Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. From Britain to Canada, people who have spent decades away are bringing their skills to rebuild their country Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (HOL) - Former Somali President Hassan Sheikh Mohamud was reportedly denied a U.S. Visa after being booked to speak at two New England area events. Source: Hiiraan Online
  3. Maamulka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ay dirayan ciidan difaaca degmada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay militariga Kenya ay boholo iyo booraamo waaweyn ka jeexeen. Dadweynaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa soo sheegay in dowladda Kenya ay magaalada laba u kala qeybisay,kadib markii ay darbi iyo boholo ka dhex jeexday xaafado kamid ah Beledxaawo. Shacabka degamadaasi ayaa mudaharaadyo xooggan oo looga horjeedo dhibaatada Kenya waxay ka hor sameeyeen ciidamada Kenya ee halkaas ku sugan,iyagoo meelaha qaar aasay godadkii la qoday. Haddaba guddoomiye kuxigeenka Amniga gobolka Gedo,Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab ay u leexinayan dhinaca ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay dhul boob ku hayaan degmada Beledxaawo. Mudane.Cusmaan Nuur Xaaji ayaa intaas ku daray in ciidan difaaca loo ditayo degmadaasi,si looga hortago boobka dalka Kenya ay ku qaadanayan qeybo kamid ah Beledxaawo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gedo oo sheegay in dagaalkii Al-shabaab loo leexinayo ciidamada Kenya appeared first on Puntland Post.
  4. Every night at midnight, little Halima Salah wakes with a start, screams – and is so terrified she throws up. Source: Hiiraan Online
  5. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa hawgal ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda SONNA. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure ayaa lagu dilay degaan u dhexeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan,wuxuuna qaablisanaa uruurinta lacagaha baadda ah ee Al-shabaab ka qaaddo shacabka,sida ay sheegtay Wakaaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. Sidoo kale ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay degaanka Hees oo hoostaga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,iyagoo halkaasi ka saaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo horeay u maamuli jiray degaankaasi. PUNTLAN DPOST The post Militariga Soomaaliya oo dilay sarkaal sare ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo qaar kamid ah Madaxda AMISOM. Kulanka oo ahaa mid si gaara uga dhacay xerada Xalane ayaa waxaa kulankaasi dhanka Madaxda AMISOM ku hogaaminaayay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM. Guddoomiye Jawaari waxaa dhankiisa ku wehlinayay kulanka Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka. Qodobada diirada lagu saaray kulanka ayaa waxaa kamid ahaa xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka, Howlaha sugidda amniga Xarunta iyo halka ay ka dhici doonto doorashada cod bixinta. Guddoomiye Jawaari ayaa inta uu kulanka socday AMISOM u muujinaayay inay jirto kalsooni darro ka heysata dhanka baarlamaanka, sidaa aawgeedna uu doonaayo inaanu doorashada cod bixinta ka marnaan faragalintooda si aan loo baalmarin hanaanka codeynta. Waxa uu Jawaari khudbadiisa ku muujiyay in shaqsi ahaantiisa uusan ku dhalan Kursiga isla markaana uu diyaar u yahay in looga qaado cod nadiif ah, waxa uuna si bareera u diiday in codeynta ay ka dhacdo Xarunta Golaha Shacabka. Nuqulka khudbada Jawaari waxaa qeyb ka ahaa ‘’Waxaan ku qanacsanahay kuna qanci doonaa in doorashada ay ka dhacdo kaliya Hoolka Garoonka ee lagu qabtay doorashada Farmaajo’’ ‘’Waxaan diidanahay inaan wakhti danbe muujiyo shaki iyo diidmo, waxaan hadda heysanaa fursad aanu ku diyaarinkarno in goobta doorashada ay ka dhaceyso laga dhigo Hoolka ay ka dhacday doorashada ee Garoonka Aadan Cadde’’ Bilowga kulanka khaaska ah ee Guddoomiye Jawaari iyo Fransico Madiera waxa uu Guddoomiyuhu Fransico Madiera ku yiri ‘’Waxaan doonayaa inaan kursiga uga dego hanaan caadil ah, waxaan niyad jab la kulmi doonaa haddii ay dhacdo in beesha caalamka looga awood bato halka ay ka dhaceyso dooradasha ee aan anigu dalbaday’’ Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay in mar waliba uu u taagan yahay ‘’tijaabo Nasiib’’, hase ahaatee uu doonaayo inaan looga sheekeyn shacabka xumaan uu isaga geystay. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari, ayaa ka dalbaday AMISOM sugidda ammaanka xarunta Baarlamaanka, maadaama maalmaha soo socdo lagu wado in la guda galo cod u qaadista Mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, kulanka Jawaari iyo AMISOM ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu isku khilaafsan yahay goobta lagu qabanaayo doorashada cod bixinta ee go’aanka looga gaarayo Mooshinka Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dib u dhisayaan Hay’adaha muhiimka ah ee aanu wali loo yagleelin Somalia. Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadu ay wado qorshaha lagu dhisi lahaa Hay’adaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga. Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadu ay garwaaqsatay muhiimada ay leedahay in dib loo yagleelo labada Hay’adood ee maqan, waxa uuna tilmaamay inay ahmiyad gaara leedahay in lasoo celsho Hay’adahaasi maqan. Wasiirku waxa uu sheegay inuu maqan yahay Golaha Adeegga Garsoorka oo Garsoor u ah Baarlamaanka, kaasi oo uu sheegay inuu dejin lahaa siyaasadda guud ee Cadaaladda iyo in uu sameeyo kormeer guud. Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in weli ay maqan tahay Maxkamadda Dastuuriga oo aas aas u ah xalinta khilaafaadka siyaasiga iyo Dastuuriga ah, balse ay rajeynayaan in dhawaan ay xalin doonaan. ‘’Waxaa naga go’an in si degdeg ah aanu ku dhisno labada Hay’adood ee naga maqan sida Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga oo aan is leenahay dalka kama maarmo’’ ‘’Baahiyaha aan u qabno labada Hay’adood waa kuwo hadda taagan, waxaanu go’aan ku gaarnay inaanu dhisno oo aanu ku daneysano’’ Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa imaanaya xili inta badan shacabku ay yihiin kuwo dhagaha u taagaya khilaafyada aan dhamaan ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ay maanta kulan khaas ah la yeeshaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal. Guddiga ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda waxbadan laga weydiin doono howlaha uu u hayo Qaranka ee loo igmaday. Kulankan Gudiga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda oo siisa gaara leh ayaa waxa uu ka dhici doonaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa si gaara xooga loogu saari doonaa arrimaha la xiriira xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo Xukuumada Somalia lagu eedeynaayo inay ka gaabineyso arrinta Beledxaawo. Kulanka shalay ee Golaha Aqalka Sare ayey Xildhibaanadu ku codsadeen in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca & Arrimaha Dibadda. Sidoo kale, waxa ay Senatorada dalbadeen in wax laga weydiiyo Maamulka Jubbaland iyo Guddiga Xuduudaha dhibaatada ay Kenya ku heyso shacabka degan degmadaasi. Talaabadaani isla xisaabtanka ayaa ka danbeysay kadib markii Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ay shacabkii ku noolaa ay sameeyen Barakac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. War-saxaafadeed ka soo baxay midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la mideeyay guud ahaanba Bankiyada oo la sameeyay hay’ad mideysa. War-saxaafadeed : Waxaa dib u habayn lagu sameeyay midowga bankiyada Soomaaliya oo ah hay’ad midaysa dhamaan Bankiyada dalka Somalia. Dib u habaynta lagu sameeyay midowga ayaa taabanaysa xubnaha ka tirsan oo la balaadhiyay, shuruucdii iyo qawaaniintii hay’adda oo wax laga bedelay iyo hab-dhismedka maamul ee midowga oo isagana wax laga bedelay si uu ula jaan-qaado hab-maamulka casriga ah ee ku dhisan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka. Ujeedooyinka iyo himilooyinka Midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah: Kor u qaadidda iyo horumarinta howlaha Bangiyada Soomaaliya si loo gaadhsiiyo dad weynaha adeeg banki oo udub- dhexaad u noqon kara kobaca dhaqaale ee dalka iyo abuurista fursado shaqo si toos ah, iyo waliba si dadban intaba; Xeerinta danaha guud ee mideeya Bangiyada iyo in loogu tartamo suuqa si hufan. Xoojinta Aqoonta iyo wacyiga dadweynaha ee la xidhiidha hab dhaqanka iyo Mucaamalaadka Bangiyada. Midowga Bankiyada Soomaaliyad waxa uu Gudoomiye u doortay Mr. Abdulrazak Mohamed Ahmed, madaxa Howlaha ee Premier Bank muddo hal sano ah oo ka bilaabmaysa Feb.2018. Midowga ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan magacaabi doonaa hay’ad fulineed oo meel marisa qorshe sanandeedka midowga isla markaana qabata dhamaan shaqooyinkiisa maalinlaha ah. Shirkaddaha Midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa kala ah: Amal Bank LTD, Dahabshil Bank International, International Bank of Somalia (IBS), Premier Bank LTD, Salaam Somali Bank, Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka ee mooshinka laga soo gudbiyay ayaa kulan xasaasi ah sabtidaan la qaatay madaxa midowga Afrika ee Somalia Ambassador Francisco Caetano Madeira, waxaana kulankaasi Maxamed Cusmaan Jawaari ku wehliyay guddoomiye kuxigeenkiisa labaad Mahad Cawad, xoghayaha guud ee baarlamaanka iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka. Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlay xaaladda cakiran ee baarlamaanka Somalia, iyadoo guddoomiye Jawaari uu ka dalbaday AMISOM inay la wareegto isla markaana sugto ammaanka xarunta baarlamaanka xilliga la bilaabayo mooshinka. Sida ku cad ogolaanshaha howlgalka AMISOM waxaa qeyb ka ah waajibaadkeedu inay sugto ilaalinta amniga guddoomiyaha baarlamaanka iyo xarunta baarlamaanka ayuu balan qaaday Ambassador Francisco Caetano Madeira inay waajibaadkaas ilaalin doonaan, isla markaana ay rajo ka qabtaan in xiisadda siyaasadeed ee madaxda dowladda si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo. Guddoomiyaha aqalka sare ayaa dhanka kale, dalbaday in AMISOM la wareegto sugida amniga xarunta aqalka sare, iyadoo taasi ay muujineyso kalsooni darada lagu qabo ciidamada Somalia oo sidii la doono loo adeegsado, maadaama xukuumadda dul dhigtay ciidamo gaar ah xarunta baarlamaanka ee aqalka hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wars have been fought for centuries over the control of the Somali Peninsula and its long coastline. For centuries, foreign powers have alternately come, conquered, and colonised the peoples of the area, turning the place into scenes of big-power Source: Hiiraan Online
  12. Poly-GCL, the Chinese company engaged in oil and gas exploration and development project in the Ethio-Somali Regional State, Ogaden basin, has discovered oil and gas deposits. Poly-GCL, which signed petroleum exploration and development agreement with the then Ministry of Mines in November 2013, has been prospecting for oil and gas reserve in a vast exploration area in the Ogaden basin. The company is also trying to develop the Calub and Hilala gas fields which was found in the Ogaden basin many years ago. Koang Tutlam (MD), state minister of the Ministry of Mines, Petroleum and Natural Gas, told The Reporter that Poly-GCL has discovered additional gas reserves in the Calub gas field. “In the appraisal wells the company drilled around Calub it has discovered additional gas reserve. If you remember we were talking about 4.7 Trillion Cubic Feet (TCF) of gas reserve. Now the recoverable gas amount reached 6-8 TCF. The amount has increased significantly,” Dr. Koang said. Dr. Koang said Poly-GCL has discovered some amount of oil in the new exploration wells it drilled around Hilala locality, 1,200 km southeast of Addis Ababa. “In the new exploration wells they drilled they have found some oil. But we do not have figures right now. The company is making assessment to determine the amount of oil. We will reveal the figures once the assessment is completed.” The Calub and Hilala gas fields were discovered by an American company called Tenneco in 1972. Former Union of Soviet Socialist Republics (USSR) oil firm, Soviet Petroleum Exploration Expedition (SPEE), which was prospecting for oil in the Ogaden basin in 1980s, confirmed the gas reserves in Calub and Hilala localities estimated at four TCF. A veteran petroleum geologist told The Reporter that Poly-GCL has found additional gas reserve in the same Calub structure but in a different horizon. “They have been drilling additional wells to appraise the existing gas reserve. So they must have found additional reserve in a different horizon.” The petroleum geologist said it was not for the first time when trace of oil was found in the Hilala locality. Tenneco discovered a non-commercial oil reserve in Hilala in 1973. Oil shows have also been noted in various exploration wells drilled in Hilala and Elkuran localities. The petroleum expert said that the Chinese now came up with a latest oil exploration technology that enabled them to identify what the Americans did not see. “They have not found a new structure but they have discovered some oil in a different horizon. The Americans and Russians were working in the Ogaden in the 1960s, 70s and 80s. Now we are in 2018 and the Chinese have an advanced exploration technologies that enable them to trace the hydrocarbon resources.” The petroleum expert pointed out that Poly-GCL has conducted 3D and 2D seismic surveys that helped them to undertake “successful” exploration work. However, he said it was too early to forecast the amount of oil reserve that the Chinese discovered. “It is only after successive well taste and exhaustive geo chemical laboratory analysis that they can determine the amount of the reserve. At this moment one cannot tell that the reserve is commercial or not.” Poly-GCL has subcontracted another Chinese company, BGP Geo Services, which has been collecting seismic data in the license area covering 93,000 sq.km of arid land. In addition to the ongoing exploration work, Poly-GCL is trying to exploit the natural gas reserves in the Calub and Hilala gas fields. Eight gas production wells have been drilled and made ready for production in Calub. Poly GCL planned to extract the gas reserve in Calub and Hilala and export it via a gas pipeline that would be constructed from the gas fields to all the way to the port of Djibouti. Dr. Koang told The Reporter that works on the gas development project is progressing. “Poly-GCL has signed agreement on the pipeline construction with the governments of Ethiopia and Djibouti. We (the Ethiopian government) are now negotiating with the Government of Djibouti on the pipeline construction. It is an intergovernmental negotiation,” he said. According to Dr. Koang, Poly-GCL will build an LNG plant in Djibouti that would change the gas into liquid natural gas which will be exported to China with special LNG vessels. The total cost of the gas development project is estimated at four billion dollars. Dr. Koang said Poly GCL would start exporting gas by 2021. In the meantime, Poly GCL is working on the gas development plan. “They are working on the pipeline construction plan,. They are working on it with full swing,” Dr. Koang said. If Poly-GCL’s gas field development project comes to fruition Ethiopia would soon become a hydrocarbon producing country.
  13. The passports of the six Somali students are still with the IUBAT authorities 194Six Somali students of a private university in Dhaka have been missing for more than a year. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s Upper House on Saturday formed a committee to probe the raid on Abdi Qaydid's home late last year. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia’s Upper House on Saturday formed a committee to probe the raid on Abdi Qaydid's home late last year. Source: Hiiraan Online
  16. iyadoo Roobabkii Gu,gga ay ka da,een Degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug iyo Tuulooyin badan oo hoosyimaada ayaa Maamulka Degmada waxa ay dadweynaha ugu baaqeen in maalinta Bari ah ay isugu soo baxaan barxada Magaalada si loo sameeyo Olole Nadaafadeed oo ay iska ka kaa shanayaan shacabka iyo Maamulka Degmada Buursaalax. Ololahan ayaa waxaa looga goleeyahay sidii looga hortagi lahaa in ay Cuduro ka dilaacaan Goobaha ay biyuhu fariistan. Maamulka ayaa sheegay inh ay soo dhawaynayaan dadka Reer Guraaga ah ee u soo naq raacaya Degmada iyo iyo Tuulooyinka hoos yimaada oo ay ka da,een Roobabkii Gu,gga . Halkan ka dhagayso Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Buursaalax Siciid C/Nuur. 100505_002 - My Recording
  17. Xildhibaanada Aqalka Sare e Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dalbadeen in ay Golaha Aqalka Sare ay hor yimaadaan Afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya . Wasiiradan ay uyeereen Xildhibaanda Aqalka Sare ayaa kala ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Wasiirka Arrimaha gudaha,Cabdi Maxamed Zabriye iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad si wax looga weeydiiyo waxa ay ka ogyihiin xadgudubka dowladda Kenya ay ku sameysay dhulka Soomaaliya. Sababta Wasiiradan looga yeera Aqalka Sare ee Soomaaliya in ay hor tagan ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada ay doonayaan in ay Su,aalo ka waydiin doonaan Wasiiradan Xaalada dalka uu ku suganyahay , Xadgudubka kenya ee Xadka Soomaaliya iyo kenya udhaxeeya gaar ahaan xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo Amniga Caasimada oo sii xumaanaya, iyo heshiisyada Xukuumada ay lagashay dalka danaynaya in ay Soomaaliya ay maal gashadaan.
  18. Degmada Qandala ee Gobolka bari iyo Tuulooyin hoos yimaada ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo la,aan ka jirto Ceelashii biyaha ee dadka iyo duuyada ay ka cabijireen. Tuulada Unuun ayaa kamid ah deegaanada ay biyo la,aantaay ka jirto ,waxaan Tuuladaasi ku nool sida la sheegay dad gaaraya ilaa iyo 3 kun oo qoys oo xoolo dhaqato. Dadka deegaanka Unuun ayaa haatan waxa ay ku tirsan yihiin oo ay Biyaha ka cabaan Baraagaha biyaha lagu keediyo, iyo Ceel wayn oo halkaasi ku yaala oo ay hirgalisay dowladdi dhexe ee dalka Soomaaliya, kaas oo aan lahan haatan biyo kufilan dadka deegaanka. Foostada Biyaha ayaa deegaanka Unuun waxa lagau kala iibsanayaa hadiiba la helo inta udhaxaysa 25-30 doolar . Majirto wax gar gaar ah oo ay dadkan ka heleen ilaa iyo haatan dowladda Puntland iyo Hay,adaha gargaarka toona. Qaar ka mid ah wax garadka Deegaanka Unuun ayaa ka warbixinaya Xaalada dadka iyo duunayad ay ku sugan yihiin . Halkan ka dhagayso . odayaasha deegaanka Unuun ee Gobolka bari
  19. Anigu markaan tilmaamayo siyaasi damac siyaasadeed uu ku jiro waa aragtida falsafad oo kuu sharaxaysa in Qofka siyaasiga ah ama hogaanimo damac kaga jirto waa inuu la yimaadaa sharraxaad cad waxa uu doonayo ee dhabta ah si fudud loo fahmo cadaaladu u tahay dhaqan siyaasadeed. Guddoomiye jawaari wuxuu isticmaalaa sharciga halagu dhaqmo marka uu warbaahinta la hadlayo hadalkan ka soo yeeraya ma yahay xaqiiq siyaasadeed oo isagu ku dhaqmo ama dhamaan madaxda dawlada Faderaalka ee wada shaqeyntu kala dhaxayso. Shaqada baarlamaanka Faderaalka soomaaliya laga sugayey waxay ahayd in sida ugu u sahlan la ansixiyo sharciga, xukumadu ku shaqeynayso iyo inay baarlamaanku ilaaliyo sharciga xukumadu ku shaqaynayso arinkan waa ka suurta galiwaayey Golaha baarlamaanka ee gudoomiye jawaari hor fa dhiyo arinkan sharaxaad uma baahna hadaad aamin san tahay xaqiiqda siyaasada. Markaa mooshinka waxaa keenay xaqiiqda siyaasadeed ee jirtay oo guddoomiye jawaari iska indhatiray. Aniga Falanqeyn taydu waxay farta ku fiiqaysaa Qarankasta waxaa Qiima badan ugu Fadhiya Golahiisa Barlamaanka oo ah wakiilada bulshada Qarankaa ee ilaaliya heshiiska bulshadu ku heshiisay. Waa meesha laga daawada awooda sharciga iyo nidaamka bulshada iyo hirgalinta Dawlad wanaagsen. Intaas inay hirgasho waxaa diiday Guddoomiye jawaari oo bulshada u sheegin xaqiiqda siyaasadeed ee ka jirta wadanka. Xaqiiqda siyaasadu waxay noosheegaysaa in Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya iyo kii ka horeeyey ee sagaalaad ay wali wada isticmaalaan xeer hoosaad isku mid ah. Arinkan wuxuu tilmaam wanaagsen u yahay Fashilka Gudoomiye jawaari. in mudo hal sano oo. wax mooshin ah jirin maxay u sameyn waa yeen heer hoosaad waqtiga lagu shaqeyn karo. Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Waxaa soo baxdey ceebo badan oo dhex taal shaqada Golaha baarlamaanka faderaalka Hadii wali aanuu jirin xeer hoosaad baarlamaanka tobnaad ku shaqeeyaan Sidee loogu shaqayn karaa xeer hoosaadkii baarlamaankii sagaalaad arinka sow kama foga xaqiiqda siyaasaded ee runta ah. Arinkan waa fashil hor yaal Guddoomiye jawaari. Xagee buu ku maqnaa mudada halka sano ah ee uu jiray baarlamaanka Tobnaad. Xaqiiqda dhabta ah ee aan Falanqeyntayda ku soo gaba gabaynaya waxay tahay halis kasta oo soo wajahda golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Guddoomiye jawaari isagaa waqti u waayey inuu sameeyo xeer hosaad ugaara baarlamaanka Tobnaad . waxaa iska cad in xildhibaanadii u qayb sameyn laba qeybood oo aad u.kala fog. Waxaan tusaale kuu ah Illaa iyo hada wali laguma heshiinta goobta lagu qabanayo cod u qaadista mooshinka jawaari iyo xilliga la qabanayo. Fikirka aan Qoray waa mid iigaar ah oo aan ku cabiray maxaa ka qaldan Golaha baarlamaanka W/Q: Danjire Maxamed Caalim
  20. Wararka naaga soo gaaraya dalka Masar gaar ahaan Magaalada Alexandria ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay goor dhawayd Magaaladaasi. inta laxaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo ka tirsan Ciidamada Boolis ee dalka Masar oo ku sugnaa goobtii uu Qaraxa ka dhacay . Wasiirka Gaashaandhiga ee dalkaasi Masar ayaa Warbaahinta dowladda Masar usheegay in Qaraxan ujeedadiisa uu in lagu Qaarajiyo Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Alexandria Major General Mostafa al-Nemr ,balse uU ka badbaaday Qaraxaasi. Qaraxan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka hor markii la shaaciyay xiliga la qaban doon doorashada Madaxtinimo ee dalkaasi Masar oo la sheegay in ay tahay maalinta Isniinta ah . Ururka Daacish ayaa intabadan sheegta Qaraxyada lala beegsado Ms,uuliyiinta Ciidamada dowladda iyo Saldhigyada Milatari dalkaasi Masar.
  21. Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland,Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke) oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee cudurka Qaaxada ay ka dhalato,dawooyinka oo aan si nidaamsan loo qaadan. Wasiirka ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay is-baaraan ka hor inta aanay qaadan dawooyinka,islamarkaana qofkii laga helo cudurka Qaaxada uu si nidaamsan u qaato dawooyinka lagu cirib-tiro il-ma-aragtada dhalisa TB-da,isagoo ka digay in haddii dawooyinka la kala jaro uu cudurku gaarayo heerka adkeysiga sameeya ee khatarta ah. “Waxyaabaha ugu daran ee na haystana waxaa kamid ah daawo la iska qaadanayo iyadoo aan la is-baarin oo goortii dhowr beri la qaato ama qofku xoogaa soo roonaado la joojinayo,amase hadba si goos’goos ah u cunayo oo uusan si joogta ah u wadeyn.Daawada saas loo cunayo waa midda keenta in adkeysi loo yeesho cudurka”,ayuu yiri Wasiir Cawke. Dr. Cabdinaasir Cawke ayaa sheegay in haddii cudurka Qaaxada uu gaaro heerka labaad uu ka faafis badanyahay heerka bilowga ah,sidoo kalena il-ma-aragtada dhalisa ee bacteria ay dawooyinka adkeysi u yeelanayso. Halkaan ka daawo Wasiirka. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawke oo ka digay Qaaxada dawooyinka u adkeysata appeared first on Puntland Post.
  22. Gudiga Culimaa,udiinka Dhismaha Masjidka Du-xij ee Magaalada Bosaaso ayaa wadaan dadaalo lagu dhisay laguna balaarinayo Masjidka Du-xij oo kuyaala bartamaha Magaalada Bosaso ee Xarunta ganacsiga Puntland . Dismaha iyo balaarinta Masjidkan ayaa sababtay sida ay Culimadu ay sheegeen ciriiri ka jiray Masjidka iyo dhismihiisii oo duugoobay . Culimada Magaalada Bosaso ayaa shacabka Soomaaliyeed Meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay ugu baaqeen in ay ka qayb qaatan dhismaha Masjidakani Culima ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso waxa ay ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha masjidkani Du-xij ee Bosaaso ,maadaama shacabka Bosaaso lagu yaqaano shacab Markasta ka qayb qaata meelaha uu khayrku uu kujiro sida Masaajida oo kale . Hadaba goobtii ay ka socotay dhismaha Msjidka Culimadii ka Hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh daahir Awcabdi. Sheekh Axmed daahir, Sheekh Maxamed Macalin ,Sheekh Axmed Yuusuf Daad ,iyo Culimaa,udiin kale. Halkan ka dhagayso. Culimada Masjidka Halkan ka daawo Sawirro iyo Nabarada aad ku soo hajiinkarto Sadaqada aad ku dar sanayso Masjidka .
  23. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayey kaga hadleen arimo kala duwan oo ay ka mid tahay warbixin ay ka dhageysteen Guddi ay u xil saareen xiisadda ka taagan degmada Beladxaawo iyo Mandheera taas oo salka ku haysa xadgudubka ay kenya ku hayso dhulka soomaaliya. Kulan ay yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo sheegay in xaaladda Gobolka Gedo ee xuduudka la leh Kenya ay ka jirto dhibaato weyn oo ku saabsan xadgudub ay Kenya ka wado dhulka xuduudka ah. Wuxuu warbixin dheer ka siiyay Golaha dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee degmada Beledxaawo iyo kulan dhex maray maamulka Mandheera iyo maamulka Gobolka Gedo, kadin markii muran ka dhashay Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu keenay in la xiro xuduudka. Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa isku raacay in arintaan ay wax ka weydiyaan 4 Wasiir oo ka tirsan Xukumada Fedraalka ee Soomaaliya. Wasiirada Aqalka Sare u yeeray si wax looga weydiiyo xaaladda ka taagan Gobolka Gedo iyo xadgudubka dowladda Kenya ayaa kala ah: Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Aden Sabriye iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaanada Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa guddi cusub u saaray Weerarkii sanadkii hore ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ku qaadeen guriga uu Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Senator Cabdi Qeybdiid ayaan ku qancin gudi uu horey umagacaabay madaxweynaha soomaaliya maxamad cabdulaahi farmaajo gudigaas oo aan wali wax natiijo ah kasoo bandhigin baaritaanadii ay sameeyeen weerarka Cabdi Qeybdiid gurigiisa lagu qaaday. Guddiga cusub ee maanta loo saaray baaritaanka Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid ayaa ah Xildhibaano katirsan Aqalka sare, waxa ayna baaritaan deg deg ah ku sameyn doonaan weerarka guriga Senatorka lagu qaaday. Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga u ah Maxamed Amiin Sheekh Cisman halka guddoomiye ku xigeen looga dhigay Axmed Xaashi Maxamuud. Halkan ka Akhriso magacyada Guddiga la magacaabay 1-Maxamed Amiin Sheekh Cisman Gudoomiyaha Guddiga 2-Axmed Xaashi Maxamuud, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga 3-C/saaq Axmed Cali :Xubin 4-C/hi Sheekh ismaacil Fartaag:Xubin 5-Cabdulaahi Cabdi Garuun:Xubin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. ​​​​Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay Olale nadafadeed ay siwada jira usameyeen dhalinta degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland waxaana ka qeybqaatay dhalinyaro tiradooda ay gaareyso ilaa 200 oo dhalinyaro ah kuwaas oo ka kala socday waqooyiga iyo Koofurta magaalada Gaalkacyo iyagoona muujiyay in magaalada ay tahay mid nabada oo aysan colaad kajirin. Isdhexgalka ay sameynayaan dhalintaan waxaa horkacaya 14 gudi ah oo kakooban dhalinyaro ka kala socda waqooyiga iyo Koofurta magaalada Gaalkacyo waxayna leeyihiin gudoomiye, gudoomiye kuxigeen, iyo xoghayn, waxaana dhalintaan garabtaagan oo isdhexgalka ka caaawinaya maamulada degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland. Dhalinta maanta nadaafada wadajirka uqabanayay ayaa waxay sheegeen in Gaalkacyo aan lakala lahayn ayna kajirto magaalada nabad buuxda iyo hormar wanaagsan waxayna sheegeen in door muhiim ah ay ka qaadan doonaan isdhexgalka, nabadgalyada degmada, iyo hormarka guud ee dedmada Gaalkacyo. DAAWO SAWIRRADA. Puntlndi.com