-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bosaso[Puntland Post]-Dooni ganacsi oo taagan meel Dekedda Bosaso dhanka Bari kaga beegan Badwaynta ayaa dab qabsaday, waxana la aaminsan yahay in dabku uu ka dhashay gudaha doonta. Sarkaal sare oo ka tirsan Dekada Bosaso oo Warbaahinta Puntland Post la hadlay ayaa sheegay in Doontu ay waday shidaal iyo Gadiid waxana ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah. waxa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday. Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah Cabdiqani Boos Puntland Post The post Deg Deg Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday Nawaaxiga Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
The Office of the President of European Council on Tourism and Trade announced that President of Djibouti Ismail Omar Guelleh has been selected as a World Leader of Tourism and a member of European Tourism Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa mar kale ka hadlay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo khilaafkaan uga hadlay qoraal kooban oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebooka, ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan badbaadinta baarlamaanka. Fiqi, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in dhammaan Xildhibaanada BFS ay isku raaceen sidii loo badbaadin lahaa baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia ay weerar kusoo qaaday baarlamaanka Somalia, waxa uuna qoraalkiisa ku muujiyay Fiqi inay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday baarlamaanka. Nuqul kamid ah qoraalka Fiqi ayaa ahaa “Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday” Waxa uu intaa raaciyay “Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro” Geesta kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Federaalka ayaa u muuqda in xiisadaani uu uga dhex faa’iideysanaayo qorshihiisa Siyaasadeed. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli sii xoogeysanaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhashay Mooshinka ay Xildhibanada baarlamaanka ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Khilaafka ugu xoogan ee ka dhashay Mooshinka ayaa ka dhextaagan Ra’isul wasaare Kheyre, Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo dhinac ah. Mooshinka oo khilaafka ka dhashay uu yahay mid aad u sareeya, ayaa waxaa ku kala aragti duwan Xildhibaanada oo ku kala qeybsamay wadada loo maray mooshinka. Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Mooshinka ay ka danbeyso Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la imaado Guddoomiye cusub oo la doonaayo in lagu bedelo Jawaari. Xildhibaanada garabka kale ayaa qaba in mooshinka uusan khuseyn Xukuumada, balse ay ka danbeysay dowlada Imaaraadka Carabta, kaa oo lagu badbaadinaayo shirkada DP World oo dhawaan laga diiday inay ku shaqeyso heshiiska Dekadda Berbera. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa kamid ah Xildhibaanada aaminsan in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada WP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta. Xildhibaan Khaliif Cabdi, waxaa uu sheegay in shirkadda Dp Wolrd ee 12-kii bishan baarlamaanka kasoo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay tahay tan u sababta ah Mooshinka isla markaana ka dambeysay Mooshinka. Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dp World ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka. ‘’Waxaan qirayaa in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada DP World ee imaaraadka, waxaanu la socnaa qaabka ay mooshinka u dajisay iyo sida ay u agaasimeysay in ciidamo la geeyo xarunta Golaha shacabka’’ ‘’Mooshinkaan waxa uu kasoo bilowday Imaaraadka, waxa uuna kusoo dhammaan doonaa Imaaraadka, waxaana qabaa in si dhab ah loo wajaho xiisada ka dhalatay Mooshinka’’ Sidoo kale, Xildhibaan Khaliif Cabdi ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka carabta iyo kuwa la shaqeeya ay halis muuqata ku yihiin Qaranimada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lala imaado isla xisaabtan. Geesta kale, waxa uu Xildhibaan Khaliif Cabdi ku baaqay in laga runsheego aasaaska Mooshinka iyo cida ka danbeyso, si loo gaaro xal degdeg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo Xoolihii ay dhaqan jireena ay Abaartu ka idlaysay, kuna sugan Tuulooyin hoos yimaada Gobolka Nugaal ayaa ka cabanaya Xaalad nolol xumo oo soo wajahday . Dadkan ayaa sheegay in raashinkii ay siin jireen Hay,adaha gargaarka ay ka joojiyeen ,maadaama xoolihii ay iibsan jireen aysan lahayn wax laga cuno ama laga iibsado . Qoysaskan ayaa qiyaastii waxaa la sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 400 oo qoys oo Xoolo dhaqato ah. Dowladda Puntland iyo Hay,adaha caalamiga ah ayaya ugu baaqeen in ay gar gaar deg deg ah ay la soo gaaraan dadkan oo isgujiray Haween ,Caruur, iyo dad da,ah. Halkan ka dhgayso. Xoolo dhaqatada Nugaal
-
Mandera Govenor Ali Roba with delegates from Somalia. [Photo/Ali Roba] Mandera County Boss Governor Ali Roba with Mandera East security team hosted delegates from Gedo region Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa guryo si casri ah loo dhisay lagu wareejiyay hormuudkii maxaabiistii lagasoo daayay xabsiyada dhaqan celinta Jigjiga, kuwaas oo dhawaan madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida uu cafiska ufiska ufidiyay. Maxaabiista xarumaha dhaqantoosinta lagasoo daayay ee xukuumadu cafiska ufidisay ayaa waxaa kadib markii tababaro kusoo qaateen kulayadaha deegaanka guryahan sida casriga loo dhisay furayaashooda ku wareejiyay taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka ahna kusimaha hogaanka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale. Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay hormuudkii maxaabiistii ay xukuumadu cafiska ufidisay oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin marka koobaad cafiska ay xukuumadu u fidisay iyo inay cafiska kadib intii tababaro kaladuwan lagu siiyay kuliyadaha deegaanka hadana maanta lagu wareejiyay guryihii ay ku noolaanlahayeen oo si rasmi ah loogu wareejiyay, waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada deegaanka oo run ahaantii si wanaag iyo sharaf ku dheehantahay ula dhaqmay mudadii ay ku jireen xeryaha dhaqan toosinta iyo hada oo ay kasoo baxeen.
-
Dowladda Ethiopia ayaa sharuudo ku xirtay inay sii dayso Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo katirsan jabhadda hubaysan ee ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethiopia, kaasoo haatan ku xiran xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo kuyaala Addis Ababa. Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa bishii August ee sanadkii tagay waxaa dowladda Ethiopia gacanta u galiyay dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii ay ku sifaystay inuu katirsan yahay urur argigixo oo qatar ku ah ammaanka labada waddan. Afhayeen u hadlay jabhadda oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Xasan Hirmooge, ayaa warbaahinta u sheegay in wada hadaladii u dhexeeyay dowladda Ethiopia iyo jabhaddooda ay u fashilmeen sii daynta Qalbi Dhagax, iyagoo tilmaamay inay Ethiopia dalbatay inuu sarkaalkaas warbaahinta ka hor hadlo islamarkaana uu sheego inuu kasoo laabtay fikirkiisii xafjirnimo. Waxa uu sheegay Afhayeenku inay jabhaddu arrintaas ka biyo diiday islamarkaana ay wada hadaladii halkaas ku hakadeen, inkastoo uu shegay in mar kale la iskusoo laabandoono, iyadoo qalo waliba laga doonayo inay kasoo dibacdo mowqifkeeda. Puntlandi.com Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ag Madaxda Ururkaas, kaas oo ay dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya. Ururka ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qal-bi-dhagax lagu xidhay shuruudo ay ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed. Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE oo Wareysi siiyay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in wadahadalladii dhawaan ka dhacay dalka Kenya aan wax natiijo ah laga soo saarin marka laga reebo in waqtiyo kale la balamay. Waxa uu sheegay in siideynta dowladda Itoobiya dhawaan Maxaabiistii faraha badneyd ay ku timid banaanbaxyo ka dhacay deegaanada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo baaqyo kala duwan oo ka yimid Caalamka. Waxa uu hadalkiisa intaas ku adray in Cabdi Kariin Muuse QALBI-Dhagax cadaadis lagu saaray in uu Saxaafada la hadlo isaga oo Shacabka dowlad
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan toddoba qof ayaa xalay ku geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay u sheegeen warbaahinta dadka deegaanka. Toddobada qof ee ku dhintay dabka ayaa waxay kala ahaayeen; Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay iyo qof la sheegay inuu marti u ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dabkan. Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in aabaha dhalay qoyska oo uu dhaawac kasoo gaaray dabkan uu ku guuleysan waayay inuu qoyskiisa ka badbaadiyo dabkii xalay qabsaday gurigooda. “Walaaloow waxaa gubtay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana ku naf-waayay hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay oo aad u yar-yaraa iyo qof marti u ahaa qosyka, abbahihii qoyskana dhaawac ayaa soo gaaray,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku nool xaafadda ay musiibadan ka dhacday, Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in arrintan ay aad u naxeen , isla markaana ay tahay musiibadii ugu xumayd ee xaafadooda ka dhacda tan iyo inta la xusuusto oo uu dab geystay. Dabkan oo kacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa damintiisa qayb ka qaatay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale gacan ka geystay shacabka ku nool xaafadihii ku dhawaa gurigaas. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay xilliyadii ugu dmabeeyay oo hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay uu dab ku dilo Muqdisho, waxaana tani ay walaac xooggan ku abuurtay shacabka ka dhaw xaafadda uu dabkaani ka kacay. PUNTLAND POST The post Hooyo iyo shan Carruur ah oo ay dhashay oo xalay ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu habbeenimadii xalay kulan khaas ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu kulankooda qaatay ku dhawaad laba saac iyo bar, kaa oo ku saleysnaa khilaafka kala dhexeeya baarlamaanka Somalia. Madaxweyne Farmaajo, ayaa marka hore Guddoomiye Jawaari ugu baaqay xasilinta xasaradda siyaasadeed ee maalmahaan taagan, waxa uuna sheegay in xasarada ceynkaasi ah ay qalqal u abuureyso dalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Guddoomiye Jawaari ka dalbaday in la qaboojiyo xiisada Siyaasadeed, iyadoo dib loo eegaayo mas’uuliyada baarlamaanka ka saaran xal u helida khilaafyada noocaan ah. Madaxweynuhu waxa uu Jawaari u cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan raali ka noqon doonin in xiisado siyaasadeed laga dhex abuuro baarlamaanka dalka,hadana uu diyaar u noqonaayo in wax waliba lagu kala saaro sharciga. Farmaajo waxa uu tilmaamay in aasaaska xeerka uu yahay cadaalad iyo sinaan sidaa aawgeed aysan u kala eexan doonin labada dhinac, hase ahaatee ay wax waliba ku meelmarin doonaan waxa uu ka qabo sharciga. Guddoomiye Jawaari ayaa aad usoo dhaweeyay dalabka Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna cadeeyay in qudhiisa uu aad ugu qanci doono wixii sharci ah, iyadoo aan si gaara loogu asxaan faleynin. Jawaari ayaa Farmaajo u xaqiijiyay in iminka uu diyaar u yahay in Mooshinka la horgeeyo baarlamaanka isla markaana uu qaato wixii kasoo baxa oo sharci ah. Sidoo kale, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo kamid ah mudanayaasha taageersan Guddoomiye Jawaari oo u waramaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ay isku fahmeen in la dajiyo xasarada taagan. Beene Beene, waxa uu sheegay in kulanka labada mas’uul uu xal u noqonaayo xiisada ka dhalatay Mooshinka, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu imaado xal wanaagsan. Beene Beene, waxa uu intaa ku daray in labada mas’uul ay xalay isku raaceen in Mooshinka si daah furnaan ah loo horgeyo kulanka xildhibaanada islamarkaana ay uga soo qeybgali lahaayeen xubno kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka iyo goob joogayaal kale oo lasocda sida ay u dhaceyso codeynta mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka Guddoomiye Jawaari ka yaalla baarlamaanka ayaa la sheegay in cadadka mooshin wadayaasha uu sii kordhay, waxa ayna taa daaqada ka saari kartaa rajada Jawaari uu kusii joogi lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo ay uga hadleen xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Farmaajo iyo Jawaari ayaa kulankoodii xalay ku jeex-jeexay xiisadda dalka ka taagan, taasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari oo la sheegay inay xukuumadda federaalku dabada ka riixayso. Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildibaanno dhawr ah iyadoo saxaafaddana loo diiday inay ka qayb-gasho, laakiinse ma jiraan qodobbo kasoo baxay kulanka labada mas’uul oo ay isku af-garteen. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa la sheegay inuu madaxweynaha u gudbiyay codsi ah in mooshinka laga keenay codka kalsoonida loo qaado, isagoo dalbaday in ciidamada laga qaado xarunta ay baarlamaanku ku shiraan, haddii kale codeynta lagu qaban doono meel kale oo ammaan ah. Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka kale dalbaday in kulanka codka lagu qaadi doono ay goobjoogayaal ka noqdaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia, si codeyntu ay u noqoto mid hufan oo ka madax-bannaan wax-is-daba-marin. Xlidhibaanno ka qayb-galay kulankii xalay ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalya go’aanka uu soo jeediyay Jawaari, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in codka kalsoonida ah lagu kala baxo. “Madaxweynuhu wuxuu ogolaaday in mooshinka laga keenay Jawaari cod loo qaado, isla markaana ay wanaagsan tahay inuu sharcigu sarreeyo,” ayay u sheegeen xildhibaannadu warbaahinta gudaha iyo tan dibadda. Ugu dambeyn, Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa sababay inay curyaamaan shaqooyinkii dowladda qaarkood, waxaana khilaafkan uu salka ku hayaa awood kala riixasho, wayna adag tahay in khliaafkan si fudud lagu cirib-tiro. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qatay Guddoomiyaha Baarlamaanka DF appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu is casilay Taliye ku-xigeenka ciidanka ciidamada Daraawiishta Puntland General Dayr Xaaji Cabdi. Taliye ku-xigeenka oo tabanaaya maamul xumo ayaa warqada is casilada u gudbiyay Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas. Taliye ku-xigeenka, ayaa la sheegay inuu ka cabanaaya faragalin lagu hayo shaqadiisa iyo in howlaha loo igmaday ay ku shaqeeyaan shaqsiyaad kale oo uu wato Taliyaha isaga ka sareeya. Waxyaabaha uu isku casilay Taliye ku-xigeenka, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Mushaar la’aan ka heysata dhanka maamulka, sidaa aawgeedna ay u cuntami weyday inuu isku darsado faragalin shaqo iyo mushaarla’aan. Hoggaamiyaha maamulka C/weli Gaas oo ay gaartay warqada ayaan weli ka gaarin wax go’aan ah oo ku aadan aqbalaada is casilaada Taliye ku-xigeenka General Dayr Xaaji Cabdi. Talaabada uu isku casilay General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa caado u ah Taliyayaasha maamulka Puntland, waxaana ayaan darro lagu tilmaamay in Taliyayaasha waday howlaha maamulka ay saaxiib u noqdaan Mushaar la’aan. Caasimada Online Xafiiska Bosaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar madaxbanaan oo aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare. Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Cumar C/rashiid uu dalka ugu soo laabtay sida uu uga qeybqaadan lahaa isgarabtaaga Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay ku furan tahay mowjado Siyaasadeed. Cumar C/rashiid, ayaa la sheegay in saacado un kadib imaanshihiisa Somalia ay wada xiriireen Guddoomiye Jawaari, isagoo u ballanqaaday dhaqaale xoogan oo lagu kala furfuraayo culeyska ka heysta dhanka Xildhibaanada, wallow qadiyada lagu heysto Jawaari ay tahay mid aan lagu doorankarin dhaqaale. Cumar C/rashiid, ayaa dhaqaale xoogan kala imaaday dalka Imaaraadka Carabta taa oo loogu tallo galay in lagu kala daadiyo Mooshinka ay tiradiisa sii kordheyso, waxaana lasoo sheegayaa in Cumar C/rashiid uu wado kulamo kala duwan. Cumar C/rashiid, ayaa arrintaan waxaa kala shaqeynaaya Xildhibaano garab ku ah, inkastoo Xildhibaanada ugu badan ay cabsi gaara ka muujinayaan in lagu ag sawirro Cumar C/rashiid oo il gaara ay ku heyso dowlada Somalia. Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa intaa kusii daraaya in Cumar C/rashiid ay wada ballameen Guddoomiye Jawaari oo aan xiligaan ka faruqin kulamo joogta ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qaabka uu ku dhici doono kulankooda. Cumar C/rashiid, ayaa waayadan ka caaganaa imaanshiyaha magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay dowlada Somalia ka warheshay in isaga iyo C/raxmaan C/shakuur ay wadeen afganbin dhicisoobay oo lala damacsanaa dowlada. Dhinaca kale, waxaan cadeyn sida uu xaalku noqon doono waxaana xusid mudan in imaanshiyaha Cumar C/rashiid kadib uu Jawaari sheegay inuu jiro Mooshinka, uuna codsanayo in 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo, taa oo muujineysa inay soo gaartay lacag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu soo dhaweeyay go’aanka uu Guddoomiye Jawaari ku codsanaayo in Mooshinka la horgeeyo Golaha Shacabka. Ra’isul wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa ka dalbaday in la fuliyo codsiga uu Jawaari ku dalbaday in Mooshinka 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo. Kheyre waxa uu Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ku wargaliyay inay muhiim tahay in mar waliba la dhowro Dastuurka dalka isla markaana laga dhabeeyo dhaarta lagu dhaartay Kitaabka. Waxa uu Kheyre, Xildhibaanada u cadeeyay inaan loo dulqaadan doonin qalad dhanka Dastuurka ah, sidaa aawgeed Xildhibaanada laga doonaayo in Mooshinka ay horgeeyan Golaha Shacabka si dastuurka loo mariyo eedeymaha lagu heysto Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqsiga sida tooska ah dagaalka kula jira uu yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, hase ahaatee uu doonaayo in lagu kala baxo sharciga. Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa xiligaan u kala dabqaadaaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala tirsan labada Gole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin ay Xildhibaanada kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Guddoomiye Jawaari uu iska fogeeyay eedeymo ka dhanka ahaa ku dhaqanka Dastuurka, waxaana la sheegay in Dastuurka uu ka dhigay ‘’lajiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’. Khilaafka oo gaaray heerkii ugu xumaa ayaa waxaa xalintiisa u kacay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana arrintaas ku hormaray Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramda Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating. Ergayga Michael Keating, ayaa la sheegay in khilaafka taagan uu si hordhac ah kala hadlay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Michael Keating, ayaa Jawaari u sheegay inaanu xalka Somalia aheyn in la abuuro xaalado colaadeed oo ka dhex dhasha labada Gole ee dowlada. Michael Keating, waxa uu Jawaari u sheegay in Beesha caalamka aysan ka raali noqon doonin Khilaaf iyo is jiidjiid xiligaan ka dhex dhasha labada Gole, gaar ahaan Xildhibaanada iyo Guddoonka sare ee baarlamaanka. Nuqul kamid ah haddalka Michael Keating ayaa ahaa ‘’Waa arrin aan fileynin inuu ku dhaqmikaro baarlamaanka hadda jira oo aan isleenahay wey ka duwanyihiin kuwii hore, waxaan dooneynaa in si dhab ah loo xaliyo khilaafka, waa in ka guddoomiye ahaan qiimo gaara siisaa dalabkeena ku aadan in xal laga gaaro mooshinka’’ ‘’Ma fileyno inaad ku gacanseeri doonto soo jeedinteena waxaana dooneynaa in lagu dhaqsado xalinta khilaafka jirta, waayo waxa uu khilaafkaan noqday mid ka duwan kuwii hore’’ ‘’Adduunku raali kama noqon doono in Somalia dib loogu celsho halkii ay kasoo dhaqaajisay sanado badan ka hor, waxaan ku rajo weynahay inaad naga aqbali doontaa baaqeena’’ Guddoomiye Jawaari ayaa Mr Michael Keating, u ballanqaaday inay la imaandoonaan xal, si looga fogaado in Somalia ay dib ugu laabato halkii ay kasoo tagtay, waxa uuna u xaqiijiyay in taa uu ka doorbidi doono inuu muujiyo tanaasul. Docda kale, Is araga Guddoomiye Jawaari iyo Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili dhammaan wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia ay qeylo dhaan kasoo saaren Khilaafka labada dhinac ee sii butaacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-In afar boqol oo ruux isla maalin gudaheed lagu dilay Muqdisho waxay ahayd murugo inteeda la’eg. Laakiin intii aan joognay Faransiiska dhibka Soomaaliya ka dhacay kuma koobnayn 400 oo ruux oo maalin keliya lagu dilay Muqdisho. Ma ahayn oo keliya in isla maalintaas xabsiga loo taxaabay dad aad u fara badan. Dilka iyo xariggu intaas kuma istaagin. Waxaa la dilay 47 qof oo rayid ah oo aan Maxkamadi xukumin. Xataa dacwad laguma soo oogin. Waxaa lagu dilay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in ay qabiilka ay ahaayeen dartiis loo beegsaday. Laakiin warkaasi iguma soo gaarin inta aan joogay Faransiiska. Waxaan ogaan doonaa isla subaxa aan Muqdisho ku soo laabto. Sida ay saxaafaddu uga hadashay dhacdadii 14 – ka Luulyo ee Muqdisho, iyo wararka toos noo soo gaaray waxay nagu abuureen walaac. Qaarkeen waxay codsadeen in wakhtiga la soo gaabiyo si aan Muqdisho ugu noqonno. Waxaase jiray saaxiib aad isugu dayay in uu iga dhaadhiciyo in aan labadeennu iska dhiibno Paris. Waan ka diiday. Isaga laftiisu wuu yara shakisanaa oo markii aan ka diiday wuu na soo raacay. Laakiin Talyaaniga marka aan soo mareyno ayuu naga haray oo uu Roma iska dhiibay. Sannad ka dib ayay ahayd marka aniga oo Muqdisho ka soo cararay uu igu soo dhoweeyay Talyaaniga. Wuxuu igula kaftamay in aan hadda gartay in aan khaldanaa markii aan sannadkii hore diiday in aan is dhiibo. Qabiil Dulman War naxdin leh oo i soo gaaray inta aan Faransiiska joogay wuxuu ahaa in Xamar lagu xiray tobaneeyo dhallinyaro ah saaxiibbadeey ka mid yihiin oo lagu eedeeyay dembiyo dhowr ah oo ku abtirsada Qaran-dumis. Waa eedeyn culus oo keeni kartay dil toogasho ah. Qaar badan oo nimankaas ka mid ah waan is naqaan, ugu yaraan laba ka mid ahna waxaan nahay saaxiibbo dhow. Waraaq uu ii soo diray ayuu walaalkeey iigu sheegay xarigga nimankaas gaar ahaanna saaxiibbadeey. Labada saaxiib waa niman aan Jaamacadda wada dhigannay, isku xaafad nahay, marmar aan is raacno, mar marna aan guryaha isku booqanno. Walaalkeey isaga oo dhankaa ka eegaya ayuu iiga digay in aan dalka ku soo laabto. Walaalkeey waan ku ogaa in uu dalkiisa aamminsan yahay. Waddaniyadduna ay ku weyn tahay. In aanuu dalka ka quusanna waxaa daliil u ah in inta aanan anigu dalka ka soo bixin in yar ka hor uun uu ka soo laabtay waxbarasho uu ku soo qaatay magaalada Bath ee dalka Ingiriiska iyo ka sii hor dalka Jarmalka. Waxaanse ogaa in aan walaalkeey ogeyn in aan anigu ogaa waxa nimankaas loo xiray. Sidoo kale in aan ogaa waxa aan aniga iyo iyagu ku kala geddisan nahay. Hadda ka hor ayaa mid ragga la xiray ka mid ah oo aynaan xataa aad isu aqoon, uu igu martiqaaday in aan howsha kala qeyb qaato. Sabab wuxuu iiga dhigay in aan nahay qabiil dulman oo markaa aan u baahan nahay in aan wax iska caabbinno. Waxaan weydiiyay cidda ay howsha ku wada jiraan. Dhowr nin ayuu ii sheegay oo dhammaantood ka mid ah kuwa hadda la ii sheegay in la xiray. Waxaan ku iri ninyahow aniga iyo adigu isma naqaan. Arrinta aad igala hadleysaana waa xasaasi. Waxaan arrintaa kala xaajoon doonaa ragga aad tirisay mid ama qaar ka mid ah oo kalsooni ay naga dhexeyso. Gaarigi ayuu watay. Marka uu iga dhaqaaqay ayaan qaatay gaarigeyga oo waxaan gurigiisa ugu tegey nin saaxiibkeey ah oo kooxda ka mid ah. Cabasho ayaan u jeediyay dadka aynaan si wanaagsan isu aqoon ee ay ii soo dirayaan ee arrimaha xasaasiga ah ila soo gelaya in ay iga joojiyaan. Wuxuu ii ballanqaaday in ay ammaan i siin doonaan. Waxaan xusuustaa in habeen aniga oo tobankii fiidnimo socda oo shaqo ka soo rawaxay aan ku arkay isla saaxiibkaas asaga oo fadhiya makhaayad ku taalla Xamar Jadiid. Waxaan u sheegay saaka shaqadii aan u kallahay markii ay galabta ii dhammaatay in aan mid kale u gudbay oo aan hadda uun ku laabanayo gurigeyga. Waxaan u sheegay in aniga oo sidaa mashquul u ah aan haddana ka warhayo shirarkooda iyo dacaayadaha ay derbiyada ku qoraan ama waraaqaha ay daadiyaan. Waxaan u sheegay in aan hubo dadka sida aan howlaha kale ugu mashquulsan ahay si la mid ah u mashquulsan laakiin ku mashquulsan daba-galka dadku in aanay ku war la’ayn xogta aniga i soo gaartay. Waan xusuustaa isaga oo isku daraya kaftan iyo kiis-iska-waal ayuu igu yiri, Yusuf marka aan dalka xoreyno waxaan ka baqayaa xilka aan kuu dhiibno aad ka baqdo in aad qabato. Inahaas dartood, waxaan ogaa nimanka la xiray in ay ahaayeen koox bareertay oo ku howlan falal lid ku ah Dowladda. Anigu waan isku kalsoonaa oo waan ogaa in aanan lug ku lahayn falalka saaxiibbadeey loo xiray. Laakiin waxaanan hubin in ay nabadsugiddu sidaa og tahay iyo in kale. Inta aynaan ka soo bixin Faransiiska, waxaan la xiriiray Diblomaasi Yurub u dhashay oo aan is naqaan si aan xog uga helo xaaladda Muqdisho. Wuxuu ii sheegay in ay xaaladdu aad hoos ugu dhacday, mustaqbalkana aan la saadaalin karin. Wuxuu ii sheegay oo kale in uu diyaar iila yahay in uu igala shaqeeyo haddii aan goosto in aanan Soomaaliya ku laaban oo aan doonayo in aan dalkiisa tago si aan magangelyo u weydiisto. Waad mahadsan tahay ayaan ku iri, laakiin isma dhiibayo. ICRC oo aan u shaqeeyo iyadu waxay ii soo jeedisay in haddii ay wax i tareyso uu Peter Stocker, Madaxa ICRC ee Soomaaliya uu diyaar u yahay in uu airporka isagu iga soo doono. Taasna waan ka mahadceliyay laakiin waan iska diiday. Weli markaas waxaan aamminsanaa Qaranka iyo Dowladda. Waxaan is ogaa in siyaasadda la isku baacsanayo aanan qayb ka ahayn. Waxaan u haystay xataa haddii la igu qaldamo oo la i xiro in aan caddeyn karo in aanan qayb ka ahayn waxa socda ee aan ahay samafale qunyar socod ah. Waxaan moodaa in la kala garqaadanayo. Paris ayaan ka soo duulnay oo Roma uga degnay dayaaradda. Ka dibna Roma ayaan ka soo raacnay dayaaradda Somali Airlines oo subax hore na keentay dalkeenna. Muqdisho Airporka Muqdisho markii aan ka soo degay oo aan ka soo gudbay Saraakiisha Socdaalka, waxaan ku imid saraakiisha kastanka. Dadkeennii dayaaradda ka soo degay oo hal saf isdaba soconna ayaan ku nimid miisas is garab yaalla oo dhanka mid naga haya. Miis kasta waxaa gadaashiisa taagan nin ama laba baaraya boorsooyinka. Midka igu soo aaday wuxuu furay boorsadeyda, asaga oo aan aniga i eegeyn ee boorsadeyda marba shey kor u qaadaya ayuu igu yiri hebel iyo hebel waa la xiray. Waa labadeydii saaxiib ee walaalkeey ii soo sheegay. Waan ka gudbay waxaana i soo qaaday walaalkeey Ismaaciil oo wata gaari Land Rover ah. Markii aan ka soo baxnay albaabka airporka ayuu i weydiiyay waxa dhacay ma maqashay? Waxaan moodayay nimanka la xiray in xukun ku dhacay laakiin arrin ka culus ayuu iiga warramay. Wuxuu ii sheegay 47 ruux oo isku beel ah in lagu dilay xeebta Jaziira. Sida wax u dheceen ayuu faahfaahin iga siiyay. Madaxeyga way ka dhaadhici weyday in sidaasi ay suurta gal tahay. Wax uun baa meel ka khaldan ayaan is iri ama xogta ayaa kala dhimman. Haddana walaalkeey iga weyn oo aanan been ku aqoon Dowladdana u shaqeeya ayaa ii faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen. Waan ka xishooday in aan ku iraa waxa aad sheegeysaa macquul ma ahan laakiin runtii warkiisu waa iga daaddegi waayay. Walaalkeey waxaa ka muuqday niyad-jab weyn iyo murugo. Sida wuxuu u hadlayay in talo fara ka baxday oo ay Dowladdu gaartay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa su’aalihii aan weydiiyay qaarkood wuu ka aammusay in uu iiga jawaabo qaab muujinaya in uu ii arko nin aan weli xaaladda fahmin. Airporka ilaa Xamar Jadiid wax kale kama aynaan hadal. Xataa reerkeenna oo dhib noo gaar ahi uu nala soo gudboonaaday intii aan maqnaa, ilama soo qaadin. Markii aan shaqooyinkeygii ku laabtay, maalinba maalinta ka dambeysa xaqiiqo aan rajeynayay in ay been tahay ayaan ku khasbanaaday in aan rumeysto. Dhacdadaas xanuunka badan aad ayaa wax looga qoray. Qofka doonaya in uu wax ka ogaado buug af Soomaali ku qoran oo dhacdadaas keliya ku saabsan oo cinwaankiisu yahay Xeebta Geerida ayaa waxaa qoray Cabdi Shire. Xogta ugu badan ahna mid sugan waxaa bixiyay nin dhibbanayaasha ka mid ahaa, oo rasaasta Rabbi ka badbaadiyay. W/Q. Yuusuf Garaad
-
The recent DP World investment in Ber-bera Port is the largest single direct foreign investment in Somaliland so far. In this join investment, shares will be divided as follows: DP World 51%, Somaliland 30% and Source: Hiiraan Online
-
Soo dhawayn balaaran ayaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari loogu sameeyay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdilaahi Oo kamid ah Isimada Puntland. Beeldaajaha waxaa soo dhoweeyay masuuliyiin katirsan dowladda, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka Dhalinyarada Culima’udiinka Aqoonyahanada iyo bahda waxbarashada. Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil ayaa dhawaan loo caleemo saarayaa booskii Aabihii Eebe Ha u naxariiste isagona dalka Dibadisa waxbarasho ugu maqnaa sidoo kalena ah Isin da’yar dadkuna ku tilmaameen qof Si cadaalad ah garta u gooya, aqoona ku hogaminkara Bulshada. Gudomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, ayaa Beldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil kula dardaarmay inuu tiir adag unoqdo shacabka, horumarkana uu ka qeyb qaato, Caaqil Mursal Maxamuud Cabdi iyo Nabadoon Cabdiqadir Axmed Ibraahim Xaraga iyo wakiilka Boqorka Cabdicasiis Boqor Muuse waxay si wada Jir ah usoo dhaweyeen Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil. Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaciil Beeldaaje Cabdilaahi ayaa Bulshada Bosaso uga mahadceliyay soo dhawaynta ay usameyeen. Beeldaajuhu waxa uu kamid noqondoonaa Isimada gobalka Bari waaxana lagula dardaarmay in beeshiisa kaliya uusan la shaqeninm balse uu noqdo mid Bulshada Soomaaliyeed Wax u qabta. DAAWO SAWIRADDA : Puntandi.com
-
Soo Dhawayntan Oo Ahayd Mid Si Wayn Loga Daremayay Magalada Bosaso Ee Gobalka Bari Waxana Ka Wada Qayb Qadanayay Siyaasiyiinta Odayaasha Dhaqanka Waxgaradka Haweenka Dhalinyarada Culima’udiinka Aqoonyahanada Barayaasha Jamacadaha Iyo Schoolada Maamulka Gobalka Bari Kan Degamada Bosaso Wasiiro Ka Tirsan Puntland Iyo Ardayda Wax Ka Barta Bosaso. Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil Beeldaje Cabdilahi Markii Uu Ka Soo Degay Madaarka Diyarahada Bosaso Waxa Uu Mid Mid U Gacan Qaday Bulshadi Soo Dhawayneysay Qaybaheda Kala Duwan Iyagona Ugu Hambalyeeyay Ka Mid Noqoshaqa Isimada Dhaqanka Gobalka Bari. Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil Ayaa Dhawaan Loo Calemasaraya Booski Abihii Eebe Ha U Naxariiste Isagona Dalka Dibadisa Waxbarasho Ugu Maqnaa Sido Kalena Ah Isin Da’yar Dadkuna Ku Tilmaamen Qof Si Cadalada Garta u Goya Aqoona Ku Hogaminkaraya Bulshada Somaliyeed. Haween Iyo Dhalinyarado Ku Labisnaa Dharka Hidaha Iyo Dhaqanka Iyo Calamada Somaliya Iyo Puntland Ayaa Ciyaaro Dhaqameydka Ay Caanka Ku Tahay Somaliya Soo Bandhigay. Gudomiyaha Gobalka Bari Ee Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Ayaa Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaciil Kula Dardarmay In Shacabka Uu Wax U Qabto. Caaqil Mursal Maxamuud Cabdi & Nabadoon Cabdiqadir Axmed Ibraahim Xaraga Iyo Wakiilka Boqorka Cabdicasiis Boqor Muuse Waxay Si Wada Jira U Soo Dhaweyeen Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaciil. Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaciil Beeldaaje Cabdilahi Ayaa Bulshada Bosaso Uga Mahadceliyay Soo Dhawaynta Ay U Sameyeen. Beldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil Waxa Uu Ka Mid Noqon Doona Dhawaan Isimada Gobalka Bari Waxana Lagu La Dardarmay In Beeshisa Kaliya Uusan La Shaqenin Blase Uu Noqdo Mid Bulshada Somaliyeed Wax U Qabta. HOOS KA DAAWO SAWIRADA : The post Beldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Boosaso. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mecheal Keating ayaa sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka Baarlamaaanka Soomaaliya. Keating waxaa uu sheegay in mooshinnadan ay ku soo laa laabteen siyaasadda Soomaaliya isaga oo sheegay in mooshin kale oo ka dhan ah Ra’isalwasaaraha uu hadda socdo. Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay xeerar adag oo arrintan wax looga qaban karo si meesha looga saaro waxa uu ugu yeeray musuq maasuqa oo sal u ah xasillooni darrada siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay in uu la yimaado tallaabo uun wax looga qaban karo xasaradaha taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Somalia ay gabeen shaqooyinkii loo igmaday. Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in Wasiirada aysan ka howgelin xafiisyadooda oo ay ku mashquuleen Mooshinka, sidoo kalena xildhibaanada qaarkood ay ku howlan yihiin sidii loo xalin lahaa xiisada taagan. Waxa uu Guddoomiye Jawaari carab ***** in halkaa ay ka muuqaneyso mas’uuliyad daro ka jirta dhanka shaqooyinka, waxa uuna ku taliyay in Wasiirada ay qabsadaan howlahooda. Waxa uu carab ***** in Mooshinka daba dheeraaday uu keenay in Wasiir waliba uu dayaco shaqadiisa, isla markaana wakhtiga ku lumiyeen goobaha lagu xalinaayo Mooshinka. Guddoomiye Jawaari ayaa Wasiirada ka codsaday in ay shaqooyinkooda ku laabtaan, sidoo kale xildhibaanada ayuu ka dalbaday in ay arrintan ka howlgalaan, sida uu xeer hoosaadka farayo, maadaama ay ka turjumayaan shacabka Soomaaliyeed. Nuqul kamid ah haddalka Jawaari ayaa ahaa “Ma haboona in arrintan ay sii dheeraato, waayo Xukuumadii ma shaqeyneyo waxa ay ku mashquushay Mooshinka, sidoo kale xildhibaanda arrimahan in ay xaliyaan ayay ku mashquuleen, waxaan codsanayaa dhammaan Wasiirada in ay shaqadooda ku laabtaan.” Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dhaliilsan yihiin qaabka ay Wasiirada ugu mashquuleen Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sinleys are works of master-piece poetry which are basically not odes but are indeed short poems. These songs of series of poems have been collated well by Mr. Yusuf Osman Shair recently. First of all I would like to give my thanks to the author of this literacy poetry collection. The first poem inside the story of the ‘Derial’ poetry and sayings, were written, by Mr. Mohammed Ibrahim Warsame (Hadrawi). The topic of this serial poetry articles, were discussed connecting people, time and places. The writers had been working or residing in different places. The referee of this literary works of written texts by Mr. Hadraawi and his tean were in Lafole College. The writer of the second poem of Sinley chain of poems was, in Djibouti, while writing his song at that time. Other participant poets, like Ali Sugulle had been in Mogadishu during that period while some were staying in Burao . The authors of poetry language usually use imaging, and figurative devices. For understanding purpose the readers of such poetry must think and read efficiently every phrase structure and word by word of each poem. Only by reading each line and every stanza of a poem would one be able to understand the imaginative meaning of a poetical language. Most avid readers of poetry are naturally critical ones. They critically examine the ideas. They often ask questions and draw connections between the authors’ idea and their own experience and knowledge. Certain questions of reading such serial poems include. – Who is the author of this poem? – What was the intention of the writer while writing poem? – Who is the intended audience? First all, the reader has to survey by pausing to read the main topic of each poem. Thus, you might understand about the setting, central theme, the actors, and the characters of the story in the poem, for example, the speaker of the first poem is the writer (in disguise). The topic or a title for instance ‘Saharla’- a name of a pretty lady in Somali culture is quite characteristically descriptive meaning ‘without blemish’. Another poem is given a main topic title namely ‘Suuban’- a famous name in Somali- for nice lady in behavior attitude. Other topical poems and works include, Saga and so on. Such names stand for a symbiotic object. The writer of each poem expresses his/her impression by arguing to draw a picture, according to his imagination. My view on writing a summary about the passages of these serial poems is to exhibit the fair objective of the main writers of this poetry collection. Thus; I will attempt to identify the important ideas, and in formation concept about the poem, as well as by reframing the meaning of this imaginative writing text in my own words. When writing my summary, I wish to give assumptions, the writers’ ideas, arguments and findings of conclusive assessments. With an independent mind, my summary in a single sentence adjudging the first song of the Sinley poem of the blemish-less lady below is;- Saharla’ –an ironic political symbol for military dictatorship regime of Mohammed Siad Barre. The second topic of (Suuban) is thus, again sarcastically denoting freedom struggle of Djibouti independence against the French colonial operation. By: Prof Dahir Mahmud Haddi Assessment comment and evidence for my opinion coming soon.