Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika Mudane Luciano Pezzotti iyo Safiirka dalkas ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile sidii dalka Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Gobolka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan soo celinta xiriirka Caasimaddu ay la lahayd magaalooyinka kale ee dunida, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, soo celinta bilicda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar. “Danjiraha iyo Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ee Soomaaliya waxaan isku af garanay muhiimadda ay leedahay in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyey magaalooyinka dalka Talyaaniga iyo Magaalada Muqdisho, si aan isu dhaafsanno khibradaha dhanka maamulka, xoojinna ay u noqoto dib u dhiska mashaariicda horumarineed.” Inj. Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta dalka Talyaaniga ka wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka Benaadir, arrinkan oo uu sheegay Guddoomiyehu in ay xal u helistiisa kala kaashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Dad kor u dhaafaya 500,000 oo barakacayaal ah ayaa ku nool Gobolka. Si aan xal ugu helno, dib u dajinna iyo nolol munaasab ahna aan ugu sameeyno waa in aan la kaashannaa cid kasta oo gacan naga siin karta xal u helisteeda, sababtoo ah ma aqbali karno in Caasimaddii ay dad barakac ku yihiin iyadoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur burkii,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddomiyaha Ku Xigeenkiisa Arriimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, iyadoona dhinaca Talyaaniga ay ka soo qeyb galeen. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Yariisow_Muqdisho.mp3 PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u Qaabilsan Afrika appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) — Dab sababay dhimashada lix ruux oo hal qoys ah ayaa ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Hooyo Soomaaliyeed iyo lix caruur ah oo ay dhashay ayaa dabkaan ku dhintay. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobollka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay inay u gurmadeen guriga uu dabku ka kacay. Hase yeeshee, nasiib darro ay badbaadin waayeen nolosha qoyskii gurigaan deganaa. Aabaha dhalay caruurta ku geeriyootay guriga uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay inuu xilli dambe kusoo baraarugay dabkaan guriga qabsaday, markii uu isku deyey inuu guriga qoyska ka saarana isku daygiisii wuu ku guuldarreystay. Hooyada dhashay caruurta ayaa lagu soo waramayaa inay diiday inay kaligeed dabka ka baxsato iyadoo dooneysay inay caruurteeda badbaadsato, balse nasiib xumo iyada iyo shanteedii caruurta ahaa ayaa ku geeriyooday dabkaan oo wixii intaas ka dambeeyey sii xoogeystay. Lama oga sababtii ka dambeysay inuu dabkku ka kaco gurigaan, iyadoo deriskii u gurmaday iyo gaadiidka dab-demiska ah ee maamulka gobolka Banaadir ay badbaadin waayeen qoyskaan. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL . Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo dhammaantood ahaa kuwa kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey. Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna uusan sii ahaan doonin Guddoomiye. Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka. Xildhibanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dhex arkayey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre sida: 1) Wasiirka Maaliyadda 2) Wasiirka Amniga 3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska 4) Wasiirka Gaashaandhiga 5) Wasiirka Ganacsiga 6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta 7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha 8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta 9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno Xaaladda Jawaari ayaa u muuqato inay mugdi sii galeyso, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii kordhaya tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu aqbalay mooshinka laga keenay isla markaasna uu sheegay in loo codeyn doono muddo 10 maalin ah kadib sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
  4. Bosaso-[Puntland Post]-Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal,Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. hoos ka Daawo Muuqaalka Doonta Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Daawo”Dooni Ganacsi oo Ku Gubatay Xeebta Magaaladda Boosaso. appeared first on Puntland Post.
  5. Dadka aan siyaasada dabaysheeda dhanka ay u socota garanaynin aad bay ugu wareereen khilaafka cusub ee soo if baxay dadkaas waxaa ka mid ah xildhibaano mug wayn ku leh dalkeena waxaa sidoo kale ka mid culimo aad looga yaqaano dalka. Gudoomiye jawaari ayaa jeediye maalin ka hor inay mooshinkiisu ka dambayso xukuumada Hassan Ali Kheyre tahayna waxa loo ridayo inuu diiday inuu saxiixo ama meel mariyo go aano ku ah qiyaano shacbiga soomaaliyeed go aanadaas ma uusan sharixin , wuxuu sidoo kale baaq u diray baarlamaanka iyo beesha caalamka inaan arinkaan la dhayalsan sidoo kale Jawaari wuxuu baaq aan horay looga baran u diray Shacbiga soomaaliyeed isagoo u sheegaya in ay xukuumadu khiyaamayso shacbiga . Sida la sheegay xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari oo uu ku eedeeyey inay dabada ka riixayso Xukuumada waxay qabteen shirar is xig xigay kuwaasoo laga dheehan karay kalsoonida ay isku qabaan Hadaba yaa dadkii wareeriyey oo waxaan jirin u sheegaya shacbigii ma Jawaari mise Xildhibaanada Mooshinka ka wada JAWAARI : Hadaan ku hor marno wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaalo ay xukuumadu saxiix ku tiri ayna ka dambayso mooshinkiisa sidoo kale wuxuu si hoose xildhibaanada ugu sheegay in xukuumadu aysan raali ka ahayn mooshinkii DP WORLD ee todobaadkii tagay la meel mariyay sidaasna ay ugu kadsoomeen xildhibaano uu ka mid yahay Zakariye. Markaad eegtana xukuumadaan raali ka ahayn in DP WORLD la cayriyo waa war aan bislayn una baahin karkarin. XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADA: iyaguna waxay odayga jawaari ah ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadyadii baarlamaanka shaqooyin badan oo socdayna uu is hortaag ku sameeyey sida ansixinta hindiso sharciyeedyo badan waxaa sidoo kale warar kale oo madax banaan sheegayaan inuu odaygu waa Jawaariye ka dalbaday madaxda qaranka Lacag uu ku meel mariyo Dhamaan shaqooyinka taagan kagana difaaco dawlada mooshinada lagusoo wado taasoo ay madaxdu ka biyo diideen inay fuliyaan kadibna uu odaygu bilaabay dardar gelinta Mooshin Madaxa xukuumada lagu ridayo balse looga guuleystay lagalana hormaray xabadii . Fashilka Jawaari waxaa ka dambeeya xildhibaanada Mucaaradka ah iyo kuwa u adeega Dawlada yar ee EMIRATEKA iyo hamigiisa ah inuu wali moodayo in la joogo xiligii baada Ugu dambayn shirar badan oo lagu dhex dhexaadinayay ayaa fashilmay sidoo kale maxadwaynaha ayaa arintan daraadeed uga baaqday safar uu ku tagi lahaa Dalka Qatar waxayna u badan tahay maadaama uu Jawaari sii huriyay inaan laga aqbalin heshiis balse uu odaygu tagi doono , haduuse joogo waxaad moodaa inuu noqon doono nin ka tanaasulay dhamaan wixii khilaafka dhaliyay hada ka dibna aan is waali doonin ilaa iyo intuu kasoo kabanayo Wabilaahi Tawfiiq By: Ina Hurre Diiriye???
  6. Bosaso-[Puntland Post]-Munasabad lagu shaacinayey xiliga la qabanayo caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari. Isimo Nabdoono siyaasiyiin iyo waxagarad ayaa ka qeyb galay Munasabada lagu shaacinayey caleemo saarka. 15ka bisha Afraad oo ku beegan maalin khamiis ah ayaa lagu caleemo saarayaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Degmada Carmo oo ka tirsan gobalka Bari, sida ay sheegen gudiga qaban qaabada caleemo saarka. Suldaan Bashiir koonte oo ka hadlaya Munasabada ayaa isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil oo lagu wado in ay ka dhacdo Degmada Carmo oo ka tirsan ee gobalka Bari,. ”Waxan Isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqaynaa in ay nagala soo qeyb galan Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacil , Waxan Rajeynaynaa in aad codsigaya naga Aqbashaan wanu idin sugaynaa diyaarna wanu idin nahay soo dhaweyntiina” sidaas waxa yri Suldaan Bashiir Koonte. Inta ay munasabadu socotay ayaa waxa ka hadlay goobta Nabadoono iyo waxagardkii kulan ka qeyb galaya waxana ay qireen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galaka caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil. Ugu danaben munasabada ayaa ku soo dhamaataya Jawi dagan. The post Wakhtiga la qabanayo Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo la shaaciyey appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulankii xalay dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Kulanka ayaa la xaqiijiyey inuu guddoomiya Jawaari meesha ka saaray waanwaan daba dheeraata oo arrinta mooshinka laga galo, wuxuuna dalbaday saddex qodob si mooshinkiisa loo guda galo si cadaalad ahna loogu kala baxo: QODOBADDA WAXAY KALA YIIHIN: 1- In Ciidamada qabsaday laga dul qaado Xarunta baarlamaanka, loona soo celiyo ciidamadii loo tababaray ammaanka xarunta Baarlamaanka. 2- In 10 Maamulood gudahood lagu hor keeno mooshinkiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka, taasoo ka bilaabaneysaa 14-kii bishan Maarso. 3- Iyo in Cod bixintu noqoto Qarsoodi, sida uu qorayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay qodobadaasi, balse aanu wax jawaab ah siinin ee uu u sheegay inuu ku wargelin doono, kadib la-tashiyada uu la sameynayo dhinaca kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Bardaale (Caasimadda Online) – Mucjiso haysata gabar ku nool Gobolka Baay ee deeganada Koonfur Galbeed oo korkeeda uu dab ka kacayo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Gabadhan oo marwo ah ayaa isaga carartay Magaalada Baydhabo, waxayna hadda joogta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kadib markii saddex guri oo ay ka degtay Magaalada Baydhabo uu saameeyay dabka korkeeda ka kacayo. Mucjisada haysata gabadhaan ayaa ah mid xag alle ka timid oo dadka illaa hadda ay la yaaban yihiin, maadaama jirkeeda gabadhaan uu dab ka kacaayo oo haddii guri ay joogto uu saameynaayo dabka, gurigana uu gubanaayo. Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Saalax Axmed Sheekh Caamir Wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay ,in arrintan tahay mid mucjiso ah, haddana gabadha ay joogto Degmada Bardaale oo ay isaga soo carartay Magaalada Baydhabo. “Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.” Guddoomiyaha Degmada Bardaale. Arintaan oo mucjiso ah, ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale, wuxuu sheegay inay tahay mid ay aad ula yaaban yihiin, balse dadaalka hadda socda uu yahay kaliya mid gabadha qur’aan lagu saaraayo. Waa dhacdo ku cusub deeganada Somalida in la arko qof dab korkiisa uu ka kacaayo, uuna saameynaayo goobta ay ku sugan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Moscow (Caasimada Online) — Madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa gaaray guushiisii ugu weyneyd abid doorashadii dhacday Isniintii. Vladimir Putin ayaana haatan lixda sanno ee nagu soo foolka leh sii maamuli doona dalka adduunka ugu weyn ee Russia, dagaalkii uu kula jiray Galbeedka ayaana sii xoogeysan doona. Putin ayaa haatan illaa sannadka 2024ta sii maamuli doona Russia, taasoo ka dhigan inuu xukunkiisa Ruushku gaari doono rubac qarni (25 sanno), wuxuuna noqon doonaa ninkii ugu taliska dheeraa tan iyo Kaligi-taliye Josef Stalin. Putin oo 71 sanno jirsan doona bisha October ee sannadkaan ayaa ku guuleystay boqolkiiba 76.68 codadkii la qaaday, taasoo ka dhigan inuu helay in k Abadan 56 milyan oo codad ah. Waana guushii ugu weyneyd ee uu gaaro hogaamiye Russia ah tan iyo markii ay ka baxeen Xukunkii Soviet iyo libintii ugu weyneyd ee Putin. Isagoo taageereyaal isku soo baxay kula hadlay Fagaaraha Red Square, Putin wuxuu daaha ka qaaday inay guushaani u aheyd cod kalsooni ah ayna timid waqti adag. Ninkii ugu dhowaa ee la tartamayey Putin wuxuu ahaa Pavel Grudinin kaasoo helay boqolkiiba 11.8 codadkii la qaaday, halka Vladimir Zhirinovsky uu helay boqolkiiba 5.6. Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah Alexei Navalny ayaana laga mamnuucay inuu dalka soo galo. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com
  10. Kadib markii maalintii shalay warsidaha Puntlandi uu daabacay warbixin ku saabsanayd iscasilaada taliye ku xigeenkii ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa waxaa xafiiska warqabadka Puntlandi soo gaaray wareegtadii uu isku casilay taliye ku xigeenka. Taliye ku xigeenku ma sheegin sababta uu isku casilay, inkastoo uu ku gaabsaday in arrimo isaga ugaar ah uu shaqada uga tagay, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday inuu ka aqbalo. Puntlandi.com
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada kasoo jeedo deeganada Koonfur Galbeedo oo Maanta Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho isugu yimid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ka codsaday inuu si deg deg ah isku casilo. Kulankaan oo ay kasoo qeyb galeen ilaa 30 Xildhibaan oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa Jawaari usoo jeediyey inuu is casilo. Xildhibaanadaan oo ka hadlayey arrinta ku aadan inuu Kheyre ka dambeeyo mooshinkaan ayaa sheegay inuusan dabada ka riixeen Kheyre balse ay Xildhibaanada garteen inay Mooshin ka keenaan Jawaari kadib markii uu ku xad gudbay Dastuurka sida ay sheegeen. Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada
  12. Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto. Deyr Xaaji Cabdi ayaa wargad is-casilaad ah u gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska Daraawiishta oo diiday in magacooda la xigto. Warqadda iscasiladda oo ku taariikhaysan 15 bishan Maarso ayaa la ogaysiiyay madaxweyne ku xigeenka iyo taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland,waxaana taliyuhu sheegay in duruufo jira awgood uusan shaqada sii wadi karin. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaan weli aqbalin warqadda is-casilaadda,sida ay xaqiijinayan ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada Puntland,iyadoo wararku sheegayan in madaxda sare ee dowladda Puntland ay kulan ugu yeeri doonaan taliye Deyr,si uu faahfaahin uga bixiyo arrimaha keenay is-casilaaddiisa. QORAALKAAN PUNTLAND POST The post Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo is-casilay. appeared first on Puntland Post.
  13. Rescue efforts is underway after a commercial boat caught fire near Bosasso Port of Puntland State. Source: Hiiraan Online
  14. Mudahaarad xoogan oo loogasoo horjeedo maamulka Hargeysa ayaa ka socda degmada Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo ay ka qeyb galayaasha boqolaal shacab ah oo caraysan. Mudaharaadkaan ayaa loogasoo horjeedaa loogana jawaabayay hadalo nacayb ah oo kasoo yeeray magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, kuwaas oo loogu gafay beesha Daarood iyo madaxweynayaashii Soomaaliyeed. Waxaa mudahaaradkaan uu bilowday saakay waaberigii, iyagoo shacabka ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ka dhan ah maamulka SNM. Warsidaha Puntlandi ayaa wareystay goob jooge ku sugan Tukaraq. Halkaan ka dhegayso codka. Cige - My Recording Puntlandi.com
  15. Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Shirkii Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada uga furmi lahaa Garowe uu baaqday, Sababta uu shirku u baaqdey lama oga, laakiin Howlwadeenada Puntlandi ayaa ogaaday in Shirku uu baawday, Waxaana qorshuhu ahaa inuu dhaco beri oo Talaado ah, Puntlandi Garowe
  16. Police are holding two men believed to be Al-Shabaab recruiters who were trying to sneak out of the country to join Al-Shabaab in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Xoghayaha Joogtada xafiiska Ra’isal Wasaaraha Mudane Maxamed Kaynaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hay’ada Abyrint ee ka caawiso wadamada u nuqul dhibaatooyinka xaga Maamulka bixinta mushaaraadka. Kulankan ayaa ahaa mid xogwaraysi ah oo ay hay’ada ku soo bandhigaysay wax qabadkeeda xaga bixinta mushaaraadka iyo si ay u socdaan hawlaha dowlada iyo sara u kaca mushaaraadka, iyagoo soo bandhigay shax iyo warbixin maaliyadeedayka ay ka diyaariyeen hababka ay dowlada iyo dowladgoboleedyada ay u bixiyaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha Rayidka ah. Dhanka kale Xogahaya ayaa ka warbixiyay sida ay xukuumada ahmiyad gaar ah ugu leedahay bixinta mushaaraadka iyo marxaladihii ay dowlada ka soo martay bixinta mushaaraadka iyo sida ay u suurta,galiyeen in shaqaalaha ay mushaaraadkooda ugu shubaan bangiyada. Ugu danbayntii Xoghaye Kaynaan ayaa hay’ada Abyrint ku amaanay doorkeeda wax qabad iyo dadaalka ay ku muujiyeen sida xukuumada Soomaaliya ay ugu caawiyeen hab maaliyeedka ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha Rayidka iyo Ciidamada wuxuuna u balanqaaday in wadashaqaynta ay ahaandoonto mid joogta ah.
  18. Five children and their mother were killed in an early morning fire on Monday in Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraxweyne ayaa maanta magacaabay guddiga uqareemida dhismaha garoonka kubada cagta Garowe, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska maamulka gobolka. Guddigaan ka kooban 20 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ururada maxaliga ah, bahda ciyaaraha, haweenka iyo warbaahinta. Guddigaan waxay ka shaqayndoonan sidii garoonka kubada Garowe ee Mire-awaare looga dhigi lahaa garoon casri ah oo leh Cawyska cagaaran. Guddigaan guddi ka horeeyay oo ay magacowday wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa fashilmay oo shaqayn waayay. Puntlandi.com
  20. A 13-year-old girl in Mississippi has died after allegedly being shot by her nine-year-old brother over a video game, police say. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maalmahaan jirto siyaasad cakiran oo u dhaxeyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan ayaa mooshin ka gudbiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy Jawaari kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay Dastuurka dalka u yaalo iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba waxaa is waydiin mudan hadda ka hor ma dhacay in Guddoomiye Baarlamaanka Mooshin laga keeno isla markaasna lagu guuleysto. Arrintaas waxay Soomaaliya ka dhacday hal mar, waxayna xilligaas aheyd 1965. Dowladdii Kacaanka nama quseyso waayo ma jirin Gole Shacab oo rasmi ah, sidoo kale kuwii KMG ahaa kama hadli doono. Dowladihii rayidka ahaa ayaan dul istaagi doonnaa bal in arinta maanta taagan ay soo martay iyo in kale….. 1965, waxaa codka kalsoonida lagala laabtay gudoomiye baarlamaanka ee waqtigaas Axmed Shiikh Cabsiye waxaana lagu bedelay Shiekh Mukhtaar oo ku xigeenkiisii ahaa. Shiikh Mukhtaar waxaa la tartamay Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Doontii ku gubanaysay meel ku dhow dekeda Bosaso, ayaa lagu guulaysan waayay in la badbaadiyo hantida ku raran, iyadoo guud ahaanba basbeeshay. Weriyaha Puntlandi ayaa kusoo warramaya in dab xoogan uu ka kacay gudaha Doonta, iyadoo loo maleynayo inuu saaran yahay Shidaal, waxaana adkaatay in loo dhawaado. Wasaaradda dekedaha ayaa goor dhow saxaafada u qabanaya shir jaraa’id, iyadoo faahfaahin ka bixinaysa shilkaan dhacay iyo macluumaadka Doonta. Puntlandi.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhigo Jaamacadaha dalka Mareykanka ayaa sheegay arrin yaab badan oo ku saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan jawaari. Prof. Cabdi ayaa jawaari ku tilmaamay inuu yahay mid aan laheyn karti uu ku hoggaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya isagoo soo qaatay arrin dhex martay labadooda. Prof. Samatar oo la hadlay BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu jawaari lasoo xiriiray markii la sameeyey Baarlamaanka isla markaasna uu usoo diray waraaq fasax qaadasho jaamacadeed ah. Wuxuu sheegay in waraaqda Jaamacadda Fasaxa looga soo qaadayey ay ku qorneyd inuu kamid noqon doono guddi madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu sheegay markii uu Xamar imaaday inuu la kulmay Guddoomiye Jawaari isla markaasna ay iska wareysteen guddigaan uu kamid ah yahay ee looga soo fasax qaaday Jaamacadda. Wuxuu tilmaamay inuu Jawaari u sheegay inuusan guddigaan aheyn mid madax banaan isla markaasna ay isaga la shaqeenayaan. Prof-ka ayaa markaas sheegay inuu Jawaari waydiiyey sababta waraaqda loogu soo qoray inuu kamid noqon doono guddi madax banaan. jawaari ayuu sheegay inuu ugu jawaabay in waraaqdaas ay aheyd kaliya mid been loogu sheegayey Jaamacadda balse ay isaga la shaqeyn doonaan oo aysan jirin wax la yiraahdo guddi Madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Prof Samatar ayaa sheegay inuu ugu dambeyn Jawaari u sheegay inaysan Jaamacadiisa been ku shaqeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Dooni ayaa ku gubanaysa meel aan ka fogayn dekeda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, sida uu kusoo waramayo weriyaha Puntlandi ee gobolka Bari. Doontaan oo uraran ganacsato reer Puntland ayaa waxaa ku raran badeecado kala duwan, waxayna doonaysay inay kusoo xirato dekeda Bosaso. Illaa iyo hadda ma jirto wax gurmad ah oo loo sameeyay, inkastoo ay socdaan dadaalo loogu gurmanayo sidii loo badbaadin lahaa hantida Doonta saaraan. Lama garanayo waxa sababay gubashada Doonida. Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda Puntlandi.
  25. From time to time, we keep telling you about the world’s most powerful supercomputers and how Linux conquers them all. But, what about the smallest computers around? In case you’re wondering, I’m not going to tell you about different mini PCs like Raspberry Pi. Instead, Source: Hiiraan Online