Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad. Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd. Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad. Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan. “Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta. The post Ardeydii ugu badneyd oo maanta Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah appeared first on Caasimada Online.
  2. OSLO, Norway (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud began a three-day working visit to Norway on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448112403_476463298204454_689810997823188920_n.mp4 Qaran News
  4. ANKARA - Türkiye on Saturday condemned a terrorist attack in Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Xisbiyada garabka midig ayaa ku soo baxay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub, iyagoo guuldarrooyin waaweyn gaarsiiyay Madaxweyne Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz. Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn. Haddii uu lumiyo doorashada uu ku baaqay ee 30-ka bishan June, waxaa suuragal noqon doonta inuu xilka ka dago saddex sano ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka muudo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027. Dalka Jarmalka, In Germany, waxaa guul lama filaan ah gaaray xisbiga midigta ee AfD oo kasoo kabtay fadeexado hareeyay murashaxiintooda ugu sarreeyay. Xisbigaan ayaa 16.5% kor ugu kacay codadka ay haleen marka loo eego doorashadi 2019-ki oo ay haleen 11%. Xisbiga hogaamiyaha Jarmalka Scholz ee Social Democratic-ka ayaa ka hoos maray xisbiga midigta fog ee aad xahg-jirka u ah, arrintaas oo loo arko guuldarro siyaasadeed oo soo gaartay xisbul xaakimka. PUNTLAND POST The post Xisbiyada garabka midig oo ku soo baxay doorashada baarlamaanka Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah. Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Norway uu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha dalkaas si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. “Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada Oslo ee dalka Norway appeared first on Puntland Post.
  7. Doorashada Madaxweynaha Iran ee la qorsheeyay in ay dhacdo 28 bishan June , ayaa la soo saaray musharrixiinta u tartamaya , iyadoo illaa 80 musharrax ay codsadeen inay u tartamaan xilkaas. Doorashada ayaa la go’aamiyay kaddib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii xilka hayay, Raisi, balse waxaa loo ansixiyay inay doorashada u tartami karaan lix musharrax oo ay magacyadooda soo bandhigeen Golaha ilaalada oo ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaano ah, kuwaasoo kala bar ay soo doorteen baarlamaanka, kala barna uu magacaabay Khamenei. Waxay go’aamiyan musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya, kuwaaso kaliya soo magacaaba xubnaha daacada u ah Khamenei. 6 musharrax ee doorashada ka qaybgalaya; •Siciid Jalili •Mohamed Bagher Ghalibaf •Alireza Zakani •Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi •Mostafa Pourmohammadi •Masoud Pezeshkian. Musharixiinta kale ee laga reebay doorashada , waxaa ku jira madaxweynihii hore Axmadinejad. Siciid Jaliili iyo Ghalibaf ayaa ah 2-da musharax ee ugu cadcad inay ku guulaystaan ​​doorashada. Ghalibaf waa 62 jir ah, horey wuxuu usoo noqday taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska. . Waxa uu u tartamay madaxweyne sannadihii 2005, 2013 iyo 2017, illaa uu u tanaasulay Raisi. Musharraxa kale Siciid Jalili, wuxuu ahaa madaxii hore ee wada-xaajoodka Iran ee nukliyeerka , wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Khamenei , wuxuu ka mid ah musharrixiintii doorashada hore isaga haray, isagoo u ololeeyay Raisi. PUNTLAND POST The post Liiska Musharrixiinta u tartamaya doorashada Madaxtinimada Iran oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  8. Tel Aviv (Caasimada Online) – Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu. Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Gantz ayaa waxa uu xukuumadda Israel ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood. Is-casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog. Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka. The post Gantz oo is-casilay iyo Israel oo wajaheysa cadaadis weyn appeared first on Caasimada Online.
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/447987462_1451457698910049_736458127897549743_n.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer oo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay, waxaa jira rag nolosha lagu qabtay oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas loo soo qaaday Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo. Ragaas waxay gaarayaan afar nin, waxaana qabtay ciidanka dowladda oo sii raacdeysanaya Shabaab-kii soo weeraray Ceeldheer oo dagaalka lagu jebiyey. Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen in ragga la qabtay ay wateen gaari yar oo Suuksuuki ama Kabtabuud ah, waxayna ka yimaadeen dhinaca deegaanka Cowsweyne oo hoos taga Ceeldheer. Ciidanka ayaa soo jeebeeyey ragaas, waxayna keeneen Ceeldheer, isla shalay waxaa lagu soo qaaday diyaarad military oo keentay Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, inkastoo aan weli xog laga helin waxa ka soo baxay baaritaanka ragaas. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ragga la qabtay, saraakiisha qaar waxay noo sheegeen inay ahaayeen Shabaab gurmad ah, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay noo sheegeen in ragaasi ay raadinayeen qoryo ay bililiqeystaan. Sidoo kale xogaha aan dadka deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in ragga shalay lagu qabtay duleedka Ceeldheer ay ka mid yihiin shacabkii qoryaha ciidanka dowladda ku bililiqeystay Cawsweyne, markii lagu jabiyey ciidanka qaranka Shabaab-na ay isaga carareen deegaanka. “Ragaan inta aan ka naqaan Shabaab ma aheyn waxay iska ahayeen reer miyi, balse waxay barteen bililiqo oo dagaalkii Cawsweyne ayey dhowr qori ka heleen, marka sidii oo kale ayey rabeen inay Ceeldheer qoryo ka helaan markii la jebiyo ciidanka dowladda, balse waxaa qabtay ciidankii oo sii ceyrsanaya firxadka Al-Shabaab,” ayuu yiri nin aan magaciisa u qarinay sababo amnio o Ceeldheer ku sugan. Dhinaca kale, dadka deegaanka waxay noo sheegeen in hareeraha degmada Ceeldheer ay buuxaan meydadka Shabaab-kii shalay lagu laayey dagaalka, ilaa seddax goobood ayaa la sheegay in meydadku ay toban-toban u yaalaan. Arrinta murugada leh ayaa ah in askari ay Shabaab nolosha ku wateen duleedka magaalada laga helay meydadka isaga iyo raggii afduubtay oo lagu laayey jid-gooyo ay u dhigeen ciidamada GorGor ee xoogga dalka, oo shalay aad uga dagaalamay gudaha iyo hareeraha degmada Ceeldheer. The post Xog: 4 nin oo lagu qabtay dagaalkii Ceeldheer iyo geerida askari u gacan-galay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Israeli minister Benny Gantz has announced his resignation from Prime Minister Benjamin Netanyahu’s emergency government, withdrawing the only centrist power in the embattled leader’s far-right coalition, amid a months-long assault on Gaza. Source: Hiiraan Online
  12. The legitimacy and political relevance of the Somali Federal Government have been increasingly declining in recent years. This analysis examines the government's effectiveness and authority, focusing on federalism adoption, the power-sharing formula, political and constitutional crises, and evolving federal-regional relations. Source: Hiiraan Online
  13. Wasiirkii Difaaca Israel oo ka tirsanaa Glaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda. Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israel. Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Difaaca Maamulka Israel oo xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL) — The Federal Government of Somalia announced that Somali government forces took full control of Ruunirgood on Sunday. The area is strategically located on the border of the Galgaduud and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta loo doortay guddoonka wakiiladda joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xilkan ayaa waxa Soomaaliya ku meteli doona Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, islamarkaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Jabriil Ibraahim Cabdulle. Danjire Jabriil iyo howl-wadeenada safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa hoggaamin doona qorshe howleedka waddamada ku bahoobay Africa Group, iyada oo safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay hoggaan u noqon doonto kooxda Afrika. Danjiraha ayaa uga mahad-celiyay dalalka Africa Group kalsoonida ay u muujiyeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan hoggaanka safaraadda Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqeyn doono wakiillada dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ballaaran oo dhanka xiriirada caalamiga ah ku tallaabsaneysay, ayada oo maalmo kahor ay aheyd markii ay ku guuleystay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qarmaada Midoobay. Soomaaliya ayaa Khamiistii kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka. Golaha ayaa u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan golaha ammaanka iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii mira-dhal noqotay. The post Sawirro: Soomaaliya oo loo doortay hoggaanka midowga… appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) — Somalia will face Botswana in an important 2026 FIFA World Cup qualifying match on Monday, June 10, at Estádio do Zimpeto in Maputo, Mozambique. After a series of disappointing results, the Ocean Stars aim to secure their first win in Group G. Source: Hiiraan Online
  17. Tirada guud ee Falastiiniyiinta ku dhintay dagaalka marinka Gaza ayaa maanta gaartay 37,084 kun oo qof sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ka badan 37,084 qof lagu dilay Marinka Gaza muddada ka badan siddeedda bilood ee uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Waxay intaas ku dartay in tiradan ay ku jiraan ugu yaraan 274 qof oo lagu dilay weerarkii Israa’iil ay Sabtidii ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat, xilligaas oo afar la haystayaal ah nolol lagu soo badbaadiyay, tiradaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Wasaaraddu waxay sheegtay in 84,494 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka tan iyo markii uu qarxay 7-dii October. PUNTLAND POST The post Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay marinka Gaza oo gaartay in ka badan 37 kun appeared first on Puntland Post.
  18. Abudwak, Somalia – The death toll from the ongoing civil war in the Galgaduud region has surpassed 50 as tribal conflict continues to escalate. Reports indicate that violence erupted yesterday in the Landheer area, located in the northern part of the region. The clashes involve two tribal militias vying for control over grazing land between Caabudwaaq and Xeraale. The confirmed number of fatalities has now reached 50, with an additional 60 individuals reported injured following intense fighting yesterday. Both militias have access to war vehicles and heavy weaponry, which can prolong the conflict and result in significant casualties and destruction. In response, both the federal member state and Somalia’s central government have intensified efforts to restore peace. Security forces have been dispatched to the area to intervene between the warring parties. A ministerial committee, comprising five members appointed by Ahmed Abdi Kariye, the state’s leader, is now working towards a resolution of the tribal dispute. Despite recent stabilization and ongoing peace initiatives aimed at preventing further violence, the risk of renewed and bloody conflict remains high in the region. Tribal militias continue to face off against each other, with no significant deterrent to halt the fighting. The primary cause of this deadly conflict is competition over grazing land, as no other substantial resources appear to be driving the violence. The resurgence of tribal conflicts in Galmudug has had a devastating impact on local communities, particularly in central regions. Clan warfare and targeted killings have compounded the crisis, further destabilizing the area. Abubakar Mohamed Ali The post Tens dead in fresh fight in central Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — A viral video has emerged showing Somali doctor Mahad Garaad Hassan pleading for help from traffickers in Libya who are demanding a $15,000 ransom—the doctor, visibly injured and distressed, appeals to the Somali community and government for urgent assistance. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab faced a major defeat in a battle they launched Saturday morning in the Eeldheer district of the Galgaduud region, according to former National Security and Intelligence Agency (NISA) commander and federal MP Yasin Faray. Source: Hiiraan Online
  21. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448113842_763173949312943_8956414783741397851_n.mp4 Qaran News
  22. Baadi-goob maalmo qaatay oo lagu raadinayay wariye ka tirsan Telefishinka Britain oo lagu magacaabo Michael Mosley, ayaa ugu dambeyn meydkiisa la soo saaro Jaziirad ku taalla dalka Giriiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in meydka laga helay meel xeeb ah oo dhagxaan ah, waxaana la sugayaa in si rasmi ah loo aqoonsado. 67-jirkan ayaa lagu waayay jasiiradda Symi galabnimadii Arbacada kadib markii uu socdaal dhanka badda ah u ambabaxay,Xaaskiisa ayaana ku wargalisay maamulka ka dib markii uu soo laaban waayay. AP ayaa sidoo kale soo xigatay Lefteris Papakalodoukas oo ah duqa jasiiradda,kaasoo la socday doon ay la socdeen wakiilo warbaahineed oo raadinaya Mosley, maalintii shanaad ee baaritaanka, isagoo xaqiijinaya in meydka la rumeysan yahay inuu yahay Mosley la helay. Maayarku waxa uu sheegay in Mosley uu u muuqday mid ku dhacay meel mool ah, islamarkaana uu galay xayndaaba, isla markaana uu u jiifay dhawr dhagax oo ay ka dul-saarnaayeen. Jirka ayaa hal gacan ku haystay bac, ayuu yiri Antonis Mystiloglou oo ah sawir qaade ka tirsan TV-ga dawladda ee ERT, oo isna la socday doonta. Mosle ey waxaa aad loogu yaqaanaa barnaamijyo taxane ah oo telefishan British-ka ka bixi jiray, oo ay ku jiraan taxanaha BBC-da I aamin, waxaan ahay dhakhtar iyo tiro dokumentariyo ah oo ku saabsan cuntada iyo jimicsiga. Source: goobjoog.com
  23. Mogadishu (HOL) — The Galmudug regional government has pledged to hold accountable those responsible for inciting the ongoing conflict in the Galgaduud region following deadly clashes that have left over 50 people dead and many others injured in the past two days. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeisa (HOL) — President Muse Bihi Abdi of the breakaway Somaliland Republic has announced that members of the Gaanlibah Movement, who killed more than ten police officers in an August 11, 2023, attack, will face trial. Source: Hiiraan Online