-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay la dagaalanka maleeshiyaadka al-Shabaab. Gaas, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay heysato ciidamo ku filana hadana uusan garankarin sababta ay al-Shabaab usii heystaan Gobolada qaar ee dhaca Somalia. Waxa uu Hoggaamiye Gaas sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay cadeyso sababta ay al-Shabaab uga saari la’dahay Gobolada ugu muhiimsan. Waxa uu sheegay in shirkas uu yahay mid looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin amniga,isl;a markaana dalaka Soomaaliya qeybaha ugu badan asyan xor aheyn oo ay Al-Shabaab heystaan. Waxa uu sheegay in waxyaabaha lag tashanayo ay qeyb ka yihiin sidii dalka loo xurreyn laha taas oo ay ku jirto dowladnimada sida uu hadalka u dhigay. ‘’Waxaan suuragal noqoneynin in Dowladii oo awood leh ay al-Shabaab kusii nagaadan Gobolada ugu muhiimsan dalka, waxaa arrintaas laga doonayaa inay cadeyso dowlada Somalia’’ ‘’Rajada aan qabnay waxa ay aheyd inaan Shabaab ka xoreyno Somalia, gaar ahaan Gobolada balse iima muuqato xoreyn’’ C/weli Gaas, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia looga fadhiyo ka hadalka sababta ay al-Shabaab uga sifeyn la’ dahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in ballanqaadka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa in Gobolada la xoreynaayo. ‘’Farmaajo horay ayuu u sheegay inay xoreynayaan Gobolada hase ahaatee ma aragno Gobol la xoreynaayo dowlada ayaa laga doonayaa taas’’ Haddalka C/weli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan Gobolada dalka aanu ka jirin Amni ku filan, halka qaarna ay heystaan al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
GENEVA - The UN on Monday urged Israel to stop the disproportionate use of force against Palestinian demonstrators in the Gaza strip and initiate an impartial and independent investigation into killings of protesters. Source: Hiiraan Online
-
Doxa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani. Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga. “Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno,” ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan. Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka. Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf. PUNTLAND POST The post Dowladda Qatar oo Taageero u balan-qaaday Somalia kaddib kulankii Madaxda Labada Dal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani. Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga. “Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan. Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka. Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf. DHAMMAAD
-
37 qof oo Falatiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil ku toogteen marinka Qaza taaso noqotay toddobaadkii ugu dhiigga badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta. Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta. Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen ‘dibadbaxyadii soo celinta’ kaaso socday muddo lix toddobaad ah. Israa’iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka. Ciidammada Israa’iil waxa ay sheegeen in illaa 35,000 oo falastiiniyiin ah ay ka qaadanayaan isu soo baxyada rabshadaha wata. “Maanta waa maalin weyn, waxaanan doonaynaa in aan xeendaabka gudubna, Israa’iil iyo adduunkaba u sheegno in aanan ogolaan doonin in waligeen nala heysto” ayuu yiri Cali oo macalin ka ah magaalada Qasa. Dadka maanta lagu dilay dibadbaxyada waxaa kamid ah carruur halka in ka badan 1000 qof ay ku dhawaacmeen.sida ay sheegtay laan arrimaha caafimadka ka shaqayso oo taabacsan kooxda Xamaas. Heshiis dhexmaray Israa’iil iyo Falastiiniyiinta sanadkii 1993-dii ayaa waxa uu dhigayaa in meeqaamka Qudus laga wada xaajoodo mararkale. Rarista safaarada ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay Ra’isulwasaare Netanyahu. Dadka Yuhuuda ee ku dhaqan magaalada Tel Aviv ayaa ammaanay madaxweyne Trump, iyada oo la taagay tabeelooyin lagu bogaadinayo. Furitaanka safaaradda ayaa horey loosoo dhigay si loo waafajiyo maalinta loo dabaaldagayo sanad guurada 70-aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Israa’iil. Hoggaamiyaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa go’aanka Trump ku tilmaamay “Dharbaaxadii Qarniga”, isaga oo intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uusan Maraykanka ahaan karin dhexdhexaad arrimaha Bariga Dhexe.
-
Hadal haynta ka jirta Aaga Tukoraq Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa la xidhiidha iska hor imaad subaxnimadii horre maanta ku dhexmarey labada dhinac halkaas. Warar madax banaan oo PUNTLAND POST ka heshay saraakiisha ciidanka Puntland iyo dadka deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq waxay warbaahinta PUNTLAND POST u sheegeen in loo dhaafiyay dhinaca magaalada Laascaano dhimashada ilaa 3 askari iyo dhaawac tiradiisu intaas ka badan tahay oo ciidanka Somaliland kasoo gaadhey weerarkii saaka dhexmarey ciidanka Puntland. Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland waxay sheegeen ka sakow khasaaraha dhimashada ciidanka Somaliland inuu jiro gaari dagaal oo laga gubey Somaliland ka dib markey ku eedeeyeen ciidankoodu inuu soo weeraray mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland. Dhinaca kale wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu jiro dhaawaca labo askari oo mid ka mid ah sahlan yahay oo ciidanka Puntland kasoo gaarey iska hor imaadkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Tukoraq. Isku soo wada duuboo xaalada labada dhinac ayaa u muuqata saansaan colaadeed oo qarka u saaran inuu ka dhex qarxo dagaal balaaran. Aaga Tukoraq PUNTLAND POST The post Faahfaahin iska hor imaad saaka dhexmaray Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]-Ururka dhallinyarada ee Africa Development Organization oo xaruntiisu tahay magaalada Bosaaso ee gobalka Bari ayaa 16 neef oo deeq ah ku wareejiyey howl wadeenada ka shaqaya mashruuca dhismaha wadada isku xirta Ceeldaahir-Ceergaabo oo hada uu dhismeheedu marayo meel gabo gabo ah. Dhalinyaradan ku midayasn Ururka ayaa Mihiimadoodu waxa ay ahad sidii ay waxa ugu darsan lahayeen dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo . Wareejinta deeqdan ayaa waxa ay ka dhacday xafiiska shaqaalaha wadada ee magaalada Midigale gobalka Sanaag. Gudoomiyaha Ururka Cabdirisaq Aadan Shir iyo Ciise Maxamed Cali Xoghayaha Arimhaa Dibada Ee Ururka ayaa waxa ay sheegen in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb qatan dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo waxana ay tilmaamen in deeqdan ayasna noqon doonini tii ugu danbeyesay oo ay Ururku aya ku taageeran shaqalaha gacanta ku haya wadada lakiin ay sii wadi doonan taageeradan. Maxamed Axmed kulan Madax fulinta mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa uga mahad celiyeye Ururka dhalinyarada ee Afrika Development Organization sida wanagsan ay u garab tagan yihiin dhameystirka wadada kana gudoomay deeqadan. The post Ururka Africa Development Organization Oo 16 Neef ku wareejiyay Gudiga wadada Ceeldaahir-Ceergaabo appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhaba ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ka furmay shirka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyad Soomaaliya, kuwaasi oo halkaasi gaaray shalay, sheegayna inay ka arrinsanayaan arrimaha khuseeya maamuladooda. Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxaa ay sheegeen in shirkan looga arrinsasanayo arrimo ay kamid yihiin amniga iyo sidii ururka Alshabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan. Arrimaha amniga oo ay ka qeybgalayaasha maanka ku hayaan ayaa waxaa jiray shir dhawaan lagu qabtay Belgium-ka, halkaas oo uu ka qeybgalay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre, balse madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in dowlad goboleedyada aanan shirkaas lagu martiqaadin. Madaxda ayaa waxaa kale oo ay intaa ku dareen in sidoo kale ay ka arrinsanayaan qeybsiga kheyraadka dalka iyo in ula-jeedada ugu weyn ee laga leeyahay shirkan ay tahay sidii wax iyaga ay isku waafaqsanyihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da. Furitaanka shirka ayaa madaxda waxaa kale oo ay xuseen in doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sannadka 2021-ka ay qeyb ka yihiin ajendaha shirka. Ma jirin cid ka socotay dowladda federaalka oo ka qeyb gashay shirka Baydhabo, waxaana shirkan uu imaanaya iyadoo bishii Maarso loo ballansanaa shir ay ka wada qeyb geli lahayeen madaxda maamulada iyo dowladda federaalka, kaasi oo la filayay inuu ka dhaco isla magaalada Baydhaba, lana doonayay in looga hadlo ammaanka dalka. Lama oga sababta uu shirkaas u baaqday. Xiriirka qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kadib markii ay isku khilaafeen go’aanka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka qaar kamid ah dalalka carabta. Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Islaam, Axmed Madoobe oo dhawaan booqasho ku tegay dalka Imaraatka ayaa markii uu dib ogu laabtay magaalada Kismayo waxaaa uu sheegay in dowladda federaalka ay dhinac uga weecatay go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay ka qaadatay khilaafka ka jira dalalka khaliijka. Sidoo kale madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas oo ah guddoomiyaha golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dhawaan mar uu booqasho ku tegay dalka Imaraatka waxaa uu madaxda Imaraatka ka codsaday inay sii wadaan taagerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya. Hadlka madaxweyne Gaas ayaa yimid, iyadoo xiligaasi dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay sheegtay inay joojinayso iskaashiga milateri ee ay la leedahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu – Hundreds of representatives from Somali society are gathered today in the capital, Mogadishu, for the second day of a national constitutional convention, with the event marking the start of a review of Somalia’s federal constitution that will produce a new political charter for the Horn of Africa country by 2019. Source: Hiiraan Online
-
BERLIN — German authorities have charged a Somali man who allegedly was a member of the foreign extremist group al-Shabab and is accused of attempted murder and assistance to murder. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale. Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Khudbad ka jeediyay Shirka ka socda Magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka dhabeyn Balanqaadyadii Shirkii hore ay u yeesheen Golaha Amniga Qaranka. Waxaa uu sheegay in Shirka Maanta ka furmay Baydhabo uusan aheyn mid dowladda Soomaaliya lagu duminaayo laakiin uu yahay Shir lagu saxaayo Khaladaadka jira. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay Cidii imaan laheyd 2020-ka taasina ay tahay wax laga xumaado, maadaama la doonaayo inta kasokeysa in si aad ah loo shaqeeyo. Waxaa uu sheegay in hadda la dayacay Shaqooyin badan oo laga doonayay in ay qabato dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in dadka Soomaaliyeed si dhab ah wax loogu qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismayo (HOL) - Al-Shabaab officials in Middle Jubba have announced the defection of a Jubaland official to the militant insurgency group. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale. Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay. Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa weerar ku qaaday hab-dhaqanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanadeeda siyaasadeed. Isagoo Khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayuu shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer martay qodobo badan oo hore loogu heshiiyay, isla markaana isku koobtay dhaqaalihii dalka. Madaxweyne Gaas in dowladda Soomaaaliya loogana baahan yahay inay la timaado isbadel dhan walba ah, laakiin aysan ku Mashquulin waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey: “Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”. Waxaa uu si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas. Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Gaas ayaa ku adkeysatay sheegay in Maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan tallaabooyinka Masiiriga ah ee Dowladda Soomaaliya qaadeyso oo aysan keligeed go’aan iska gaarin, talo-na ay ku leeyihiin sidii dalka loo hoggaamin lahaa. Wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan 95% dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in waliba ay dowladda federaalka kala tashato, halka dowladda ay joogto oo kaliya magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Isbuuc Kadib oo askar Kenyaantiga ah lagu laayay qarax ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ayay baroortu kasoo yeeraysaa shacabka Kenya ee wiilashooda usoo diray dagaalka ka socda gayiga soomaaliyeed. Qoyskaan kenyaatiga oo ku nool magaalada kiliifi oo 56 kiloowmitir waqooyi bari uga began magaalada Mombasa ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah wiilashooda oo ka tirsanaa Mellatariga Wadanka Kenya uu ku dhintay qaraxii isbuucii la soo dhaafay ka dhacay xadbeenaadka kala qaybiya Kenya iyo Soomaaliya . Qoyskaan oo saxaafada wadanka Kenya la hadlay ayaa sheegay in wiilkooda oo lagu magacaabo Heenri Mataano oo da’diisu ay aheyd 51 jir uu ka mid ahaa 12 askari oo ka tirsanaa malatariga Kenya kuwaasi oo lagu dilay qarxii ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey . Askarigan kenyaatiga ah ee la dilay ayay qoyskiisu sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada deggan xerada millatari ee Niyaali ee ku taalla magaalada Mombasa , waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu kusoo wajahnaa gudaha wadanka Kenya kadib markii uu soo dhameystay wax ay ku tilmaameen howllo uu ka hayay gudaha Soomaaliya . Qoyska askarigaan ka tirsanaa Melleteriga Kenya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin qaabkii ay u noolaan lahaayeen maadaama uu Askarigaan ahaa qofka kaliya ee biilka reerka bixin jiray . Hrikeel Haari, oo ah armalada Askarigaan la dilay oo u warrantay Saxaafadda ayaa sheegtay in markii ugu dambesay ee ay ninkeeda la hadasho ay aheyd habeenkii sabtiga aheyd balse ay si wanaagsan isku maqli waayeen sababao la xariiri anteenada telefoonka oo aan wanaagsaneen balse uu maalintii Axada aheyd ee ku xigtay geeriyooday “waxaan aad uga murugsanahay sidii aan u korin lahaa waxna u bari lahaa 5 Carruur ah ee aan dhalnay, Aabohood waxaa uu lahaa himilooyin aad u waa weyn oo ku aaddan carruurtiisa 5-ta ah ” ayey hadalkeeda sii raacisay Qoyska Askarigaan kenyaatiga ee ku dhintay Qaraxa Al Shabaab kula beegsadeen duleedka Magaalada Dhoobleey ayaa sheegay in wiilkooda uu ku biiray Ciidanka Kenya sanadkii 1989-kii ,uuna ciidamada ka tirsaan muddo 29 sana ah . Sidoo kale nin saaxiib dhow la ahaa Askarigaan dhintay oo magaciisa ku sheegay kombo mawasudi ayaa isaguna saxaafada u sheegay in taleefoon looga soo diray Saldhiga Ciidanka Niyaali iyadoona lagu wargaliyaya geerida Saaxiibkiisa . “Inta badan aniga iyo Heenri waxaan isku raaci jirnay xerada niyaali ee magaalada Mombasa, halkaasi oo uu isagu ka shaqeyn jiray, markii uu qaraxa ka dhacay Somaliya teleefon ayaa waxaa ii soo diray Askar kale oo igu wargaliyay weerarka dhacay iyo geerada saaxiibkey ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mawasud”i . Wargeyska The IStaandar ee ka soo baxay wadanka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qoys oo kale oo kenyaati ah oo ku dhaqan Mombasa oo uu ku jiro qoys deggan deegaanka Mawakirunge ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaraabadooda oo ka mid ah ciidanka Kenya ay ku dhinteen qarax ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey . Melleteriga Kenya ayaa khasaara lagu gaarsiiyay dagaallada ka holcaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, weerarada dhabbagallada ah, qaraxyada iyo weerarada xoog kugalka ah ee Al Shabaab ku beegsado melleteriga KDF ayaa dhaliyay dhimashada boqolaal askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
New York (HOL) - One of Somalia’s most accomplished diplomats, Abdulrahim Abby Farah, has passed away early Monday morning at his home in New York. He was 98. Source: Hiiraan Online
-
New York (HOL) - One of Somalia’s most accomplished diplomats, Abdulrahim Abby Farah, has passed away early Monday morning at his home in New York. He was 99. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah. Shirka ayaa waxaa si rasmi u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Shirkaan kii ka horeeyey ayaa waxaa lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana shirkaas uu kusoo aadayaa xilli khilaafka ka dhaxeeyo dowladda Somaliya iyo amamulada qaar waxaana ka mid ah Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Puntland oo siyaabo kala duwan hadalo ugu weeraray dowladda dhexe ee Somaliya. Ammaanka Baydhbao ayaa aad loo adkeeyay,iyada oo martigeliyaha shirkaas ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Maamulkiisa uu u sameeyey ciidamo gaar ah oo amniga xaqiijiya. Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay. Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.
-
Baydhabo (PP) ─ Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa goor-dhaw ka furmay shirkii labaad ee Madaxda maamullada dalka ee la baxay golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyada, iyadoo shirkan uu kusoo beegmay xilli xasaasi ah. Shirkaan, ayaa waxaa si rasmi u furay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad-goboleedyada. Billowga shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedinaya madaxda dowlad-goboleedyada, waxaana intaas kaddib la guda-geli doonaa shirar albaabadu u xiran yihiin oo ay madaxdu kaga doodi doonaan qodobbo kala duwan. Sidoo kale, Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad-goboleedyada waddanka ka jira ayaa u fadhiya diyaarinta war-murtiyeedka shirka laga soo saari doono. Madaxda shirkan ka qayb-galaya ayaa kala ah; Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Iyadoo shirkan aysan goobjoog ka ahayn xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale, Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada ayaa kusoo aaday iyadoo mar kale uu dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, kaasoo salka ku haya khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka Carabta. Ugu dambeyn, Golahan oo markiisii hore lagu dhisay Kismaayo ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobbo ay ku mideysan yihiin maamullada dalka ka jira, inkastoo aan la ogeyn saameynta ay qodobbadaas yeelan doonaan. PUNTLAND POST The post Shirkii Golaha Iskaashiga Maamulada Dalka oo goor-dhaw ka furmay degmada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Farmajo’s administration is packed with diaspora Somalis holding dual citizenship, who returned from Europe, North America, and Australia. Diaspora Somalis from these continents represent less than 30 percent of the estimated 2 million Somali immigrants abroad; and about 5 percent of the total Somali population. However, politically they disproportionately dominate state institutions, at federal and state levels. For our purpose here, attention will be devoted to the Federal Government of Somalia (FGS). Details are sketchy, as government officials do not feel or believe that they ought to disclose their association with foreign powers through citizenship or any other affiliation. Nevertheless, information compiled from different sources indicates that they have established and maintain a firm foothold in all branches of the Federal Government (FG), especially the executive and legislature. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo aad uga Barteen Shirkadda BECO Korontada Qiimo Dhimis ayaa Shir Jaraaid oo ku saabsan Qiimo Dhimis Hor leh Shirkada ay ku sameysey Adeegeedii Korantada ee Bulshada Soomaaliyeed ku qabatey Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda weyn, waxaana Shirkaan jaraaid ku sugnaa Madaxda Shirkada BECO. Shirkaas Jaraaid waxaa ka Hadley Madaxa Howlgelinta Shirkada BECO Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey Heerarkii Qiimo Dhimis ee ay Shirkada Soo Martey tan iyo Markii Shirkada ay Midowdey si ay Macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso Shirkada BECO. “ Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxay Qiimo Dhimis ku sameysey Adeegii Koronta oo ay gaarsiisey 48% kaasoo markii hore uu ahaa 55% , ujeedkuna waa sidii Macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan loogu Daneyn lahaa” sidaa Waxaa yiri Madaxa Howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in Qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas Taagnaada waxaa uu sii raaciyey. “ Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay Fursad ku heli lahaayeen Warshada yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado “ Waxaa uu sheegey Mudane Cabdirisaaq in Qiima Dhimsta Shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u Foq taasoo aan dooneyno in Shacabka Soomaaliyeed helaan Koronta Raqiis ah oo la jaan qaadi karta Caalamka. Ugu Dambeyn Mudane Cabdirisaaq waxaa uu Carabka ku dhuftey in Qiima Dhimistaas ay bilaabanayeso Bisha lagu Jiro sidoo kale waxaa uu sheegey in Qiima Dhimistaan ay ku soo beegantey Xili loo diyaargaroobayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan si Bulshada u helaan Koronto raqiisa maadaama Bishan la isticmaalayo Xadi koronto badan
-
WaxaaTaariikhdu Markey ahayd 13/5/2018 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir xafladaas oo ku saabsaneyd dhismaha guddiga Nabadda Degmadda Kaxda, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha nabadgelyada Degmada Waxaa hadalo talo soo jeedin iyo waxyaabahii ay soo qabteen Guddiyadda nabadda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka soo jeediyey Marwo Deeqo Maxamed Muuse iyo Cabdulle Yalaxow Maalin. Waxayna sheegeen in Gidiyada Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ay yihiin kuwa mar waliba loo baahan yahay maadaama Nabada ay qayb ka tahay Nolosha bulshada Intaa kadib waxaa ujeedada Guddigaan iyo qaabka ay u shaqeynayaan ka hadlay Madaxa Barnaamijyada Hay’adda SOYDEN Aweys Nuur isagoo sheegey in Hay’adda SOYDEN ay tahay Hay’adda fududeyneysa howshaan iyadoo la kaashaneysa hey’adda Conflict Dynamic International (CDI). Madaxa Barnaamijyada Hay’ada SOYDEN waxa uu sheegey in codsi uga yinid maamulkii hore ee Gobalka Banadir ay isku xilqaameen sidii degmadan cusub looga hirgelin lahaa guddiga nabada isagoo hoosta ka xariiqey in Amniga iyo nabada kala maarmin, Sidaa Darteed amnigana lagama shaqeyn karo haddii aan nabada la xoojin sido kale nabada ma waareyso haddii aysan jirin Amni sugan marka waxaa muhiim ah in nabada laga shaqeeyo. Waxaa magaca Degmadda martida loo ahaay isla markaan guddiga laga dhisaayay magaceeda ku hadashay gudoomiyaha ururka haweenka degmada kaxda Marwo Aamino Mursal Cabdi,waxay sheegtey in Gudiyada Nabada ee Deegaan waxaa uu Muhiim u yahay Bulshada halkaas ku dhaqan si ay u gaarto Horumar la taaban karo. Ugu dambeyn waxaa kulankii furay gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Xasan Ali Malaay waxaana uu u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Gudiga nabada Degmada Kaxda gaar ahaan Hayada SOYDEN oo uu sheegey in ay tahay Hayad u Tagaan sidii Somaaliya uga dhalan lahayd Nabad Hadaba shirkaan ayaa soconaayo mudo 3 maalmood iyadoo lagu dhisaayo guddiga nabadda degmada Kaxda.Ujeedada ka dambeysa dhismaha guddigana waxa ay tahay sidii loo xoojin lahaa nabadeynta bulshada ku nool gobalkan Banadir gaar ahaan degmada Kaxda oo ah degmadii u dambeysey ee laga dhiso gobalka. Guddiga nabada oo noqon doono hay’ad heer Degmo ah kana shaqeyn doonta xoojinta iyo abaabulida howlaha nabada lagu dhisaayo taas ayaana ah sababta ka dambeysa in gudigaan maanta laga dhiso degmada Kaxda. Hay’ada SOYDEN waxa ay hore uga dhistey gudiyo nabadeed degmooyin gaaraya ilaa 29 degmo kuwaas oo laga hirgeliyey maamul Gobaleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed kuwaas oo ay ku jiraan 16 degmo ee hore uga biirey Gobalka Banadir. Hay’ada SOYDEN waxa kale oo ay gacan ka geysataa sidii gudiyada nabada iyo maamulada degmooyinka iskala shaqeyn lahaayeen nabadeynta bulshada ee heer Degmo, waxeyna tababaro kala duwan oo ay ka mid yihiin sida looge digo colaada loogana jawaabo inta Khilaafka uusan gaarin meel fog ay siisay gudiyadaas aan kor ku soo xusnay
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Smalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay kala wareegto ciidamada AMISOM hawlaha ammaan ee dalka ka hayaan si loo suuro-geliyay qorshaha kala guurka ah ee ay ciidamada Midowga Afrika kaga baxayaan Somalia. Cabdi Muuse Cali oo ah la-taliyaha dhanka ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi wadajir ah oo ka socda AMISOM, Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameynayaan sidii ay u suuro-geli lahayd in Ciidamada Somalia ay ugala wareegi lahaayeen AMISOM hawlaha ammaan ee dalka ay ka hayaan. “Qorshahan waa mid lagu doonayo in la suuro-geliyo in ciidanka Somalia ay la wareegaan amaanka guud ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay AMISOM iyo dowladda Somalia. Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Dowladda Somalia ay ka mahad-celinayso dadaalladii ay beesha caalamku ku bixiyeen sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd mid xasilloon. “Somalia waxay haatan diyaar tahay inay ka shaqeyso ammaanka guud ee dalkeeda, waana qorshe billow u ah in mas’uuliyadda mustaqbaka dalka ay si dhab ah ula wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdi Muuse. Gudddiga wadajirka ah ee ka shaqeynaya hawsha amniga Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Somalia ayaa kulammo la qaatay dhinacyada ay arrintan quseyso, si loo hir-geliyo qorshaha kala guurka ah ee sannadaha soo socda dhacaya. Ergayga Midowga Afirka ee Somalia, Danjire Francisco Madeira oo isagna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay mar walba diyaar u yihiin fulinta qorshaha ay kaga baxayaan Soomaaliya. “Waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka siinno Dowladda Somalia qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso ciidammo awood leh oo mas’uuliyadda amniga ee dalka kala wareega AMISOM, mana ahan ciidammada oo keliya, waxaanan ka qayb-qaadanaynaa dhismaha hay’adaha dowladda oo dhan,” ayuu danjire Madeira ku yiri hadalkiisa. Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan ay ka hadleen dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia ka bixitaankooda xilliga soo socda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ciidamada Somalia aan weli loo tababarin sidii ay amniga ugala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post DOWLADDA SOMALIA: Diyaar ayaan u nahay in AMISOM aan kala Wareegno Amniga Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa sheegay in ku dhawaad Saac uu socday iska horimaadka. Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland. 72-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Tukaraq laga dareemayey xiisad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay weli socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddaasi. Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq. Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PM Khaire takes security tour of Mogadishu ahead of Ramadan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire, the Minister of Security and military officials inspected parts of Mogadishu on Sunday evening ahead of the holy month of Radaman. Source: Hiiraan Online -
Baydhabo (Caasimadda Online) – Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed uu ka fumo Shirka Madaxweyne-yaasha maamul goboleedyadda, kaasoo looga hadli doono arrimo dhowr ah. Ajandooyinka kulanka diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, xiisada Khaliijka iyo go’aankii xukuumada Muqdisho ka qaadatay, xaalada amaan ee dalka guud ahaan, fatahaadaha Wabiyada iyo qodobo kale oo muhiim ah. Madaweyne-yaasha shanta dowlad goboleed, ayaa guud ahaan gaarey shalay Baydhabo, iyagoo xalay xarunta madaxtooyadda Koonfur Galbeed ku yeeshay kulamo gooni-gooni ah iyo kuwa wadajir ah. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha lagu fallanqeyn doono ay kamid yihiin amniga, bini’aadanimada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka. “Marka la dhaho, Madaxda maamulada ayaa kulmaya, dadka inta badan maskaxdooda waxaa kusoo dhaca siyaasad, ee ma ahan sidaas, waxaan kaloo ka hadleynaa horumarka dalka, dhibaatada Shabaab iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isana sheegay in kulankaan uusan ahayn mid lagu burburinayo Soomaaliya, laakiin kawada xaajoon doonaan wax walbo oo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed. “Kulankaan aan isugu nimid ma ahan mid dhibaato wada, waa mid faa’ido ah. Hadii ALLE raali ka noqdo, waxaan rajeynayaa in kulanku uu noqdo mid ay kasoo baxaan danta, Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayuu Axmed Madoobe tilmaamay. Dhinaciisa, Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo isana qadar kooban wareysi siiyay wariye-yaasha ayaa tilmaamay inuu rajeynayo in shirka mudada uu socdo ay xooga ku saaraan wax walba oo muhiim u ah dalka “Amniga wuxuu noqon doonaa ujeedada 1aad, maadaama Al-Shabaab yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Shacabka, sidaas darteeda kulankaan waxaan ka rajeynaynaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo ka hadla arrintaas,” ayuu Waare tilmaamay. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, kaasoo isana kamid ah madaxdii gaartay halkaas, ayaa isana carabka ku dhuftay in shirkaan qodobada looga hadli doono ay yihiin kuwa ay u arkaa inay ku jirto mas-laxada umada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ma uusan la hadlin warbaahinta markii uu ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Mid walba oo kamid ah hogaamiyaashan ma uusan soo hadal-qaadin khilaafka mudooyinka dambe soo ifbaxay, ee qaarkooda kala dhaxeeya dowlada Federaalka iyo xiisadda Khaliijka, laakiin waxaa la sheegayaa inuu Ajande-yaasha uu kamid yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com