-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenyan President Uhuru Kenyatta held talks on Wednesday with visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo focusing on security issues, the presidency said. Kenyatta’s office said the two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. “The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations,” it said. President Mohamed arrived in the country early Wednesday accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. State House said Kenyatta and Farmajo also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. Source: Xinhua Net
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mushaarka uu ku shaqeeyo iyo kan ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa Djibouti. Ismaaciil Omar Geelle oo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Farance, ayaa sheegay in mushaarka uu ku shaqeeyo uu yahay mid aad u yar marka loo eego Mushaaraadka ay qaatan Madaxda kale ee Afrikaanka ah. Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay inuu u adeego dalkiisa, halka ahmiyada labaat ay tahay in Shacabka dalkiisa uu la meel-dhigo ama ka sareysiiyo shucuubta kale ee adduunka. Isagoo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique, ayaa waxaa la weydiiyay heerka uu la’eg yahay Mushaarkiisa waxa uuna ku jawaabay ‘’Anigu mushaar ahaan waxaan u qaataa 359,000 Seddex boqol sagaal iyo konton kun oo faranka Djiouti ah oo u dhiganta 2017.58 US Dollar’’. Madaxweyne Geelle waxa uu Wargeyska Jeune Afrique u sheegay kuna dooday inuu ka mushaar yar yahay Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, hase ahaatee taa uusan waxba u arag. Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyay Mushaarka ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qaatan xuquuq ku filan. Isagoo ka hadlaayay mushaarka Wasiirada ayuu yiri ‘’Waxa ay qaataan 400,000 Afar boqol oo kun oo faranka Djibouti ah una dhiganta 2,248.00 US Dollar’’ ayuu yiri Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa cadeeyay in Mushaarka Wasiirada uu yahay mid xiligaan u qalma shaqooyinka ay u hayaan Qaranka Djibouti. Si kastaba ha ahaatee, Geelle ayaa markii ugu horeysay saxaafada adduunka la wadaagay Mushaarkiisa iyo kan ay qaatan Wasiirada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay warar hoose nagu soo gaarayaan Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay go’aan ka qaadato xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira Somalia. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay si qoto dheer uga wada hadleen qodobkaan, iyadoo Uhuru Kenyatta uu dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u ballanqaaday in xiriirka maamulada Somalia ka qaadan doonaan go’aan. Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa dhigiisa Farmaajo u sheegay in Kenya aysan ka raali noqon doonin Xubno weliba oo caqabad ku ah Somalia ama kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo Somalia oo kasii baxeysa burburka. Uhuru Kenyatta, waxa uu tilmaamay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Kenya ay mar waliba is garabtaagi doonto Dowlada Somalia. Madaxweynaha Somalia ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka dhigiisa Kenyaatta, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inaanu Somalia taageeri doonin wixii dhibaaya Qaranimada Kenya. Dowlada Kenya ayaa qaabab hoose u naas-nuujisa Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada Somalia, waxaana xusid mudan in Hoteelo badan oo ku yaalla magaalada Nairobi lagu diyaariyo Siyaasado ay gadaal ka riixayaan maamul Goboleedyada oo lagu carqaladeynaayo Qaranimada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa hadii ay ka dhabewyso go’aanka ay ku jareyso xiriirka kala dhexeeya maamul Goboleedyada caqabad iyo dhabar jab ku noqon doonta maamulada oo aan ku kulmin meel ka baxsan Kenya, marka laga soo tago Somalia. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Jabuuti waxaa Heshiis kala saxiixday Dowladaha Somalia iyo Jabuuti kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee iminka ka dhexeeya laba dal. Heshiiskan ayaa waxaa Dowlada Somalia u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo booqasho laba cisho ah ku joogay dalka Jabuuti. Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxa ayna isla fahmeen inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka labada dal ee gaamuray. Wasiir Ahmed Awad iyo dhigiisa Jabuuti ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka. Waxa ay si wada jira u sheegen in Somalia iyo Jabuuti ay yihiin wadamo walaalo ah oo aan kala maarmin, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in la helo is garab istaag iyo in Jabuuti ay ka dhabeyso xal u helida Himilooyinka Somalia ee dhanka Hormarka iyo Amniga. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayaa booqasho sharafeed ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sidoo kale booqdey xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Machadka Diblomaasiyadda dalkaasi. Waxa ay halkaa kula shireen mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay u cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan in Somalia ay ka kacdo halka ay iminka taagan tahay. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aad usoo dhaweeyay Heshiiska ay wada galeen labada dal, waxa uuna cadeeyay in Jabuuti ay is garabtaagi doonto Somalia.
-
Iran, the arch-rival of Saudi Arabia, has a history of being difficult at OPEC meetings including in 2015 when the country refused to sign up to OPEC policies, saying it needed to raise output due to the easing of sanctions following Tehran’s accord with major world powers. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)ayaa casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Axmed Madoobe Madaxweyne, ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa. Sida Caasimadda online ay u xaqiijiyeen ka qeeybgalayaal kullankaasi Waxaa uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku wargliyay masuuliyiinta uu la kulmay in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaarahu wadaan Burburin Maamul Goboleedyada waxuuna ugu baaqay in ay Go’aan ka gaaraan. Xalay ayay aheyd Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baarlamaanka Kenya. Waxaa hadda Abaabulka ugu weeyn ee ka dhanka ah dowladda Farmaajo uu ka socdaa Magaalada Nairobi, waxaana xoogiia wado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dareemayo ciriiri siyaasadeed iyo inuu halis ku jiro Xilkiisa Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa waxaa ku kacsan qaar badan ka tirsan siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanadaas, waxaana dhawaan la abuuray gole lagus sheegay inuu xoreyn doono Maamulka Jubblanad oo la sheegay inuu gumeysi ku jiro. Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyey inuu yahay kaligii taliye xoog ku heysto Maamulkaas, isagoona dhawr jeer cadaadis saaray xildhibaano ka hor yimid qorshaha maamul ee uu ku wado Maamulka Jubbalanad.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in lagu shaqeeyo guddi ay si wada jira u magacaaben, kuwaa oo warbixin ka keeni doona xaalada Balad Xaawo. Talaabada lagu magacaabay Guddigani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu dhigiisa Kenya u gudbiyay cabashooyin ka jira Balad Xaawo, waxa ayna timid kadib markii Madaxweynaha Somalia iyo Kenya ay kulan ku yeesheen Magalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Kenyaatta iyo Farmaajo ayaa waxa ay isla garteen in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal. Sidoo kale, Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Kenyaatta waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Si kastaba ha ahaatee, Gudigaani aasaaskiisa oo ay wada saxiixeen labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in si wada jira ay u daraaseeyan xaalada amni ee Balad Xaawo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa ayaa si kulul loogu weeraray xildhibaanada Federaalka ku matala Galmudug. War-Saxaafadeed Warqadda lagu baahiyey baraha bulshada oo ku taariikhaysan 28 May 2018, ujeedadeeduna ahayd caddayn mawqifka aqlabiyadda xildhibaanada iyo senotorada qaranka ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug taas oo u muuqata mid ay sameeyeen koox danleey ah oo isku dhexqarinaya magaca xildhibaanada iyo senetorada laga soo doorto Galmudug loogana danleeyahay in jahawareer siyaasadeed laga dhex abuuro Galmudug, waxaana taa caddayn u ah, warqaddu malahan wax saxiix ah ee waxaa ka muuqda magacyada xildhibaanada iyo senetorada, taas oo ay qaarbadan sheegeen in arrintaas ay wax ka ogyihiin. Maaha markii ugu horaysay oo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ee laga soo doorto Dowlada Goboleedka Galmudug ay qas iyo jahawareer siyaasadeed geliyaan deganaashaha iyo talaabo hore uqaadidda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwo ka xun heshiiska dhexmaray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulkii ASWJ ee isku biiray iyadoo ay caddahay dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen iyo hanaankii loo maray dhaqangelinta qodobadii heshiiska taas oo ay xafladaynteedii ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sare ee dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, beesha caalamka iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya. Waxaa nasiib-darro ah in kuwa gebay howshoodii loo igmaday ee ku milmay aragtiyo kale oo dano kale xambaarsan ay weli doonayaan in ay dib u dhigaan horumarka la taabankaro ee Galmudug ay ku talaabsanayso iyagoo gabbaad ka dhiganaya cabashaa beelo ka timid iyo hanaaki waxqaybsiga ayaa meel looga dhacay taas oo ay madaxda Galmudug horay u caddeeyeen in cid kasta oo tabasho qabta lagala fadhiisanayo xalna laga gaarayo, mana ahan arrintaasi mid gaarsiisan in ay u gudubto masuuliyiin heer federal ah ama heer caalami ah ee waa arrin xalkeedu yaallo Galmudug dhexdeeda. Talo Jeedin: Waxaan kula talinaynaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug in aanay ku mashquulin sidii Galmudug dhibaato hor leh looga abuuri lahaa ee ay ku mashquulaan howsha dhabta ee loo igmaday oo ah in ay kala shaqeeyaan Dowlad Goboleedka dhinaca horumarinta iyo xoraynta degaanada cadawgu haysto, sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hay’adeheeda kala duwan ugala xisaabtamaan xallinta baahiyaha ka jira degaanada Galmudug. Baaq Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa dhammaan Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay fiiro gaar ah u yeeshaan dhawaqyada ka yeeraya danleyda kala duwan oo lagu wax yeelaynayo horumarka loo qaaday dhinaca nabadaynta iyo xasilinta siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Dhammaad Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Hanuunita Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Galmudug kaasoo keenay inay istaagto shaqadii maamulkaas oo markii horeba aheyd mid aad u liidato. Khilaafka cusub ayaa ka dhashay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna ee loogu soo daray maamulka Galmudug iyo sida loo fidiyey, waxaana mar kale dhinac isku raacay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir. Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku aadan inuu jiro dadaal ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa Madaxda uu khilaafka ka dhaxeeyo. Dadaalkaan lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug ayaa waxaa wado Gollaha Iskaashiga maamulada dalka oo uu hoggaamiye u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas. Sida xogta sheegeyso hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan. maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxda is khilaafsan la isugu keeno midkood Magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe si khilaafkooda loogu dhameeyo miiska korkiisa isla markaasna ay koox kasta sheegato waxa ay tabaneyso. Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa lasoo sheegaa inuu diidan yahay ka qeybgalka kulankaas isagoo horeyna ugu digay Maamul Goboleedyada inay soo farageliyaan Khilaafka ka dhaxeeyo Madaxda Galmudug. madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay waanwaanta ay wadaan madaxda maamul Goboleedyada sida ay illo wareedyo ku dhow Xaaf u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Sababta uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey u diidan yahay wadahadalkaan ayaa ah inuusan ku qanacsaneyn dhex dhexaadinta madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu u arko inay yihiin kuwa la safan madaxweyne Xaaf. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu Shalay ka furmo Muqdisho. Maamulka Galmudg ayaa tan iyo markii la abuuray wuxuu ka shaqeyn waayey khilaaf soo kala dhexgalo madaxda Maamulkaas, wuxuuna noqday Maamulka shaqo ahaan ugu liito Maamul Goboleedyada ka jiro dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga hadal hayaa qisada Baadari tuug ah oo lacag malaayiin dollar ah ka dalbaday taageerayaashiisa. Gibsi Doblantis oo ah Baadari Mareykan ah ayaa dadka isaga raacsan ka codsaday in ay u iibiyaan diyaarad afaraad si uu ugu adeegsado safarrada gaarka ah balse wuxuu helidda lacagta lagu iibinayo diyaaradda u adeegsaday dhagar ka yaabisay kumanaan qof Kirishtaan ah oo Kaniisaddiisa ku xiran isagoo hadlayay ayuu yiri “Alle ayaa igu armray in aad ii iibisaan diyaarad nuuceedu yahay Falcon7X”. Ninkan beenaalaha ah oo iska dhigayay in uu yahay Nabi ayaa isagoo qiil uraadsanaya in loo iibiyo diyaaradda wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “alle wuxuu ifaray in aad iga bixisaan lacag 54 Milyan oo dollar ah markii hore waan ka labalabeynayay in aan diyaarad iibsado balse amarka alle ayaa ii yimid”! Dad badan oo American ah ayaa durbadiiba bilaabay in ay lacago iska aruuriyaan balse qaar kamid ah taageerayaasha Baadari Gibsi Doblantis ayaa baraha bulshada ku faafiyay jawaab celinno jees jees ah oo ay ku sheegayaan in Ninkan uu yahay tuug doonaya in uu hanti badan ka dhurto dadka isaga indha la’aanta ah u taageersan. Baadarigan ayaa sanaddii 2015 Baraha bulshada ku faafiyay Video isagoo hareer taagan mid kamida diyaaradahiisa oo gaboowday wuxuuna ku safridda gawaarida,tareennada iyo diyaaradaha ganacsiga ku sifeeyay “Tubbooyinka sheydaanka”. Baadariyaal badan oo Mareykanka kunool ayaa dadka iyaga raacsan qaab indha sarcaad ah lacago uga qaata balse tani waxay noqotay beentii ugu yaabka badneed waayahan ee gudaha dalka Mareykanka laga hadal haayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Dadka Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa dhammaantood ah dhallinyaro waxaana ka muuqanayay diif iyo daal badan. Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go’doomay dalka Liibiya, kuwaasi oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday. Dadkan Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa ah dhalinyaro in mudo ah ku dhibaateesnaa gudaha Liibiya, Iyagoona wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kala soo kulmeen Liibiya, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho. Dadkan ayaa waxaa la geeyay xarun si gaar ah loo dejiyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya. Weriye ka tirsan BBC oo booqday xaruntaasi ayaa sheegaya in saaka keliya xaruntaasi la geeyay 157 qof oo dhammaantood ay rag yihiin. ” Waxaan ka tahribay magaalada Boosaaso safar dheer kaddibna waxaan gaaray Liibiya, balse dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay dalkaasi, waxaana ka mid ah jirdil, in koronto lagu qabto dadka iyo in la kala iibsado dadka kaddib marka laga qaato lacagaha madaxfurashada ah”, ayuu yiri cabdullaahi Iidile oo ka mid ah dhallinyarada dib ugu laabtay Muqdisho. Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda. Dadaaalka dowladda Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha kana mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Liibiya, ayaa sheegtay inay jiraan dhallinyaro badan oo wali ku harsan liibiya. ”Waxaan baaq u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed tahriibka halistiisa aad ayuu u badan yahay, marka intii Magafe iyo dhibaato kale waddan kale kugu qabsan lahaayeen, dalkaada hooyo inaa joogto ayaa roon” ayay tiri Maryam. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaalada ay ku dooneyso inay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan xabsiyada Liibiya. Safarka Yurub Haseyeeshee, boqolaal Soomaali ah ayaa weli ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan qaarkood kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah. Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba uga sii gudba Liibiya Talyaaniga iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo laga buuxiyo doomo jileec ah aadna u qafiif ah. Tahriibka sharci darrada ah ee dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee galbeedka Afrika ka yimaada ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga. Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lix bil oo kaliya sanadkii 2017, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore. Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, oo wali muhaajiriinta Soomaalidu ka mid tahay ayaa kusii qulqulaya dalkaasi. Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaasi oo ka shaqeenayay qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda, waxaana la filayaa in dhalinyarro kale oo badan laga soo cein doono Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wajeer (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada niman ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab oo qorsheynaya in ay weerar ka geystaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Booliska ayaa waxa ay ku sharaxeen raggan iyo halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, iyaga oo ku daray faah faahinta qabiilada iyo jilibka hoose ee qoyskooda. Booliska ayaa sheegay in Ibraahim Maxamuud uu yahay hoggaamiyaha kooxda ay ka tirsan yihiin Saddexda nin, waxaana ka mid ah Shariif Kulul, C/wahaab Cusmaan Axmed, iyo Axmed Dabar. Shariif ayay Boolisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayo buuraleyda gobolka Gedo oo ah halka ay qorshaha ka soo maleegayaan. Qorshaha raggan ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu ku wajahan yahay degaanada Wajer iyo Mandhera, sida ay war-saxaafadeedka ku sheegeen. Axmed Dacar ayaa sahan u tagay degaanadaasi si uu u soo indha indheeyo goobaha ay weerari lahaayeen oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, wuxuuna ugu dambeyn qoraalkan ku taliyay in dadweynuhu ka feejignaadan goobaha ay tagayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo. Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey. Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta. Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in tegista dalka Imaaraadka Carabta aanay denbi ahayn, balse isagu uu hadda joogo dalka Kenya. Mudane Waare ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu tegay Imaaraadka Carabta, isagoo inuu arrimo gaara u joogo magaalada Nairobi, balse aanay dembi aheyn in la tago Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalka dunida Jaamacadda Carabta. “In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray. Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu Jimcaha dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbi doono Magaalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Golaha AMniga Qaranka. Magaalada Nairbo, waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle, iyadoo warar isqilaafsan ka soo baxayaan Ujeedka Socdaalkooda. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Madaxweyne Waare u safri doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo ku qaadan doono madaxda ugu sareyso dalkaas. Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenyan President Uhuru Kenyatta held talks on Wednesday with visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo focusing on security issues, the presidency said. Source: Hiiraan Online
-
Doraad ayaa loo dhaariyay xilka Godoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas. Waxaana labadan beri hareeyay Saxaafadda hadal-hayntiisa dhaliilo iyo ammaan loo wada jeedinayo talaabadaan uu Madaxwaynahu ka qaatay dhanka Garsoorka dalka. Nuxurka dhaliilaha waxaa ugu waynaa: Baashe waa kuma? Da’diisa? Khibradiisa? Haybtiisa? Somalinimadiisa? Hannaanka loo maray magacaabistiisa? Xilliga lagu aadiyay ? Xiriirka isaga iyo RW ku xigeenka? Iwm. Halka dadka ku amaanaya Madaxwaynaha magacaabistiisa-na ay xusayaan: In xilli hore laga sugayay Madaxwaynaha Isbedel Garsoor, loona baahnaa dhalinyaro aan horay loogu baran Musuq iyo Cadaalad-daro? Lana ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha! Ahal iyo qaraabana ay wada yihiin Siyaasiyiinta ku sugan Hargaysa iyo kuwa jooga Muqdisho, welina uusan jirin Sharci kala saarayo, Somaliland-nimaduna aysan aheen Mabda’ kala gayn kara Somalinimada ee ay tahay dano yaryar iyo duruufo waqti kooban kala geeyay Siyaasiyiinta, iskana dhammaan-doona? Hannaanka loo marayna waa wadadii loo maray kuwii isaga ka horreeyay, mar haddii Dastuurku siinayo Madaxwaynaha awooda Magacaabista Garsoorka lkn ay ka dhimantahay soo jeedintii Gudiga Adeega Garsoorka, ma burrinayso Awooda Madaxwaynaha qaybta ka maqan ee aan dalka weli ka jirin? Doodahaas Mucaaradka iyo Muxaafidka hadii aan ku daro aragtidayda: 1-Baashe laguma eedayn karo Da’diisa ayaa yar waxaan aragnay madax iyo hogaamiyaal ka da’ yar ama la da’ ah oo laga markhaati kacay hogaamintooda sida; Raisalwasaaraha Canada, Madaxwayna France iwm. 2-Khibrad yari; xilkaan laftiisa waxaa soo qabtay Odayaal khibrad iyo da’ aysan u dhinayn lagumana qancin Cadaaladooda iyo Maamulkooda! Hadii aan dib u milicsano; Madaxwayne C/qaasim ayaa halku dheg ka dhigtay; qof aan soo marin Wasiir, Genaraal, Safiir iwm Xil looma dhiibi karo, waxa ayna noqotay dawladiisii tii ugu tabarta darneed oo ka adkaa waysay, lana heshiin waysay hogaamiye kooxeedyadii xilligaas, kadibna isagii iyo Cali Khaliif oo mudo dheer soo ahaa Wasiiro ayaa is khilaafay. 3-Somaliland-nimo; si loo abuuro kalsooni iyo is dhexgal Siyaasadeed, mid bulsho waaba jirtaahe, loogana saaro madawga iyo mugdiga Maamulka Somaliland iyo Fedaraalka waxaa haboon in Albaabada la wada furo sida; In Gudoomiye Iidle shaqadiisii Xeer ilaaliyaha Somaliland ku laabto, Gudoomiye Faysalna Xamar wax looga raadiyo inta doorashada danbe laga gaarayo. 4-Dastuurka iyo Shuruucda noo qoran waxaa ka horeeya kana awood badan awood qeybsiga beelaha hadii runta laga sheego ama waaqica wax lagu qiimeeyo, si loo gaaro in la isku qiimeeyo ama la isku magacaabo aqoon iyo khibrad waa in meesha laga saaro 4.5. 5-Isbedelka Garsoorku waa in uusan ku joogsan Baashe kaliya ee la dhamaystiro. 6-Dhismaha Gudiga Adeega Garsoorka Madaxwaynaha kaliya malaha ee waxa uu ka dhexeeyaa Golayaasha Wasiirada, Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waana in aan la siyaadayn sidii ku dhacday Madaxwayne Xasan Sheakh oo markiii uu isku dayay in uu dhisho Garsoorka uu Barlamaankii 9aad ka ciideeyay. 7-In Madaxwayne Farmaajo ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa in uu dhisayo Garsoor Hufan, kana faa’iidaysto inta uu haysto aqlabiyadda Golayaasha Fefaraalka. Ugu danbayn waxaan Gudoomiye Baashe u rajaynayaa Guul iyo Horumar iyo in uu Tusaale fiican u noqdo dhallinyarada Somaaliyeed iyo Maamul-wanaag!. W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)
-
Caawa waxaa isugu soo baxay fagaaraha ay caanka ku tahay Garoowe ee (Barxadda) dadweyne u badan haween iyo dhalinyaro taageersan dagaalka ciidanka Puntland kula jiraan ciidamada maamulka Somaliland xilli colaad labada dhinac u dhaxaysa ay ka jirto deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool. Qaar ka mid ah haweenka mudaharaadaya oo la hadlay warbaahinta ayaa u jeediyay madaxda maamulka Somaliland hadalo dhiilo colaadeed huwan, waxayna sheegeen inay ku garab taagan yihiin Dowladda Puntland iyo Ciidankeeda dagaalka ka socda Tuka-raq. Sidoo kale dadka banaanbaxa caawa ka dhigay Garoowe ayaa fariimo u direy shacabka magaalada Laascaano oo ay sheegeen inay yihiin dad dulmi iyo caburin uu ku hayo maamulka Somaliland oo ay ku eedeeyeen inuu in muddo ah wadey qorshe ku saabsan dhul balaarsi iyo daandaansi dagaal. Waa banaanbixii ugu horeeyay oo shacabka Garoowe ay kusoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee iminka ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
“The credibility of the Somali Government hinges largely on its ability to deliver for the Somali People.” International partners clearly recognise the importance of using country systems to achieve broader statebuilding goals, as this line, taken from the May 2017 Communiqué of the London Conference on Somalia, indicates. Yet, international partners continue to deliver aid primarily through parallel systems, as the Government struggles to raise sufficient domestic revenue to deliver tangible results for its people. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada dalkaasi ee Nairobi. Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay dowlada Kenya ciidamadeedu ka mid yihiin. Inta uu kulanka socday waxa ay isla soo hadal qaaden darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen. Kenyatta waxa uu dhankiisa Farmaajo uga ballanqaaday in dhismaha darbiga xadka uusan dhibaato ku noqon doonin Somalia, iyadoo la eegaayo dhammaan xaalada amni ee labada dal. Waxa ay si wada jira usoo daraaseeyen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato. Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Farmaajo codsiga loo soo jeediyay kadib waxa uu dhigiisa Kenya u xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya. Sidoo kale, Farmaajo waxa uu kulanka ka sheegay in Somalia aysan garaneynin meel ay uga harto Kenya, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay meel marin doonaan wax waliba oo maslaxad u ah Somalia iyo Guud ahaan labada dal.
-
President Uhuru Kenyatta Wednesday held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. The two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations. President Kenyatta and his guest also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. President Mohamed said Somalia fully supports Kenya’s bid to sit on the UNSC. After a lengthy private meeting, the two Presidents later held talks that were attended by Deputy President William Ruto and leader of Majority Aden Duale. President Mohamed jetted into the country this morning accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. Source: – CAPITALNEWS
-
Paris (AFP) – Security forces moved in on the biggest migrant camp in the French capital on Wednesday where some 1,700 people lived in makeshift tents alongside a canal. The migrants would be housed temporarily at more than 20 sites across the Paris region while the authorities checked their identities, Interior Minister Gerard Collomb said in a statement. CRS riot police were deployed at dawn, some arriving by boat, as the migrants emerged from their tents and waited patiently to be bussed away from the Port de la Villette camp in the northeast of Paris. “We don’t really know where we are going,” said a Libyan who reached Paris seven months ago and gave his name as Issam. “It was hard here,” he added, holding on to his one piece of baggage. The “Millenaire” or Millennium camp was home mainly to Sudanese, Somali and Eritrean migrants. Two similar camp sites in the capital along the Canal St Martin, which houses 800 mostly Afghan migrants, and the Porte de la Chapelle, home to 300-400 people, would also be quickly evacuated, said regional prefect Michel Cadot. “The other camps will be evacuated as soon as possible next week,” Cadot told reporters. The authorities said the dawn operation Wednesday was the 35th such evacuation in Paris in the last three years as thousands of migrants have arrived seeking a better life. – Migration spotlight – French President Emmanuel Macron has pushed a new immigration law, decried as too hardline by some associations but which he sees as essential to identify genuine asylum seekers and economic migrants. The law, which is still being debated in parliament, would speed up the asylum process and lead to increased deportations of people who are seeking work in France, rather than fleeing war or persecution at home. The issue of migration was thrown into the spotlight at the weekend after a Malian migrant, in the country illegally and working in the construction industry, saved a child dangling from a fourth-floor balcony. The dramatic rescue act by Mamoudou Gassama, who scaled the Parisian apartment bloc with his bare hands, turned him into a global superstar and led Macron to grant him honorary citizenship. Immigration remains one of the main concerns of French voters, polls show, and the far-right National Front leader Marine Le Pen won a third of votes in last year’s presidential election. Rather than Gassama’s heroics, some far-right activists have highlighted a different case involving migrants this week: that of two Afghans arrested for allegedly harassing a woman they judged to be inappropriately dressed on a train. The Paris mayor’s office, run by Socialist Anne Hidalgo, praised the clearance of the camps on Wednesday but said that it had been calling on the national government and interior ministry to take action for four months. Several officials from the mayor’s office were openly critical of Interior Minister Gerard Collomb. Source: – AFP