Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa maanta daahfurtay barnaamij casriya oo lagu maareynayo Dhaqaalaha, Mashaariicda, Iibka, Fasaxa Shaqaalaha iyo Maamulka Shaqada (IFMS) wuxuuna ku shaqayn doona qaab Computer-ka oo si toos ah looga maamuli doono guud ahaan shaqada xaafiisyada Wasaarada iyo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, wuxuuna noqonayaa dhismaha qaabkaan casriga ah midkii ugu horeeyey oo Puntland laga sameeyo iyadoona furitaanka Barnaamijkan ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada deegaanka, hay’adaha wasaarada la shaqeeya, wasaaradaha iyo marti sharaf kale. Eng. Cabdiraxmaan Shiikh Salaad Jawle oo ah Mulkiilaha shirkadda Sodan Tec Inc. oo ku guulaysatay hirgalinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin inay maanta si rasmi ah ugu wareejiyaan Wasaarada Deegaanka kadib markii mudo sanad ah ay soo wadeen dhismaha Barnaamijkaan casriga ah iyo ku tababarida shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Deegaanka kuwaas oo iminka awood u leh inay ku shaqeeyaan . Eng. Cabdiraxmaan wuxuu sheegey in dhamaan arrimihii looga baahnaa dhismaha iyo hirgelinta barnaamijka ay dhamaystireen waxaana goobta uu kusoo bandhigay sharaxaad ku saabsan qaabka loo maamulayo barnaamijka IFMS. Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo ka hadlay daahfurka barnaamijka ayaa sheegey in wasaaradiisu dadaal wayn u gashay sidii loo hirgelin lahaa arrintaan, wuxuuna intaas ku darey inay sii bilaabeen tijaabinta habkan casriga ah ee qaabka Computerizedka ah oo lagu maamulayo qaybaha kala duwan ee wasaarada. Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Madax ka socotay hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee ee Puntland oo iyana ka hadlay hirgelinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in barnaamij noocan oo kale ah Puntland laga hirgelin karo, waxayna sheegeen inay ku dayan doonaan Wasaarada Deegaanka si looga boxo kalsooni la’aanta dhanka maamulka Maaliyada ee marar badan lagu dhaliilo guud ahaan wasaarada iyo xarumaha dawlada,iyadoo sanad walba Soomaaliya lagu sheegey inay kaalinta koowaad uga jirto Musuqmaasuqa dalalka adduunka, taasina ay sabab u tahay hababka aan casriga ahayn oo lagu maamulo maaliyada dalka. Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane, Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed “Maareeye” oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay in wasaarada Deegaanku ay noqotay wasaaradii ugu horaysay ee Puntland ka samaysa habkan casriga ah ee “IFMS” waxaana uu sheegey inuu rajaynayo in laga guuri doono waraaqaha oo loo guuri doono Habkan oo aduunka oo dhan looga shaqeeyo. Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo bandhigida barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegey in Wasaaradiisu ay xooga saartay sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo sax ah islamarkaasna casri ah. Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Midowga Yurub “EU” iyo Hay’adda Care Somalia oo iyagu barnaamijka maalgalintiisa ka caawiyey wasaarada iyo shirkada wadaniga ah ee Sodan Tec Inc. oo hirgelisay barnaamijkan. Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in tani ay qayb ka qaadan doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha waxaana uu hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee Puntland ugu baaqay inay sidaasoo kale sameeyaan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo hirgalisay nidaam ku saabsan maaraynta shaqada iyo maamulka maaliyadda. appeared first on Puntland Post.
  2. Uweys Axmed Sardheeye ayaa Maantay loo doortay Gudoomiyaha Dalladda dhalinyarada Puntland ee PYAN kadib doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe. Doorashada waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo kaashanaysa Hay,adda Care. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Ahaasimaha Wasaaradda Tigaana,agaasimaha dhalinyaradda Deeqo Jaamac Madax ka socotay Care iyo Marti sharaf ayaa goobjoog ka ahaa. Xilka gudoomiyaha Dalladda dhalinyarada Puntland ayaa waxaa ku loo lamay Aweys Axmed Sardheeye iyo Farxaan Maxamed jaamac waxaana ku guulaystay Aweys Axmed Sardheeye oo helay 19 cod halka Farxaana uu helay 9 cod. Sidookale Gudoomiye kuxigeenka Dalladda PYAN ayaa waxaa ku tartamay Liibaan Maxamed Xuseen iyo Kaltuun Muuse Cabdikariin waxaana ku guulaystay Liibaan Maxamed Xuseen oo helay 20 Cod halka Kaltuuna ay heshay 9 cod. Kuxigeenka Madaxa Hay,adda Care ee Puntland Asli Axmed Maxamed ayaa hambalyo u dirtay Masuuliyiinta cusub ee la doortay iyadoona sheegtay inay markasta garab taagan yihiin. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdirisaaq Shire Ismaaciil iyo Agaasimaha Wasaaradda Axmed Cabdale Tigaana ayaa u kula dardaarmay Masuuliyiinta la doortay inay xilka loo igmaday si wanaagsan u gutaan. Uweys Axmed Sardheeye ayaa horay u soo ahaa gudoomiyaha dalladda dhalinyaradda Puntland waxaana haatan uu xilka hayn doonaa mudo sadex sano ah. Sawirro. Puntlandi.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa dhammaan deegaanada maamulka looga mamnuucay isticmaalka furha internetka Soomaaliya ee (so). Qoraalkan oo ay soo saartay Wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda maamulka Somaliland, ayaa waxaa dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka loogu qabtay in muddo bil ah ay uga isticmaalka furha internetka Soomaaliya ee (so). Qoraalka oo la ogeysiiyay Hoggaamiyaha maamulka ayaa waxaa Shacabka maamulka iyo Shirkadaha lagu faray inay uga faa’iideystaan mudada bisha ah ee lasiiyay. Qoraalkaan ayaa daba socda xiisada Siyaasadeedka maamulka kala dhexeeya dowlada Somalia, oo iyadu wax kama jiraan ku tilmaantay Heshiiska Berbera. HOOS KA AKHRI WARQADA The post Xiisad cusub: Somaliland oo mamnuucday gabi ahaan Isticmaalka Furaha Internetka Somalia (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
  4. No other nation has grappled so deeply to re-establish basic state institutions as Somalia has over the last 25 years. The Somali Civil War that started in the early 1990s has rocked 12 million people of Somalia on all critical levels (politically, socially, economically). The vast human rights violations, constant violence, toxic tribalism and effective statelessness has seen to it that Somalia is synonymous with the ‘failed state’ tag. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir-guddoomiye maanta kulan Dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigaysay Beesha Caalamka qorshaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo ammaanka Somalia. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, kuwo ka socday Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha Ciidamada qalabka sida ee DF ay AMISOM ugala wareegayaan amniga dalka. Wasiirka Difaaca Somalia, Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay Dowladda Somalia la isla ogolaaday, isla markaana Beesha Caalamka ay u arkeen Qorshahaan mid ku yimid rabitaanka dowladda Somalia oo ay mudantahay in la isla qaato. “Muddo bil ku dhaw waxaa la diyaarinayay qorshaha ay ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ay xilka ammaanka dalka kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay,” ayuu yiri Wasiir Mursal. Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa intaas ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah isla markaana hadda wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah. “Dhammaan xubnihii kasoo qayb-galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka gaashaandhiga Somalia. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Somalia ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amaanka oo si buuxda ciidanka qalabka sida ay mas’uuliyadda ammaan u maamulaan. PUNTLAND POST The post Dowladda FS oo soo bandhigtay Qorshaha AMISOM looga wareejin lahaa Ammaanka appeared first on Puntland Post.
  6. Somaliland, today, prohibited use of Somalia-run DotSo domain which had of recent pervaded website identities of a number of Somaliland institutions. The Somaliland Ministry of Telecommunication and Technology released an order that gives thirty days starting from today to institutions that have forayed into the DotSo domain to find and register with any of a number of neutral domains such as DotSo, DotOrg and DotCom. “In line with the first article in the Constitution of the Republic of Somaliland and the bylaws that regulate our ministries’ structures and functions, nothing that can directly or indirectly violate national sovereignty is prohibited such as this DotSo Top-Level Domain licensed to and run by Somalia,” Dr. Abdiweli Abdullahi Soufi, the minister, said. “All institutions including universities, business corporations and any and all institutions that have a need to use a domain of their own are addressed by this order,” he added. The order copied the Attorney General and the Ministry of Interior and National Security intimating the legal consequences of any institution that chose to ignore the blanket order. His Excellency the Minister for Telecommunications, Dr. Abdiweli, did not quite mention any specific institution but was clear in addressing those that his ministry discovered breaching the national identity. Leading the breach of identity lines between the Federal government of Somalia and its erstwhile partner the Republic of Somaliland is the state-owned University of Hargeisa which, inexplicably, moved away from the international DotCom and DotNet domains it used until recently. Somtribune
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar aan ka helney ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in marka uu Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu soo dhameysto Booqashada dalka Qadar in Dowladda faderaalka ay u Diyaargaroobi Doonto sidii ay Muqdisho ugu soo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Dalka Turkiga Ordogan iyo Madaxweynaha Ruushka ee Putin . Hadii ay booqashadaan Madaxdaan sare Suurta gasho waxaa aduunka uu ku sii siqayaa in ay sameysmaan isbaheyso , waxaana hardanka ugu weyn uu noqon doonaa cidda gacanta ku dhigta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo noqon doonta mid Maamuli doonta Gacasiga aduunka. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qadar hadii ay dhacdo waxay dadka Saadaalinayaan in gabi ahaanba xiriirka loo jaro Dowladda imaaraadka ka dib markii uu Duqlaadkii uu ka dhamaadey Dowlada Federaalka islamarkaana Shacbka ay si weyn uga soo horjeesteen faragelinta Imaaraadka iyadoo Madaxweyne Farmaajo Khudbadii uu ka jeediyey BAarlamaanka uu si weyn durey heshiiskii Barbara kuna Tilmaamey mid ka hor imaanaya midnimada Soomaaliya Dowlada Ruushka ayaa Sannadkii 1977 Xiriirka u jartey Dowladii Milatariga ka dib markii ay la safatey dowlada Itoobiya wixii waqtiaa ka dambeeyey Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka waxaa uu ahaa mid iska gabi Dhacleynaya waxayna Dadka Siyaasada u Kuurgala ay sheegayaan Isbaheysiga Turkiga , Ruushka, Qadar Masar u u leeyahay Faaiido iyo Khasaaro. Markaan ka fiirino waxa ka imaan kara hadii ay Soomaaliya ku Biirto Isbaheysigaa in Aduunka uu ku Hardamo Dhulka iyo Badaha Soomaalia maadaama la sheegey in Marinka Badda Cas iyo Badweynta Cidii gacanta ku dhigta ay Mustaqbalka noqon doonaan mid laga Maamula Ganacsiga aduunka, waana mida maanta ay la rafaneyso Dowlada Imaaraadka oo ka cabsi qabta in ay meel cidla ku soo dhacda sidaa Darteed isbaheysiga uu Horkacayo Turkiga dadka Soomaaliyeed badankiis waxay qabaan mid mira dhali doonaa waa hadii uu ka badbaado Isbaheysiga kale ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu xanto in ay u adeegayaan Mareykanka, Hadaba la arki doonaa waxaa ka soo baxa Booqashada Ordogan iyo Putin ee Soomaaliya, inkastoo Bulshada Soomaaliyeed ay aad uga Xumaadeen Dhibaatada Ruushka ka sameeyey Suuriya W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk Tel 00252615532494 The post Maxaa ka jira in Erdogan iyo Putin ay Booqasho ku imaan Doonaan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa mar kale amarro ku aaddan in la xiro ku soo rogay Garoomada yar-yar ee kubadda cagta lagu cayaaro oo ku yaala degmooyinka kaabiga ku haya madaxtooyada Somalia ee Muqdisho. Al-shabaab ayaa horay amarkan oo kale uga dhaqan-galisay degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile, iyagoo hadda u muuqda mid ku faafay degmooyinka ku yaalla bartamaha caasimadda Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, Howl-wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa xusay in Al-shabaab ay xalay lasoo xiriirtay milkiilayaasha garoomada kubadda cagta ee ku yaalla Degmooyinkaas, kuna amreen in la xiro. “Waxaan ka mid ahaa dhallinyarada doonayay inay saakay ku ciyaaraan mid ka midah garoomadan, balse milkiilaha ayaa noo sheegay in Al-shabaab ay ku amartay inay xiraan, innaguna ma diidi karo oo waan xirnay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ku cayaari jiray garoommadaas yar-yar ee lagu soo rogay amarka. Garoommada lagu amray in la xiro ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka Al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada Somalia, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe. Dhanka kale, Garoommada yar-yar ee roogga lagu fidiyay ee lagu cayaaro kubadda cagta habeen iyo maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo kordhay, waxaana uu nuuc ganacsi oo dhalinyarada ku ciyaareysa lacago looga qaado saacadiiba. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin amarka la sheegay in Al-shabaab ay ku xirtay goobaha lagu cayaaro kubadda cagta eek u yaalla Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso tallaabo kale oo dhan ka ah dowladda oo ay qaaday Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xir-xirtay Garoommo yar-yar oo ku yaalla Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. NAIROBI, Kenya — Tucked into a busy market in Kenya’s capital is arguably the country’s last record store. Source: Hiiraan Online
  10. HARGEISA– SL’s Foreign Minister, Dr. Sa’ad Ali Shire address on Sunday the house of assembly on the agreement with DPW. While delivering his speech at the house, Opposition lawmaker Hon. Hamud started heckling and boos against the FM address. According to reports say that some lawmakers have walked out of the session in protests against the illegitimate pact with DPW which was not tabled in front of the parliament. The FM said that Somaliland is not governed by laws made in Somalia as Somalilanders have not chosen President Farmajo. The FM went on to say that SL citizens have not elected the Somali lawmakers stationed in Mogadishu, the war torn capital of Somalia. He added that the Somali MP do not decide the interest of Somaliland and further stated that SL citizens have voted for its lawmakers based in Hargeisa and the president and his deputy who have the overall power to decide on the interest of the nation. A lawmaker who grilled the FM questioned the flip flops in regard to the tripartite agreement signed among DPW, Somaliland and Ethiopia. In the previous agreement, it was stated that DPW acquired 65 % while Somaliland retained the 35 percent. It has been recently modified as Somaliland takes 31 percent while Ethiopia got 19 % and DPW received 61 percent. The lawmaker asked the FM who gave the authority to change the pact terms.
  11. Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay barnaamijka casriga ah ee maaraynta Dhaqaalaha, Mashaariicda, Iibka, shaqaalaha iyo Maamulka Maaliyada (IFMS) kaas oo ku shaqayn doona qaab Computer-ka si toos ah looga maamuli doono guud ahaan shaqada xaafiisyada Wasaarada iyo Waaxyaha kaladuwan ee Wasaarada waxaana dhismaha qaabkan casriga ah uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee Puntland laga sameeyo iyadoo furitaankii Barnaamijkan ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada Deegaanka, Hay’adaha wasaarada la shaqeeya, Wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dawlada Puntland. Eng. Cabdiraxmaan Shiikh Salaad Jawle oo ah Mulkiilaha shirda Sodan Tec Inc. oo iyadu ku guulaysatay hirgalinta barnaamijkan maamulka Maaliyada, shaqaalaha, Mashaariicda iyo Iibka ee wasaarada Deegaanka ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in maanta ay si rasmi ah ugu wareejiyaan Wasaarada Deegaanka kadib markii mudo sanad ah ay soo wadeen dhismaha Barnaamijka casriga ah iyo tababarida shaqaalaha kaladuwan ee wasaarada Deegaanka kuwaas oo imika awood u leh inay si rasmi ah ugu shaqeeyaan Barnaamijkan, Eng. Abdiraxmaan dhanka kale wuxuu sheegey in dhamaan arimihii looga baahnaa dhismaha iyo hirgelinta barnaamijka ay dhamaystireen waxaana goobta uu kusoo bandhigay sharaxaad ku saabsan qaabka loo maamulayo barnaamijkan. Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo ka hadlay daahfurka barnaamijkan ayaa sheegey in wasaarada Deegaanku ay dadaal wayn u gashay sidii loo hirgelin lahaa waxaana uu agaasimuhu intaas kudaray inay sii bilaabeen tijaabinta habkan casriga ah ee qaabka Computerizedka ah loogu maamulayo qaybaha kaladuwan ee wasaarada. Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka iyo madax ka socotay hay’adaha iyo wasaaradaha kaladuwan ee ee Puntland oo Iyana ka hadlay hirgelinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in barnaamij noocan oo kale ah Puntland laga hirgelin karo waxaana ay sheegeen inay kudayan doonaan Wasaarada Deegaanka islamarkaasna ay degdeg u hirgelin doonaan si looga boxo kalsooni la’aanta dhanka maamulka Maaliyada ah ee marar badan lagu dhaliilo guud ahaan wasaarada iyo xarumaha dawlada ee Soomaalida iyadoo sanadwalba Soomaaliya lagu sheegey inay kaalinta koowaad kaga jirto Musuqmaasuqa taasina ay sabab u tahay hababka aan casriga ahayn ee lagu maamulo maaliyada dalka. Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane, Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed “Maareeye” oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay in wasaarada Deegaanku ay noqotay wasaaradii ugu horaysay ee Puntland ka samaysa habkan casriga ah ee “IFMS” waxaana uu sheegey in uu rajaynayo in laga guuri doono waraaqaha oo loo guuri doono Habkan oo aduunka oo dhan looga shaqeeyo. Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo bandhigida barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegey in Wasaaradiisu ay xooga saartay sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo sax ah islamarkaasna casri ah, Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Midowga Yurub “EU” iyo Hay’adda Care Somalia oo iyagu barnaamijka maalgalintiisa ka caawiyey wasaarada iyo shirkada wadaniga ah ee Sodan Tec Inc. oo iyadu hirgelisay barnaamijkan, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in habkan casriga ah ee maamulka Maaliyada, Mashaariicda, Iibka, Shaqada iyo Shaqaaluhu uu noqonayo midkii ugu horeeyey ee Puntland laga hirgeliyey waxaana uu sheegey in tani ay qayb ka qaadan doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha waxaana uu hay’adaha iyo wasaaradaha kaladuwan ee Puntland ugu baaqay inay sidaasoo ka le u sameeyaan.
  12. War qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland C/laahi Tima Cade ayaa lagu shaaciyay Sharuudaha laga rabi Xildhibaanka cusub ee doonaya in uu kamid noqdo Golaha deegaanka ee degmada Bosaaso. Halkan ka Akhriso.
  13. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiye kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato. “Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah. “Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka Qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Soomaaliya oo Beesha Caalamka usoo bandhigtay Qorshaha AMISOM looga wareejinlahaa Amniga . appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - President Mohamed Abdullahi said his government is committed to establishing an independent judiciary system which will serve the Somali public across the nation. Source: Hiiraan Online
  15. Qaar kamid ah shaqaalihii ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta shaqadii laga ruqseeyay kadib markii lagu helay dambi ah in ay bixiyeen oo ay soo calaamadiyeen dhul aan lagu bixin sifo sharciga waafaqsan. Warqad ka soo baxday maanta Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Yariiso ayaa waxa uu shaqadii ka ga joojiyay Agaasimihii waaxda farsamada ee dowladda hoose ee Xamar, iyo qaar kamid ah shaqaalihii xafiiskiisa ka howlgali jiray. Gudoomiyaha ayaa markii uu xilka lawareegay waxa uu wacad ku maray in uu talaabo ka qaadi doono cidkasta oo ku kacda falal laxiriira dhulboob iyo in si sharci daro ah lagu caalaamadiyo dhul ay cidkale leedahay oo aysan dowladda ogayn. Go,aanka ka soo baxay maanta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa Warbaahinta u aqriyay Xoghayaha Maamulka Gobolka Banadaair. Halkan ka dhagayso. 120105_001 - My Recording
  16. NAIROBI — U.S. Secretary of State Rex Tillerson has resumed his normal schedule in Kenya after canceling events on Saturday because he was "not feeling well." Source: Hiiraan Online
  17. Kadib markii maalmahaan uu cirka ku aloosmay Xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa ayaa labada dhinac hadalo kulul oo jawaab Celina ay hawada isu mariyeen. Firitaankii Kalfadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu si cad u sheegay in cid aysan iyagu amarsiin mooyee cid kale aysan wax heshiisa lagai Karin Dal ama Shirkado shisheeye. Soomaaliland ayaa durba waxay shaaciyeen iney hakiyeen Wadahadaladii labada dhinac u socdey ee looga wada hadlayaa Qaranimada labada dhinac. Maanta ayay mar kale Soomaaliland soo jawaabtay iyagoo markan Manuucay in Soomaaliland laga isticmaalo astaanta Qaranka Soomaaliya ee Internetka .So, Wasaarada Isgaarsiinta Soomaaliland ayaa soo saartay Wareegto lagu manuucayo Astaantaad. Hoos ka Daawo
  18. Gudoomiyaha Degmada Xarfo ee gobolka Mudug mudane Bashiir Macalin daahir ayaa waxa uu sheegay in ay goobaabsi yihiin biyihii ku jiray Ceelashii ku yaalay Degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha ayaa sheegayn in Degmada ay isugu soo guureen dad badan oo xoolo dhaqato ah, taas oo sababta in biyihii Ceelka ay ku filnaan waayeen dadkii degmada iyo Xoolo dhaqatadii degmada u soo guurtay. Gudoomiye Bashiir ayaa ugu baaqay dowladda Puntlnad iyo Hay,adaha Caalamiga ah in dadkaasi ay la soo gaaro biyo iyo agabkii lagu cabilahaa biyahaasi , maadaama dadka reer guuraaga ah ay isugu yimaadaan meelo aan lahayn Baraagaha biyaha lagu keedsado. Waxa uu sheegay in biyo la,aanta ka jirta Degmada iyo dadka reer Guuraaga ah oo isugu yimaada hal meel ay ka dhalan karaan xanuuno ka dilaaca deegaankaasi. Gobolka Mudug ayaa ka mid ah Gobolada Puntland ay Abaartu wali ay ka jirto , waxaana laga soo deerinayaa xaalada dadka iyo duunyada ee deegaanadaasi ku nool . Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in wali Abaartu ay ka jirto qaybo kamid aha Gobolada . Halkan ka dhagayso. 100423_007 - My Recording
  19. MOGADISHU, Somalia - Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) on Saturday signed a deal with the Somali parliament to go ahead with the construction of a modern National Assembly building in capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  20. Gudoomiiyaha Golaha Wakiilada ee Maamulka Soomaaliland Baashe khaliif oo maanta Warbaahinta ku lahadlay Aqalka Wakiilada ee Soomaaliland ayaa sheegay in Golaha Wakiilada ay u yeereen Maalinta bari ah Gudigii soo saxiixay heshiiskii Saddax geesoodka ahaa ee Dekeda Ber bera oo ay maalmahan xiisadiisa ay taagneed . Gudoomiye Baashe ayaa sheegay sidookale in loo yeeray Shirkadii Maal galinaysa Mashruucan Dekeda Ber bera ,waxaana lafilayaa in Xildhibaanada ay halkaasi su,aalo ay ku waydiiyaan Gudigii Heshiis kaasi Saxiixay iyo Maamulka sare ee Shirkada DP World Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay in uu yahay mid sharci daro ah ,Imaaraadkana uu ku soo xad gudbay Qaranimada dalka Soomaaliya. Halkan ka dhagayso hadalka Gudoomiye Baashe . Gudoomiye baashe
  21. Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab oo ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ,dhibaatana ku haya umada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay Albaabada isugu dhuftay oo xiray Garoonkii kubada Cagta ee ku yaalada deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Amarkan ayaa waxa uu ka soo baxay saraakiisha ugu saraysa Ururka Al-shabaab ee deegaankaasi Ceelasha biyaha . Mulkiilaha Garoonkan oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aan loo sheegin ilaa iyo hada sababta ay Al-shabaab uxireen Garoonkiisa waxaana uu sheegay in ay ugu jawaabeen oo kaliya in uu yahay Amar ka soo baxay Madaxda Al-shabaab. Waxa uu sheegay in aysan deegaankaasi ka talin dowladda Soomaaliya oo ay inta badan xukumaan Al-shabaab . Halkan ka dhagayso. 150112_003 - My Recording
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadan canshuur kordhinta saa’idka ah waxa ay u gudbiyeen Gudoonka labada Aqal ee Baarkamaanka Federaalka. Qoraalka ay Ganacsatada gobolka Banaadir u direen gudoonka labada Aqal ayey ku sheegeen in aysan marnaba diidaneyn in ay canshuur bixiyaan, balse diidan yihiin canshuur kordhinta xad dhaafka ah ee lagu soo rogay Ganacsatada gobolka Banaadir oo kaliya. Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaray Warka ay faafisay Wasaarada Maaliyadda ee ku aadan in kaliya 5 % lagu kordhiyay canshuurta, waxa ayna sheegeen Ganacsatada in lagu kordhiyay wax ka badan 30 %. ”Ganacsatada gobolka Banaadir marna kuma jiro hagar canshuureed, waxaana hubnaa in wadan uusan socon karin Canshuur la’aan, run maahan hadalka Wasaarada Maaliydda ka sheegto Warbaahinta ee ah in 5% lagu kordhiyay canshuurta” Ayaa lagu yiri Qoraalka Ganacsatada Gobolka Banaadir. Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in lacago dheeraad ah Shirkada Al Beyrak ee maamusha Dekadda ay ka qaado ganacsatada wax kasoo degsada Dekadda Muqdisho. Ugu Dambeyn Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa qoraalka ay u direen Gudoonka Labada aqal waxa ay kusoo bandhigeen Xaqiiqda Canshuurta xad dhaafla ah ee lagu soo rogay Ganacsatada gobolka Banaadir. Halkan ka Akhriso Qoraalka Ganacsaada Gobolka u direen Gudoonka labada Aqal The post Cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda oo loo gudbiyay Gudoonka Labada Aqal (Akhriso Cadeymo) appeared first on Caasimada Online.
  23. NAIROBI, March 11 (Xinhua) -- The international community should rally behind efforts to revitalize the war against Al-Shabaab militants in order to hasten Somalia's reconstruction, a senior AU official has said. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka caasimada. Isaga oo ka hor hadlayay munaasabadii furitaanka Kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay dadka ku nool gobolka Banaadir inay u baahan yihiin helida xuquuqda matalaada siyaasadeed ee ay dalka ku leeyihiin. Gudoomiye Yariisow, ayaa wuxuu tilmaamay maqaamka caasimada oo ku yimaada arrin Dastuuri ah in ay tahay waxa ay u baahan yihiin bulshada gobolka Banaadir ku nool. “ Waxaan dalbaneynaa Xuquuqdii ay lahaayeen bulshada ku dhaqan gobolka , gobolka Banaadir wuxuu la mid yahay gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxaa ay rabaan matalaad in ay ku helaan Aqalka Sare, waxa ay rabaan maqaamka in la dadajiyo, Anagana waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka 9aad, Maqaam ku yimid si hab Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan Shacabka lagala tashtay”ayuu yiri Yariisoow Sidoo kale waxaa uu sheegay inay doonayaan maqaam ku yimaada si nidaam oo dastuuri ah, isla markaana shacabka lagala tashtay, isagoo xusay in talada shacabka Gobolka Banaadir la soo uruurinayo, loona soo gudbin doono Xukuumadda iyo Baarlamaanka sida uu yiri. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ay culeys ku qabaan kulamada Baarlamaanka oo waddooyinka muddo la xiro, isago dalbaday in la qafiifiyo xirnaanshaha waddooyinka, isla markaana waqtiyada la qabanayo kulamada la soo gaabiyo, isagoo soo jeediyay in kulamada Baarlamaanka la qabto xilliyada habeenkii, si culeyska u yaraado. Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in bulshada dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha Waddooyinka magaalada xilliyada ay Baarlamaanka shirayaan. Waxaa uu ka dalbaday ugu danbeyntii xubnaha Golaha Shacabka in Wadooyinka aanan laga xiran shacabka Soomaaliyeed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu caadi ku noqdo. Arrimaha Maqaamka Caasimadda ayaa wali xal laga gaarin, iyadoo la rumeysan yahay in waxyaabihii xilka looga qaaday Maamulkii hore ee Gobolka inay sabab u aheyd arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan wali la caddeyn, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay xuquuq fara badan uga maqan tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye Yariisow oo markii u horeysay ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah. Dhulkan oo ahaa waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Dharkiinleey, waxa ay laamaha baarista dhulka ee gobolka Benaadir ay soo xaqiijiyeen in si sharci darro ah ay dhulkan u soo cabireen shaqaalaha shaqada laga joojiyey. Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu xilka la wareegey digreeto ku joojiyey dhismayaal dhulkan ah, iyadoona baaritaanka lagu ogaaday in Agaasimaha Waaxda Farsamada ee shaqada laga joojiyey iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waxdaas ay soo gudbiyeen warbixin ay ku musuq maasuqayaan dhulkan. Eng.Yariisow ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha musuq maasuqa dhulka iyo bixinta ruqasadaha sharci darrada ah, taas oo asaas u ah qorsheyaasha Maamulka Gobolka ee ka dhanka ah musuq maasuqa. “Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan dhulka loo cabirayo ama laga iibsanayo iyo sharciyada loo jarayo ka hor inta aysan maalgashan, si ay uga hortagaan ciqaab iyo ganaax ay ku muteysan karaan maalgashiga dhulka danta guud.” Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanayaashan, taas oo horseedaysa guula laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo eexda. Dhulkan ayaa ku yaalla Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenleey Gobolkan Banaadir,waxana Maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in la doonayay in laga dhigo deeagan sidaas daraadeedna uu u joojiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gudoomiyaha G/Banaadir oo shaqada ka joojiyey shaqaale bixiyey dhul waddo ah. appeared first on Caasimada Online.