Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho, 20 Maarso 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda. Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada. “Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo. ___DHAMMAAD___ The post Yariisow “Waxaan furi doonnaa dhammaan Waddooyinka muhiimka ah ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka Caasimadda”. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada wada mooshinka looga horjeedo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dadaal ugu jira wax ka bedel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka Baarlamaanka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Jawaari. Qodobkan dhibaatada weyn ku haya kooxda ololaha ugu jirta xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari ayaa ah Qodobka 9-ad ee ayaa sheegaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso qarsoodi. HOOS KA AKHRISO QODOBKA 9-AAD FAQRADIISA 5-AAD Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda: a) Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi. b) Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka 9 (2) ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban (15) maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub. Ujeedada ayaa ah in qodobkaasi laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari. Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u difaacaya Guddoomiye Jawaari ayaa Facebookiisa ku soo qoray in Xukuumadda ay dadaal ku bixineyso in Codeynta gacan taag noqoto si ay u kala ogaadaan Xildhibaanada u codeeyay iyo kuwa aan u codeyn. Abuukaate ayaa qaba iney jiraan Xildhibaano Wasiiro u badan oo u baqanaya in Xilka laga qaado, balse aaney ka go’neyn ridista Jawaari, Kuwaasoo hadii ay Codeynta noqoto qarsoodi Codkooda ku difaacaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari. Si Kastaba, Wali si dhab ah looma oga xiliga rasmi ahaan Baarlamaanka la horgeynayo Mooshika si Codka Kalsoonida loogu qaado, Inakastoo Gudoomiye Jawaari Sheegay iney heystaan 10 Maalin Xildhibaanada Mooshinka keenay taasoo ka bilaabaneysa Markii mooshinka ay gudbiyeen oo ku aadan 14-kii Bishan. Lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse xogtu sheegeysaa in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto GACAN-TAAG. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa dadaal ugu jira wax ka beddel lagu sameeyo qodob ka mida xeer hoosaadka golaha shacabka oo u muuqda inuu caqabad ku yahay xil ka qaadista Prof. Jawaari. Qodobka kooxdan dhibaatada ku ah ee ay doonayaan in wax laga bedelo ayaa Qodobka sagaalaad oo dhigaya in mooshinka laga keeno guddoomiyaha iyo labada ku xigeen ee baarlamaanka ay cod qaadistiisu noqoneyso mid qarsoodi ah. Qodobka sagaalaad, farqadiisa shanaad ee doonayaan in wax laga beddelo ayaa dhigaya; Haddii Guddoomiyaha ama mid ka mid ah ku-xigeenadiisa ay soo wajahdo mooshin ah xilkaqaadis waxaa lamarayaa talaabooyinkan soo socda: A. Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xilkaqaadida, waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada, inta ay ka dhamaanayso arrinta la xiriirta soo jeedinta, codayntuna waa qarsoodi. B. Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-Xigeen uu lumiyo xilka, si waafaqsan qodobka sagaalaad farqadiisa laba ee xeerhoosaadka Golaha, Goluhu wuxuu Muddo shan iyo toban 15 maalmood gudohood waa inuu ku doorto Guddoomiye ama ku xigeen cusub. Sidoo kale, ujeedadda ayaa ah in qodobkaas laga dhigo gacantaag si aysan ugu suuragelin in xildhibaannada heshiisyada lala galay iyo kuwa kharashka la siiyo loo xaqiijiyo inaysan ka codeyn, waxayna arrintan muujineysaa cabsida weyn ee heysata kooxda ololaha ugu jirto xil ka qaadista Jawaari. Ugu dambeyn, lama oga sida arrintan loo xaqiijin karo, waxayse wararkani sheegayaan in tiro xildhibaanno ah ay keeni doonaan mooshin ku saabsan in cod bixintu noqoto gacan-taag. PUNTLAND POST The post Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari oo doonaya in isbeddel lagu sameeyo Qodob… appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) iyo Golihiisa Wasiirada ayaa haatan kulan deg deg ah uga socdaa Xarunta Madaxtooyada magaalada caasumadda ah ee Garoowe. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa qodobo kala duwan oo ku saabsan arrimaha xilligan ka taagan Soomaaliya iyo Puntland,wuxuuna ku soo beegmay xilli uu baaqday shirkii madaxda maamul goboleedyada ee loo ballansanaa in uu maanta Garoowe ka furmo. Warar hoose oo ka imaanaaya Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Xukuumadda Puntland,si gaar ah loogu eegayo mowqifka Puntland ee ku aaddan xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho. Faahfaahinta kala soco: Puntland Post The post Golaha Wasiirada Puntland oo haatan kulan deg deg ah ku jira appeared first on Puntland Post.
  5. Kigali (Puntlandi) Wasiirka arrimaha dibada dowladda federalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad , ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda uga qayb-galay Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika. Kulankaan ayaa lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Africa ay leedahay. Wasiirka arrimha dibada ayaa shirkaan ka sheegay qiimaha ay ummadaha Africa ugu fadhido in ay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaya, si saboolnimada iyo colaadda loo soo afjaro. Waxaa uu xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Puntlani.com
  6. Muqdisho, 19 Maarso 2018 – Shirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Is-dhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha sirdoonka ee kala duwan ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shalay ka furmay caasimadda Muqdisho. Taliye ku xigeenka Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai ayaa u ol’oleylanaya in ay hay’adaha sirdoonka ay la yimaadaan habab la isku dhaafsado sirdoonka si sare loo qaado natiijooyinka. “Xogta waa in la aruuriyaa loona adeegsadaa qaab xaqiijinayo hufnaan dhinaca howlgallada iyadoo aan halis la carqaladeyneyn xalaalnimada iyo caddaaladda lagama maarmaanka u ah howlgalka nabadda si uu si wax ku ool ah u guto howshiisa,” ayuu hadalkiisa ku furtay Sarreeye Gaas Gituai. Shirka waxa lagu eegi doonaa sida loo heli karo ilaha macluumaadka ee aan rasmiga ahayn, waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadaagista iyo is-dhaafsiga sirdoonka, iyo khatarta cusub ee ka imaanaysa kooxda argagixisada Al-Shabaab, xilli ay awoodda maleeshiyada wiiqeen weerarrada kaga imaanayo Dowladda Federaalka ah, Midowga Afrika, iyo ciidamada bah-wadaagta ah. “Sirdoonka aad ayuu muhiim ugu yahay howlgalka nabadda, si ay u siiyaan dadka go’aannada gaaro wacyi ku aaddan xaaladda, iyada oo loo marayo falanqeyn abaabushan ee xogta oo ay sameeyaan qaybaha kala duwan ee howlgalka,” ayuu Sarreeye Gaas Gituai u sheegay ka qayb-galayaasha shirka saddexaad ee wadaagista macluumaadka. Ka qayb-galayaasha waxaa ay isugu jiraan saraakiisha sirdoonka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee AMISOM, ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta muhiimka ah ee ammaanka caalimiga. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “nidaamyada hufan iyo qaab-dhismeedka,” kuwaas oo xaqiijin doona in macluumaadka la uruuriyay loo wadaago loona kaydiyo si ammaan ah, kaas oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh. Taliye ku Xigeenka Ciidamada ayaa uga digay ka qayb-galayaasha in ay si weyn ugu tiirsanaadaan kaliya tirada xogta, isagoo ku dooday in tiro badnida macluumaadka ay mararka qaarkood carqalad ku noqon karaan turjumidda saxda ah ee xogta. “Xaaladda hadda aaan ku sugannahay, waxaa ay tahay in arrant su’aasha mudan aysan ahayn in ay tahay in sirdoonka la wadaago, balse waxa ay tahay sidee, goormaa iyo heer intee la’eg ayaa la wadaagi karaa,” ayuu ka yiri shirka. “Waxaa qayb ka ah waxyaabaha mudnaanta u ah wadaagista sirdoonka/xogta waa in la fududeeyo, la ogaado, laga hortago lagana falceliyo khatarta iyo halista la xidhiidha argagixisada kuwaas oo loo sameeyo hab hufan oo sidoo kale faa’iido u ah hay’adaha, meelaha ay ka socdaan howlgallada, hay’adaha maxalliga ah si loo taageero dadaallada wax looga qabanayo amniga iyo khatarta.” Shirka waxaa gacan geystay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST), waxaana looga gol leeyahay kor u qaadista hannaanka iyo isku-duwidda is-dhaafsiga macluumaadka ee ka dhaxeeya kooxaha kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo wadaagista sirdoonka, oo kaalin muhiim ah ka ciyaartay ka hortagga weerarada argagixiso. Sarkaalka Madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Gaashaanle Naboth Mwesigwa ayaa sheegay in shirka uu “Xoojin doono uruurinta sirdoonka” iyada oo uu gacan ka geysan doono qaabeynta awooda dhinaca difaaca iyo howlgallada, iyada oo isla markana dhisayo kalsoonida iyo xidhiidhka bah-wadaagta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xigasho:http://amisom-au.org/so The post Shirka Sirdoonka Militariga iyo Wadaagista Macluumaadka oo ka Furmay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Interior Ministry of Hirshabelle administration on Monday dismissed allegations that it appointed underage boy as deputy district commissioner. Source: Hiiraan Online
  8. Members of the West Bank neighborhood are asking MPD to appoint more officers from their community. Cedar-Riverside residents and city officials are calling for greater diversity in the Minneapolis Police Department. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kigale ee caasimada Rwanda. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya shir muhiim ah oo looga hadlayo Ganasiga xorta ah, kaas oo ka dhici doono caasimada dalka Rwanda ee Kigale. Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeeybgalaya Madaxweynayaasha Wadamada Uganda, chad, jabuuti , gabon, mali Senegal, Kenya, Soomaaliya iyo wadamo kale. Waxaa xusid mudan in shirkaasi uu ka baaqan doono Madaxwaynaha dalka Nigeria mohamadu Buhari hayeeshee shirkaasi ku yeelan doonaan matalayaal. Shirkaan ayaa bari oo arbaco ah ka furmi doono caasimada dalka Ruwanda ee Kigali waxaana madaxda Afrika ay kala saxiixan doonaan heshiis Ganacsi. ugu dambeeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kula kulmi doono Qaar kamid ah madaxda wadamada Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Rwanda appeared first on Puntland Post.
  10. SPRINGFIELD - Most residents left homeless in the tragic fire that killed a man and two children Sunday morning are staying overnight in a city hotel and permanent housing has been arranged for nearly all displaced families. Source: Hiiraan Online
  11. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi. __DHAMMAAD__ The post Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika. appeared first on Puntland Post.
  12. After escaping the horrors of war and persecution in countries like Syria, Iran and Eritrea, refugees and asylum seekers are using the healing power of gardening in Tyneside. Source: Hiiraan Online
  13. Dalladaha SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee ka jira Soomaaliya ayaa War-murtiyeed ka kooban 9 qodob ka soo saaray xaaladda cakiran ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka dhex jira xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. War-murtiyeedka dalladaha ayaa loogu baaqay Madaxda Dawladda Federaalka in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Soomaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud. Sidoo kale dalladaha ayaa sheegay in ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya, waxayna ka digeen in hantida Qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowladda. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA PUNTLAND POST The post Dalladaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya oo War ka soo saaray khilaafka Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  14. Three militia members go on trial Tuesday for plotting to bomb Somali immigrants working in the Kansas Meatpacking Triangle, a constellation of minority-majority, Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshinka laga wado Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo lagu eedeynaayo xad gudubyo ka dhan ah qodobada Dastuurka dalka. Xildhibaanada Mooshinka saxiixay oo dib loo soo cusbooneysiiyay ayaa waxaa saaka lasoo sheegayaa inay gaareen heerkii ugu sareeyay marka loo eego Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari, ee doonaaya inay difaacaan Mooshinka socda. Mooshin wadayaasha taabacsan Xukuumada Somalia ee doonaaya in la rido Guddoomiye Jawaari oo tiradooda gaareysay 198 ayaa waxaa iminka ku biiray 10 Xildhibaan oo dheeri ah,kuwaa oo kasoo go’ay garabka Jawaari. Xildhibaanada guud ee iminka taabacsan Xukuumada ayaa gaaraya 208 Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka, kuwaa oo intooda badan xalay hooyday Hooyga Ra’isul wasaare Kheyre, sida aan xogta ugu danbeysay ku helnay. Xildhibaanada cusub ee ku biiray Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ku goodinaayo inaanu xilka uga dagi doonin cod la’aan. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa waxaa xiligaan u badan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo iyagu u muuqda kuwo ilaalsanaaya xilalka ay ka hayaan Xukuumada waxaana ku jira Wasiirka Maaliyada iyo wasiirka Amniga Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada labada garab ayaa marba dhinac u badanaaya, waxaana la khiyaasi Karin sida uu arinku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. A dream of establishing a continental free trade area in Africa has slipped back again after a last-minute decision by Nigerian president Muhammadu Buhari not to attend the summit in Rwanda where an agreement was set to be finalised. Source: Hiiraan Online
  17. Eritrea says Ethiopia must move to deal with its chronic internal security crisis instead of finding scapegoats from outside. This is the position of Information Minister Yemane Gebremeskel in a response to an email query by the Bloomberg magazine. Ethiopian authorities were reported over the weekend to have said neighbouring Eritrea was partly to blame for its internal security headache. “The regime is desperately trying to deflect attention from its intractable domestic crisis — of its own making — and find external scapegoats,” Yemane said describing the claims as false and one that did not merit a serious response. The state-owned Ethiopia Broadcasting Corporation late last week quoted the federal police chief as saying Eritrea was trying to destabilize the country by sponsoring anti-peace forces. Ethiopia is currently under a six-month state of emergency imposed on February 16, 2018. It followed the resignation of Prime Minisiter Hailemariam Desalegn, barely 24-hours earlier. The government said it was necessary in the wake of spreading violence across the country. The measure was controversially ratified by the parliament in early March in a vote fraught with claims of rigging. It is not the first time that Ethiopia has accused Eritrea of such acts, neither is it the first time Eritrea is rejecting such claims. The two continue to trade blows over a border demarcation process which dates back to 2002. Eritrea achieved independence from Ethiopia in 1993 after decades of armed struggle. In 1998, the two neighbouring countries fought a two-year long war over their disputed border which claimed the lives of at least 70,000. The two countries have had tense relations as a peace deal signed in 2000 to end the war has never been fully implemented. Source: – Africanews
  18. Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, 1,388 km northeast of Somali capital, Mogadishu. The vessel which was carrying fuel, cars and food had sailed from Dubai Port of United Arab Emirates (UAE). Puntland Marine Police Force (PMPF) commander, Abdirisack Diriye said the fire killed two crew and destroyed all the goods that were onboard. ” The fire burnt down all goods onboard, Our forces fortunately rescued two crew members. The rescue mission is still underway,” Diriye added. The rescued crew members who are said to be Indian Nationals are now undergoing treatment at Bosasso General Hospital. The Fire is suspected to have been caused by a short circuit in the engine room of the boat. It is not the first time that a boat bursts into flames near Bosasso port. In June 2015, a fire broke out on the deck of a commercial boat which was carrying livestock from Puntland to Gulf countries. All 1000 livestock on the boat were burned before the boat sank.
  19. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdi xidlhibaano ah oo uu hogaaminayo oo Muqdisho uga qeyb galay furitaanka kalfadhigii saddexaad ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib ugusoo laababanaya Garowe. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay guddoomiye Jawaari oo haatan uu ku furan yahay mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro. Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafada kula hadlaya Garowe marka uu soo dago, waxaana la filayaa inuu ka warramo safarkiisa Muqdisho iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan barlamaanka Soomaaliya iyo mowqifka barlamaanka Puntland uga aadan arrintaas. Puntlandi.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Jabhada ONLF ee sida aadka ah uga soo horjeeda maamulka DDSI ayaa shaaca ka qaaday in si fool-xun loola dhaqmo Sarkaalka Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dhawaan ay dowlada Somalia u gacan galisay Ethiopia. Cabduqaadir Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan waxba u yareysan Qalbi-Dhagax, hase ahaatee ay falalkaasi kula xisaabtami doonaan dowlada Ethiopia iyo inta garabka kusiisay dhiibista Sarkaalka. Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in oogada Qalbi-Dhagax ay qarisay calaamadaha jir dilka ay u geysteen ciidamada Ethiopia ee ku dhex haya Xabsiga. Hirmooge, waxa uu sheegay in Sarkaalka lagu amray in uu la hadlayo warbaahinta sheegana in uu ka tanaasulay fikirkii uu horay u qabay. Waxa uu intaa ku daray Hirmooge, in Qalbi-Dhagax lagu amray in mudada uu ku guda jiri doono la hadalka warbaahinta uusan muujinkarin jir dilka loo geystay iyo waxyaabaha uu kala kulmay xabsiga dhexdiisa. ‘’Waxaan aad uga xunahay sida loo jirdilay Qalbi-Dhagax, waxaan naga daadagi doonin waxyaabaha ay qarineyso Ethiopia, waxaana inoo balan ah aargoosiga jir dilka iyo tacadiga Qalbi-Dhagax’’ Hirmooge, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli ay dhibaato culus heysato Qalbi-Dhagax maalin walbana Xabsiga lagu jirdilo sida uu hadalka u dhigay, isagoo lagu khasbaayo inuu sheego waxyaabo dhaawici kara sharafka ONLF. Geesta kale, dowlada Ethiopia ayuu sheegay in Qalbi-Dhagax ay ku cadaadineyso in dib uga laabto fekerka Jabhada ay ku xoreyneyso dhulka DDSI, oo iminka ay hantisay Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa digniin culus u diray Xubnaha Beesha caalamka u jooga Somalia. Xildhibaanada ayaa Xubnaha beesha caalamka uga dugay inay faraha kula sii jiraan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Beesha caalamka ay kasoo talaabtay xadkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha Mooshinka. Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay faragelin toosa ku hayaan howlaha Mooshinka, waxa ayna ku baaqeen inaysan culeyska kusii kordhin Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) kana mid ahaa Xildhibaanada kulanka ka yeeshay faragalinta xubnaha Beesha caalamka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda. Jeesow waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, kulanka Xildhibaanada ku baaqay in Beesha Caalamka ay faraha kala baxdo Mooshinka ayaa kusoo beegmaaya xili labada maalin un ka hor ay wakiilada ku baaqeen in la joojiyo Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay kulan Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo aas aaso hal suuq oo Afrika ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiirada arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay in ay qiimaha weyn ay ugu fadhido Afrika inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.
  23. Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah. Qaabkan, waxaa ay ka duwan tahay xukuumadda, oo qodobka 69aad, faqrada (d) iyo (e) ayaa qeexaya qaabka loo maro meel-marinta iyo ceyrintaba, tusaale ahaan faqrada(d): Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1, iyo faqrada (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha. Si loo sii adkeeyo nooca codeynta golaha shacabka, qodobka 5-aad ee xeer-hoosaadka waxaa ku xusan, Qaabka loo dooranayo guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la adkeeyay shuruudda ku qoran qodobadka 65aad ee dastuurka, oo ah cod qarsoodi ah. Dhinaca kale, sida aan ku arki-doontaan noocyada cod-bixinta golaha, waxaa jirta mar haddii ay timaado duruuf gaar ah ay xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi, markaas oo loo baahanayo 20 Xildhibaan, qodobkan xeer-hoosaadka laguma darin in cod qarsoodi ah, loo badalo gacan taag. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Iyo Noocyada Codeynta Cod bixinta waxay u dhaceysaa siyaabaha soo socda: Gacan taag Cod qarsoodi ah Cod-bixin qoraal ah magac u yeerid. Cod bixinta qarsoodiga ah waxaa loo sameynayaa sida soo socota: Guddoomiyaha Golaha waa in uu diyaariyaa sanduuqa cod bixinta Guddoomiyaha Golaha waa in uu sharaxaa habraaca codeeynta. Guddoomiyaha Golaha waa inuu amraa yeerista magacyada xubnaha iyo u qeybinta xubnaha xaashida lagu codeeyo. Guddoomiyaha waa inuu xaqiijiyaa xubnaha codeeyay , kuwa ka aamusay iyo kuwa xumaaday , ka dibna ku dhawaaqaa Natiijada codbixinta. Cod-bixin qoraal ah (magac u yeerid), waxaa la qabanayaa markuu guddoomiyaha ama ugu yaraan 10 xubnood sidaas codsadaan, goluhuna go’aankaa qaato. Marka la qaadayo cod-bixin qoraal ah magac u yeerid, xubin kasta oo codeysa magaceeda hosrtiisa ayaa lagu qorayaa codkeeda haa/ maya ama maqnaashaheeda waana in lagu hor qoraa magaciisa/ magaceeda oo buuxa. Haddii ay timaado duruuf gaar ah, waxey xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi. Soo jeedinta waxaa keeni kara ugu yaraan (20) Xubnood oo golaha shacabka ah. Sharci ahaan haddii codeynta Mooshin la hor keenay Golaha ay barbar dhac noqoto, mooshinkas ma meel marayo. Haddii cod bixinta ay gacan tag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynayo si uu u kala saaro labada dhinac markay is barbar dhac noqdaan. Marka laga reebo cod-bixinnada qarsoodiga ah iyo cod bixin magac u yeerid ah oo Goluhu ogolaaday sida ku qeexan Dastuurka ama xeer-hoosaadkan dhammaan cod-bixinnada kale ee caadiga ah waaa gacan tag, loona tiriyaa safba mar. Xubnaha jooga fadhiga balse aan ka qeyb qaadan cod-bixinta waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale. Inta looga dhawaaqayo natiijada cod-bixint, xubin golaha ka tirsan looma ogola in ay hadal u jeedisa Golaha. Haddii la ogaado in ay jiraan khalad ku yimid cod-bixinta qarsoodiga ah ama codadka la riday aya ka badan yihiin tirada xubnaha jooga , guddoomiyaha wuxuu burinayaa natiijada cod-bixinta wuxuuna isla markiiba qabanayaa cod-bixin kaloo cusub . natiijada cod-bixin kasta waxaa ku dhawaaqaya guddoomiyaha Golaha isaga oo sheegaya tirada codadka ogolaaday ama diiday iyo codadka hallaabay. Axaddii, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqbalay in aqalka sida ugu dhaqsaha badan uu ugu qaado codka kalsoonida kadib markii Mooshin laga gudbiyay, arrintan waxaa ay keentay khilaaf iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo u dhaxeysa xukuumadda iyo golaha shacabka, qaabkan loogu codeynayo xil ka qaadista guddoomiyaha waxaa ay ka mid tahay hadal-heynta taagan.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Mooshinka ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia kawadaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka. Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari. Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’ Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada ugu badan, halka qaarna uu uga ballanqaaday dhaqaale xoogan oo abaalmarin ah, haddii ay xilka ka tuuraan Jawaari. Xildhibaanada qaar ayaa ololo ugu jira in riditaanka Jawaari ay ku gaaran mansabyo kale, waxaana jira qaar badan oo uu wato shaqsiga imaan doona oo lawada ogyahay. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ayaa u muuqanaaya mid ay isugu hanjabayaan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, wallow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com