heshiis ku saabsan maalgashiga Dekeda Berbera la saxiixatay Somaliland, waxaana heshiiskan uu ahaa mid saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda, kaasoo u dhaxeeya Itoobiya, DP World iyo Somaliland. Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Soomaaliland oo sheegtay in Qadar ay caqabad ku tahay heshiiska DP World. appeared first on Caasimada Online.
-
Wiil 17 jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gamboole (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay wiil 17 jir ah u magacawday Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Faysal Cabdullahu Cumar,waa wiilka loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Gamboole,wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal ayuu kaga hadlay xilka loo magacaabay,sida ay ku soo gaartay magacaabista iyo sida uu u arko. Faysal waxaa uu sheegay in Waalidkiis ay u keeneen Warqadda Magacaabidda Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole,waxaana uu sheegay in uusan xilkaas qaban karin.. Waxaa uu sheegay inay layaab ku noqotay xilka loo magacaabay, kaddib markii uu arkay warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga iyo labo qof kale loogu magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka degmada Gamboole. Feysal ayaa sheegay in Ugaaska Beesha uu u yimid aabihiis, kuna wargeliyay inuu ka soo qeyb galo siminaar, intaas kaddibna uu aabihii u diray siminaarkaas, balse markii dambe uu ka war helay in loo magacaabo xilka Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole. “Waa la yaabay xilka la ii magacaabay oo ah Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gamboole, mana la igala tashan, waxaa rabaa inaan caddeeyo in aan xilkaas qaadi karin, oo aan halkan ka cadeynayaa inaan iska casilay, maadaama dalka uu amnigiisa wanaagsaneyn”ayuu yiri Feysal C/llaahi Cumar oo sheegay inuu 17-sano jir yahay. Faysal oo dhinta fasalka 4aad ee Dugsiga Sare waxaa uu hadda isu diyaarinayaa Imtixaanka Guud ee Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar oo uu ku noolyahay. Wareysiga waxaa uu ku sheegay in arrimo amaan darteed uusan qaban karin xilkaas,sidoo kalena Wasiirka uusan wargelin isaga oo sheegay in warqadda uu Wasiirka u dhiibay waalidkiis sidaasna ay ku soo gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wiil 17 jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimadda Online|) – Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida culimada waaweyn ee taageera dowladnimada ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku caddeeyay mowqifkiisa ku aadan mooshinka socda ee laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Sheekha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xaalad kasta oo qalalaase abuureysa, isla markaana aanu taageereynin mooshin xilligan lagu abuuro xasarad, wuxuuna ku hanjabay inaysan aqbali doonin oo ah shacabku ka hortegi doonaan dadka qalaalasaha wada. “Ninka mooshinka keenay isagaa ku baxaya..” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo arrinta ka socota Baarlamaanka ku tilmaamay inay timid xilli xasaasi ah oo Baarlamaanka go’aan weyn ka gaaray shirkadda DP World, dowladdana ay gaartay horumar. Hoos ka daawo Muuqaalka Shiikh Nuur Baaruud Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuqaal: Sheekh Nuur Baaruud: “Ninkii Mooshinka socda keenay isagaa ku baxaya, mana aqbaleyno…” appeared first on Caasimada Online.
-
Gudigii Nabadeynta ee Beelihii dhawaan lagu heshiisiiyay deegaanka Meegaagle ayaa waxa ay kulamo wacyigalin ah ay ka wadaan deegaanadii ay labadasi beelood ay kala suganyihiin si loosii xoojiyo Nabad galyada iyo wada noolaanshaha labada Beelood ee Cumar Maxamuud iyo Bahararsame. Nabadoon Xuseen C/raxmaan Xaaji oo kamid aha Gudigii Nabadeynta ayaa sheegay in sababta keentay in xiligan ay wacyi galinta ay sameeyaan ay ahayd in go’aanadii heshiiska lagu kala saxiixday Meegaagle ay kamid ahaayeen wixii lagu balamay in lakala fogeeyo dagsiimooyinka iyo meelaha ay xooluhu ay wada daaqaan si uusan markale isku dhac u iman. Nabadoonka ayaa sheegay in inatabada ay hirgaleen heshiiskii lakala saxiixday, balse wacyi galintaan ay tahay adkaynta iyo xoojinta heshiiskaasi si uu unoqdo mid mira dhal yeesha. Nabadoon Xuseen ayaa sheegay in aysan qabin wax cabsi ah oo markale dhalin karta dagaal dhexmara labadan Beelood ee wadadagan. 15- bishii February ayay ahayd Markii ay heshiiskaasi ay ku kala saxiixdeen labadan Beelood deegaanka Meegaagle ayna garwadeen ka ahaayeen Isimada dhaqanka ee labada dhinac iyo dowladda Puntland oo dhanka farsamada iyo Fududeenta kataageeraysan heshiiskaasi . Halkan ka dhagayso Waraysiga uu siiyay Warsidaha Puntlandi.com Xafiiskiisa Bosaaso. Nabadoon Xuseen Puntlandi.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday dejinta Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2017-2018,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaraddda. Lixdan iyo lix macallin ayaa loo qorsheeyay in ay muddo 5 maalmood ah soo dejiyaan Imtixaankan Shahaadiga ah oo ay u fariisan doonaan ardayda fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiyada sare dhammaan degaannada Puntland. Macallimiinta soo diyaarinaya Imtixaankan sannadkan ayaa ka kooban 42 macallin deJiyaal ah,lix macallin turjumayaal ah,iyo 24 macallin oo hubiyaal ah,waxaana qoraalka lagu sheegay in dejiyaasha Imtixaanka sannadkaan ay ka yar yihiin sannadihii la soo dhaafay,kadib markii uu hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu kabi jiray. Halkaan ka akhriso qoraalka Wasaaradda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday dejinta Imtixaanka Shahaadiga ah. appeared first on Puntland Post.
-
But the gilded life of Sheikh Mohammed Hussein Al Amoudi took a sharp turn in November. Amoudi, the gregarious 71-year-old son of a Yemeni businessman and his Ethiopian wife, was swept up with hundreds of billionaires, princes and other well-connected figures in what the Saudi government says is an anti-corruption campaign that has seized more than $100 billion in assets. Many other detainees, who were initially kept at a Ritz-Carlton hotel in Riyadh, have been released, including Prince Alwaleed bin Talal, the well-known international investor. Amoudi’s cousin, Mohammed Aboud Al Amoudi, a property developer, was also let go. But Amoudi, once called the world’s richest black person by Forbes, has not been freed, leaving a vast empire that employs more than 70,000 people in limbo. He controls businesses from Ethiopia, where he is the largest private employer and the most prominent backer of the authoritarian government, to Sweden, where he owns a large fuel company, to London, which he has used as a base to set up a number of companies. “He was in the Ritz-Carlton, but we have been told by his family members that he was moved, along with others, to another hotel,” Amoudi’s press office said in an email responding to questions. “Unfortunately we do not know where. He is in regular contact with his family and is being treated well.” While Amoudi lacks a princely pedigree, he is in other ways an archetype of those entangled in the kingdom’s power play: a billionaire with assets stretching across the world who had close ties to previous governments. The late King Abdullah was a supporter of Amoudi’s Saudi Star Agricultural Development, a sprawling farming venture in Ethiopia established to supply rice to Saudi Arabia. Such ventures are seen as strategic assets in a desert kingdom keenly aware of its agricultural limitations. While Saudi Star has had a tough time getting going, it is said to be a particular focus of the new government’s interest. Saudi officials have declined to comment on the charges against individual detainees as well as their status, citing privacy laws. The Saudi government has said its dragnet followed an extensive investigation by a newly formed anti-corruption committee headed by the country’s crown prince, Mohammed bin Salman. The prince, who has fashioned himself as a reformer, is in the midst of a charm offensive to bolster diplomatic and financial ties to the West and is scheduled to visit Washington this month. The detentions, however, have been almost entirely opaque. There have been no signs of collaboration with Western law enforcement and no charges made public, leading some critics to view it as a power and money grab rather than a bona fide anti-corruption effort. Saudi officials have denied that anyone has been mistreated, but people with knowledge of the detentions have said that as many as 17 of the detainees required medical attention because of abuse, and one died in custody. Given the insular nature of the country and the crackdown, Saudi officials are likely to make the most headway seizing assets within their own borders. Within Amoudi’s empire, there is much to sort through. He moved to the kingdom as a teenager. Although there are few firm details about how a commoner came to vast wealth, he managed to forge influential connections. The most important was Prince Sultan Bin Abdulaziz, who served as defense minister and crown prince before his death in 2011. Amoudi ran businesses that depended on the prince’s money and position, associates said. Another of his allies was Khalid Bin Mahfouz, a billionaire who later became enmeshed in the collapse of the Bank of Credit and Commerce International in 1991, at the time one of the largest private banks in the world. In the 1980s, Amoudi set up Mohammed International Development Research and Organization Cos., a conglomerate known as MIDROC. Early on, his biggest deal was a multibillion-dollar project to build the kingdom’s underground oil storage capacity. Engineering and construction became core businesses for MIDROC, but it operates everything from pharmaceutical to furniture factories in the region, according to its website. Amoudi also owns half a steel company called Yanbu, and a large chain of gas stations called Naft. Like Alwaleed, Amoudi’s reach has extended to the United States. He donated millions of dollars to the Clinton Foundation and offered his private plane to fly Bill Clinton to Ethiopia in 2011. That offer sparked internal debate within the foundation, leaked emails showed. “Unless Sheikh Mo has sent us a $6 million check, this sounds crazy to do,” Amitabh Desai, the foreign policy director of the Clinton Foundation, wrote in one of the emails. That was not the first time that Amoudi’s name had surfaced in the United States. Three years after the Sept. 11 attacks, a lawsuit by the owner of the World Trade Center described Amoudi as a “material sponsor of international terrorism” because of his funding of controversial Islamic charities. Both sides agreed to a dismissal the following year, and a spokesman for Amoudi attributed the suit to a case of mistaken identity. In Ethiopia, Amoudi’s allies portray him as a philanthropist and champion of African growth. “I am a Saudi investor, born in Africa, with an Ethiopian mother, of which I am proud,” he said in a speech in Washington in 2014. “I have a special relationship with my birth country by investing in all of Africa — north, south, east, west.” Sisay Asefa, a professor at Western Michigan University, has known Amoudi for years and set up a foundation with his support. “He should be released immediately,” he said. Amoudi, he added, “has transformed many lives.” But he has also been a polarizing figure. Amoudi’s reach in Ethiopia has been so pervasive that a 2008 State Department cable, made public by WikiLeaks, said “nearly every enterprise of significant monetary or strategic value privatized since 1994 has passed from the ownership of the government of Ethiopia” to “one of Al Amoudi’s companies.” That called into question the “true competitiveness of the process,” the cable said. In Ethiopia, Amoudi’s allies portray him as a philanthropist and champion of African growth. “I am a Saudi investor, born in Africa, with an Ethiopian mother, of which I am proud,” he said in a speech in Washington in 2014. “I have a special relationship with my birth country by investing in all of Africa — north, south, east, west.” Sisay Asefa, a professor at Western Michigan University, has known Amoudi for years and set up a foundation with his support. “He should be released immediately,” he said. Amoudi, he added, “has transformed many lives.” But he has also been a polarizing figure. Amoudi’s reach in Ethiopia has been so pervasive that a 2008 State Department cable, made public by WikiLeaks, said “nearly every enterprise of significant monetary or strategic value privatized since 1994 has passed from the ownership of the government of Ethiopia” to “one of Al Amoudi’s companies.” That called into question the “true competitiveness of the process,” the cable said. His loyalty to the ruling party has even crossed borders. When a popular expatriate group in the United States called the Ethiopian Sports Federation in North America invited an opposition leader to speak in 2010, Amoudi set up a rival group. “When he was imprisoned, it divided public opinion,” said Semahagn Gashu Abebe, an assistant professor of international studies at Endicott College. “The opposition is happy because they think it will greatly weaken the regime.” But for Ethiopia’s ruling party, he said, “It’s a loss.” Many see Amoudi less as a beneficent local son than a Saudi privateer. Some of his mining operations, particularly in a region of Ethiopia called Oromia, have caused resentment, protests and arrests. “The government and people around the government would definitely miss him,” said Henok Gabisa, a visiting academic fellow at Washington and Lee University School of Law. “I’m sure people from the Oromia region would never miss him because they feel like they were robbed of their natural resources.” As Gabisa put it, “Literally his presence and his absence make a huge difference in Ethiopia.” Source: – New York Times The post He owns much of Ethiopia. The Saudis won’t say where they’re keeping him. appeared first on Caasimada Online.
-
Kenyans, and East Africans in general, are among the most unhappy people in the world, a United Nations report has revealed. In the report titled the UN World Happiness Report 2018, Kenya is ranked at position 124 out of 156 countries. Kenya is however ahead of most of East African neighbours, with Uganda placed 135th, Sudan (137), Rwanda (151), Tanzania (153), South Sudan (154) and Burundi who are ranked last. African were generally ranked lowly in this report with the likes of Malawi, Liberia and Central Africa Republic among the unhappiest nations. HAPPIEST COUNTRY Meanwhile, Finland is the happiest country in the world, followed by Norway, Denmark, Iceland and Switzerland in that order. The ranking index according to this report, is based on their income, freedom, trust, healthy life expectancy, social support and generosity. The overall rankings of a country’s happiness are based on the pooled results from Gallup World Poll surveys from 2015-2017, and show both change and stability. 10 happiest countries, 2018 (2017 ranking in brackets) 1. Finland (5) 2. Norway (1) 3. Denmark (2) 4. Iceland (3) 5. Switzerland (4) 6. Netherlands (6) 7. Canada (7) 8. New Zealand (8) 9. Sweden (10) 10. Australia (9) 10 unhappiest countries, 2018 147. Malawi (136) 148. Haiti (145) 149. Liberia (148) 150. Syria (152) 151. Rwanda (151) 152. Yemen (146) 153. Tanzania (153) 154. South Sudan (147) 155. Central African Republic (155) 156. Burundi (154) Source: – daily nation The post Kenya among world’s most unhappy countries appeared first on Caasimada Online.
-
In October 2103, Norwegian-Somali teenagers Ayan and Leila Juma left their home near Oslo to travel to Syria. They wanted, they later told their parents in an email, to “help down there” as best they could. The sisters’ departure and the subsequent revelations about the extent of their radicalisation shocked their mother and father, who had come to Norway from Somalia 13 years before to make a better life. In Two Sisters, Norwegian journalist Åsne Seierstad uses her considerable investigative prowess to trace how Ayan and Leila – resourceful young women with seemingly bright futures – came to embrace the ideology of Isis. She paints a comprehensive portrait of their parents – their mother Sara, who never fully adjusted to life in Norway, and their father Sadiq, more liberal than many of his peers, encouraging his daughters to play sport and deeply unhappy when they first began to wear the niqab or face veil. As well as examining the sisters’ friendships and experiences in the school system, Seierstad zooms in on developments that may have led to their journey to Syria. Ayan became heavily involved with authoritarian Muslim youth organisation Islam Net and was influenced by the teachings of a Koran tutor hired by a group of Somali mothers – including Sara. Ayan in turn seems to have influenced Leila, though Seierstad does not present either sister as naïve or a victim of brainwashing – rather they seem to have sought out others who agreed with their evolving beliefs. It’s a complicated, expansive story with multiple locations and a large cast of characters. Seierstad does an excellent job of weaving the different strands of her narrative together, moving backwards and forwards in time and jumping between Oslo, Somalia and Syria so cohesively and so strategically that the book often reads like a thriller. Determined to get his daughters back, Sadiq travels to the Turkish-Syrian border and, with the help of a middleman, makes it into Syria. The sisters are tracked down and he is allowed five minutes with Ayan, who is already married to an Isis fighter. Sadiq asks her to come home; she refuses. He is imprisoned, interrogated and tortured, cellmate after cellmate is taken away, but he gets out. Like in The Bookseller of Kabul – Seierstad’s hugely successful account of daily life in an Afghan household following the fall of the Taliban – Two Sisters adopts a novelistic form. The writer does not appear on the page. Instead she tells the story in a third person voice, entering into the minds of her subjects as though they are fictional characters. The form has plenty of literary forebears – not least Truman Capote’s seminal In Cold Blood – and is partly what makes the book so compelling. Nevertheless, it’s a distinctive and unsettling choice, as Seierstad knows. Published in English in 2003, The Bookseller of Kabul generated almost as much controversy as fame for its author when the book’s central figure objected to how he and his family were portrayed; his second wife sued Seierstad for defamation. In a chapter at the end of Two Sisters, Seierstad emphasises that Sara and Sadiq reviewed the finished manuscript. She details her research methods and her copious sources. She also asks a question that will be in many of her readers’ minds. “Is it ethically defensible to focus on the lives of two girls when they have not granted their consent?” Her answer is yes. “The entire world is trying to understand the reasons for radicalisation among Muslim youth,” she says. She believes that as a journalist, it’s her task to put her finger “on problematic aspects of society”. This same sense of purpose informed One of Us, her 2013 book about Anders Breivik’s 2011 terrorist attacks in which 77 Norwegians were murdered, and in many ways – in its investigation of the relationship between public and private spheres for example, in how it contextualises the war in Syria as adeptly as it captures the realities of the Juma’s domestic lives – the book realises the breadth of its ambition. But although Seierstad opens a window on to different worlds, the fact that Ayan and Leila are simultaneously present in, and absent from, the narrative is problematic. The story can’t really end. By necessity, several questions are left unanswered. Do the sisters still endorse Isis? What will happen to them and their young children? Seierstad goes as far as she can to get at the truth but despite her exhaustive efforts to understand the sisters’ departure, it’s still not fully clear why they went. Source: Independente The post True story of two sisters who became jihadi brides appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya inuu sii kordhay Khilaafka ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia. Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii kordhay kadib markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu is hortaagay inay wada kulmaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu ku eedeeyay hareer marka Dastuurka dalka. Kheyre ayaa la sheegayaa in Seddex kulan ay ku kala boodeen Guddoomiye Jawaari, halka laba kulan oo mid kamid ah ay soo agaasintay Beesha Caalamka uu diiday inuu la qaato Guddoomiye Jawaari, waxa uuna sabab ka dhigay in Jawaari uu doonaayo in dalka uu ku maamulo rabitaankiisa, isagoo ka talaabay Dastuurka. Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay inuu fashilmay Seddex kulan oo ay isku arkeen RW Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahaayo xalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu ka biya diiday laba kulan oo midi ay soo abaabushay Beesha caalamka, kadib markii Ra’isul wasaaraha uu ka cudur daartay in howlihiisa uu u baajiyo kulan aan mirro dhal laheyn, sida uu sheegay Xildhibaanka. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay kordheen Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana Guddoomiyaha koowaad ee baarlamaanka uu qabtay ilaa 14 Xildhibaan oo ku biiray Mooshinka laga wado Jawaari. ‘’Dabcan inta uu socdo khilaafka garabka Mooshinka wado waxa ay kusii dadaalayaan inay kordhiyaan tirade Mooshinka wada, hadda waxaa ku biiray Mooshinka 14 Xildhibaan, waxaana sidaa kusii kordhaaya cadadka Mooshin wadayaasha’’ Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ku baaqay inaan la carqaladeyn nidaamka uu iminka ku dhisan yahay dalka, isla markaana la doonaayo in laga tanaasulo khilaafka. Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa qiray in meelxun uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhextaagan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Tirada Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari oo korortay & Khilaafka oo meel xun gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia ayaa waxaa arrinta Khilaafkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in dhankooda ay kawadaan dhexdhexaadinta labada dhinac, basle waxa uu sheegay in meesha ay ka maqantahay kaalinta Warbaahinta Soomalida. Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxa uu sheegay in Warbaahinta Soomaalida laga doonaayo inay xaal qaatan isla markaana ka fogaadan inay iska horkeenaan dhinacyada isku haya Siyaasada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu qiray in Warbaahinta Soomaalida ay kaalin weyn ka qaadaneyso sii kala fogeynta Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay doonayaan in laga wada shaqeeyo qaboojinta xiisada taagan. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warbaahinta iyo bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqay in si degan loo wajaho xaaladda cakiran ee Xukuumada iyo golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay in ay ka fekaraan sidii si nabadgaliyo loogu dhameyn lahaa Khilaafka taagan waxa uuna cadeeyay in Warbaahinta ay kaalin weyn ka qaadan karto daminta xiisada. Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in haddii warbaahinta Soomaaliyeed ay buunbuuniyaan Khilaafka uu sameyn weyn ku yeelan doono dalka oo dhan. Waxa uu Cabdi Xaashi Cabdullaahi intaa kusii daray haddalkiisa in jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in loo wajaho si degan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, si loo afjaro Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda. Haddalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa imaanaya xili khilaafka Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia uu maraayo meel xun. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shaaciyay kaalinta ay warbahinta ku leedahay hurinta Khilaafka Kheyre & Jawaari appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Qadar ay caqabad ku tahay dhammaan qorshayaasha maamulka ee dhanka Hormarineed. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta caalamka ah ayaa sheegay in adduunka ay u muujinayaan inay la socdaan dhibta ay dowlada Qadar ku heyso Somaliland. Waxa uu Mr Biixi sheegay In dowladda Qatar ay carqaladeynayso heshiiska maamulkiisa Somaliland kala dhexeeyay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka iyo Ethiopia. Waxa uu Hoggaamiye Biixi sheegay in qorshaha ugu weyn ee Qadar uu yahay in meesha laga saaro guud ahaan Heshiiska Seddex geesoodka ee u dhexeeya DP World, Somaliland iyo Ethiopia. ‘’Dowlada Qadar waxa ay dhaqaale iyo maskaxba ku bixineysaa sida loo laali lahaa Heshiiska Dekadda Berbera, waxaan adduunka u sheegeynaa in Qadar ay caqabad ku tahay Horumarka Somaliland’’ ‘’Qadar waxa ay dhaqaale ku bixineysaa DFS si ay u fashiliso Heshiiska, haddii talaabada ceynkaasi ah adduunka u muuqan waayo waxaan qaadi doonaa tallaabo waliba oo lagu badbaadinaayo Heshiiska Berbera’’ Biixi ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka shaqeenayso sidii meesha looga saari lahaa Heshiiska maalgashi ay la saxiixdeen shirkadda DP world, waxa uuna cadeeyay in dowlada Imaaraadka talaabadaasi ka qaaday niyad jab xoogan. ‘’Qadar waxaan u sheegeynaa inay naga joojiso faragalinta ay ku heyso Heshiiska, faragalintooda waxa ay niyad jab iyo saameynba ku yeelatay Imaaraadka iyo Somaliland oo lahaa aasaaska Heshiiska’’ Sidoo kale, Biixi waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir maalgashi ah oo maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda Qatar marka loo eego Sacuudiga iyo Imaaradka oo xiriir dhow ah ay leeyihiin. Biixi ayaa ugu baaqay Qatar inay joojiso faragalinta tooska ah ee kadhanka Heshiiska Shirkada DP World iyo maamulka, kaa oo ku qotoma Dekadda Berbera. Geesta kale, Dowladda Qatar ayaan ilaa iyo hadda ka jawaab eedeynta kaga timid maamulka Somaliland oo xiligaan faragalin lixaad leh kala kulmeysa Qadar. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Muuse Biixi oo banaanka soo dhigay kaalinta ay Qadar ku leedahay fashilinta Heshiiska Berbera & Imaaraadka oo weli qaati taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxa uu Ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya uu ku Amray in ay bilaaban howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee Weerarada ka gaysta Gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mursal Sheekh C/raxmaan oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in Abaabulka haatan ay samaynayaa uu ka duwan yahay Abaabuladii hore oo ahaa kuwo aad ujililic sanaa ,waxaan uu sheegay in Abaabulkan uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya uuna hogaaminayo . Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkan ay ka qayb qaadan doonaan Ciidamo isku dhaf ah, wuxuuna sheegay in isbadal lagu sameeyay hogaanadii Ciidanka . Wasiirka ayaa sheegay in meelaha laga Xoreeyo kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab lagayn doono Ciidan sii jooga oo goobta laxoreeyay ka howlgali doona. Hadaba halkan ka dhagayso hadalka Wasiirka Gaashaan dhiga. Wasiirka gaashaan dhiga