-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (HOL) - One of Somalia’s most accomplished diplomats, Abdulrahim Abby Farah, has passed away early Monday morning at his home in New York. He was 99. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah. Shirka ayaa waxaa si rasmi u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Shirkaan kii ka horeeyey ayaa waxaa lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana shirkaas uu kusoo aadayaa xilli khilaafka ka dhaxeeyo dowladda Somaliya iyo amamulada qaar waxaana ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya. Ammaanka Baydhbao ayaa aad loo adkeeyay,iyada oo martigeliyaha shirkaas ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulkiisa uu u sameeyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiya. Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay. Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.
-
Baydhabo (PP) ─ Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa goor-dhaw ka furmay shirkii labaad ee Madaxda maamullada dalka ee la baxay golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada, iyadoo shirkan uu kusoo beegmay xilli xasaasi ah. Shirkaan, ayaa waxaa si rasmi u furay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad-goboleedyada. Billowga shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya madaxda dowlad-goboleedyada, waxaana intaas kaddib la guda-geli doonaa shirar albaabadu u xiran yihiin oo ay madaxdu kaga doodi doonaan qodobbo kala duwan. Sidoo kale, Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada waddanka ka jira ayaa u fadhiya diyaarinta war-murtiyeedka shirka laga soo saari doono. Madaxda shirkan ka qayb-galaya ayaa kala ah; Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Iyadoo shirkan aysan goobjoog ka ahayn xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada ayaa kusoo aaday iyadoo mar kale uu dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka Carabta. Ugu dambeyn, Golahan oo markiisii hore lagu dhisay Kismaayo ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobbo ay ku mideysan yihiin maamullada dalka ka jira, inkastoo aan la ogeyn saameynta ay qodobbadaas yeelan doonaan. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Iskaashiga Maamulada Dalka oo goor-dhaw ka furmay degmada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Farmajo’s administration is packed with diaspora Somalis holding dual citizenship, who returned from Europe, North America, and Australia. Diaspora Somalis from these continents represent less than 30 percent of the estimated 2 million Somali immigrants abroad; and about 5 percent of the total Somali population. However, politically they disproportionately dominate state institutions, at federal and state levels. For our purpose here, attention will be devoted to the Federal Government of Somalia (FGS). Details are sketchy, as government officials do not feel or believe that they ought to disclose their association with foreign powers through citizenship or any other affiliation. Nevertheless, information compiled from different sources indicates that they have established and maintain a firm foothold in all branches of the Federal Government (FG), especially the executive and legislature. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo aad uga Barteen Shirkadda BECO Korontada Qiimo Dhimis ayaa Shir Jaraaid oo ku saabsan Qiimo Dhimis Hor leh Shirkada ay ku sameysey Adeegeedii Korantada ee Bulshada Soomaaliyeed ku qabatey Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda weyn, waxaana Shirkaan jaraaid ku sugnaa Madaxda Shirkada BECO. Shirkaas Jaraaid waxaa ka Hadley Madaxa Howlgelinta Shirkada BECO Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey Heerarkii Qiimo Dhimis ee ay Shirkada Soo Martey tan iyo Markii Shirkada ay Midowdey si ay Macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso Shirkada BECO. “ Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxay Qiimo Dhimis ku sameysey Adeegii Koronta oo ay gaarsiisey 48% kaasoo markii hore uu ahaa 55% , ujeedkuna waa sidii Macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan loogu Daneyn lahaa” sidaa Waxaa yiri Madaxa Howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in Qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas Taagnaada waxaa uu sii raaciyey. “ Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay Fursad ku heli lahaayeen Warshada yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado “ Waxaa uu sheegey Mudane Cabdirisaaq in Qiima Dhimsta Shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u Foq taasoo aan dooneyno in Shacabka Soomaaliyeed helaan Koronta Raqiis ah oo la jaan qaadi karta Caalamka. Ugu Dambeyn Mudane Cabdirisaaq waxaa uu Carabka ku dhuftey in Qiima Dhimistaas ay bilaabanayeso Bisha lagu Jiro sidoo kale waxaa uu sheegey in Qiima Dhimistaan ay ku soo beegantey Xili loo diyaargaroobayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan si Bulshada u helaan Koronto raqiisa maadaama Bishan la isticmaalayo Xadi koronto badan
-
WaxaaTaariikhdu Markey ahayd 13/5/2018 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir xafladaas oo ku saabsaneyd dhismaha guddiga Nabadda Degmadda Kaxda, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha nabadgelyada Degmada Waxaa hadalo talo soo jeedin iyo waxyaabahii ay soo qabteen Guddiyadda nabadda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka soo jeediyey Marwo Deeqo Maxamed Muuse iyo Cabdulle Yalaxow Maalin. Waxayna sheegeen in Gidiyada Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa mar waliba loo baahan yahay maadaama Nabada ay qayb ka tahay Nolosha bulshada Intaa kadib waxaa ujeedada Guddigaan iyo qaabka ay u shaqeynayaan ka hadlay Madaxa Barnaamijyada Hay’adda SOYDEN Aweys Nuur isagoo sheegey in Hay’adda SOYDEN ay tahay Hay’adda fududeyneysa howshaan iyadoo la kaashaneysa hey’adda Conflict Dynamic International (CDI). Madaxa Barnaamijyada Hay’ada SOYDEN waxa uu sheegey in codsi uga yinid maamulkii hore ee Gobalka Banadir ay isku xilqaameen sidii degmadan cusub looga hirgelin lahaa guddiga nabada isagoo hoosta ka xariiqey in Amniga iyo nabada kala maarmin, Sidaa Darteed amnigana lagama shaqeyn karo haddii aan nabada la xoojin sido kale nabada ma waareyso haddii aysan jirin Amni sugan marka waxaa muhiim ah in nabada laga shaqeeyo. Waxaa magaca Degmadda martida loo ahaay isla markaan guddiga laga dhisaayay magaceeda ku hadashay gudoomiyaha ururka haweenka degmada kaxda Marwo Aamino Mursal Cabdi,waxay sheegtey in Gudiyada Nabada ee Deegaan waxaa uu Muhiim u yahay Bulshada halkaas ku dhaqan si ay u gaarto Horumar la taaban karo. Ugu dambeyn waxaa kulankii furay gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Xasan Ali Malaay waxaana uu u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Gudiga nabada Degmada Kaxda gaar ahaan Hayada SOYDEN oo uu sheegey in ay tahay Hayad u Tagaan sidii Somaaliya uga dhalan lahayd Nabad Hadaba shirkaan ayaa soconaayo mudo 3 maalmood iyadoo lagu dhisaayo guddiga nabadda degmada Kaxda.Ujeedada ka dambeysa dhismaha guddigana waxa ay tahay sidii loo xoojin lahaa nabadeynta bulshada ku nool gobalkan Banadir gaar ahaan degmada Kaxda oo ah degmadii u dambeysey ee laga dhiso gobalka. Guddiga nabada oo noqon doono hay’ad heer Degmo ah kana shaqeyn doonta xoojinta iyo abaabulida howlaha nabada lagu dhisaayo taas ayaana ah sababta ka dambeysa in gudigaan maanta laga dhiso degmada Kaxda. Hay’ada SOYDEN waxa ay hore uga dhistey gudiyo nabadeed degmooyin gaaraya ilaa 29 degmo kuwaas oo laga hirgeliyey maamul Gobaleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed kuwaas oo ay ku jiraan 16 degmo ee hore uga biirey Gobalka Banadir. Hay’ada SOYDEN waxa kale oo ay gacan ka geysataa sidii gudiyada nabada iyo maamulada degmooyinka iskala shaqeyn lahaayeen nabadeynta bulshada ee heer Degmo, waxeyna tababaro kala duwan oo ay ka mid yihiin sida looge digo colaada loogana jawaabo inta Khilaafka uusan gaarin meel fog ay siisay gudiyadaas aan kor ku soo xusnay
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Smalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala wareegto ciidamada AMISOM hawlaha ammaan ee dalka ka hayaan si loo suuro-geliyay qorshaha kala guurka ah ee ay ciidamada Midowga Afrika kaga baxayaan Somalia. Cabdi Muuse Cali oo ah la-taliyaha dhanka ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wadajir ah oo ka socda AMISOM, Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameynayaan sidii ay u suuro-geli lahayd in Ciidamada Somalia ay ugala wareegi lahaayeen AMISOM hawlaha ammaan ee dalka ay ka hayaan. “Qorshahan waa mid lagu doonayo in la suuro-geliyo in ciidanka Somalia ay la wareegaan amaanka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay AMISOM iyo dowladda Somalia. Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Dowladda Somalia ay ka mahad-celinayso dadaalladii ay beesha caalamku ku bixiyeen sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd mid xasilloon. “Somalia waxay haatan diyaar tahay inay ka shaqeyso ammaanka guud ee dalkeeda, waana qorshe billow u ah in mas’uuliyadda mustaqbaka dalka ay si dhab ah ula wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdi Muuse. Gudddiga wadajirka ah ee ka shaqeynaya hawsha amniga Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Somalia ayaa kulammo la qaatay dhinacyada ay arrintan quseyso, si loo hir-geliyo qorshaha kala guurka ah ee sannadaha soo socda dhacaya. Ergayga Midowga Afirka ee Somalia, Danjire Francisco Madeira oo isagna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay mar walba diyaar u yihiin fulinta qorshaha ay kaga baxayaan Soomaaliya. “Waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka siinno Dowladda Somalia qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso ciidammo awood leh oo mas’uuliyadda amniga ee dalka kala wareega AMISOM, mana ahan ciidammada oo keliya, waxaanan ka qayb-qaadanaynaa dhismaha hay’adaha dowladda oo dhan,” ayuu danjire Madeira ku yiri hadalkiisa. Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan ay ka hadleen dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ka bixitaankooda xilliga soo socda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ciidamada Somalia aan weli loo tababarin sidii ay amniga ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post DOWLADDA SOMALIA: Diyaar ayaan u nahay in AMISOM aan kala Wareegno Amniga Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa sheegay in ku dhawaad Saac uu socday iska horimaadka. Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland. 72-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Tukaraq laga dareemayey xiisad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay weli socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddaasi. Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq. Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PM Khaire takes security tour of Mogadishu ahead of Ramadan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire, the Minister of Security and military officials inspected parts of Mogadishu on Sunday evening ahead of the holy month of Radaman. Source: Hiiraan Online -
Baydhabo (Caasimadda Online) – Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed uu ka fumo Shirka Madaxweyne-yaasha maamul goboleedyadda, kaasoo looga hadli doono arrimo dhowr ah. Ajandooyinka kulanka diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, xiisada Khaliijka iyo go’aankii xukuumada Muqdisho ka qaadatay, xaalada amaan ee dalka guud ahaan, fatahaadaha Wabiyada iyo qodobo kale oo muhiim ah. Madaweyne-yaasha shanta dowlad goboleed, ayaa guud ahaan gaarey shalay Baydhabo, iyagoo xalay xarunta madaxtooyadda Koonfur Galbeed ku yeeshay kulamo gooni-gooni ah iyo kuwa wadajir ah. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha lagu fallanqeyn doono ay kamid yihiin amniga, bini’aadanimada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka. “Marka la dhaho, Madaxda maamulada ayaa kulmaya, dadka inta badan maskaxdooda waxaa kusoo dhaca siyaasad, ee ma ahan sidaas, waxaan kaloo ka hadleynaa horumarka dalka, dhibaatada Shabaab iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isana sheegay in kulankaan uusan ahayn mid lagu burburinayo Soomaaliya, laakiin kawada xaajoon doonaan wax walbo oo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed. “Kulankaan aan isugu nimid ma ahan mid dhibaato wada, waa mid faa’ido ah. Hadii ALLE raali ka noqdo, waxaan rajeynayaa in kulanku uu noqdo mid ay kasoo baxaan danta, Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayuu Axmed Madoobe tilmaamay. Dhinaciisa, Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo isana qadar kooban wareysi siiyay wariye-yaasha ayaa tilmaamay inuu rajeynayo in shirka mudada uu socdo ay xooga ku saaraan wax walba oo muhiim u ah dalka “Amniga wuxuu noqon doonaa ujeedada 1aad, maadaama Al-Shabaab yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Shacabka, sidaas darteeda kulankaan waxaan ka rajeynaynaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo ka hadla arrintaas,” ayuu Waare tilmaamay. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, kaasoo isana kamid ah madaxdii gaartay halkaas, ayaa isana carabka ku dhuftay in shirkaan qodobada looga hadli doono ay yihiin kuwa ay u arkaa inay ku jirto mas-laxada umada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ma uusan la hadlin warbaahinta markii uu ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Mid walba oo kamid ah hogaamiyaashan ma uusan soo hadal-qaadin khilaafka mudooyinka dambe soo ifbaxay, ee qaarkooda kala dhaxeeya dowlada Federaalka iyo xiisadda Khaliijka, laakiin waxaa la sheegayaa inuu Ajande-yaasha uu kamid yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Americans settlers have a long history bringing their favorite foods with them when they emigrate. Wheat, cattle, and pork, for example, were all imported into the United States from Europe. Now, a small group of Somali Americans are continuing that tradition by introducing camel meat to the American Midwest. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa la xaqiijiyay inuu baaritaan ku hayo ku dhawaad laba bil oo aan xuquuq lasiin Hay’adaha amaanka iyo Shaqaalaha rayidka dowlada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa baaritaan ku haya halka laga bixiyay dhaqaalahaasi iyo sababta aysan u bixin Wasaarada Maaliyada, xili uu jiro isla xisaabtan. Kheyre ayaa arrinta xuquuqda aan lasiin shaqaalaha kala xisaabtamaaya Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiir Beyle ayaa isaguna ku doodaya inuu bixiyay dhaqaalahaasi balse uusan ogeyn qaabka ay ugu tagri faleen Madaxda Hay’adaha dowlada. Waxa uu Beyle meesha ka saaray in Wasaaradiisa ay dhigaalsato mushaar lagu amray bixinteeda, waxa uuna cadeymo u sameynayaa sida uu ku qancin lahaa Ra’isul wasaare Kheyre. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inaanu dhici doonin misna laga aamusi doonin xuquuq shaqaale ka tirsan Dowlada oo aan la bixin. Arrintaan ayaa imaaneysa xili Xarumaha dowlada ay weli ku dhex jiraan shaqsiyaad caadeystay ku tagrifalka Hantida Qarnka iyo Mushaaraadka shaqaalaha dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani today meets the visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo to discuss the distinguished fraternal relations between the two brotherly countries besides Arab and international issues of common concern. Source: Hiiraan Online
-
Doha (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo gaaray dalka Qatar ayaa maanta waxa uu kulamo la leeyahay madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo Labada dal ku saabsan. Madaxweynaha ayaa la kulmi doona amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo si aad ah u lafa guri doona xiriirka dowladaha Qatar iyo Soomaaliya. Waxaa jiri doona heshiisyo ay gaari doonaan Labada dowladood kuwaasi oo u badan dhanka horumarinta iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, oo iyaguna la kulmi doona wasiirada dhiggooda ah ee dalka Qatar. Safarka uu madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qatar ayaa kusoo beegmaya xilli uu mugdi sii galayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay iney dhex dhexaad ka tahay khilaafka wadamada kahliijka, taasi oo ay aad usoo dhoweeyeen dowlado badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Surabaya (Caasimadda Online) – Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia. Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa. Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa shegatay in ay ka dambaysay weeraradaas. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan. ” Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Joko Widodo. Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay. Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mandera leaders, led by Mandera governor Ali Roba and his counterpart Mandera East Mp Omar Maalim Mohamed has called upon the government to open its border with Somalia to allow resumption of legitimate cross-border trade, saying that the Mandera county economy depends on Bulla Hawa Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in si lama filaan ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar looga reebay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa si kadis ah waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loogu sheegay in laga reebay safarka uu madaxweynaha ku aaday dalka Qatar, waxaana booskiisa la geliyey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan kaasoo hore usii aaday dalkaas. Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasii raacay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan kuwaas oo si hordhac ah usii gaaray dalka Qatar. Waxaa muuqato inuu jiro loolan adag oo u dhaxeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, iyadoo la ogyahay in shirar badan oo sharci ahaan ay aheyd inuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka qeybgalo uu ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta. Lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda laga reebo safarka Madaxweynaha isagoo isku diyaariyey inuu ka safro garoonka Aadan Cadde, balse waxay xogta hoose sheegeysaa inuu Cawad olole xooggan u waday sidii loola heshiin lahaa Imaaraadka Carabta ayna dhici karto in sababataas looga doorbiday Wasiirka Qorsheynta Jamaal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The US moves its embassy in Israel to Jerusalem later Monday after months of global outcry, Palestinian anger and exuberant praise from Israelis over President Donald Trump's decision tossing aside decades of precedent. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland kaa oo u goostay al-Shabaab. Maleeshiyada ayaa Sarkaalkan iyo Hubkiisa kusoo bandhigay degmada jilib ee Gobolka Jubbada Hoose. Sarkaalkan ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Khayre Xuseen, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa. Maleeshiyada ayaa sheegtay in sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab. Sidoo kale, al-Shabaab masheegin halka sida rasmiga ah ee uu uga howlgalaayay Sarkaal, balse waxa ay sheegeen in haatan uu isaga soo baxay ciidamada Dowlad Goboledka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, soo bandhigida Sarkaalkan ayaa kusoo beegmeysa Xili ay maleeshiyaadka horey ugu soo bandhigeen deegaanada ay ka taliyaan rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, oo isku dhiibay dhankooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Qatar uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah, waxa uuna mudada uu halkaa joogo la kulmi doonaa Madaxda dalkaasi. Madaxda uu kulanka ugu badan la qaadan doono ayaa waxaa kamid ah Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani oo isagu casuumay iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda. Wafdiga la socda Madaxweynaha oo u badan Wasiiro ayaa iyaguna la kulmi doona Wasiirrada dhiggooda ah, waxaana lagu wadaa in Heshiis ay kala saxiixdaan labada dal.
-
Sierra Leone’s President Julius Maada Bio has declared free education effective September, in fulfilment of a campaign promise. Source: Hiiraan Online
-
There is no doubt that the United Arab Emirates has been a key ally of Somalia ever since the country descended into chaos. Since 2014, the UAE has trained and equipped thousands of forces in Somalia to help the country take control of its own security and decrease dependency on African Union peacekeepers. But the relationship between the two countries, both members of the Arab League, has deteriorated. Source: Hiiraan Online
-
A majority of schools in Mandera remain closed as the term entered the third week because of torrential rains. Source: Hiiraan Online