-
Content Count
212,205 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sultan Ahmed Bin Sulayem, Group Chairman and CEO, DP World and Jose Makila Sumanda, Vice Prime Minister and Minister of Transport and Communications, Democratic Republic of the Congo, at the signing of the Port of Banana concession in the Democratic Republic of the Congo. DUBAI, United Arab Emirates – DP World has won a 30-year concession with an option of a further 20-year extension for the management and development of a greenfield multi-purpose port project at Banana, Democratic Republic of the Congo (DRC). The Port of Banana will be the first deep-sea port in the country along its small coastline of 37 kilometres, which currently only has the riverine port of Matadi. DP World will set up a joint venture with 70% control, and the government of DRC holding a 30% share, to manage and invest in the Port of Banana. The first phase of the greenfield project, with an estimated initial investment of $350 million, will include a 600-metre quay and 25-hectare yard extension with a container capacity of 350,000 TEU (twenty-foot equivalent units) and 1.5 million tons for general cargo. Construction is expected to start in 2018 and is expected to take approximately 24 months to complete. The initial investment of $350 million will be spread over 24 months and the total project cost of more than $1 billion over four phases will be dependent on market demand for the port, industrial and logistics zone infrastructure. The development gives the Democratic Republic of the Congo the opportunity to be connected into global trade lanes, to have access to a wide range of global markets and to reduce its dependency on the neighbouring countries’ ports. Sultan Ahmed Bin Sulayem, Group Chairman and CEO, DP World, said: “We are delighted to extend our African footprint further with a major investment in the Democratic Republic of the Congo, which is Africa’s third-most populous country but has no direct deep-sea port. Investment in this deep-water port will have a major impact on the country’s trade with significant cost and time savings, attracting more direct calls from larger vessels from Asia and Europe, and ultimately acting as a catalyst for the growth of the country and the region’s economy.” “DP World has become a major player in Africa and the Port of Banana will contribute to our global network and continued growth in the developing markets. We are confident that this investment will deliver attractive returns to shareholders over the longer-term and we look forward to bringing DP World’s world class productivity-enhancing, security, safety and environmental best practices in container terminal development and operation to the Democratic Republic of the Congo.” Jose Makila Sumanda, Vice Prime Minister and Minister of Transport and Communications, Democratic Republic of the Congo, said: “We are excited to partner with DP World on this landmark project. The Port of Banana will offer the first deep-water port to the Democratic Republic of the Congo that will dramatically improve the cost and time of trade as the majority of the cargo is still handled by neighbouring countries.” “The project will provide us with a first-class marine facility comparable to other African countries in terms of capacity, draft and ability to handle the latest generation of vessels.” “The country was waiting for this strategic and structural project for a long time. We are confident that with DP World as a partner, we will be able to meet the expectations of our people, traders and exporters to have access to more markets and to bring more efficiency and cost effectiveness to international trade.” Source: – DP WORLD
-
Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatey Mooshinka ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertey kadib marki ay gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ay iska soo daba saareen war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda. Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 31-ka bishaan Maarso la qaban doono mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo gudoomiyaha baarlamaanka Mohamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Warsaxaafadeedkaasi ayaa lagu wargaliyey xildhibaanada in ay yimaadaan maalinta uu dhici doono moowshinka, oo sidoo kale lagu beegay marka uu furamayo kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka. Dhinaca kalena, warsaxaafadeed jawaab u ah kan Cabdiwali Ibrahim Musey oo kasoo baxay xafiiska gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlmaanka, Mahad Cabdallah Cawad, ayaa lagu sheegay in iyadoo gudoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlmaanka uu joogo ay sharci darro tahay inuu ku xigeenkiisa noqdo kusimaha afhayeenka baarlamaanka. Md. Cawad ayaa arrintan u kucsaday qodobka 94aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kalana, warsaxaafadeed ay soo saaren guddiga Aqalka Sare ee dadaalka ugu jira xal u raadinta xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhinacyada ay isu tanaasulaan oo ay wada shaqeeyaan si looga badbaado xasillooni darro amni, mid dhaqaalo iyo mid siyaasadeed. Guddigan Aqalka Sare ayaa horay ugu taliyey in mooshinka lagu qabto muddo 10 cisho ah oo ka bilaabanayseay 18-ki bishaan March.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Gaarigan ayaa la sheegay in xaafad ku taalla Siinka Dheer isaga oo marayey uu halkaasi bacaad ku galay, islamarkaana Labo ruux oo la socotey ay ka dalbadeen shacabka in ay la bixiyaan. Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho,Wadihii gaariga ayaa la sheegay inuu qarxiyey gaariga isagoo ka cabsi qabay inay toogtaan ciidamada. Dadkii meesha ka dhowaa ayaa markii ay ka daaleen, waxaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga kala tageen, balse gaariga oo laga shakiyey ayaa waxaa soo aaday ciidamada ammaanka. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in wadeen gaariga Qarxay. Gaariga ayaa ku qarxay meel ay ku yaallaan Guryo Jiinkado ah, waxaana qaraxaasi uu sababay Burbur xooggan.
-
Garowe (Puntlandi) Duqa degmada Garoowe Xasan Goodir iyo taliyaha ciidanka Booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli ayaa ka qeyb qaatay howlgal lagu burburinayay Boosas laga cabirtay meelo ku dhow garoonka diyaaradaha Garowe, Gen, Maxamed Abshir Muuse. Masuuliyiinta ayaa digniin xoogan ujeediyay shakhsiyaad caadaystay inay kusoo xad gudbaan goobaha ay dowladdu mamnuucday in boosas laga cabirto. Waxaa kaloo digniin loo jeediyay dadka ku howlan dhul boobka, taasoo ah kamid ah mushkiladaha ugu weyn ee ka taagan Garowe. Maamulka gobolka Nugaal ayaa horey u mamnuucay in loosoo dhawaado dhulka garoonka diyaaradaha Garowe, iyadoo marar hore ay ciidanku burburiyeen dhismayaal sharci darro oo laga ag dhistay hareeraha garoonka diyaaradaha. SAWIRRO. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabta ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afafka hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha xukuumada Somalia. Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxa kadib uu cirka isku shareeray uuro madow, oo qaraxa ka dhashay, intaasi kadib Ciidanka Kontoroolka ayaa riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayeen falkan. Gaariga Qarxay ayaa waxaa la socday nin isa soo miidaamiyay oo kaxeynayay gaariga, waxaana lasoo sheegayaa in naftii haligahaasi uu galaaftay nolosha 5 Ruux oo laba kamid ah ay dhaacaw u geeriyooden goor dhow oo caawa ah. Saraakiisha caafimaadka ayaa u sheegay warbaahinta in halkaasi ay u direen Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta, ayna halkaasi ka soo qaadeen Meydad iyo tirro dhaawacyo ah. Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxay u badnaayeen shacab, oo ay ka mid ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah oo kaxeynayay Mooto Bajaaj cadaan ah iyo qof oo halkaasi ku sugayay gaari. Dadka dhintay waxaa ku jira Asakari ka tirsan ciidanka ammaanka oo si toos ah u hor istaagay Gaarigaan, taasi oo keentay in markii danbe Gaariga uu ku Qarxo halkii lagu qabtay. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxaani ayaa daba socda Qarax Khamiistii ina dhaaftay xilli galab ah ka dhacay goob lagu shaaho oo kasoo horjeeda Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga Aqalka Sare oo maanta soo saaray baaq labaad oo ku aadan xallinta khilaafka ka dhex taagan golaha shacabka ayaa ku talliyay in ay lama huraan tahay in la qabto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo loogu baaqay xildhibaanada inay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta mooshinka.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid (KHADAR) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Duulista iyo Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda iyo weliba Dekedda Magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Duulista Md Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisalwasaare ku-xigeenka waxaanna uu uga warbixiyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan iyo hanaanka ay usocoto shaqadda Wasaaraddu, isagoo mid mid u booqday xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha Wasaaradda. Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa iyagana dhankooda R/W ku-xigeenka kusoo dhoweeyay xafiiska W/D & G/B, waxaana dhex maray kulan mudo kooban qaatay oo ay R/W ku-xigeenka ugaga warbixinayeen shaqadda Wasaaradaasi. Intaa ka dib Md Mahdi oo ay wehelinayso Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ayaa booqday Dekedda Magaaladda Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala. Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho. ”Waxaan saaka kormeer shaqo ku tegey Wasaaraddaha qaar kamid ah iyo Dekedda Muqdisho, Kormeerkaasi wuxu qayb ka yahay barnaamijka joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda. Waxaan soo aragnay sidday shaqooyinkooda u gudanayaan Wasaaradda Dekeddaha & gaadiidka badda iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda iyo weliba Dekedda weyn ee Xamar. Waxaan soo arkay in shaqadda Wasaaradduhu si fiican ay usocoto Wasiiradda iyo agaasimayaasha dhamaan shaqaaluhuna ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii-wata ayaa yiri “Dekedda Muqdisho oon sidoo kale tegey waxaan kusoo arkay shaqo wanaagsan oo ka socota ilaa afar markab oo waaweyn ayaa kusoo xidhay, dhaqdhaqaaqa dekedduna aad buu usareeyay shaqadda ay Maareeyaha dekedda iyo shaqaaluhu wadaana si fiican ayay u soconaysay.” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi oo warbaahinta la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday”. ___DHAMMAAD___ The post R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Banaan bax ay soo abaabuleen Dhalinyarada Muqdisho loogana soo horjeeday dhul boobka dowlada Kenya ka wado Xuduuda Degmada Balad Xaawo ayaa ka dhacay Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Banaan baxa ayaa dhacay wax yar un kahor inta uusan qarax xoogan ka dhicin isgooska Sayidka, lamana oga xiliga qaraxu dhacayay in goobtaasi ku sugnaayeen dadkii banaan baxa ka qeyb qaadanayay. Wariye katirsan Warbaahinta oo marayay Isgooska Sayidka inta uusan qaraxu dhicin ayaa kasoo qaaday Sawirada idin muuqda, xaalada ayaana xiligaasi aheyd mid caadi ah oon wax dhibaato ah halkaasi ka jirin. Qaraxa xoogan ee ka dhacay Isgooska Sayidka ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale goobtaasi ka dhacay bur bur xoogan oo soo gaaray dhismayaal ku dhaw Isgooska Sayidka
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda DP World ayaa lacag hal bilyan oo doolar ah ku kireysatay dekadda Port de Banana ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah Congo. Dekaddan oo nooca macmil ka ah, lagana dhisay halka ay iskaga darsamaan Wabiga Congo iyo badda Atlantic ayaa dhererkeedu waxa uu ka yar yahay 75m, halka doomaha ku soo xirta ay yihiin nooca yar yar, iyadoona halkii mar aysan dekedda ku soo xiran Karin wax ka badan hal doon. DP World waxa ay sheegtay in lacag dhan 350 Malyan oo doolar ay u qoondaysay dib u dhiska dekedda oo kaliya, halka 650-Malyan ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka dekedda iyo mashaariic kale oo shaqo abuur oo ka mid tahay magaalo warshadeed laga hirgelinayo deegaankas. Dowladda Congo ayaa shaacisay in saamiga dekeddan ay ka qaadanayso uu yahay 30% halka DPW ay leedahay 70%, arrinkan oo dad badan oo Soomaaliyeed soo xasuusiyey heshiiskii dekedda Berbera ee muranka dhaliyey. DP world ayaa warsaxaafadeed ku saabsan arrinka ku tilmaamtay sida ay u yartahay dhulka dekeddaani, maadama dalka Congo uu 37km qura kala wadaago biyaha badda Atlantica, balse waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin heshiiskan mudda mudada 30-ka sano ah ay ku maamulayaan deked yarahaan, iyagoona sheegay in ay dhiskeeda ku dhammeystiri doonaan muddo 24 bilood ah. Dekedda Berbera oo ku taalla marinka ugu mashquulka badan dunida ee badeecaduhu ay ka dhoofaan ayaa shirkadda DP World waxa ay kula wareegtay 442 Malyan oo doolar, iyadoona la xaqiijiyey in sanadkii 2012kii laga soo dejiyey 21,538 kunteendhar siday agab iyo badeecado kala duwan, halka dekeddan maanta Imaaraatku uu 1 Bilyan kaga kireystay Congo ay ka soo degeen markii ugu badnayd 2000 oo kunteendhar oo qura. Muuqaallada dekedda Berbera iyo deked yarta Banana ee dalka Congo ayaa muujinaya farqiga ballaaran ee u dhexeeya labada dekedood iyo sida ay u kala muhiimsanyihiin, balse waxaa muuqata sida Shirkadda la wareegtay maamulkooda ee DP World ay ugu tumatay qiimaha dekedda Berbera iyadoona kula wareegtay kala bar lacagta ay ka bixisay dekedda yaraha dalkas Congo oo guud ahaanba dalkaasi dhulka uu badda la wadaago ay ka yartahay inta magaalada Berbera ay kala wadaagto khaliiijka Carabta. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Russia iyo Ururka Taliban ayaa siyaabo kala duwan u beeniyey hadalkii kasoo yeeray Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan, kaasoo ahaa inay Taliska Moscow taageero Kooxda Taliban. Hogaamiyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa xitaa daaha ka qaaday inuu Ruushku hub ku taageero Ururka Taliban oo muddo dheer waday dagaal ay kaga soo horjeedaan dowladda Afghanistan. General John Nicholson oo la hadlay BBC-da Isbuucii lasoo dhaafay ayaa ku eedeeyey Russia inay ka shaqeyneyso xasilooni la’aanta Afghanistan maadaama ay taageeraan sida uu hadalka u dhigay Ururka Taliban. Balse Safaaradda Russia ay ku leedahay caasimadda Kabul ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku ku beenineyso hadalka Jeneraalka, iyagoo ku tilmaamay been aan sal iyo raadba laheyn iyo xan qiyaas ah. Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Ururka Taliban ayaa sheegay in aysan wax caawinaad ah a helin midkoodna dowladaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Kabul Caasimada@live.com
-
Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geystay oo ka dhacay Galabta Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca raaxada waxaana xiligaasi baarayay ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya. ku dhowaad 5 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi uu isugu jiro askar iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxaa halkaasi ku basbeelay Gaadiid iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo dadka reer Muqdisho ay aad u isticmaalaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah-faahin: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Mogadishu was struck by a large explosion and gunfire on Sunday afternoon near the parliament headquarters, according to police and witnesses. Rescue efforts are underway as volunteers work to save lives. Amin Ambulance is reporting that three people have been killed. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojisay Wada-hadalkii ay kula jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay weerar ku soo qaadday maamulkiisa,sidaasi darteedna uu joojiyay wada-hadalkii la qorsheeyay 19-kii bishaan Maarso. Muuse Biixi fahfaahin kama bixin weerarka ay soo qaadday Xukuumadda Soomaaliya,balse wuxuu tilmaamay in Somaliland aysan marnaba wax ka dhisan Xukuumadihii is-xigay ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib. Halkaan ka daawo Biixi. PUNTLAND POST The post Somaliland oo gebi ahaanba joojisay wada-hadalkii Xukuumadda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Faah faafin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo Galabta ka dhacay agagaarka ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Zayidka. Qaraxa ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen gaariga balse uu qarxay,waxana soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas. Wararka hordhaca ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa 7 Ruux ay qaraxaasi ku geeriyoodeen,sidoo kalena in ka badan ay ku dhaawacmeen,balse weli lama cadeyn halka sida rasmiga ah gaarigaas uu ugu socday. Masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo la filayo in saacadaha nasoo aadan ay Warbaahinta u faah faahiyaan qaraxaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Berlin (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee gobolka gooni u goosadka ka ah dalka Spain ee Catalonia Carles Puigdemont ayaa waxaa xiray booliska dalka Germany, ka dib markii dowladda Spain ay ka dalbatay dowladaha Yurub inay qabtaan ninkaan. Mr Carles Puigdemont waxaa raadineysay dowladda Spain maadaama uu masuul ka yahay sida lagu eedeeyey kacdoonka Catalonia ay ku dooneyso inay uga madax-bannaanaato Isbaanishka intiisa kale, waxaana la qabtay isagoo kasoo tegay dalka Denmark kuna sii jeeday dalka Belgium, oo magan-galyo u fidiyey, sida uu qareenkiisu daaha ka qaaday. Puigdemont ayaa Khamiistii lasoo dhaafay wuxuu booqasho ku tegay dalka Finland. Waxaana xusid mudan dalka Spain uu ka cararay bishii October ee sannadkii tegay, markaasoo Baarlamaanka gobolka Catalonia ay si mideysan u qaateen aragtida ah inay xornimo ka qaataan Spain inteeda kale. Balse dowladda Spain ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabada ay qaadeen Baarlamaanka Catalonia, halka Mr Puigdemont iyo hogaamiyeyaashii kale ee soo abaabulay kacdoonkaan dhammaantood ay dowladdu bartilmaameedsatay, Mr Puigdemont ayaana haatan la filayaa inuu wajaho xabsi 30 sanno ah. Xiisadda Catalonia ayaa haatan aad u kacsan, maadaama hogaamiyeyaashii kacdoonka xornimada la xiray, musharrixii ugu dambeeyey ee xilka madaxweyne Jordi Turull ayaana Jimcadii xabsi la dhigay, waxaana wahliyey shan shaqsi oo kale. Caasimadda Online Xafiiska Berlin Caasimad@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tegay Taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay isugu yimaadeen Shacab dhalinyaro u badan oo kasoo horjeeday xadgudubka Kenya ee Xaduudka Balad Xaawo. Banaanbaxayaasha ayaa watey Boorar ay ku qornaayeen Eryayo ay ka mid ahaayeen Balad Xaawo Iib maahan iyo Erayo kale,waxana ay soo mareen Wadooyin dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho. Daqiiqado kadib ayaa waxaa taalada Daljirka soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska kuwaas oo watey Gaari Shabaqle ah isla markaana u diidayay in dadkaas ay banaanbaxa dhigaan. Taliyayaasha Ciidamada ayaa daka u sheegayey in banaanbaxa uu u baahnaa in laamaha amniga lagu soo wargeliyo balse aan la’iska dhigin. Ciidamada qaarkood ayaa dadka banaanbaxayasha ah ku amrayya in Gaariga Shabaqlaha ah ay raacaan waxana sidoo kale jirtay in Kaamiramaan ka tirsan Tv-ga STN xoog looga qaaday Kamiradiisa isaga oo ku guda jiray howshiisa Shaqo. Weli dhacdadaan kama hadlin laamaha amniga Soomaaliya horana wax go’an ah ugama soo saarin in aan Muqdisho lagu qaban karin banaanbax looga soo horjeedo xadgudubka Kenya ee dhulka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Balad Xaawo. Daawo sawiradda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Uguyaraan inata laxaqiijiyaya waxaa ku dhintay Qaxii goor dhawayd ka dhacay wadada Sayidka Ama dadka intabadan ay u yaqaanaan Wadada Maka Al- Mukarama ilaa iyo Afar qof oo labo kamid aha ay Askar yihiin . Laamaha Amniga ee dowlada ilaa iyo hada kama ay san hadlin Qaraxan Halkan ka daawo sida uu Qarax u dhacay .
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu danbeyn shaaciyey xilliga uu furmayo kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya . bayaan kasoo baxay xafiiska kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa lagu cayimay mudada lagadoodayo mooshinka laga gudbiyay guddoomiya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari mooshinka guddoomiya Jawaari ayuu sheegay in uu ku jiro ajendaha kulanka 3aad, kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka oo qabsoomidoono maalinta sabtiga ah oo ay taariiqdu ku astaysantahay 31da Maarso, 2018. Dhinaca kale, guddoonka golaha shacabka oo fadhi ku leh xaruntooda ayaa sheegay in muddeynta uu qabtay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudeey ee Mooshinka Jawaari kaas oo lagu sheegay Maarso 31-deeda aaney ka tarjumeyn waqtiga saxda ee ay tahay in golaha la horgeeyo mooshinka. Qaar ka tirsan xubnaha guddoonka golaha oo hadly ayaa ku doodaya in muddeynta aan lagala tashan guddoonka golaha shacabka, kana hor imaaneya soo-jeedinta aqalka sare ee aheyd laga soo bilaabo 18-ka bishan Maarso . Hadalka labada dhinac ayaa u muuqda mid abuuri kara xasilooni-darro siyaasadeed taas oo ay horay uga digeen aqalka sare iyo hey’adaha kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - The Deputy Speaker of Parliament Abdiweli Sheikh Ibrahim Mudey has announced that the motion to impeach current House Speaker Mohamed Osman Jawari will be tabled by the parliament in less than a weeks time. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhawayd Qarax xoogan uu Wadada Maka Al-Mukarama ee mashquulka badan, Qaraxas oo loo malaynayo in uu yahay gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay. Qaraxa ayaa ka dhacay Goob ay ciidamada gaadiika ku baaraan oo Wadadaasi kutaalay. Jugta Qaraxa ayaa waxaa la soo sheegayaa in laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho qaar kood. Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa dur badiiba goobta soo gaaray wuxuna Qaraxan uu ku soo beegmayaa xili maanta Ciidamad dowladda ay Fashiliyeen Gaari kale oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ku Qarxay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho Wixii ku soo kordha kala soco halkan .
-
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey ayaa goor dhawayd waxa uu soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo xiliga la qabanayo codaynta Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo halka lagu qaban doono . Waxa uu Gudoomiye Muudeey sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu furmi doono maalinta Sabtida oo ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso. Halkan ka Akhriso Warqada ka soo baxday Gudoomiye Muudeey .
-
Muqdisho (PP) ─ Qarax aan weli la ogaan khasaarihiisa ayaa goor-dhaw ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka Somalia, waxaana qaraxan uu ka dhacay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku baaraan gaadiidka. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhulka daadsan, balse aanay garan Karin inay dhinteen iyo inay dhaawac yihiin, waxaana goobtaa gaaray gaadiid gurmadka deg-degga ah, kuwasoo caawinaya dadkii ay waxyeelladu soo gaartay. Sidoo kale, Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo dadku ay argagax weyn ka muujiyeen qaraxan, kaasoo kusoo beegmaya maalmo kaddib markii uu ka dhacay illinka Hotel Wehliye oo aan sayidka ka fogeyn Qarax khasaare badan geystay. Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaa xaqiijiyay in qaraxan oo ah mid xoog leh uu dhacay, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo cid ka dambeysa, balse wixii kasoo kordha ay warbaahinta la wadaagi doonaan. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo toddobaad gudihiis ah, waxaana qaraxii midkan ka horeeyay ku dhintay in ka badan 15-qof, yadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labaatan qof. Wixii faahfaahin ah ee Qaraxan kusoo kordha kala socod Puntland Post. PUNTLAND POST The post Qarax goor-dhaw ka dhacay Isgoyska Sayidka oo ku dhaw Xarunta Baarlamaanka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada cidamada Qalabka sida ee dowladda Fadalaarka Soomaaliya ayaa maanta Axad ah waxa ay xukuno kala duwan ay ku riday rag lagu soo eedeyey inay farsamayn jireen Qaraxyada laga Fuliyo Caasimada dalka Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Gobolada dalka. Ragan ayaa Maxkamada ka hor qirtay in ay falkan ku lug lahaayeen kana tirsanaayeen kooxda Al-shabaab . Eedaysanayaashan oo gaaraya ilaa iyo 3 qof ayaa lagu kala xukumay Xabsi Daa,in ah min 10 sano oo xabsi Ciidan ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Xukunka Maxkamada ku dhawaaqay. Halkan ka dhagayso. 140508_002 - My Recording
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay. Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah. Qaraxaan ayaa lasheegay in uu kadhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho, qaraxan ayaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi. Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Sayidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaana sidoo kale meel ka ag dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha. waxii kasoo kordha qaraxaan waan idinla socodsiin doonaa indsha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta shaaciyay xilliga codka loo qaadayo mooshinka laga soo gudbiyay guddoomiyaha Golaha shacabka Maxammed Sheekh Cismaan Jawaari. Qoraal uu soo saaray Muudeey Axadda maanta ah, ayuu ku sheegay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 31-Maarso dib loo furi doono Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Kulankiisa 3-aad,islamarkaana ajendihiisu yahay mooshinka laga gudbiyay Jawaari. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee ka maqan magaalada Muqdisho u qabtay ugu dambayn in ay maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-ka ay soo galaan Muqdisho, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Xilliga loo codeynayo mooshinka Jawaari oo la shaaciyay. appeared first on Puntland Post.