Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,114
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimadda Online) – Wadanka Mareykanka waxaa laga hadal hayaa qisada Baadari tuug ah oo lacag malaayiin dollar ah ka dalbaday taageerayaashiisa. Gibsi Doblantis oo ah Baadari Mareykan ah ayaa dadka isaga raacsan ka codsaday in ay u iibiyaan diyaarad afaraad si uu ugu adeegsado safarrada gaarka ah balse wuxuu helidda lacagta lagu iibinayo diyaaradda u adeegsaday dhagar ka yaabisay kumanaan qof Kirishtaan ah oo Kaniisaddiisa ku xiran isagoo hadlayay ayuu yiri “Alle ayaa igu armray in aad ii iibisaan diyaarad nuuceedu yahay Falcon7X”. Ninkan beenaalaha ah oo iska dhigayay in uu yahay Nabi ayaa isagoo qiil uraadsanaya in loo iibiyo diyaaradda wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “alle wuxuu ifaray in aad iga bixisaan lacag 54 Milyan oo dollar ah markii hore waan ka labalabeynayay in aan diyaarad iibsado balse amarka alle ayaa ii yimid”! Dad badan oo American ah ayaa durbadiiba bilaabay in ay lacago iska aruuriyaan balse qaar kamid ah taageerayaasha Baadari Gibsi Doblantis ayaa baraha bulshada ku faafiyay jawaab celinno jees jees ah oo ay ku sheegayaan in Ninkan uu yahay tuug doonaya in uu hanti badan ka dhurto dadka isaga indha la’aanta ah u taageersan. Baadarigan ayaa sanaddii 2015 Baraha bulshada ku faafiyay Video isagoo hareer taagan mid kamida diyaaradahiisa oo gaboowday wuxuuna ku safridda gawaarida,tareennada iyo diyaaradaha ganacsiga ku sifeeyay “Tubbooyinka sheydaanka”. Baadariyaal badan oo Mareykanka kunool ayaa dadka iyaga raacsan qaab indha sarcaad ah lacago uga qaata balse tani waxay noqotay beentii ugu yaabka badneed waayahan ee gudaha dalka Mareykanka laga hadal haayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka badan 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Dadka Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa dhammaantood ah dhallinyaro waxaana ka muuqanayay diif iyo daal badan. Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Hay’adda Caalamiga ah ee Sodcaalka ayey u suuragashay inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal qof oo ka mid ah Soomaalida ku go’doomay dalka Liibiya, kuwaasi oo qaar ka mid ah sidii adoontii la kala iibsaday. Dadkan Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay magalaada Muqdisho ayaa ah dhalinyaro in mudo ah ku dhibaateesnaa gudaha Liibiya, Iyagoona wajiyadooda ay ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kala soo kulmeen Liibiya, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho. Dadkan ayaa waxaa la geeyay xarun si gaar ah loo dejiyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka oo ay maamusho dowladda Soomaaliya. Weriye ka tirsan BBC oo booqday xaruntaasi ayaa sheegaya in saaka keliya xaruntaasi la geeyay 157 qof oo dhammaantood ay rag yihiin. ” Waxaan ka tahribay magaalada Boosaaso safar dheer kaddibna waxaan gaaray Liibiya, balse dhibaatooyin badan ayaan kala kulmay dalkaasi, waxaana ka mid ah jirdil, in koronto lagu qabto dadka iyo in la kala iibsado dadka kaddib marka laga qaato lacagaha madaxfurashada ah”, ayuu yiri cabdullaahi Iidile oo ka mid ah dhallinyarada dib ugu laabtay Muqdisho. Tahriibayaal badan ayaa la kulma tacaddiyo jir ahaan iyo maskax ahaanba loogu geysto Liibiya inta ay ku jiraan safarkooda. Dadaaalka dowladda Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha kana mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay dib u soo celinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Liibiya, ayaa sheegtay inay jiraan dhallinyaro badan oo wali ku harsan liibiya. ”Waxaan baaq u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed tahriibka halistiisa aad ayuu u badan yahay, marka intii Magafe iyo dhibaato kale waddan kale kugu qabsan lahaayeen, dalkaada hooyo inaa joogto ayaa roon” ayay tiri Maryam. Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaalada ay ku dooneyso inay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada ku xiran xabsiyada dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan xabsiyada Liibiya. Safarka Yurub Haseyeeshee, boqolaal Soomaali ah ayaa weli ku xirxiran dalka Libya, oo qaarkood ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka dalkaasi oo ay gacanta ku hayaan qaarkood kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ah. Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad walba uga sii gudba Liibiya Talyaaniga iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo laga buuxiyo doomo jileec ah aadna u qafiif ah. Tahriibka sharci darrada ah ee dhalinyarada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee galbeedka Afrika ka yimaada ee dhanka badda Liibiya laga soo galayo ayaa caqabad ku noqday Talyaaniga. Wuxuu dalkaasi qaabbilay in ka badan lixdan iyo shan kun oo muhaajiriin ah lix bil oo kaliya sanadkii 2017, tiradaas oo boqolkiiba siddeed iyo toban ka badan tirada ay qaabbishay muddadan oo kale sanadkii hore. Dadaallo lagu doonayo in wax looga qabto qulqulka dadka muhaajiriinta ah ayay dowladdu Talyaanigu amartay balse si weyn uma aysan mirro dhalin, oo wali muhaajiriinta Soomaalidu ka mid tahay ayaa kusii qulqulaya dalkaasi. Dhanka kale, Dowlada Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay dalka Liibiya kuwaasi oo ka shaqeenayay qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda, waxaana la filayaa in dhalinyarro kale oo badan laga soo cein doono Liibiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wajeer (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada niman ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab oo qorsheynaya in ay weerar ka geystaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Booliska ayaa waxa ay ku sharaxeen raggan iyo halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, iyaga oo ku daray faah faahinta qabiilada iyo jilibka hoose ee qoyskooda. Booliska ayaa sheegay in Ibraahim Maxamuud uu yahay hoggaamiyaha kooxda ay ka tirsan yihiin Saddexda nin, waxaana ka mid ah Shariif Kulul, C/wahaab Cusmaan Axmed, iyo Axmed Dabar. Shariif ayay Boolisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayo buuraleyda gobolka Gedo oo ah halka ay qorshaha ka soo maleegayaan. Qorshaha raggan ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu ku wajahan yahay degaanada Wajer iyo Mandhera, sida ay war-saxaafadeedka ku sheegeen. Axmed Dacar ayaa sahan u tagay degaanadaasi si uu u soo indha indheeyo goobaha ay weerari lahaayeen oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, wuxuuna ugu dambeyn qoraalkan ku taliyay in dadweynuhu ka feejignaadan goobaha ay tagayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo. Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey. Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta. Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in tegista dalka Imaaraadka Carabta aanay denbi ahayn, balse isagu uu hadda joogo dalka Kenya. Mudane Waare ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu tegay Imaaraadka Carabta, isagoo inuu arrimo gaara u joogo magaalada Nairobi, balse aanay dembi aheyn in la tago Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalka dunida Jaamacadda Carabta. “In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray. Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu Jimcaha dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbi doono Magaalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Golaha AMniga Qaranka. Magaalada Nairbo, waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle, iyadoo warar isqilaafsan ka soo baxayaan Ujeedka Socdaalkooda. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Madaxweyne Waare u safri doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo ku qaadan doono madaxda ugu sareyso dalkaas. Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Kenyan President Uhuru Kenyatta held talks on Wednesday with visiting Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo focusing on security issues, the presidency said. Source: Hiiraan Online
  7. Somalian agri-tech startup Ari.farm has bootstrapped its way to acquiring customers from 35 countries across the world by enabling anyone to become a livestock trader. Source: Hiiraan Online
  8. Kenyan police said there are rising numbers of Islamist fighters gathering on the country’s border with war-torn Somalia and some are planning attacks during the Muslim holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  9. Doraad ayaa loo dhaariyay xilka Godoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yusuf Axmed oo Madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilkaas. Waxaana labadan beri hareeyay Saxaafadda hadal-hayntiisa dhaliilo iyo ammaan loo wada jeedinayo talaabadaan uu Madaxwaynahu ka qaatay dhanka Garsoorka dalka. Nuxurka dhaliilaha waxaa ugu waynaa: Baashe waa kuma? Da’diisa? Khibradiisa? Haybtiisa? Somalinimadiisa? Hannaanka loo maray magacaabistiisa? Xilliga lagu aadiyay ? Xiriirka isaga iyo RW ku xigeenka? Iwm. Halka dadka ku amaanaya Madaxwaynaha magacaabistiisa-na ay xusayaan: In xilli hore laga sugayay Madaxwaynaha Isbedel Garsoor, loona baahnaa dhalinyaro aan horay loogu baran Musuq iyo Cadaalad-daro? Lana ilaaliyo awood-qaybsiga beelaha! Ahal iyo qaraabana ay wada yihiin Siyaasiyiinta ku sugan Hargaysa iyo kuwa jooga Muqdisho, welina uusan jirin Sharci kala saarayo, Somaliland-nimaduna aysan aheen Mabda’ kala gayn kara Somalinimada ee ay tahay dano yaryar iyo duruufo waqti kooban kala geeyay Siyaasiyiinta, iskana dhammaan-doona? Hannaanka loo marayna waa wadadii loo maray kuwii isaga ka horreeyay, mar haddii Dastuurku siinayo Madaxwaynaha awooda Magacaabista Garsoorka lkn ay ka dhimantahay soo jeedintii Gudiga Adeega Garsoorka, ma burrinayso Awooda Madaxwaynaha qaybta ka maqan ee aan dalka weli ka jirin? Doodahaas Mucaaradka iyo Muxaafidka hadii aan ku daro aragtidayda: 1-Baashe laguma eedayn karo Da’diisa ayaa yar waxaan aragnay madax iyo hogaamiyaal ka da’ yar ama la da’ ah oo laga markhaati kacay hogaamintooda sida; Raisalwasaaraha Canada, Madaxwayna France iwm. 2-Khibrad yari; xilkaan laftiisa waxaa soo qabtay Odayaal khibrad iyo da’ aysan u dhinayn lagumana qancin Cadaaladooda iyo Maamulkooda! Hadii aan dib u milicsano; Madaxwayne C/qaasim ayaa halku dheg ka dhigtay; qof aan soo marin Wasiir, Genaraal, Safiir iwm Xil looma dhiibi karo, waxa ayna noqotay dawladiisii tii ugu tabarta darneed oo ka adkaa waysay, lana heshiin waysay hogaamiye kooxeedyadii xilligaas, kadibna isagii iyo Cali Khaliif oo mudo dheer soo ahaa Wasiiro ayaa is khilaafay. 3-Somaliland-nimo; si loo abuuro kalsooni iyo is dhexgal Siyaasadeed, mid bulsho waaba jirtaahe, loogana saaro madawga iyo mugdiga Maamulka Somaliland iyo Fedaraalka waxaa haboon in Albaabada la wada furo sida; In Gudoomiye Iidle shaqadiisii Xeer ilaaliyaha Somaliland ku laabto, Gudoomiye Faysalna Xamar wax looga raadiyo inta doorashada danbe laga gaarayo. 4-Dastuurka iyo Shuruucda noo qoran waxaa ka horeeya kana awood badan awood qeybsiga beelaha hadii runta laga sheego ama waaqica wax lagu qiimeeyo, si loo gaaro in la isku qiimeeyo ama la isku magacaabo aqoon iyo khibrad waa in meesha laga saaro 4.5. 5-Isbedelka Garsoorku waa in uusan ku joogsan Baashe kaliya ee la dhamaystiro. 6-Dhismaha Gudiga Adeega Garsoorka Madaxwaynaha kaliya malaha ee waxa uu ka dhexeeyaa Golayaasha Wasiirada, Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waana in aan la siyaadayn sidii ku dhacday Madaxwayne Xasan Sheakh oo markiii uu isku dayay in uu dhisho Garsoorka uu Barlamaankii 9aad ka ciideeyay. 7-In Madaxwayne Farmaajo ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa in uu dhisayo Garsoor Hufan, kana faa’iidaysto inta uu haysto aqlabiyadda Golayaasha Fefaraalka. Ugu danbayn waxaan Gudoomiye Baashe u rajaynayaa Guul iyo Horumar iyo in uu Tusaale fiican u noqdo dhallinyarada Somaaliyeed iyo Maamul-wanaag!. W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)
  10. Caawa waxaa isugu soo baxay fagaaraha ay caanka ku tahay Garoowe ee (Barxadda) dadweyne u badan haween iyo dhalinyaro taageersan dagaalka ciidanka Puntland kula jiraan ciidamada maamulka Somaliland xilli colaad labada dhinac u dhaxaysa ay ka jirto deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool. Qaar ka mid ah haweenka mudaharaadaya oo la hadlay warbaahinta ayaa u jeediyay madaxda maamulka Somaliland hadalo dhiilo colaadeed huwan, waxayna sheegeen inay ku garab taagan yihiin Dowladda Puntland iyo Ciidankeeda dagaalka ka socda Tuka-raq. Sidoo kale dadka banaanbaxa caawa ka dhigay Garoowe ayaa fariimo u direy shacabka magaalada Laascaano oo ay sheegeen inay yihiin dad dulmi iyo caburin uu ku hayo maamulka Somaliland oo ay ku eedeeyeen inuu in muddo ah wadey qorshe ku saabsan dhul balaarsi iyo daandaansi dagaal. Waa banaanbixii ugu horeeyay oo shacabka Garoowe ay kusoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee iminka ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Sool. Daawo. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Banaanbax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  11. Mogadishu, 30 May 2018 – Following several months of confinement in detention centres in Libya, 150 Somali migrants returned voluntarily to their home country today with transportation organized by the United Nations migration agency. Source: Hiiraan Online
  12. “The credibility of the Somali Government hinges largely on its ability to deliver for the Somali People.” International partners clearly recognise the importance of using country systems to achieve broader statebuilding goals, as this line, taken from the May 2017 Communiqué of the London Conference on Somalia, indicates. Yet, international partners continue to deliver aid primarily through parallel systems, as the Government struggles to raise sufficient domestic revenue to deliver tangible results for its people. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada dalkaasi ee Nairobi. Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay dowlada Kenya ciidamadeedu ka mid yihiin. Inta uu kulanka socday waxa ay isla soo hadal qaaden darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen. Kenyatta waxa uu dhankiisa Farmaajo uga ballanqaaday in dhismaha darbiga xadka uusan dhibaato ku noqon doonin Somalia, iyadoo la eegaayo dhammaan xaalada amni ee labada dal. Waxa ay si wada jira usoo daraaseeyen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato. Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Farmaajo codsiga loo soo jeediyay kadib waxa uu dhigiisa Kenya u xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya. Sidoo kale, Farmaajo waxa uu kulanka ka sheegay in Somalia aysan garaneynin meel ay uga harto Kenya, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay meel marin doonaan wax waliba oo maslaxad u ah Somalia iyo Guud ahaan labada dal.
  14. President Uhuru Kenyatta Wednesday held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. The two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations. President Kenyatta and his guest also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. President Mohamed said Somalia fully supports Kenya’s bid to sit on the UNSC. After a lengthy private meeting, the two Presidents later held talks that were attended by Deputy President William Ruto and leader of Majority Aden Duale. President Mohamed jetted into the country this morning accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. Source: – CAPITALNEWS
  15. Paris (AFP) – Security forces moved in on the biggest migrant camp in the French capital on Wednesday where some 1,700 people lived in makeshift tents alongside a canal. The migrants would be housed temporarily at more than 20 sites across the Paris region while the authorities checked their identities, Interior Minister Gerard Collomb said in a statement. CRS riot police were deployed at dawn, some arriving by boat, as the migrants emerged from their tents and waited patiently to be bussed away from the Port de la Villette camp in the northeast of Paris. “We don’t really know where we are going,” said a Libyan who reached Paris seven months ago and gave his name as Issam. “It was hard here,” he added, holding on to his one piece of baggage. The “Millenaire” or Millennium camp was home mainly to Sudanese, Somali and Eritrean migrants. Two similar camp sites in the capital along the Canal St Martin, which houses 800 mostly Afghan migrants, and the Porte de la Chapelle, home to 300-400 people, would also be quickly evacuated, said regional prefect Michel Cadot. “The other camps will be evacuated as soon as possible next week,” Cadot told reporters. The authorities said the dawn operation Wednesday was the 35th such evacuation in Paris in the last three years as thousands of migrants have arrived seeking a better life. – Migration spotlight – French President Emmanuel Macron has pushed a new immigration law, decried as too hardline by some associations but which he sees as essential to identify genuine asylum seekers and economic migrants. The law, which is still being debated in parliament, would speed up the asylum process and lead to increased deportations of people who are seeking work in France, rather than fleeing war or persecution at home. The issue of migration was thrown into the spotlight at the weekend after a Malian migrant, in the country illegally and working in the construction industry, saved a child dangling from a fourth-floor balcony. The dramatic rescue act by Mamoudou Gassama, who scaled the Parisian apartment bloc with his bare hands, turned him into a global superstar and led Macron to grant him honorary citizenship. Immigration remains one of the main concerns of French voters, polls show, and the far-right National Front leader Marine Le Pen won a third of votes in last year’s presidential election. Rather than Gassama’s heroics, some far-right activists have highlighted a different case involving migrants this week: that of two Afghans arrested for allegedly harassing a woman they judged to be inappropriately dressed on a train. The Paris mayor’s office, run by Socialist Anne Hidalgo, praised the clearance of the camps on Wednesday but said that it had been calling on the national government and interior ministry to take action for four months. Several officials from the mayor’s office were openly critical of Interior Minister Gerard Collomb. Source: – AFP
  16. Former Deputy Mayor of Mogadishu speaks at a conference between Somali diaspora returnees and locals to promote good relations, June,2017. Wikicommons/AMISOM – Mohammed Imam Nur Ikar. Some rights reserved. Diaspora groups have been recognized as development actors in policy circles since the early 2000s. Most attention has been paid to remittances sent to developing countries, whose volume is triple that of official development assistance. However, disaster relief, development projects and knowledge transfer are significant development contributions as well. Somali-Swedish diaspora engagement in the Somali region is a case in point, with activities ranging from water provision in drought-affected areas to promotion of women’s rights. Programmes supporting such involvement may strengthen its development potential but institutional and administrative constraints risk undermining the impact. Since the outbreak of civil war in Somalia in 1991, Somali refugees have settled all over the world, including Sweden. Somalis are well known for their transnational engagement in their erstwhile homeland, providing a lifeline in times of crisis and contributing to long-term processes of change. Sweden has become a significant hub for Somali diaspora engagement, with a rich and diverse civil society engagement. There are numerous registered diaspora associations supporting development in the Somali region, including women’s associations, NGOs and umbrella organizations. Informal diasporic networks spanning several continents, mosques and businesses are also diaspora actors. Two diaspora support programmes exist, offering matched funding for Somali-Swedish diaspora associations working with development and for social entrepreneurship. Diaspora projects receiving matched funding typically concern sustainable development, gender equality, human rights and job creation, in line with Swedish development priorities. However, many diaspora activities are self-funded through donations from Somalis in Sweden and sometimes globally. These projects tend to focus on health, education, water provision and drought relief. No matter whether their activities receive external funding or not, many diaspora actors explain their involvement as motivated by a sense of moral obligation in the face of suffering. “It’s like you have an obligation to give back” as one female activist put it, while a man explained how his development engagement was kicked off by a visit to his native town. Being devastated by the poverty he encountered there, he decided to do something himself. “There are opportunities in Sweden and there is funding for organizations”, he said and continued, “there is nobody else; who can it be rather than us?” “There is nobody else; who can it be rather than us?” Opportunities and challeneges Somalia is a significant partner country for SIDA, being the fourth biggest recipient in 2016. Both SIDA and Somali-Swedish diaspora groups thus have extensive engagement in the Somali region. On the one hand, SIDA has a strategic interest in cultivating a strong relationship with Somali-Swedish development actors to further contributions in alignment with overall Swedish priorities and interests. On the other hand, progress in development and reconstruction in the Somali region is of huge importance for Somali-Swedes. Likewise matched funding for diaspora engagement makes it possible to upscale certain types of diaspora involvement. There are thus mutual opportunities and interests. However, it would be naïve to think that the relationship between the development industry and diaspora groups is all roses. One challenge concerns development modalities and priorities. Diaspora engagement tends to be flexible and cross-sectoral, spanning the often strict division between development and humanitarian relief in development cooperation agencies. Furthermore, some diaspora actors are simultaneously involved in family affairs, collective development projects, and perhaps a political career. They do not necessarily have a detached or neutral position vis-à-vis the target areas and populations, in other words, but may be personally involved at several levels. This causes skepticism among some development professionals concerning the effectiveness and compatibility of diaspora activities with development cooperation. Some diaspora actors are simultaneously involved in family affairs, collective development projects, and perhaps a political career. Conversely, some diaspora actors question the appropriateness of Swedish development priorities and a rights-based approach that they characterize as out of touch with realities on the ground, while others emphasize the importance of gender equality, for example, and human rights. No matter what, diaspora actors call for more reconstruction and service delivery in contexts of abject poverty and post-conflict – like in much of the Somali region. Another challenge is extensive administrative procedures in combination with relatively short project duration periods of projects receiving matched funding. Most diaspora associations are run by volunteers and the excessive time spent on application, accounting and reporting constitutes a considerable constraint for many activists. What should be done? Diaspora engagement in development is significant, long-term, and may benefit hard-to-reach populations. While it may be upscaled by matched funding, it is not determined by such support. That said, diaspora engagement is no silver bullet to development and there are no quick fixes. So what should be done? First, introducing enhanced flexibility vis-à-vis reconstruction activities and service delivery as well as faster and simpler administrative procedures would facilitate involvement in diaspora support programmes. It would also have wide resonance among diaspora actors and in the Somali region. This is important given the continued fragile situation and occurrence of complex crises. Second, intensifying dialogue between policymakers and diaspora groups may enhance partnerships and mutual understanding. Many diaspora actors have a desire for stronger inclusion in policy processes that concern the Somali region and diaspora engagement. Here it is a final consideration that such collaboration offers opportunities for development agencies and diaspora actors alike. Source: – Open Society
  17. President Uhuru Kenyatta Wednesday held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. Source: Hiiraan Online
  18. MINNEAPOLIS -- The stories of two Minnesota hate crimes will reach a much wider audience, as part of a documentary by the Al Jazeera network, which is watched via satellite and the Internet across the world. Source: Hiiraan Online
  19. Abdulkadir Mohamed Muse, 24 was born in Malaasle village which is not too distant from Mudug’s provincial capital of Gaalkio and for the last couple of years he was a stupendous entrepreneur in Isntabul. Unlike other Somalis living in Turkey, Abdulkadir has established 100,000 worth business, ascertaining to change the intuition of Somali folks in the economically thriving Turkey. “It’s a long journey, I have come here through a scholarship and sevan years of solid dedication I had finished my degree along M.A. in local governance at Marmara University” Abdulkadir has said. “It was a substantial experience to learn the national language of this country and also finish to the next higher educational levels “he said. He said that the idea behind the entrepreneurship was to entail a market gaps and strength the economical ties between Somalia and Turkey and also field vacant opportunities in Istanbul. “Our company is dubbed Sahal Enterprise and now we work in several fields including the Cargo , medical and tourism along an educational consultant department which offers educational services for the Somali students vying to approach in Turkey ” he noted. “Based on our daily tasks we have collaboration with domestic universities who often accept foreign students and not only Somalis but also for the other African students “ The director has estimated their revenue 100K per year with more than 5 years of expertise in the market, calling other contenders to enhance their competition. “Our company has recently open a new door to its services, we are yet the only company that can deliver Cargo services to Puntland which is where I came from, it takes less than days to luggage goods and send directly to Somalia specifically Galkio” The CEO has said. “Istanbul is turning the new Dubai and more Somali business people are willing to settle in here to bring initiatives and we are part of that community just to serve for our people. Mr. Abdulkadir has presented a gratitude for the endless support which the Turkish gov’t is giving to the Somali people who are mostly devastated by conflicts and the recent floods. Faisal M.Hassan The post The Story of Somali Entrepreneur who spearheads 100K worth Business in Turkey appeared first on Puntland Post.
  20. A Maryland man was sentenced on Tuesday to 35 years in prison after he pleaded guilty to conspiring to support the militant group Al Shabaab by travelling to Somalia to receive military training from the extremists, federal prosecutors said. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo u badan dhanka amniga, oo ay ka mid tahay taageerada howlgalka Amisom, oo Kenya ay qeyb ka tahay, iyo sidii gacan looga gaysan lahaa xasiloonida dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay isla soo qaadeen darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen. Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya. Wada-hadallada labada mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  22. Two advocacy groups are seeking to intervene in the judicial review of the case of Abdoul Abdi, a former Somali child refugee fighting to stay in Canada. Source: Hiiraan Online
  23. Many diaspora actors have a desire for stronger inclusion in policy processes that concern the Somali region and diaspora engagement. This offers opportunities for development agencies. Source: Hiiraan Online
  24. Shirka Golloha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan. Gollaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S.G. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda. Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.
  25. Paris (AFP) – Security forces moved in on the biggest migrant camp in the French capital on Wednesday where some 1,700 people lived in makeshift tents alongside a canal. Source: Hiiraan Online