-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The filth caused by the overflowing toilets, unbearable for anyone, poses a special problem for the Somali men, most of whom are Muslim, noted Lehner, the attorney from Americans for Immigrant Justice. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada. “Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Farmaajo_Xeryo_Ciidan.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Maant Kormeeray Xeryo Ciidan oo ku yaalla Dulleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Somalia would benefit substantially from police reform, especially one that adopts a civil policing system where officers work for the people rather than the state, and perform their job duties in an impartial, ethical, and professional manner. Source: Hiiraan Online
-
The signing of the tripartite agreement on Berbera Port made to coincide with the visit of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia in UAE presents the Mogadishu-based government with the second sovereignty-diminishing problem. The first occurred several months after the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmaajo in February in 2017, when a Somali national was extradited to Ethiopia for allegedly being a member of ONLF. The Berbera Port Agreement will reduce the image of the Federal Government of Somalia as a key negotiator with Somaliland Government on the possibility of giving union a second chance or opting for amicable break up of Somalia into two sovereign states in the Northeast Africa. Controversial though the Port deal is the onus to prevent it from turning into a divisive issue among Somalis and Somalia's international partners is, one hand, on Somali political leaders in Hargeisa and Mogadishu , and the International Community on the other. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A Somali Committee investigating the toll of the devastating truck bombing in Mogadishu on Oct 14 has released new figures which raises the number of dead to 587. Source: Hiiraan Online
-
The change in leadership follows the surprise resignation of Prime Minister Hailemariam Desalegn last month. He is the first ruler in modern Ethiopian history to step down; previous leaders have died in office or been overthrown. He said he wanted to clear the way for reforms. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, soona noqday Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee Soomaaliya ayaa soo jeediyey in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaado xadgudubka ay shirkadda DP World ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya. “Warka kasoo yeeray Maareeyaha Shirkadda DP World Suldan binu Saxiim ma aha wax loo dulqaadan karo, waana wax taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo dowladda Soomaaliya u soo jiiday inay qaado tallaabooyin adag oo loogu jawaabayo Imaaraadka. Wuxuu soo jeediyay in si degdeg ah loogu yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya si wax looga waydiiyo arinkaan cabasho rasmi ah loogu gudbiyo, iyo in rasmi ah loo joojiyo hawlaha shirkadda DP World ay ka wado Barbera iyo Boosaso ilaa cudurdaar rasmi ah laga bixiyo xadgudubka lana marsiiyo heshiisyada shirkadda habraaca sharciyeed ah ee dalka u yaala. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post C/kariin Guuleed: “Waa in si degdeg ah loogu yeero safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, si..” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Iydoo uu taagan yahay murankii ka dhashay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Itoobiya, Somaliand iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kuna aadanaa Dekedda Berbera, ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa]. Xildhibaan ayaa sheegay in Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay muqadas ‘lama taabtaan ah’, isla markaana aan loo dul-qaadan karin xad-gudubka midnimada iyo madax-bannaanida Somalia. Mudane Odowaa ayaa hadalkiisan wuxuu kaga jawaabayay hadalkii kasoo yeeray Madaxa shirkadda DP World eek u saabsanaa in Dowladda Federaalka Spmalia aysan waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana aanay shaqo ku lahayn, waxna ka sameyn karin heshiiska Dekadda Berbera ee ay la galeen Somaliland. “Heshiiskii dekadda Berbera ee lagu saxiixay Imaaraadka Cadrabta, wuxuu xad-gudub ku yahay Maamulka Somaliland oo Dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 30%, intii kalana u ogolaaday Dalal shisheeye,” ayuu yiri xildhibnaan Odawaa. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa Talooyin u jeediyay Xukuumadda Somalia, kuwaas oo uu sheegay inay tahay in xukuumaddu ay si dhaqso ah u qaado ama ay muujinayso tunno la qabo oo ah inay iyaduna qayb ka tahay. Talooyinka uu xildhibaanku soo jeediyay ayaa waxay kala yihiin; In loo yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya. In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba). Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka og tahay, kumana filla baaq oo kaliya. Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan si kulul uga jawaabtay heshiiskaas oo dhigaya in saami ay ku yeelato Itoobiya, kaasoo gaaraya 19%, waxaana sidoo kale shirkadda DP World ay qaadatay 51%, halka ay Somaliland ka heshay 30%. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF oo si adag uga hadlay Heshiiskii Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hiigsiga Maamulka Gobolka ee sanadka 2022 uu yahay sidii dib u dajin buuxda loogu samayn lahaa dadka haatan barakacayaasha ku ah Caasimadda. Guddoomiyaha oo furay Shirka Wada-tashiga Arrimaha Barakacayaasha Gobolka ayaa tilmaamay in 500,000 oo qof ay haatan barakac ku yihiin gudaha Gobolka Benaadir, kuna noolyihiin xaalado nolaleed oo aad u adag. “Barakacayaasha intooda badan waxa ay ku sugan yihiin xeryaha ku yaalla magaalada tan iyo sanadkii 2011kii. Muddaas 7 sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata in aan iska kaashanno sidii aan dadkan ugu abuuri laheyn nolol ku haboon.”Ayuu yiri Eng. Yarisow. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq C/laahi Cabdi ayaa sheegay in ay kala shaqeyndoonaan Maamulka Gobolka Benaadir qiimeynta arimaha la xiriira hawlaha dib u dajinta iyo shuruucda dhulka dib u dajinta loogu sameyn doono barakacayaasha Gobolka. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeennada Wasaaradaha Qorsheynta, Amniga Gudaha, xubno ka socda Dawlad Goboleedyada dalka, Masuuliyiin Heer Gobol iyo Heer Degmo ee gobolka Benaadir, khubaro iyo hoggaanka barakacayaasha ku dhaqan magaalada . Gaba-gabadii Shirkaan waxaa la isla qaatay qodobada hoos ku xusan oo asaas u ah xal u helis waarta ee dhibaatooyinka barakacaayaasha : In la kor dhiyo dadaalka lagu wajahyo xaaladaha adage e ay ku jiraan barakacayaashu, gaar ahaan adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Magacaabista guddi farsamo oo ka kooban Dawlada Dhexe, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir oo diyaariya qorsheyaasha xalka waara ee barakacayaasha. In Dawlad Goboleedyada dalka, Gobolka Benaadir iyo hay’adaha caalamiga ah ay si wada jir ah uga shaqeeyaan ka mira-dhalinta qorshaha dib u dajinta barakacayaasha. In la diyaariyo qorshe lagu wajahayo xaaladaha deg deg ah ee sababa barakicinta sida abaaraha iyo colaadaha. Xoojin wada shaqeynta amni ee ka dhaxeysa laamaha ammaanka iyo dadka barakacayaasha ah si looga hortago falalka amni darrada ah. In aan dadka barakacayaasha ah lagu khasbin in dib loogu celiyo deegaannadii ay horey uga yimaadeen. In Maamulka iyo dawladduba ay xaq u leedahay dib ula soo laabashada dhulka dawliga ah ee barakacayaashu ay ku noolyihiin hadii ay u baahato in ay u isticmaasho danta guud. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka oo Daah-furay Shir looga Tashanayo Arrimaha Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
-
Duqa Cusub ee sida ku meel-gaarka ah madaxweyne Gaas u magacaaay,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka hadlay arrimaha amniga,dhismaha golaha degaanka iyo qaadista canshuuraha degmada Boosaaso. Duqa cusub ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa markii uu gaaray magaalada Boosaaso,waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu hoggaaminayo duqii hore degmada Boosaaso,ganacsato iyo dadweyne kale. Mudane.Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo hadal kooban u jeediyay shacabka magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay hortaallo shaqo culus oo u baahan in si midnimo ah lagu wajaho,isagoo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha Boosaaso ka codsaday in ay kala shaqeeyaan arrimaha sugidda amniga iyo qaadista canshuuraha inta laga soo dhisayo gole degaan oo cusub. Si gaar ah duqa ayaa shacabka ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestaan kuwa amni-darrada iyo khalkalka ku haya xasiloonida magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo dadka canshuuraha diida,isagoo ballan qaaday in canshuurta ay bixiyaan dadka reer Boosaaso aanay meel qaldan ku dhici doonin. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Daawo: Duqa Cusub ee Boosaaso oo shacabka la hadlay. appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka Hor yimid Heshiiska Saddex Geesodka ah ee magaalada Abu Dhabi ay ku kala saxixdeen Somaliland, Itoobiya Iyo Shirkada DP World. C/raxmaan Maxmed C/llaahi Cirro ayaa sheegay in heshiiskaasi uu jebinayo heshiiskii hore ee ay ansixiyeen Golayaasha Somaliland, wuxuuna soo qaatay Qodobka 15-aad ee heshiiskii hore oo ahaa mid laba dhinac ka kooban, isla markaana muddo 5 sano ah diidaya in cid kle lagu sii biirin karo. Arrinta uu qarxiyey guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa qeyb ka ah diidmo weyn oo laga hor keenay Saami ay Itoobiya ku yeelatay dekadda Berbera oo aan la ogeyn waxa ay ku muteysatay. C/raxmaan Cirro ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ka dalbaday inuu shacabka la wadaago waxa dhacay iyo weliba fashilka ku yimid mashruucii Imaaraadku maalgeliyey ee Xubno weyne, kaasoo muddo 10 sanadood ah socday. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka arrintaan ku saabsan: Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Muuqal: C/raxmaan Cirro oo kashifay khiyaamo & Sharci darro ku jirta heshiiska Dekadda Berbera ee Itoobiya lagu biiriyey appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Bosaaso maanta waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Duqa cusub ee ku meelgaarka ah ee degmada Bosaaso oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas kadib markii uu kala diray Golihii deegaanka ee degmada Bosaaso oo uu khilaaf soo kala dhax galay . Duleedka Magaalada Bosaaso waxa ku soo dhaweeyay duqa cusub Maamulkii hore ee degmada Bosaaso , waxgaradka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Bosaaso. Duqii hore ee degmada Bosaaso Injineer Yaasiin Mire oo ugu horeen madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu ku farax san yahay in mudo 2 sano ah uu soo hayay xilkan haatana uu diyaar uyahay in uu ku wareejiyo duqa cusub lana shaqeeyo. C/salaan Bashiir C/salaan duqa cusub ee degmada Bosaaso oo marka hore u mahad celiyay buslasahada ku dhaqan Magaalada Bosaaso ee duleedka Magaalada ku soo dhaweysay ayaa sheegay in Maamulkiisa ay utaalo shaqo adag oo ay ugu horayso soo dhisida Golihii deegaanka ee degmada Bosaaso . Waxa uu duqa cusub uu sheegay in uu ladagaalami dooono mudada koo ban ee uu xilka hayo Musuq maasuqa ka jira dowladda hoose ee Magaalada Bosaaso. Halkan ka dhagayso. Duqa cusub ee bosaso Halkan ka daawo Sawirrada. Puntlandi.com Bosaaso
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu booqasho kormeer ah ku tagay qaar kamid ah xeryaha Milatariga Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho. inta maanta uu socday kormeerka madaxweynaha ayaanan la xirin wadooyinka magalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay Maanta ku tegay Xerada Bangala ee degmada Deeyniile oo ay deganyihin cutubyo katisan xooga dalka isagoo kula hadlay halkaasi. sidoo kale madaxweynaha ayaa tagay xero ay ciidanka Milatariga Soomaaliya deganyihiin oo ku taala warshadda hore ee Nac naca ee degmada Wadajir . Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa Maanta wax saameyn ah ku yeelan Shacabka Muqdisho isla markaana aanan wadooyinka loo xirin xili la ogaa in Wadooyinka loo xiri jiray madaxda markii ay kormeero sameynayaan sidaan oo kale. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xerooyin ciidan Iyada oo aan wadooyinka loo xirin appeared first on Caasimada Online.
-
On 4th March 2018, the Office of the Attorney General charged Neama Ahmed Ibrahim who was arrested on 27th January 2018 from Hargeisa Egal International Airport while she was traveling to Mogadishu, the capital of Somalia. The prosecution charged Naema of two accounts: Anti-national Activity of a citizen abroad (article 212 of the Penal Code) and Bringing the Nation or the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code). As stated in the charge sheet dated on 4th March, the first charge relates to a Facebook post allegedly written by Naema in her Facebook account. The prosecution says the post “weakens the existence, unity, and solidarity of the State.” The second charge is about “insult and defamation against the state circulated in the media,” by Naema, the charge sheet says. If found guilty, Naema could face more than eight years of imprisonment. Mohamed Kayse Mohamoud who was arrested on 7th February 2018 for Facebook posts, is also in detention. Mohamed was arrested for comments posted on his Facebook account. The Deputy Attorney General who in earlier spoke to VOASomali, called these Facebook posts as a “propaganda against the statehood of Somaliland”. Somaliland declared restoration of independence from Somalia on 18th May 1991. The Constitution of Somaliland, the International Covenant on Civil and Political Rights and the Universal Declaration of Human Rights guarantee freedom of expression. Human Rights Centre requests the government of Somaliland to drop all charges against Naema, and to release both Naema Ahmed and Mohamed Kayse Mohamoud. Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Hargeysa Somaliland
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Ururuka Al-Shabaab ayaa baahisay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii naftii haligaha ahaa ee Jimcadii lasoo dhaafay isku qarxiyey saldhig melleteri oo dowladda Imaaraatka carabta ay ka dhistay duleedka Muqdisho. Weerarkan oo dhacay waxyar ka hor inta aanan la gaarin salaadda jimcaha ayaa lagu beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda ee uu soo tababaray Imaaraatka Carabta. Howlgalkan waxaa fuliyey Aadan Cali Ukumey oo sidoo kale loo yaqaano (Qalinle iyo Baariyow) kana dhashay Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele. Wuxuu ahaa naftii halige 26 jir ah oo ku dhashay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Wareysi laga duubay ka hor intii uusan weerarka gelin ayuu uga sheekeeyee waxa ku riixay in uu weerar naf hurnimo ku qaado ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Shabaab oo baahisay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey Weerarkii lagu qaaday Saldhigga Ciidanka Imaaraatka Ee Afgooye. appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhawan soo dayn doonto Maxaabiista ku xiran Xabsiyada ku yaala dalalka Jordan iyo Liibiya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in hada ay dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sii daynta Maxaabiista ku xiran Xab siyadaasi ku yaala dalalkaasi . Waxa uu sheegay in Qarashaadka ku baxaya soo celinta Maxaabiista ku xiran dunida dacaladeeda ay bixinayso dowladda Fadaraalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenkan in howshan ay ka wada shaqayna yaan Golayaasha dowladda, haday sharci tahay iyo hadii ay tahay adeegii iyo gurmadkii kale ee loo baahnaa taas oo uu Madaxweyne Farmaajo uu Amar ku bixiyay . Codka Abuukaate Mahdi Maxamed
-
On Tuesday, the British government will host a humanitarian funding conference in London. The purpose is to raise money to tackle the current food crisis in Somalia. The conference comes a year after the UN named Somalia as one of four countries at credible risk of famine and, 12 months on, the situation remains extremely worrying. An estimated 5.4 million people continue to need humanitarian assistance, 3.2 million of whom are in a situation of crisis. As a result, the 2018 Humanitarian Response Plan for Somalia is seeking a further $1.5 billion to provide urgent support. Quiet optimism But though the situation is bleak as donor governments gather in London, there are also some reasons for quiet optimism. Whilst humanitarian aid could not bring the Somalia crisis to an end last year – considering the deeply rooted challenges that the country faces, that was never going to be possible – it did help to avert famine and has reduced the suffering of millions of people. At Tuesday’s conference, it is therefore crucial that we build on rather than squandering the progress that has been made. It will take time for Somalis to recover from the past 18 months of drought. Crop harvests have been very poor, livestock losses are substantial and many people have been forced to move from rural to urban areas in search of support – over two million people are now internally displaced. There are also no immediate prospects of the drought coming to an end; Somalia faces a fifth consecutive season of below average rainfall. But anyone thinking that the situation is hopeless should also consider what has been achieved in the country. Local and international humanitarian agencies are currently reaching more than three million people per month. Up to a million children under age 5 and pregnant and breastfeeding women have been treated for malnutrition since January 2017. Somalia is a difficult place to work, with some of the worst-affected areas under the control of armed groups, but these figures demonstrate that the humanitarian operation is having a real impact. Resilience work makes sense There are also positive signs that resilience programmes – such as the UK-funded BRCiS programme operated by Concern in consortium with four other agencies – are helping to meet needs while addressing some of the underlying problems that have contributed to the food crisis. And a new research report, commissioned by USAID to look at the impact of recent programming in Somalia and drawing in part from the learning of Concern’s DFID-funded resilience work has found that, as well as helping people on the ground, resilience makes good economic sense. It finds that investing in early response and resilience yields average benefits of $2.8 for every $1 invested. Donors providing money for programmes aiming to build the long-term resilience of vulnerable people can feel reassured that this is money well spent. So for these reasons, donor governments coming to the table at Tuesday’s funding meeting must continue to provide assistance for people affected by the food crisis in Somalia. Because the levels of need urgently demand it, yes, but also because there is ample evidence that the money is making a difference where it is most required. Concern
-
Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliland iyo Shirkadda DP World ayaa waxaa soo baxayay eedeenta loo soo jeedinayo Maamulka lamagac baxay Soomaaliland ee heshiiskan la saxiixday Shirkadaasi. Siyaasiyiin ,Aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deeganada uu ka arimiyo Maamulka Soomaaliland ayaa ka soo hor jeestay heshiiskan sharci darada ah. Siyaasiyiinta ka soo horjeeda heshiiskan ayaa waxaa kamid ah Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo sheegay in Madaxweyne Muuse biixi uu iibsaday gobolka saaxil iyo khayraadkii kujiray Saamiga lasiiyay Soomaalilandna uusan ahayn mid uqalma shacabka Soomaaliland ,taas oo ah mid ka hor imanaysa wixii ay ku heshiiyeen Beelaha wada dagan Soomaaliland. Halkan ka dhagayso Siyaasi Buu baa oo arimahaasi si kulul uga hadlay . buu baa
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya way tahay lama taabtaan, isla markaana aan loo dulqaadan karin xadgudubka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Hadalka Odowaa ayaa jawaab u ahaa madaxa shirkadda DP World kasoo yeeray oo ku saabsan in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan waxba ka quseyn Somaliland, isla markaana aanay shaqo ku lahayn, waxna ka sameyn karin heshiiska Dekadda Berbera ee ay la galeen Somaliland. “Heshiiskani (Dekadda Berbera ee lagu galay Imaaraadka) wuxuu xitaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo Dekaddii ay maamulayeen ka qaatay saami dhan 30%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.” ayuu yiri Xildhibnaanka oo tallooyinka soo socda u soo jeediyay xukuumadda Soomaaliya 1- In loo yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya. 2- In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Berbera iyo Bosaaso (maaddaama aysan oggolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba). Haddii aysan xukuumaddu qaadin tallaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arrimahan wax ka og tahay, kumana filla baaq oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Xildhibaan Odowaa: “Waxaan u qaadaneynaa in xukuumadda wax ka ogtahay heshiiska dekadda Berbera, haddii aysan….” appeared first on Caasimada Online.
-
iyadoo dowladda Fadaraalka soomaaliya ay dhawaan qaadacday heshiiskii sharcidarada ahaa ee ay kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada DP World ee saamiga laga siiyay dowladda Itoobiya ayaa aritaasi waxaa ka jawaabay oo Go,aanka ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ganafka utuuray oo qaadacay Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo lahadlay Warbaahinta Imaaraadka Carabta. Waxa uu Yiri Suldaan Ahmed Bin Suleymaan” nama qusayso waxa ay leedahay dowladda Fadaraalka Soomaaliya , Soomaaliland waa dowladda Madax banaa need mudo 28 sano ah ,waana meel xasiloon oo ay Dimuqraadiyadi ay ka jirto, Mashruucayaga waxa uu helay ogolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliland , Ma awoodikarto Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya in ay wax badasho aan ka ahayn hadalo ay jeediyaan oo aan anagu joojin karin, howshu waa ay noo socotaa Mashruucanna xil baa naga saaran waan ilaalinaynaa anaga iyo kuwa aan nahay shuraakada ee Soomaaliland iyo Itoobiya . Mar uu ka hadlay oo wax laga waydiiyay heshiiskii Jabuuti ay kabaxday ayaa waxa uu ku jawaabay “Jabuuti Maxkamada aan uga dacwoonay waa isla Maxkamadii ay naga soo dacweeyeen , goaanka ay Maxkamada soo saarto waxaan filaynaa in naloo xukumo heshiiskii Jabuuti ,fulinta iyo go,aanka Maxkamada waxaa jiridoona ganaax iyo Magdhaw laxiriira sumacadayada iyo qaabka ay noola dhaqmeen Jabuuti ,run ahaantii Jabuuti heshiiska oo kaliya ma ay san bur burin balse waxa ay xoog kula wareegeen Dekeda ,anaga oo leh qayb kamid ah waan kaxunahay waxa ay talaabadasi dhaawacaysaa Jabuuti iyo dowladdaha Afrika anaga wax wayn nama ay san soo gaarin ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World.