-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo in musharixiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ay la yimaadaan. Guddiga ayaa shardi uga dhigay Wasiirrada u sharxan xilkan inay mar hore is-casilaan, taasoo ah xaalad cusub oo ku timid Wasiirrada Xukuumadda ka mida ee jagadan u soo hanqal taagay; Haddaba, AKHRISO Shuruudaha uu soo Saaray Guddiga Doorashada; 1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa. 2- Murashaxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kana tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waa inuu guddiga Qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo. 3- Kharashaadka is-diiwaan-gelinta Murashaxiinta – Waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No: 127 ee Golaha Shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee Dowladda. Jadwalka Doorashada: Waqtiga Diiwaan-gelinta Murashaxiinta Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqonaya 10: 00 AM illaa 05: 00 PM, Taariikhdu markay tahay 23-24 bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah Isniinta iyo Talaadada. Hadal-jeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa noqonaysa Taariikh, 25-26 bishan Abriil 2018-ka oo ah Arbacada iyo Khamiista. Diyaar-garowga iyo is-xog-wareysiga Guddiga Qaban-qaabada Doorashada ayaa iyadana noqonaysa Taariikh, 27-29, bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah; Jimcaha, Sabtida iyo Axadda. Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa lagu beegay Taariikh, 30-ka bishan Abriil, 2018-ka , Isniin). PUNTLAND POST The post AKHRISO: Maxaa laga doonayaa Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee DF, kaasoo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso. “In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka *****say isla xisaabtanka,” ayuu yiri Khayre. Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray. “Mushaarka ay bixiso Dowladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed.” Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Somalia uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin. Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Barnaamij lagu Tira-koobayo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Somalia oo la Daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo milateri ah oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya isla markaana ay isu adeegsanaayan hubka noocyadiisa kala duwan. qaar ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay hal mar ka warheleen dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana ay cabsi soo wajahday dadka ku nool degmada Balcad. Dagaaladda dhexmara ciidamadda kawada tirsan dowladda soomaaliya ayaa mararbadan kusoo laalaabta guud ahaan dalka oo dhan. Caasimada Online Xafiiska muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Defense Ministry officially took over the UAE-run military training Base in the Somali capital, Mogadishu, barely six days after United Arab Emirates (UAE) cancelled its military training program in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Jiilkii hore, kii dhexe iyo kan dambe haddii aan halbeeg uga dhigno aqoonta ay u leeyihiin Janankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed – Maxamed Faarax Caydiid waxaa ku soo baxaya natiijooyin kala duwan. Jiilkii hore ee hadda nool – Caydiid waxa ay kuugu sheegi karaan in uu ahaa; Halgamaa siyaasadeed, xoreeyee, dagaalyahan iyo dilaa aan arxan lahayn. Jiilka dhexe – Caydiid waxa uu ahaa – Xoreeye, geesigii ka adkaaday Mareykanka, halyey Mogadishu Clan Jiilka cusub – Ama intaas kore oo ay maqleyn ayey si caad saran yahay (Vague) kuugu sheegayaan ama waxa ay ku weydiinayaan adiga qofka uu ahaa. Qormadan kooban uguma talo galin in aan uga sheekeeyo taariikhda qaniga ah ee Janankii Soomaaliyeed Maxamed Faarax Caydiid balse waxaan ku soo gudbin doonaa taariikh aad u xiiso badan oo ka dhacday Adis Ababa oo uu Jananku sabab u ahaa. Waxaa marag ma doonto ah in Janan Caydiid qeyb ka ahaa kacdoonaddii hubeysnaa ee sababta u ahaa in uu meesha ka baxo taliskii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Waa taariikh kale oo aan ka cudur daaranayo in aan qormadan uga faalloodo, ugu yaraan waa dood ii maalin kale ah. Markii ay dhacday dowladdii dhexe bilowgii sagaashamaadkii, Caydiid waxa uu saldhig ka dhigtay Muqdisho oo uu daraf ka haystay halka darafka kale ay joogeen Cali Mahdi iyo xulufadiisa. Taas waxa ay daliil u tahay in magaaladu qeybsaneyd taas oo ahayd xuduntii qaranka, aragti kugu hoggaamineysa in aadan cidna weydiin in dalka intiisa kale jiho lunsanaa. Si loo dhiso dowlad dhexe oo dalka looga saaro xaaladihii cakirnaa, waxaa shirkii ugu horreeyey Soomaalida loogu qabtay Djibouti balse waala eeday oo waxa uu dhalay dagaalkii afarta bilood ee lagu hootay. Yeelkeede, lama quusan, Qaramada Midoobe ayaa go’aansatay in shir ballaaran oo ay ku dhan yihiin kooxihii siyaasadda isku diidanaa loogu qabto Addis Ababa – xarunta Itoobiya, bishii Maarso, 1993. Shirkii waxaa isugu tagay kooxihii iska soo horjeeday ee ay kala hoggaaminayeen Caydiid iyo Cali Mahdi – Caydiid waxaa ku koox ahaa Cabdullaahi Yusuf, Axmed Cumar Jees. Markii uu shirkii furmay balse wali Caydiid Joogo Muqdisho, kooxihii shirka ka qeybgalayey ayaa ka codsaday Caydiid in uu shirka keeno Jabhaddii SNM oo aan markaa qeyb ka ahayn. Caydiid, waxa uu waraaq u diray Cabdiraxmaan Tuur oo markaa ahaa hoggaamiyaha SNM isaga oo ugu dhiibay Cumar Salaad Cilmi oo Hargeysa ka noqday Gobolnatoori iyo Duq Magaalo – waxa ay isku hayb ahaayeen Caydiid, Habargidir, Sacad, reer Hilowle, horena waxa uu uga tirsaaa Xisbigii Hanti-Wadaagga. Maxaa xigay? Waxaa isku dhacay Qaramada Midowbay iyo Caydiid, sababtuna waxa ay ahayd in Caydiid tuhmay in ay Cali Mahdi la rabeen Madaxweyne ama qof kale oo aan isaga ahayn. Waxaa bilowday dagaalkii u dhexeeyey Caydiid iyo Mareykanka oo socday intii u dhexeysay Juunyo ilaa iyo Oktoober. Bishii Nofeember 1993 ayey UN-tu codsatay in shirkii Addis Ababa ka socday ka soo qeybgalo Caydiid, balse wuu ka baqay in uu aado. Shirka ma socon karin Caydiid oo ka maqan, taas si xal loogu helo, Raisul Wasaarihii Itoobiya, Melez Zenawi ayaa ka codsaday Axmed Cumar Jees in uu shirka keeno Caydiid isaga oo u sheegay In Itoobiya damaanad qaadeyso in aan lagu xadgudbin. Ugu dambeyn, Caydiid damaanaddii Itoobiya siisay wuu aqbalay waxaana diyaarad ay UN-ta lahayd looga qaaday Muqdisho. Markii uu ka dagay Addis Ababa, waxaa dhammaan jidadka magaaladda Addis Ababa isugu soo baxay shacabkii Itoobiya, SOO DHAWEYN HALYEY ayey u sameeyeen. Sababata ay Itoobiyaanka ugu soo bexeen Caydiid waxa ay ahayd iyaga oo maqlay in uu ka adkaaday Mareykanka waxa ayna u arkayeen in uu KIBIR JEBIYEY Mareykankii ISLA WEYNAA! MAXAA XIGAY? Waxaa aad uga carooday dibadbaxyada lagu soo dhaweeyey Janan Caydiid garabkii kale ee shirka joogay kuwaas oo gebi’ahaanba ka baxay shirka. MAXAA SABABAY? Garabka shirka ka baxay waxa ay moodeen in UN-ta iyo Itoobiya u ololeenayaan Caydiid oo isaga meesha lagu dooran doono. Raggii caanka ahaa ee shirka ka baxay waxaa ka mid ahaa; Cabdulqaadir Zoope, Cali Mahdi, Maxamed Abshir Hammaan iyo Cumar Masalle. DHAMMAAN EEBE HA’UNAXARIISTO INTII GEERIYOOTAY INTA NOOLNA EEBE CIMRI DHEER IYO CAAFIMAAD HA SIIYO. …………………………………… W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan (Maxamed Kaafi). Igala soo xiriir Facebookeyga ama Emailkeyga ee hoos ku qoran https://www.facebook.com/unique.lawyer XIGASHO: Janan Jaamac Maxamed Qaalib. EMAIL: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golahacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibbkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirka u hanqal taagaya kursiga Guddoonka Golaha Shaacbka ay xilka wasiirnimo ay iska casili karaan markii ay kursiga ku guuleeysto oo kaliya. Guddiga guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan sameyn isdiiwaan gilinta xilka guddoomiyenimo. “Qof Wasiir ah ahna Xildhibaa waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wasiir Xoosh soo dhigay bartiisa Facebook taasoo ku qorneyd luuqadda Ingiriiska
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada ee dadka Carabta ay adeegsadaan ayaa si weyn waxaa loogaga doodayaa booqashada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku tagay dalka Imaaraatka Carabta, xilli uu khilaaf xoogga ka jira Soomaaliya iyo Imaaraatka. Dadka Khaliijka, gaar ahaan kuwa Imaaraatka iyo Baxreyn ee ka aragti dhiibtay booqashada Madaxwyne Gaas ayaa si jees jees leh uga hadlay, iyagoona adeegsanayey erayo ay kaga booga dhayanayaan culeyskii maalmahaan saarnaa, kaddib tallaabooyinkii isdaba jooga ahaa ee Dowladda Federaalka ah ay ka qaaday Imaaraatka. Mid ka mid ah dadka ugu caansan Twitterka ee dalka Imaaraatka oo ka hadlayey safarka Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Yaan lagu kalsoonaan, sababtoo ah Soomaalidu waa dad dhuuni raac ah. Waxaan rajeeynayaa in Imaaraatka iyo Sucuudiga oo wada jir ah ay xiriirka u jaraan Soomaaliya.” Sidoo kale aragtidaan mid la mid ah waxaa daabacay shaqsi u dhashay dalka Baxreeyn oo si wayn can uga ah Twitterka,kaas oo lagu magacaabo Hamad Taaha, isagoona ku tilmaamay tallaabada Gaas uu ku tagay Imaaraatka mid uu dhaqaale gaar ah ku doonayo “Ma hadda ayuu soo jilcay kaddib markii Muqdisho looga diiday in uu la qeybsato lacagtii ay dhaceen, waa caqligii ahaa aan ku dilo kaddibna janaasadaada aan ka soo qeeyb gelo oo isu kaa oohiyo.” Dadka Carabta ah oo caadeystay markii lagu doodayo baraha bulshada in ay dadka Soomaliyeed ku afla gaadeeyaan gaajo, abaaro iyo dagaallo ayaa uga faaiideystay safarka Madaxweyne Gaas in ay ku doodaan fikirkooda ah in ay iyagu quudiyaan Soomaalida. “Madaxweynaha Gobalada Puntland waxaa muuqata in uu cudurdaar rasmi ah ka bixiyey Isfahan darradii dhacday, isagoona sheegay in Soomaaliya marna aysan ka maarmeeyn Imaaraatka. Dhibta idin haysata waa Farmaajo oo Muqdisho meel aan ka baxsaneyn ka talin.” Ayuu yiri qof lagu magacaabo @agnomenist oo u jawaabayayey dad Soomaali ah oo adeegsada barta Twitterka. Sidoo kale qof isku magacaabay Al-waaqic ayaa soo qoray “Hadda ayaa qof Soomaali ah oo baahi dilootay ku dhihi doonaa Imaaraatka ayaan ka saarnay dalkayaga, ha ogaadaan in ay dhaqaalaha Khaliijka ku tiirsanyihiin. Ku digasho igama ahan ee xaqiiqda ogaada.”
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka . Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga dalbaday Ra’isalwasaaraha in uu wasiirradaas xilka ka qaado. Waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uusan u tartameyn Qof Wasiir ah oo xilhaya,ilaa hadda 11 qof ayaa u sharraxan guddonka Golaha shacabka,saddex ka mid ah waa wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre waxaana ka mid ah Wasiirrada difaaca,Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka. Xildhibaan Nuur Iidow Beyle waxaa uu shalay xilkan kula tartamaya labo xildhibaan oo kale,waxaana loo doortay Guddoonka. Maanta ayaa la filayaa Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ay soo bandhigaan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha shacabka iyo habraaca doorashadaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka iskood isku magacaawday madaxbanaanida ee Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maydka ruux rayid ahaa laga helay war ku taala duleedka Hargeysa. Ruuxaan Maydkiisa laga helay ayaa Wartaasi ayaa ku dabaalanayay iyada sidaasina uu ugu geeriyooday. Dadka ku dhaqan halkaasi ayaa ku wargaliyay ciidamada waxaana goobtaasi gaaray ciidamada oo Maydka qofkaasi ka soo saaray baligaasi. Roobab mahiigaan ah ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay ka da ayeen Magaalooyinka Soomaaliland. Dhowaan ayeey aheyd markii 2 ruux ay ku geeriyoodeen war ku taala Magaalada Hargeysa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ruux Meyd ah oo laga soo saaray Bali ku yaala Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kulan khaasa ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan guddiga loo xulay doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka ee shalay la magacaabay. Kulanka Guddiga ayaa la filayaa in lagu dajiyo qaabka ay u dhici doonto doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka. Kulanka maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu iclaamin doonaa xiliga ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha, si Musharaxiinta ay u guda galaan isdiiwaan galinta. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray, ayaa sheegay inay ka fogaan doonaan dib u dhac ku imaada xiliga doorashada. Xildhibaan Nuur Iidow, oo shalay loo doortay xilka Guddoomiyenimo, ayaa intaa ku daray hadalkiisa inay dhex dhexaad u noqon doonaan Musharaxiin. Dhinaca kale, Guddigaan ayaa waxa ay Shaqadooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku soo sharaxeyn musharixiin farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saudi forces have shot down a toy drone near the royal palace in the capital, Riyadh, as videos posted online purported to show the area ringing with heavy gunfire. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska ku saabsan dekedda Berbera ay galeen Xukuumaddihii hore ee soo maray Somalia. Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan sal iyo baar laheyn, isla markaana aanu jirin Heshiis ay Imaaraadka kula galeen Dekadda Berbera iyo Saldhiga Militery ee magaalada Berbera. Waxauu Cumar Cabdirashiid cadeeyay in Imaaraadka aysan kawada hadlin Heshiiska Dekadda ay sheegayaan inay kula Heshiiyeen Xukuumadii hore ee Somalia. Waxaa uu sheegay in uusan jiran wax heshiis ah oo ay wada gaareen Xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray iyo dowladda Imaaraadka oo ku saabsan Berbera, balse waxa uu ku baaqay in laga fiirsado xaqiiqda Heshiiska. Cumar Cabdirashiid, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aaminsan yahay in heshiiskaan uu dhacay wixii isaga ka dambeeyay. Waxaa uu sheegay in aysan qarsoomi doonin cidii gashay heshiiskaan, isla markaana dowladda Imaaraadka Carabta laga doonaayo in ay cadeyso.
-
America has had a black president. Is the country ready for a black president who is also a woman? Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga kasii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalin un ka hor lagu xiray Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland. Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow, oo lagu eedeeyay arrimo ka hor imaanaya xoriyadiisa gaarka ah ayaa waxaa Xabsiga kasii daayay ciidamada Booliska. Maamulka ayaa Boqorka ku eedeeyay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland, waxa uuna xarigiisa dhacay kadib soo laabashadiisa. Somaliland ayaa ku eedeysan Buurmadow in uu jeediyay hadallo kasoo horjeedda Qaranimadda Somaliland. Boqor Cismaan, ayaan weli ka hadal xarigiisa waxaana lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan uu la hadlo saxaafada si uu uga dhiidhiyo xarigiisa. Docda kale, waxaan si dhaba loo ogeyn asbaabaha soo dadajiyay xariga Boqor Cismaan, maadaama uu Boqorku miisaan ku dhex lahaa arrimaha maamulka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bare Falastiini ah xubinna ka ahaa ururka hubaysan ee Xamaas ayaa waxaa lagu dilay rasaas laga soo furay gaari mar uu marayay mid ka mid waddooyinka caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Qoyska 35 jir-kan lagu magacaabo Fadi al-Batsh, ayaa waxa ay sirdoonka Israa’iil ee Mossad ku eedeeyeen inuu ka dambaysay dilka Sabtidii ninkaasi loo gaystay. Fadi al-Batash, waxaa uu ahaa Injineer u dhashay Falastiin kana tirsanaa Ururka Xamaas ee la dagaallama Israel,waxaa lagu dilay aaka Magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia. Waxaa uu ahaa Injineer dhinaca tamarta ah,waxaa uu Malaysia ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay,Bare sare ayuu ka ahaa Jaamacad Gaar loo leeyahay sidoo kale waxaa uu ahaa Imaam Masaajid. Labo Nin oo watay Baaskiil ayaa ku dhuftay 10 Xabadood isaga oo galayay Masaajidka sida ay sheegeen Booliska Malaysia. Qoyska Ninkan iyo Garabka Milatari ee Xamaas ee loo yaqaan Islamic Jihaad ayaa sheegay in dilka Fadi al-Batash ay ka dambeysay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Musaad. Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu Ninkan iyaga ka tirsanaa,waxaana uu sidoo kale ka mkd ahaa Ururro Islaami ah oo dhinaca samafalka ah oo uu ka mid yahay My Care. Qoyska Fadi al-Batash,ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee Berri ah oo qorsheynayay in uu u dhoofo Dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb geli lahaa shirka Cilmiga Tamarta oo ka dhacaya Dalka Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah ugu socda loolanka iyo xod-xodashada loogu jiro codadka xubnaha baarlamaanka, iyadoo la filaayo in lagu dhawaaqo goorta ay dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Waxaa xilkaan u taagan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somalia, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo xilal ka heyn dowladda. Murashax kasta wuxuu taageero ka haystaa garab ka mid ah dowladda ama koox siyaasadeed, hase ahaatee waxaa muuqata in murashax si weyn looga taageerayo xukuumadda iyo madaxtooyada, gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin oo juhdi badan ku biixnaayo murashaxaasi. Waxaa soo shaac baxay durba sida madaxda dowladda u kala taageersan yihiin musharixiinta xilka Gudoomaamiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga oo dhaqaale aan caadi aheyn ku baxinaya sidii ay u soo baxi lahaayeen shaqsiyaad gaara oo ay doonayaan inuu kusoo baxo shaqsi iyaga taabacsan kuna fakir ah. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga xukuumadda Xasan Cali Khayre, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ololaHiisa doorashada waxaa hormuud ka ah Fahad Yaasiin iyo taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Saadaq Joon iyo kuxigeenkiisa Jaamac. Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA],Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen Calool-kuus’ ayaa isagana u ololeynayaa Mushuraxa Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur, waxaana lagu xantamayaa in si hoose isaga warqabaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo murashaxaan ka dhigtay plan B, si hadii Maxamed Mursal uu codkii loo baahnaa u waayo, Xaaji Cali Sheekh Maxamed codka loogu shubo. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loogu fadhiya in ay waajibaadkooda si sharaf leh ugu soo baxaan, meeshana ka saaraan dhaqamadii horay u jiray ee iibsashada cododka.
-
Abu Dhabi(Caasimada Online)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa Sabtidii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii dhawaan uu joojiyay howlihii tababarka uu ka waday dalka Soomaaliya. Booqashada deg dega ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii uu caddeeyay mowqifkiisa ku aadan taageerada Imaaaraadka Carabta, xili xiriirka dowladda dhexe iyo Imaaraadka heerkii ugu xumaa uu gaaray. C/weli Gaas ayaa sheegay in booqashadiisa ay tahay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Imaaraadka isla markaana uu kala hadli doono arrimaha ciidamada badda, PMPF oo tan iyo 2011 ay gacanta ku hasay dowladda Imaaraadka. Gaas ayaa tilmaamay in arrimaha Ciidamada Badda [PMPF] iyo horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha oo horey dowladda Imaaraadka uga wadey Puntland uu kala soo hadli doono madaxda dalka Imaaraadka inta uu booqashada ku joogo dalkaasi. Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxay ayaa sheegay in saraakiishii Imaaraatka ee ku sugnaa Puntland ay ka ka dhoofeen Boosaaso, hase ahaatee wararkaasi waxaa genafka ku dhuftay C/weli Gaas oo ku adkeystay in xiriirka Puntland iyo Imaaraadka uu yahay mid wanaagsan. Casuumaada Gaas ee Imaaraatka ayaa la sheegay inay salka ku hayso xiisada siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Imaaraatka, iyadoo loo arko booqashada Gaas mid qas iyo fowdo ay dooneyso Imaaraatka Carabta. Khilaafka xalka loo waayay ee DF Somalia iyo Imaaraatka ayaa ah mid salsa ku haaya heshiisyada shirkada DP World iyo P&O ay la gashay maamulada Somaliland iyo Berbera oo saldhig milateri u noqon doona Imaaraatka. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka waxaa ay wadahadal kula jirtaa Maamulka Somaliland, waxaana ay dooneysaa in ay saldhig Milatari ka dhisato magaalada Saylac ee Gobolka Awdal. Magaaladaas waxa ay ku taalla Badda Cas,waxaana ay isu muuqdaan Saldhigyada Waddamo shisheeye ku leeyihiin dalka Jabuuti,waddamadaas waxaa ka mid ah Mareykanka, France, Jaban, China iyo kuwo kale. Ruushka oo ballaarinaya awooddiisa dhinaca Dibadda ah ayaa waxaa uu hadda qorsheynayaa dhismaha Saldhig Milatari oo uu ku yeesho Qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, waxaana uu wadahadal kula jiraa Maamulka Somaliland ee sheegtay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale hayeeshee aan aqoonsiga helin. Haddaba Wargeyska Face 2 Face, ayaa daabacay tirada Ciidanka,Gaadiidka dagaal sida Maraakiibta, Taangiyada iyo Diyaaradaha Dagaalka ee uu Ruushka geynayo Saldhigga Saylac haddiiba uu kula heshiiyo Somaliland. Ciidanka Ruushka ee saldhiggaas degaya waxaa lagu sheegay 1,500 Askari,Labo Markab oo kuwa bur buriyayaasha ah, Afar Markab oo noocaha Raadaarrada leh ah sidoo kalena leh hooy la seexan karo, Labo Markab oo nooca Gujiska loo yaqaanno ah, Labo Markab oo nooca diyaaradaha qaado ah,waxaa ay qaadi karaan lix diyaaradood oo kuwa waaweyn ah midkiiba ama 15 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee Miigga iyo adeegyo kale. Somaliland ayuu wargeysku sheegayaa in Saldhiggan ay kaga beddeleneyso Ruushka Aqoonsi uu siiyo maaddama aysan ahayn dal la aqoonsan yahay. Saldhigga Duleedka Saylac waxaa uu noqonayaa saldhigyada uu Ruushka ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa,waxaana waddamada uu saldhigyada ciidan ku leeyahay ka mid ah; Armenia, Belarus, Georgia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Moldova, Syria, Tajikistan iyo Vietnam. Isha: Face 2 Face
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa bilowday in qaab dowladeed ay ula dhaqanto maamulka Somaliland oo qeyb ka ah maamulada xiligaan ka jira dalka Somalia. Dowlada Imaaraadka ayaa maalmihii ugu danbeeyay si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka maamulka Somaliland xili uu jiro Khilaaf ka dhashay arrimaha ceynkaani ah oo ka dhextaagan dowlada Somalia iyo Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka ayaa maamulka Somaliland u fasaxday in dadkeedii wata Baasaboorka lasiiyo Fiiso dal ku gal ah, isla markaana loola dhaqmo sida dowladaha kale loola dhaqmo. Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay in System-ka Socdaalka (Immigration) UAE ay ku dartay amarka Fiisooyinka lagu saarayo Baasaboorada maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku dhawaaqday in Saldhig Militery ay ka dhisaneyso magaalada Berbera, isla markaana la wareegtay Dekadda berbera ayaa talaabadaani aqoonsiga ku raali galinaaya maamulka Somaliland. Dowlada Imaaraadka ayaa dhawaan sheegtay in qunsuliyad aysan ku laheyn Somaliland, safaaradna ku laheyn gudaha Somaliland, waxa ayna intaa raacisay Imaaraadka inaanu jirin xiriir gaara oo ay la leedahay Somaliland, hase ahaatee waxaa soo baxaaya in dhammaan haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan waxba ka jirin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socoshada arimaha dastuurka ee Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa shaaca ka qaaday in Somalia aanu ka dhici doonin wax la yiraahdo midnimo. Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa sheegay in midnimada Somalia ay tahay mid ku xiran aqoonsiga Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay inay ka meermeereyso dowlada Somalia. Qaybdiid, waxa uu tilmaamay mar hadii aan maqaamka uu Muqdisho yeelanayo aanan lagu cadeynin Dastuurka dalka, micnuhu ay ka dhigan tahay midnimada Somalia oo weli qabyo ah. Waxa uu Qaybdiid carab ***** in Muqdisho ay dooneyso maqaamka ka maqan, sidaa aawgeed dowlada hadda jirta laga doonaayo inay Dastuurka ku darto Maqaamka Muqdisho. ‘’Midnimada Somalia waxa ay ugu dhow dahay goortii Muqdisho lasiiyo maqaamka ka maqan, waxaan leeyahay dowlada ha dhowrto Muqdisho oo ha keento xuquuqdeeda’’ Qaybdiid, ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu sagootinayay Gudoomiyayaasha baarlamaanada maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo Gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka Somalia u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa. Waxa uuna Mr Qaybdiid ku celcelshay in laga wada shaqeeyo sida ay Muqdisho ku hana laheyd Maqaamka ka maqan, oo uu sheegay inay ku jirto gacanta Madaxda ugu sareysa dalka. Dhinaca kale, Dowladihii hore ee dalka kasoo arrimiyay ayaa horay u qaadacay Maqaamka Muqdisho, maadaama Muqdisho lagu sifeeyay magaalo u dhexeysa dhammaan Umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka ururka ganacsiga ee dalalka bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u soo dhaweynaya bisha June ee soo socota dalalka Soomaaliya Iyo Tunisia oo ku biiraya COMESA waxaana kordhaya tirada ku mideysan ururkan ganacsi ee qaaradda Africa oo gaari doona 21 dal. Aqbalititaanka codsiga dalalka Soomaaliya Iyo Tunisa ayaa yimid kadib markii ay saxiixeen heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda Africa oo ay ka qeyb galeen Kulanii gaarka ahaa ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee diiradda lagu saaray Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda “African Continental Free Trade Area” kaa oo Bishii March ee sanadkan ka furmay Magaalada Kigali ee dalka Ruwan. Saraakiisha COMESA ayaa sheegay in Soomaaliya Iyo Tunisia ay ku biirayaan Ururka Ganacsiga Bariga Iyo Koonfurta Africa Ee COMESA kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee kamid noqoshada Ururka Ganacsiga Africa Ee Comesa. Qodobka 4-aad ee heshiisku waxa uu dhigayaa in Maamulka COMESA uu aqoonsan karo wadan waliba oo deris la ah dalalka xubnaha ka ah ururka ee soo biixiya shuruudaha looga mid noqonaya iyo xeerarka u dagsan si loo bilaabo wadashaqeynta COMESA. In la aqbalay Soomaaliya Iyo Tunisa waxa ay soo afareysaa codsigoodii taagnaa muddo sanado ah oo ay ku doonayeen xubinamada COMESA. 490 Million oo qof ayaa hadda ku mideysan suuqa waxaana ku biiritaanka Somalia iyo Tunisa uu tiradada dadka ka dhigi doonaa 516 Million oo qof, waana kala bar dadka ku nool Qaaradda Africa. Shir ay ku yeesheen xubnaha ururka Magaalada Antananarivo ee dalka Madagascar bishii Oktoobar, 2016-kii , wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Tunis ayaa soo xaadiray waxaana ay codsadeen in lagu daro COMESA iyagoo sheegay ineey diyaar u yihiin fulinta dhamaan Barnaamijyada Ururka COMESA. Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaas si gaar ah ugu dooday xaqqa ay u leedahay in loo ogolaado COMESA. Heshiiska Ganacsiga Africa waxa uu isu keenayaa ururka horumarinta ganacsiga ee koofurta Afrika (SADC), ururka bariga Afrika, (EAC) iyo suuqa wadajirka ah ee Bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA. Heshiiska waxa uu abuurayaa shaqeeleysiinta dad lagu qiyaasay 625 milyan oo qof, oo ku nool 26 dal oo Afrika ah, si loo fududeeyo isugudbinta alaabaha iyo adeegyada ganacsiga. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: theeastafrican.co.ke
-
Popular Contributors
