-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
HARGEISA— Residents in Garowe and Galkayo hold peaceful demonstartions in support of Puntland’s aggression against Somaliland today according to reports. The protesters who marched across the two townships main streets were chanting slogans expressing their support to Puntland soldiers which went war with Somaliland defense forces stationed in Tuka Raq. The peaceful demonstrators have called on the emancipation of Sool region which is under Somaliland control. The tension is running high between Somaliland and Puntland and reports further confirm that Puntland deployed militia soldiers in the frontline so as to carry attacks against Somaliland forces. The United Nations efforts in conjuction with IGAD body is failing as Puntland’s president has dismissed calls from the International community which is trying to end the hostilities between the two authorities.
-
Saacadihii ugu dambeeyey waxaa dalka Soomaaliya ka taagan muran weyn oo ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya imaaday Magaalada Muqdisho maalintii Axadda aheyd markaas oo la wada gaaray heshiis ku dhisan is afgarad iyo ganacsi. Haddaba waxaan maqaalkaan kooban doonayaa inaan kaga hadlo heshiiska la kala saxiixday, danta ugu jirto Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo fasiraadaha qaldan ee laga bixiyey. Akhriso 16-ka qodob ee la kala saxiixday 1 – Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, Gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaltinimo, dhaqanka, derisnimada iyo istixgelinta labada dal. 2 – Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud, xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac. 3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. 4 – Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka. 5 – Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii. 6 – Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha, waddooyinka. 7 – Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga, gaar ahaan ilaa 4 dekedood, waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay. 8 – In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac. 9 – In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada, waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba. 10 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab. 11 – In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago qatarkasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda, waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya. 12 – Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale, iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya. 13 – Arrimaha caalamiga ah, waxaa ay ugu baaqeen QM in ay la timaado nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo. 14 – Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto aqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka. 15 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. 16 – Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay raiisul wasaare Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa. Hadalkii Abiy Ahmed markii uu ku laabtay Itoobiya: Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa markii uu dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa la hadlay Telefishinka Qaranka Itoobiya EBC, ayuu ku sheegay in Madaxda Soomaaliya isku afgarteen inay hal dal noqdaan. “Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku hadlayay afka Amxaariga. Mucaaradka Iyo fasiraadii ay ka bixiyeen Siyaasiyiin Calooshood u shaqeystayaal ah oo ujeedka ay leeyihiin ay tahay kaliya in la iska horkeeno shacabka iyo Dowladda ayaa u arkay fursad qaali ah inay si qaldan u fasiraan heshiiska dhex maray dowladda Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya. Fasiraadda ugu qaldan ee la bixiyey ayaa aheyd hadalka Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa inay Soomaaliya iyo Itoobiya noqonayaan hal dal, taasoo ay Mucaaradka ka dhigeyn inay ka dhigan tahay in Soomaaliya ama Itoobiya midkood meesha laga saari doono oo hal dal la noqon doono. Maahan sidaas, maahan sida Mucaaradka kursi doonka ay u maran habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta la nacsiiyo dowladda u dhalato si loo niyad jabiyo. Dalka Soomaaliya waa dal madax banaan, ka tirsan Qaramada Midoobay, waxay xor u tahay inay heshiis kasta la gasho dowladaha kale haddii ay dan ugu jirto labada dhinac dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, heshiiska hadda la kala saxiixdayna waa mid ku saleysan inay Itoobiya isticmaasho Dekadaheena isla markaasna laga qaado Canshuur. Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhex jiray colaaad iyo cadaawad muddo badan soo jirtay, marka uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya dhahayo hal dal ayaan noqoneynaa waa hadal ujeedka laga fahmayo uu yahay aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, aan u dhaqano sida hal wadan oo kale, aan isku kaashano sida hal wadan oo kale, aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, ee maahan aan Soomaaliya meesha ka saarno Itoobiya hala noqdo, ama Itoobiya meesha halaga saaro Soomaaliya hala noqdo. Inuu sidaas ula jeedo waxaa si weyn kuugu soo caddeynayo hadalkiisa dambe ee uu raaciyey ee ahaa “ inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha” oo micnaheeda yahay colaaddii nasoo dhex martay aan iska bixino aan bilaabano buug cusub oo taariikhi ah. Maxaa ku jaban in lala heshiiyo Itoobiya, oo aan wax kasta ku dhameysano heshiis, si aan u helno dhulka naga maqan iyo ganacsi badan? Halkii aan dagaal iyo dhibaato ku jiri laheyn maadaama dalkeena uu ku jiro xaalad soo kabasho ah. Maxaa la haboon Shacabka Soomaaliyeed Dad gaar ah oo leh dano siyaasadeed iyo ujeedooyin fog fog ayaa marin habaabin ku hayo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo danta ugu weyn ay leeyihiin tahay in la iska horkeeno dowladda iyo Shacabka isla maarkaasna lagu jiro xaalad kacsanaan ah si ay u gaaraan hadafkooda ah (Dowladda Waa fashilmatay) taasoo ay aaminsan yihiin inay ku heli doonaan guul doorashooyinka soo socdo. Aniga ahaan, qoraaga maqaalkaan kooban waxaa aaminsanahay in Soomaaliya aysan dhici doonin inay madax banaanideeda ka tanaasusho, inay is dhiibto, waa dal soo jireen ah leh taariikh fog, adduunyada dhanna way ku jiiftaa inaysan Soomaaliya sidaas u fududeyn. Sidoo kale waxaa aaminsanahay inaysan Dowladda Soomaaliya marnaba ka suurtagelin inay gasho heshiis meesha looga saarayo Jiritaanka Soomaaliya ileen iyada ayaaba ah madaxda Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya meesha ka saaraan yey u talinayaan? halkee ku noolanayaan? Siyaasiyiinta dadka qaldayo ayaa ku jiifo inay jiraan dad Soomaali ah oo aan laheyn garasho, fakar iyo inay iska hubiyaan wax kasta oo loo sheego, sidaasna ay mar kasta ugu fakaraan in loo isticmaalo sidii loogu niyad jabin lahaa tashuusna loogu furi lahaa kuwa kale ee caqliga iyo fakarka u saaxiibka ah. Waxaa Qoray: Abdirizak Muuse Xuseen Email: abdirzak1111@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muran ayaa ka dhashay hadal uu warbaahinta Itoobiya ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, kadib booqasho uu sabtidii kaga soo laabtay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Abiy oo ku hadlayay afka dalkaas ee Amxaariga ayaa ka hadlay heshiiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna sheegay inay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan dhaqaalaha, mustaqbalkana ay shacabka mideeyaan oo ay noqdaan hal wadan oo dhameystiran. “Wada hadalada na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si ku meel gaar ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo dhameystiran, waa in wadamada geeska Afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, ama Mareykanka ama Yurub, taas oo aan ka heli karno faa’iidooyin ballaaran caalamkana aan uga yeelan karno awood gorgortan, marka arimahaas ayaan kawada hadalnay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy. Abiy oo dahalkiisa siiwata ayaa yiri “Habada taasi macnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juquraafi ahaan ku yaalla meel muhiim ah, laakiin biyaha badda ee intaas le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan waxay noqdeen kuwo maalintiiba aan lagu arkeyn hal Markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka in aan dhahno deked la’aan ayaa nahnay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arintaasi dhibaato iyo waxyeelo weyn ayay nagu yeelanaysaa”. Dhanka kale hadalka Ra’iisul wasaare Itoobiya waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, wuxuuna beeniyay in ay ku heshiiyeen in labada dal la mideeyo. Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay wada galeen Itoobiya uu ku saabsanaa iskaashiga amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna intaas ku daray in heshiiskani ahaa mid muddo soo socday oo ay soo wadeen dowladihii hore. Wasiir Daahir Geelle oo wax laga weydiiyay hadalkii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal la mideeyo oo laga dhigo hal dal ayaa ku jawaabay in ay wada hadleen labo dal oo daris ah oo kala madaxbanaan. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 16-kii bishan June Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16 qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa dhigayay in la isku raacay in si wadajir ah loo maal-gashado afar dekadood oo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya, lamana soo bandhigin magacyadda goobaha loo qorsheeyay dekedahaas. Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damac Itoobiya ay in badan ku taameysay oo hirgalay, halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaansho u dhaxeeya labada dowladood oo ay horay uga dhaxeysay xurguf. Itoobiya oo haysata shacbiyad ka badan boqol malyan ayaan la heyn bad, halka Soomaaliya oo leh bada ugu dheer Afrika aysan la heyn shacbiyad ka fa’iideysata. PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wariyaasha shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Dhowaan ku gaareen Muqdisho. Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeeyn sheegay in Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali uu Muqdisho ku yimid codsi kaga yimid Madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in muhiim uu ahaa heshiiskii ay yeesheen. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka hadlay heshiiskii ku saabsanaa Maalgashiga Dekadaha isaga oo sheegay in heshiiskaasi Itoobiya kale aanu siineeynin in ay maalgashadaan Dekadaha hayeeshee ay fursad ka heli karaan Dowladaha Caalamka iyo Ururada caalamka si ay faa’iido uga helaan. Sabtidii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho yimid Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya iyada ay heshiis wada gaareen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay si aad uga hadleen arintaasi qaar kamid ah Bulshada ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damaca Itoobiya ay in badan ku taameeysay oo hirgalay halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaasho u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxeeysay xurguf. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Daahir-Maxamuud-Geele-.-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DFS oo Faah Faahisay heshiiskii Dekadaha ay la gashay Dowlada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Ramallah (Caasimadda Online) – Israa’iil ayaa xabsiga kasii deysay wiil Falastiini ah oo lagu magacaabo Hassan Tamimi kaasoo daryeel xumo caafimaad darteed indhihiisa waayey intii uu xabsiga ku jiray. Abdunnasir Tamimi oo ah adeerka wiilkaan ayaa Anadolu Agency u sheegay in wiilkiisa la xiray Bishii April isla markaasna uu ahaa nin xanuunsan. Hassan oo ah wiilka ay soo deysay Israaiil ayaa ka cabanayey dhibaatooyin dhanka Beerka iyo Killiyaha ah, waxaana cuduradaas ku riday nafaqo darro ku dhacday taniyo carruurnimadiisa hore, wuxuuna sheegay adeerkiisa inuu wiilkiisa u baahnaa daryeel caafimaad iyo nafaqeyn, isagoo Israa’iil ku eedeeyey inaysan ogolaan in wiilkiisa uu xabsiga ku helo waxyaabihii uu u baahnaa taasina ay sababtay inuu waayo aragga indhihiisa. ” Israa’iisha dhulkeena xoogga ku heysato mar kasta waan u gudbineynay xaaladda Caafimaad ee uu wiilkeena ku jiro, balse xaqiiqda ayaa ah inay iska indhatireysay wax walba, taasoo ugu dambeyn keentay inuu wiilka xanuun dartiis aragiisa ku waayo” ayuu yiri Abdunnasir Tamimi . Xasan Tamimii ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyey inuu dhagxaan ku tuuray askarta Israa’iil 7 April ee sanadkaan, waxaana markaas loo gudbiyey xabsiga ciidamada Israa’iil ee ku yaal Galbeedka Ramallah, iyadpp lasoo taagi rabay maxkamad bisha July ee soo socoto, inkastoo hadda lasii daayey kadib markii uu daryeel la’aan caafimaad ku waayey aragiisa. Jimciyadda qaabilsan Maxaabiista Falastiin ee loo yaqaan The Palestinian Prisoners Society (PPS) oo war saxaafadeed soo saartay ayaa tilmaamtay in wiilkaan uu indhiisa u waayey daryeel la’aan caafimaad oo ku qabsatay xabsiga dhexdiisa. Ista’iil oo xoog lagu dajiyey dhulka Reer Falastiin ayaa dhibaato xoog leh iyo xasuuq ku wado shacabka Masaakiinta ee dhulkooda la boobay. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Maalin axad ah, taariikhduna ku beegneyd 16-ka bisha Juunyo, Ciidul Fidrigana ay laba ahayd waxaa booqasho rasmi ah oo aan hore loo shaacin Soomaaliya ku yimi Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Marka laga soo tago in ay lama filaan ku noqotay dhammaan umadda Soomaaliyeed hadana waxa ay abuurtay dareen wanaagsan maadama booqashadani tusaale u ahayd halka uu dalkeenu gaaray tan iyo markii uu bilaabay dib u soo kabashadiisa. Raisul Wasaare Dr Abiy Ahmed waxa uu noqday mas’uul dal madax ka ah kii ugu horreeyey ee booqasho rasmi ah ku yimaadda dalka tan iyo qaran jabkii dalku galay marka laga reebo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Walow ay booqasho maalin qura ahayd, siiba saacado kooban, hadana labada dowladood waxa ay kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya oo ku qotomay ishkaashi dhaqan –dhaqaale iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa amniga mandiqadda iyo guud ahaan qaaradda. Heshiiska qodob ka mida waxa uu dhigayey in labada dowladood ay wada maalgashadaan afar dekedood oo aan lagu xusin heshiiska kuwa ay noqonayaan. Waxaa xusid mudan in dalka Itoobiya bad lahayn “Landlocked”, waa sababta keenta in walaaca ugu weyn ee ay dhinaca dhaqaalaha ka qabaan noqdo sidii ay ku heli lahaayeen dekeddo ay wax kala soo dagaan kana dhoofiyaan wax soo saarkooda ay dibedda u iibgeeyaan. Hase ahaatee, qodobkaas waxa uu wadaniyad taban ku abuuray qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo walia qaar ka mid ah mudeneyaasha golaha shacabka oo dowladda ku dhaliilay gelidda heshiiskaas. Hagaag, weydiinta ay dadka indheer garadka ah qabeen ayaa ah, maxaa ku jabnaa qodobkaas, oo sababay in ay qeylo-dhaan iyo waa waawareey is qabsato goobaha ay bulshadu ku kulanto? Jawaabta weydiintaas waa Wadaniyad Taban ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Negative Nationalism”. Marka hore aan eegno macaha ereyadan; Wadaniyad (Nationalism), Wadaniyad Togan (Positive Nationalism), Wadaniyad Taban (Negative Nationalism), Markaa kaddib waxaan fahmi doonnaa sida ay bulshadeennu hadhkooda uga cararayaan “Being Paranoid). Wadaniyad – Waxaa lagu micneeyaa dareenka ay dadku u hayaan sida jaceylka dalalkooda oo ay badanaa weheliso aaminaadda ah in uu ka fiican yahay kana muhiimsan yahay dalalka kale. Wadaniyad Togan – Waa iyada oo darreenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado dhinaca san.. Wadaniyad Taban – Waa iyada oo dareenka ka dhasha wadaniyadda loo adeegsado sida xun. Dheefta/Faa’iidada Wadaniyadda Togan Sida kor ku xusan haddii dareenka ka dhasha wadaniyadda loo isticmaalo sida ugu habboon ee saxda ah waxa uu dalka ka dhaxli karaa horumar dhinac walba ah iyada oo laga faa’iideysanayo xoogga iyo kartida muwaadiniinta, waxaa tusaale u ah sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen horumarintii reer Miiga ee farta Soomaliga lagu bareyey iyo samata bixintii Umadda markii ay ku habsatay abaartii daba dheer iyo waliba masiibaddii ka dhalatay qaraxii Zoobe. Khasaaraha Wadaniyadda Taban Wadaniyadda Taban waxa ay horseedi kartaa dhibaato badan sida in ay bulshadu kala qeybsanto iyada oo laga faa’ideysanayo caadifadda kala sarreynta “Dalkeygaa ugu fiican”, waxa ay dalka ka dhiggi kartaa mid go’doosan oo aan dunida kale xidhiidh la yeelan karin waxa uuna caqabad ku noqon karaa gelidda heshiisyo caalami ah taas oo hoos u dhigeysa dhoofinta wax soo saarka dalka iyo maalgashiga dalka lagu sameyn lahaa. Sidoo kale waxa uu horseedi karaa dagaal. Waxaa taas, dheer, wadaniyadda waxaa loo bedeli karaa mid maxalli ah oo waxaa isu adeegsan kara bulshada kuwada nool isla hal wadan oo qabaa’illo isu cunsuriyadeen kara! (Wadankeena waa tusaalaha kowaad). Cawaaqib xumada ay dunida ku reebtay wadaniyadda taban Wadaniyadda caadifadeysan waxaa lagu xasuustaa in ay ahayd sababtii kowaad ee uu ku dillaacay dalaakii kowaad ee dunida. Waxaa ka abuurmay dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hilter oo lagu xasuusto hadaladdiisii wadaniyadda cadiifadeysanaa ee uu ku kicin jiray dadka reer Jarmal: Mustaqbalkeennu waa Jarmal. Maantayadu waa Jarmal. Tagtadayadu waa Jarmal. Caawa aan wacad marno, saacad walba, maalin walba, in aynu ka fekerno Jarmalka, qarankeena, dadkeena reer Jarmal. Daacad darro uma muujin kartid shay ku yeelay dareen iyo macno ku saabsan jiritaankaaga oo dhan. Dagaalkaas,kii kowaad ee dunida, baaris ay sameysay waaxda cadaaladda Mareykanka waxa ay ku sheegtay in 8 Milyan ay ku dhinteen halka 37 Milyan ay waxyeelo ka soo gaadhay. Heshiiskii Soomaaliya iyo Itooiya….. Soomaaliya waa dal madax banaanidiisa iyo qarannimadiisa aan muran ku jirin, taas waxa ay ka dhigan tahay in uu heshiis la geli karo wadan walba oo dunida ka tirsan. Heshiiskii dowladda Federal-ka ay la gashay dowladda Itoobiya axaddii waxa uu ahaa mid taarikhi ah oo furay albaab cusub oo is kaashi, wax wada qabsi ku dhisan, is ixtiraam ku jaan go’an xaaladda maanta ka jirta i W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email Muhamedfikaafi@Gmail.com. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Ethiopian Parliament is to grill on Monday Prime Minister Abiy Ahmed on recent border and economic liberalization decisions made by the ruling coalition. In a press statement, the Ethiopian Parliament, said Ahmed in a special parliamentary session will present explanation about key decisions taken by Ethiopian People Revolutionary Democratic Front (EPRDF) Executive Committee to concede a border town to bitter rival Eritrea and to partially liberalize key sectors of the economy. The prime minister will will answer questions raised by members of parliament. On June 5, the Executive Committee of the EPRDF, said it is committed to an unconditional implementation of Algiers peace agreement with Eritrea. The peace agreement ended a two-year border war that killed an estimated 70,000 people from both sides, but a tense armed standoff continued, with the two countries engaging in skirmishes occasionally. Ethiopia until this month had declined to endorse the results of the peace agreement fully, including the symbolically important town of Badme which Ethiopia currently controls but which was awarded to Eritrea. Eritrea for its part has insisted the border demarcation has to be done first before any talks on normalizing ties. Also, on June 5, the Executive Committee of the EPRDF said decision has been made to expand mixed ownership or outright full privatization of state owned enterprises such as railway projects, sugar development, industrial parks, hotels and other manufacturing industries. The committee also decided to allow minority shares in Ethio-Telecom, Ethiopian Airlines, electric power generation projects and the Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise. The statement further said the move to partially liberalize key sectors is intended to increase the constructive role of Ethiopia’s large diaspora population and foreign investors. Ethiopia until now has resisted liberalizing key sectors to foreign and local investors, saying it needs to protect its economy from multinational firms and ensure domestic ownership of the economy is kept intact. Source: – Xinhua
-
State Rep. Ilhan Omar won the DFL Party endorsement on Sunday in the crowded race to fill U.S. Rep. Keith Ellison’s seat in Congress. Omar, a first-term state lawmaker from Minneapolis who has quickly gained national media attention as the first Somali-American to serve in a state legislature, won the three-way endorsement contest after two rounds of voting. She told a cheering crowd of supporters that she is excited to build on the momentum from the party convention as she heads toward a competitive August primary election. “I am ready for all of us to go out tomorrow and door-knock and continue to have conversations with the people of Congressional District Five,” she said. The endorsement is functionally a symbolic gesture, since all five DFL candidates in the race will appear on the Aug. 14 primary ballot, and the three who participated in Sunday’s endorsement convention in Minneapolis — Omar, state Sen. Patricia Torres Ray and real estate broker Frank Drake — all said they intended to continue with their campaigns with or without the party’s endorsement. Two DFLers in the race, former state House Speaker Margaret Anderson Kelliher and DFL Somali Caucus founder Jamal Abdulahi, opted to skip the endorsing convention and go straight to the primary. But official party backing still confers some status in the heavily Democratic Fifth District, which includes all of Minneapolis as well as St. Louis Park, Edina, Golden Valley, Robbinsdale and other nearby suburbs. Sunday’s four-hour convention, held in an elementary school auditorium in south Minneapolis, was attended by about 200 voting delegates, along with other DFL candidates and supporters. Ellison shifts his focus The event was organized on short notice after Ellison, who has represented the district since 2007, decided to run for state attorney general this month. Ellison attended Sunday’s convention but declined to endorse any of the candidates seeking his seat. “I absolutely believe in all of them, and that’s why I can’t pick between them,” he said. Omar, however, came to the endorsing convention with the backing of a number of other elected officials. Minneapolis Mayor Jacob Frey and Council President Lisa Bender were both in the crowd wearing blue Ilhan T-shirts, as was state Rep. Raymond Dehn, a former candidate for mayor. In the first round of voting, Omar took 55 percent of the vote, while Torres Ray took 30 percent and about 14 percent voted for no endorsement. Drake, who ran against Ellison as a Republican in 2016, dropped off the ballot because he received the lowest number of votes. After conferring with her supporters, Torres Ray took the microphone and began to give what sounded like a concession speech. She told her supporters that more rounds of voting could be lengthy, and she understood if they needed to leave, but then said she wanted to continue with a second ballot. Stay and vote, Omar says “This is an historic moment,” Torres Ray said. “Two amazing immigrant women are running for Congress in the state of Minnesota. I love it and appreciate what we are doing here because we are not divided in the Democratic Party.” Omar, meanwhile, told delegates to stay in their seats. “I have never been afraid to fight for the things I believe in, so I need you all to stay around and finish the job we are requesting you to do,” she said. In the second round of voting, Omar took 68 percent of the vote, easily clearing the 60 percent hurdle needed for endorsement. Another 24 percent of the delegates voted for Torres Ray. DFL Chairman Ken Martin applauded the endorsement, saying in a statement that Omar, who came to the U.S. as a refugee, “represents what’s great about America.” “As a state representative, she has focused on civil rights, human rights and alleviating poverty,” he said. There are three candidates in the Republican primary: Jennifer Zielinski, an Allina Health employee who got the party endorsement; Christopher Chamberlin, a St. Cloud resident who told the St. Cloud Times he’d move to Minneapolis if elected, and Bob Carney, a frequent candidate. Source: StarTribune
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday xarunta safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa ka hadlay arimo la xariira Diplomaasiyiinta ku sugan Muqdisho. Eng. Yariisoow ayaa amaan u jeediyay Dowlada Turkiga isaga oo sheegay in safaaradeeda ay ku taala bartamaha magaalada Muqdisho. Waxa uu ku eedeeyay Dalalka kale in ay ka maseereen Dowlada Turkiga hayeeshee ay soo dhaafi weysay xerada amaankeeda aadka loo adkeeyay ee Xalane oo fadhiidisin u ah ciidamada AMISOM. Qaar kamid ah dowladaha Shisheeye ayaa ku shaqeeya islamarkaasina safaaradahooda ay ka furanyihiin xarunta Xalane. Hoos ka dhageyso codka Eng. Yariisoow http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Eng-Yariisoow.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Yariisow” Diplomaasiyiinta ku Sugan Soomaaliya ma soo dhaafaan Xerada Xalane” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Heshiis magaalada Muqdisho ay maalin ka hor ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kaa oo ka koobnaa 16 qodob oo muhiim ah. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaara la qaatay Wasiirada Xukumadii iyo qaar kamid ah baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Heshiiska ay la galeen Somalia uu meesha ka saari doono baahida (Badda) ee heysata Ehiopia. Wax uu Dr Abiy Wasiirada iyo tirada Xildhibaanada ee saacado ka hor uu la kulmay u xaqiijiyay in Ethiopia ay si dhaqsi ah uga faa’iideysan doonto Heshiiska ay la gashay Somalia, waxa uuna xaqiijiyay in Ethiopia ay cagta saartay dhabaha horumarka. Qodobka maalgashiga Dekaddaha ayuu sheegay inuu yahay qodobka ugu muhiimsan Heshiiska, kaa oo uu ku sheegay in Ethiopia ay uga gudbi doonto baahiyaha ka heysta dhanka Badda. Dr Abiy, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaqiijiyay 3 arrimood oo uu sheegay in Ethiopia ay ugu jirto maslaxad waxa ayna kala yihiin:- 1-In Heshiiska maalgashiga Dekadaha Somalia uu noqon doono mid waligii taagnaada, isla markaana ay Ethiopia ka shaqeyn doonto cusbooneysiinta Heshiiska, maadaama aysan heli doonin fursad lamid ah kan Heshiiska. 2-In ficilada Ethiopia ee Dekadaha Somalia ay ku saleysnaan doonto baahiyaha gaarka ah ee Dowlada iyo shacabka Ethiopia. 3-Ka faa’iideysiga kheyraadka Badda Somalia iyo yagleelida Shirkado dowladeed oo soo saara kaluunka, iyadoo laga faa’iideysanaaya fursada Heshiiska. 4- Abiy waxa uu sheegay in Heshiiska uu albaabo u furi doono in dhalinyaro badan oo Ethiopian ah ay u shaqo tagaan Dekadaha Somalia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale kulamada gaar gaarka ah ku xaqiijiyay in Dowladiisa ay Somalia la gali doonto Heshiisyo kale oo ku saleysnaan doona baahiyaha gaarka ah ee Ethiopia. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy waxa uu ballanqaday in dhexgal dhinacyada Siyaasada ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inay hiigsan doonaan wadada ganacsiga. Haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy, ayaa u muuqanaaya mid ifinaaya damaca Ethiopia ee ku aadan Dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay dil aad looga naxay. Dilkaasi ayaa ahaa in askari hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu dil u geystay 3 nin oo isla dhashay. Wiilasha la dilay ayaa ku sugnaa garaash ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Jeyte,Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte. Warar soo baxaya ayaa sheegayaan in ninka askariga ah ee dilka geystay uu qaraabo dhow la ahaauuna u ahaa adeer. Qaraabada wiilasha la dilay oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay aad uga arga gaxeen dilkaasi wiilasha loo geeystay. Askarigii dilka geeystay ayaa ka baxsaday goobta. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faahfaahin 3 wiil oo isla dhashay oo lagu dilayMuqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ka hadlay heshiis maalin ka hor Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy. Wasiir Daahir Geelle, ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu waxbadan ka bedeli karo xaalada Somalia, waxa uuna farta ku goday inuu ka kooban yahay iskaashiga amniga, la-dagaalanka argagixisada, ,diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu ka koobnaa 16 qodob oo dhammaantooda ka dhexeeya labada dal, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska uu micno gaara u leeyahay labada dalka ee Somalia iyo Ethiopia. Wasiirku waxa uu meesha ka saaray in Heshiiska uu yahay mid hadda cusub, balse waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid diyaarintiisa kasoo bilowday xiliga dowladihii ka horeeyay tan iminka jirta, ayuu yiri isagoo la hadlaayay Idaacada BBC. ‘’Heshiiskan ma aheyn mid hadda cusub waxa uu kasoo bilowday dowladii ka horeysay tan hadda jirta marka waxaanu qabnaa in labada dal ay faa’iidooyin ugu jirto 16 qodob ee la kala saxiixday’’ Wasiir Daahir Geele, ayaa wax laga weydiiyay haddal uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia la wadaagay madaxda dalkiisa kadib laabashadiisa kaa oo ahaa in labada wadan laga dhigay hal wadan oo wax walba wada qeybsada, waxa uuna Wasiirku sheegay in labada dal ay kala madax banaan yihiin keliya ay wada galeen heshiis ku dhisan wax is dhaafsi. ‘’Ma jirto wax labada dal laga dhigay hal wadan wey kala madax banaan yihiin keliya waxaa Ethiopia nagala dhexeeya heshiis ku dhisan wax is dhaafsi’’ Waxa uu Wasiir Geele intaa raaciyay haddalkiisa “Mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya.” Wasiir Geele waxa uu sheegay in Somalia ay ilaalin doonto keliya wixii ka khuseeya Heshiiska, halka waxa ay wadato Ethiopia uu yahay mid iyada u gaar ah oo aan waxba ka khuseyn Somalia. Somalia ayuu sheegay inay garaneyso sida ay u wajahdo rabitaankeeda, sidaa aawgeed ay lama huraan tahay in marnaba aan laga weecan 16-ka Heshiis ee dhacay. Sidoo kale,Wasiir Geele waxa uu talaabo wanaagsan ku sheegay booqashadii uu Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia ku yimid Somalia, waxa uuna ku sifeeyay Somalia oo hiigsaneysa halkii laga rabay. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu sheegay inay diyaar u tahay muujinta dadaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mas’uuliyiin horay uga tirsanaa dowladii hore ayaa ka digay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay meel mariyaan Heshiiska16-ka qodob ka kooban ee dhexmaray Somalia iyo Ethiopia. Cabdi Barre Jibriil, oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid xaaran ah, isla markaana lagu sii qaribaayo Somalia. Isagoo ka hadlaayay dhibta ka dhalankarta Heshiiska ayaa waxa uu sheegay Cabdi Barre in xilligaan aanay habooneyn in Somalia dekadaheeda ay kula heshiiso Ethiopia oo uu tilmaamay in xilligaan aan wax dan ah ugu jirin dalka. ‘’Adeer anigu halis baan u arkaa Heshiiska labada dal, waxaanu jirin baahi gaara xiligaan Somalia ku qasbeysa in dekadaheeda ay u gacan galiso Ethiopia’’ Cabdi Barre, ayaa Xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday ineysan aqbalin heshiiska lala galay dowladda Ethiopia oo uu ku sheegay halis hor leh oo kusoo fool leh Somalia. Sidoo kale, Cabdi Barre ayaa tilmaamay in heshiiskan aan loo gelin dan Soomaaliyeed balse ay jirto baqdin waa sida uu hadalka u dhigaye. Haddalka Cabdi Barre, ayaa u muuqda mid ku foorara dowlada Somalia, wallow Xildhibaanada baarlamaanka qudhooda ay ku kala aragti duwan yihiin Heshiiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The motive behind a deadly attack at a Malmesbury mosque is yet to be determined. Source: Hiiraan Online
-
Dahabshiil, the largest money transfer company in Somalia – and Africa, at large – has vehemently denied claims by a member of Puntland parliament named Sadiq Abshir Garad. Speaking to the media at his office on Sunday, the manager of the firm’s Banking branch in Bosaso, Yasin Beldaje dismissed the accusations of the MP that Dabanshiil supports Somaliland in the war with Puntland as “baseless”. Beldaje said Dahabshiil is a licensed leading private remittance company operating in 144 countries around the globe with no political influence, which serves Somalis in and outside the country. He called on Parliamentary Ethics Committee to strip the lawmaker of his immunity and arraigned in court for the incitement and call to loot the private company. “The claims of the legislator are categorically contrary to the state constitution, hence he should be stripped of his immunity and brought before a court,” said Beldaje during the press conference. Garad who is the chairman of the defense committee of the parliament blamed the firm for giving financial support to Somaliland which is now at war with Puntland over disputed regions. It’s not yet clear what would be the response of the parliament to the statement of Garad who is said to be hailing from Sool and Sanaag regions, the epicenter of the territorial dispute between Somaliland and Puntland. The accusation of the parliamentarian against the private cash transfer company, which is owned by a Somaliland businessman, comes amid a brewing tension at Tukaraq village of Sool.
-
Last month, two dozen Somali youths swarmed and attacked two Maine residents in a park in Lewiston, beating them with sticks while laughing, as video of the incident shows. Source: Hiiraan Online
-
Yasmin Ahmed Abdillahi ’20, known for her compassion for others and for her strong Muslim faith, died last Friday after being struck by a train in Euless, Texas. She was 20 years old. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Garabka warbaahinteed ee maleeshiyada Al Shabaab ee Al-Kataa’ib ayaa soo saartay Filim cusub oo muuqaal guud ka bixinaya dagaallada Al-Shabaab ay ka waddo gudaha wadanka Kenya. Filimka oo ladaawan karo qadar 52 daqiiqo ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaallo culus iyo weeraro dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ku leeyihiin gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari Kenya. Waxaa filimkan uu banaanka soo dhigayaa ciidamada Al Shabaab oo howlgallo dhiig badan ku daatay ka fulinayay gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu, muuqaallada lagu daawan karo filimka waxaa kamid ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo gaadiid dagaal qabsanaya iyo iyagoo tooganaya ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri. Hoos ka daawo qaar ka mid ah sawirrada filimka.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dadka Turkiga ayaa codbixin u dareeri doona 24-ka bishan, waxaana la saadaalinayaa in dhaqaalaha dalkaas dartiis uu doorashada ku guuleyso xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP. Dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu noqdo qodobka go’aamiya doorashada, ayada oo Turkiga uu ka gudbayo nidaamka baarlamaaniga ah, una gudbo mid madaxweyne kadib is-beddelkii lagu sameeyey dastruukii dalkaas sanadkii tagey. Doorashada ayaa ku dhici doonta xaaladda deg degga ee dalka ka jirtay tan iyo afduubkii fashilmay ee la isku dayey bishii July ee sanaddii 2016, kaasi oo lagu eedeeyey wadaadka degan Mareykanka ee Fethullah Gulen. Marka ay timaado dhaqaalaha, doorashada ayaa imaneysa ayada oo dhaqaalaha dalkaas uu sanaddii tagtayna kordhay 7.4%, taasi oo aad loola dhacay. Dadka ayaa aaminsan in Erdogan iyo xisbigiisa kaliya ay joogteyn karaan guulaha noocaas ah. “Isbeddel lagu sameeyo dowladda waxay sii xmeyn doontaa un xaaladda iyo kalsoonida Turkey, sidaas darteed ma jiri doonto maal-gelin iyo shaqooyin” Waxaa sidaas yiri dukaanle lagu magacaabo Kus. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa gaashaanka u daruurtey eedeyn uga timid mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad. Maamulaha Dahabshiil ee qeybta Boosaso Yaasiin Beeldaaje ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka ee ah in Shirkadda ay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa Boosaaso ayaa caddeeyay in Dahabshiil ay tahay Shirkad Ganacsi oo sharciyeysan, islamarkaana ka madaxbanaan siyaasadda, kana howlgasha dalal badan oo caalamka ah. Maamulaha ayaa ugu Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Puntland inuu xasaanadda ka qaado Xildhibaan Saadiq, maadama uu ku baaqay in la dhaco hanta shacab, aflagadana u geystay shirkada ganacsi. Yaasiin Beeldaaje ayaa hadalka Xildhibaanka ku tilmaamay mid ku saleysan kicin dadweyne, oo naceyb iyo heeb-sooc xambaarsan, kaasi oo ka hor-imaanaya qodobo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland. Xildhibaan Saadiq, oo ah Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Puntland, ayaa dhawaan ku eedeeyay Shirkadda Dahabshiil inay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Lama oga jawaabta Baarlamaanka Puntland uu ka bixin doono hadalka Saadiq oo ah mudane kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo dhawaan sheegay in Dababshiil qeyb ka tahay colaadda Sool, oo dhaqaale siiso mamaulka Muuse Biixi. Dahabshiil oo ah Shirkad ka shaqeysa dhinaca xawilaadda lacagaha in ka badan 140 dal, ayaa waxaa iska leh Ganacsade reer Somaliland ah, iyadoo eedeynta loo jeediyay noqoneyso mid culus, oo lid ku ah sumcadeeda. Xigasho: Garowe Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa wada qorsho lagu kordhinaayo mudada ay ciidamadeeda kusii nagaan doonaan dalka Somalia oo ay u joogan howlo nabad ilaalineed. Ruhakana Rugunda oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Uganda ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u dhaliilsan tahay qorshaha lagu doonaayo in ciidamada Midowga Africa looga saaro Somalia oo aan weli ka bogsan amni darada iyo hujuumka Al-Shabaab. Ruhakana Rugunda, waxa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin in Somalia ay kusii nagaadan sanado hor leh, maadaama amniga Somalia uusan aheyn mid wali ku fadhiya caga wanaagsan. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamada Ugandha kawadaan Somalia ay la kaashan doonaan dowladda China oo ku han weyn xal u helida Somalia. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in China aan looga maarmi doonin Marka ay timaado ka qeyb qaadashada xalinta ammaanka Somalia. Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China inay ku caawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii QM ay ugu noqon lahayd qorsheheeda ku aadan dhisidda ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia. Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan qorshaha QM ee ku aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay cawaaqib xumo ka dhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin. Qaramada Midoobay ayaa horey u meel marisay qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan amaanka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia. Haddalka Ra’iisul wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa u muuqanaaya mid ay Ugandha ku dooneyso inay ku dheereysato xiliga ay ciidamadeeda kusii nagaanayaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com