-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Manama (Caasimada Online) – Dowladda Bahrain ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka sii xumaanaya ee Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka. Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh, balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday. Khalid Bin Axmed ayaa xusay in Imaaraadka uu u qabtey Soomaaliya Shirar dhowr ah oo xal loogu hadlayey Burcad badeedka, kuwaasi oo Madaxweynayaashii dowladda Federaalka ay goobjoog ahaayeen. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini”aadanimo iyo Tabararka Ciidamada. Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu abaal guday Imaaraadka dafiraad, aflagaado iyo inay garab siiso cadowgeeda. Hadalka Khalid Bin Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa kasoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidoo kale maalintii Axada Garoonka Muqdisho lagu qabtey Diyaarad wadey lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya oo laga keenay Abu Dhabi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ka digtay weeraro uga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab ee dagaalka kula jira Somalia iyo Kenya. Saraakiil u hadashay dowlada Kenya, gaar ahaan Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay wadaan qorsho ay ku weerarayaan Xarumo iyo Saldhigyo ay leedahay dowlada. Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa ka digay Weeraro Argagixiso oo ay geystaan al-Shabaab kuwaa soo ka dhaca Xarumo iyo Saldhigyo ku yaala Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya. Waxa ay sheegen Saraakiisha in bilooyinkii lasoo dhaafay ay ka hortaggeen Weeraro badan ka dib markii ay xog badan soo gudbiyen Hay’addaha Ammaanka. Saraakiisha ayaa sheegay in weli ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya. Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda. Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa dadka shacabka ah uga digay inay qarsadaan dadka ku cusub deegaanadooda ee aan la aqoon, kuwaa oo geysan kara weeraro argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada maamulka HirShabelle kawadaan Hoggaamiyaha maamulkaasi Maxamed Ccabdi Waare iyo gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Cusmaan Barre. Xildhibaanada ayaa sheegay in labada mas’uul aysan ka baxsan doonin Mooshinka ay iminka ka diyaarinayaan, waxa ayna tilmaameen in Mooshinkan uu ka awood weyn yahay kuwii hore. Waxa ay Xildhibaanadu Mooshinka ku tilmaameen mid awood leh, isla markaana ay la barbar dhigeen Mooshinka lagu riday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaan Nuur Xashi Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Waare iyo Barre ay si cad u dayaceen howshii loo igmaday, balse ay ku abaalmarin doonaan Mooshin. Xildhibaanka ayaa sheegay in magaalada Jowhar ay ka socdaan mooshino iska soo horjeeda kuwaas oo ku foorara Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha. Xildhibaanku waxa sheegay in mooshinadaan ay yihiin kuwa sharci ah sidoo kalana ay la midyihiin ‘’Mooshinka kusoo idlaaday Muqdisho’’. Waxa uu yiri ‘’Silaca Jawaari lagu mariyay Mooshinka ayey kana Waare iyo Barre ku mari doonaan, waxaana u sheegeynaa inay ku bixi doonaan’’ Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiye Waare iyo Guddoomiye Barre ayaa la tacaalaya xalinta Mooshinka laga diyaarinaayo, si aanu usii butaacin is baheysiyada ka socda Jowhar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood. Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho ayay ka yimaadeen. Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro. Dhowr jeer ayaan rasaas maqalnay. Inkasta oo Berbera ay caadi u ahayd shanqarta rasaastu haddana si gooni ah ayaan tan u qoonsaday. Dareen ayay i gelisay. Markii aan weydiiyay waxaa dhallinyarada mid ka mid ahi iigu jawaabay in aan anigu beryahan Xamar ku maqnaa oo aan malahaa illoobay laakiin ay Berbera mar walba noocan tahay. Berbera marka aan habeen soconno, ka sokow calanka ICRC oo weyn oo baabuurka xagga hore u suran, hoostana uu kaga shidan yahay nal kor u ifinaya, waxaa khasab ah in nalka gudaha ee baabuurku uu shidan yahay. Aniga oo sidaa ku socda ayaan u hoyday guriga aan degganaa oo ku yaalla xaafadda Burco-Shiikh. Mayd bannaan yaalla Aroor hore, abbaaraha lixda subaxnimo ayaan tegey goobta aan ka cunteyn jirnay. Ma ihi dadka xilligaas quraacan yaqaan ee waxaan doonayay in aan shah ka cabbo. ka dibna aan halkaa iska raacno duuliyaha dayaaradda ICRC oo aan ku ballansan nahay in aan u safarno Muqdisho. Markii aan imid miiska raashinka oo ku yaalla isla xaafaddeyda Burco Shiikh, isheydu ma qaban duuliyihii. Waxaan ka hubsaday Shaqaalaha in uu duuliyuhu quraacday. Waxay ii sheegeen in uu ku baxay meydka. Markii la ii sheegay in xalay la dilay 17 nin, la iina tilmaamay barta meydku yaal oo isla xaafadda Burco Shiikh ah, ayaan markiiba dhaqaaqay aniga oo socod boobaya. Dariiqa aan sii marayay waxaa dhegeheyga isu dhiibayay baroorta ka baxaysa guryaha waddada la teedsan. Meel bannaan ah, oo xusuusteyda aan dhismayaasha magaalada ka fogeyn wax ka badan dhowr boqol oo tallaabo ayaa waxaa yaalla meydka toddoba iyo toban rag ah. Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in laba iyo toban ay is ag yaalleen ayaga oo garbahoodu ay siman yihiin. Waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas.. Shan nin oo garba-duub u xiran gooni ayay u yaalleen. Rubadda ayaa dhiig uga yaallay. Waxaan ka dib ka warhelay in shanta nine e goonida u yaalla lagu dilay middi. Waxaa meydka dul taagan rag dhowr ah. Murugada wajiyadooda ka muuqata ma ahan mid aan erayo ku soo gudbin karo. Goobtu hadal ma alaha. Shanqar kalena ma maqleysid marka laga reebo dadka qaar aad neeftooda maqasho. Qaar ayaad ka maqleysaa shanqar neef ka weyn, hadalna aan ahayn oo sida reen ama riin ah. Indhaha la isma siin karo. Qof waliba wuxuu hoos u eegayaa meydka. Fahamkeygu wuxuu ahaa in aan aanay jirin cid ku dhacda in ay gudato waajibka wadareed ee ay diintu na fareyso ee ah in meydka la dhaqo, janaaso lagu tukado, ka dibna la aaso. Goobta cid qori haysataa ma taagna. Dowladda oo loo tirinayo in ay dilka ka dambeyso cid matashaa ma taagna. Haddana qof waliba wuxuu og yahay, dadkii nimankan dilay, uguna talo galay in ay halkaa dhigaan meydka si inta kale ay ugu quus qaadato, in aanay goobta ka fogeyn. Waxay iigu darnayd, markii aniga oo meydka dul taagan aan gacanteyda ku arkay camera aan awalba sitay, iskuna soo illoobay. Haddii aan sawir ka qaadi lahaa, uma maleynayo in aan hadda sadarradaan qori lahaa. Muqdisho Daqiiqado ka dib, aniga iyo duuliyihii ayaa u safarnay Muqdisho. Dayaaraddu hal matoor ayay leedahay waxay badiyaa ku duushaa 10,000 ilaa 14,000 oo cagood, intaa daruuraha ayay dhex mushaaxaysaa. Aad ayay daruuraha, dabaylaha iyo buuruhuba ay u ruxaan. Wayna socod gaaban tahay oo qiyaastii 4 saacadood ayay u kala socotaa labada magaalo. Dad badan ayaa ku mataga ama qaata kaneeni ka hor istaaga. Qaar kale aad ayay u dhibsadaan safarka dayaaraddan yar ee intaa ruxmeysa. Anigu qaybta dambe ayaan ka mid ahaa. Maalintaas markii aan Berbera ka soo kacnay muragada i haysay, fekerka igu dhashay iyo riyo maalmeed ayaan dhex muquurtay. Waxaan arkay annaga oo Muqdisho dul nimid. Dhibkii aan safarka dayaaradda yar ku qabay, daqiiqad ma dareemin. Xamar markii aan imid dad ayaan arrintii uga warramay. Waxaa ka mid ahaa rag aad iiga khibrad badan siiba xagga siyaasadda oo midkood uu madaxda Dowladda ka mid ahaan jiray, la xiray shaqadana laga saaray. Mid kale wuxuu ka tirsan yahay Raggii ugu baaqay Madaxweyne Siyaad in uu xilka ka dego. Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay si aan ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan arrintaan ugu sheego. Waxay soo istaageen in aanan sidaa yeelin. Waxay taladooda ku saleeyeen in laba mid ay tahay. In uu og yahay oo uu raalli ka yahay. Ama in uu og yahay waxna aanuu ka qaban karin. Intaa waxay raaciyeen in ay suurta gal tahay in uu dhib iiga yimaado aniga. Waan ku qancay hadalkooda. Waxba Laakiin suurta gal iima ahayn in aan la aammusnaado waxa aan arkay ee aan goobjoogga u ahaa. Waxaa iga go’nayd in xataa haddii hadalkeygu aanuu waxba ka qaban karin arrinta, in aan dhankeyga dadaal ku baaqan. Waxaan goostay in aniga oo aan cidna la tashan aan go’aan qaato. Waxaan la ballamay mas’uul sare oo Dowladda ka tirsanaa, Jaamacadda Macallin ka ah, laguna tirinayo in ay is xigaan Madaxweynaha. Markii aan telefoon kula hadlay oo aan u sheegay in aan doonayo in aan kala hadlo arrin xasaasi ah, wuxuu ii sheegay in uu xafiiska ICRC howl u imaan doono oo uu markaas igu soo mari doono xafiiskeyga. Inkasta oo aan go’aan qaatay, haddana sida aan is lahaa wuxuu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo uu dhib iga soo gaari karo. Welwel iguma yareyn. Mas’uulkii markii uu Xafiiska iigu yimid, qolka ayaan hoosta ka xirtay aniga oo murugo iyo baqdin la neeftuuraya ayaan u sheegay waxa aan arkay oo dhan. In yar ayuu aammusay inta aanuu ii jawaabin. Neef culus ayuu neefsaday. Wuxuu igu yiri, Yusuf waxaad ka hadleysaa Berbera oo in ka badan kun kiilomitir noo jirta. Halkan aan joogno ayay ka dhacaan waxa aad sheegeyso. Maxaa laga qaban karaa? Ayaan weydiiyay. Jawaabtiisu waxay ahayd: “Waxba”. Tirada toban Orommadu waxay dhahdaa Ku-dhan. Macnaha in tiro ay ku dhan tahay toban. Aniga kelmadda Waxba waxay ii noqotay in hadalka Soomaaliya uu ku dhan yahay. Waxayna qeyb weyn ka noqotay waxyaabaha igu qanciyay in aan dalka ka dhoofo. Qaybta Afar iyo Tobnaad ee Taxanahan 89 iyo 90 waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu u dhacay dilka Berbera. W/Q. Yuusuf Garaad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow la baahiyay ayaa lagu sheegay inuu baaqday kulankii maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu Khudbad ka horjeedin lahaa Ex Gudoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in ku simaha Gudoomiyaha Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey fariimo ku saabsan dib u dhaca kulanka baarlamaanka uu u kala diray Xildhibaanada. Fariimaha uu Muudey u diray Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu ka dhashay buuq Siyaasadeed, kadib markii garabkii hore Jawaari ay u qaaten in caqabad lagu hayo weli. Waxaa sidoo kale Jira in Jawaari uu doonaayay in uu maanta baneeyo Kursiga, islamarkaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka sidda uu qabo dastuurka, hase ahatee uu Muudeey is hortaagay. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u muuqda mid laga gaaray dantii laga lahaa ayaa shalay shaaciyay in maanta Baarlamaanka ka hor hadli doono, islamarkaana uu shaacin doono sababaha uu isku casilay. Geesta kale, Muudeey ayaa waxaa ku jira tuhun ah in Jawaari uu doonaayo in Khudbadiisa uu kaga talaabo xeerka isagoo ka faa’iideysanaaya Makaroofanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah uu Khudbad xiisa leh ka jeediyo Xarunta Golaha Shacabka. Jawaari, ayaa khudbadiisa kusoo koobi doona marxaladaha uu soo maray baarlamaanka Somalia, waxyaabaha horyaal ee uu qabyada uga tagay, waxa laga sugaayo Xildhibaanada iyo Is casilaadiisa. Jawaari, ayaa khudbadiisa ku jeedin doona baaraarujin iyo baaqyo ku aadan in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmarto Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia. Jawaari, waxa uu sheegay in Khudbadiisa maanta ay noqon doonto mid sagootin ah, isla markaana uu waxbadan ku ifindoono, maadaama ay noqoneyso tan ugu danbeysa. Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in khudbado taa lamid ah ay madasha ka jeediyaan Mas’uuliyiin ka socta Villa Somalia, Baarlamaan iyo Wufuud ka socta Beesha Caalamka oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho. Khudbadaha oo badnaan doona ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa arrimaha baarlamaanka, iyadoo leysku weydarsanaayo tallooyin iyo baraarujin ayaa waxaa laga yaabaa in leysla dhaafo Duhurka. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ku sheegay in Khudbadiisa maanta uu ku bayaanin doono wixii khuseeya baarlamaanka dalka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si wada jira uga fiirsan doona cida bedeli doonta Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo muddo kusoo shaqeeyay xilka uu iminka iska casilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo kala diray Warqado is qilaafsan oo iska soo horjeedo. Laba Fariimo oo kala duwan ayeey Gudoomiye Muudeey iyo Gudoomiyihii iscasilay ee Jawaari u kala direen Xildhibaanada Baarlamaanka. Warqada hore ayaa Gudoomiyaha iscasilay ee Jawaari u diray Xildhibaanada isaga oo u sheegaya in Bari Kulanka uu jiro islamarkaasina hadal jeedinta uu isaga leeyahay. isla durbadiiba warqad arintaasi looga soo horjeedo ayuu Gudoomiye Muudeey Xildhibaanada u diray isaga oo sheegay in bari kulan aanu jirin ilaa amar dambena iyaga ay soo sheegi doonaan. Arintaan ayaa u muuqata Jahwareer hor leh mar haddi uu is casilay Gudoomiye Jawaari. Maanta ayuu Jawaari madaxweyne Farmaajo hortiisa ka sheegay in bari oo Arbaco ah uu kulanka Baarlamaanka hadal Jeedin ka jeedin doono isaga oo faah faahin doono is casilaadiisa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Fariimo iska Soo Horjeedo oo Loo Diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Sheikh Khalid Binu Ahmed Al-Khaliifa Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Bah Sheikh Khalid Binu Ahmed Al-Khaliif ayaa ku eedeyey Xukuumada Somaaliyeed mid ka abaal dhacday oo aan xusuusan wanaagii iyo waxtarkii Dawlada Imaaradka Carabta u gashay dalkooda. Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayaa aad ugu nuux-nuuxsaday taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabtu la garab taagneyd dalka Somalia markii ay ku jirtay wakhtiga xun. Wasiirka oo u muuqda mid la safan dawlada Imaaradka Carabta ayaa xusay shirarkii looga hadlaayey arimaha somaaliya ee lagu qabtay imaaradka iyo dadaaladii lagula dagaalamaayey burcad badeedka iyo sidoo kale macaawinooyinkii maaliyadeed ee ay Dawlada Imaaradku u fidisay Somalia. Ismaandhaafka siyaasadeed u dhaxeeya Xukuumda Somaaliya iyo dawlada Imaaradka Carabta ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, una xuub siiban doona iska horimaad weyn oo diblomaasiyeed oo Xukuumada Somalia oo la safan dawlada Qatar ay ku waajihi doonto dawladaha ku mideysan golaha iskaashiga Khaliijka Halkan ka akhri qoraalka Wasiirka
-
Muqdisho (PP) ─ Dawladda Somalia ayaa ku gacan seyrtay cambaarayn uga timid dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriirtay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu Axaddii toddobaadkan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada amniga Somalia ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen 9.6 milyan oo doollar, taasoo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka. Xukuumadda Imaaraadka ayaa sheegtay inay arrintaas jabinayso is-afgarad ay horey u gaareen Dowladda Federaalka Somalia iyo Imaaraadka sannadkii 2014-kii. Balse, Dowladda Somalia ayaa sheegtay difaacday Tallaabada ay qaadday waxayna xustay in safiirka imaaraadka u jooga Muqdishu uu diiday in la mariyo boorsooyinka qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin. Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Dowladda Federaalka Somalia ayaa xusay in boorsooyinku aan ahayn in loo adeegsado ujeedooyin dublamaasiyadeed, taasoo meesha ka saaraysa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka dublamaasiyadeed. Waxaa kaloo uu sarkaalku sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-kii. Iyadoo aan weli la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu wareejiyay bangiga dhexe ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qabashada lacagtan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu dalka ka jiray muran siyaasadeed oo culus, kaasoo soo billowday markii uu baarlmaaanka Somalia diiday heshiiskii shirkadda DP World ee waddanka Imaaraadka laga leeyahay ee dekedda Berbrera. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo si adag uga Jawaabtay eeddii kaga timid dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Shir u dhexeeya mas’uuliyiinta Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedyada dalka oo ku saabsan horumarinta iyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta Soomaaliya ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirkaan oo sida qorshuhu yahay socon doona mudda 5 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya,Wasiir ku xigeenka ahna siihayaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya,Cabdiraxmaan Iidan Yoonis,Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada dalka,agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala iyo qaar kamid ah agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta heer dowlad goboleed. Qodobada shirkaan horyaalla ayaa waxaa kamid ah,in la dhiso guddi heer Qaran oo qaabilsan wacyi-gelinta dadweynaha,in laga doodo anshaxa iyo sharciga Saxaafadda dalka iyo sidoo kale in xoojiyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleed,sida lagu xusay ajendaha shirka. PUNTLAND POST The post Shir lagu dhisayo guddi qaabilsan Wacyi-gelinta heer Qaran oo Garoowe ka furmaya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, ayaa si kulul u cambaareysay falkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabatay diyaarada laga lahaa dalka Imaaraadka oo sidday lacag gaaraysa 9.6-million oo doollar oo loogu talo galay in lagu taageero ciidanka Somalia iyo macalimiinta tababara. Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in ciidamom saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Dowladda Somalia oo qoryo ku qabteen, taasoo ay ku tilmaantay mid aan la qaadan karin. “Arrintaan waa sharci-darro kasoo hor-jeedda Xushmada Dublamaasiyiinta labada dal u dhexeysa iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada waddan bishii November ee sannadkii 2014-kii,” ayaa lagu yiri qoraalkan Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Qoraalka ayaa mar kale lagu yiri. “falkaan wuxuu xad-gudub weyn ku yahay xeerarka caalamiga ah, iyadoo Imaaraadku uu siiyo kaalmo dhinac walba ah Somalia, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, ciidamada iyo gar-gaar bani’aadamnimo si ay u dagto Somalia.” Warbixintan oo ay daabacday wakaaladda wararka imaaraadka ee WAM, ayaan lagu sheegin wax tallaabo ah oo ay dowladda Imaaraadka ka qaadan doonto falkii ay ku kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Lacagtii lagu qabay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho 08-dii bishan Abriil, ayaa la geeyay Bangiga dhexe ee Soomaalia illaa iyo haddana lama oga sida laga yeelayo lacagtaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo si Kulul uga hadashay Lacagtii lagu Qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
4/10/2018 The UAE has condemned the seizure of its civilian aircraft carrying millions of dollars by authorities in Somalia on Sunday. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, said that the jet was seized at Mogadishu airport carrying US$9.6 million in cash allocated to support the Somali army and trainees. The Ministry added that some those on-board the plane had been held at gunpoint and assaulted by Somali security forces. This action is an illegal step that “contradicts the established diplomatic norms and traditions between countries and is a serious breach of the provisions of the Memorandum of Understanding signed between the two countries in November 2014,” it continued. It went on to say that the UAE “deplores this violation of international law and norms, at a time when the UAE has provided all kinds of political, economic, military and humanitarian support in the darkest conditions to establish security and stability in the Somali Federal Republic.”
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa muujisay sida ay uga xun tahay una cambaareeneyso xariggii ay u geysteen ciidamada amaanka Somalia diyaarad rakaab ah oo u diiwaan gashan Isutagga Imaaraadka Carabta, maalintii axadda oo ay taariikhdu ku beegneyd 8-da April. Diyaaradda waxaa lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana saarnaa 47 ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta, waxaana lagu qabta lacag loogu talagalay in lagu taageero ciidamada Soomaalia iyo kuwa tababarka ku jira, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo qoraal soo saartay. “Tacaddiiyo ay u geysteen shaqsiyaad ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya kuwa Imaaraadka Carabta, ayaa ka dhacay garoonka” sida lagu sheegay qoraalka. “Qoraalka diyaaradda waxaa la daahiyey dhawr saacadood”. Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtaas loogu talagalay in lagu taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ku saleysan heshiiskii is afgarad ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii November 2014 oo ahaa sare u qaadidda iskaashiga dhinaca military ee labada wadan. Wasaaradda arimaha dibadda waxa ay qoraalkaas ku sheegtay in tallabadaas ahayd mid sharci darro ah oo khilaafeysa nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda u dhexeeya labada wadan, xadgudub weyna ku ah heshiiskii ku qornaa is afgaradka, taas oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalaamiga ah iyo nidaamka caalamiga ah. “Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay ka xun tahay ku xadgudubkan sharciga caalamia ah iyo nidaamka, xilli ay Isutagga Imaaradka Carabtu wax walba haddii ay ahaan lahayd siyaasad, dhaqaale, military iyo arrimaha bili’aadannimo ka taageeertay xilliyada ugu madaw dowladda Federaalka-ka Soomaaliya, si loo dhiso ciidamada iyo xassiloonida.” Waxaaa Turjumay Mohamed Kaafi
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoomiyahii golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida uu isku casilay. Farmaajo ayaa sheegay in Jawaari aanu wax shuruud ah ku xirin is casilistiisa, uuna yahay qabiir dhanka sharciga ah. “Waxaan u mahadcelinayaa mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo runtii dalka usoo shaqeeyay in ka badan muddo 50 sano ah, xilal kala duwanna usoo qabtay, mudane Jawaari waa oday Soomaaliyeed, waa qabiir dhanka sharciga ah, in badanna dowladnimada Soomaaliyeed waqti aad u badan geliyey, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo uu ku xirayna malahan, waxaan ku dhiirogelinayaa mudane Jawaari in uu halkaasi kasii wado dedaalladii uu ku bixiyey dowladnimada Soomaaliyeed, gaar ahaanna qabyo tirka dastuurka, waxaan ka fileynaa inuu sii wado talobixintiisii iyo talo soo jeedintiisa, waxaa waajib nagu wada ah inaan usoo wada jeedsanno xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ah dowlad wanaag, adeegyada asaasiga ah inaan gaarsiinno, inaan si wadajir ah ugu istaagno arrimaha masiiriga ah” Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa xukuumadda faray iney Labo jibaarto dedaalkeeda, maadaama ay horyaalaan howl oculus. “Xukuumadda waxaan farayaa iney dedaalka Laba jibaarto maadaama ay horyaallaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugista amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyey baarlamaanka federaalka in ay dardargeliyaan meelmarinta hindise sharciyeedka, sidoo kalena ugu baaqay iney kormeer joogto ah ku sameeyaan howlaha xukuumadda. “Baarlamaankana waxaan usoo jeedinayaa iney dardargeliyaan hindise sharciyeedyada ay xukuumadda usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan halkaan ugu baaqayaa baarlamaanka in kormeer joogta ah ku sameeyaan xukuumadda iyo laamaha kala duwan ee dowladda, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan dowladda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga ah si loo xaqiijiyo nabadgalyada dalka, dowlad aysan shacabka garab taagneyn ma shaqeyn karto” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha.
-
Mogadishu (HOL) - The Government of Somalia has established the host country relations committee which will work on the government's national development programs in coordination with other international and government agencies. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa goor-dhaw la hadlay saxaafada waxaana madaxweynuhu uu soo dhaweeyay is-casilaadii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo go’aankii, isagoo baaq iyo talooyin u jeediyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Guddoomiyaha xilka iska casilay oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in is-casilaadiisa ay ahayd mid uu ku badbaadinayo baarlamaanka, isla markaana uu berri baarlamaanka hortiisa ka jeedin doono khudbad uu amaannadii ay xildhibaannadu u dhiibteen ku wareejinayo. “Waxaan doonayay oo keliya inaan idinka iyo madaxweynaha idiin xaqiijinayo inaan xilka banneynayo, oo aan berri ka sheegi doono fadhiga golaha shacabka, halkaas ayaana wixii kale oo dheeraad ah ka sheegi doonaa, waana idiin mahad-celinayaa,” ayuu si kooban u yiri guddoomiyaha xilka banneneynaya ee Jawaari. Madaxweyne Farmaajo oo shirka jaraa’id uu kula wehliyay guddoomiyihii is casilay Jawaari ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu ahaa mid taariikhi ah oo aan wax shuruud ah ku xirneyn. “Waxaan u mahad-celinayaa Guddoomiye Jawaari oo in ka badan 50-sano u soo dhaweynayay dalka, xilal kala duwanna soo qabtay, waa oday Somali ah waa khabiir dhanka sharciga in badan dowladnimada ka soo shaqeeyay, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo ku xiran ma lahan,” ayuu yiri Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jawaari inuu sii wado halihii uu dalka u hayay iyo qabyo tirka dastuurka, isagoo xusay inay ka filayaan inuu sii wado talo bixintiisa iyo talo soo jeedintiisa intaba. Madaxweynaha Somalia, ayaa faray Xukuumadda in laba jibaarto dadaalka ay ugu jirto howlaha sugida iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka inay dardar geliyaan hindise sharciyeedyada ay Xukuumadda u soo gubisay, kaasoo uu sheegay in ahmiyad weyn u leh dalka. Dhanka kale, Inkastoo shirkiisa jaraa’id uu ahaa mid kooban, hadana ma jirin wax su’aalo ah oo war-fidiyeenka loo ogolaaday inay madaxda dalka weydiiyaan, iyadoo shirkaan jaraa’id uu imaanayo kaddib muddo dheer oo uu ka aamusanaa madaxweynuhu khilaafka hareeryay dowaldda. Ugu dmabeyn, Xiisada siyaasadeed ee Saddexdii Toddobaad ee uu dalka ku jiraya ayaa rasmi ahaan soo afjarmeysa, waxaana la geli doonaa marxalad cusub oo aan la qiyaasi karin, waxaana todobaadyada soo socda loolan adag loo geli doonaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in 15 casho gudahood lagu soo doorto. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/DHAGEYSO_Farmaajo_Jawaari_Xamar.mp3 PUNTLAND POST The post FARMAAJO: Go’aankii uu isku casilay Jawaari waa mid Taariikhi ah oo aan soo dhaweynayo appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu, 10 April 2018 – A visiting UK Minister of State for the Armed Forces Rt. Hon. Mark Lancaster has paid tribute to the AU troops in Somalia for securing the country and reducing the threat of terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Gobolka Bay-(Caasimadda Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegay in halkaasi uu iska dhiibay horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo haatan uu gacanta ku hayo maamulka Koonfur Galbeed. Sarkaalkan oo maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabaa Aadan Maxamed oo ku magac dheer (Aadan Shaah). Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa lafilayaa in dhawaan ay saxaafadda u soo bandhigaan macluumaad ku saabsan horjoogahan is soo dhiibay,kaasi oo haatan su’aalo ay weydiinayaan hay’adaha amniga. sarkaanka isdhisoodhiibay ayaa waxa uu kooxda shabaab uqaabilsanaa fulinta weerarada arbushaadka ah ee deegaano gobolka Bay waxaana sidookale lasocday hal qof oo kale oo isna isasoodhiibay. Todoboodyo ka hor ayaa waxaa sidoo kale is soo dhiibay horjooge kale oo lagu magacaabo Maxamed Caddo woo u qaabilsanaa maleeshiyada Alshabaab qeybta qaraxyada ee Gobolada Bay,Bokool iyo Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilka iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya. Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari ayaa maanta mar kale Madaxtooyada ku qaatay kulan Saacado badan la isugu helay oo ku saabsan talaabada xigta, Mar haduu Jawaari iscasilay isagoo la qanciyay. Guddoomiye Jawaari oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono maalinta berri, si uu amaanada dib ugu celiyo baarlamaanka, isagoo xusay in sababta uu hada u soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is casilaadiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo isna hadlay ayaa uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay Jawaari, waxaana uu sheegay inuu yahay nin oday ah oo muddo 50 sano u soo shaqeeyay dalka. Waxaa uu sheegay in go’aanka uu qaatay yahay mid taariikhi ah, isla markaana uu ku dhiira gelinayay inuu sii wado dadaalada dowladnimada, qabyo tirka dastuurka, maadaama uu yahay khabiir dhanka sharciga ah, isla markaana ay ka filayaan talo bixinta iyo talo soo jeedintiisa. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaan wax shaqa ah qaban tan iyo 12kii Bishii hore ee Maarso markaas oo dalka ay ka mamnuuceen Hay’ada DP World, Waxaana laba maalin kadib Xildhibaano sheegeen iney Mooshin ka gudbiyeen Jawaari uuna ka qabtay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Sheekh Muudeey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – waxaa markale maanta la hadal hayaa haweenay lasheegay in ay cirbad kudurtay wiil mooto bajaaj ah oo ku sugan magaaladda muqdisho. falkaan ayaa waxa uu kadhacay agagaarka Isgoyska km4 ee Muqdisho waxaana lasoo warinayaa in haatan laguhayo Xarunta Demi-baarista ee CIDA-da . Dhacdadaan oo aad looga yaabay ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegaayn in Wiilka ay Haweneyda u saarneyd mootada basle markii dambe ay cirbada ku durtay. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydii iminka lagu haayo Xarunta Dembi-barista CIDA-da, waxaana sidoo kale Goobta ku sugan Wiilkii Darawalka Mootada ka ahaa oo qeylinaya. Lama oga cirbada ay Wiilkaas haweyda ku durtay waxa ay tahay,mana ahan mid ku cusub Magalada Muqdisho waxana mid la mid ah ay dhacday horaantii Bishii la soo dhaafay ee Maarso Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan. dowladda soomaaliya ayaanan wali war rasmi ah kasoo saarin falkan iyo kuwa ka sii horeeyay oo kadhacay isla magaaladda muqdisho sanadkaan gudihiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garowe (Puntlandi) Labo dhalinyaro oo bishii march ee lasoo dhaafay laga afduubtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa maanta lagu guulaystay in dib loogusoo celiyo xoriyadoodii laga qaaday. Labadaan dhalinyaro oo kasoo jeeda magaalada Burco, ayaa ujeedada loo afduubtay waxay salka ku haysay, nin ku xiran magaalada Burco oo kasoo jeeda gobolka Nugaal, kaasoo eheladiisu ay sheegeen in cadaalad darro lagu haysto. Siciid Maxamed Faarax (Dugle) ayaa u xiran kiis la xiriira Gabadh 9-sano jir ah oo ay dhashay Xaaskiisa, taasoo u geeriyooday sabab aan illaa iyo hadda la xaqiijin, balse hooyada dhashay ayaa ku dacwootay inuu ninkeeda kufsaday, halka eheladiisana ay ku dacwoonayaan inay hooyadu gabadheeda dishay ayna hayaan cadeymo iyo marqaatiyaal nool. Maxkamada Burco ayaa lagu eedeeyay inay kiiskaan si cadaalad darro u maaraysay, taasoo keentay afduubka dhalinyaradaan loo gaystay, balse goor dambe ayay maxkamadu ku talisay in labada dhinac ay ku kala baxaan shareecada Islaamka. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo katirsan Isimada Puntland, gacan weyna ka geystay siidaynta dhalinyaradaan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in maanta laga bilaabo dhalinyaradaan ay yihiin fasax, waxaa kaloo Islaanku sheegay inay ka xun yihiin arrintaan inay dhacdo, balse wuxuu tilmaamay inay tahay arrin ku timid cadaaalad darro laga tabanayay Burco. Islaan Ciise ayaa ugu baaqay salaadiinta dhaqanka reer Burco inay dhameystiraan kiiska ninka ku xiran magaalada Burco, waxaana uu sheegay Islaanku in loo baahan yahay in sharci iyo cadaalad lagu kala baxo, si aan dhibaato midaan lamid ah u imaan. Mid kamid dhalinyarada afduubtay loo haystay oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay mudadii la haystay in loola dhaqmay si wanaagsan oo xushmad leh. Halkaan ka dhegayso codka Islaamka. Islan Ciise Islan Maxamed Qaybta koowaad oo uu kaga hadlayo sii daynta wiilasha Puntlandi.com
-
Popular Contributors
