-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A new report finds civilians in the United States own more guns than those in any other country holding nearly 40 percent of the estimated 857 million guns in private hands. In a report released Monday, the Geneva-based Small Arms Survey says Americans own 393 million firearms more than the combined total owned in the survey’s other top 25 countries. The report comprises data collected during the past decade. By comparison, India and China, which each have populations of about 1.3 billion people, came in second and third place respectively, with 71 million and 49.7 million civilian-owned guns. “Ordinary American people buy approximately 14 million new and imported guns each year,” said study author Aaron Karp at a news conference launching the report. He said the U.S. gun market is not just large, but unique. “It is unusual in that ordinary people can buy very powerful weapons that are not available in a lot of other countries — semi-automatic rifles being the most profound example,” he said. Gun control is a hot political topic in the United States in the aftermath of a wave of mass shootings in schools and at public venues. Study author Karp says such events often result in a surge of people buying guns. “Panic buying after mass killings, after massacres, is a major phenomenon so after Sandy Hook, for example, after the Las Vegas shootings you tend to see larger waves of public purchasing,” he said, referring to the 2012 shooting at a Connecticut primary school and last October’s mass shooting at an outdoor concert in Nevada. The Valentine’s Day shooting this year at Parkland, Florida’s Marjory Stoneman Douglas High School that killed 17 has given new momentum to U.S. gun control advocates. Led by the surviving students, there has been a sustained discussion about how to end the epidemic of mass shootings. The Trump administration has said it would work to improve school safety, but has not called for new national gun control legislation. Source: VOA
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad loo diiday in uu galo garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa Garoonka u diiday ciidamo ka tirsan AMISOM, kadib markii ay u diideen inuu ka dhoofo Garoonka xili la sheegay inuu watay boorsooyinkiisa. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa sidoo kale la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay is hortaag ku sameeyen ciidamada AMISOM. Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in uu ka baaqday Safar dibadda ah oo uu u socday, kadib markii ay si xun ula dhaqmeen ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka baxeen xadkii loo jideeyay. Waxa uu Mahad Cabdalla Cawad sheegay in loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka isaga iyo wafdigiisa, hase yeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ah. Diidmada Mahad Cabdalla Cawad loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aadeysa xili si taa lamida ka dhoofida Garoonka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad oo Saacado badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde. Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadal sababta dhoofka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawa. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan qudheeda ka hadal haddii ay wax kala socto go’aanka lagu celshay mas’uuliyiintaas iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland. Cabdullaahi Asad wuxuu katirsanaa Ciidamada Darawiishta gaar ahaan Xafiiska bixinta Mushaaradka Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland. Askarigan ayaa horay u dilay Xaaskiisa waxaana xiliga uu xukunka dhacaayay Maxkamada ku sugnaa ehelada qaar kamid ah gabadha la dilay ee xaaska aheyd. Askarigan ayaa gabadha ku dilay xaafada Calanley ee Magaalada Ksimaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay xirtay Maxkamada. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay horay u dhageysatay kiiska, ugu dambeyna ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda ay u furan tahay inay qaadato racfaan si mar kale loo xaqiijiyo. Dhinaca kale, ehelka marxuumada ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Maxkamada ku riday xukunka dilka toogashada ah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Horraantii sannadkii 1978-kii ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gudaha ugu jireen weerarkooda ay horey ugu sii socdeen Itoobiya, oo markaas dagaal uu kala dhaxeeyey Soomaaliya. Dhinaca kale adawladda Itoobiya oo ay taageerayaan xulafadii Ruushka, Cuba, Yemen iyo waddamo kale waxay weerarro ku qaadayeen fadhiisimada safka hore ay ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya. Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa duqeeyey saldhig ku yaalla meel ku dhow Jigjiga, iyagoo waxyeello culus gaarsiiyay ciidankii iyo taangiyo ay Soomaaliya lahayd. Intii uu dagaalkan socday waxa dhacay fal ay saraakiisha sare ee ciidamada dawladda Soomaaliya ku khaarajiyeen askartii ugu badnayd ee Soomaali ah ee hal mar lagu laayo goob keliya. Haddaba sideed ayuu ku dhacay dilkaas. Yaa ka dambeeyey? Maxaa askarta loo dilay baaritaan arrintaas ku saabsan waxaa lagu fallanqeeyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA, oo uu soo jeediyo Haaruun Macruuf. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/0e305d86-7139-40a0-97be-b103cac7be31_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay gaaraan Addis-ababa 21 bisha. Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah. Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa Salaasada maanta ah magacaabay Garyqaqaanka guud ee dowladda Puntland. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 19 June 2018 ayaa Garyaqaanka guud loogu magacaabay, Maxammed Yuusuf Maxamuud,kadib markii 22 bishii May ee sannadkaan uu geeriyooday,Maxammed Muuse Ismaaciil oo ahaa Garyqaqaankii guud ee Puntland. Halkaan ka akhriso Wareegtada magacaabidda. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu ku Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Aqoon tiisa iyo khibradiisa Shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland 2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= The post Madaxweyne Gaas oo magacaabay Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM. Wararka laga helayo Garoonka Ade Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo. Guddoomiyaha iyo Xubno la socday ayaa doonayay in ay aadaan dalka Kenya balse xilli ay marayeen afaafka laga soo galo Garoonka gaar ahaan Madiino Geyd ay celiyeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi ilaalo ka haya,iyaga oo u diiday in ay garoonka galaan. Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare. Arrintaan ayaa dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u sheegeen in ay yihiin masuuliyiinta Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay doonayaan in ay galaan Gudaha Garonka balse ay u diideen. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi ay ku xayirnaayeen mudo 50 Daqiiqo ah oo hal saac ku dhow,hayeeshee AMISOM uu sheegay in maanta falka ay ku kacday aysan aheyn mid loo dul qaadan karo,isaga oo Xubnaha Aqalka Sare ugu baaqay in ay jawaab cad ka bixiyaan. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka tacadiga ah oo lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kula kulmay Magaalada Oslo ee xarunta Dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xog-hayaha Guud ee Qarammada Midoobay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa uga mahad-celiyey Dowladda iyo Shacabka dalka Turkiga taageerada walaaltino ee mar walba ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay qirayaan doorka weyn ee Turkigu ka qaatey dib-u-soo kabashada dalka, waxaana uu xusay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ka bedashay xaaladda dalka, gaar ahaan waqtigii adkaa ee indhaha caalamka ay Soomaaliya kusoo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011. “Waxaan ugu mahadcelineynaa Dawlada Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagga xili muhiim ahaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii August 19, 2011 .”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan. Sidoo kale, Inj. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed abaalka Turkiga marna ilaawi doonin, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isla markaana xajmiga taageerada ay bixiyeen la barbardhigi karin inta ay ina siiyaan waddamada kale. Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan oo dhinac taagnaa Safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa caddeeyey in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn, shacabka Muqdisho ku dhaqanna ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya. PUNTLAND POST The post Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo looga mahad-celiyay Taageerada ay siiyaan Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah. António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulammo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Xasaradaha Dunida oo ka furmay Oslo iyo Somalia oo ka Qayb-galaysa appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku jiro xaalad wareer ah oo ku saabsan magacaabista wasiiro cusub iyo isku shaadheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada. Sida qorshuhu ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa laga sugayey inuu magacaabo Gole wasiiro kuwaasi oo qaarkood lagu bedelaayo wasiiradda hada Shaqeeya Hase’yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo maraayo sida aynu xogta ku helnay. Sida xogta ay ku heshay Caasimadda Online waxaa banaanka usoo baxay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku saleysan sida loo magacaabayo wasiirada iyo cidda go’aanka iska leh. Madaxweynaha Galmudug ayaa doonayo inuu kaligiis magacaabo golaha Wasiirada isla markaasna aysan wax talo ah ku lahaan Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir. Arrintaas ayaa waxaa si weyn uga hor imaaday Shiikh Maxamed Shaakir oo xil ahaan ku fadhiyo qeyb kamid ah awoodda Madaxweyne Xaaf kadib markii lagu heshiiyey sidaas ka hor inta aan labada maamul la isku darin. Shiikh Maxamed Shaakir ayaa dalbaday inuu qeyb ka noqdo go’aanada lagu soo magaaabayo Golaha Wasiirada isla markaasna laga siiyo saami, waxaana arrintaas gaashaanka u daruuray Madaxweyne Xaaf oo u arko inuu awoodda magacaabista golaha Wasiirada uu isaga kaligiis leeyahay. Khilaafkaan ayaa keenay in dhawr jeer dib loo dhigo magaabista golaha Golaha, waxaana hadda muuqato inay kala fogaanayo Madaxweyne Xaaf iyo Sh. Shaakir oo maalmihii dambe ahaa laba mas’uul oo isku xir isla markaasna ay wax kasta isugu toosan yihiin. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku jiro xaalad wareer ah waxaana hadda hor taalo laba daran mid dooro, maadaama uusan heshiis la aheyn madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlaamanka oo iyagoo careysan ku shaqeeyo guri ku yaalo Magaalada Cadaado kadib markii loo diiday Madaxtooyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir kuxigeenkii horre ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo maanta shir jaraa,iid ku qabtey hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hawlgalka Puntland ugu magacdartey xoreynta Gobolka Sool iyo Dhaliil uu u jeediyay xubno ka tirsan baarlamanka Puntland oo u gafey shirkadda Dahabshiil. Cabdi Qawdhan ayaa ku tilmaamay eedeyn uu dhawaan u jeediyay Shirkadda Dahabshiil Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad hadalkiisu inuu la mid ahaa midkii Faysal Cali Waraabe uu u jeediyay Ardeyda reer Puntland ee dhigata Jaamacadda Boorame, Islamarkaana aanu wax u dhimi doonin sharafta iyo ganacsiga shirkaddu ku leedahay geyiga Soomaaliya. Wuxuu ku dhiirigaliyay Madaxweynaha Puntland inuu dhagaha ka fureysto inta uu ku jiro hawlgalka dastuuriga turunturooyin uu sheegay inay uga imaanayaan dibadda, Isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan ilaalinta iyo dhawrida midnimadda ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii wuxuu ku amaanay shirkadda Dahabshiil inay tahay shirkadd waxtar badan u leh ummadda Soomaaliyeed islamarkaana xalaal ka ah arrimaha siyaasadda ee ka jira geyiga dalka Soomaaliya. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garoowe:- Siyaasi Cabdi Qawdhan oo si adag u difaacay shirkadda Dahabshiil appeared first on Puntland Post.
-
HARGEISA– Minister in charge of environmental development, Ms. Shukri Ismail Bandare has dismissed media reports indicating that she has tendered her resignation letter to the incumbent Somaliland President, Hon Musa Bihi. The minister has said that media reports circulated in social platforms for the past three days are rumors and untrue. She has said that she has raised her eyebrows after hearing the media reports while she was out of the country. She has stated that she is hundred percent happy with her job as being the minister for environment.
-
Daanta Galbeed (Caasimadda Online) – Deegaanada Daanta Galbeed iyo dhammaan dhulalka sida sharci darada ah loo dagay ayaa noqon doono qeyb kamid dhulka Israa’iil sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada hayo isla markaasna ah wasiirka Waxbarashada ee Israa’iil Naftali Bennett, sida uu qoray wargeyska Hebrew news site 0404. Hadalka kasoo baxay hogaamiyaha xisbiga talada hayo ayaa imaaday kadib markii ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ilaa 15 guri kuwaas oo ku yaalay Netiv HaAvot oo ah buur ay lahaayeen dadka Falastiin isla markaasna hoos tagto xaafadda Al-Khader ee Galbeedka Bethlehem ee xoogga lagu heysto. Naftali Benneta ayaa si rasmi ah u sheegay inay Israa’iil isku raacday in deegaanadaas lagu daro dhulalka ay xoog ku heystaan isla markaasna laga dhigo buurta korkeeda xaafad aad u weyn oo la dajinayo dadka Reer Is’raaiil. Burburintaan ayaa imaaneyso kadib ku dhawaad laba sano oo kasoo wareegtay markii Maxkamadda Cadaaladda Israa’iil ay xukmisay in guryahaas laga dhisay dhul ay lahaayeen Shakhsiyaad Falastiiniyiin ah, waxayna amartay in la dumiyo 8 Bishii Marso ee sanadkaan, balse waxaa loo qabtay 3 bil gudahood in dadka halkaas dagan loogu diyaariyo meel ay dagaan. Dhammaan guryaha ay Israa’iil ka dhisatay Daanta Galbeed ee xoogga lagu heysto iyo Bariga Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa loo arkaa inay yihiin shari darro sida ku caad sharciyada adduunka. Dowladda Israa’iil ayaa weli wado dhismooyin ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu guuldaro kusoo dhamaaday wadahaladii u dhaxeeyey Israa’iil iyo Falastiin. Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada ayaa dhibaato ku noqon doono dadka Reer Falastiin maadaama maalin kasta la boobayo dhulkooda, wuxuuna ninkaan si cad u sheegay qorshaha ay ku damacsan yihiin inay ku boobaan dhulalka Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Qudus Caasimada@live.com
-
Ottawa (Caasimadda Online) – Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed isla markaasna si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa waxa ay ku xukuntay xabsi gaarayo ilaa 15 sano kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd sanadkii 2008. Ninkaan Soomaaliga ah ayaa dhawr jeer kasoo muuqday Maxkamadaas isagoo mar kasta ku adkeysanayey inuu ahaa kaliya turjumaan isla markaasna uusan wax lug ah ku laheyn afduubka, waxayna qaaadatay maxkamadeyntiisa muddo badan. Arrinta ugu weyn ee loo cuksaday xukunkiisa ayaa ah markii Maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay caddeyno isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadalka ku jiray hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo qoraalo iyo wada hadal dhex maray isaga iyo ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan dowladda Canada kuwaas oo isaga dhigay dad qandaraas usoo dhameenayo. Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Cali Adeer lagu xukumay muddo 15 sano oo xabsi ah, wuxuuna qaadiga maxkamadda ee go’aanka soo saaray tilmaamay inuu Cali u qalmo xukunka lagu riday isla markaasna uu kiiskiisa sidaas kusoo xirmay. Cali Adeer ayaa si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada kadib markii ay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa uu la galay dharcad ka tirsan dowladda Canada oo uu isaga u heystay inay ahaayeen dad caadi ah oo caawinayo maadaama si mala awaal ah loogu sheegay inuu buugaas ka heli doono lacag waali ah. Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka 15 sano ah ee Cali Cumar Adeer lagu riday laga jari doono mudada ay socotay maxkamadeyntiisa markaas oo uu ku jiray xabsi, waxaana laga jari doono ilaa 3 sano, taasoo ka dhigan inay u dhiman tahay ilaa 12 sano oo kale. Kiiska ninkaan Soomaaliga ah lagu heysto ayaa ahaa afduub sanadkii 2008 dalka Soomaaliya loogu geystay Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia kuwaas oo gacanta afduubayaasha ku jiray 460 maalmood. Nimanka afuudbka u geystay labadaan qof ayaa ugu dambeyntii Gabadha Canada kasoo jeeday ka qaatay 600,000$ oo madax furasho ah oo ay bixiyeen qoyskeeda, waxaana afduubayaasha iyo qoyska u kala turjumayey Cali Adeer oo ah ninka hadda lagu xukumay xabsi waqti dheer. Halkan ka aqriso xeeladda cajiibka ah ee Cali Adeer lagu geeyey Canada Caasimada Online Xafiiska Ottawa Caasimada@live.com
-
Tanzania on Monday issued an alert following an outbreak of Rift Valley fever (RVF) in Kenya and Rwanda. Source: Hiiraan Online
-
A new report finds civilians in the United States own more guns than those in any other country holding nearly 40 percent of the estimated 857 million guns in private hands. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku yimid Muqdisho iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay. Haddaba qodobadan kooban waxaan ku eegeynaa 10 qodob oo aan laga fahmin booqashadaas iyo natiijadii ka soo baxdayba. Heshiis mise war-murtiyeed: Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo RW Abiy Axmed waxaa gabagabadiisa ka soo baxay war-murtiyeed (communiqué) ee ma ahayn heshiis la kala saxiixday. War-murtiyeed wuxuu soo koobaa qodobadii laga wada hadlay. Guddiyo: Waxay labada mas’uul ka wada hadleen in guddiyo heer wasiir ah loo saari doono inay sii wadaan wadahadallada, markaas oo faahfaahinta qodobadaas loo tagi doono. Waxaa dhici karta in lagu heshiiyo ama lagu heshiin waayo. Heshiisyadaas oo marka ay dhacayaan la hor geyn doono goleyaasha Baarlamaanka. Heshiisyadii Berbera/Boosaaso iyo war-murtiyeedka Muqdisho: Xukuumaddu hore ayay uga hadashay inaysan diidaneyn in maalgashi shisheeye lagu sameeyo dakadaha Soomaaliya, balse waxaa Imaaraadka lagu diidanaa inay arrimo qaran kala hadlaan dawlad-goboleedyo. Suuqa Itoobiya: Dalalka Geeska Afrika ayaa ku tartamaya suuqa 100ka milyan ee Itoobiya. Dhammaan dalalkii uu booqday RW Abiy Axmed waxaa Itoobiya loo ballanqaaday inay saami ku yeelato dekadaha si loo soo jiito inay halkaas ku soo xirmaan. Hal albaab: Waxaa guul ah in Itoobiya oggolaato inay Muqdisho kala macaamisho dhammaan wixii arrimaha Soomaaliya khuseeya, halkii ay markii hore dawlad-goboleedyada mid mid ula macaamili jirtay. Waa horumar la soo gaaray maanta, isla markaana sii xoojin doonta midnimada iyo madax bannaanida dalka. Fursadaha maalgashi: Waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in labada dhinacba ay ka furan yihiin fursado maal-gashi. Haddii Itoobiya ay dekedaheena nagula shirkoobeyso si ay suuqaas noogu soo leexiso, waxaan annagana saami ku yeelan karnaa isgaarsiinta iyo korontada Itoobiya. Waxay sidaas oo kale kula heshiisay Jabuuti. Suuqyo kale: Itoobiya waxay ka mid tahay suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Soomaaliya waxay qorsheyneysaa inay suuqaas ku biirto. Haddii labada dal ay isku suuqa galaan waxaa qabanaya shuruucda isu-socodka ee suuqaas. Haddii xitaa labada dal aysan gooni uga heshiinin arrimaha ganacsiga waxaa isku-furkooda khasab ka dhigi doona suuqyo kale oo ay xubno ka yihiin. Diblomaasiyaddu waa laba dhinac: Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa isaga xiran waxyaabo badan oo aan dekedaha kaliya ahayn. Tusaale ahaan sida loo qeybsanayo biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa inay labada dal ka xaajoodaan oo aysan Itobiya ka sameysan biyo-xireennadii ay doonto oo saameyn ku yeelan doona beeraheena. Danaha labada dal ay iska leeyihiin way sii kordhi doonaan mar kastaba. Hadalka Abiy: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in aragti ahaan uusan aaminsaneyn cadaawaddii hore, aysan isku baahan yihiin labada dal. Arrintaas waa aragtidiisaa fog ee ma ahayn wax laga wada hadleysay ama lagu heshiiyay. Qofka siyaasi ahna wuu lahaan karaa aragtidaas. Soomaalida iyo Geeska Afrika: Khabiirka reer Suudaan ayaa sheegay in Soomaalida sanadaha soo socda ka talin doonto Geeska Afrika marka la eego heerka ay kaga jiraan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Soomaaliya ma aha dad looga baqayo in la liqo ee haddii ay helaan fursado waxay si sahlan ugu guuleysan karaan madaxnimada dalalka gobolka oo dhan. Heer Soomaalidu jagooyin sare ka qabanayaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, wax weyn lama aha inay hoggaamiyaan gobolka haddii ay helaan fursado xor ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay Buubaa in heshiiskaasi uu yahay mid micno weyn ku fadhiya, islamarkaana heshiiska dekadaha yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida. Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqangalayo iyo faah-faahinta dheeriga ah. Buubaa ayaa sheegay in haddii Ethiopia ay maal-gashaneyso dekadaha Soomaaliya ee aan cidna daryeelin ay taas faa’iido weyn u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna tahay in la soo dhaweeyo. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku heshiiyey arrimo la xiriira horumarinta dekadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/WAREYSI-BUUBAA-18-06-2018-2.mp3 Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Ethiopia ay ku kacaan falal argagixiso. Abiy Axmed, ayaa hadalkan ka hor sheegay Saraakiisha Hay’adaha amaanka dalkiisa, kadib markii ay kordheen kiisaska fal danbyeedyo ee lagu helaayo ciidamada Ethiopian-ka ah. Abiy Axmed, waxa uu sheegay in falalka ay geystaan ciidamada Ethiopia ay kamid yihiin xarig sharci darro ah iyo jir dil aan loo baahneyn, waxa uuna arrin foolxun ku sheegay in argagixiso lagu tilmaamo dadka muslimka ah. “Waa xaqiiq wey dhacdaa in askarta Ethiopia ay geystaan falal argagixiso oo sharci darro ah” Abiy Axmed, waxa uu sheegay inay aad u badan yihiin kiisaska jir dilka ah, waxa uuna tilmaamay in askarta ku dhaqanta falalka ceynkaasi ah ay danbi ka galeen sharciga ciidan ee dalka u yaal. Dadbadan oo u xirnaa tuhuno oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka. Ra’isul wasaare Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri ‘’Yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan’’. Sidoo kale. Abiy wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Ethiopia ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah. Haddalka Abiy ayaa imaanaya iyadoo isbedel dhinacyo badan leh laga dareemayo dalka Ethiopia tan iyo markii la doortay Ra’isul wasaare Abiy. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.vom
-
Hague (Caasimada Online) – Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Maxkamadda Caalamiga (ICJ) kalsooni weyn ka muujiyey gal-dacwadeedka ay ku difaacayaan Badda Soomaaliyeed. Garyaqaannada ayaa aaminsan in dhammaan caddeymaha ay gudbiyeen ay ku qancin karto dhex dhexaadiyaasha caalamiga xaq-lahaanshaha Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda ay dhan ah Kenya. Dhanka kale, Qaar ka mid ah Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Hague ayaa walaac ka muujiyey qorshe la sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhiggooda Kenya, kuwaas oo doonaya in ay markhaanti gashadaan masuuliyiin Soomaaliyeed oo horey ay heshiis u wada galeen. Sharci yaqaannada Soomaaliya u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in Garyaqaannada Kenya ay doonayaan in Maxkadda ICJ ay horkeenaan Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid iyo Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/riximaan C/shukuur Mire oo ay ku doodayaan in heshiis is afgarad ay la galeen. Inkastoo Xeer Ilaalinta Soomaaliya ay ku adkaysanayaan mowqifkooda iyo sida ay u difaacanyaan dalkooda, haddana cabsida soo ifbaxday ayaa ah in labadaas siyaasi ay ka hor caddeeyaan Maxkamadda hadal dhabar jab ku noqda dadaalka ay wadaan Garyaqaannada ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has said foreign debt is becoming a burden to his country. “We have reached a point where debt servicing has become very hard for the national economy,” Ahmed said in an annual performance report presentation to parliament on Monday less than 70 days after he assumed office in April. According to the prime minister, the country has taken $1.3 billion in loans during the first six months of the budget year (since July 8, 2017), which rose the country’s total debt to $24.7 billion. He said a little more than 57 percent of the loan was used by the government while public companies consumed the rest. “During the first six months of the budget year, import-export showed a 0.02 percent increase but the trade balance widened [to the disadvantage of Ethiopia] by 2.2 percent,” he said. “We have been taking loans and now that is getting too much,” he said. Source: – Anadolu Agency