Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda ay soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya inta badan xildhibaanadii tagay halkaas ayaa isaga laabtay. Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee taabacsan Jawaari ee gudaha u galay xarunta Baarlamaanka. Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin. Xildhibaanada kasoo horjeedo Muudey ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Jawaari laga soo saarin. Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen. Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgalay Qorshihii garabka Jawaari taagersan oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo fashilin lahaa. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay wariyaasheena ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta shacabka la galo hub iyo ciidan badan midaasna ay tahay sharci darro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. UNITED NATIONS – Amid widely differing casualty figures for the Al-Shabab attack on the Ugandan AMISOM base in Somalia, Inner City Press on April 3 asked UN Spokesman Stephane Dujarric, video here, UN transcript here: Inner City Press: in Somalia, there are widely differing figures of how many of the AMISOM [African Union Mission to Somalia] peacekeepers were killed in the Al Shabaab attack. Uganda says it’s more… four. Now they say eight. Some people say 59. Given that there is this UNSOS [United Nations Support Office in Somalia] that I asked about yesterday, what is the figure? Spokesman: I don’t have, I don’t have an independent figure from our end to report. Why not? Isn’t UNSOS, about which Inner City Press has previously asked without answer, involved? We’ll have more on this. Back on January 26 after an attack on a UN compound in Mogadishu Inner City Press asked UN Deputy Spokesman Farhan Haq about it, from the UN transcript: Inner City Press: There’s some reports of an attack on an UN compound in… in… in Mogadishu and the death of an international staff member from Uganda. Are you aware of that? Can you confirm it? Deputy Spokesman: No, we don’t have confirmation. We’ll try to see whether there’s anything to those reports.” This was published by the UN later in day, after the UN has sent this to Inner City Press: “In regards to your question on an attack in Mogadishu, we can confirm that a fatal shooting of a UNICEF contractor took place today in Mogadishu, Somalia early this afternoon. An investigation is underway, and UNICEF staff are safe. Our thoughts are with the family of the man who was killed.” Yes, rest in peace. But why isn’t the UN being louder about this attack, days after a UN Staff Union report about the increase of attacks on the UN? After Somali minister Abass Abdullahi Sheikh Siraj was shot and killed by the bodyguards of the country’s Auditor-General, apparently in a case of mistaken identity, Inner City Press asked the spokesman for UN Secretary General Antonio Guterres, Stephane Dujarric, if Guterres or the UN had any comment. Dujarric said it seemed to be an assassination. On May 11, Inner City Press asked again, from the transcript: Inner City Press: I saw that the Secretary-General at the Somali conference describe the death as Abass Siraji as tragic and unfortunate. I asked about it at the time, and you said it seemed like an assassination. Is that no longer the view of the UN? Spokesman: I’ll… I think whatever the Secretary-General says overrides whatever I may say. That’s a rule. Inner City Press: And I just want to understand, when you say that his speech to UNA-UK was off the cuff, it seems like… I mean, it was a speech. UN News Centre reported on it, so, like, what’s the problem with releasing it? I don’t understand. Spokesman: It’s not that we’re not releasing it. It’s just no transcript’s been done. We’re going to release the video, and I think the video is as strong as the spoken word. From the earlier UN’s transcript: Inner City Press: does the UN system have a statement on the killing of Somali Government minister Abass Siraji, a 31-year-old Government minister killed by the [inaudible]? Spokesman Dujarric: We obviously condemn what appears to be an assassination of this minister and send our condolences to his family and to the Government of Somalia. Inner City Press: Are you… Because some people are saying he was shot by mistake. And I’m wondering, does the UN have any role in security…? Spokesman: I have no… a role in providing his security? No. Inner City Press: No, no, in training, in this case, the bodyguards of the auditor general. Spokesman: Not that I’m aware of. The UN Has said nothing since, five hours later. Back on January 26 when the International Monetary Fund’s deputy spokesperson William Murray took questions at the IMF’s biweekly media briefing on January 26, Inner City Press asked him about Somalia and the UN, as well as Mozambique and Ghana. Inner City Press asked: “The UN’s envoy to Somalia Michael Keating recently said in New York that the IMF is urging the government in Mogadishu to raise revenue, by means of a tax on ‘ICT’ or telecom/mobile phones. Is that accurate? Please explain the IMF’s position.” After the briefing, at which Inner City Press’ Mozambique question was answered, an IMF spokesperson provided this on Somalia: “Somalia has one of the lowest revenue to GDP ratios in the world. Increasing revenue mobilization, from a low tax base, is critical to Somalia’s economic and social development goals. To that end, the authorities and IMF staff reached an understanding on the need to collect higher nominal revenues in 2017 compared to those in 2016. The ultimate goal is to progressively restore, over time, revenue to GDP to a level comparable to peer countries. In 2017, the authorities plan to start implementing a more formal tax system, which is projected to increase tax revenues from about 1.4 percent of GDP in 2016 to 2.0 percent of GDP in 2017. A critical element of these revenue measures — based on current law which the authorities will start implementing — is revenue from the telecom sector, about $24.5 million in total in 2017. This is up from the negotiated tax of $5.0 million agreed for 2016. The projection comprises of about $12–14 million from taxes on corporate profits and $10–12 million from sales taxes. Additional revenue collection from the telecom sector could be achieved but will require significant improvements in revenue administration and tax collection, while improving security for telecom operators.”
  3. Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka lagu jirdilay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Cabdullaahi Cali Caanood. Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Abaanduulaha iyo ciidamo uu wato ay doonayeen in ay Xarunta Baarlamaanka gudaha u galaan hayeeshee loo diiday. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan Jirdilay Abaanduulaha ay yihiin ilaalada Gudoomiye Jawaari. Ha’adaha amniga wali kama hadlin jirdilkaan loo geeystay Abaanduulaha . Ciidamo aad u farabadan oo isugu jiro Ciidamada Dowlada kuwa AMISOM iyo Ciidamo ajnabi ah oo wato eeyaha tababaran ayaa ilaalinaya amniga xarunta golaha shacabka. La soco Puntland Post oo hel warar Deg Deg ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Abaanduulaha Ciidamada Xooga oo lagu jirdilay Afaafka hore ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo wato ku dhawaad 7 Gaari oo Ciidamada ah ayaa gaaray Xarunta Shacabka Soomaaliya. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay ku hareen irradda hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana gudaha xarunta u gudbay Muudeey oo aan wax ciidan ah wadan. Ciidamadaas ayaa haatan ku sugan baananka hore ee Xarunta Golaha Shacabka,iyada oo gudoomiye muudeey ay kas ii horeeyaan gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa 2aad kuwaas oo saacad ka hor soo galay Xarunta. Wararka hore ee aan idinla wadaagnay ayaa idinkugu sheegnay in Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha la galeen ku dhawaad 20 askari oo ku hubeysan qoryaha culus iyo kuwa fudud, waxaana la sheegay inay ciidamadaas ahaayeen kuwa Ilaalooda ah. Waxaa socoto ilaa hadda dadaalo lagu doonayo in ciidamada Jawaari iyo Cawad looga soo saaro Xarunta Baarlamaanka inkastoo aysan weli wax najiijo ah kasoo bixin . Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inuu kulankaan kusoo dhamaado foodo iyo gacan ka hadal, waxayna Xildhibaanada Jawaari taageersan ku heshiiyeen in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo soo fashilin lahaa. Wariyayaasha ayaa laga soo saaray gudaha Baarlamaanka, waxaana lagu war geliyey inaysan soo geli karin inta uu ka dhamaanayo kulanka.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xarunta baarlamaanka Somalia ay gaaren ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Saraakiil cadaan ah. Ciidamadan oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa waxaa wehlinaaya Saraakiil iyo Eeyo dhowr ah oo u tababaran sheegida walxaha u qarsoon qofka. Ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha cadaanka ah ayaa wata gaadiidka nooca gaashaaman, waxa uuna gaaritaankooda xarunta kusoo beegmayaa kadib markii Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ay gudaha Xarunta la galeen ciidamo Hubeysan. Ciidamada AMISOM oo ka tirsan qeybta Booliska iyo Saraakiisha kale ayaa caawinaya kuwa Soomaalida oo iyagu heegan loo galiyay ka hortaga buuq laga cabsi qabo inay sameeyan Xildhibaanada taabacsan Jawaari. Guddoomiye Jawaari iyo Cawad ayaa waxaa ka go’an inay carqaladeeyan kulanka waa haddii uu noqdo cod u qaadista Mooshinka laga gudbiyay, waxa ayna guda Xarunta la galeen ciidamo farabadan. Ciidamada Jawaari iyo Cawad ayaa sidoo kale weli ka muuqda qeybaha sare ee Xarunta baarlamaanka kuwaa oo aad looga cabsi qabo inay kiciyaan fowdo si loo hakiyo kulanka. Xaaladda Baarlamaanka maanta lama qiyaasi karo sida uu noqon doono, maadaama Xildhibaano wata laba Ajande oo iska soo horjeeda hoolka ay ku sugan yihiin maanta. Dhianaca kale, Suxufiyiinta ayaa loo diiday inay galaan gudaha Baarlamaanka, maadaama la diiday in si toos ah loo soo tabiyo waxa ka socda Xarunta Golaha Shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee iska soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wararka ka imaanaya xarunta Golaha Shacbka ayaa sheegay in wali ay socdaan xildhibaanada imaanaya xarunta Golaha Shacabka, kuwaas oo maanta xarunta ku soo gaarayo si ka duwan sidii hore. Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa isgoyska Dabka waxay ku reebayaan ilaalada xildhibaannada u socda xarunta golaha shacabka, iyadoo halkaasi uu gudbayo kaliya xildhibaanka oo la baaray waxna aan sidanin sida wararka qaar ay tilmaamayaan. Sidoo kale baaritaanada lagu sameynaayo mudanayaasha Barlamaanka ayaan ku ekeen wadda Dabka iyo kuwa kale ee soo gala xarunta Madaxtooyada, banaanka hore ee xarunta golaha shacabka waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo saf ugu jira in la baaro, kadibna ay gudaha u galeen xarunta. Ciidamo Booliis ah ayaa lasoo sheegayaa sidoo kale iney gudaha ugu jiraan golaha shacabka, kuwaasi oo qeyb ka ah sugista amniga. Wararka ay faafisay Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari oo Mooshin uu ka yaala uu goor dhow gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka, isla markaana ku fadhiistay kursigiisa ku gudoomin jiray kala fadhiyada Golaha Shacabka. Gudoomiye ku xigeyn Koobaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaan wali gaarin xarunta Golaha Shacabka, kaas oo balamiyay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xildhibaanada qaar oo Idaacada Kulmiye la hadlay waxay in xildhibaanada qaar ay Hub la galeen, inkastoo warkaas uusan cadey. Wali mabilaabanin kulanka Barlamaanka oo laba ajande oo iska soo horjeedo ama kulan labo ajando ah looga hadlaaya uu ka dhacaayo sida ay tilmaameyn xildhibaano la hadlay KNN.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda soo sheegayaan wariyaasheena ku sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la jir dilay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood. Ciidamo ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. jawaari ayaa jir dilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kadib markii Xarunta Baarlamaanka kasoo geli rabay dhanka Wasaaradda Warfaafinta waxayna ciidamadaan Taliyaha ku amreen inuu laabto. Taliyaha ayaa diiday wuxuuna u sheegay inuu halkaan marayo, waxayna arrintaas keentay in si xun loo jir dilo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Canood. In kastoo dhacdadaan aysan ka hadlain laamaha amniga ayaa hadana taliyaayasha Ciidamada aya iskudayay in ay Xarunta golaha ka soo galaan dhanka Wadada Wasaaradda Warafafinta basle loo diiday,iyada haatan ay ka soo galeen dhanka Wadada ka timaada Isgoyska Sayidka. Arrintaan ayaa ceeb weyn ah waxaana muuqato inay faraha ka baxday Xaaladda Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho. Sidoo kale Jawaari iyo Cawad ayaa gudaha Baarlamaanka la galay ciidamo hubeysan, waxaana lasoo sheegayaa inay qalalaaso ka wadaan gudaha Xarunta. Jawaari iyo Xildhibaanada taageersan ayaa isku soo dhaarsaday in si kasta loo baajiyo kulankaas iyadoo lagu heshiiyey in la qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubno ka socday beesha Caalamka ayaa xalay kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo Jawaari shir jaraa`id uu qabtay shalay galinkii dambe uu sheegay in lagu hayo cadaadis lagu doonayo in uu isku casilo, madaxweynaha Somaliyana uuna sheegay in uu qeyb ka yahay arrintaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel keating iyo Fransisco madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulamo xal lagu raadinayo xalay khilaafka ka dhashay Mooshinka ka dhanka Jawaari la yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari. Kulanka hore ayaa sida wararka soo gaaraya Idaacada Kulmiye ay sheegayaan in Wakiilada la qaateen Gudoomiye Jawaari iyaga oo kala hadlay sida ugu fudud ee xal loo heli karo iyo in la baajiyo kulanka Golaha shacabka ay isaga iyo Muudey ay ku kala balamiyeen ajandayaal kala duwan mudanayaasha Baarlamaanka. Markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen wakiilada Qaramada iyo midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaas ka dib waxay u gudbeen madaxtooyada Soomaaliya oo ay kulan kula qaateen madaxweyne Farmaajo inkastoo aysan cadeen waxa ay isla meel dhigeen. Warar hoose oo la helay ayaa tilmaamaya in leysku fahmi waayay qodobadii ay soo jeediyeen Wakiilada, waxaan kulamadii gooni gooniga ahaa ee xalay dhacay ay noqdeen kuwoo aan miro dhalin. Kulamadaan ay soo qaban qaabiyeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Meacel Keating iyo Fransisco Madiera wakiilka midwoga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu doonayay in lagu baajiyo kulanka Baarlamaanka ee maanta dhacaya iyagoona ay doonayay in lasugo wafdi ka socda beesha Caalamka oo maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho, kuwaas oo Muqdisho u imaanaya xal u raadinta khilaafka ragaadiyay Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Mooshinka laga soo gudbiyey ee jawaari iyo Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa lasoo sheegayaa inay hadda ciidamo hubeysan la galeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Ciidamada hubeysan oo ay Jawaari iyo Cawad la galeen Xarunta Baarlamaanka ayaa lasoo sheegayaa inay yihiin Ilaaladooda. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Gudaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintaas ka muujiyey walwal farabadan, waxayna sheegeen inay arrintaan tahay xad gudub in Ciidamo lala soo galo Xarunta Baarlamaanka. Ciidamadan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban culus ayaa qaarkood ay wataan Qoryaha Boobeyaasha culus, waxaana la sheegay inay si lama filaan ah ugu gudbeen xarunta iyagoo ka yimid guriga Mahad Salaad kadibna ay fuuleen qeybta sare ee Baarlamaanka. Ciidamadaan ayaa lasoo sheegayaa inaysan kamid aheyn kuwa Booliska, Militariga iyo nabadsuggida dowladda Soomaaliya u diinwaan gashan, waxayna u abaabulan yihiin qaab maleeshiyaad ah. Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ay la tacaalayaan ciidamadan gaarka ah si meesha looga saaro, waxaana la hakiyey in xildhibaannada ay gudaha u galaan Baarlamaanka marka laga reebo koox yar oo bilowgii gudaha u galay. Ujeedka ciidamada taabacsan Mahad Salaad u galeen dhinaca sare ee xarunta ayaan la ogeyn, waxaana loo maleynayaa inay tahay khalkhal amni iyo in shirka Baarlamaanka lagu joojiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow gaaray xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad. Sidoo kale waxaa isagana gaaray gudaha xarunta Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey. Waxaana gudaha xarunta golaha shacabka kuwada sugan Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo isku qilaafsan Mooshinka Jawaari laga soo gudbiyay. Xildhibaanada ayaa safaf dhaadheer ku jira si loo baaro islamarkaasina ay gudaha u galaan. Waxaa durba soo baxaya khilaaf ku saabsan cida hogaamin doonto fadhiga Baarlamaanka. Waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka lagu balamiyay Ajandayaal is qilaafsan oo ku kala aadan Mooshinka Jawaari iyo Darbiga Kenya. La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari oo Tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia uu ka qabsoomayo kulamo iska soo horjeedo oo ay kala qabsan doonaan Xildhibaanada labada garab ee BF. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa qaarkood hadda ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo kala taabacsan labada Garab ee Mooshin wadayaasha iyo garabka difaaca Jawaari. Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka wakhti hore xaadiray ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan Jawaari, kuwaa horay loogu kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo inuu qabsoomayo Mooshinka. Xildhibaanada ugu badan ayaa aaminsan in xarunta Golaha Shacabka uu saakay ka dhacayo kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ayaa iyaguna waxaa dhankooda loo kala diray fariimo lagu ogeysiinaayo in kulanka uu yahay mid looga doodaayo ajando ku saabsan darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo. Xildhibaanada hadda ku sugan gudaha Xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay inay gaarayaan ku dhawaad 130 Xildhibaan, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan baarlamaanka. ‘’Waxaa hadda Xarunta baarlamaanka aan ku joognaa ku dhawaad 130 Xildhibaan oo isku jir ah, qeyb waliba waxa ay sugeysaa inay ka doodaan Ajandahooda waxaase lawada ogyahay in qorshaha kulanka uu yahay codeynta Mooshinka Jawaari’’ Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugan gudaha Xarunta ayaa kala fadhiya laba qeyb, waxaana lasoo sheegayaa in fadhigooda uu yahay mid muujinaaya isgarabsi. Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in Xarunta Golaha shacabka uu ka dhaco gacan ka hadal dhexmara Xildhibaanada labada ee baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online)- Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka xilli hore ay xarunta Baarlamaanka oo lagu balansan yahay inuu ka furmo kulan xasaasi ah oo looga doodayo mooshinka Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). Xildhibaanadda qaarkood ayaa saaka salaadii subax kadib isla markiiba gaaray xarunta Baarlamaanka iyadoo aan la furin xarunta waxayna is tubeen bannaanka Baarlamaanka, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xldhibaanada ay xilli hore tagaan xaruntaasi. Ciidamada ammaanka ayaa xildhibaannada u cayimay inaysan ilaaladooda la dhaafi karin goob u dhow Hotel Weheliye iyo Xarunta Tiyaaratarka, waxaana kaliya loo ogolaaday xildhibaannada iyo darawalkooda inay gudbaan, lamana soo werin wax qalalaase ah. Xaaladda ayaa degan iyadoo xildhibaannada labada dhinac ay ku qulqulayaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in guddoonka uu wadi doono guddoomiye ku xigeenka koowaaad C/weli Ibraahim Muudey kadib markii kursiga Guddoomiyaha laga qaaday goobta guddoominta xarunta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’addaha Amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan sugida amniga, magaalada Muqdisho xili maanta oo Arbaco ah uu furmayo kulanka Golaha Shacabka, kaas oo Xildhibaanada ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda. War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidamada Booliska, Nabadsugida, Xoogga dalka iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala Shaqeeyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa iyo kala sareynta Sharciga.
  14. Xildhibaannada barlamaanka federalka Soomaaliya ayaa saaka kusii qulqulaya xarunta golaha shacabka, halkaas oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo kalfadhi codka loogu qaadayo mooshinka lagasoo gudbiyay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya. Cabsi weyn ayaa laga qabaa in xarunta barlamaanku uu ka dhaco gacan ka hadal dhex mara xildhibaanada labada garab kala taabacsan, inkastoo ciidamada ammaanku ay ka reebeen dhammaan ilaaladii ay wateen xildhibaanada. guddoomiye Jawari iyo tiimkiisa ayaa isku ballansaday in maanta laga doodo arrinta la xiriira muranka Darbiga Kenya ka dhisayso xuduuda, iyagoo doonaya inay ku baajiyaan fadhiga mooshinka codka loogu qaado oo ay garabka kasoo horjeedo dabada ka riixayaan. Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa ayaa dusha eeganaya waxa ka socda barlamaanka kadib markii lagu fashilmay in xal loo helo khilaafka barlamaanka ka dhex taagan. Puntlandi.com
  15. UNITED NATIONS – Amid widely differing casualty figures for the Al-Shabab attack on the Ugandan AMISOM base in Somalia, Inner City Press on April 3 asked UN Spokesman Stephane Dujarric, video here, UN transcript here: Inner City Press: in Somalia, Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo ah guddoomiyaha guddiga nabad galyada gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshin golaha degaanka Garowe ka keeneen duqa Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir). Guddoomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda inay abuurto fowdo iyo khalalaase lid ku ah ammaanka caasimadda, wuxuuna xildhibaanada horboodaya mooshinkaas ugu baaqay inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada. Dhinaca kale Gudiga nabad gelyada gobolka Nugaal ayaa si kmg ah ujoojiyay kalfadhigii golaha degaanka degmada Garowe muddo ku siman 10 cisho ah, waxaana qoraalkaas loo gudbiyay wasaaraddaha amniga iyo arrimaja gudaha Puntlandi.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Waddooyinka xiran ayaa waxaa alagu arkayaa ciidamada dowladda oo Gaadiidka u diidaya in Wadooyinka badi ay isticamalaan xili maanta uu furmay kulanka Golaha Shacabka oo laba Ajende oo iska soo horjeeda ay yaalaan. Ciidamo isugu jira Boolis,Milateri iyo Nabadsugid ayaa Maanta ayaa waxaa lagu arkaaya Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho, sida Wadada Wadnah, Wadada Maka-Almukarama. Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga. Xaalada Magalada Muqdisho ayaa Maanta ah mid kacsan, waxna Isgoys walba taagan Ciidamada Dowladda oo Gaadiidka celinaya,sidoo kale waxaa la arkayaa in dadweynaha ay dhammaan wada lugeynayaan maadaama wadooyinka la xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor hore oo saaka ah sii tagay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Xildhibaanadaan ayaa ah Xildhibaanadii mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari. Xildhibaanada ayaa salaadii subax ka dib qaarkood gudaha u galay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Fadhiga Baarlamaanka ayaa loo balansanyahay 09:00 AM ee maanta xiligaasi oo mudanayaasha ay dhamaantood soo xaadiri doonaan. Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaal is qilaafsan oo kala duwan. Ajanadaha 1-aad waa Mooshinka Jawaari iyo Xiisada Baled-Xaawo oo la sheegay in iyana xubnaha qaar ay sheegeen in laga hadlayo. lama sii saadaali karo xaalada iyo halka ay ku dambeeyndoonto waxaana xusid mudan in Gudoomiye Jawaari uu shirkaasi sharci daro ku tilmaamay. La soco Puntland Post oo hel wararkii ugu dambeeyay Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano Saaka Aroortii sii tagay Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa saaka si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. ciidamada ayaa xiray Wadooyinka , Wadnaha , Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. Sidoo kale ciidamada ayaa xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala madaxyooyada iyo xarunta golaha shacabka. Arintaan ayaa ka dambeeysa kulan Xildhibaanada baarlamaanka Maanta oo Arbaco ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Muqdisho oo amaankeeda la adkeeyay iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.
  20. We, the Ethiopian Somali Democratic Council, has been in euphoric mood to witness the nomination and confirmation of Dr. Abiy Ahmed peacefully so that we will see the sustaining of economic prosperity, Source: Hiiraan Online
  21. Kadib doorasahdii Somaliland, waxaa jirtay oraah qiimo badan oo kusoo korortay diiwaanka siyaasadda Soomaalida, waana oraahdii dhumucda, xigmadda iyo miisaanka weynayd ee “Dalkeyga damaceyga u burburin mayo, dadkeygana dhiigooda u daadin maayo.” Waxaa oraahdan dhaxalgalka yiri Guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro – waxay ahayd go’aan qaadasho ku saleysan waddaniyad iyo u turitaan shacab. Haddaba, arin taas u dhiganta ayaa hortaalla madaxda DF Soomaaliya ee uu Muqdisho fadhigeedu yahay, gaar ahaana Gudd. Maxamed Cismaan Jawaari iyo RW Xassan Cali Kheyre. BAL DADWEYNOOW Khilaafka Gudd. Jawaari iyo RW Kheyre yaan Faataxada u marnaa, ducadana u raacinaa oo soo afjara ismarin-waagan siyaasadeed ee ku hor gudban hawlihii mudada kooban looga fadhiyay Dowladdan curdanka ah? Dabcan, haddii lagu guul-dareystay wadahadaladii iyo dhexdhexaadintii laga dhex waday labada dhinac iyo doorkii nabadoonimo ee madaxweynaha JF Soomaaliya #MC Farmaajo. AAN WEYDIISANO ama KU BOORINO Guddoomiye Maxamed Cismaan Jawaari inuu fursad siiyo Soomaaliyada cusub “The New Somalia.” iyo xukuumadda NABAD IYO NOLOL ee uu hoggaamiyo #RW Xassan C Kheyre isagoo qiimeynaya, islamarkaana tixgelinaya sooyaalka noloshiisa iyo diiwaanka taariikhdiisa siyaasadeed ee dhiganayaasha ku qoran. Guddoomiye dhawr arrimood aawadoodba, Fadlan Qaranka & Dowladnimada u tanaasul: Gudd. daqiiqadan aan kula hadlayo u maleyn maayo intaan aqaano inuu baarlamaanka ku jiro shakhsi kaaga aqoon badan, kaagana waayo aragsan qaanuunka dowladeed ee dalkeena. Maadaama aad aqoon ahaan sharciga baratay, muddana aad ku soo shaqeynaysay xirfad ahaan, haddana waxaan xasuusnahay inaad naga istaahisho inaad ka nasato siyaasadda iyo jahwareerkeeda – waxaa dhici karta inaad ilawday, balse Guddoomiye 70-ka ayaad sii dhaaftay, waxaadna 6 sano kor u dhaaftay da’da hawl-gabka sida ku cad sharciyada caalamiga ah ama kan dalkaaga 2-aad ee Norway. Fadlan eeg bogga NAV (Norwegian Labor and Welfare Administration) oo ah hay’adda Norway u qaabilsan Daryeelka shaqaalaha iyo dadka hawl-gabka. Gudd. Dabcan, waad xasuusan tahay inaad Qarankaan u soo shaqeysay adigoo kasoo bilaabay laamaha garsoorka, soo qabtay wasiirada Gaadiidka, Shaqaalaha iyo Isboortiska wakhtigii dowladii Kacaanka. Sidoo kalena, kadib dagaaladii sokeeye guddoomiye u noqday guddigii kasoo shaqeeyay qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo aad guddoomiye u ahayd muddo aad u dheer. Haddaba, mudane soo ma fiicna maadaama aad adiguba fursad u soo heshay inaad in ka badan 50 sanadood qarankan usoo adeegtay inaad dhaxalkaas sharaftiisa gurato, da’yarta haatan darka siyaasadda soo gashayna aad fursad siiso. Guddoomiye xasuuso xigmadii oraneysay “Taariikhdaadu waa dhaxalka ugu weyn ee aad uga tagi karto, qoyskaaga, qarankaaga iyo kuwa dhaxal sugayaashaada.” Fadlan taariikh iyo dhaxal wanaagsan nooga tag. Guddoomiye sidaan ognahay waxa guddoonkii Baarlamaankii 9-aad laguu doortay August, 2012 – waxaan filayaa inaad xasuusan tahay halka uu baarlamaankaas ku bas-beelay iyo inaad ugu dambeyntii adigu ku biirtay “Gollihii Madasha Qaranka” kadib markii aad ku guul-dareysteeb inaad dejisaan sharciyadii loogu tallo galay sare u qaadida amniga, dhissitaanka ciidamo qaran oo isku dhaf ah iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo dhammaan dalka laga hirgeliyo. Marba haddii madaxweyinihii isku wakhtiga la idin doortay uu meesha ka baxay, wey fiicnaan lahayd inaad adiguna Guddoomiye fursad siiso muwaadin kale oo masuuliyaddaas qaadi kara si aad u nasato, anaguna kuu xasuusano halgankaaga. Mudane Guddoomiye, dabcan waan hubaa inaad garawsan tahay hadalkii xigmadda badnaa ee taariikhda galay ee Maya Angelou oo ahayd gabar halgamaa madow mareykana ahayd ee tiri “Haddii aad dooneyso inaad noolaato weligaa, dhaxalna reebto. Dunida calaamad uga tag aanan la tir-tiri karin,” Fadlan, maanta fursad weyn ayaad heysataa ee calaamad iyo xasuus uga tag Soomaaliya aanan la tir-tiri karin Guddoomiye. Ugu dambeyntii waxay ila tahay Guddoomiye sooyaalkaaga taariikheed ee soo dhismayey tan iyo 1945-tii xiligii dhalashadaada iyo wixii aqoon, khibrad iyo saaxiibtnimo aad soo dhisaysay iyo sidoo kale wixii masuuliyad qaran ee aad ummaddan u soo qabatay maantay kuma baddelin kartid dagaal siyaasadeed fool-xun oo sababi kara inaad kamid noqoto dadka taariikhda madoow looga qoro dhiganayaasha Soomaalida. Haddaba, maadaama aad tahay Guddoomiyaheena, sharci-yaqaan khibrad dheer leh, oday Soomaaliyeed oo milgo, sharaf iyo ixtiraam dhammaanteen naga mudan, waxaan kuu soo jeedin lahaa aynu Faataxo aan ku marnee fadlan ka hor-wareeg dhalinyaradan cusub ee uu hormuudka u yahay #RW Xassan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisa. Maadaama RW Kheyre uu leeyahay shacbiyad xooggan, waxaa fiicnaan lahayd in fursad la siiyo. W/Q Abdiqafaar Shire Abdikafarshire@gmail.com Minneapolis, MN Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa mar Seddexaad ku guul dareystay xalinta buuqa ka dhex aloosan Guuddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia. Michael Keating, ayaa sheegay in qorshaha beesha caalamka uu ahaa in Soomaalida ay dhexdooda xalisato buuq Siyaasadeedka jira, hase ahaatee ay weli dareemayaan inaan laga maarmi doonin dhexdhexaadinta beesha caalamka. Michael Keating, waxa uu carab ***** in sanadihii ugu danbeeyay ay u bidhaameysay horumaro dhanka Siyaasada ah, hase ahaatee ay iminka u muuqaneyso in Siyaasada Somalia ay hakat kusii siqeyso. Michael Keating, oo xiisada baarlamaanka kala hadlaayay wakiilada kale ee dowladaha saaxiibada ka jooga Somalia, ayaa sheegay in dhowr jeer uu ku hingoobay xal u raadinta xiisada baarlamaanka Somalia, balse uusan gaarin halkii loo calaameeyay oo aheyd ‘’abuurista xal waara’’. ‘’ Kama quusan doono inaan ku dhex Milano Soomaalida si aan xal ugu helno xiisada ka dhextaagan baarlamaanka, waxaan rajeyneynaa inaanu xal u raadino xiisada taagan’’ Sidoo kale, Michael Keating, ayaa ku baaqay in xiisada ka dhexjirta baarlamaanka Somalia aysan ka gudbin Madaxda dhexdooda si aan loogu baahan faragalin dhab ah oo ay sameeyan caalamka. Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili xiisada baarlamaanka ay kusii siqeyso rajo xumi halkii ugu xumeyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaarraha Xukuumada Somalia, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa mar kale Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu baaqday inuu iska casilo xilka uu u hayo baarlamaanka. Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay inaanu joogsan doonin Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in xalka baarlamaanka uu xiligaan yahay Jawaari oo Kursiga faarujiya, sida ay haddalka u dhigtay. ‘’Waxa uu Jawaari ku kacay ayaa naaga filan muuqaalka ay muujinayaan kuwa taageersan, Mowqifkeenu waa keliya in Jawaari uu iscasilo’’ ‘’Jawaari haddii uu kalsooni isku qabo shir Jaraa’iid joogta ah ma aysan ku mashquuli laheyn, waxaan oran lahaa golaha shacabka la dhex imaada waxa aad isku heysaan’’ Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay sheegtay in Guddoomiye Jawaari ay ku hayaan cadeymo muuqda oo muujinaaya waxa dhib ah ee uu ku hayo dalka, gaar ahaan sharciyada, hase ahaatee ay dhinac u ridi doonaan sida ay tiri. Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa cadeysay inuu aad u yar yahay cadadka Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka, taasina ay ugu wacan tahay inay diraan Muuqaalo caga jugleyn ah oo lagu beer laxawsanaayo shacabka, sida ay sheegtay. Si kastaba ha ahaatee, xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ayaa meel xun gaartay, wixii ka danbeeyay guul darada ka dhalatay wadahadalsiinta Guddoonka baarlamaanka oo khilaafka aasaas u ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Amisom lagu amray iney ilaaliyaan Amaanka Baarlamaanka Federaalka iyadoo qaybaha kale ee Beesha Caalamkuna ay taageereen hindisaha Amisom, Beesha Caalamku waxay balan qaadeen inay indhaha ku heynayaan shir walba oo ka dhaca Golaha Shacabka ayna taageerayaan ilaalinta Dastuurka Soomaaliya. Masuuliyiinta Golaha Shacabka iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah ayaa iyana Beesha Caalamku indhaha ku heynaysaa, waxayna xaalada hada u muuqataa i Beesha Caalamku ay iminka faragaljn buuxda ku sameynayso Khilaafka u dheexeeya Madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Arinataan ayaa timid ka dib markii Gudoomiayaha Baarlamaanka uu maanta afka furtay uuna qarxiyey in Khilaafku uu hada meelxun uu marayo isagoo Gudoomiyuhu uu si cad u sheegay usheegay in Dagaalka Siyaasadeed uu u dhexeeyo Xukuumada Iyo Baarlamaanka. Waan waantii maalmihii dhaweyd socotayna ay ahayd hoosaasin aan waxba ka jirin arintaasna Beesha Caalamku aad ayay uga xumaadeen ugana rajo dhigeen. Waxaa la qorshaynayaa in beri oo arbaco ah ay Dhismaha Baarlamaanka ay yimaadaan Ciidomo Amisom ka socdz .. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ilaa hada kama uusan hadal hadaladaa kasoo yeeray Gudoomiye Jawaari. Wixii soo korsdha kala soco Puntlandi.com oo si gaara indhaha ugu haya xaalada siyaasadeed ee Muqdisho. Puntalndi.com Muqdisho