Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan. Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa. Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye. “Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.
  2. The image, taken by photographer John Moore, showing a girl crying as her mother is searched has instantly become the touchstone of the family separation crisis. That scared little girl juxtaposed against the towering Trump --- looming over her in a black suit -- is a startling image. Source: Hiiraan Online
  3. International partners supporting Somalia and Somaliland on a number of reconstruction, security, and governance programmes in Somalia, and on development and democratization processes, among others, in the case of Somaliland, softly – and in diplomatically cached terms – reminded Villa Somalia that aid relations were not the same as scoring political kudos and, as such, need not be politicized. Responding to a letter the FGS’s young Minister of Planning, Gamal Mohamed, gunned at partners on June 9, 2018, calling for an end to the Special Arrangement aid deal with Somaliland, the partners said the arrangement was well in line with the ‘spirit of transparency and equity’ which they believed was ‘both necessary and desirable, and in the interests of all Somalis’, and, so accordingly, that ‘the arrangements that have worked so well since 2013 be continued’. Partners recalled that at the time the new deal was put into effect, both donors and ‘Somali government partners’ recognized that the ‘situation was different in a number of ways from that of Puntland and what at that time was describes as “South Central Somalia”‘. The partners would certainly act in accordance with the kind of response their view of the Somaliland deal garners in Villa Somalia. Their response may not be as gentle and courteous as it is in this first communication with the FGS team. The partners’ response is a slap in the face to a rash, diplomatically uncultured young team at the helm of Somalia smelling blood since they have succeeded to lasso in ICAO, a UN body, to unilaterally hand over Somali airspace management despite the fact that issue was a contentious, most contested central point to the internationally-chaperoned Somalia-Somaliland talks since they started in 2012. What is striking in this response, however, is that it does not directly or indirectly address the minister whose communication inspired it, completely ignoring him. Find a copy of the partners’ letter below:
  4. For more than a year, a Saudi-led bloc has staged a boycott of Qatar, accusing the Persian Gulf state of sponsoring terrorism and committing other misdeeds. As the months have dragged on, however, Qatar has proved surprisingly resistant to those punitive economic measures. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa xaqiijisay in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka Hawadeeda, kadib markii Somalia loo aqoonsaday dal maamulan kara hawadiisa. Dowladu waxa ay sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in hawadda Somalia ay si khaldan usoo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda Yuusuf Cabdi Cabdulle ‘’Yuusuf Jaalle’’, oo ah Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia ayaa sheegay in DFS ay xaqiiqsatay in Hawadeeda ay maamusho. Waxa uu Yuusuf Jaalle, sheegay in howsha la soo wareegida Maamulka Hawada uu soo bilowday mar hore ilaa bishii December sanadkii 2017 oo Madaxweyne Farmaajo uu daah furay qalabka lagu maamulayo hawada. Yuusuf Jaalle ayaa sheegay in labada Xafiis ee Muqdisho iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay. Waxaa uu sheegay in xafiiska Nairobi shaqada ka soo dhamaatay, lana soo xiray 18-kii bishan June, isagoo xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho. Dhinaca kale, Yuusuf Jaalle ayaa meesha ka saaray inay jiraan jihooyin kale oo Somalia xiligaan la maamula Hawadeeda, balse ay Somalia dib u hanatay maamulkeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Somali President Mohamed Abdullahi (Farmajo) left the country on Thursday for Ethiopia to join other East African leaders to help shore up South Sudan peace process. A statement from the presidency said Farmajo was due to attend an extra-ordinary Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) summit in Addis Ababa that will review the progress made in the South Sudan peace process. South Sudan’s rebel leader Riek Machar arrived in Ethiopia on Wednesday for a meeting with South Sudan’s President Salva Kiir, as part of efforts to try to broker a deal to end the nation’s civil conflict. Officials said the two leaders later held talks in Addis Ababa on Wednesday evening for the first time in two years. Details of the Wednesday meeting were not divulged. IGAD is an eight-member economic bloc that brings together Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan and Uganda. Source: Xinhua
  7. Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo warbixinno kala duwan looga dhageystay guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia, waxaana shir-guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, waxaana inta uu kulanka uu socday laga dooday dhibaatooyin ka jira waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo oo dadka shacabka ah ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in Waddadaas kufsi loogu geystay gabdho ka badan toban, kuwaasoo qayb ka ahaa dad ku safrayay waddadaas. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta baalamaanka Somalia oo hadda heer gaba-gabo ah maraya. Marka la dhameystiro dhismaha xaruntan xildhibaanada Golaha Shacabka waxay u soo wareegayaan xaruntooda, waxaana dhismo lagu billaabayaa xarunta weyn ee golaha shacabka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dar-daarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin. PUNTLAND POST The post Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka FS oo Maanta ka Dooday Qodobbo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (PP) ─ Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Somalia, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah Muqdisho loogu soo wareejiyay Maamulka Hawada, iyadoo la soo xiray Xafiiskii Nairobi laga maamulayay 20-kii sano ee u la soo dhaafay. Yuusuf Jaalle ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in howsha lasoo wareegida maamulka Hawada uu si tartiib-tartiib u soo socday illaa bishii December sannadkii lasoo dhaafay oo Madaxweyne Farmaajo uu daah-furay qalabka lagu maamulayo hawada. Sidoo kale, Maareeyaha ayaa xusay in labada xafiis ee ku kala yaalla Xamar iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska-garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay. Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xafiiska ku yaalla Nairobi ay kasoo dhamaatay shaqadii, lana soo xiray 18-kii bishan Juun, wuxuuna xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho. “Waxaa xilligan socda in dhamaan shaqaalaha Xafiiska Nairobi joogay inay u soo guuraan Xafiiska Muqdisho, shaqaalihii ama qubarada ajnabiga, iyagana tababaro gooni ayay siinayaan shaqaalaha kala wareegi lahaa ee maamulayaasha noqon lahaa,” ayuu yiri Yuusuf Jaalle. Maareeye Yuusuf Jaalle ayaa isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in si tartiib-tartiib ah dhaqaalaha Hawada kasoo gala ay Dowladda Federaalka ula wareegi doonto, isla markaana sanduuqeeda ku soo dhaceyso. Dhanka kale, Mar uu maareeyaha Saadaasha Hawada Somalia ka hadlayay shuruucda diyaaradaha soo maraya hawada, wuxuu xusay in markii hore aanay jirin diyaarad aan ogolaansho haysan inay soo gasho hawada dalka, wuxuuna xusay in diyaarad kasta oo dal ajnabi ka soo duuleysa inay marka hore ogolaansho soo weydiisaneyso hay’adda Duulista & saadaasha hawada ee Dowladda Federaalka. Ugu dambeyn, Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Jaalle ayaa dadaal badan u galay sidii Maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa Soomaaliya, iyadoo muddadii uu howshaas ku jiray ay dhibaatooyin kala duwan ka soo gaareen safaradii uu dibadda ugu aadayay ee la xiriiray howsha la soo wareegida maamulka Hawada Somalia. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Hawadeeda uga Digtay Diyaaradaha aan Ogolaashaha ka Haysan appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hantaani oo aad u weyn ayaa kusoo caarisay xeebta sugunta liido degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir. Hanta oo gabi ahaan qufulan ayaa ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku jiraan waxyaabo Kiimiko ah oo halis galinkara xaalada caafimaad ee dadka deegaanka. Dadka qaar ee u damaashad tagay xeebta sugunta liido ayaa sheegay inay baqdin ka muujinayaan Hanta oo halkaa taala maalmo. Dadku waxa ay saacadihii ugu danbeeyay bilaabeen inay ka cararaan haantaas oo loo badinaayo inay ku jiraan waxyaabo kiimiko ah. Dadka kaluumeysatada oo cabsi ka muujiyay haanta ayaa wargaliyay Hay’adaha amaanka, hase ahaatee waxaan jirin ilaa iyo hadda cid ka jawaab celisay. Sidoo kale, Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaan qudhiisa kawarheyn hanta iyo waxa ku jira.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya. Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa rajada uu Madaxweyne Farmaajo ka qabo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tibaaxay inay dowladiisa xilli hore bilowday shaqooyin lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay haddii ay wax walba sidaan kusii socdaan inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021. “ Shaqooyink aan hadda bilownay runtii waqti fiican ayaan bilownay, wax kasta aan qorsheyn karno, dadka aan la tashan karno, aqoonyahanada aan ka qeyb gelin karno howshaan, hadii ay noqon laheyd qaabka ay doorashada u dhici karto iyo dhameystirka dastuurka, haddii sidaan aan hadda ku wadno kusii wadno waxaan aaminsanahay inaan dalka gaarsiin karno doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin doonaan awood buuxda oo ay ku doortaan cidda ay doonayaan isla markaasna aysan mar dambe dhihin waxbaa nagala haleeyey maadaama ay iyaga dooranayaan cidda ay doonayaan, wuxuuna yiri: “ Shacabka Soomaaliyeed ayaa talada dib ugu celin doonaa, mar kale aysan sheegan karin in wax laga haleeyey, maxaa yeelay iyagaa iska leh go’aanka, iyagaa dooran doonaan cidda ay rabaan, marka in aan gaarsino awoodaas shacabka ayaan rabnaa ayna keensadaan qof ay is leeyihiin waa qof wadaninimadiisa ay fiican tahay, amaanada adkeeyo, Masuuliyadda na saaran waa inaan keeno qaabka ugu fiican, waxaana arrintaas lagala tashan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada” . Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021 kadib shirkii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo qaatay ku dhawaad Asbuucc. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Doorashooyinka-2021.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali President Mohamed Abdullahi (Farmajo) left the country on Thursday for Ethiopia to join other East African leaders to help shore up South Sudan peace process. Source: Hiiraan Online
  12. Isbadalka xagga ammaanka ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid ku yimaaday qorshaha hagaagsan ee xagga ammaanka ah ee uu la yimid maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya laamaha ammaanka ee dowladda. Mudane Maxamed C/laahi Tuulah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobalka Banaadir ayaa saraakiisha ammaanka ee gobalka iyo kuwa degmooyinka aad iyo aad ugu ammaanay dadaalka badan oo ay ku bixiyeen Sugidda amniga caasimadda. Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa fariin aad u muhiim ah u diray dhalinyarada Muqdisho, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay u kacaan sugidda ammaanka magaaladooda sidoo kalana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Waxaa cajiib ahaa Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo dhan wax Qarax ah ama dhibaato ah aysan ka dhicin magaalada Muqdisho, taas oo ku Alle ka sakow dadaalka badan ee la galiyay amniga magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey asna inay wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho haatan isbadal wayn oo xagga amaanka ah laga dareemayo. “Bishii hadda lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Maamulka Gobalka Banaadir ee hadda shaqeeya ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta in maamulka ciidanka ammaanka heer degmo loo daadajiyo, isla markaana Guddoomiye kasta loo xilsaaranyahay ammaanka degmadaasi, kaas oo ku yimid dadaalka badan oo maalin iyo habeen ammaanka caasimadda uu ugu jiro Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Mudane Maxamed C/laahi Tuulah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra’iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka. Munaasabaddaan ballaaran ee lagu soo dhowaynayey Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa soo agaasimay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo aasaasayaashiisii uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Khayre sannadku markuu ahaa 1994-kii, sidoo kalana uu gudoomiye ka soo noqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway maadaama uu in badan ku noolaa dalkaasi, waxuuna tilmaamay in ay yihiin bulsho hadii ay dawladda taageeraan wax badan ku soo kordhin kara horumarinta dalka iyo dawladnimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda. Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Jaamacadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway appeared first on Puntland Post.
  14. Washington DC (Caasimada Online) – Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay sheegeen. Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan, oo diyaaradaha loogu wareejinayo Turkiga ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda. Sharciga ansixinta difaaca qaranka ee NDAA ayaa labadiisa qeyb ee aqalada wakiilada iyo senate-ka Mareykanka waxaa ku jira xanibaado diidaya in Turkey ay qeyb ka noqoto barnaamijka F-35. Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa ka walaacsan xariga Ankara ay kula kacday baadari Mareykan ah iyo qorshaha ay kusoo iibsaneyso barnaamijka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. Si kastaba, sharciga NDAA ayaa dhaqan-geli doona kaliya marka ay ansixiyaan labada aqal ee congress-ka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ayaa qorsheyneysa in AMISOM ka guurto tuulada cayaaraha ee Mogadishu Stadium inta u dhaxeysa January -June ee sanadka soo socda. La-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha amniga qaranka wajigiisa 1aad oo lagu wado inuu ka koobnaado: Ka Bixitaanka AMISOM ee Mogadishu Stadium, 2. Isu furista jidka Xamar ilaa Baydhabo iyo 3. la wareegista Leego. Dhinaca kale, waxaa uu Saciid ka hadlay inay diyaar yihiin mashaariic lagu dhisayo Mogadishu Stadium iyo jidadka u dhow kuwaas oo ay diyaarisay dowladda federaalka ah. “La wareegitaanka Mogadishu Stadium waxa wehliya dhismaha waddooyin, waxaa soo dhan waa diyaar, dhammaan hey’adihii ka shaqeyn lahaa iyo lacagihii” sidaasi waxa yiri la-taliyaha madaxweynaha. Mashaariicdan waxaa qeyb ka ah: hey’adaha iyo dalalka deeqda bixiya, wasaarado ay ku jirto midda cayaaraha, gobolka Banaadir iyo hey’ado kale. Mogadishu Stadium waxaa muddo 10 sano uu dhufeys u ahaa AMISOM, qorshaha waxaa uu yahay in laga dhigo sidii uu ahaa iyo meel ay dhalinyarada ku cayaari karaan. Dowladda federaalka ah qorshayaasheeda waxaa ka mid ah inay Hoteello iyo goobo lagu nasto ka hirgeliso aagga Mogadishu Stadium. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Netflix has optioned the rights to make a film or TV series out of the book “One Goal,” which chronicles the Lewiston High School boys soccer team and its mix of native-born and Somali refugee players. Source: Hiiraan Online
  17. A pregnant Somali woman on Nauru, who is the victim of female genital mutilation (FGM), has won a legal bid to come to Australia for an abortion. Source: Hiiraan Online
  18. A Scottish policing unit that dramatically reduced Glasgow’s knife crime rate is responding to fears that gang violence affecting Somalis in London could spread north through a unique collaboration with the community’s women. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa ugu qeybgalayo shir aan caadi aheyn oo madaxda urur goboleedka IGAD ka yeelanayaan Colaada dalka Koofurta Sudan. Shirka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ka taagan Africa, gaar ahaan colaadaha kasoo cusboonaanaya South Sudan oo loo arko qatar xoog leh. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan colaada South Sudan. Farmaajo inta uu joogo magaalada Addis Ababa waxa uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxda kale ee qeybta ka ah Somalia, si ay uga wada hadlaan xaalada dalkiisa. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu la kulmo Soomaalida ku nool magaalada Addis Ababa si uu ugu booriyo inay kusoo laabtan dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. HARGEISA— Somaliland’s ministry of Agricultural Development has officially launched Beer land earmarked for farming which is going to be a pilot project where different types of seeds will be grown. The mission which the ministry is spearheading a campaign across the country to reach self sufficiency in food production. Hon. Ahmed Ali Maah, the general director of the ministry of Agricultural Development has conducted the campaign of clearing Beer land which is located in Togder region where different types of seeds will be sown. This is part of an ongoing plan that the ministry is conducting and is aimed at planting seeds in Xaaxi, Togwajale, and Beer farm lands. The minister for agricultural development formally launched the clearing of 1500 Hectare of land in Tog Wajale where the ministry planted different types of seeds.
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya. Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa hadalkii uu Madaxweyne Farmaajo ka yiri Darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso Xuduudda Magaalada Beled Weyne ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo la waydiiyey haddii uu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu kala hadlay darbiga ay ka dhiseyso Xuduudda Beled Xaawo markii uu tagay dalka Kenya ayuu sheegay inuu safarkaas ahaa mid waqti kooban isla markaasna uu arrintaan kala hadlay Madxweyne Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in markii ay soo baxday arrintaas uu la xiriiray Madaxweynaha Kenya isla markaasna ay isku afgarteen in la joojiyo dhismaha darbigaas inta ay iska arkayaan labada madaxweyne. “ Markii ay bilaabatay dhimaha darbigaas waxaan la xiriiray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana ku heshiinay in dhismahaas la joojiyo inta aan iska arkeyno, wuuna iga aqbalay” Madxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu Uhuru arritaan kala hadlay markii uu dalkaas gaaray isla markaasna lagu heshiiyey in la sameeyo qiimeyn socon doonto muddo lix bilood si loo ogaado saameynta ay arrintaas yeelan karto. “ Markii aan is aragnay labadeena, waxaan ku heshiinay in arrintaas loo saaro guddi isla markaasna ay gudigaas ka shaqeeyaan daraasadna ay ka sameeyaan oo labada dhinac ah muddo 6 bilood ah ayna noo soo gudbiyaan sida aan ka yeeleeno shacabkeena Soomaaliyeed deegaanadaas dagan iyo wixii arrintaas aan ka qaban laheyn” Madaxweynaha oo la waydiiyey jawaabta uu shacabka Soomaaliyeed ka siinayo buuqa ka taagan Beled Xaawo oo la leeyahay waxaa la qaadanayaa dhulkii Soomaaliyeed ayuu yiri: “ Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay aamina dowladiina, Dowlad ayaad doorateen oo idin mataleyso oo danihiina ka shaqeeneyso, anagana way naga go’aan tahay inta aan joogno inaan danaha umadda Soomaaliyeed ka hormarino wax walba, waa xaqiiq dad dano siyaasadeed leh iyo Shabaabka laftooda ayaa wax walba oo dhaca ka sameeyo dood waalan oo dadka lagu jahwareerinayo” . Halkaan hoose ka dhageyso hadalka uu madaxweynaha ka yiri arrintaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Darbiga-Kenya-iyo-Muranka-Badda.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. HARGEISA– Somaliland’s Public Works and Housing, Hon. Abdirashid Du’ale Qambi has accused local municipalities of rampant looting of state owned land. The minister has further said that the local cities are conducting land plan which is illegal and added that there is no management in the municipalities. The Public works minister has blasted the municipalities of not only donating public lands for bribe or selling to particular individuals without the consent of Somaliland govt which is a big shame for mayors in major townships in Somaliland. Hon. Abdirashid, the minister in charge of housing has announced that the govt is about to start public land planning. The minister has blamed of local mayors in major townships in Somaliland of having failed to provide the master plan of districts that they administer. He said that they have failed to live up to their promises according to the minister. The minister has spoken of several meeting that he held with local mayors and has informed them about the interest of the nation and populace. The minister has admitted that there is widespread corruption in looting public lands where local Councillors are giving lands to individuals without the consent of Somaliland authority. The minister while on an inspection tour to public land in Hargeisa vicinity has confiscated a tractor which was illegally ploughing a land.
  23. Tehran, June 21, IRNA – A number of imprisoned sailors who had been arrested in late 2017 on charges of trespassing into Iran’s waters were released and returned to Iran on Thursday. Following the efforts by the Iranian foreign ministry and the country’s embassy in Kenya, 17 sailors who had illegally entered Somalia’s territorial waters in October 2017 and were sentenced to two years jail by a local court and also fine were freed and handed over the the Iranian embassy in Nairobi. The freed sailors were later returned to Iran by airplane and were welcomed by Iranian Deputy Foreign Minister Hossein Panahi Azar at Imam Khomeini International Airport. Irna
  24. Kakuma (Caasimadda Online) – ‘‘Anigoo miyir daboolmay ayaa meel la iga qaaday, qaraxii Zoobe ayaan ku dhaawacmay, waxaa sidoo kale qaraxaasi aan ku waayay labo wiil oo aan dhalay kuwaasi oo ku dhintay qaraxa”, ayay tiri Madiina Jimcaale oo ah hooyo dhashay shan carruur ah. Madiina Jimcaale ayaa rajadii ay ka qabtay inay nolol cusub dalkeeda ka billaaban doonto ay meesha ka baxday, waxayna hadda dib ugu soo laabatay xerada qaxootiga ee Kaakuma oo ay 2 sano ka hor uun ka tagtay. Qarixii Soobe ayay sheegtay inuu burburiyay riyadii ay ka qabtay inay dalkeeda nolol cusub dib uga billaabi doonto. in ka badan 500 oo qof ayaa ku dhimatay qarxaasi oo dhacay 14kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Sannadkii 2014-kii waxaa dowladda Kenya oo kaashaneysa hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ay ku dhawaaqday, inay bilaabayso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya. Wixii markaa ka dambeeyey waxay dad badan bilaabeen inay si iskood ah isu diiwaan geliyaan oo ay ku noqdaan Soomaaliya, taasoo nolol hor leh u horseeday qaxooti inta badan dalkooda ka maqnaa tobanaan sano ah. UNHCR waxay sheegtay in ilaa iyo hadda….. oo qof ay noqdeen. Inkastoo dad badan ay nolo cusub billowdeen haddana waxaa jiray boqolaal kale oo ib u laabtay sida hooyo Madiiana. Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato oo safar shaqo ku tegay xerada qaxootiga ee Kakuma ayaa Madina waxaa uu kula kulmay guri cooshado ka sameysan oo ay ku nool yihiin iyada iyo qoyskeeda, waxaana uu sheegay in Madiina ay u muuqatay qof argagaxsan, iyadoo dib ula soo laabatay caruurtii ay dhashay iyo kuwa ay sii dhaleen oo gaaraya labaatan qof. Nolol adag Noloshada adag ee qaxootiga oo dad badan ay aad uga sheegtaan ayaa Madina waxaa ay imika uu muuqataa mid doorbiday, oo waxaa ay rumaysan tahay in go’aankii ay qaadatay dhowr sano ka hor uu ahaa mid aanan waxba kusoo kordhinin qoyskeeda. ”Wax ii qorsheysan ma jiraan, wixii alle ii qoro ayaan qabaa” ayey tiri Madiina. U qaybsanaha hay’adda UNHCR ee arrimaha taakuleynta qaxootiga, Sedka Sujam, waxaa ay BBC u sheegtay in qaxootiga dib ugu laabta dalkooda ee haddana dib ugu soo gurya noqda xerooyinka qaxootiga loo qaabilo sida qaxooti cusub. Xilli qaxooti badan oo dib ugu laabtay soomaaliya ay la qabsadeen nolosha, horumarna ay ku tallaabsadeen ayaa waxaad mooddaa in taasi aysan u suurtagelin hooyo Madiina Jimcaale oo nolol ay sameysato iska daaye, ka shallaynaysa go’aankii ay ku noqotay. Xigasho: BBC Somali Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Somaliland has freed a king, Osman Aw Mahmud Burmadow, who was imprisoned in April for attending the inauguration of a monarch in neighbouring Puntland. Puntland and Somaliland are at loggerheads over disputed territory along their border in the Sool and Sanaag regions. Somaliland’s President Muse Bihi Abdi pardoned the monarch, who was sentenced to five years in prison. Human rights organisations have condemned the self-declared republic of Somaliland of suppressing free speech and arresting people critical of the administration. In April, a court sentenced female poet Nacima Qorane to three years in prison on “contempt of state” charges. She was also freed after receiving a presidential pardon. bbc