-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Clashes between Somali army troops backing local villagers and al-Shabab militants have left at least 13 of the militant fighters dead, witnesses and officials said. The clashes in central Somalia Saturday started after armed al-Shabab militants tried to impose taxes on residents of Halfoley, a rural village near the town of Jalalaqsi, in the Hiran region. Abdi Dahir Guure, the district commissioner of the region’s Bulabarde town, told VOA Somali that government soldiers, backing cattle herders, engaged in more than five hours of fierce battle with the militants. “The battle erupted at around 7 a.m. local time when heavily armed militants attacked the villagers after refusing an earlier order by militants in which they asked local pastoralists to hand over some of their livestock as a zakat demand, or tax,” said Guure. “Government army forces, sent there to protect the pastoralists, immediately joined the battle, killing at least 13 militants.” Somali government officials in the region said other units of the Somali national army had moved into other villages in the region to prevent militants from re-organizing and counter-attacking pastoralists. Multiple Independent witnesses contacted by VOA confirmed the government claim, saying they saw the bodies of at least 13 militants. Two local pastoralists also were injured during the battle. Clashes involving pastoralists resisting al-Shabab taxes began in Somalia’s Hiran and Middle Shabelle regions in 2013. In a separate incident, a blast in a market in the Bulomarer District, some 150 kilometers south of Mogadishu, where African Union peacekeepers from Uganda are stationed, left four civilians dead and five others injured. “An explosive device apparently planted in a livestock market went off, killing four innocent civilians and five others were injured,” Muhidiin Khalif Aliyow, a local official in the town told the VOA Somali Service. “I heard an explosion, and minutes after looked outside and saw a kiosk in flames and the dead bodies of four civilians and several cattle,” a witness told VOA on the condition of anonymity. The blast occurred in mid-afternoon, as some government forces were checking cars at a nearby military post. It was not immediately clear who was behind the blast, but local security officials blame al-Shabab, a terrorist group. On Wednesday, an explosion killed at least 10 people and wounded 15 in a market where the stimulant leaf khat is sold in the town of Wanlaweyn, in the same Lower Shabelle region, about 90 kilometers to the northwest of the capital, Mogadishu. Somali government officials have warned repeatedly this week about the possibility of increased terror attacks by militants during the Islamic holy month ofRamadan. The clashes and the al-Shabab blasts against civilians, however, came as the pastoralists and habitants in the southern regions already are struggling with heavy rain and flooding. On Friday, the U.N. Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the heavy rain in Somalia’s Juba and Shabelle river basins continued to cause flooding, displacing an estimated 220,000 people. Source: VOA
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanu aqbali doonin in Dowlada Federaalka ah ee Somalia loogu wanqalaa ‘’Nabad iyo Nolol’’ Muudeey, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan laheyn halka ku dhigga Nabad iyo Nolol, waxa uuna tilmaamay in hal ku dhigaasi ay yeelankarto keliya Xukuumada Somalia. Muudeey, waxaa uu sheegay in marnaba aysan dowladda Soomaaliya noqon karin Nabad iyo Nolol, balse xukuumadda kaliya ay adeegsankarto hal ku dhigaasi. ‘’Ma aqbaleyno in dowlada Somalia loogu wanqalo Nabad iyo Nolol, waxaa ugu dhow oo aan dhihikarnaa Nabad iyo Nolol waa Xukuumada Somalia’’ Waxaa uu sheegay Muudeey in Magaca dowladda Somalia loo yaqaano uu yahay dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama dowladu ay tahay mid ka dhexeysa Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu mar kale kusoo celshay “Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa isna sheegay inuu qabo in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlada Federaalka ah ee Somalia, hase ahaatee la orankaro keliya Xukuumada Somalia. Fiqi wax uu tilmaamay in Nabad iyo Nolol aan la orankarin Dowlad kawada dhexeysa Soomaalida, waxa uuna ku taliyay in magacaasi ay ka fiirsadaan Soomaalida. Waxaa jira Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia kuwaa oo qaba in guud ahaan Dowlada Farmaajo iyo Xukuumada Kheyre leysku dhaho ‘’Nabad iyo Nolol’’ isla markaana dalka uu xiligaan Hogaamiyo hal xisbi. Dhinaca kale, Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u muuqda inay isku khilaafsan yihiin halka uu munaasib ku yahay hal ku dhiga Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degaanka Buula-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax geystay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu galabta si gaara uga dhacay Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla degaanka Buula-mareer. Qaraxa oo dhacay xili uu suuqa ahaa mid aad u saxmad badan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab. Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Degmada, waxaana ku jiray dad waayeelo ah oo suuqa ka ganacsan jiray. Qaraxa oo ka dhashay Miino lagu aasay Suuqa ayaa waxaa la xaqiijiyay in loola dan lahaa ciidamo ka tirsan dowlada oo xiliga galbihii gaara Suuqa. Qaraxaan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo laba Qarax oo hore ay ka dhaceen Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Walaweyn. Dhinaca kale, waxaa maalmahani kordhay qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Shabeellaha Hoose, ee lagu baabi’inaayo dadka shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 12 May 2018 waxaa uu xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Diinta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlane ee Magaalada Garoowe, ”Waxaa sharaf wayn noo ah maanta inuu halkaan nagu soo booqdo Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating oo aysan ahayn markii ugu horeysay ee uu noo yimaado, marar badan ayuu halkaan noogu yimaadey, runtii markasta oo uu nooyimaado wanaagbay noo tahay anaga, sababtoo ah waxaan ka hadalnaa arrimo muhiim u ah Puntland iyo Soomaaliyaba, waxaan maanta ka wada hadalney geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaan kawada hadalanay arrimaha nabad gelyada iyo amniga dalka, waxaan kawada hadalna arimaha siyaasada, horumarinta iyo sidii Soomaaliya horey ugu socon lahayd, dabcan shaqadiisa caadiga ahayd oo dalka meela badan oo kamida uu ku tagi jirey ayey ahayd, anagana wanaag bay noo ahayd, waxaa ka soo wareegtay lix bilood markii ugu danbeysay ee uu noo yimaado, markaa wixii isbadal ahaa ee dalka ka dhacay baa ugu muhiimsanaa iyo muhiimada ay leedahay Federaalisimka iyo dastuurka, arimahaasna kuli waan kawada hadalnay, markaa guul bay noo ahayd wadahadal kayaguna wuxuu ahaa mid ku dhacay jawi wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha Dowldda Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa isla mar ahaantaan ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatey mudada kooban ee uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha Dowladda ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo taabagalinta dumuqraadiyada oo uu sheegey in waxyaabihii ay kawada hadleen kusoo dhammaadeen jawi degan. Ugu danbeyn Madaxweynha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in looga bahanyahay Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkaba inay si dhow ula socdaan xaalada Soomaaliya, islamar’ahaantaana taakulooyinka iyo gar-gaarka binuaadanimada ee ay Soomaaliya soo gaarsiiyaan si dhex-dhexaadnimo ah loo soo gaarsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garowe (HOL) — UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Michael Keating, arrived in Garowe on Saturday for a meeting with Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gaas. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Somalia lagu haayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka qaadatay khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka oo weli taagan. Khudbad uu u jeediyay suxufiyiin ka kala socday18 waddan oo carbeed oo shir uga socda magaalada Istanbul, ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya lagu cadaadinayo inay dhinac la safato, taasoo uu sheegay inay tahay wax aan la qaadan karin. Sidoo kale, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in la xurmeeyo midnimada iyo madax-banaanida dalalka carabta, isla markaana aan loo baahnayn in la cadaadiyo waddan ka mid ah Dunida Muslimka ama kuwa Carabta. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in aan loo baahneyn in aan Somalia looga faa’ideysan duruufaha adag ee ay ku jirto, isagoo ugu baaqay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta inay is-kaashadaan – isna caawiyaan halkii ay is-cadaaweysan lahaayeen. Dowladda Somalia ayaa wajahaysay caqabado siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay xiriirka u jareen dalka Qatar, iyadoo dhowr jeer lagu cadaadiyay inay taageerto, hase ahaatee ay mowqif dhex-dhexaad ka qaadatay. Dhanka kale, Xiisadda siyaasadeed ee Khaliijka ayaa u muuqda mid u soo wareegtay Soomaaliya, iyadoo xilligan uu hardan ka dhex socdo, xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar iyo xulufo la ah Turkiga. Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay saakay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay Dowladda Turkigu ka hir-gelisay Muqdisho, kaasoo lagu tababbaro ciidamada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post TURKIGA: Somalia waxaa lagu hayo cadaadis ka dhashay Mowqifkeedii Khilaafkii Khaliijka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawcmeen Qarax ka dhacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Buulo-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaada Hoose. Weerarkan oo aanay jirin weli cid sheegatay ayaa wuxuu dhacay xilli saaka uu furay suuqaas ayna joogeen xoolo fara badan, iyadoo qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay sidoo kale kale dishay qaar ka mid ah xoolihii suuqaas lagu iibinayay. Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa qaraxan ku eedeeyay Al-shabaab, wuxuuna sheegay in khasaare badan ay kasoo gaartay xoolihii suuqaas lagu iibinayay iyo ganacsatadii ku sugnaa suuqaas. “Qaraxa wuxuu ahaa miino goobta lagu sii aasay, waxaana ku dhintay afar qof oo shacab ah, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale oo iyaguna shacab ahaa,” ayuu yiri Muxyadiin Khaliif Caliyoow oo guddoomiye ku xigeen ka ah deegaankaas. Sidoo kale, Caliyoow oo sii hadlayay ayaa sheegay in xoolihii goobtaas ku sugnaa ay dhawr neef dhinteen, halka lo’ fara badanna ay khaaare kasoo gaartay weerarkaas oo uu ku tilmaamay kuwa ay Al-shabaab deegaankaas iyo kuwa kale ee gobolka Shabeellada Hoose kawaddo. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkaas khasaaraha ka geystay deegaanka Buulo-mareer, waxaase la sheegay in qaraxa kaddib ay xaaladdu dib ugu soo laabatay sidii caadiga ahaa, uuna ganacsiga xooluhu dib u billowday. Ugu dambeyn, Weerarkan Qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay Al-shabaab weerartay degmada Qoryooley ee gobolkaas, kaasoo ay Al-shabaab ku sheegatay inay guulo ka gaartay. PUNTLAND POST The post Qarax Tiro Dad ah ku ku Laayay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka. Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro. Waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya,waxaa kale oo uu ugu baaqay waddamada Iskaashiga Islaamka iyo Carabta in ay isku meel ka soo jeestaan islamarkaana meel iska dhigaan khilaafaadka yar yar ee u dhaxeeya. Waxaa uu ka digay in dalalka Soomaaliya ka mid tahay aan looga faa’ideysan daruufaha ay ku jiraan islamarkaana la ilaaliyo madaxbanaanida dalkasta uu leeyahay. Khilaafka u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar ayaa saameeyay Soomaaliya,waxaana go’aanka dhex dhexaadnimada leh ee ay qaadatay khubarrada dhinaca diblomaasiyadda u fasireen in ay hiillo u tahay Qadar kana soo horjeeddo waddamada diiddan. Arrintaas waxaa ay sababtay in Imaaraadka uu howlihii samafal iyo tababar Ciidan ee uu ka waday Soomaaluya uu joojiyo. Dalalka Carabta iyo Islaamkana ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 12 May ee ku began maanta ayaa lagu magacaabay,wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub. Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa loo magacaabay,daahir Xaaji Khaliif,sida ku xusan wareegtada uu soo saaray madaxweyne Gaas. Wasiirki hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxammuud(Biindhe) ayaa 26-kii jennaayo ee sannadkaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho,halkaasoo uu baaritaan caafimaad u joogay. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland u magacaabay,Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud,kadib markii 2-dii bishaan May digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas xilkii looga qaaday,Wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,Maxamuud Maxammed Cali(Gabbax). Gabbax iyo lix mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaraddiisa ayaa xilalkii looga qaaday arrimo la xiriira musuq maasuq,sida lagu sheegay digreetada uu xilligaasi soo saaray madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo wasiiro cusub magacaabay. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka ka socda Dalka Uganda eek u jira howlgalka AMISOM ayaa ka cabanaya nolol aad u liidata oo ku heysata furumaha dagaalka ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa wareysi la yeeshay qaar ka mid ah askarta oo si dhab ah uga sheekeeyay waxa ku heysta gudaha Soomaaliya. Nolisha adag ee ku heysata furunta hore ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka mid ah; adeegga raashinka oo dib u dhaca,musqulo iyo Saabuun la’aan. Askari ka mid ah howlgalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in marka ay doonayaan in ay raashin karsadaan ay qoryaha lagu karsado raashinka ka doontaan duurka,halkaas ay kala kulmaan Qatar dhinaca amaanka ah. Waxaa uu sheegay in geerida ay qof kasta sugeyso laakiin,marka aad ogtahay in aad dhimaneyso waqti dhow ay dhibkeeda iyo walwalkeeda leedahay,gaar ahaan gacanta AL-shabaab oo ay dagaal kula jiraan. “Halkan dhimashada waxaa ay kuu jirtaa kaliya hal daqiiqo,sababta oo ah ma taqaanid cidda aad la dagaaleyso,sababta oo ah cadowga iyo dadka rayidka ah ayaa isu eg”. Waxaa la joogaa qatiga cashada laakiin Odongo,kama soo boxo qolka uu ka degganyahay xerada, hoos ayuu ka xirtay,waxaa uu ka fakarayaa xusuusta qoyskiisa oo uusan ka warqabin. Saddex bilood ka hor ayaa la siiyay mushaar,kaddibna ma arag wax mushaar ah,waana la joojiyay isaga oo aan heysan sharaxaadda sababta loo joojiyay. Odongo,waxaa uu yiri “waxaan halkan joogaa lix bilood,mana sugi karo xilliga aan dib ugu laaban lahaa dalkeyga”. Waa 36 jir,waxaa dagaal ku jiray waxbadan inta uusan iman Soomaaliya,waxaa uu sheegayaa in ay Soomaaliya ka duwan tahay meelihii uu ka soo shaqeeyay. Weerarradii mataanaha ahaa ee April lagu qaaday saldhigyada AMISOM ee Buulo Mareer iyo Golwayn,waxaa ku dhintay walaalkii iyo kuwo kale,saaxiibadiina waa ay dhaawacmeen. “waxaa furay albaabka qolkeyga mise Doolli ayaa ka soo booday oo waliba ii dhaafay dhinaca sariirteyda,waxaan ka shakiyay in sheeko socoto oo qof kale dhegeysanayo”. “10 daqiiqo kaddib waxaa ii yimid saaxiibkey Jimmy,waxaa sariirta ii saaran sawirro dhowr ah” ayuu yiri Odongo. Wargeysku waxaa uu sheegayaa in mushaarka Ciidanka Uganda uu dib u dhoco,iskaba daa mushaarkee lacagaha kale ee dheeraadka ah ayey afartii bil mar qaataan,haddana uma goyso waxyaabaha aas aasiga ah ee ay u baahanyihiin. “Mushaarkeenna waxaa naloogu sheegay $828 doollar,waxaan helnaa $628 doollar,ma weydiin karno saraakiisha halka ay qabatay lacagta kale”ayuu yiri Jimmy. Waxaa uu soo bixiyay warqad yar,waxaa uu u dhiibay wariyaha ka socday wargeyska waxaana ku qornaa “hoo,waa kuwan dhibaatooyinka na heysta,cid wax ka qabata malahan,waan baxayaa”ayuu yiri qolkiina waa ka baxay. Warqadda oo ay ku qorneyd Qad Buluug ah,waxaa ku qornaa nolosha maalin laha ah ee Askarta Uganda iyo dagaalka Al-shabaab. “Somaliya waxaa ay ka mid tahay dalal yar oo Afrikaan ah oo leh dhaqan naadir ah,dhamaan waa hal Qowmiyad oo Soomaali ah,waxaa ay u kala baxaan shan qabiil oo kala” . “Qaabkaas qabiilka ayuu ku saleysan yahay nidaamka dowliga ah ee dalka,waana waxa adkeynaya in guul la gaaro.labaatan sano ka horna waxan uunba riday dowladdii hore”. “Halkani maaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,Congo ama Suudaan, waddamadaas dadkoodu waa ay kala duwanyihiin laakiin dadka Asalka ah waa Al-shabaab,AL-shabaabkuna waa dadka asalka ah,ma weerari kartid qof kasta ilaa aad hubiso” ayuu yiri Odongo Waxaa uu intaas ku daray “qatarta ugu weyn maha in aan ogahay cadowga ama aan ogeyn,laakiin waxaan joogaa waddan shisheeye,waxaan leeyahay qoys,waxaa ay doonayaal Biil,Carruurteydo waxaa ay doonayaan waxbarasho,waa in aysan askar noqon sida aniga oo kale,waa in aysan howlgal ku dhiman” Maj Caesar Olweny,waa afhayeenka qeybtan ee UPDF,waxaa uu sheegayaa in cabashooyinka askarta ay ka bad badis tahay ,waxaa uu yiri “mushaarka waxaa loo bixiyaa bille, mana ogin kiisaska ay ka sheeganayaan askarteenna”. Brig Karemire, waxaa uu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu bixiyo qalab iyo agab ku filan Ciidanka AMISOM, waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin meel uu mallatari ka howlgalo oo Soomaaliya ka wanaagsan. Brig Karemire,waxaa uu sheegay in dib u dhac dhinaca raashinka iyo sahayda kale ah uu jiri karo, taas oo ka dhalatay hanaanka gudbinta oo ay dhibaatooyinn ka jiraan. Waxaa uu sheegay in hadda xal laga gaaray iyadana sababta oo ah waxaa garoon laga dejiyo sahayda AMISOM ee Shabeellaha hoose laga furay Baraawe oo 208km u jirta Muqdisho. W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi) Isha: Daily Monitor Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Keating iyo Gaas 12 May 2018 madaxtooyada Garoowe Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta xafiiskiisa Kulan kula qaatey Wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Kulankaan madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu la qaatay Michael Keating ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiisha sare ee madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo ku kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen,ayaa si wadajir ah u sheegay in kulankoodu ku saabsanaa, arrimaha amniga,siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya arrimaha Dastuurka iyo Federaalismka. Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka wada-hadleen amniga Gaalkacyo,Xiisadda ka taagan degaanka Tukaraq ee u dhexaysa Puntland Somaliland iyo doorashada Puntland ee sannadka 2019,balse faahfaahin dheeri ah kama bixin qodobadan. Halkan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Michael Keating. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Gaas oo qaybinaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa sabtida maanta ah magaalada Garoowe ka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee guud ahaan degaannada Puntland. Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa saaka ka furmay in ka badan 100 xarumood oo ku yaalla dhammaan sagaalka gobol ee dowladda Puntland,waxaana u fadhiistay,arday gaaraysa 15 kun oo arday,kuwaasoo isugu jira fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiga sare,sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland,Abshir Yuusuf Ciise. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in imtixaankan ay ilaalinayaan750 macallin,islamarkaana ay kormeerayaal ka yihiin 150 macallin oo kale,isagoo caddeeyay in dhammaan kharashka ku baxaya imtixaankan ay iska kaashadeen dowladda iyo shacabka Puntland. Abshir Yuusuf Ciise,Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland ayaa ardayda imtixaankan u fadhiisatay ugu baaqay in ay degga’naan iyo kalsooni muujiyaan,si ay maskaxdoodu fursad ugu hesho in ay ka shaqeyso imtixaanka horyaalla. Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddii furitaanka ee imtixaankan,ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku aaddan baahinta Waxbarashada,isagoo sheegay in ardayda intaas le’eg ee maanta imtixaanka gelaysa ay muujinayso horumarka Puntland ka gaartay dhinaca waxbarashada. “Waxay muujinaysaa dedaalka ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay, in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo Soomaaliyaba” ayuu yiri madaxweyne Gaas. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa hambalyo ku salaamay dhammaan ardayda reer Puntland ee imtixaanka u fadhiistay,wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalka waxbarashada sii wadaan,isagoo u rajeeyay guul in ay ka gaaran imtixaanka maanta u bilowday. Halkaan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka C/Wlai Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in Xildhibaanada ay si iskood ah isku Fasaxeen iyadoo ay shaqooyin Culus uyaalaan. Waxa uu sheegay in Xildhibaanada aysan Iman Kulmaada Golaha Shacabka, ayana iska Maqnaadaan iyadoo aan laga waqabin. C/Wali Sheeklh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Saaka oo kaliya ay dalka isaga dhoofeen ku dhowaad 20 Xildhibaan iyadoo aan laga warqabin wax fasaxna aysan ka heysan Gudoonka Baarlamaanka. “Xildhibaanada waxay galeen fasax aan Sharci aheyn waxayna wadanka ka dhoofeen saakay iyadoo shaqo u taalo Kalfadhigana uusan soo xirmin waana qalad iyo Shaqo Xumi” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in saakay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ugu yaraan 20 xildhibaan hadane ay ka war haayaan Xubno kale oo safar ah. “Saakay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka dhoofay 20 Xildhibaan kuwa kale ayaa maalmaha soo socda dalka ka baxaya walina ma xirmin Kalfadhiga Golaha waa iney soo laabtaan Xubnaha baxay iyo kuwa maqan” ayuu Yiri Guddoomiye Muudeey. Golaha shacabka ayaa maanta ka doodayay hindise sharciyeedka xeerka Sharikadaha dalka Company Low,waxaana uu Guddoomiye Muuddeey ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqisho (Caasimada Online) – Axadda Berri ah, waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo shir lagu daah-furayo ololaha dib u eegista dastuurka KMG ah. Shirkan oo soocon-doonna 3 maalin, waxaa ka qeybgalaya tiro ahaan dad ka badan 350 qof oo ka kala socda dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Sarkaal ka tirsan wasaaradda dastuurka ayaa sheegaya in shirkan ay ka soo soo qeybgali-doonnaan mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad ka socday hey’adaha dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Marka laga soo tago hey’adaha dowladda federaalka ah, guddiyada dib-u-eegista dastuurka, wasaaradaha dastuurka ee maamul goboleedyada waxaa kale oo ka soo qeybgali-doonna dhalinyaro, haween, siyaasiyiin, culimo, odayaal, naafo, qurbo iyo qeybo kale oo socda Muqdisho iyo gobollada dalka. Sida qorshuhu yahay madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad daah-fur ah oo looga hadlayo sida ay tahay in loo wado howlaha dib-u-eegista dastuurka. Dhinaca kale, Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Dastuurka ee Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Jubbaland aanay qeyb ka noqon doonin shirkaasi. Sababta aysan Jubbaland shirkan uga qeybgaleen wasiirka faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin, hase ahatee wuxuu tilmaamay in maamulkooda aanu ka qeybgaleyn.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, sidoo kale ah Xarunta Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya. Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland. Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisad siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland taas oo ka dhalatay hadalo ay dhawaan jeediyeen Axmed madoobe iyo Gaas. Damaca Keating ayaa ah sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee qotoma Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Imaaraatka Carabta oo maraya Heerkii ugu hooseeyay. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulkiisa uu u madax banaan yahay cid waliba oo wax u qabaneysa, isla markaana aanan kala tashaneen Dowladda Federaalka. Imaaraatka ayaa joojiyay Tababarkii iyo Kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeyb kamid ah Ciidamadii Puntalnd ay tababareen waxa uu Madaxweyne Gaas sheegay in aanan u heleen dhaqaalaha ku baxaya, Cid booska Imaaraatka u buuxisana aanan heleen. Cabdiwali Gaas ayaa ah Guddoomiyaha Dalladda ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada oo sanadkii tagay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, waxaana xiligaasi jiray Xiisadaha Wadamada Khaliijka oo intooda badan go’doomiyay Qadar, Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaasi qaadatay go’aan dhex dhexaad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saddexda Ilma Dage iyo Dagaaga Dal baa ka dhexeeya – Maqaal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hal ceeba oo nidaamka xulashada xortaayi leeyahay ayaa ah in mararka qaar ay ku soo baxaan haggaamo aan la mahadin, aakhirkana guul daro horseeda. Mid ka mida hogaamadaas ayaa ah Dagaaga amase waxa la yiraahdo (demagogue leader) oo ah marin habaabiye. Dagaagu waxa uu ku soo baxaa shucuur kacaanimo. Wuxuuna ka soo dhex baxaa bulsho quus taagan. Inta badana kama uu tarjumo waxa uu aaminsan yahay ee waa dhuxul dambas huwan. Waa macangag madax adag oo ay la wayn tahay anaa iridu. Badanaaba fariimihiisa shacabka ayuu toos ugu diraa. Hadaladiisuna waxay ku qotomaan xamaasad aan waaqica ku salaysnayn. Inta badan wuxuu u dhaqmaa inuu yahay u doodaha shacabka. ma jecla in la dhaliilo ama la naqdiyo, cid walba oo dhaliisha ama naqdidana si fudud ayuu ugu tilmaamaa inay tahay cadawga shacabka. Wuxuu jecelyahay in magaciisa iyo muuqiisaba la koolkooliyo. DAGAA KALKAAL Dagaa waliba waxa uu samaystaa koox magaciisa koolkoolisa muuqiisana faafisa. Inta badan waxay fasiraado ka bixiyaan fariimihiisa iyaga oo isticmaalaya aalad walba iyo xeelad walba. Waxa kaliya ee dagaaga kooxdaan ku xira ayaa ah inay yihiin danley xoogsanaysa. Waxay jaa’ifo iyo gabood-fal ba ugaystaan cid walba oo ay isleeyihiin dagaaga ayay fikir ahaan uga duwan yihiin. markiibana magacyo ayay uyeelaan sida daba-dhilif, qaran-dumis iyo kuwo kale oo badan. Kooxdaan waxaa laga soo dhex xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxay noqan karaan suugaan leey, culimo, madax hore, ama dad bulshada dhaxdeeda maqaam ku leh. Danta kaliya ee laga leeyahay ayaa ah in lagu dago bulshada. Waxay beeciyaan afkaarta dagaaga iyaga oo ku badalanaya mansab ama maal. Kolka uu dagaa ka gudbo marxaladda dagaa nimada una xuubsiibto kaligi-talis, waa laga maarmaa kooxdaan. Maxaa yeelay iminka dadka oo dhan ayaa ku shaqeeya qaab cabsiyeed ka dhashay dhaqan siyaasadeedka kaligi taliyaha. DAGANE Kuwani waa kuwa ugu nasiibka daran saddexda ilma Dage maxaa wacay garaadkooda ayaa dhibanaha ka dhigay. Waa cidda keliya ee uu dagaa waliba xoogga saaro in fariimihiisu gaaraan. Sababtuna waxaa weeye, waxay u nugul yihiin in si fudud wax loogu shubto. Maahan indheer-garad shishay wax u eega ee waa inyar-garad indho ku garaad laa. Waxaa si fudud looga raaridaa fariimaha dagaaga iyaga oo aan kala sooc lahayn. Kuwani waa kuwii uu sheegay madaxwayne Trump mar sanadkii 1989kii la waydiiyey bal inuu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka iyo in kale. Wuxuu yiri “ maya, tartami maayo laakiin haddii aan tartami lahaa waxaan iska sharixi lahaa xisbiga Jamhuuriga maxaa yeelay iyagaa leh taageerayaal wixii loo sheegaba rumaysta” kooxdaan badankoodu waa xamaas ku nool iyo daacad aan beerba laf ka filan. Qolyahaan mar uu sifaynayey gabyaagii waynaa ee Qaasim bilawgii 70kii oo ahayd xilli taliskii Maxamed Siyaad cirkaa marayey dad badanina ay si xooga ugu jidbaysnaayeen. Wuxuu yiri: “qaansalaydu haw sacabiyeen siigga qalataaye, naagaha surweelka lihi mashxarad ha u safnaadeene, sabaalaha ha moodeen in loo sahanshay meel roon.” MA DAGME Kooxdani waa cid walba oo leh garaad iyo garasho sare oo ku filan una diida inay ku dhacaan dabinkii uu ku dhacay daganuhu . Waxay aqoon dheeriya u leeyihiin taariikhda iyo tagtadii hore. Waxay si qumaatiya u abla ablayn karaan wadciga iyo waaqica ku xeeran. Waaya argnimadooda ku saabsan tagtadii hore, iyo fahamka ay u leeyihiin daruufaha ku xeeran, ayaa u sahla inay si xayaabo tiran u arkaan mawjadaha ku soo fool leh ee ay timaatadu wadato. Sidaas daraadeed waa cidda ugu horaysa ee markiiba garata dagaaga iyo calaamadihiisaba. Waxay markiiba isku dayaan inay bulshada uga digaan aafooyinka ku soo fool leh ee uu dagaagu la imaan karo haddii aan la maarayn awoodihiisa kordhaya. Nasiib daro, kooxdaan waxaa col u ah labada kele ee ilma Dage oo inta badan carqaladeeya fariimahooda. QAABKEE DAGAAGA LOO XAKAMEEYAA? Meelaha uu nidaam siyaasadeedka gunta dheeri kajiro, hadii uu dagaa amase (demagogue leader) uu doorasho ku soo baxo, waxaa jira shuruuc iyo qawaaniin xadidaysa awoodiisa si uusan ugu xuubsiiban (tyrant) amase dhiigyacab. Waxaana tusaale inoogu filan Trum iyo dagaalka lagula jiro. Laakiin meelaha anay ka jirin hay’adaha dawligaa ee salka balaarani, si fudud ayaa dagaagu isugu badalaa kaligi-talis, ka bacdina dhiig-yacab. Kolkii uu dagaa u xuub-siibto kaligi-talis ayaa dhamaan bulshada oo ay ka mid yihiin daganayaashii horay loo dagay ay si qumaatiya u arkaan hagar-daamooyin ka dagaaga. “ nin la dagay sidii doqon hadduu dacayda laadlaadsho, mar uun buu dareemaa inaan daacad loo qabin” Sayid Mohamed. Inkasta oo qaybo ka mida hoggaanka Soomaalida ay ka muuqato calaamadihii dagaagu, haddana waaqica Soomaalida ee dagaa iyo dagaal ka soo doogaa, awoodaha la qaybshay iyo qaab dhismeedka fadaraalismka ku salaysan ayaa ah aalad loogu talagalay in looga hor tago dagaa walba. Waxay ila tahay su’aasha madaxaaga ku soo dhacaysa marka aad qormadaan dhamayso ayaa ah, cidda adigu aad tahay marke la eego saddexda ilma Dage. Ma waxaad tahay inyar-garad madax yaraa oo aan dareemi karin daruufaha ku xeeran iyo mawjadaha ku soo aadan? Sidii uu lahaa abwaan Gaariye “ daganaansho uma dhalan dubaha igu soo maqan lagu sii daraamee, jeeruu dakharku igu dhaco kama sii digniin helo. Mise waxaad tahay indheer-garad fahmi kara timaatada soo aadan waxa ay la imaan doonto guul iyo guul daraba? Sidii uu lahaa Sun Tzu dagaal yaqaankii waynaa ee reer China ee noolaa 25 qarni Ciise ka hor wuxuu yiri “ jananka ama taliyaha fiicani maahan midka ay guushu u muuqato marka ay cid waliba arki karto, ee waa midka guul darada dhexdeeda guushu uga muuqato. Mohamed A. Elmi The post Saddexda Ilma Dage iyo Dagaaga Dal baa ka dhexeeya – Maqaal appeared first on Puntland Post. -
Wakiilka Xog-hayah Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mr. Keating ayaa Garoowe kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Keating ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Micheal Keating ayaa Madaxweyne Gaas kala hadli doono colaada ka taagan deegaanka Tukaraq oo dhawaan ay Somaliland kala wareegtay Puntland. Qaramada Midoobay ayaa doonaysa in ay xaliso xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey), ayaa la xaqiijiyay inuu diiday damaanada Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan ay dhiibtay dowlada Somalia. Cabdi Ileey, ayaa la sheegay in dowlada Ethiopia ay fursad usiisay damaanada Qalbi Dhagax, hase ahaatee uu iska fogeeyay sababo la xiriira cabsi ku aadan in Qalbi Dhagax uu dib ula midoobo garabkiisa ONLF. Mid kamid ah Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida oo arrinkaan ka hadlaayay ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia iyo Qalbi Dhagax ay is fahmeen, balse mushkilada hadda taagan ay tahay cida damaanan laheyd deysmada Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax. Sida la xaqiijiyay Hoggaamiye Cabdi Ileey, waxa uu sidoo kale iska fogeeyay in Dowlada Ethiopia uu gorgortan kala galo arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna dalbaday in gabi ahaan laga saaro shaqsiyaadka loo xilsaaray arrinta Sarkaalka. Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Cabdi Ileey uu fursad dhanka damaanada ah usoo bandhigay mas’uuliyiin iyo Ganacsato kasoo jeeda dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida, si ay fursadaasi uga faa’iideeyan Qalbi Dhagax, hase ahaatee waxaa shaki ku jira in Qalbi Dhagax uu damaanad ka heli doono Maamulka iyo shaqsiyaadka caanka ah ee kasoo jeeda dhulka DDSI. Sababta Cabdi Ileey uu kaga meermeerayo damaanada Qalbi Dhagax, ayaa la sheegay in muddo dhowr jeer ay ku kala booden heshiisyo ay kala galeen, taa oo iminka u muuqaneysa mid looga aamin baxay Qalbi Dhagax. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Ethiopia iyo Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan isla fahmay in Qalbi Dhagax lasii daayo, hase ahaatee deysmadiisu ay tahay mid u muuqaneysa in lagu xiray damaanad. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar dhanka cirka ah ku qaaday saldhiga ciidamada Turkiga ay ku leedahay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho. Dadka Deegaankaasi ayaa Puntland Post u sheegay in ay maqlayeen jugta Madaafiic ku dhaceysa xarunta Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho. Xiliga uu weerarkaan dhacay ayaa aheyd waabaragii hore ee saaka xili ay ciidamada Dowlada Soomaaliya isku diyaarinayeen tababarka ay bixinayaan saraakiisha Turkiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in 13- Madfac ay ku weerareen saldhiga Turkiga uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho. Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarakaasi madaafiicda ah, Dowlada Soomaaliyana wali kama hadlin falkaasi lagu weeraray saldhiga Turkiga ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke . Puntland Post Muqdisho The post Al-shabaab oo Madaafiic ku weeraray saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The Somali government and the Africa Union mission (AMISOM) plan to establish communities radio stations in three regional states in June as part of efforts to foster peace in the country, officials said. The UN Support Office in Somalia (UNSOS) which is supporting the project said in a statement on Thursday evening that the community radio stations will be established in HirShabelle, Jubbaland and South West. “The Federal Government of Somalia (FGS) and the three federal member states have already approved the project, which will be launched in Kismayo, Baidoa and Belet Weyne,” UNSOS said. Speaking at a meeting attended by key stakeholders including representatives of community based organizations in Mogadishu, both AU and Somali government officials hailed UNSOS for supporting the initiative aimed at promoting peace and unity in communities. “I want to thank UNSOS specifically for availing the equipment and for responding to your application through AMISOM to have these radios,” said Simon Mulongo, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for Somalia. It is hoped that the community radios will help inform and alter attitudes, by providing the ordinary people with a voice, thereby empowering them, through targeted messaging on issues such as peace-building, countering violent extremism, constitutional review and the 2020 elections and federalism among others. Abdinur Mohamed Ahmed, Director of Communication in the Office the President, said the government was grateful to UNSOS for its role in making the project a reality. “I want to thank UNSOS and AMISOM for the support in establishing these radios,” Ahmed said. The UN support mission offered to provide the equipment for the establishment of community radio stations in the three federal member states following a request by community based organizations, channeled through AMISOM. Source: – Xinhua
-
Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii todobaadkaan gudihiisa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo Afrikom ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fuliyeen Ciidamadda kumaandooska Dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu Mareykanka ku lahaa taageero iyo latalin si loogu hortaga Al-shabaab. “Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa eedaha ku saabsan in dad rayid ah ku waxyeeloobeen howlgalka, eedaha ku saabsan rayid waxyeelo soo gaartay taliska AFRICOM dib ayuu u eegayaa, haddii warbixinta ay tahay mid la qaadan karo oo huban, US AFRICOM waxay qaadan doontaa tallaabo xigta” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika. Weerarkii ka dhacay Tuuladda Macalin-ka duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in lagu dilay shan ruux oo shacab ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 5-kale. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire ayaa sheegtay in lagu dilay 3-sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab. PUNTLAND POST The post USA oo War ka soo saartay Duqeeyn Dad Rayid ah ay ku dhinteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.