Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ee dib loo doortay Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dowlado badan oo aad uga xun guusha uu ka gaaray doorashada xorta ah ee kadhacday dalkiisa. Recep Tayyip Erdogan oo la hadlaayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay ka feejignaayen faragalin dibadda uga timid, waxa uuna cadeeyay inay badan yihiin cadowga kasoo horjeeda guushiisa. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tusaale usoo qaatay guushiisa inay ka xumaayen dowladaha Mareykanka, Yurubta iyo tirro dowlado carbeed oo uu sheegay inay dugaashadan reer galbeedka. ‘’Reer galbeedku uma suuroobin inay la dagaalamaan guusheyda waayo waxa an ciribtirnay dhammaan qeybaha siyaasiyiinta ay ku xirnaayen reer galbeedka iyo dowladaha carabta ee aan rabin guusheyda’’ ‘’Reer galbeedku waxa ay noo dhigeen dabino badan oo dhaxalgal u noqonkaray guul darro igu dhacd, waxaan mar waliba ku kalsoonaa alle iyo dadka shacabka ah ee aadka u jecel guusheyda’’ Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tilmaamay in mudada uu heyn doono xilka inuusan ka raali noqon doonin dowlad shisheeye oo faragalin ku sameysa dowlad islaam ah, waxa uuna cadeeyay inay badan tahay dhagarta reer galbeedka. Recep Tayyip Erdogan, waxa uu cod dheer ku sheegay in haddii lala tashan lahaa reer galbeedka iyo dowladaha carabta qaarkood ay burburi laheyd turkiga hase yeeshee aysan iminka dhici doonin. Sidoo kale, Recep Tayyip Erdogan, oo ka hadlaayay guushiisa ayaa sheegay in meel fagaaro ah uu kula farxi doono shacabkiisa maadaama uu yiri ay guushiisa sabab u ahaayen. Dhinaca kale, shacabka dalkiisa ayuu ugu baaqay in mar waliba ay ka fogaadan dugaashiga reer galbeedka oo uu sheegay inay tahay khatar iyo diin xumi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka badbaaay Qarax la doonaayay in lagu khaarijiyo xili uu khudbad u jeedinaayay kumanaan shacab Ethiopian ah. Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo saacado kadib Qaraxa magacaabay guddi baaritaan ayaa sheegay in dowladiisu ay aqbali doonto natiijada kasoo baxda baaritaanka. Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday baaritaan qaatay muddo laba cisho ayaa sheegaya in baaritaanka lagu ogaaday cida ka danbeysay Qaraxa lagu khaarijin lahaa Abiy Axmed. Guddiga baaritaabka oo ka koobna ilaa 12 Khubaro ku xeeldheer arimahaasi ayaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed u gudbiyay in Qaraxaasi aysan ku lug laheyn Kooxo argagixiso. Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in Qaraxa uu yahay mid looga soo horgeedo Siyaasada cusub oo ay qaadatay Ethiopia, taa oo lagu muujinaayo furfurnaanshi Siyaasadeed. Guddigu waxa ay baaritaanka ku ogaaden in Qaraxa ay geysteen Xubno ka tirsan Mucaaradka Ethiopia kana soo jeeda Qowmiyada Tigree. Guddigu waxa uu qoraalkiisa hordhaca ah intaa ku daray in Qaraxa loo hayo ilaa iyo afar xubnood oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada ee kasoo jeeda Qowmiyada Tigree. Qowmiyada Tigree oo uu ka dhashay Milazanaawi ayaa aad uga soo horjeeda Siyaasada Ra’isul wasaare Abiy uu ku doonaayo in wadahadal lagula galo Dowlada Eriterea. Tigree, waxa ay sidoo kale doonayaan in talada dalka laga saaro gacantooda waxa ayna rumeysan yihiin in Heshiiska lala galaayo Etiterea uu dhabar jab ku noqon karo Ethiopia, waana tan keentay inay qalqal amni galiyaan nolosha Ra’isul wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale, Kiiska Qaraxa oo u muuqda mid sii fogaaday ayaa waxaa iminka ka qeybqaadanaaya Khubaro ka socta FBI-da Mareykanka sababo la xiriira in Qowmiyada Tigree aysan baaritaanka Dowlada u fahmin mid lagu faquuqayo. Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa iminka rumeysan in Qaraxa la doonaayay in lagu khaarijiyo aysan ku lug laheyn Ururo argagixiso balse uu yahay mid ay ku lug leeyiniin mucaaradka Tigree. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Fariida Karoney oo ah wasiirka arrimaha dhulka ee Kenya, ayaa sheegtay in la hakiyey hawlihii sahminta iyo dhismaha derbiga laga waday xuduudka Somalia, kadib, markii la waayey kharajkii lagu socodsiin lahaa. Waxay tilmaamtay in la dhisay 24 km oo ka mid ah 150 km ee uu ka koobnaan doono dhismaha derbigaasi, iyadoo sahminta iyo khariidaynta mashruucaasi la bilaabay sannadkii 2016-kii. Dowladda Kenya waxay u qoondeysay in ka badan 5.6 billion oo dollar, si loogu calaamadeeyo, looguna dhiso xuduudaha caalamiga ee ay Kenya la leedahay Somalia iyo dalalka kale ee deriska. Hadalka ka soo baxay dowladda Kenya waxa uu ku soo beegmay heshiiskii madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan ku gaareen in gebbi ahaan la joojiyey dhismaha derbiga laga dhisayo xuduudka labada waddan, kaasi oo xiisad diplomaasiyadeed iyo mid amni-xumi ka dhex abuuri karta labada waddan, gaar ahaan deegaanadda ku teedsan xuduudka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  4. The duel between Somaliland and Puntland seems to be far from ending, with each asserting their ownership of the disputed Sool in the latest altercation. Somaliland Information minister Abdurahman Abdullahi Guri-Barwaqo has reacted strongly to Puntland’s claim to the disputed region. Briefing the Press in Hargeisa, about 1,600km northwest of the Somali capital Mogadishu, Mr Guri-Barwaqo stated that Puntland’s claim was a breach of Somaliland’s sovereignty. The president of Puntland, Dr Abdiweli Mohamed Ali Gas, on Saturday stated that Sool was part of his territory. Somaliland, which unilaterally declared independence from the rest of Somalia in 1991, claims the former British Somaliland Protectorate, which joined with the former Italian Somalia to form the Republic of Somalia on July 1, 1960. Closely related President Gas, while addressing the semi-autonomous authority’s parliament in Garowe town, 1,000km northeast of Mogadishu, reiterated that Sool and Sanag were part and parcel of Puntland. He justified his statement insisting that the clans in the two regions were closely related to the others the in Puntland. “There is no such a thing as Somaliland borders. The inhabitants of Sool and Sanag regions belong to Puntland,” said President Gas. He said further that the British left the region a long time ago and their administrative units could not be allowed to divide the local clans. British colonialists The Somaliland President Muse Bihi Abdi, Dr Gas asserted, should wake up to the reality on the ground. “I want to tell Muse Bihi that his claims that Las Anod, Hudun and Taleh (in Sool and Sanag regions) were inherited from the British colonialists were wrong,” President Gas stated. “I tell him that Las Anod is not London, Hudun is not Birmingham and Taleh is not Cardiff.” However Mr Guri-Barwaqo retorted that in this age and time, people respected borders, not clan affiliations. Local inhabitants Somaliland in the northwest, declared independence from the rest of Somalia in 1991, but has since failed to win international recognition. Puntland was established as a semi-autonomous authority in 1998, but remains a member state of the Mogadishu-based federal government of Somalia. The two authorities bitterly dispute the ownership of Sool and Sanag in northern Somalia and their two armies have used all sorts of weapons since early May in repeated confrontations at Tukaraq District, about 1,100km northwest of Mogadishu. Hundreds of people are assumed to have died from both sides, while thousands of the local inhabitants have fled the area fearing for their lives. The East African
  5. HARGEISA– A two day gathering aimed at discussing on refugee and Internally Displaced People (IDP’s) kicked off in Hargeisa yesterday. The mission of the meeting was to put in place a plan dealing with refugees in Somaliland for the five years to come. This was attended by head of IDP’s and Refugee Agency and local and international organization that are engaged on refugee matters. Hon. Abdikarim, the chairman of IDP’s and Refugee Agency in Somaliland who made an opening remarks at the meeting has said that the gist behind the conference is to come up with plans that will be implemented for the years to come pertaining to refugees. Mr. Xinif has said that the objective behind the gathering is to come up with the exact number of IDP’s and refugees currently living in Somaliland. He stated that the IDP’s include of Somaliland nationals that have been displaced by recurring wars in Somalia. The Head of IDP’s and Refugee Agency has announced that plans underway to get registered all IDP’s in Somaliland and refugees where the government will issue identification cards. The chairman said that the agency will vet the IDP’s and refugees in order to know who is eligible for getting the identification.
  6. Nairobi (HOL) – A highly controversial Ethiopian Colonel who enjoyed a lengthy career as Addis Ababa’s point man in Mogadishu has been dismissed by IGAD (Intergovernmental Authority on Development). Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (HOL) – A highly controversial Ethiopian general who enjoyed a lengthy career as Addis Ababa’s point man in Mogadishu has been dismissed by IGAD (Intergovernmental Authority on Development). Source: Hiiraan Online
  8. The president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi has congratulated the people of the country for marking the auspice occasion of independence from Britain of 26 day of June 1960. Speaking from his office the head of state said that Somaliland will commiserate the 58thanniversary of independence from Great Britain. “I sent my heartfelt greeting and congratulatory message to all Somaliland nationals wherever they may be for tomorrow God willing will be the 58th anniversary of Somaliland’s self governance from the British colonial government. The country before this day had for about eighty years been fighting to gain control of her affairs from the colonial government.” President Bihi stated that Somaliland gained self determination before Djibouti and Somalia, and had internationally demarcated borders like many African countries at the time. “Somaliland was the first country from Somali speaking countries to gain independence. W e also have some regions of Somali speaking people in Ethiopia and Kenya however Somaliland gained independence ahead of Somalia and Ethiopia. This was before the AU 1964 declaration on African countries boundaries.” President Musa said. The president sent a peace message to Somalia he has these to say “To all those people who speak the Somali language I declare that Somaliland is a country at peace with herself and want peace with all her neighbors. Somaliland has suffered as a result of ill fate union with Somalia and for the pas t 27 years has enjoyed peace and prosperity. It is not ready to start another conflict to return backward to many years of poor economical development and ignorance.” By: Solnanews.com
  9. Your Excellency, we feel your energy, positive spirit and we clearly hear your message, the message of peace and prosperity; and we also share your vision of creating union of horn of African countries. But, we are asking what kind of union? 1) Is it win-lose union (Master-slave union) where the strong dictates his terms on the one less strong; or 2) Is it win-win union (master-master union) where all the countries are equal and all have equal voice on the table. We are visioning the latter. You Excellency, Somalia were a failed state for more than twenty years. For the past eight years, the international community and African Union thankfully have put a huge effort in Somalia to help it stand on its feet. It came a long way yet it still needs help to survive. It just started to gather its pieces and started building its institutions. Your Excellency, there are two options before the neighbors with respect to Somalia: 1) Exploit the situation of Somalia and take over the country gradually against the will of its people. Or 2) Play the role of good neighbor – help them stand on their feet; help them hold general election that will produce a representative government. This will be the legitimate government that could enter into agreements on behalf of its people. We recommend that the neighbors chose the latter option. Why? You will win the hearts and minds of Somalis and get lasting friendship. Friend in need friend indeed. Your Excellency, Somalis had a rough history with Ethiopia, history of conflicts and wars for past five centuries, induced by the colonial powers to my limited knowledge. In Islamic history we read that the Christian king of Habasha (Abyssinia), Najashi was a just king and treated people with fairness. Prophet Muhammad PBUH sent some of his companions to king Najashi to take refuge in his kingdom from aggressions of Quraish of Makkah, in the beginning of the 7th century. Since then, the relation between the Christians and Muslims of Horn of Africa was a relation of peace and coexistence. Your Excellency, your Oromo community was disadvantaged, oppressed and sidelined in Ethiopia for so many decades if not centuries. I believe you understand to your core the effect of bad treatment, oppression and unjust. Your excellency, there is an opportunity of great magnitude before us, and under your leadership we could take the necessary steps to change the course of the history and create shared prosperity and success for the people of horn of Africa, and restore the peace and coexistence that it once enjoyed in the past; in an atmosphere of mutual respect and focusing on the common interest. We are hopeful you will rise to the occasion. Your excellency, in Somaliland we have made the decision to withdrew from the union with Somalia 27 years ago and restored Somaliland independence, after the central government – lead by the late dictator Siyad Bare – waged a war – employing scorched-earth-policy – against our people which resulted in the death of tens of thousands and displacement of hundreds of thousands of our people and destruction of all major cities. Thanks to Ethiopia it provided a refuge for our people, we will never forget that favor. Indeed Ethiopia was and still a good neighbor and a friend, we really appreciate. Your Excellency, Somaliland willingly went through process of building its country starting with reconciliation, building government institutions, and democratization using its limited resources. Somaliland came long way but a lot remains to be done. Your Excellency, it is ironic and unfortunate that Mr. Farmajo, president of Somalia – who is also a close cousin of the late dictator Siyad Bare- and whose government can barely stand on its feet without the support of international community and African union forces – with your country carrying most of the weight. Mr. Farmajo is instigating war against Somaliland. He is sending arms and personnel to Puntland, but in reality using it for waging war against Somaliland to annex part of Eastern region of Somaliland. Your Excellency, you cannot believe his justification (as highlighted by Puntland Administration). They are waging war because members of president Farmajo clan inhabit part of this region of Somaliland!!! Your Excellency, can you imagine what will happen to our Horn of Africa region if such thinking and logic is allowed? The entire horn will turn into chaos. You cannot grab land by clan affiliation. Somaliland border reference is the one that was set by the colonial powers, and I believe is the reference of all African countries. Your Excellency, it is our responsibility as the citizens of this region that we shall not allow such thinking and logic to prevail. Your Excellency, it is a public knowledge both in Somaliland and Somalia that Mr. Farmajo is using the resources that was given to Somalia by the international community to instigate internal conflict in Somaliland, Your Excellency, we believe this is a deviation that should be noted, addressed, investigated and corrected. Your Excellency, you have before you an opportunity to do the right thing and set the history our region to a different direction, a direction that will lead to regional harmony and prosperity. We support union that is based on mutual interest; mutual respect and sovereignty of member countries are not undermined. Who I’m I? My name is Ahmed Omar. I admire your thinking, energy, positive spirit and share your vision of creating union of horn of Africa. Thank you. Ahmed Omar, Jeddah – KSA: email – ahmed.omarsom@gmail.com
  10. The government of Somaliland has refused to attend a conference by donors for Somaliland and Somalia in Brussels, Belgium. The donors meeting which is expected to start on 26-28 July 2018 is expected to contribute money to the Somalia development agenda which many countries are suspicious of because of the endemic corruption in Mogadishu. According to confidential information the Horn Newspaper intercepted confirmed that the Somaliland government received official invitation however it decided not attend because the meeting serb=ves the interest of the Somalia regime and Somaliland has nothing to gain. There is no official statement from the Somaliland government as to why it rescinded to attend the meeting. The government of the former president Silanyo once in 2014 refused to attend another meeting of its kind held in Denmark whereby Somalia was the focus of attention. In another instance in 2013 the same Silanyo administration did not take part in a conference held in Belgium. This is the third international conference the Somaliland government has shown a cold shoulder attitude and refused to embrace the agenda which is to support the corrupt Mogadishu regime. Even though the current government of president Musa Bihi has not spoken about this meeting the former president Silanyo cited the invitation of Mr.Hassan Sheikh Mohammud as the reason of his stay. However information reaching us confirms that Somaliland will not receive any special treatment and the development aid by donors will go through the Mogadishu regime. Horn
  11. HARGEISA—The president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi has sent a letter of complaint to the UN Secretary General Mr.Antonio Gutteres about the unbecoming behavior of his ambassador to Somaliland/Somalia Mr.Michael Keating. The president letter dated 18/6/2018 stated that the UN special representative to Somaliland and Somalia sent him a letter on 10/6/2018 which was one sided in response, inaccurate as to the facts, disrespectful in tone and not helpful at all regarding the ongoing conflict in Tukaraq pitting Somaliland and Somalia.s President Bihi wrote that when he first met with ambassador Keating the government of Somaliland assured him that three points will be implemented to the latter the cessation of hostilities, full access to humanitarian assistance and establishment of communications between the military commanders on the ground. This the president’s letter to the UN secretary general. The letter that angered the president Here in we bring to you the letter that president Musa Bihi refers in his address to the UN secretary general written to him by Ambassador Michael Keating…..
  12. The Head of State HE Musa Bihi Abdi has sent a cable of congratulations to Somaliland populace on the 58th anniversary of 26th June which Somaliland gained its Independence from the British Protectorate in the 1960’s. The President said that all Somalilanders at home and abroad now enjoy living in peace and a liberty after the long struggle for recapturing their independence. The President sent a message to Somali Federal Govt discouraging them not to instigate an animosity in the region. Hon. Musa Bihi has reiterated that Somaliland stands for peace and is not ready to engage warfare with its neighbors. The South (Italian Somalia) joined with Somaliland which was under the British protectorate to form the greater republic of Somalia in the 1960’s.
  13. Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxaa maanta gaarey ciidamo hor leh oo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland ay sheegeen inay yihiin ciidanka Kaydka Kumaandoosta ee Dowladda Puntland, Kuwaas oo la sheegay ujeedada ay halkaas u tageen inay la xidhiidho ka qeybgalka dagaalka Puntland kula jidho Somaliland. Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland General Muxuyadiin Awmuuse, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa kusoo dhaweeyay ciidanka maanta gaarey Aaga Tukaraq oo ay horey fariisimo ugu lahaayeen ciidamo farabadan oo ka tirsan Dowladda Puntland. Xiisada colaadeed ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa marba marka kasii dambeysa, wallow dhawr mar oo horre la sheegay in lagu guuldareystay jawi wada hadal qorshuhu ahaa in laga dhex abuuro labada dhinac. Dagaalo culus oo labo goor oo horre deegaanka Tukaraq ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya boqol qof oo ah askarta labada dhinac. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Puntland oo ciidamo kayd ah ku daabulaysa Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  14. Xubnaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa isniinta maanta ah meel-mariyay ajandaha kal-fadhigooda 41 aad oo maalin ka hor furmay. Dhammaan mudanayaashii soo xaadiray kulanka saddexaad ee fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa cod buuxa ku meel-mariyay ajandaha oo ka kooban 12 qodob,waxaana qodobada ugu waaweyn kamid ah; 1)warbixinno laga dhegaysan doono guddiyada Baarlamanka 2)xog-wareysiga madaxweynaha ee amniga iyo difaaca Puntland 3)dhaqan-gelinta xeerka Tahriibta 4)hab-raaca iibinta hantida ma’guurtada ah iyo 5)Xisaab-xirka maaliyadda Puntland ee sannadkii 2017. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay meel-marinta ajandaha fadhiga Baarlamanka ayaa sheegay ,in xildhibaannadu aysan waxba ka beddelin ajandihii la soo diyaariyay oo ay cod midaysan ku meel-mariyeen,islamarkaana loo gudbayo qodobada ku xusan ajandaha,sida uu qabo xeer-hoosaadka Baarlamanka. Dhinaca kale ajandaha horyaalla xubnaha Baarlamanka Puntland ee maanta la meel-mariyay, ayaan gebi ahaanba lagu soo qaadin,wararka la xiriira mudda-kororsi la sheegay in ay doonayaan Golayaasha Puntland(Baarlaamanka iyo Xukuumadda) oo ay maalmahan dambe ka digayeen siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadda haatan talada haysa. Siyaasiyiin la baxay Puntland Focus Group, ayaa todobaadkii tegay qoraal ay soo saareen ka digay, in mudda-kordhin loo sameeyo xukuumadda ay halis gelinayso midnimada iyo wadajirka shacabka,islamarkaana ay qiiqayso dagaalka lagu soo celinayo degaannada maqan ee Puntland,hayeeshe madaxweyne Gaas ayaa horay u sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku qabsoomayso wakhtigeeda saxda ah ee ku beegan 8 Jen 2019. Halkaan ka akhriso qodobada ajandaha. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka jira in Baarlamanka Puntland uu mudda-kordhin samaynayo? appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ay shaacisay in dalka loo sameynaayo lacago cusub, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa tilmaamay inay wanaagsan tahay isticmaalka lacagta cusub balse waxa uu sheegay inay jirto caqabad ah sare u kac ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaliga. Guddoomiyaha Bankiga dhexe waxa uu sheegay in Sarifleyda ay caqabad ku yihiin lacagaha cusub ee imaan doona waxa uuna Hay’adaha amaanka faray in tallaabo sharci ah laga qaado shaqsiyadka abuuraya sicir barar. ‘’Waxaan Hay’adaha amniga farayaa inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan shaqsiyaadka caqabada ku ah sharciga ee abuuraya sicir bararka’’ ‘’Waxa ay amar u qabaan inay la tiigsadaan sharciga Bankiga Dhexe ayaa ka jawaabi doona cidii is hortaag ku sameysaa waayo dhibka ay dadka ceynkaasi ah ku hayaan dalka inaga ayaa og’’ Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, waxa uu sheegay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinaaya nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan ciddi ka shaqeysa sare u kac ku yimaada lacagta shilin Soomaaliga ah. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, wuxuu markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in lacagaha cusub aan lasoo daabici doonin muddo hadda dhow, balse inta aan lasoo daabicin ay usii gogol xaari doonaan hanaanka lagu dhaqan galin laha lacagta cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. The attack occurred in a packed public square in Addis Ababa as new Prime Minister Abiy Ahmed was wrapping up a speech before tens of thousands of people. “I’m so sorry to learn that we have lost another Ethiopian victim of yesterday’s attack,” Health Minister Amir Aman tweeted. Initially, one person was reported to have died, but Abiy himself emerged safe and sound. The chaos that erupted after the blast as panicked crowds moved towards the stage injured more than 150 people and marred an event meant to build public support for Abiy’s ambitious reform agenda. Ethiopian Broadcasting Corporation reported 30 people have been arrested on suspicion of involvement in the blast, along with a number of police officers. Police ‘showed weakness’ “Nine Addis Ababa police commission officials and members who showed weakness during the rally have been arrested, including the deputy Addis Ababa police commissioner,” the state-run broadcaster said on Facebook. Event organiser Seyoum Teshome on Saturday told AFP that police grappled with someone attempting to hurl a grenade at the prime minister as he concluded his speech. Abiy visited hospitals on Saturday where victims of the attack were being treated, his chief of staff said on Twitter. And on Sunday one of Addis Ababa’s largest football teams organised a blood drive for the injured. No group has publicly claimed responsibility for the attack, a rare instance of violence in the heavily policed capital. Grenade attacks were reported last year in the northern city of Gondar, but it was unclear if those incidents were connected to Saturday’s blast. Abiy took office in April after years of anti-government unrest that pushed his predecessor to resign and the government to declare a nationwide state of emergency. He has since announced plans to liberalise the economy and reconcile with neighbouring arch-enemy Eritrea. Abiy also lifted the state of emergency and released scores of jailed dissidents. Ethiopia is completely controlled by the secretive Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), and it is unclear how much support Abiy has within the party. The 42-year-old former government minister and army officer is the first prime minister in modern Ethiopia from the country’s largest ethnicity the Oromo, which spearheaded the anti-government protests. While Abiy is popular, anti-government fervour still remains. After the prime minister’s hasty departure following the blast, people swarmed the stage where he had spoken and chanted “down down Woyane,” an anti-government slogan aimed at the Tigrayan ethnic minority many Ethiopians believe dominates the EPRDF. Source: – Jacarandafm
  17. The U.S. government said it is sending FBI experts to investigate Saturday’s bomb blast at a rally organized to support reform agendas of Prime Minister Dr Abiy Ahmed. United States Under Secretary of Commerce, Gilbert Kaplan, made the remark today during his talks with Ethiopia’s Minister of Foreign Affairs. Two people were killed and over 150 others wounded in the bomb blast at Meskel Square. Source: – FBC
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Tan iyo markii uu kusoo baxay Doorashada Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan warbaahinta caalamka ayaa baahineysa sawirro muujinaaya Erdogan oo cayaaraya banooni. Warbaahinta ayaa sheegeysa in Erdogan uu ahaa cayaaryahan ka hor inta uusan kusoo biirin Siyaasada, isagoo u cayaari jiray ciyaartooy ka tirsan Naadiga K/cagta ee Kasımpaşa Spor Kulübü oo la asaasay sannadkii 1921-kii, kana mid ahayd Kooxaha Heerka Koowaad ee Turkiga. Kooxdan uu u cayaari jiray Erdogan ayaa ka dhisneyd Xaafadda Beyoğlu ee magaalladda labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbuul. Waxa ay warbaahintu Erdogan ku sifeysay inuu ahaa cayaaryahan caan ka ahaa dalka Turkiga, balse uu markii danbe kusoo biiray Siyaasada. Inta uusan kusoo biirin Siyaasada waxa uu Erdogan ahaa Xiddig khadka dhexe ka ciyaara, isla markaana shacbiyadda ku dhex lahaa Taageerayaasha K/Cagta ee dalka Turkiga.
  19. Kampala (Caasimadda Online) – Iyadoo dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo ay wado dadaal dheer oo ku aadan sidii Ciidamada AMISOM looga maarmi lahaa isla markaasna loogu badali lahaa Ciidamo Soomaaliyeed ayaa waxaa dhanka kale socdo qorsho ay wadaan dowladaha ay ciidamadooda joogaan Soomaaliya, kuwaas oo raadinayo hab kasta oo ay kusii joogi karaan. Madaxda qorshahaas wado waxaa ugu horeeyo kuwa dowladda Uganda oo ah wadanka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Somaaliya. Ra’isulwasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda oo kulanka la qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee wadanka Shiinaha, waxayna labada Mas’uul ka wada hadleyn arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd tan Soomaaliya. Ra’isulwasaaraha Uganda ayaa waxaa uu weydiistay Gudoomiye Wang Yang inay ka taageerto dowladiisa sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Soomaaliya, maadaama dalka Shiinaha uu kamid yahay wadamada taageera xukuumadda Soomaaliya. Gudoomiye Wang Yang ayaa u ballan qaaday Ra’isulwasaaraha dalka Uganda inuu ka caawin doono arrintaas isla markaasna ay iska kaashaan doonaan waxyaabo badan. “Maadaama aan kamid nahay dalalka ciidamada ku tabarucay howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya, waxaan ka dooneynaa in Shiinuhu nagu garab siiyo sidii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay noogu sameyn lahaa Muddo kordhin,” ayuu yiri Rugunda. Talaabadaan ay qaadeyso dowladda Uganda ayaa imaaneyso iyadoo Dhawaan ahayd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamada Soomaaliya iyo dowladooda loo ogolaado inay masuuliyadda amaanka dalkooda dib loogu noqodo, taasoo saraakiisha AMISOM walaac ay ka muujiyeen, maadaama ay Soomaaliya ka heleen lacag aad u badan. Dowladda Uganda ayaa waxaa howlgalka AMISOM ku wehliyo wadamada Djibouti, Burundi iyo Ethiopia waxaana muuqato inuusan howgalkaan kusoo dhamaan doonin waqtiga loo qabtay taasoo niyad jab ku noqon doonto ciidamada Soomaalida oo lahaa hami ah inay la wareegi karaan amniga Soomaaliya inkastoo aysan dhisneyn ciidamo awood leh. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr jeer ku celceliyey in laga maarmi doono AMISOM isla markaasna la dhisi doono ciidamo Soomaaliyeed oo booskaas buuxiyo balse weli arrintaas jidkeeda lama hayo oo waxaa socdo qorshooyin ay wadaan dowladaha ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya kuwaas oo aan marnaba ku qanacsaneyn inuu soo dhamaado howgalkaas mashruuc ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Urur-goboleedka IGAD ayaa shaqo-joojin ku sameeyay Col. Gebregziabher Alemseged oo loo yaqaanno [Jen. Gabre], kana mid ahaa saraakiisha sare ee Ururka ay ku midoobeen Waddamada Bariga Afrika, kaddib qoraal kasoo baxay Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin. Col. Gabre ayaa ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Xoghayaha guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sannad ka hor, iyadoo lagu amaray in uu wareejiyo dhammaan agab-xafiiskeedka uu gacanta ku hayo. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in wixii maanta ka dambeeya Col. Gabre uusan shaqaale ka aheyn Urur-goboleedka IGAD, iyadoo aan weli la sheegin cidda lagu bedelay sarkaalka la shaqada laga eryay. Dhanka kale, Col. Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah ayaa lagu xusuustaa in uu ahaa taliyihii ciidamadii Itoobiya ee Somalia soo galay sannadkii 2007-kii, kuwaasoo ugu dambeyn ka baxay Somalia sannadkii 2009-kii markaasoo uu xilka la wareegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ugu dambeyn, Col. Gabre ayaa ahaa shaqsi galaan-gal badan ku dhex-lahaa xilliyadii u dambeeyay dowladihii dalka soo maray, waxaana inta badan lagu dhex-arki jiray goobaha ay doorashooyinku ka socdaan iyo shirarka kale ee dib u heshiisiinta ah ee dalka ka dhaca. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Saraakiisha Sare ee IGAD oo lagu Sameeyay Shaqo ka fariisin Rasmi ah appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) –Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre. Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD. Warqaddaas waxaa BBC soo gaarsiiyey xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la soo xigan. Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo. Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey. Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare. Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, misna dadka wax indha-indheeya waxay u tirinayaan qodobbada soo socda inay ka dambeeyaan in xilka laga qaado. 1- Jeneral Gabre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu u aaday, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan, wuxuu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya isagoo faragelin ku hayey. 2- Xil ka qaadistiisa waxay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabayl siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado uusan meesha ka marnayn. Waxaa tan wehliya cadaadis ay DF Somalia ku saartay Abiy Ahmed in xilka laga qadao Gabre Jeneraal Gabre wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya. Gabre wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida. Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed. Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya. Wuxuu aad ugu dhowaa Axmed Madoobe oo bil walba uu lacag ka qaadan jiray iyo kooxda Damu-Jadiid ee hogaanka dalka lagala wareegay, gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir. Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Onine) –Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in ku dhawaad 30 cisho ay magaalada Muqdisho xabsi ku yaala ay ku xiran yihiin masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo dhawaan xilkii laga qaaday. Guddoomiye waaxeedyadan ayaa la sheegay in markii xilalka laga qaaday ay u hanjabeen xubno lagu bedelay boosaskooda, kadibna ay dhacday in mid ka mida xubnihii loo hanjabay toogasho lagu dilay intii lagu dhex jiray bishii Ramadaan, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid xoog leh kadib markii gaari uu la socday loo adeegsaday Qoriga RPG ee Baasuukaha. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in 5 Guddoomiye Waaxeedyo ay ku jiraan xabsiga Godka Jilacow oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya la sheegay in loo xiray sababo amni sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Gobalka Banaadir. Warbaahinta ayaa heshay Magacayada iyo Waaxyaha ay qaabilsanaayeen Masuuliyiinta ee ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kuwaas oo la xiray Intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, waxaana lagu kala magacaabaa. C/kariin Sii Cali Guddoomiyaha Waaxda 1-aad ee Heegan Cabdi Haajir Guddoomiyaha Waaxda Labaad ee Horseed. Saalax Cumar Xaayow Guddoomiyaha Waaxda Saddaxaad ee Juungal Cabdi Mahad Xasan Sangaab Guddoomiyaha Waaxda Shanaad ee ee 1-ada Luulyo iyo Faarax Caddaani Maxamed Guddoomiyaha Waaxda Lixaad ee Tawakal. Hal Guddoomiye waaxeed ayaa la sheegay inuusan xirneen kaas oo lagu magacaabo Siid Cali Xasan Cilmi waana Guddoomiyaha Waaxda Afaraad ee Towfiiq, masuuliyiinta la xiray ayaa la sheegay iney ku socoto Baaritaan kadib markii looga shakiyay iney u hanjabeen Guddoomiye Waaxeedyo kale oo dhawaan boosaskooda lagu badalay. Degmada Yaaqshiid oo ka mida degmooyinka ay sida weyn uga howglalaan kooxda Alshabaab, kana dhacaan falalka amni darro ayaa tuhunka uu soo galay madaxda waaxyaha degmada oo intooda badan uu baaritaan ku socdo. Mid ka mid ah raga loo hanjabay ee lagu Badalay Guddoomiye Waaxeedyadaan xiran ayaa bartamihii Bishii ramadaan waxaa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxaana dilkiisa fulisay koox Gaari wadatay oo Gaarigiisa ku dhuftay hubka Culus ee Baasuukaha loo yaqaano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Ankaraca (Caasimadda Online) – Kadib guushii Recep Tayyip Erdogan oo mar kale loo doortay madaxweynaha Turkiga waxay ka dhigan tahay isbedel ka weyn kii hore inuu ka dhacay dalka Turkiga oo ah dalka ugu awoodda badan Bariga dhexe iyo mid ka mida dhaqaalaha soo koraya ee ugu horumarka sareeya ee dhaqaalaha adduunka. Recep Tayyip Erdogan wuxuu markii labaad noqonayaa madaxweynaha dalka Turkiga, laakiin markan waa madaxweyne leh awood ballaaran, halka uu markii hore ahaa madaxweyne haya xil sharafeed oo awoodda inta badan ay gacanta ugu jirtay Baarlamaanka iyo golaha wasiirada. Waxaa xusid muran ee afti dalka Tuykiga ka dhacday April 2017 in dalkaasi uu doortay nidaamka madaxweynaha iyadoo dastuur cusub loo codeeyay oo 51% dadka dalkaasi ay doorteen in Jamhuuriyadda Turkiga ay noqoto mid awoodda ugu sareysa uu leeyahay madaxweynaha. Haddaba awooddaha uu leeyahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo isbedelka Turkiga ka dhacay doorashadii 24 June kadib waxaa ka mida: 1- Inuu madaxweynaha si toos ah u magacaabi karo madaxda sare ee dowladda oo ay ku jiraan wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenada. 2- Inuu awood u leeyahay joojinta iyo faragelinta nidaamka Garsoorka ee dalkaasi. 3- Inuu dalka Turkiga ku soo rogi karo xaalad degdeg ah. 4- Inuu kala diri karo Baarlamaanka, kuna dhawaaqi karo doorashooyin hordhac ah 5- Inuu meesha ka baxayo xilka Ra’iisal wasaaraha. Mucaaradka Turkiga iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa ku doodaya in Recep Tayyip Erdogan uu isu bedelayo keligii taliye, inkastoo uu doorasho ku yimid, waxaana loogu magac daray SULDAAN oo ah magac ay lahaayeen madaxdii Khilaafadii Cusmaaniyiinta.
  24. Kismaayo (Caasimadda Online) – Sanakaan 2018 ayaa waxaa kor u kacay dhaqaala Al-shabaab ay ka heli jireen Dekadda Kismaanyo kadib markii maamulka Jubbalan uu dib u bilaabay dhoofinta dhuxasha oo ay horey Al-shabaab iyo Jubbaland isla afgarten in ay kawada macaashaan. Al-shabaab oo intii ay gacantooda ka maqneed furdada Kismaayo dhaqaalihii ugu badnaa ka sameeyay Dekadda Kismaayo 2013 iyo 2014 ayaa haddana sanadkaan waxa dib ugu soo laabtay ishoodii dhaqaale, waxaana hadda ku xiran Dekadda Kismaayo 24 doomood oo u diyaarsan in ay dhuxul ka qaadaan halkaas, iyada oo loo iib geynayo waddamada carbeed sida Imaaraatka. Dadka degaanka ah oo ku sugan gudaha Jubbaland ayaa sheegay in degaanada Shabaab maamulaan ay u fasaxeen in dhuxusha la gubi karo, waxaana isbuucan gudihiisa ka baxay Magaaladda Kismaayo 100 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo dhuxusha kasoo qaadaya degmooyinka ka maqan gacanta Jubbaland. degmooyinka Jilib, Jammaame, Bu’aale, Saakow, Salagle iyo kuwo kale oo ay Kooxda Shabaab ay gacanta ku heyso ayaa hadda waxaa ka socda xaalufin badan oo dhirta lagu hayo. 2013 iyo 2014 ayay Al-shabaab ka macaasheen dekadda Kismaayo $250 milyan oo doolar oo kasoo xarootay dhuxul Jubbaland, Kenya iyo Shabaab ay ka dhoofiyeen Kismaayo sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada midoobay. Markale 2018 ayay Alshabaab dhowr milyan oo kale ka faa’iidi doonaan dekadda Kismaayo, dadka shacabka ah ee ku nool Jubbaland gaar ahaan degaanada xaalufinta lagu hayo ayaa muujinaya cabasho badan. Qaramada midoobay ayaa qaraar ay soosaartay 2012 waxa ay ku joojisay in dhuxul dambe laga dhoofiyo Soomaaliya, balse maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in wali uu ku sii adkeysanayo ka ganacsiga dhuxusha. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  25. Guushii Erdogan Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynaha dalka Turkiga doorashadii ka dhacday Axadii dalkaas, kadib markii uu helay codad ka badan boqolkiiba 52, codadkii la tiriyay oo ahaa boqolkiiba 99. Madaxweyne Erdogan waxaa la tartamay Muharrem Ince oo hogaamiya xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas ee CHP, wuxuuna helay codad gaaraya boqolkiiba 30.7, codadkii la tirayay, wuxuuna xisbigaas ku andacooday in ay doorarashada ka jirtay codad lagu shubtay iyo wax is badabarin. Erdogan oo khudbadii guusha ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in uu talaabo adag ka qaadi doono wax uu ku sheegay argagaxisada, sidoo kale waxa uu balanqaaday ajandihiisa in uu fulin doono. Xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa ku guulaystay Afti dastuurka wax looga badalayey oo ka dhacday dalkaas 16 April, 2017, iyagoo helay boqolkiiba 51.37 codadkii la dhiibtay. Dastuurka cusub Turkiga ee xiligaas la aftida loo qaaday ayaa madaxweyne Erdogan siinaya awoodo dheera oo ay kamid yihiin in uu magacaabo madaxweyne ku xigeenada, wasiirada iyo saraakiisha ciidamada, in uu faragalin ku samayn karo waaxda cadaalada dalka, xaalad deg deg ah oo uu dalka ku soo rogi karo iyo in meesha laga saaray xilka ra’iisal wasaaraha. Waa kuma madaxweyne Erdogan? Recep Tayyip Erdogan waxa uu ku dhashay magaalada Istanbul 26 February, 1954, waana madaxweynihii 13-aad ee Turkiga, intii u dhexeysay 1994 iyo 1998 waxa uu ahaa duqa magaalada Istanbul, 2003 ilaa 2014 waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii 36-aad ee Turkiga. Recep Tayyip Erdogan Erdogan waxa uu soo noqday ciyaartoy, isagoo u ciyaari jiray kooxda Kasimpasa ee dalkaas mudadii u dhexeysay 1969 ilaa 1982, kahor intii aan loo dooran duqa Istanbul. Mr. Erdogan sanadkii 2001 wuxuu aasaasay xisbiga cadaaladda iyo horumarinta AKP, kaas oo afar jeer oo is xigta ku guuleystay doorashooyinkii guud ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2002, 2007, 2011 iyo 2018. Erdogan waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna yaraantiisii ka soo jeeday qoys sabool ah. Sanadkii 2003 markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Turkiga Mr. Erdogan waxa uu ka shaqeeyay in dalkaasi gaaro deganaansho siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, wuxuuna la heshiiyay dalka Armenia kadib cadowtooyo sanado badan soo jirtay, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la yeeshay Greece (Giriigga), Azarbejan iyo jamhuuriyaadkii hore ee Soviet-ka, wuxuu kaloo soo celiyay xiriirkii Turkiga kala dhexeeyay dalalka Carabta. Racep Tayyip Erdogan waxa uu mowqif adag ka taagan yahay duulaanka ay Israel ku hayso dhulka reer Falastiin iyo magaalada barakeysan ee Qudus. July 16, 2016 waxaa fashilmay inqilaab Milateri oo la doonaayay in lagula wareega dalka Turki, iyagoo meesha ka saaraayo dawlada madaxweyne Erdogan, waxaana falkaas ka dhashay in Erdogan uu gacan bir ah ku qabto dalkaas . Guusha Erdogan maxay uga dhigan tahay Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda ayaa il gaar ah ku hayay doorashada Tukiga, iyagoo kala socday shaashadaha tabinayay doorashada, waxayna taageero weyn u hayeen Racep Tayyip Erdogan oo taariikh lama ilaawaan ah ku leh Soomaaliya. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu guuleystay Erdogan u dirtay hambalyo ka duwan kuwo loo diro madaxda caalamka ee la doorto, halka shacabka Soomaaliyeedna ay baraha bulshada aad uga hambalyeynayeen Mr. Erdogan, iyagooba qaarkood ay si toos ah natiijada cod-tirinta u soo dhigayeen baraha bulshada ,kuwaas oo ku faraxsanaa hogaaminta codadka ee Erdogan, waxayna shacabka Soomaaliyeed qabaan in Erdogan uu yahay Madaxweynahooda labaad. August, 2011 Erdogan ayaa markii ugu horeysay isagoo ra’iisul waasaaraha Turkiga ah booqasho ku yimid Soomaaliya, markaas oo ay ku dhufatay macluushii ugu xumayd gobolka muddo 60 sano ah, isagoo indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya oo sanado badan laga aaminsanaa khatar. August, 2011, booqashadii Erdogan ee Muqdsiho Erdogan waxa uu ballan qaaday in dowladiisu Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic horumarineed, taas oo uu ka dhabeeyay, wuxuuna muddo yar Muqdisho ka hirgaliayay, jidad, isbitaallo, iskuullo, dib u habayn lagu sameeyay garoonka iyo dekadda Muqdisho iyo fulinta howlo dhanka bani’aadminimada ah oo aan marnaba joogsan. Mar labaad Erdogan oo madaxweynaha Turkiga ah ayaa Soomaaliya booqday January 25, 2015, isagoo xariga ka jray dhisme cusub oo lagu kordhiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyo Isbitaalkii Digfeer oo dhisme casri ah laga dhigay. January 25, 2015, Erdogan, xarig ka jarkii garoonka Muqdsiho Mar saddexaad Erdogan oo madaxweyne ah ayaa Muqdsho booqday June 3, 2016, wuxuuna furay dhimaha safaarada Turkiga iyo mashaariic kale oo hay’adaha Turkiga ka hirgelinayaan Soomaaliya, sidoo kale marar badan waxaa Soomaaliya booqday madax badan oo Turki ah. June 3, 2016, xarig ka jarkii safaarada Turkiga ee Muqdisho Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraaradiisa ugu weyn ee caalamka iyo saldhig ciidan oo ah kan ugu weyn oo dalkaas ka baxsan, wuxuuna Turkigu Soomaaliya ka taageeraa dhinacyada amniga, kabida miisaaniyada iyo arimaha bulshada. Saldhiga ciidan Turkiga ee Muqdsho ayaa loo adeegsanaa akadeemiyad ciidan, iyadoo ay joogaan in ka badan 200 oo sarkaal oo Turkish oo tabarbara ciidamada Soomaaliya, waxaana xukuumadda Ankara ay ka caawisaa Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa ciidan Qaran oo awood u leh la dagaalanka Al-shabaab iyo hanashada amniga guud ee Soomaaiya. Dowladda iyo shacabka Turkiga ayaa taageero walaaltino oo ka duwan mida kale ee caalamka mar walba la garab taagan Soomaaliya, sidaas darteed shacabka Soomaliyeed waxay u arkaan Turkiga mid uga duwan dunida inteeda kale. Guusha madaxweyne Erdogan-na waxay uga dhigan tahay Soomaaliya, mid lamid ah tan uu gaaray xisbiga AKP ee Turkiga. Liban Yusuf PUNTLAND POST The post Guusha Erdogan maxay uga dhigan tahay Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.