-
Content Count
212,205 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Urur goboleedka IGAD ayaa Isniintan maanta ah sheegay inuu mar kale ku celinayo qaddarinta uu u hayo madaxbannaanida, xudduudaha dhulka, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ururka IGAD. IGAD ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay oo ay si dhow ula socoto xiisadda siyaasadeed ee cusub ee Soomaaliya oo halis gelinaysa horumarka wayn ee la sameeyay sannadkii la soo dhaafay, gaar ahaana is mariwaaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan xubnaha sharci dajiyaasha dalka taasoo halis dib u dhac ku keeneysa dadaalada ay waddo dowladda hadda jirta ee la xiriirta dib u nidaaminta amniga hay’adaha cadaaladda, fursadaha dhaqaale ee sii kobcaya iyo sidoo kale inay adeegyada aasaasiga ah u gudbiso dadkeeda. Warkana ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay Soomaaliya sameysay hormar si xawli ah ku socday oo ku aaddan dhib u habeynta, taasoo ay sheegtay in mahadeeda ay leedahay xukuumadda hadda jirta oo wadashaaqeyn dhow la leh dowlad gobaleedyadeeda. Waxaana ay sheegtay inay soo dhoweyneyso horumarka laga gaaray. IGAD waxay soo dhoweyneysaa horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska golaha amniga qaranka, gaar ahaan heshiiska siyaasadeed ee dhowaan uu gaaray golaha amaanka ee qaramada midoobay ee 6-dii bisha Febraayo ee sanadka 2018-ka si loo aqoonsado ciidammada gobolka iyo sii wadida isdhexgalka ka dhexeeya hay’adaha aminga qaranka. IGAD ayaa sidoo kale ku boorrisay dhamaan hay’adaha federaalka ah ee Soomaaliya in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku-xirnaanta, si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed. Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya dalka shinaha ayaa sheegaya in Tareen uu saarnaa Mas,uul sare oo katirsan dowladda kuuriyada Waqooyi uu ka laabtay caasimada dalkaasi Shiinaha , kadib boo qasho horay aan loo shaacin oo uu ku tagay halkaasi. Dowladada Shiinaha ayaa ilaa iyo haatan arinaatsi qirin ,mana aysan beenin booqashadaasi hogaamiyahan kuuriyada Kim Jong Un . Majirto ilaa iyo hada warar rasmi ah oo lashaaciyay oo ku aadan safarka hogaamiyaha kuuriyada Waqooyin. Arintan ayaa hadii ay dhab noqoto waxa ay noqonaysaa talaabo wayn oo laga sameeyay dhanka Diblumaasiyada .
-
Mogadishu (HOL) - Somali Ministry for Foreign Affairs on Monday summoned the United Arab Emirates (UAE)'s ambassador to Somalia, Mr. Mohamed Ahmed Osman. The summons, made on Monday was confirmed in a statement by the Ministry which said the Emirati ambassador had been asked to explain the controversial deal which his country owned company signed with Somaliland. The Ministry said Abdulkadir Ahmed Kheyre, the state Minister for Foreign Affairs had discussed the ambassador over the issue of the deal and its possible consequences. "During the meeting a number of issues took place, including the illegal agreement between the administration of Somaliland and the Dubai Global Ports (DP World) and the legal issues that might result in violations of the sovereignty and territorial integrity of Somalia," reads the statement. The statement said the envoy affirmed UAE's commitment to respect Somalia's unity and sovereignty. "For his part, UAE ambassador to Somalia stressed that his country was fully committed to protecting, respecting and supporting the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia, stating that there was a need for continued cooperation and consultation to broaden and deepen cooperation between the two countries," noted the statement. The move comes barely two weeks after Somali Parliament issued resolution banning DP World from Somalia. 'DP World has outrightly infringed on the sovereignty, independence and unity of Somalia. Therefore the company is forbidden in Somalia," read the resolution.
-
Beeralayda Puntland ee Gobolka bari ayaa ka cabanaya Canshuur ay ku soo rogtay dowladda hoose ee Degmada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland . Beeralayda aya sheegtay in aysan jirin wax Cansuur ah oo horay loo ga qaadijira , marka laga reebo Qidmad yar oo ay Wasaarada Beeraha iyo waraabka Puntland ay ka qaado taas oo ku xaroota Wasaarada Maaliyada ee Puntland. Beeralayda Puntland ayaa arin ku tilmaantay waxlaga laga xumaado maadaama Beeralayda Puntland wali aysan ka soo kabsan Abaartii dalka Soomartay aysan jirina cid kale oo dhaqaale siisa ama maalgalisa Mas,uuliyiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland oo aan laxiriirnay ayaa noo xaqiijisay in aysan waxba ka ogayn Cansuurtan lagu soo rogay Beeralayda Gobolka bari waxaana kamid ah Cali Axmed Cumar lataliyaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland . Hadaba halka ka dhagayso Gudoomiyaha Beeralayda Puntland Cabdi Casiis Garaad oo arimahaasi kahadlaya . Cabdi Casii Garaad
-
Beladxaawo (Caasimadda Online) – Magaalada Beladxaawo waxay dhacdaa waqooyiga Gobalka Labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Gedo 18-kii Gobal Dalka, waxay ku taalaa gobal Halbowle iyo laf-dhabar u ah Ganacsiga Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay ku taalaa goob kulmiso Ganacsato ka kala timaada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waa magaalo ay usoo ganacsi tagaan dad ku hadla Luqado kala duwan sidoo kale waxaa ku nool Dad dhaqano kala Duwan leh, Ganacsiga magaalada ayaa sare u ka-kacayay sanadihii ugu dambeeyay. Buula Xaawo saameyn weyn kuma yeelan dagaaladii dalka ka socday waxayna ka mid tahay magaalooyinka Ilbaxnimadooda ay kordhay kana faa’ideestay. Bulshada ku nool magaalada Belad-xaawo waxaa la tilmaama in ay yihiin Bulsho ku ad adag dhowridda Hantidoo, Taariikhda Soomaaliya ayaa qortay in Shacabka magaalada hada ka hor ay Gumaystaha Ingiriiska ka diideyn in Belad-xaawo ay ka mid noqoto Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee uu Gumaystihii Ingiriiska u gacan geliyay Dowladda Kenya. Magaalada waxay wajaheysaa dhibaatooyin badan oo kaga imaanaya Dowladda Kenya iyo maamul Xumi ka jirta magaalada, milatariga Kenya ayaa wali wada dhismaha darbiga mana dhaqan gelin wadadahalkii Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya. Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa KNN u xaqiijiyay in dhismaha wali ka socda Xadduuda Belad-xaawo, Ciidamada ayaa Biraha shubka iyo agabyo kale Gelinaya gododkii ay ka qadeyn Xadduud Beenaadka Gobalka Gedo. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa ayaa KNN uga waramay Xaalada magaalada Xor maahan dadka ku nool magaalada waxay cadaadis kala kulmayaan Ciidamo ka amar qaata Jubbaland kuwaas oo fariisamo ka sameestay meel u dhaxeysa dhismaha Darbiga iyo Gudaha magaalada si uusan u dhacin Banaanbaxyada shacabka. Odayaal dhaqan, Dhalinyaro iyo Haween laf dhabar u ahaa Abaabulka banaanbaxyada looga soo hor jeedo Dhismaha Darbiga ay Ciidamda Kenya ka wadaan gobalka ayaa u xiran Ciidamada Jubbaland Gobalka gedo dhibaatooyinka uga imaanaya Kenya waxaa u fududeenaya dhibaatooyin kale oo gobalka Ka jira, dadkiisa isma raacsana maamulka gobalka Degmooyinka qaar kuma xoogana. Degmooyinka Luuq, Doolow, iyo Belad-xaawo maamulkiisa waxay toos uga amar-qaataan Jubbaland halka degmooyinka kale ay ka arimayaan Ciidamo milatari ah oo toos ugu xiran Dowladda dhexe. Ugu dambeyn Shacabka ku nool magaalada Belad-xaawo ayaa madaxda Dowladda iyo dhamaan Shacabka Soomaalida ka dalbaday in ay ku caawiyaan joojinta ku xadgudubka ay Kenya ka wado degmada Belad-Xaawo. Shacabka magaalada ayaa Madaxda Dowladda ku dhaliilay hadalada Siyaasadeed iyo go’aanada aan dhaqan gelin ay ka soo saarayaan Xaaladda belad-Xaawo. Maamulka degmada Belad-xaawo oo aan la xariirnay waqtiyo kala duwan kama jawaabin telephonadooda, Saraakiil ka tirsan degmada oo aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan ka hadli Karin waxa dhacaya sababtuna waxay ku sheegeyn in amar lagu siiyay in aysan ka hadlin dhismaha darbiga amarkaas oo ka soo baxay maamulka degmada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
WICHITA, Kan. (AP) — A former militia officer testified Monday that he left the group in 2016 following the mass shooting at an Orlando nightclub out of concern some of the other members were plotting to attack Somalis in their small Kansas community. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia re-arrests recently freed politicians, journalists
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ADDIS ABABA, Ethiopia — Ethiopian security forces have re-arrested a number of recently freed politicians and journalists as they gathered for a social event outside the capital, Addis Ababa, with family and friends, a lawyer said Monday. Source: Hiiraan Online -
Wasiirka Wasarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Marwo Maryan Axmed ayaa sheegatay in Mashaarcii horumarineed ay kawadaan Sagaalka Gobol ee Puntland . Wasiir Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in Mshaariicdan ay Wasaaradu ka wado Gobolada Puntland mida ugu saraysa ay tahay Gobolka kar kaar markii ay Qiimeyn ku sameeyeen Gobolada Puntland. Wasiirada ayaa sheegtay in la xoojin doon Goobaha Cafimaadka ee ku yaalada Degmooyinka iyo Tuulooyinka udhaw Magaalo Madaxda. Wasiir Maryan ayaa gaba gabadii waxa ay sheegtay in ay sii xoojin doonaan wax kasta oo loo qaban karo Dumarka ,Caruurta ,iyo si dadban Qoyska uu ragu uu kujiro. Halkan ka dhagayso Wasiir Maryan. Wasiir Maryan
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo ay ku muujineyso sida ay uga horjeedo heshiiska Dekadda Berbera ee dhowaan ka dhacay magaalada Abu dhabi iyo saldhiga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo magaalada Berbera. Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, iyadoo laga dalbaday inuu caddeyn iyo faafhaahin ka bixiyo arrinta dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kula heshiisay Itoobiya iyo Saldhiga Milateri. Safiirka Imaaraaka Maxamed Axmed Cusman Alhamadi ayaa looga yeeray maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waana tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca diblomaasiyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadato dalka Imaaraadka. Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ayaa la sheegay inuusan weli saxiixin madaxweyne Farmaajo, iyadoo xeerka uu ka dalbanayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda inay go’aankaasi gaarsiiyo dowladda Imaaraadka. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay arrimihii ay kala hadashay safiirka dalka Imaaraadka carabta oo shalay looga yeeray xarunta wasaaradaasi ee magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga C/qaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxyna ka wadahadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro. Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo maanta jir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa soo bandhigay tacadiyada Kufsi ee saddexdii bilood ee ugu dambeysa ka dhacay gobolada Puntland. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inay soo diiwaan galiyeen 18 kiis oo kufsi ah oo sannadkan ka dhacay guud ahaanba Puntland, kuwaas oo intooda badan lagu dhameeyay xeer dhaqameedyo aan waafaqsanayn sharuucda iyo qawaaniinta dowladda uga degsan Kufsiga. Waxaa hadalkiisa ku jiray digniin uu ujeedinayay Odayaasha iyo nabadoonada ka tilaabsada sharuucda dowladda Puntand uga degsan tacadiyada Kufsiga islamarkaana si hoose ku dhameeya kiisaska nuucaan ah, iyadoo la dulminayo dhibbanaha lagu tacadiyay. Xeer ilaaliyuhu waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan hay’addo caalami ah oo ku shaqaysta inay abuuraan kiisas been abuur ah oo kufsiga la xiriira, si ay dhaqaale uga helaan islamarkaana magac dil ugu sameeyaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda. Hay’addaha nuucaas ahi waxaa xeer ilaaliyuhu uu u ujeediyay digniin adag iyo in maxkamad lasoo taagidoono cidii falkaas foosha xun lagu helo. Waxaa sidoo kale uu sheegay in maxkamad lasoo taagidooni cid kasta oo iskudayda inay si hoose ku dhameyso fal dambiyeedka kufsiga. Puntlandi.com
-
The minister of foreign affairs Dr.Saad Ali Shire has spoken about the tripartite agreement. He confirmed that the road connecting Berbera to Wajale will begin later this year. The minister was speaking to the Horn Newspapers in an exclusive interview this is the dossier of the interview….. Geeska Afrika: The Ethiopian minister of Transport said that despite his country gain of 19% stake at Berbera port that does not mean that his country has recognized Somaliland. He went further to say that agreement is a trade deal between the two countries what do you confirm or deny about the Ethiopian minister sentiments? Foreign Minister: We always had a special relationship with Ethiopia. The two countries are neighbors and it is the policy of the Somaliland government to have good relations with her neighbor furthermore we have been doing business with Ethiopia since the time of immemorial. It is our responsibility to have friendship with our neighbors. Q: Do you think time has come for Somaliland to match her trade deficit with Ethiopia following their gain of 19% stake at Berbera International Port? A:No. First and foremost our biggest handicap is that we are an import economy we simply manufacture nothing and for the time being to underscore that challenge is a daunting task. Another obstacle is that we do not export much, we used to export livestock but for now there is a ban. This is dangerous it will always affect the value of our Shilling. This has to change we have to start to invest in the agriculture economy so that our country can become self sufficient. Q: Since the tripartite agreement was signed the Somalia parliament has become a thorn in the flesh to Somaliland aspirations of self determination. How do you gauge the situation? A: They are just making noises that have no purpose. By the way Somalia has no jurisdiction over Somaliland so their parliament should not waste their valuable time to discuss Somaliland a democratic country with her own president, parliament and independent judiciary. Q: How about the Somaliland and Somalia talks are you going to engage with your adversaries or you are simply going to bide your time? A: We are going to bide our time until we can see a climate conducive to us to engage with Somalia and until then we will sit on our laurels. Q: Can we say that the tripartite agreement has opened a can of worms in the diplomatic circles for instance the Somalia government is opposed to the agreement and hence have support from Qatar and Turkey whereas Somaliland is supported by UAE? A: It is simply we will put our eggs where they will hatch. For example 50% of our trade is done with the UAE and 90% of our livestock goes to Saudi Arabia so you can see we have to take care of our interests. Q: Please tell us about the relationship between our country Turkey and Qatar is frosty or cordial? A: Somaliland foreign policy is straightforward we build bridges not walls we would love to have the best relationship with every country in the planet. Q: Can you give us a tit bit of information about the UAE military base? A: The military camp will soon be established and mid this year the Berbera-Wajale road will commence construction. Q: Somaliland has passed many metamorphosis to reach where it is today as the foreign minister what do you think is obstacle standing on the wayside of Somaliland International Recognition? A: Somaliland has fulfilled all requirements for independence and what remains is the world to acknowledge us and recognize us.
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo ku beegan Talaado 27-March lagu wadaa in ay ka wada hadlaan darbiga muranka badan dhaliyay ee Kenya ay ka dhiseeyso xadka Soomaaliya ay la wadaagto. Guddiyo kala matalaya labada dhinac ayaa maanta kulmaya kuwaasi oo ka wada hadlaya darbiga kenya iyo sida xalka loogu heli karo. Guddiyada ayaa ka hadlaya qaabka loo joojin lahaa dhismahaasi oo gudaha u soo galay Soomaaliya. Maalin ka hor Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay u wakiilatay wada hadaladaasi maanta dhacaya. Shalay Madaxweyne Farmaajo ayaa Taleefon kula hadlay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo isku afgartay in la joojiyo dhismahaasi. Shacabka Baled-Xaawo ayaa sheegay in dowlada Kenya ay gudaha u soo gashay Degmada Baled-xaawo iyaga oo ka dhiidhiyay arintaasi dagaalna kala hortagay Ciidamada Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya Darbiga laga dhisayso Xadka appeared first on Puntland Post.
-
The ministry of foreign affairs has terminated the job of nine diplomats. According to letters yet to be made public but accessed by Geeska Afrika and signed by The minister of foreign affairs Mr.Saad Ali Shire, nine friendly foreign countries are currently without Somaliland diplomatic representation. The letter dated 21st March 2018 and CCed President Musa Behi Abdi states that those addressed have been relieved of their duties as Somaliland diplomats. The letter states “following internal ministerial studies as pertains to new quest for recognition strategies, it has been decided that those diplomatic representatives without official offices in their country of services be removed from budget” To these effect all addresses herein are asked to submit budgetary needs and only in relation to activites geared towards quest for recognition” The addresses thence subsequently fired or put in a freeze are Somaliland Representatives to Norway France Turkey Canada Ireland Saudi Arabia Oman and Kuwait South Sudan and Ambassador at large Reading between lines of the letter it appears that either the new foreign policy strategy does not view the above countries as vital, or the representatives performance has been lackluste Horn
-
The Puntland State of Somalia is stepping up the fight against maternal and newborn births with the First Lady Dr. Hodan Said Isse taking lead in her capacity as Puntland’s Goodwill Ambassador for the Campaign for Accelerated Reduction of Maternal Mortality in Africa (CARMMA). Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay gabi-ahaa ba joojiyeen wada-hadaladdii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay in ay dhawaan bilaabmaan, kadib markii uu sheegay in Muqdisho ay weerar qaawan ku soo qaaday Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya inay caalamka ugudbisay jahwareerin iyo been abuurasho ka dhan ah jiriraankooda iyo xaqa ay uleeyihiin in maalgashi caalami ah lagu sameysto dhulkooda. “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey inay bilaabmaan 19-kii bishan March 2018-ka, waanu joojinay. Sababta oo ah xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey jiritaankeeda ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Somaliland uu muddo bil ah dib u dhigay wada hadalada labada dhinac, laakiin go’aankaan ayaa meesha ka saaraya go’aankii hore. Puntlandi.com
-
By Ahmed Abdi Hargeisa— Somaliland is considering to expel United Nations Organizations working in Somaliland over dissatisfaction, reports say. “President Muse Bihi Abdi selected a committee chaired by the Vice President Abdirahman Saylici to reevaluate Somaliland’s relations with the UN workers, according to a piece published by Foore News. The United Nations’ International Civil Aviation Organization (ICAO) has planned to relocate its workers to Mogadishu. Somaliland expressed her dissatisfaction with the UN’s decision.
-
Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed Faarax oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay tacaddiyada kufsi ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay afar gobol oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland. Maxammed Xareed Faarax ayaa sheegay in Xeer-ilaalintu ay xafiisyo ku leedahay afarta gobol ee kala ah Nugaal,Mudug,karkaar iyo Bari,sidaasi darteedna ay xogta sugan ee tacaddiyada ku kufsiga ka heleen afartaasi gobol oo saddexdii bilood ee sannadkaan ay ka dhaceen 18 kiis oo kufsi ah. Xeer-ilaaliyaha ayaa eedayn kulul u jeediyay qaar kamid ah hay’adaha reer Galbeedka oo uu sheegay in ay kufsiyo been abuur ah ka sheegaan degaannada Puntland,isagoo digniin ku bixiyay in hay’addii lagu helo arrintaasi sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale wuxuu eedayn taas lamid ah u jeediyay qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka degaannada Puntland oo uu sheegay in ay daboolaan kufsiyada loo geysto gabdhaha,islamarkaana ay laaluush ka qaataan ehelada denbiilaha tacaddiga geystay,si ay lacag uga sameeyaan xaqa dulmanaha. Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay maxkamad la tiigsanayan Oday-dhaqameedkii si hoose u xalliya kiis kufsi. Goor dhow la soco shirka jaraa’id oo muuqaal ah:Puntlandpost.net The post 18 kufsi oo Puntland ka dhacay ayaa haatan la shaaciyay. appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Sh Cali Dheere) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeyso ee ka taagan Magaalada Beled-Xaawo. Cali Dheere oo wareeysi siinayay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andulus uu kaga hadlay Xiisada Beled Xaawo. Waxa uu ku eedeeyay dowlada Kenya in ay daan daansi iyo dhul balaarsi ay ku heeyso Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Kenya aanay u suurtali doonin rabitaankooda islamarkaasina Kooxdooda ay dagaal kala hortagi doonaan. Waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyay Shacabk Baled Xaawo oo ku amaanay sida ay ugu soo horjeeysteen Ciidamada Kenya. “Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed, Mujaahidiintu waxay diyaar u yihiin in ay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo. Ayuu yiri Cali Dheere. Maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in ay raali ka yihiin ciidamada Kenya ay ku soo xadgudubto Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa dagaal kula Jirto Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo ka koobaan qaar kamid ah dowladaha Afrika. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-shabaab oo ka hadashay Xiisada Baled-Xaawo appeared first on Puntland Post.
-
Howlgalo culus oo ka socdo Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa Howlgal Culus uu ka socdaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Howlgalkaan oo amarkiisa uu iska lahaa Ra’isilwasaare Xasan Cali kheyre ayaa ka socdo Degmooyinka Muqdisho. Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar. Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka iyo xaafadaha Muqdisho si amaanka ay u sugaan. Dhanka kale ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho sida Wadada Maka Al-Mukarama iyo wadda Tarabuunka ee Muqdisho. Howlgaladaan ayaa ka duwan kuwii hore oo ciidamada amaanka ay ka sameeyn jireen Muqdisho. Wali laamaha amaanka wali kama hadlin howlgaladaasi ay ka wadaan Muqdisho. Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro ay ka geeystaan Kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Howlgalo culus oo ka socdo Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post. -
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya H.E. Mr. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi. Intii kulanku socday waxaa looga wada hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro. Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat. Hoos ka Daawo Sawirada PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ka wada hadlay Arrimaha Shirkadda DP World appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Ethiopia ayaa dib u xirtay hogaamiyaal mucaarad ah iyo Bogag warar lagu faafiyo, kuwaas oo dhowr todobaad ka hor lasii daayay. Andualem Aragie, oo ah hogaamiyaha mucaaradka Ethiopia (UDJ ), saxafi lagu magacaabo Eskinder Nega iyo Temesgen Desalegn oo ah maamulaha boggaga Befeqadu Hailu iyo Zelalem Workagegnehu, ayaa la xiray, intii lagu guda jiray dabaal deg ay soo abaabuleen maxaabiistii siyaasadeed ee dhowaan lasii siidaayay. Ethiopia ayaa horey usii daysay in ka badan 6,000 kun oo maxaabiis ah tan iyo bishii January ee sannadkan, waxaana ku jiray saxafiyiin sare sare iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia kaa oo laba garab u kala jabiyay Xildhibaanada. Khilaafka baarlamaanka ayaa la sheegay inuu cirka isku sii shareeray kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare CCC Sharmaarke uu dhaqaale xoogan ku wareejiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari. CCC Sharmaarke, ayaa la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi uu kala imaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uuna xiligaan dhex-dhexaad u yahay Dowlada Imaaraadka , Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo uu ku kasbanaayo dhan dhaqaale. CCC Sharmaarke oo si cad u garabsiinaaya Guddoomiye Jawaari, ayaa siyaabo kala duwan Xildhibaanada Mooshinka wada iyo kuwa aan Mooshinka wadin kulamo gaar gaar ah kula yeesha Hoteelada. Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari kana qeybgalay kulamada uu Hoteelada ku qabanaayo Ra’isul wasaarihii hore ee dalka ayaa inoo xaqiijiyay in CCC Sharmaarke uu dhibaato ku hayo dalka. Waxa uu sheegay in CCC Sharmaarke uu aad uga soo horjeedo in cadaalad iyo kala danbeyn ka dhalato Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixinaayo in kala jabinta baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in CCC Sharmaarke uu Xildhibaanada qaar dhaqaale kusiinayo si looga soo horjeesto garabka Mooshinka kawada Jawaari, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inaanu taa dhici doonin, isla markaana ay xilka ka xayuubin doonaan Jawaari. Docda kale, waxa uu CCC Sharmaarke uga digay inuu kala jabsho Xildhibaanada isagoo ay u muuqato in dhaqaalaha uu kasoo qaaday Imaaraadka uu ku meelmariyo burburinta Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com