-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wixii ka dambeeyay go’doomintii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu go’doomiyeen dal-yaraha Qadar, waxaa marba marka ka dambaysa isa soo tarayey xasarado iyo xasilooni daro siyaasadeed oo ay Soomaaliya cagaha la sii galaysay. Inkasta oo shacab waynaha Soomaaliyeed soo dhaweeyeen mawqifkii ay xukuumaddu ka qaadatay khilaafkan, haddana mar walba waxaa jirey dad qabay in khilaafkani uu caqabad ku noqon doono hannaanka dawladnimo ee curdan kaa. Dhanka kalana waxaa jirey dad qabay inanay xukuumaddu marnaba dhex-dexaad ka ahayn murankaan ee ay dhan u janjeerto. Halka ay jireen kooxo kale oo qabay in xulufada lagu taageero mawqifka go’doominta. Haddaba si aynu u ogaano in aynu khilaafkaan qayb ka noqonay iyo in kale, waxaa lagama maarmaana inaynu bidhaamino waxa uu khilaafkani sidiisaba salka ku hayo iyo sababta uu xasilooni darada inoogu abuurayo. Qabka Qadar ku jira iyo Qoonsiga Walaalaheed Wixii ka dambeeyey cinqilaabkii uu Shiikh Xaamid bin khaliifa uu xukunka uga tuuray Aabihiis sanadkii 1995, Qadar waxa ay qaadatay manhaj iyo siyaasad ka madax banaan Sacuudiga oo u dhaqmi jirey inuu yahay walaalka wayn ee mandiqadda. Waxay qaadatay siyaasad ku dhisan is muujin iyo madax taagid. Waxa ay xiriir dabacsan la yeelatay Iran. Waxay furtay Muuq baahiyaha Al-jaziira oo loogu magac daray codka kuwa aan cododka lahayn. Waxay ku guulaysatay inay marti galiso ciyaaraha adduunka ee 2022. Waxa ay dawladda Maraykanka siisay saldhig ciidan oo ah kan ugu wayn mandiqadda. Waxay taageero u muujisay Islaamka siyaasigaa gaar ahaan Ikhwaanu Muslimiinka. Waxay isku dayday inay xaliso khilaafyo badan oo caalamka ka jirey , sida khilaafkii Daarfuur, kii Afqaanistaan iyo kuwo kale. Siyaasadani waxay walwal iyo hinnaasaba ku abuurtay wadamada khaliijka gaar ahaan Sacuudiga oo dareemay culays amni iyo wiiqid la wiiqayo martabadiisa hoggaamineed ee uu caalamka carbeed ku lahaa. Gugii Carbeed Walwalkii Sacuudiga iyo xulufadiisu waxa uu run isu badalay markii horaantii sanadkii 2011kii ay duufaantii gugii carbeed dul martay waddamo badan oo ay isku dabeecad ahayeen. Xididdadana u siibtay daaxuuro in muddaa kursiga dul fadhiyay. Inkasta oo nidaam siyaasadeedka Qadar ka jiraa uu yahay xukun qoyseed reerka arimiyo, sida inta kale ee khaliij kaba. Haddana Qadar waxay taageero nooc walbaa u fidinaysay kacdoonkii shacabku xoriyadiisa ku doonayeen. Al-jazeera, ayaana noqotay meesha ugu wayn ee kacdoonkaas laga hagayey. Cidda ugu wayn ee kacdoonkaan hurmuudka ka ahayd waxay ahaayeen Islaamka siyaasigaa gaar ahaan ururka Ikhaawanu Muslimiinka oo Qadar saaxiib dhaw la’ahaa. Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii Masar, Tunisiya iyo Marooko. Waxayna hogaaminayeen haddii doorasho ka dhici lahaydana ku guulaysan lahaayeen kacdoomadii ka jiray waddamada Urdun,Yaman, Suriya iyo liibiya. Tani waxay sii kordhisay cadaw tinimadii Sacuudiga iyo xulufadiisu ay uqabeen dal-yaraha Qadar iyo saaxiibkood Turkiga oo ay xagga fikirka jaal ku yihiin. Waxayna u hawl galeen sidii ay ula diriri lahaayeen kacdoomadii isbadal doonka ahaa, taas oo aakhirkii ay ku guulaysteen qaybo kamidana fashiliyaan. Sida afgambigii Masar ka dhacay ee xilka looga tuuray Madaxwayne Mursi. Imaaraadku Ma faa’iido doon baa mase waa fidmo huris? Dawladda Imaaraadka oo ka kooban todobo gobol oo raas-wadaaga ayaa tobankii sano ee u dambaysay waxa ay ku dhaqmaysay, siyaasad ku suntan isbalaarin iyo ismuujin. Siyaasaddaan ayaa waxa ay ku qotontaa laba qodob oo kala ah mid ammaan iyo mid dhaqaale. Imaaradda Dubia oo ah tan labaad oo ugu tunka wayn raas-wadaagta ayaa dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsanyahay Dakadda Jabal Cali, suuqa xortaa iyo dalxiiska. Waxaa jira walaac wayn oo uu in muddaaba imaaraadku ka qabay tartan ka dhana oo ku saabsan adeegyadaas. Wax walibase waxay isbadaleen markii ay dawladda Pakistaan ay ku dhawaaqday inay ka kiraysay dakadeeda stratega ah ee Gawadir dalka China muddo 40 sanaa. Gawadir ayaa waxa ay noqon doontaa suuq xora oo laga wasici doono badeecadaha ka imaan doona gobolada warshadaha qaniga ku ah ee galbeedka China. Gawadir oo u samaysan qaab jaziiradeed ayaa kamida sadexda dakadood ee ugu gunta dheer caalamka, waxa ayna dhacdaa badda carbeed. Gawadir waxay Dubai uga dhawdahay dalal badan oo gobolka ku yaal. Dakaddaan ayaa la rajaynayaa inay noqoto sanadka 2020ka midda ugu wayn uguna dhaqdhaqaaqa badan koonfurta Asia. Tani waxa ay sababtay in Imaaraadku uu boos celis u qabsado dakado badan oo gobalka ku yaala inta aysan noqon Gawadiro oo kale. Waxa ay qabsadeen, Jabuuti, Cadan,Mukala, Barbara, iyo Bosaso. waxa ay 99 sano iyana kiraysteen jaziiradda Suqaddara. Barnaamijka ku habsiga dakadaha waxaa dhinac socda saldhigyo milateri oo uu Imaaraadku ku teedayo xeebaha gobalka, sida Barbara, Cadan, iyo Casab. Inkasta oo aan si quman loo aqoon ujeedooyinka saldhigyadaan haddana waxay u egtahay arin aan Imaaradka un ku koobnayn. Saamaynta Hardanka iyo Soomaaliya Nasiib wanaag iyo nasiib daro tay doontaba ha ahaatee waxaa isku soo beegmay gurmashadii walaalaheena Turkiga iyo kacdoonkii gugii carbeed. Halkaas oo ay ka dhalatay in Soomaaliya lagu soo daro mashruucii Ikhwaanaynta. Qadar oo xiriir guuna la soo lahayd madaxdii muqaawimada, ayaana mashruucaan hurmood ka ahayd. Doorashadii Xassan Shiikh ayaana ahayd tii ugu horaysay ee si waadaxa cod loogu iibiyo musharax dal shiyeeye uu wato. Waxa kaliya ee lagu xushayna ay ahayd inuu ka tirsanaa xarakadii Al-islaax. Waxaa jiray qorshe la doonayey in dalka lagu xasiliyo oo ahaa in heshiis la dhex dhigo madaxdii muqaawimada iyo dawladdii la dhisay. Waxaase mashruucaas dib looga noqday kolkii dawladda Maraykanka oo arintaas ka jawaabaysa ay malaayin doolar dul saartay madaxyada hoggaamiyayaashii muqaawimada. Inkasta oo gugii carbeed iyo saamayntiisii Soomaaliyaba ay miradhal noqon waayeen, haddana galaangalka Qadariyiintu intaas kuma harin ee waxa ay qaabaysay hanti badanna ku bixisay sidii nidaamka maanta jiraa u imaan lahaa. Turkiya oo ah saaxiib xili fiican soo gurmaday wax wayna dadka Soomaaliyeed utaray ayaa waxay xirrir saaxiibtinimo iyo mid fikirba uu kala dhaxeeyaa dalka Qadar. Taas ayaana sababaysa inaysan Turkidu dhib u arag galaangalka Qadariyiinta. Xukuumadda Soomaaliya iyada oo qadarinaysa Turkiga una abaal gudaysa Qadar ayay khilaafka khaliijka qaadatay go’aan loogu yeeray dhexdhexaad laakiin u hiilinaya Qadariyiinta. Gunnaanad Waxaa la yiraahdaa hal wax oo aadanuhu taariikhda ka bartay ayaa ah inaysan waxba ka baran, Afartan sano ka hor ayay Soomaaliya ku dhacday shirqool ay abaabuleen wadamo aynu saaxiib moodnay oo carab u badnaa. Kadib markii aynu si qumaatiya u akhriyi waynay biya dhaca dagaalkii qaboobaa iyo xasaradihii siyaasadeed ee caalamka ka taagnaa. Aakhirkiina sababay in layna galiyo dagaalkii guuldarada reebay ee qaran nimadeeniina godka gunta dheer ku riday. Halka ujeedo ee laga lahaa dagaalkaas ayaa ahaa in Soofiyeedkii Soomaaliya iyo marinkeeda Strategica ah laga saaro. Nasiib daro qorshahaan waxaa reer galbeedka ku weheliyay dalalka Sucuudiga,Masar, iyo Iran. Iminka waxa aynu ku suganahay xaalad bilowa oo ina xasuusinaysa waaya aragnimo hore. Waxaa jira loolan ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo ku saabsan biyaha niilka, kaas oo la doonayo goor ay noqotaba in layna soo galiyo. Waxaynu xasuusanaa xilligii Mursi in shirkii ugu horeeyey ee amniga qaranka Masar, looga dooday sidii soomaalida loogu adeegsan lahaa khalkhal galinta Itoobiya. Waxaa jira shaki iyo cabsi wayn oo ay wadamada carbeed iyo saaxiibadooda reer galbeedkuba ka qabaan saamaynata Turkiga ee mandiqada, taas oo laga yaabo mustaqbalka inay abuurto khilaaf wayn. Waxaa abuurmaya isbahaysiyo iyo saldhigyo militari oo iska soo jorjeeda oo mandiqada laga hir galinayo. Masar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka oo dhinaca iyo Turkiya,Qadar, Iyo Sudan oo dhinaca. Haddaba haddii aynaan siyaasaddahaan si dhaba u fahmin. Danta iyo maslaxadda dalkeenana aynaan ka hor marin masaalixda ummadaha. Amase aynu caado ka dhigano qaadashada go’aamo aan laga fakarin oo inta badan caadifad ku dhisan. Waxa aynu ku dhici doonaa hog ka gun-dheer kii aynu kal hore ku dhacnay. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi. The post Faallo:- Hardanka Shisheeye iyo Habacsanaanta Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
Real Madrid vs Bayer, Liverpool vs Roma Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay Qori tuurka isku Aadka Afar dhamaadka (Semi-finals) tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee Champions League-ga. Tartanka ayaa waxaa horey ugu soo baxay Afar kooxood oo ka kala socda dalalka Egland, Spain, Italy iyo Germany oo kala ah Liverbool, Real Madrid, Roma iyo Bayer Munich. Kooxda Real Madrid ayaa mari doonta tijaabo kale oo culus isla markaana la kulmi doonta Bayern Munich, kuwaas oo sanadkii hore isku arkay siddeed dhamaadka tartankan markaas oo ay soo baxday Real Madrid. Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa ku dhacday Roma oo Siddeed dhamaadkii si layaab leh uga soo baxday Barcelona , iyadoo Mohamed Salah uu la ciyaari doono kooxdiisii hore. Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 24-ka iyo 25-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 1-da iyo 2-da May. PUNTLAND POST The post Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub oo la Qori tuuray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan sagootin ahaa Muqdisho ugu sameeyay, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay is-casilaadiisii sanadkii 2011-kii, markaasoo uu dalka ka ahaa Ra’iisul Wasaare. Farmaajo oo xafladda ka hadlayay ayaa yiri. “Jawaariyoow annigaa horay u soo tanaasulay iyadoo dadku ay i jecel yihiin oo la i leeyahay ha tanaasulin, wuxuu Alle iigu beddelayna waad aragtaa.” Hadalka madaxweynaha oo u muuqday mid uu niyada ugu dajinayay Jawaari oo todobaadkan xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iska casilay, kaddib markii uu cadaadis badan kala kulmay xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre iyo Madaxtooyada. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiye Jawaari ku ammaanay waxqabad iyo khibrad, wuxuuna ka codsaday inuu Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisa kala duwan uu lasii shaqeeyo, maadaama aan laga maarmin khibradiisa. Dowladda uu Hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku caan baxday in xilalka laga qaado mas’uuliyiinta ugu waxqabadka badan Dowladda, kadibna lagu amaano shaqadii ay hayeen. Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa ka sheegay khudbaddii uu isku-casilay ee uu ka jeediyay baarlamaanka in wax u muuqda awood sheegad siyaasadeed darted uu xilka isaga casilay, balse aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu ku qaatay inuu xilka banneeyo. DAAWO; Muuqaalka hadalkii uu Madaxweynuhu ka jeediyay Xafladda; PUNTLAND POST The post FARMAAJO: Jawaariyoow Anigoo dadku i jecel yihiin ayaan xilka iska-casilay wuxuu Alle… appeared first on Puntland Post.
-
BOSTON – Five years after two brothers who had been living in America for about a decade bombed the Boston Marathon, federally funded community programs to prevent attacks by homegrown extremists are barely underway and face an uncertain future. Source: Hiiraan Online
-
Kampala. The Chief of Defence Forces (CDF), Gen David Muhoozi, has called for united training of Somali National Army (SNA) so that it is empowered to handle its security woes. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo lacagta Mareykanka ($15,000) guddoonsiiyay Sarkaal dhawaan ka soo goystay Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu wada hadal la bilaabay Maamulka. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa bishii January iska soo dhiibay Magaalada Baydhabo, sababo ku aadan markii uu garowsaday in Shabaabku baneysteen dhiigga umadda Soomaaliyeed, Sida uu Munaasabada uga dhawaaqay. Xaflad Xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay Sarkaalka ka soo goystay Al Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay). Maxamed Sandheere oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha. Sandheere ayaa sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, markii ugu dambeysayna uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka. Waa markii ugu horeysay lacag cadadkeedu yahay lagu wareejiyo Sarkaal Shabaab ka soo goystay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia ayaa kulan khaasa magaalada Muqdisho kula yeeshay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating. Kulanka Danjire Maxamed Axmed Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa salka ku hayay Siyaasada Imaaraadka kala dhexeysa Somalia, Khilaafyada isa soo taraaya ee labada dal, Amniga iyo Dhaqaalaha ay DFS ku qabatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Danjire Al-Othmaani, ayaa Mr Micheal Keating uga faalooday sida uu ku socdo xiriirka labada dal, waxa uuna u carab ***** inay jiraan Siyaasado isku khaldan oo u baahan in lagu xaliyo jawi degan. Al-Othmaani waxa uu Micheal Keating u cadeeyay in dowlada Somalia ay mugdi sii galineyso xiriirka kala dhexeeya, waxa uuna carab ***** inuu burburay Heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen. Al-Othmaani, waxa uu sidoo kale Micheal Keating warbixino kooban kasiiyay lacagaha asbuucii tagay lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taa oo dowlada Imaaraadka ay dooneysay inay u adeegsato Mooshinka laga waday Jawaari. Waxa uu sidoo kale Al-Othmaani u sheegay Mr Micheal Keating cawaaqibta Siyaasadeed ee iminka ka dhex aloosan Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna Ergayga gaarka ah ee QM Micheal Keating ballanqaaday inuu waxbadan ka bedeli doono dhammaan cawaaqibaha jira. Micheal Keating, ayaa ka codsaday Dowladda Imaaraadka inay sii wadaan taageerada kala duwan oo ay siiyaan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana soo dhaweeyay Al-Othmaani. Sidoo kale, Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in xiisada hadda ka dhex jirta Somalia iyo Imaaraadka lagu xaliyo jawi degan oo aan abuureynin mushkilado kale oo hor leh. Dhinaca kale, is araga Micheal Keating iyo Al-Othmaani ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Imaaraadka Carabta ay Dacwado ka dhan ah Somalia u gudbisay Jaamacada Carabta iyo Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
In shambles: Somali women celebrate the election of President Mohamed Abdullahi Mohamed in 2017 but their joy is proving to be premature. (Feisal Omar, Reuters) Change always breeds optimism and it was no different when Mohamed Abdullahi Mohamed was elected as president of Somalia in February last year. Expectations were sky-high as the new president — universally known by his nickname, Farmajo — took office. Farmajo himself did little to temper these hopes. “This is the beginning of the era of unity, the democracy of Somalia and the beginning of the fight against corruption,” he said in his inauguration speech. But if that was the beginning of the era of unity, then it ended in dramatic fashion earlier this month. In shambolic, humiliating scenes in Parliament, soldiers loyal to the president squared off against soldiers loyal to parliamentary speaker Mohamed Osman Jawari, as Jawari fought to survive a no-confidence motion. A crisis was only averted by the intervention of peacekeepers from the African Union Mission in Somalia. Under immense domestic and international pressure, Jawari has now resigned but the ugly spat left the limitations of the federal government of Somalia brutally exposed. “This whole episode has been completely disheartening because it reveals the dysfunction and the pettiness of Somali politicians. The country has so many problems that require attention and wisdom and a sense of responsibility to address, but Somali politicians appear to spend most of their time squabbling amongst each other and jockeying for position,” said Joshua Meservey, a senior policy analyst on Africa and the Middle East at the Heritage Foundation. A port in a storm At the root of the dispute between the president and the speaker is a deal to run the port of Berbera, located in the autonomous Republic of Somaliland. Although legally part of Somalia, and therefore under the federal government’s writ, Somaliland has functioned as a de facto independent state for more than two decades — a state that by any measure is more peaceful, prosperous and democratic than Somalia proper. Its deal with the Emirati company DP World, which has businesses in marine and inland terminals, maritime services, logistics and other services, reasserts Somaliland’s independence, and includes a $442-million pledge to develop the territory’s infrastructure. In addition, the United Arab Emirates (UAE) is building a military base in Berbera, and talks are ongoing with Russia for a base next door. Support from the UAE and Russia would greatly strengthen Somaliland’s claim to independence. The Somali federal government has bitterly condemned the port deal and the building of the base, and Jawari tried to pass legislation invalidating the DP World contract. But he did so without getting input from the president and Farmajo did not take kindly to the slight. Caught in the middle Another dynamic at play is the ongoing diplomatic dispute in the Gulf between Qatar on the one side and Saudi Arabia and the UAE on the other. Saudi and the UAE lobbied hard for Somalia’s support but the federal government chose to remain neutral, nervous of alienating Qatar or Turkey, a major investor in Somalia, which sympathises with the Qatari position. “Somalia was caught between a few powerful countries with huge influence inside the country,” said Meservey. “That caused a cascade of problems for Somalia. The Emiratis appear to be very involved in resisting Farmajo’s agenda in Somalia. They are irritated, as are the Saudis, that Somalia didn’t go along with the embargo and he wasn’t their preferred candidate to win the electoral process. Now the Emiratis are interacting bilaterally with federal states … which brings us back to Somaliland.” As well as this perceived threat to Somalia’s sovereignty, the Gulf crisis is affecting domestic politics. On Monday, a plane with $9.6-million in cash was seized on the runway in Mogadishu. It had just flown in from Abu Dhabi, the capital of the UAE. The Emiratis say the money was earmarked for humanitarian efforts but several analysts speculated that the cash was intended to pay off local politicians, sowing further divisions in an already fractured government. Even on its best days, the federal government has little control over the country. Much power is devolved to semi-autonomous states, large swaths of territory are still ruled by the Islamist group al-Shabab and officials are almost entirely reliant on AU peacekeepers to provide security. These are, unequivocally, not the government’s best days, which raises the question: What hope is there that Farmajo’s administration can govern Somalia when it cannot even govern itself?
-
Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, halka Gudoomiyaha Cusub loo Magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin. Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Xil ka qaadista lagu sameeyay oo Soo jiitamayay Muddooyinkaan ayaa ugu dambeyn sababay in Xilka laga qaado. Cabdullaahi Axmed Maalin oo ah Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer isku dayay in uu qabto Xilkaan, waxaana kaga guuleystay Cali Jeyte Cismaan iyo Cabdifitaax Xasan Afrax. Gudoomiye Maalin ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Madax katirsan Maamulka Hir-Shabeelle tan iyo markii uu soo baxay Khilaafka sababay xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte si uu markaan ugu guuleysto qabashada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. Cali Jeyte ayaa xilkaan markale dib loogu soo Magacaabay 20-kii September sanadkii tagay 2017-kii kadib markii Madaxweyne Waare uu xilka ka qaaday Cumar Aadan Deeqow. Halkaaan ka Aqriso Warqadda Digreetada:-
-
Mogadishu (HOL) - Somalia’s Lower House outgoing speaker, Mohamed Jawari on Thursday vehemently refuted claims that he received millions of dollars to bow out of the office barely two days after he conceded to leave the office. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaalle’’, ayaa ka hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in xiligaan uu aad u wanaagsan yahay amniga, waxa uuna tilmaamay in qorshaha hadda socdaa uu yahay mid lagu ballaarinaayo amniga Muqdisho. Waxa uu sheegay Ducaalle in qeybo kamid ah magaalada hadda lagu sameeyay isbedel bilow ah, halka qeybaha harsan lagu sameyn doono isbedel muuqda. Waxa uu tilmaamay in isbedelada socda uu yahay in la furay wadooyinkii xirnaa qaar ee caasimadda, Ciidanka Xasilintana ay hada ku sugan yihiin wadada Warshadaha ee Magaalada. Ciidanka ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka. Wasiir Ducaalle ayaa yiri “Waxaan furnay dhammaan Jidadkii xirnaa sida jidka Wadnaha, ilaa jidka Warshadaha ayaan geynay, ciidamada waxaan fariisimo uga sameynay goobaha aan is leenahay amni darro ayaa ka jirta’’ ‘’Dadka shacabka ah waxaan uga mahadcelineynaa dulqaadka ay inoo muujiyeen, shacabka waxaan ka dalbanayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, sidoo kale Ciidamada waxaan farayaa in ay u dhimriyaan shacabka.” Haddalka Wasiir Ducaalle ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada Xasilinta caasimada 10-kii bishan la geeyay wadada Warshadaha halkaa oo loo dhigay dhagxaan waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland. Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan oo maamulka ugu magacawnaa Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo. Axmed Deeq, ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbiatalka Magaalada Gaalakcyo balse markii dambe uu dhaawicii u geeriyooday. Axmed Deeq, ayaa lagu dhuftay ku dhawaad Shan xabadood oo gabi ahaan ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, iyadoo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen maleeshiyaadka. Dilka kadib ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna halkaa ka qaaden Axmed Deeq oo xiligaa ahaa dhaawac. Si kastaba ha ahaatee, deegaanada Puntland ayaa waxaa kusii kordhaaya dilalka iyo Qaraxyada ay geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqday Wasaarada Caafimaadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan Ururada Bulshada rayidka ah ayaa waxa ay u taagan yihiin u qareemida danta guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo talasiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Dallada SOCENSA oo dadaal u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex aloosnaa golaha shacabka, horayna uga soo saartay baaqyo ku aadan in la damiyo xaaladaasi, iyadoo kulamo kala yeelatay dhinacyada khilaafka ka dhex jiray ayaa waxa ay boogaadineysaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka dadaalada ay xalliyeen khilaafka siyaasadeed ee taagnaa taasi oo qeyb ka ahayd tallooyinka bulshada rayidka ee ahaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal ama si waafaqsan sharciga. Sidoo kale, Dallada Bulshada Rayidka ah waxa ay usoo jeedineysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed inay soo doortaan shaqsi karti iyo aqoon u leh arimaha sharci dejinta islamarkaana ay ku soo doortaan mudo 15 maalmood ah. Ugu dambeyn dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA waxa ay ku baaqeysaa in laga fogaado wax weliba oo keeni Kara khilaaf siyaasadeed taasi oo dib u dhac ku keeni karta geedigga dowladnimo ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hay’adda SOSCENSA oo soo dhaweysay habkii lagu xalliyay Khilaafkii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda. Booqashada Ra’isul wasaaraha ayaa aheyd u kuur galida howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo adeegyada Caafimaad oo ay siiso dadka shacabka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa madaxda wasaaradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso, sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda. Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu ku guda jiray booqashada bogaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeenada Wasarada in ay balaariyaan howlahooda shaqo, si loo haqabtiro baahiya shacabka.
-
Ethiopia PM asks protesters for patience as he seeks change
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ambo, Ethiopia (AFP) - Ethiopia’s new Prime Minister Abiy Ahmed paid a visit to a hotbed of anti-government protests Wednesday, asking residents for patience as he works to bring change to the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online -
MOGADISHU, Somalia (AP) — A bomb exploded at a packed football stadium in southern Somalia and killed five spectators while wounding several others, police said Thursday evening. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Sida la og yahay jiritaanka ciidanka Qalabka sida wuxuu heerkii ugu sareeyay gaaray markuu Taliyaha ahaa Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi, waxayna soo dedejisay geeridiisii niyad jab ku yimid dhamaan ciidankii qalabka sida, kana wal walay cida ugu danbeyn doonta hoggaankiisii wanaagsanaa. Saraakiishii kala duwaneyd ee ciidanka qalabka siday waxay geeridii Gen. Daa’uud ay ku noqotay falaar wadnaha la taagay, hase ahaatee Gen. Maxamed Siyaad Barre oo xiligaasi ahaa ninka ugu dhow hoggaankaasi tacsi u diray ehelka marxuumka iyo guud ahaan ciidamadii wuxuuna yiri ‘Ruushka waxaa ka dhintay Saaxiib wanaagsan, Soomaalidana wiil baari ah Seerjitana Aabaheed’. Geerida Gen. Daa’uud waxay Maxamed Siyaad u aheyd fursad qaali ah oo uu ku soo gaaray mansabka dalka ugu sareeya ee Madaxweynenimada, markii la dilay Madaxweynihii xiligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke 15-kii Oktoobar 1969-kii .Jaalle Siyaad iyo saraakiil kale oo ka agdhawaa waxay afgambi aan dhiig ku daadinin kula wareegeen hoggaanka dalka. Maxamed Siyaad Barre oo aan sumcad wanaagsan ku dhex laheyn ciidamada dhexdooda ayaa dhegta dhiiga u jaray Salaad Gabeyre oo ahaa ninka ugu kartida badnaa ciidamada, ujeedada ka danbeysayna waxay aheyd in loo daneeyo Maxamed Siyaad oo heybad aan muuqan ku dhex lahaa ciidamada. Ciidamada Milateriga oo ahaa awooda dalka iyo Afrika wuxuu lugta la galay siyaasadda iyo maamulka Dowladda, taasoo sababtay in dalka la geliyo marba xaalad aan loo baahneyn, waxaana laga xasuustaa dagaalkii 77 oo hal guuto oo Milateriga xuduuda isla markaana miisaaniyada horumarinta dalka ay kaligood qaataan, waxaana xiligaasi kadib ciidankii u lugta la sii galay marxalad hor leh. Inqilaabkii dhicisoobay ee uu abaabulay G/Sare Maxamuud Yuusuf Ciro 9-kii Apriil 1978-dii wuxuu sabab u noqday in ciidankii dhexdiisa qabyaalad toos ah lagu saleeyo hadey ahaan laheyd darajada ciidanka dhexdiisa, taasoo aakhirkii shacabka kalsoonidii ay u hayeen ciidanka ay noqotay mid burburtay, khilaaf mar walba soo noqnoqdana ku dhex abuurmay saraakiishii hoggaamineysay ciidanka sida khilaafkii Gen. Maxamed Cali Samatar iyo G/sare Shire Maxamed Siyaad. Aakhirkii burburka Millaterigu wuxuu Gobolladii dhexe ee Soomaaliya ka fuliyey falal waxashnimo ah sida dil, dhac, kufsi iyo burburin loo geystay barkadihii biyaha ee dadka iyo xooluhu ka cabbi jireen, sidoo kale Gobolladii Waqooyi ee dalka ayaa muddadii uu kacaanku jirey oo dhan uu amar millateri saarnaa, dadkuna ay bartilmaameed u ahaayeen millateriga, iyadoo dagaal hubeysan oo cirka iyo dhulka ah lagu qaaday, loona soo kireystay duuliyayaal ajnabi ah oo calooshood u shaqeystayaal ah. Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib 1991-kii waxaa kala yaacay oo beelahoodii ku kala biiray ciidamadii qalabka siday iyo saraakiishoodii, waxayna qaarkood ay ka qeyb qaateen dagaal mindhicireedkii dalka ka dhacay iyo dagaaladii kale ee kooxaha siyaasadda dalka, kuwaasi oo qaarkood ku dhintay difaaca beelahooda, aqoontii ay dadka iyo dalka u barteen god ayey la galeen iyagoo caadifad qabiil difaacaya. Waxaa kaloo xusad mudan Saraakiishii ciidan ee Alle ka badbaadiyay iney u dagaalamaan beelahooda oo si gardaran fikirkooda loogu dilay iyagoo qaarkood cibaadeysanayay. Ciidamada Qalab Sida ee ahaa ishii laga riday Qaranka Soomaaliyeed waxaa xiligan hadii maanta sida tiir taagan ahaan lahaayeen in aan loo baahnaan laheyn ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin u jooga xiligan Soomaaliya, lagana maarmi lahaa howshooda. Waxaase soo muuqda ifafaale nabadeed oo dib loogu unkayo awoodii ciidan ee xoogga dalka Soomaaliya, balse u baahan kartidii iyo waaga aragnimadii sida Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi oo geeridiisa niyad jab ku noqotay ciidamadda qalabka sida, kuwa maanta hoggaanka u haayana waxaan ka rajeynayaa in ay fiiriyaan wadadii Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud. Ciidamadda Xoogga dalka, Booliska, Nabadsugida iyo qeybaha kale ee amni ilaaliyaasha waxaa la gudboon iney ka dhowrsadaan u adeegida cid kasta oo wax u dhimeysa qaranimada Soomaaliya, Hambalyo sanad guurada aas-aaska xoogga dalka Soomaaliyeed. Ali Muhiaddin Ali facebook.com/sheekha2 muxiyaddiin@hotmail.com
-
Somali tech accelerator Innovate Ventures has opened applications to the third cycle of its Hargeisa-based programme, with 12 startups to join the cohort. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (HOL) - At least one person has been killed and several others sustained serious injuries after the perimeter wall collapsed in Beledweyne, central Somalia. Source: Hiiraan Online