Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa daboolka ka qaaday inay xaalad xun soo foodsaartay Maleeshiyaadka Shabaab. Michael Keating, waxa uu sheegay in hoos u dhac ballaaran uu ku imaaday duulaanka ay Shabaab ka geysan jireen gudaha Somalia iyo Kenya. Danjire Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Maleeshiyada Shabaab ay la kulmayaan cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo si joogta ah ugu howlan soo afjarida dhaqdhaqaaqa Shabaab. Michael Keating, ayaa cadeeyay in awooda Shabaab ay iminka gaarsiisan tahay meel hooseysa, halka dhowr sano ka hor ay ahaayen kuwo xoogan. Dhabar jabka ugu badan ayuu sheegay inay kala kulmeen maleeshiyaadka ka garab dagaalama ee usoo goostay dhanka dowlada Somalia waxa uuna guul ku sheegay in dowladu ay kasbato Xagjiriinta kasoo horjeeda. Sidoo kale, Michael Keating ayaa ballanqaaday in QM ay xoojin doonto is garabtaaga dhinacyada dagaalka kula jira Shabaabka ku sugan Gobolada dalka. Haddalka Michael Keating ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan ay ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia oo garabsanaaya kuwa dowlada gacanta ku dhigeen Horjoogayaal iyo Saraakiil Shabaab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  2. Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo, ayaa dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka kubada cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo la qorshaynayo in laga dhigo garoon casri ah oo caalamka la jaanqaada. Ardayda Cumar Samatar ayaa guddiga dhismaha garoonka ku wareejiyay lacag dhan $500 Dollar iyo hal milyuun oo ah Sh.So ah, taasoo ah lacag ardaydu jeebkooda kasoo gooyeen uguna talo galeen inay uga qeyb qaataan taakulaynta dhaqaale ee garoonka Cawaale. Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Mudug, Jacfar Yuusuf Cabdalla, ayaa uga mahad celiyay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dugsiga Cumar Samatar dhaqaalahaan, isagoo sheegay ineysan ahayn dhaqaalihi ugu danbeeyay ay kaga qayb qadanayaan Garoonka ayna diyaar u yihiin markasta kaalintooda kaga aadan horumarka Gaalkacyo iyo horumarka Puntland. Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Axmed Cabdalla Tigaana, oo ku sugnaa madasha ayaa dhankiisa ammaan balaaran usoo jeediyay ardayda iskuulka Cumar Samatar iyo maamulkooda, isagoo uga mahad celiyay sida mar walba uga qeyb qaataan arrimaha danta caamka ah. Dhawaan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo dib udhiska garoonka Cawaale, iyadoo haatan gacanta lagu hayo dhaqaale xoogan oo kasoo xarooday dalka gudihiisa iyo dibada. Waxaa kaloo intaas dheer in dowladdana ay bixisay qaaraankii ay uga qeyb qaadanaysay garoonka. Cabdiweli Mohamed Sheikh. Puntlandi.com
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Dalka Sucuudi Carabiya. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Goordhow maanta oo sabti ka amba bixi doono garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir looga hadlayo mideeynta madaxda Jaamacada Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaasi waxaa uga sii horeeyay wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya . Warar aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu Sucuudiga kula kulmi doono madax ka socoto Dowlada Imaaraadka oo xulufo la ah Sucuudiga. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah shirkaasi kadib kula yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda wada Carabta. Baryihii ugu dambeeysay dadka falanqeeya siyaasada Arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa sheegayay in uu mad madoow soo kala dhexgalay Dowlada Soomaaliya iyo Dowladaha Khaliijka Carabta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Sucuudiga appeared first on Puntland Post.
  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Sida lagu qeexay qoraal kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, waxaa isbedel dhanka ciidanka ah lagu sameeyay talisyada Hay’adda ee ka howlgalla gobolka Hiiraan. Isbedelka ayaa saameyay Taliyayaasha NISA ee Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne. Waxaa xilka laga qaaday Taliyaha NISA ee Gobolka Hiiraan C/qaadir Maxamuud Abuubakar, waxaana lagu bedelay Cabdi Maxamed Cali. Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday oo isbedelka uu ku dhacay Taliyaha NISA ee Degmada Beledweyne Colaad C/llahi Cismaan.
  5. Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka furmayo shir looga hadlayo Arimaha dastuurka Soomaaliya. Shirkaan oo dhowr jeer oo hore lagu qabtay Qaar kamid ah xarumaha maamul Goboleedyada ayaa looga hadlayaa arimaha Dastuurka. Shirka waxaa ka qeeybgalaya Wasiirka Dastuurka iyo wasiirada Arimaha dastuurka ee maamul Goboleedyada. Shirka ayaa soconaya muddo labo maalin ah waxaana laga soo saari doono war murtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay. Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo waxaa kamid ah in Bulshada ku dhaqan Jubbaland ay aragti ku yeeshaan hanaanka dib u eegista dastuurka dalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shir looga hadlayo Arimaha Dastuurka oo ka dhacaya Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  6. Wadammada Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya. Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro ka baxeysa halka uu weerarka ka dhacay. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay horay ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay adeegsatay. Trump waxaa kale oo uu edeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya. Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka. Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada. Isha BBC Puntland Post The post Mareykanka iyo Xulafadiisa oo Weeraray Syria appeared first on Puntland Post.
  7. Bosaso (Puntlandi) Ciidanka Badda Puntland unugooda la dagaalanka argigixisada ayaa qaaday howlgal xoogan oo ay ka sameeyeen degaanada kuyaala dhulka Buuralayda ah ee gobolka Bari, sida Bali-khadar, Sugurre, Qahabta iyo degaanada ku dhow dhow. Howlgalkaan ayaa ahaa mid lagu xoojinayo amniga gobolka Bari, kadib markii argigixisadu bilihii ugu dambeeyay ay gobolka ka sameynayeen falal argigixisinimo oo u badnaa qaraxyo dhulka lagu aasaayay oo ay waxyeelo kasoo gaartay ciidanka amniga iyo shacabka. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidanka Badda la geliyey heegan buuxa kahor howgalka, waxaana khudbad ujeediyay taliyaha ciidanka Badda S/guuto: Cabdirisaaq Diiriye. Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay udiyaar garoobaan howgal kooxaha argigixisada ah loogasoo saaray degaanada ay ku dhuumaalaysanayaan ee gobolka Bari. DAAWO SAWIRRADA. Puntlandi.com
  8. Russia responded angrily to a U.S.-led strike against Syria on Friday, warning of unspecified "consequences" that stoked fears the conflict could escalate. Source: Hiiraan Online
  9. Jigjiga (Puntlandi) Waxaa magaalada Jigjiga si meeqaam sare leh uga qabsoomay arooskii midnimada Soomaaliyeed oo ay isku calmadeen 29 lamaane. Lamaanayaaashaan ayaa waxaa loo qabtay xalfad aroos oo aan horay uga dhicin gayiga soomaalida islamarkaana ahayd mid soo jiidatay dareena galisay quluubta guud ahaanba dadka afka Soomaaliga ah ku hadla. Waxaana xusid mudan in xalfada arooskan la qabtay ay ahayd mid ku qotontay go’aamadii kasoo baxay shirwaynihii 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka ee raaso, kaasoo lagu go’aamiyay inaysan jirayn qabiil-qabiil ka fiican islamarkaana hoosta laga xariiqay in si wada jira ah loo tirtiro nidaamka isirtoorka ah ee ka dhexjira Soomaalida. Xalfada arooska qarniga midaynta Soomaalida waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne KuxgeenadaDDSI, golaha wasiirada, odayaal dhaqameedka shaqaalaha deegaanka culimo owdiinka iyo qaybaha kala duwan ee bulashada ku dhaqan deegaanka. Waxaana xalafadan arooska qarniga midnimada lagusoo bandhigay ciyaaro dhaqameed kaladuwan oo ay kamid ahayd heeso, qoob ka ciyaar, dhaantooyin iyadoo intaa ay dheerayd xukunkii booliska iyo garsoorka islamarkaaana ay ku xukumayeen su’aalo kaladuwan iyo halxidhaalayaal. Sidoo kale 29kan lamaane ayaa waxay xukuumadu ka caawisay kharashka arooskan iyagoo walibana lagu wareejiyay guryo si casri ah loo dhisay iyo waliba lacag shaqo abuur loogu samaynayo, Ugu danbayana waxaa xalfadan arooskan qarniga ee midnimada soomaalida hadalo dhaxalgal ah ka jeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in talaabadani ay tahay mid jabinaysa fikirka isir toorka ah ee qarniyada soo jiray ee ka dhex jira soomaalida dhexdeeda, Wuxuuna madaxwaynuhu dhanbaal udiray ummada Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan in uu arooskan qarniga midnimada soomaaliyeed uu u noqdo mid ay ku daydaan islamarkaana iska ilaaliyaan dhaqamada xun-xun ee uu kamid yahay isir toorka ama haybsooca isagoo madaxwaynuhu sheegay in qabiil qabiil ka fiican uusan jirin islamarkaana ay dadka afka Soomaaliga ku hadla dhamaantood siman yihiin, Isagoo madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in labada qof ee iscalmada la isugu duceeyo oo iyadoon loo eegaynin qabiil, wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in fikirkan haysooca uu tirtirmi doono insha allah. Gabagabadiina, madaxwaynaha ayaa u duceeyaya dhamaan lamaanayaasha iscalmaday islamarkaana ilaahay uga baryay inuu barakeey oo siiyo gabadha iyo caano gabadh iyo caano wiil iyo caano. Sikastaba ha ahaatee aroosakan qarniga midnimada soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay xili deegaanku ka hana qaaday isbadal horumarineed oo dhinacyo badan leh islamarkaana uu raisal-wasaaraha dalka mudane Dr Abiyu Axmed uu socdaalkiisii ugu horeeyay ku yimid deegaanka, iyadoo uu qudbadii raisal-wasaaraha dalku kasoo jeediyay hoolka shirarka ee Kaali uu ku amaanay isagoo ku faanaya waliba halgamaayaashii kasoo jeeday deegaanka ee halgamaagii waynaa ee sayid Maxamed Cabdula Xasan iyo halgamaagii waynee ee dhejesmach Cumar Samater.
  10. WASHINGTON — The United States and European allies launched strikes on Friday against Syrian research, storage and military targets as President Trump sought to punish President Bashar al-Assad for a suspected chemical attack near Damascus Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa magaalada Muqdisho ka bilowday ololaha lagu buuxinaayo Kursiga u iska casilay Ex Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Kursiga uu baneeyay Jawaari ayaa waxaa u taagan Musharaxiin dhowr ah, oo iminkaba bilaabay dadaalkii ay uga qeybqaadan lahaayen liiska Musharaxiinta u taagan xilkaasi. Musharaxiinta u taagan Kursiga ayaa waxaa ku jira kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, shaqsiyaad ku cusub Siyaasada dalka oo iminkaba kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka. Musharaxiinta oo tirro ahaa gaaraya ilaa 8 Musharax ayaa waxaa ugu cadcad Xildhibaan Cusmaan Libaax oo muddo badan kamid ahaa baarlamaanka, sidoo kalane xilal kala duwan horay uga soo qabtay Xukuumadihii hore. Waxaa kamid ah Musharaxiinta loolanka ugu jira xilka Xildhibaan C/fataax Ibraahim Geesey oo ka mid ahaa Xildhibaanada garabka u ahaa Gudoomiyihii booska faarujiyay Jawaari. Waxaa jira Xildhibaano kale oo dhowr ah kuwaa oo iyaguna raja ka qaba inay buuxiyaan booska uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaase jira warar sheegaya in Xildhibaanada qaar ay doonayaan inay soo saran magacooda, isla markaana galaan taariikhda. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa qudheeda wadata Musharaxiin dhowr ah oo ay dooneyso inay kala soo dhex baxdo Hal Guddoomiye oo lasiin doono mudnaanta. Ma cadda cida ay dowladaha la dooneyso kursiga balse waxaa jira in ku dhawaad Afar Musharax ay soo taagi doonto, hase ahaatee qasdiga uu yahay Hal Musharax oo dhan waliba laga taageeri doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qeyd oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya ay xiligaan ku jirto. Waxa ay si gaar ah ugu wada hadleen:- Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo xiligaan sidii Dowladda Federaalka ay baahi ugu qabto in laga taageero. Xubnaha ururkaan Jaamacadda Carabta ku jira ayuu Xoghaye Axmed sheegay in uu ka dalbanayo ka qeyb qaadashada doorka kaga furan arrintaan. Abul-Qeyd ayaa qorsheynaya in uu Madaxda Jaamacadda Carabta ee shirkooda 29-aad Riyadh ku yeelanaya 15-ka bishaan in uu horgeeyo qorshe ku aadan in taageero dhab ah la siiyo Dowladda Soomaaliya. Maxamuud Yaasiin Al-Cafiifi Afhayeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Xoghaye Axmed Abul-Qeyd uu deeq bixiyaasha u diray dambaal furan oo ku aadan in Soomaaliya ay hesho gurmadka ay u baahan tahay. Axmed Abul-Qeyd ayaa ahaa Wakiilkii Xoghayaha guud Jaamacadda u qaabilsanaa Doorashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo ee dhacday sanadkii tagay 2017-kii, waxa uuna inta Soomaaliya uu joogay u door-galay Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Abaaraha iyo dib usoo kabashada Soomaaliya.
  13. Riyadh (Caasimada Online) –Dowlada Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay ka qeybqaadaneyso dhex dhexaadinta Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Sacuudiga. Sacuudiga ayaa sheegay inay jiraan dhinacyo ka faa’iideysta Khilaafka dowladaha Islaamka, waxa ayna carab dhabtay inay wakhti badan galin doonaan xalinta Khilaafyada jira. illo Diplomaasiyadeed ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegay inay wadaan dadaal waliba oo leysugu soo dhaweynkaro labada dal, waxa uuna carab ***** inay dhexdhexaad ka noqon doonaan khilaafka. illo diplumaasiyadeedka waxa ay intaa ku darayaan in Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis uu wada kulansiin doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalmaha nagu soo aadan gaari doona magaalada Riyadha iyo Madax kale oo ka bixi doonta magaalada Abu Dabai oo ku wajahan Riyadh. Wasiirka Arrimaha Dibedda Imaaraadka Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, ayaa laba maalin un ka hor Dacwad ka dhan ah dowlada Somalia u gudbiyay Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis oo isaga Siyaasad ahaan aad ula dhacsan Imaaraadka. Muranka Diplomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareeray, kadib markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Bishaan April 8-dii qabteen 9.6 million oo Dollar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta. Ma cadda waxa ay dhex dhexaadinta Sacuudiga ka bedeli doonto Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo iminka qar kala taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada maaliyada Xukuumada Somalia ayaa ka hor timid ballanqaadyada fog ee dowlada kaga imaanaya beesha caalamka. Wasaarada ayaa talaabo adag ku tilmaantay in dowlada ay aqbasho dhaqaalaha balanqaadka ah oo ay bixiyaan dowladaha saaxiibada ee xiriirka la leh Somalia, kuwaa oo aan wakhti loo qaban. Wasaarada ayaa farta ku goday in dowlada ay aqbaleyso keliya dhaqalaha gacansaarka ah ee aan ku jirin ballanqaadka fog, sababo la xiriira dhaqaale horay loo ballanqaaday oo ilaa iyo hadda aan la bixin. Wasiirka Wasaarada maaliyada waxa uu soo dhaweeyay dowladaha sida dhaqsiyaha leh ku bixinaaya dhaqaalaha ay u ballanqaadan, waxa uusa diiday in Somalia loo ballanqaado dhaqaale aan la bixineynin. Waxa uu wasiirku tilmaamay in dowlada ay ka maarmi karto dhaqaalaha ay ballanqaadan dowladaha saaxiibada la ah Somalia, ee aan la bixin, waxa uuna carab ***** in ballanqaadka uu ku batay dowlada. Dowladihii hore ayaa inta badan wakhtigooda ku dhameystay ballanqaadyo aan laheyn fulin, iyadoo dowladihii saaxiibka la ahaa ay u qaban jirtay ballanqaadyo aan la cayimin. Sidoo kale, Dowladii hore ayaa dhacday xili malaayiin dollar ay ka sugeysay dowlado dhowr ah kuwaa oo Somalia u ballanqaaday inay siinayaan dhaqalaha, hayeeshee ma aysan bixin. Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka dowlada iminka jirta ay ku laaleyso ballanqaadyada aan fulinta laheyn, ayaa kalsooni ka dhex abuuri karta Madaxda ugu sareysa dalka si loola socdo dhaqaalaha usoo xarooda dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay inay soo afmeerayaan awooda yar ee weli ku danbeysa maleeshiyaadka Xagjirka ah ee al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanu kusii fogaan doonin soo afmeerida al-Shabaab, balse ay ku qaadan doono billo aad u tirsama. Waxa uu tilmaamay in weli uu ku taagan yahay mowqifkii ahaa in Somalia ay al-Shabaabka uga sifeyn doonaan muddo laba Sano ah, isla markaama ay hadda ku guda jiraan sida lagu qaadi lahaa weeraro ka duwan kuwii hore. Madaxweynuhu waxa uu mar kale cod dheer ku sheegay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay in ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee ka bilaabanaya Gobolada dalka Somalia. ‘’Al-Shabaab wey uga dhamaatay in dhibaatooyin danbe ay kusii hayaan Somalia, waxa uu go’aankeenu yahay inaan awood u adeegsano oo aan ka saarno dalka oo dhan’’ Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha howlgallada Shabaab dalka looga saarayo uu yahay mid loo diyaar garoobay,isla markaana kaliya u baahan in loo dhaqaaqo. Waxa uu xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab ku sifeeyay Madaxweynuhu Cadowga koowaad ee kasoo horjeeda Somalia oo ku talaabsata Horumar iyo amni. Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday in dowlada Somalia ay fursado gaara siineyso maleeshiyaadka al-Shabaab ee doonaaya inay isku soo dhiiban dowlada. Hanjabaada uu Madaxweyne Farmaajo u diray al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tirooyinka jeer oo hanjabaad tan lamida uu u diray Shabaab, xili dhawaan uu iclaamiyay dagaal ka dhan ahaa argagixisada Somalia ee al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Nairobi (Puntlandi) Wasiirka caafimaad dowladda Puntland, Dr. Cabdinaasir Cuuke, ayaa shir gudoomiyay shir caalami ah oo Nayroobi ka socda kadib markii wasaaradda federalka iyo wasaaraddaha maamuladu u wakiisheen inay shirkaas gudoonshaaaan. Arinta laga hadlayay waxa ay ahayd sidii Soomaalia loogu wareejin lahaa mashruuca Polio program iyo qorsha saddexda sano sidii gacan looga siin lahaa dawladda muddadaas inta laga siinayo Waddanka shahaadada dabargoynta cudurka Polio. Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa shirkaan ka jeediyay codsiga dowladda dhaxe waxaana uu sheegay inay dhisan yihiin oo awood ku filan leeyihiin wasaaraddaha caafimaadka Soomaaliya. Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa inta badan xooga saaray barnaamijyada hormarineed ee guud ahaan wadanka lagu dhisayo.Wuu bogaadiyey horumarka Somalia ka gaadhey joojinta faafidda Cudurka dabaysha, wuxuuna ballanqaaday inuu u qareemayo ilaa inta waddanka laga siinayo shahaada ciribtirka cudurkan. Gabagabadii kulanka waxaa ka soo qayb galay argayga gaarka ah ee qarmada midoobee Micheal keating. Puntlandi.com
  17. Ethiopian prime minister, Abiy Ahmed has continued his country tour, visiting the capital of the Tigray regional state, where he addressed war veterans and members of the community. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (HOL) - Tensions between Somalia and the United Arab Emirates ratcheted up this week as Mogadishu ditched a military deal with its ally and seized millions of dollars in cash from an Emirati plane. Source: Hiiraan Online
  19. Dhadhaab (PP) ─ Mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya oo la kulmay Soomaalida ku nool xerada qaxootiga ugu weyn ay Soomaalida ku nool yihiin ee ku taallo waqooyiga bari ee dalka Kenya, ayaa dareen la qaybsaday qaxootiga xaaladdooda isaga oo islamarkana shaaciyay horumarka dalkooda ka socda. “Qof waliba oo qaxooti ah waa in uu go’aansado in uu si iskiisa ah u laabto. Qof kasta waxaa uu leeyahay meel uu ka helo xog, oo ay ka mid yihiin qoyskiisa, saaxiibbada iyo warbaahinta. Hase yeeshee, marmarka qaar wararka waxaa ay xoogga saaraan wararka xunxun, oo ay ka mid yihiin sheekooyinka ku saabsan colaado iyo abaaro. Aragti ahaan, sida ay ii sheegtay hooyo qoyskeeda dhowaan baxeyso, xaaladda Soomaaliya si tartiib ah ayay u sii wanaagsanaaneysaa,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, gebagebadii booqashada uu ku tagay xerooyinka qaxootiga Dhadhaab. “Hadda waxaa jira maamul goboleedyo dhisan, nidaam federaali ah, waxaa jiraa dadaallo xooggan ee la isku dayayo in la wanaajiyo amniga – haa, Al-Shabaab weli caqabad ayay tahay, balse dhaqdhaqaaqyada ganacsi waa ay isa sii tarmayaan, xaaladdana hadba meel ayay ka sii wanaagsanaaneysaa,” ayuu raaciyay Xerooyinka qaxootiga Dhadhaab waxaa haatan ku nool 226,472 qaxooti oo diiwaangashan iyo kuwo magangelyo doon ah. Boqolkiba 96 ee dadka ku nool afarta xero waa dad Soomaali ah. Xerada ugu horreysay waxaa la dhisay 1991-dii, kaddib markii ay qaxootiga bilaabeen in ay ka soo qaxaan dagaallada sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya, ayna u gudbaan xudduudda dalka deriska la ah ee Kenya. Qaxootiga labaad ee ugu tiro badneyd ayaa waxaa ay soo galeen 2011-kii kaddib markii ku dhowaad 130,000 oo qaxootiga ka timid koonfurta Soomaaliya ee ay soo barakicisay abaaro iyo macluul ay xerooyinka soo gaareen. “Waxaa la yaab ah in boqolkiba 80 dadkii Soomaaliya dib ugu laabtay ay yihiin kooxda labaad. Intooda badan waxaa ay go’aansadeen in ay dib u laaban karaan,” ayuu yiri Mudane Keating. “Balse kuwii halkan ku sugnaa muddo 27 sano, qaarkood ay yihiin qaxootiga jiilka labaad ama xita seddaxaad markii la eego, xiriirka ay la leeyihiin qoysaskooda iyo bulshada aad ayuu u yar yahay, sidaas darteedna aad ayay ugu adag tahay in ay go’aan ku gaaraan in ay isaga tagaan nabadgelyada ay ku haystaan xerooyinka qaxootiga.” Howlaha xerooyinka oo uu maareeyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo tirada guud ee dadka ku nool xerooyinka aad ayay hoos u dhaceen iyada oo ay 2011-kii halka ku sugnaayeen dad gaarayo 463,427. Hoos u dhacaas ayaa waxaa loo aaneynaya in ay qayb weyn ka qaateen dib u laabashada dadka si iskood ah iyo kuwa gacan laga geystay, iyo sidoo kale deb u celinta ay dadku iyaga go’aansadeen. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo bah-wadaagteeda iyaga oo taageero ka helaya dowladda Kenya iyo bulshada halkaasi ku nool, ayaa muddo 27 sano qaxootiga u fidinayay adeegyada aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin cunno, caafimaad, hooy, nadaafad iyo waxbarasho. Inta uu ku guda jiray booqashadiisa, Wakiilka Gaarka ah waxaa uu kulan la qaatay dadka wax u qabto qaxootiga, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha hay’adda UNHCR iyo dhowr ka mid ah bah-wadaagteeda sida Norwegian Refugee Council iyo hay’adda Laanqeerta Cas. “Shaqo cajiib ah ayay haayaan markii la eego culeysyada dhinaca miisaaniyadda iyo dhimista taageerrada loo fidinayay,” ayuu yiri. “Sharafta iyo geesinimada qaxootiga waa mid dhiiriggelin leh. Farxad ayay ii tahay in aan dhageysto aragtiyadooda iyo rajadooda mustaqbalka. Arrinta ay inta badan ku celceliyeen ayaa waxaa ay tahay, in kastoo kuwo badan ay aaminsan yihiin in xaaladda ay wanaagsanaaneyso – tanina waxaa ay ku xiran tahay halka ay ka soo jeedaan Soomaaliya – waxaa ay weli walaac ka muujinaayeen amniga, waxaa ay ka welwelsan yihiin fursadaha shaqo, waxaana aad ula dhacay sidii ay ugu celcelinayeen waxbarashada, waxbarashada carruurtooda,” ayuu Mudane Keating ka yiri kulanka uu la qaatay qaxootiga. “Si la mid ah waalid kasta meel kasta ha joogee, dadka aan la kulmay waxaa ay carruurtooda u rabaan waxbarashada heerka ugu sarreeya, mana u arkaan taasi in laga helayo Soomaaliya. Qaar ka mid ah ardeyda aan la kulmey iyagana sidaasi ayay igu yiraahdeen,” ayuu yiri. “Waxaa sidoo kale macquul ah in la isku xiriiriyo waxbarashada iyo tababarka farsamada gacanta ee halkan ka jira iyo fursadaha iyo baahiyaha Soomaaliya ka jira.” Mas’uulka QM oo sidoo kale madax ka ah Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa carrabka ku celceliyay in booqashadiisa ay ahayd mid la isku dhaafsanayo macluumaad, iyada oo wixii uu halkaasi ka maqlay ay muhiim u tahay shaqadiisa iyo wada shaqeynta uu la leeyahay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. “Shaqadeyda ma ahan in aan qaxootiga amar siiyo – waxaa aan halkan u joogaa in aan dhageysto kaddibna farriinta aan la tago aana qorshaha ku darsanno, dhinaca sidii aan u aragno in ay Soomaaliya horey u socon karto,” ayuu yiri Keating. Xigasho: UNSOM PUNTLAND POST The post Ergayga QM ee Somalia oo booqday xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Waddanka Kenya appeared first on Puntland Post.
  20. DAR ES SALAAM, Tanzania - Tigo Tanzania’s mobile financial services business, Tigo Pesa, has received the GSMA Mobile Money Certification, recognizing Tigo’s ability to deliver safe, transparent... Source: Hiiraan Online
  21. Emperor Menelik II statue and Ethiopian Flag are seen during the celebration of the 121st Anniversary of Ethiopia’s Battle of Adwa at King II Menelik Square in Addis Ababa on March 2, 2017. FILE PHOTO | AFP In Summary Ethiopian kings and Western powers haggled and battled for firearms market and control of strategic Somalia coastline. Long before the European colonialists shared the coastline amongst themselves, the Abyssinian and Tigray kings were keen on it and you would meet them in the corridors of diplomacy, communicating with the kings and emperors of Europe. By NURUDDIN FARAH More by this Author For centuries, foreign powers have alternately come, conquered, and colonised the peoples of the Somali Peninsula, turning the entire region into scenes of big-power showdowns, each eager to control portions of the coastlines: Italy; France; Britain. During Siad Barre’s reign, the Soviets and the Americans leased Kismayu and Berbera as bases. In fact, long before the European colonialists shared the coastline amongst themselves, the Abyssinian and Tigray kings were keen on it and you would meet them in the corridors of diplomacy, communicating with the kings and emperors of Europe. They were interested in gaining access to the coastline so they would import firearms. Have Somalis reason to suspect that Ethiopia might stretch its long arms solely to do just that: occupy Somalia’s seaports? We know that Ethiopia, through Menelik, did make a claim of owning the Somali seas in his correspondence with European kings; we know, too, that Ethiopia in a more recent past, during Haile Selassie’s reign connived with European powers to hand over parts of the Somali coastline. Related Content Why US is uneasy about change of ownership of the Horn’s harbours Arab interests, Ethiopia-Somalia feud play out in Berbera port deal Djibouti opens three ports in two months Somali parliament votes against UAE port deal Frequent wars Shewa isolated for centuries and sandwiched between the highland mountains like saxifrage and had rival kingdoms like Gondar, Gojam and Tigre was an inland kingdom, as small in size as her king was in stature, its king, Menelik, had grand ambitions, large and uncontainable like the waters of the sea. And because there were frequent wars between these kingdoms, history taught them that whoever had European backing, access to the sea and therefore firearms, would have the upper hand in the event of conflict. Ethiopian soldiers walk towards Somali army in the Ogaden desert during fights at the Somalia-Ethiopia border on June 14, 1978, in a war for control over Ogaden. Yohannis, the King of Tigre, had been for a time the strongest because he had received the benevolence of the British government’s gift of arms in return for his services. What was more, he had been promised free access of a port. But the coastline had always remained in the hands of other peoples – the Somalis and other local peoples. Territorial claims In years gone by and recently too, Abyssinian kings would appeal to the Christian solidarity of Europe when the power ruling the coast happened to be Muslim. Nor were they beyond making unfounded territorial claims later when a European power did not allow them free use of the ports. Kings Yohannis and Menelik would play one European power against the other in their attempt to secure outlets to the sea. Ethiopian kings and Western powers haggled and battled for firearms market and control of strategic Somalia coastline. Menelik addressed the heads of the governments of Italy, France, Germany, and England in a letter in 1878: “My country is far distant from your country. “My road to the coast, to Zeila, Tajura and Aden is at present closed by the Muslims. They prevent my receiving into my country provisions, arms, agricultural implements, artisans or even messengers of the Gospel. “Will you kindly raise your powerful voice in order that I may have this way opened to me, for I desire to inaugurate in my country European civilisation, intelligence and arts?” During this period, however, he does not make any territorial claim of any city-state on any coast — like Mogadiscio, Merka or Brava, three city states on the Somali coast, which had known the splendour of world fame as grand centres of commerce. Maybe he had not by then heard of them in the way he had heard of Zeila and Tajura, the ports through which his kingdom imported “provisions, arms, agricultural implements, artisans or even messengers of the Gospel” and which he used for his country’s exports. And before Menelik, a prominent political figure of Tigre Dajazmach Sebagadis Weldu wrote a letter in 1827 to King George III that his country “needed firearms, which could only be obtained with European assistance through Massawa. “We want you to take Massawa from the Turks and either hold it (yourself) or hand it over to us as our country is lost by it … and the Muslim on the Red Sea coast.” ‘Barbarous nation’ Another Tigrean king Yohannis, corresponding with a British envoy (General) Gordon, says that “in the event the taking of any of the ports is rendered impossible, the King of Tigre would be satisfied if he is at least granted “territorial, and not only functional, access to the sea.” Desperate as ever and needing firearms, Menelik said to the French that he was prepared to give up Harar city, which had just conquered, in exchange for a port. The French were not ready to accept the exchange. He laments: “I am about to die from anger because I have remained without bringing one (new) skill, imprisoned (as I am) … I am a man who has been sentenced to imprisonment for life and prevented from bringing into this country rifles, cannon and workers. The French, however, would sell him plenty of arms and Italy complained to Britain about this great influx of arms sold to this “barbarous nation.” With the help of these weapons, Menelik annexed vast territories and proclaimed himself King, then King of Kings, then Emperor as the Somalis were specifically kept unarmed and defenceless. Somalian troops brandish the Ethiopian flag on February 27, 1964 in the war for control over Ogaden. The weapons, which he had imported from France through Djibouti, gave him supremacy over all the other minor entities in the region. The small man gave himself grand titles; he had christened the territories he had annexed “Ethiopia,” and crowned himself “Emperor.” Italian offer On the other hand, Yohannis, of Tigre, determined to take a coastal city, refuses the Italian offer to open a consulate in Massawa, saying: “I wish Massawa itself,” and wrote to Queen Victoria, saying that he did not “very much mind sharing the pagan districts around the coast with the British, but with no one else. The Italians would offer 5,000 rifles to Menelik on condition that he attacked Emperor Yohannis. Menelik who gained strength from the weapons, wrote to the European powers, “If I cannot take Tajura by sea, it is not difficult for me to seize the port from this side (overland). However, without coming to blows, I hope that civilised Europe will render me justice and give me satisfaction!” In the same letter, he went on, “we hope that our crown which honours Jesus Christ will never be trampled to the ground by the children of Mohammed.” And yet, a little later: “If truly you are the protectors of Christians, it is today that you must give us proof.” Came the Scramble for Africa — and Menelik would write to the Governments of Britain, Italy, France, Germany and the Czar of Russia. We note the change of the tone of his voice, because he is a changed man, and he would specify the boundaries of Ethiopia, which has been “for four centuries a Christian island in a sea of pagans. Formerly, the boundary of Ethiopia was the sea … our frontiers on the seacoast fell into the power of the Muslims. At present, we do not intend to regain our sea frontiers by force but we trust that the Christian powers guided by our Saviour, will restore to us our sea coastline, at any rate, certain parts of it. “If God gives me strength, I shall re-establish the ancient frontiers (tributaries) of Ethiopia up to Khartoum and as far as Lake Nyanza with all the Gallas included. Fall of Massawa Haile Selassie would in 1948 present a Memorandum to the UN, saying, “Prior to the race of European powers to divide up the continent of Africa, Ethiopia included an extensive coastline along the Red Sea and the Indian Ocean. It was only the last 15 years of the 19th century that Ethiopia had been deprived of access to the sea by the loss of the Somali Peninsula and Eritrea. The first step in this direction was the Italian conquest of Massawa in 1885, followed by their seizure of the Benaadir and the rest of southern Somalia. Having failed in dislodging the European colonialists, Emperor Haile Selassie would say in an interview to the UN Mandate Trusteeship territory that “Eritrea, should be given to Ethiopia.” And it was. More recently, Mengistu Haile Mariam would say at a press conference during his reign in the mid-1970s, that “Ethiopia would defend its access to the Red Sea, even if this would make the sea redder on account of enemy blood, which we will shed.” And the war for the coast on the Somali-speaking Peninsula goes on.
  22. By Ahmed Abdi Hargeisa — President Muse Bihi Abdi used Thursday his 8th cabinet meeting to list his administration’s accomplishments. Abdi’s cabinet publicized meetings with the foreign countries of Djibouti, Ethiopia and United Arab Emirates for their 120 days in Office. The Cabinet also claimed that they achieved significate achievements in the areas of agriculture, health, fishery, Sports, transportation and housing as well as internal security and energy. Somaliland passed legislation bans rape and violence against women. However, Somaliland has experienced a recurrent drought and inflation that discouraged its economic growth.
  23. Wixii ka dambeeyay go’doomintii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu go’doomiyeen dal-yaraha Qadar, waxaa marba marka ka dambaysa isa soo tarayey xasarado iyo xasilooni daro siyaasadeed oo ay Soomaaliya cagaha la sii galaysay. Inkasta oo shacab waynaha Soomaaliyeed soo dhaweeyeen mawqifkii ay xukuumaddu ka qaadatay khilaafkan, haddana mar walba waxaa jirey dad qabay in khilaafkani uu caqabad ku noqon doono hannaanka dawladnimo ee curdan kaa. Dhanka kalana waxaa jirey dad qabay inanay xukuumaddu marnaba dhex-dexaad ka ahayn murankaan ee ay dhan u janjeerto. Halka ay jireen kooxo kale oo qabay in xulufada lagu taageero mawqifka go’doominta. Haddaba si aynu u ogaano in aynu khilaafkaan qayb ka noqonay iyo in kale, waxaa lagama maarmaana inaynu bidhaamino waxa uu khilaafkani sidiisaba salka ku hayo iyo sababta uu xasilooni darada inoogu abuurayo. Qabka Qadar ku jira iyo Qoonsiga Walaalaheed Wixii ka dambeeyey cinqilaabkii uu Shiikh Xaamid bin khaliifa uu xukunka uga tuuray Aabihiis sanadkii 1995, Qadar waxa ay qaadatay manhaj iyo siyaasad ka madax banaan Sacuudiga oo u dhaqmi jirey inuu yahay walaalka wayn ee mandiqadda. Waxay qaadatay siyaasad ku dhisan is muujin iyo madax taagid. Waxa ay xiriir dabacsan la yeelatay Iran. Waxay furtay Muuq baahiyaha Al-jaziira oo loogu magac daray codka kuwa aan cododka lahayn. Waxay ku guulaysatay inay marti galiso ciyaaraha adduunka ee 2022. Waxa ay dawladda Maraykanka siisay saldhig ciidan oo ah kan ugu wayn mandiqadda. Waxay taageero u muujisay Islaamka siyaasigaa gaar ahaan Ikhwaanu Muslimiinka. Waxay isku dayday inay xaliso khilaafyo badan oo caalamka ka jirey , sida khilaafkii Daarfuur, kii Afqaanistaan iyo kuwo kale. Siyaasadani waxay walwal iyo hinnaasaba ku abuurtay wadamada khaliijka gaar ahaan Sacuudiga oo dareemay culays amni iyo wiiqid la wiiqayo martabadiisa hoggaamineed ee uu caalamka carbeed ku lahaa. Gugii Carbeed Walwalkii Sacuudiga iyo xulufadiisu waxa uu run isu badalay markii horaantii sanadkii 2011kii ay duufaantii gugii carbeed dul martay waddamo badan oo ay isku dabeecad ahayeen. Xididdadana u siibtay daaxuuro in muddaa kursiga dul fadhiyay. Inkasta oo nidaam siyaasadeedka Qadar ka jiraa uu yahay xukun qoyseed reerka arimiyo, sida inta kale ee khaliij kaba. Haddana Qadar waxay taageero nooc walbaa u fidinaysay kacdoonkii shacabku xoriyadiisa ku doonayeen. Al-jazeera, ayaana noqotay meesha ugu wayn ee kacdoonkaas laga hagayey. Cidda ugu wayn ee kacdoonkaan hurmuudka ka ahayd waxay ahaayeen Islaamka siyaasigaa gaar ahaan ururka Ikhaawanu Muslimiinka oo Qadar saaxiib dhaw la’ahaa. Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii Masar, Tunisiya iyo Marooko. Waxayna hogaaminayeen haddii doorasho ka dhici lahaydana ku guulaysan lahaayeen kacdoomadii ka jiray waddamada Urdun,Yaman, Suriya iyo liibiya. Tani waxay sii kordhisay cadaw tinimadii Sacuudiga iyo xulufadiisu ay uqabeen dal-yaraha Qadar iyo saaxiibkood Turkiga oo ay xagga fikirka jaal ku yihiin. Waxayna u hawl galeen sidii ay ula diriri lahaayeen kacdoomadii isbadal doonka ahaa, taas oo aakhirkii ay ku guulaysteen qaybo kamidana fashiliyaan. Sida afgambigii Masar ka dhacay ee xilka looga tuuray Madaxwayne Mursi. Imaaraadku Ma faa’iido doon baa mase waa fidmo huris? Dawladda Imaaraadka oo ka kooban todobo gobol oo raas-wadaaga ayaa tobankii sano ee u dambaysay waxa ay ku dhaqmaysay, siyaasad ku suntan isbalaarin iyo ismuujin. Siyaasaddaan ayaa waxa ay ku qotontaa laba qodob oo kala ah mid ammaan iyo mid dhaqaale. Imaaradda Dubia oo ah tan labaad oo ugu tunka wayn raas-wadaagta ayaa dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsanyahay Dakadda Jabal Cali, suuqa xortaa iyo dalxiiska. Waxaa jira walaac wayn oo uu in muddaaba imaaraadku ka qabay tartan ka dhana oo ku saabsan adeegyadaas. Wax walibase waxay isbadaleen markii ay dawladda Pakistaan ay ku dhawaaqday inay ka kiraysay dakadeeda stratega ah ee Gawadir dalka China muddo 40 sanaa. Gawadir ayaa waxa ay noqon doontaa suuq xora oo laga wasici doono badeecadaha ka imaan doona gobolada warshadaha qaniga ku ah ee galbeedka China. Gawadir oo u samaysan qaab jaziiradeed ayaa kamida sadexda dakadood ee ugu gunta dheer caalamka, waxa ayna dhacdaa badda carbeed. Gawadir waxay Dubai uga dhawdahay dalal badan oo gobolka ku yaal. Dakaddaan ayaa la rajaynayaa inay noqoto sanadka 2020ka midda ugu wayn uguna dhaqdhaqaaqa badan koonfurta Asia. Tani waxa ay sababtay in Imaaraadku uu boos celis u qabsado dakado badan oo gobalka ku yaala inta aysan noqon Gawadiro oo kale. Waxa ay qabsadeen, Jabuuti, Cadan,Mukala, Barbara, iyo Bosaso. waxa ay 99 sano iyana kiraysteen jaziiradda Suqaddara. Barnaamijka ku habsiga dakadaha waxaa dhinac socda saldhigyo milateri oo uu Imaaraadku ku teedayo xeebaha gobalka, sida Barbara, Cadan, iyo Casab. Inkasta oo aan si quman loo aqoon ujeedooyinka saldhigyadaan haddana waxay u egtahay arin aan Imaaradka un ku koobnayn. Saamaynta Hardanka iyo Soomaaliya Nasiib wanaag iyo nasiib daro tay doontaba ha ahaatee waxaa isku soo beegmay gurmashadii walaalaheena Turkiga iyo kacdoonkii gugii carbeed. Halkaas oo ay ka dhalatay in Soomaaliya lagu soo daro mashruucii Ikhwaanaynta. Qadar oo xiriir guuna la soo lahayd madaxdii muqaawimada, ayaana mashruucaan hurmood ka ahayd. Doorashadii Xassan Shiikh ayaana ahayd tii ugu horaysay ee si waadaxa cod loogu iibiyo musharax dal shiyeeye uu wato. Waxa kaliya ee lagu xushayna ay ahayd inuu ka tirsanaa xarakadii Al-islaax. Waxaa jiray qorshe la doonayey in dalka lagu xasiliyo oo ahaa in heshiis la dhex dhigo madaxdii muqaawimada iyo dawladdii la dhisay. Waxaase mashruucaas dib looga noqday kolkii dawladda Maraykanka oo arintaas ka jawaabaysa ay malaayin doolar dul saartay madaxyada hoggaamiyayaashii muqaawimada. Inkasta oo gugii carbeed iyo saamayntiisii Soomaaliyaba ay miradhal noqon waayeen, haddana galaangalka Qadariyiintu intaas kuma harin ee waxa ay qaabaysay hanti badanna ku bixisay sidii nidaamka maanta jiraa u imaan lahaa. Turkiya oo ah saaxiib xili fiican soo gurmaday wax wayna dadka Soomaaliyeed utaray ayaa waxay xirrir saaxiibtinimo iyo mid fikirba uu kala dhaxeeyaa dalka Qadar. Taas ayaana sababaysa inaysan Turkidu dhib u arag galaangalka Qadariyiinta. Xukuumadda Soomaaliya iyada oo qadarinaysa Turkiga una abaal gudaysa Qadar ayay khilaafka khaliijka qaadatay go’aan loogu yeeray dhexdhexaad laakiin u hiilinaya Qadariyiinta. Gunnaanad Waxaa la yiraahdaa hal wax oo aadanuhu taariikhda ka bartay ayaa ah inaysan waxba ka baran, Afartan sano ka hor ayay Soomaaliya ku dhacday shirqool ay abaabuleen wadamo aynu saaxiib moodnay oo carab u badnaa. Kadib markii aynu si qumaatiya u akhriyi waynay biya dhaca dagaalkii qaboobaa iyo xasaradihii siyaasadeed ee caalamka ka taagnaa. Aakhirkiina sababay in layna galiyo dagaalkii guuldarada reebay ee qaran nimadeeniina godka gunta dheer ku riday. Halka ujeedo ee laga lahaa dagaalkaas ayaa ahaa in Soofiyeedkii Soomaaliya iyo marinkeeda Strategica ah laga saaro. Nasiib daro qorshahaan waxaa reer galbeedka ku weheliyay dalalka Sucuudiga,Masar, iyo Iran. Iminka waxa aynu ku suganahay xaalad bilowa oo ina xasuusinaysa waaya aragnimo hore. Waxaa jira loolan ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo ku saabsan biyaha niilka, kaas oo la doonayo goor ay noqotaba in layna soo galiyo. Waxaynu xasuusanaa xilligii Mursi in shirkii ugu horeeyey ee amniga qaranka Masar, looga dooday sidii soomaalida loogu adeegsan lahaa khalkhal galinta Itoobiya. Waxaa jira shaki iyo cabsi wayn oo ay wadamada carbeed iyo saaxiibadooda reer galbeedkuba ka qabaan saamaynata Turkiga ee mandiqada, taas oo laga yaabo mustaqbalka inay abuurto khilaaf wayn. Waxaa abuurmaya isbahaysiyo iyo saldhigyo militari oo iska soo jorjeeda oo mandiqada laga hir galinayo. Masar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka oo dhinaca iyo Turkiya,Qadar, Iyo Sudan oo dhinaca. Haddaba haddii aynaan siyaasaddahaan si dhaba u fahmin. Danta iyo maslaxadda dalkeenana aynaan ka hor marin masaalixda ummadaha. Amase aynu caado ka dhigano qaadashada go’aamo aan laga fakarin oo inta badan caadifad ku dhisan. Waxa aynu ku dhici doonaa hog ka gun-dheer kii aynu kal hore ku dhacnay. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi. The post Faallo:- Hardanka Shisheeye iyo Habacsanaanta Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  24. Real Madrid vs Bayer, Liverpool vs Roma Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Jamce ah ka dhacay Qori tuurka isku Aadka Afar dhamaadka (Semi-finals) tartanka kooxaha horyaalada QaaradaYurub ee Champions League-ga. Tartanka ayaa waxaa horey ugu soo baxay Afar kooxood oo ka kala socda dalalka Egland, Spain, Italy iyo Germany oo kala ah Liverbool, Real Madrid, Roma iyo Bayer Munich. Kooxda Real Madrid ayaa mari doonta tijaabo kale oo culus isla markaana la kulmi doonta Bayern Munich, kuwaas oo sanadkii hore isku arkay siddeed dhamaadka tartankan markaas oo ay soo baxday Real Madrid. Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa ku dhacday Roma oo Siddeed dhamaadkii si layaab leh uga soo baxday Barcelona , iyadoo Mohamed Salah uu la ciyaari doono kooxdiisii hore. Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 24-ka iyo 25-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 1-da iyo 2-da May. PUNTLAND POST The post Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub oo la Qori tuuray appeared first on Puntland Post.