Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia marked the International Day of the African Child with a commitment to work closely with development partners to ensure access to quality education for its youthful population. Source: Hiiraan Online
  2. Hague (Caasimada Online) – Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Maxkamadda Caalamiga (ICJ) kalsooni weyn ka muujiyey gal-dacwadeedka ay ku difaacayaan Badda Soomaaliyeed. Garyaqaannada ayaa aaminsan in dhammaan caddeymaha ay gudbiyeen ay ku qancin karto dhex dhexaadiyaasha caalamiga xaq-lahaanshaha Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda ay dhan ah Kenya. Dhanka kale, Qaar ka mid ah Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Hague ayaa walaac ka muujiyey qorshe la sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhiggooda Kenya, kuwaas oo doonaya in ay markhaanti gashadaan masuuliyiin Soomaaliyeed oo horey ay heshiis u wada galeen. Sharci yaqaannada Soomaaliya u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in Garyaqaannada Kenya ay doonayaan in Maxkadda ICJ ay horkeenaan Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid iyo Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/riximaan C/shukuur Mire oo ay ku doodayaan in heshiis is afgarad ay la galeen. Inkastoo Xeer Ilaalinta Soomaaliya ay ku adkaysanayaan mowqifkooda iyo sida ay u difaacanyaan dalkooda, haddana cabsida soo ifbaxday ayaa ah in labadaas siyaasi ay ka hor caddeeyaan Maxkamadda hadal dhabar jab ku noqda dadaalka ay wadaan Garyaqaannada ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  3. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has said foreign debt is becoming a burden to his country. “We have reached a point where debt servicing has become very hard for the national economy,” Ahmed said in an annual performance report presentation to parliament on Monday less than 70 days after he assumed office in April. According to the prime minister, the country has taken $1.3 billion in loans during the first six months of the budget year (since July 8, 2017), which rose the country’s total debt to $24.7 billion. He said a little more than 57 percent of the loan was used by the government while public companies consumed the rest. “During the first six months of the budget year, import-export showed a 0.02 percent increase but the trade balance widened [to the disadvantage of Ethiopia] by 2.2 percent,” he said. “We have been taking loans and now that is getting too much,” he said. Source: – Anadolu Agency
  4. The entire process of controlling Somalia’s skies from Nairobi has officially come to an end on Monday after Somalia and the International Civil Aviation Organization (ICAO) jointly agreed to close the office in Nairobi. ICAO has been controlling Somalia’s airspace for over 25 years since the fall of the country’s central in 1990. Somalia’s minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdullahi Salad said ICAO’s office in Nairobi formally stopped its function to control of Somalia’s airspace from Kenya. “Today 18th June 2018, Somalia’s airspace control office in Nairobi which had been operating more than 25 years, will stop its function. All function of airspace control will take place in Mogadishu,” said Salad. The minister said that the move represents a significant step towards the development of the country. “It is a great honor for us to witness this historic day that we are fully moving the control and management of our airspace to the city,” the minister said. In March, Somali government relocated 34 air control personnel who were working in Nairobi to operate in the Somali capital, Mogadishu. The U.N.’s aviation agency began controlling air traffic over Somalia after the county descended into civil war. Due to security concerns, the organization worked from Kenya until 2017 when the government of Somalia took the control of the airspace from ICAO. The International Civil Aviation Organization (ICAO) is a specialized agency of the United Nations. It codifies the principles and techniques of international air navigation and fosters the planning and development of international air transport to ensure safe and orderly growth. Its headquarters are located in Montreal, Quebec region, Canada. Hol
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa heshiis ku saleysan arrimo badan ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho. Heshiiskaas ayaa qodobada qaar waxaa dhaliil ka muujiyey Xildhibaano, Siyaasyiin iyo Shacab aad uga soo horjeeda isbedelada Siyaasadeed ee uu ku talaabayo dalka. Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dhaliilsan Heshiiska ayaa sheegaya in dalka si toos ah loogu gacan galiyay dowlada Ethiopia oo markii hore ay colaad kala dhexeysay Somalia. Qaar kood ayaa sheegay in Ethiopia ay wakiil u tahay dowlada Imaaraadka carabta oo uu khilaaf kala dhexeeyo Somalia, maadama Ra’isul wasaaraha Ethiopia ay Wasiirka arrimaha Dibadda Imaaraadka maalin ka hor inta uusan imaan Muqdisho isku arkeen magaalada Riyadh. Xildhibaanada sifaha foosha xun ka bixiyay Heshiiska waxaa kamid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal qodobeysan ka sameeyay Heshiiska. HOOS KA AKHRISO QORAALKA QODOBEYSAN EE XIL. MAHAD SALAAD: 1-Booqashada deg dega ah ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimid magaalada Mogadishu. Heshiiska deg dega ah ee lagu saxiixay saacadaha kooban iyo ka fiirsasho la’aanta madaxda Soomaaliya gelitaanka heshiisyada nuucaan oo kale ah. 2-Damaca Itoobiya iyo hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Itoobiya ee ah in u kula heshiiyay madaxda Soomaaliya in labada dowladeed (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay isku noqdaan hal dowlad. 3-Fariinta la tuhunsan yahay in Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu ka waday Maxamed Bin Zayed, dhaxal sugaha Imaaraadka ee Madaxweyne Farmaajo la soo gaarsiiyay, isla markaana jawaab ka sugayey inuu RW Itoobiya kusoo celiyo waxa uu Madaxweyne Farmajo ka yeeli doono soo jeedimaha Imaaraadka. 4-Rabitaanka Imaaraadka ee ah in dhammaan dekadaha gobolka ku yaala la curyaamiyo oo lala galo heshiisyo dhaadheer oo aysan ka bixi karin si meesha looga saaro maalgelin shisheeye. 5-Diidmada Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu saxiixo qaraarkii labada Gole Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyeen heshiiskii Berbera iyo in DP World dalka Soomaaliya laga eryo. 6-Hardanka siyaasadeed ee salka ku hayo masaaliixda quwadaha waaweyn iyo kuwa gobolka ay ka leeyihiin geeska Africa sida Mareykanka, Shiinaha, Turkey iyo Imaaraadka oo dhammantood saamayn xoog leh innagu leh. 7-U nuglaanshaha Soomaaliya faragelinta shisheeye iyo bisayl la’aanta siyaasiinta Soomaalida, khilaafka dowladda federaalka iyo Somaliland, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, dagaalka Tukaraq oo dhalin kara faragelin cusub. Dhammaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo laga yaabo dadka Soomaaliyeed in aysan hada ku baraarugsaneyn waxay horseed u noqon karaan cawaaqib xumo aan laga soo kaban karin oo ku habsata dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Suurta galna ka dhigi karta in la waayo midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, aayo-katalinta masiirka umadda Soomaaliyeedna uu gacanta u galo quwado shisheeye oo siday doonaan ka yeela. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia,Abiy Axmed Cali ayaa hay’adaha amniga dalkiisa ku eedeeyay in ay shacabka kula kacaan falal argagixiso oo ka dhan ah banii’adanimada iyo xuquuqda dadweynaha. Mudane. Abiy ayaa sheegay in laamaha amnniga dalka Ethiopia ay si baahsan u dhibaateeyaan dadka ay ku tuhmaan mucaaradnimada,islamarkaana ay isugu daraan jirdil iyo xabsi aan loo meel dayin. Hadalkaan ayaa jawaab u ahaa su’aalo ay Baarlamanku ka weydiiyeen,dad la sheegay in ay argagixiso ku eedaysnaayeen oo uu ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka siidaayey. Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay,bishaan horraanteediina,waxaana shaqada laga eryay taliyaashii ciidamada militariga iyo sirdoonka. PUNTLAND POST The post Abiy Axmed oo ciidamada dalkiisa ku eedeeyay falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma. Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia. Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay “Aad ayaan u soo dhaweyneynaa Heshiiskaas, waayo annaga xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska. “Waxaa aaminsanahay in Dekedda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle. Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale. Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare. Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma. Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia. Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska. Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah uu magaalada Oslo ee dalka Norway ka furmo shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo. Shirka ayaa waxaa marti gelineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimo muhiim ah. Shirkan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa Somalia ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo maalin un ka hor gaaray madasha Oslo. Shirkan oo socon doona 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka. Sanadkan waxaa Madasha ka qeyb galaya Ra’isul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, Ra’isul wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shirka ka jeedin doona Khudbad khuseysa xallinta khilaafaadka iyo arrimaha Somalia. Shirka waxaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas. Sidoo kale, Kheyre iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Oslo ee dalka Norway kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxd dalkaasi iyo kuwa ka qeybqaadan doona shirka. Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si hordhac ah ula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Norway oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saldhiga Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha. Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Ibraahim Cumar Weydow, waxaana dilkiisa ka danbeeyay mid kamid ah ilaaladiisa. Askariga dilay Taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in sidoo kale ay qaraabo ahaayen marxuumka, waxaana la sheegay inuu kala dhexeeyay muran muddo qaatay. Mid kamid ah ilaalada Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa yiri ‘’Dilkiisa waxaa ka danbeeyay askari ay qaraabo ahaayen xiliyada qaarna la socon jiray waxaana ka dhaxeeyay muran ku dhawaad bil socday’’ ‘’Dilka kadib waxa uu askariga la baxay gaari iyo qori uu lahaa taliye ku-xigeenka lamina oga halka uu la aaday gaariga iyo qoriga dilka kadib’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay in rasaasta looga dhuftay madaxa iyo wadnaha, waxa uuna cadeeyay in dilka Taliye ku-xigeenka uu ahaa mid si foolxun loo geystay. Muranka sababay dilka Taliye ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa lacag marxuumka kala dhexeysay Askariga dilka geystay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Saldhiga Ceelasha biyaha. Dhinaca kale, dilka taliye ku xigeenka ayaa kusoo beegmay xili la filaayay in isbedel lagu sameeyo Saraakiisha ka howlgasha Saldhiga Ceelasha biyaha, waxaana xusid mudan in DFS aysan weli ka hadal dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Women sport their national pride at the annual Somaliland Independence Day celebration on May 18 in Hargeisa. Advocates argue that a political quota would give women a greater say in their country’s policy-making. Credit: Adrian Leversby/IPS Women are part of our society and their political engagement is invaluable. Building women’s and men’s equal participation in governance procedures is very important for sustaining inclusive and effective governance in Somaliland. As a developing society, it is very essential to recognize that women can play vital roles in their communities, as they are effective in advocating about pertinent issues that concern them. Regardless of the successes recorded in some Somaliland’s institutions, the underrepresentation of women in these political institutions is quite appalling. The reason for this is not far-fetched, as they face serious challenges trying to be a part of the political atmosphere of their country. These challenges include structural barriers emanating from discriminatory laws and cultural beliefs, which cripples the ability of women to vie for a political office. Although there is a newly built democracy in Somaliland, tribalism is another limiting factor to women’s participation in Somaliland’s politics. The impact of this factor is enormous as it has its roots in the grassroots, the clans which are very crucial in getting elected into any political office. The traditions and the clan system favor only the male politicians and fails to recognize the woman as a permanent member of the family. In this system, a woman’s political ambition is not even given a chance to survive, as she does not even have a voice in her own constituency, let alone represent her people in the political landscape of the country. Other factors like social discrimination and aggressiveness towards the women folk, inability to get support as well as lack of adequate resources have really crippled the participation of women in the political affairs of the state. It is true that women’s exclusion from the politics and decision-making tables was formalized by the culture but now the country has politically shifted from the clan-based to the multiparty system. Therefore, it is not just an issue of poor women representation in politics but also the poor development of inclusive and transparent democracies. Women have been playing a major role in Somaliland history and have greatly committed to independence, peace building, reconciliation and post-conflict reconstruction. It is clear that women are the backbone when it comes to the reconstruction of the country and advocating for national stabilization, human rights, and democracy. With this antecedence, women’s political participation will increase the legitimacy of the governance, transparency of the growing institutions and provide transformative leadership in all sectors of government. Also, their engagement will decrease the corruption, nepotism, tribalism, and injustice which is currently prevalent in several quarters. Women’s political involvement begins with increasing the number of slots allocated to women in vital decision-making positions like parliaments, local councils, and other governmental institutions. When we have a good number of female political figures in these positions, they stand a better chance of contributing more to nation building as well as addressing very important and challenging issues affecting the well-being of women. However, women in Somaliland are still largely absent from national and local decision-making bodies and are excluded from political processes especially in recent times. Despite representing half the country’s population, women comprise less than 3 percent of Somaliland’s legislators. Evidence from developing countries around the world shows that an increase in women’s participation in the political life of their countries often leads to improved socio-economic conditions, as many of these women– more readily than their male counterparts– tackle poverty reduction and service delivery as areas of primary importance to their constituents and supporters, as seen in Rwanda. During the civil war and up to the 1994 genocide, women’s parliamentary participation was 18 percent at most. This number increased in the years leading up to the 2003 constitution, reaching a record 56.3 percent in 2008. The increased numbers of women’s participation are a result of gender-sensitive constitutional quotas, an innovative electoral structure, and the participation of partner institutions. Against this backdrop, in a bid to correct this, an electoral quota is considered an effective administrative tool which can pave way for a mandatory percentage of women candidates for the leadership and decrease the historic exclusion of the women from the politics. The outcome of a meeting at the presidential palace, which had Somaliland’s President, Hon. Musa Bihi Abdi and his cabinet in attendance revealed suggestions made to reserve a quota for women in parliamentary and local government elections. For, Mr. Musa Bihi Abdi this is a step in the right direction and it could be historic when it is approved by the parliament and the country’s house of elders. Once this bill is approved, it will bring a high increase in female political representation and will eliminate the domestic gender-based violence. This will also go a long way in strengthening women’s rights and addressing barriers to political partaking which are critical to achieving an equal society where everyone has his or her own voice by improving women’s access to justice, thereby increases citizens’ confidence in democracy. Women’s exclusion from decision-making bodies is detrimental to democracy and any democracy that excludes half of its people is a big contradiction and huge failure. In that case, we need to work towards strengthening women’s rights and political participation, because increased female political influence will promote the growth of our democratic institutions and improve our social wellbeing. Musa M. Isse Musa M. Isse is a journalist, author and social entrepreneur based in Stockholm, Sweden He can be reached at haji_musa@hotmail.com
  12. Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhexmaray maray dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya. Maamulka Hir Shabelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskaasi iyaga oo sheegay in dano badan ay ugu jirto Maamulkoodo. Madaxweyne Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaasi ay aad u soo dhoweeynayaan. Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uu daris la yahay Itoobiya isaga oo sheegay in Waxyaabo badan ay is dhaafsanayaan. Sabtidii la soo dhaafay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan Maalgashi qaar kamid ah Dekadaha dalka Soomaaliya. Hoos ka Dhageeyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Waare.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhoweeyay heshiiskii DFS iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  13. Al-Shabaab terror attacks on security personnel and passenger vehicles are on the wane on the Lamu-Garsen road, Lamu County police say. Source: Hiiraan Online
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa kulan ku qaatay magaalada Oslo, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha amniga, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud. Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wasiirka warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda Dalka iyo qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa bogaadisay horumarka ballaaran ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo, waxa ayna ka dhawaajisay in ay xukuumadda Oslo ay sii joogteyn doonto taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Norway ayaa maalinta berri ah ka qeyb gelaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo kaas oo socan doona mudda laba maalin ah ayna kasoo qeyb gelayaan madax ka socota caalamka. —— DHAMAAD——— PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway appeared first on Puntland Post.
  15. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has said foreign debt is becoming a burden to his country. Source: Hiiraan Online
  16. Parents in Garissa have been warned against marrying off their under-age girls. Source: Hiiraan Online
  17. Former Somalia minister and current lawmaker Abdullahi Mohamed Nur has called on the government to consider addressing security and political challenges before printing the new currency for the country. Source: Hiiraan Online
  18. The entire process of controlling Somalia’s skies from Nairobi has officially come to an end on Monday after Somalia and the International Civil Aviation Organization (ICAO) jointly agreed to close the office in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Heshiiska dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Ethiopia. Wasiir Sacad, ayaa marka hore sheegay in socdaalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy ee Muqdisho uu lamid yahay socdaalka maalmahaani uu ku gaarayay Kenya, Jabuuti, Ugandha iyo wadamo kale oo dhowr ah. Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay Heshiiska ayaa waxa uu sheegay in labada dal ay xaq u leeyihiin inay is booqdan isla markaana heshiis wada galaan. Sacad, waxa uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka gaashamato wixii khuseeya oo faragalin lagu hayo, hase ahaatee uusan iminka u jeedin wax faragalin oo muuqda. Waxa uu tilmaamay inuu jiro xiriir xoogan oo Somaliland kala dhexeeya Ethiopia, hase ahaatee uusan fileynin in Ethiopia ay kusoo xadgudbeyso Somaliland. ‘’Anigu ma oranaayo maxay u heshiiyeen labada dal waayo xaq bey u leeyihiin inay hormariyaan heshiisyadooda’’ ‘’Somaliland iyo Ethiopia kama aysan wadahadal arrinta Heshiiska balse waxaa jira fursado wixii intaa ka danbeeya un’baa arrimahaani kala hadli karnaa saxaafada’’ Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay sababta ay xiriir ula sameyn waayen Ethiopia tan iyo markii uu imaaday Ra’isul wasaaraha cusub Abiy Axmed, ayaa waxa uu sheegay inaysan weli isku helin fursad, isagoo tusaale usoo qaatay safarada joogtada ah ee maalmahaani uu Ra’isul wasaaraha ku maraayay qaar kamid ah wadamada Africa. Wasiir Sacad, waxa uu sheegay in Ethiopia ay kala hadli doonaan Heshiiska ay la galeen Dowlada Somalia, balse waxa uu meesha ka saaray inuu jiro degdeg. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dowladaha Somalia iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen Heshiisyo ka kooban 16 qodob oo dhigaaya maalgashiga Dekadaha ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee maamulka Somaliland Cdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu halis ku yahay Somaliland. Cirro, waxa uu sheegay in maamulka Kulmiye ee haya talada Somaliland laga doonaayo in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu ka jaahil bixiyo Siyaasiyiinta iyo shacabka. Cirro waxa uu tilmaamay inay ka warheleen warar sheegaya in Dekaddaha ay labada dhinac ku heshiiyeen ay qeyb ka tahay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland. ‘’Muuse Biixi waa inuu ka jawaaba in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu saameyn ku yeelanaayo Dekadda Berbera, waxaanu maqalnay inaanu ku jirno Heshiiska taasi jaahil bixinteeda waxaan uga fadhinaa Biixi’’ Cirro, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay haddii ay dhacdo in Dekadda Berbera ay ku heshiiyaan Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna Heshiiska noocaasi ku sheegay mid muujinaaya in Somaliland ay hoostagto Somalia. Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland ay hoos uga dhacday maqaamkii ay ka taagneyd dhanka Beesha Caalamka, waxa uuna dusha ka saaray xisbiga Kulmiye oo haya talada Somaliland. ‘’Waa sax in Somaliland ay hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxaa talada haya shaqsiyaad aan u caabooneen isbedel waa inaanu helnaa talaabo aan ku xajisankarno maqaamkeena’’ ‘’Waxaan dareemayaa in Somaliland aysan ku baraarugin Heshiiska Somalia iyo Ethiopia, waa inaanu helnaa xaqiiqda Heshiiska suuragal maaha in Dekadda Berbera lala baalmaro Somaliland’’ Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Hoggaamiye Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka jawaabo Heshiiska, isagoo jawaab la’aanta ku micneeyay raali ka ahaanshiyaha Heshiiska. Dhinaca kale, Heshiiska labada dal ayaa waxaa kamid ahaa maalgashiga afar Dekadood oo ku jirta gacanta dowlada Somalia, kuwaa oo aan weli la micneen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Bilowgii Sanadkii 1896-dii ayuu Mr. Theodor Herzl oo loo aqoonsanyahay in uu yahay Aabaha Siyaasadda Yuhuudda casrigaan wuxuu qoray buugga Der-Judenstaat(dowladda Yuhuudda), oo uu uga hadlay sidii ay Yuhuuddu oo ku kala firfirsaneed caalamka u noqan laheed dowlad iskeed u taagan oo leh dhul, xuquuq iyo aqoonsi caalami ah. Bartamihii Sanadkii 1896-dii ayuu Theodor Herzl u diray Suldaan Cabdixamiid oo ahaa Madaxweyinihii dowladdii Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka ariminaysay caalamka Islaamka warqad uu ku leeyahay: “Madaxweyne, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo ogolaato in aan soo degno Falasdiin, aadna naga qaadataan £20 Milyan oo Pound oo canshuur ah, waxaan rabnaa in aan dalka ka wada shaqeysanno, nabad-gelyo ku wada joogno, sida aan dalkaan uga wada shaqeysan karnana waxaan uga hadleynaa shir aan ku qabsan doonno magaalada Qusdandiiniyah(oo maanta loo yaqaan Istanbul, Turkiya)”. Madaxweynihii dowladdii Cuthmaaniyiinta Suldaan Cabdixamiid ayaa Mr. Theodor Herzlow ugu jawaab-celiyay: “waxaan kaaga digayaa in aad kusoo dhiirato in aad igala hadasho dhulka Falasdiin. Diyaar uma ihi in aan ka tanaasulo taako kamid ah, waayo anigu gaar uma lihi ee waxay ka dhexeysaa Umadda Islaamka oo wiilasheedii ku waysay halgankii aan usoo galnay dalkaan, mana rabo in uu dhiiggoodii noqdo tabac-qasaaray. Marnaba ma aqbalyo in aad nooga faa’iideysataan baahida dhaqaale ee na heysa, ee Yuhuuddu ha iska heysato Lacagteeda hana iska sugato inta ay ka dhimaneyso awooddeennu, markaas ayaad Falasdiin ku qaadan doontaan si free ah adinka oo aan Lacag bixin, balse maanta lagama yaabo in aan gorgortan ka galno taako kamid ah Falasdiin”. Sanado kadib, Yuhuudda oo ka faa’iideysanaya dacfi ku yimid dowladdii Cusmaaniyiinta ayaa bilaawday in iyada oo badda kusoo tahriibaysa ay si qarsoodi ah ugu qulqusho Fasaldiin, maanta waxay ka badantahay xoogna ku qabsatay dadkii reer Falasdiin, waxayna dhowaan iclaamisay in Qudus oo ah caasimadda Falasdiiniyiinta oo ay caasimad u tahay Yuhuudda. Soomaaliyey waxaan ka cabsanayaa in maanta adiga oo raali ka ah lagaa qaniino godkii shalay iyada oo aan raali ka aheyn laga qaniinay walaashaa Falasdiin. Waxaan ka cabsi qabaa in Itoobiya oo boqol iyo dhowr Milyan ah ay qarniyo kadib si fudud u yeelato Soomaaliya sida ay Yuhuudda oo dhowr iyo Toban Milyan ah ay Falasdiin ugu qabsatay boqol sano gudahood. Waxaan ka walwalsanahay saameynta uu jiilka soo socda ka dhaxli doono heshiiska aad maanta halka maalin ku saxiixday adiga oo fiirinaya dano dhow, oo aan ka fekerin mustaqbalka fog. Waxaan isweydiinayaa waxa ay dhihi doonaan Madaxdooda mustaqbalka haddiiba ay madaxdooda maanta sheegayaan in aan nahay hal dal oo dan-wadaag ah. Waa sax in aad dekadahaan fadhiidka ah u dhiibato qolo hormarisa, ka shaqeysiisa, waxna kasoo saarta balse yay tahay cidda aad Soomaaliyey wax u dhiibatay? Waa itoobiya oo ay kaala dhexeyso dhiillo iyo cadawtooyo gaamurtay. waa Itoobiya oo kaa agoomeysay carruur badan, kaa garoobbeysay dumar badan, kaa leysay kaana naafeysay rag badan, waligeedna caqabad ku ahed midnimada Soomaaliya. Waa Itoobiya oo Faqri ah, deris kula ah, kaa tiro badan, kaa xoog badan, kaa taageero badan, maantana xoog ku heysata qeyb kamid ah dhulkaaga, qaar kamid ah wiilashaaduna ay ku jiraan xabsiyadeeda, ayna adagtahay in aad berito nabad uga qaadato usha aad maanta sida fudud ugu dhiibatay, ee hadda ayay talo gudboontahaye si fiican uga fiirso cidda aad wax ku darsaneyso. Qalinkii: Eng. Hussain Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Waxaa jirtay qiso uu waa horey qoray nin dalka Danmark u dhashay oo loogu magac daray ”dharka cusub ee boqorka”. Qisada ayaa sida tan aheyd. Waa waxaa jiray nin boqor ah oo dadkiisa u darnaa oo ku cabiidin jiray in ay isaga jeclaadaan, wax kasta oo u sheegana ciddii ka hor imaata ay cinqaab adag la kulmi jirtay. Ugu dambayn boqorkii waxa uu ku guuleystay dadkiisa in uu ka dhigo dad ka dambeeya oo wax kasta uu sheego aan laga dabo hadlin. Balse maalin ayaa labo nin oo khaa’iniin ah oo dal kale ka yimid waxa ay go’aansadeen boqorka in ay dhaqaalo ka khiyaamaan. Nimankii waxay u yimaadeen ra’iidalwasaarahii boqorka oo ay ku yiraahdeen ”waxaa noo geysaa boqorka waxaan u wadnaaye wax uu aad iyo aad uga helayo oo uusan diidi karin marnee” ra’iisalwasaarahii waa uu ka yeelay oo waxa uuna u geeyey boqorkii. Markii ay u tagen boqorkii ayey ku yiraahdeen ”boqorow waxaan soo marnay dhulka aad ka talisid oo dhan waxaana na cajabisay sida ay dadkaagu kuu jecel-yahiin oo ay kaaga dambeeyaan balse waxaa maanta kuu wadnaa arrin ay dadkaagu inta ay hadda ku jecel-yaahiin labo jirbaarkeed kugu sii jeclaan karaan”. Boqorkii ereyadaas markuu maqlay xiiso ayaa gelay. Intuu horey kursigii uu ku fadhiyey uga soo kacay ayuu yeri ”haye, ii wada warka”. Nimankii waxay yiraahdeen ”waxaa soo dhow toban guuraadii markii laguu caleemo saaray boqornimada. Madaama aad u dabaal-degi doontid waxaan kuu sameyn karnaa maro aad ku labisatid maalintaas. Maradas hadaad gashatid dadkaaga inta ay hadda ku jecel-yahiin oo ay kaa dambeeyaan labo jirbaarkeed ayey ku jeclaanayaan oo kaa dambeyn doonaan. Boqorkii sheekadii ragga ayuu la dhacay ileen waa kaligii taliye cabiidiye ahe. ”Laakiin” ayey yiraahdeen labadii nin ”maradas waa maro qofka waxmataraha ah uusan arki karin oo uu u malaynayo in aad qaawan tahay oo aadan dharqabin, taas oo sahli doonta in dadka noocaas ah dadka laga dhex aqoonsado”. Intaas markii u maqlay boqorkii waa qancay oo waxa uu ka dalbaday in ay u soo sameeyaan marada ay sheegayaan. Labadii nin boqorkii waxay u sheegeen in marada dunta laga sameeyo ay aad qaali u tahay oo qarash faro badan ku baxahayo. Balse boqorkii ayaa horey ka furay qasnadii dowladda oo soo cantoobiyey dahab tiradii ka batay, amarna ku siiyey ra’iisalwasaarahiisa in uu labada nin ku wareejiyo goob warshad ah oo ay marada ku sameeyaan iyo wax alle waxii kale oo ay u baahan yahiin. Labadii nin markii ay boqorkii ka soo tageen waa malaysan wayeen gusha ay ka soo hooyeen shaxdii khiyaano ee ay degeen iyo dahabka tirada badan ee ay ku heeleen. Markii la geeyey halkii ay marada ku sameyn lahayeen waxay galeen tumasho iyo baalshaal inleen waa ragga maalin ku taajiraye. Waqti markii laga soo wareegay goortii lagu ballamay in ay soo dhameeyaan sameyska marada oo aan waxba laga haynin nimankii ayuu welwel ku abuurmay ra’iisalwasaarahii wayo waqti gaaban ayaa ka dhiman dabaal-degga toban guurada boqorka, marana gacan lagu mahayo. Ra’iisalwasaarahii ayaa go’aansaday bal in uu soo fiiriyo raggii lala ballamay halka ay wax marsiinayaan. Waxuu tagay warshadii ay ku farsameynayeen marada. Markii uu goobtii soo istaagay ayuu arki waayey wax shaqo ah oo goobta ka socoto iyo maro diyaar ah, balse badelkeeda waxuu arkay rag tumasho iyo damaashad iskaga jira. Ra’iisalwasaarahii ayaa labadii nin weydiiyey ”war aaway maradii boqorka u tolayseen”. Labadii nin mid ka mid ayaa hawo cidlo inta laacay yeri waa tan”, kii kalena inta dafta ku dhagay maradii malo awaalka aheyd buu yeri, ”bal fiiri quruxdeeda iyo sida ay u dhaalayso iyo weliba sida ay u jilicsan tahay”. Ra’iisalwasaarahii ayaa yaabay oo hoos isku weydiiyey ”raggu ma igu ciyaarayaan”? Wajagii ra’iisalwasaraha carro ayaa ku soo rugmatay oo waxa uu damcay nimankii in uu canaanto una hanjabo balse inta uusan afka furin ayuu is qabtay oo xasuustay warkii ahaa in waxmatarahu ah uusan arki karin marada. Waxuu yaqiinsaday in shax khiyaano ah ay meesha ka socoto. Laakiin ma uusan dooneyn in asaga farta lagu fiiqo oo lagu sheego waxmatare oo uu sidaas xilkiisa ku waayo. Halkii buu asna maradii malo awaalka aheyd dhinac ka qabsaday oo faaniyey. ”Haa, waa maro aad iyo aad u qurux badan, sida u dhal-dhalaayso oo u jilicsan tahay baan ka helay. Waan hubaa buqurkana in uu ka heli doono, shacabkana ay jeceyl xaf dhaaf u qaadi doonaan boqorkoodu marka ay arkaan maradaan. Goorma ayey diyaar noqonaysoo” ayuu weydii labadii khiyaanoole? ”Wax yar oo sharaxaad iyo qurxin ah unbaa u dhiman maalmo ka dib waa diyaar” ayey ugu jawaabeen raggii khiyaanada watay. Maalmo kadib markii la gaaray maalintii dabaal-degga toban guurada boqorka, waa tan labadii nin Oo dhinacyada ka sida boorso weyn ay yimaadeen qalcaddii boqortooyada. Boqorkii oo faraxsan bay u yimadeen. Waxay ku yiraahdeen ”maradii waa kuu wadnaa. Waa maro aad iyo aad u fudud oo marka aad gashatid aad dareemeyso sida in aadan wax dhar ah qabin fudeyd daraaded”. Waxay ka dalbadeen boqorkii in uu muraayad hor istaago dharkana laga siibo si loogu geliyo maradii uu dalbatay. Boqorkii waa ajiibay. Kadib waxay ka dalbadeen in uu kor fiiri si ay u sahlanaato marada in loo geliyo. Boqorkii ayaa yeelay warkooda. ”Qacanta inta geli, gacanta kalena inta geli, lugta kor u qaad oo halkaan geli, midda kalena halkan, dhexda u xir” waxay nimankii yiraahdaanba waa dhameeyey howlshii. Waxay ka dalbadeen muraayadda in uu isku fiiriyo ”haye, hadda fiiri, ka waran, soo maro wanaagsan ma ahan”? Boqorkii ayaa muraayadii isku fiiriyey, mise maxaa ii dhiibatay, waa nin qaawan. Boqorkii ayaa waxaa ku soo degtay yaxyax iyo xishood balse waxuu xasuustay warkii ahaa ”waxmataraha ma arki doono marada oo sidaas baa lagu aqoonsan”. Maadaame uusan boqorku dooneynin in waxmatare loo aqoonsado waxuu go’aansaday ciyaarta in uu halkeeda ka jilo. Markaas buu inta hadba dhinac iska fiiriyey yeri ”waa maro wanaagsan oo aad ii cajabisay, waan hubaa dadkeyga in aad maanta iila dhaci doonaan”. Sidii ayaa boqorkii lagu saaray qabtii dambe gaari-fariskii lagu soo wareejin lahaa barxadda dabaal-deegga ee ay shacabka badan ku sugayeen. Horay ayaa Shacabka lagu sii sheegay in boqorku soo xiranayo maro dhawaan loo soo tulay oo cajaa’ib ah, aysana horey caalamka uga dhacin boqor kale oo maradaan oo kale soo xirtay dabaal-deggisa, ayna shacab ahaan aad ula dhaci doonaan. Maradaan na dadka kuwooda waxmataraysha iyo doqonada ah aysan arki karin lana aqoonsan doono kuwa noocaas ah. Boqorkii oo gadaal ka taagan gaari fardo dhowr ah oo is ku xiran jiidayaan ayaa goobtii barxadda aheyd soo galay. Dadkii mashxarad iyo sacab bay hal mar ku wado dhufteen, boqorkiina halkii ayuu gacan haatin salaan ah ka bilaabay isaga oo dhextaagan gaarigii fardahu jiidayeen. Dadka boqorka way arkaan in uu qaawan yahay balse yaa doonayo in loo aqoonsado waxmatare doqon ah? Halkii ayuu qof weliba dhankiisa ka camiray beentii la wado aaminay. ”Allah boqorkeena maanta qurux badnaa, boqor la imad ah nama soo marin namana soo mari doono” ayuu mid weliba goonidiisa ugu dhawaaqay markuu halka uu faylka ka taagan yahay fardaha boqorka soo maraan. Illaa ay fardahii soo ag mareen ilmo yar oo hadalka markaa bartay. Cunugii yaraa intuu horey hal tillaabo u soo qaaday dhankii ay marayeen fardahii siday boqorka oo farta ku fiiqay dhankas isaga oo dadka dib u soo eegayo ayuu hal mar ku qaliyey ”wardayaay, boqorku waa qaawan yahay, war allah dayaay waa qaawan yahay boqorku. Halmar ayaa waxii qalqi goobta joogay qosal afka furteen oo lugta ku rafteen. Illeen cid welibaa waa ogtahaye in ilmaha yariye aysan beenta aqoonine. Boqorkiina waa tan ceebi ka raacday meeshii. Sheekadaan dheer waxay ay miitaal u tahay xaaladda ka taagan Soomaaliland. Muddo ku dhow 27 sanno ayey kooxda deegaanadas ka talisa isku qancinaysay been cid weliba ogtahay in ay tahay been cad balse run laga dhigtay. Intaas waxay dadka ku qufulayeen waxaan nahay jamhuuriyad madax banaan saas oo ay tahayna ma jirto jamhuuriyad aan Soomaaliya aheyn oo cid kale caalamka ah ay aqoonsan tahay. Wax badan waxa ay dadka u sheegayeen ictiraafkii waan kan, dhawaan buu cirka ka soo dhacahayaa balse wax soo socdaa ma jirto. Kaaga darane waxaa soo martay fursad ah Soomaaliya oo aysan jirin muddo toban sanno ku dhow wax dowlad ah oo calankeeda dhulka yaalay oo cid golayaasha caalamka ku matashaa aysan jirin. Ma dal aan dowlad laheyn intaad tiri ”iskey baan uga go’ay oo Jamhuuriyad baan noqday” hadana aadan aqoonsiga aad toosh ku raadinaysay ku helin baa filaysaa in aad heli kartad iyadoo ay jirto dowlad matasha dalkas haba iska tabar yaraatee. 27 sanno ayey ku faanayeen in soomaalida ka xigaan dalka Itoobiya, dalkasna uu yahay dal jecel oo aqoonsi siin doona goor ay ahaataba. Hadana kii wadankas xukumayey ayaa la soo taagan ”waxaan aqoonsanahay midnimada iyo wado jirta jamhuuriyadda Soomaaliya oo aan xusmeyneynaa. Waxgaradkiii waxa laga dhigay mid xiran, mid iskiis iskaga aamusay iyo mid danahiisa gaarka raacday. Caamadiina waxaa lagu qufulay been run laga dhigay iyo xagjirnimo xargo goosatay. Balse laga yaabe in uu weli idiin ku harsan yahay mid run sheege ah saqiirna ha ahaadee oo farta inta idiin kugu fiiqa kooxda idiin marin habaabisay oo idiin yiraahda”war dayaay, war waa qaawan yahiineey”. Kadib qosol la rafatiin, ayaganu halkas ku ceeboobaan. W/Q: Warsame Elmi Elmiwar@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Haddii hannaan dowladnimo oo si wanaagsan loo dhagax dhigay la rabo in la dhaqaajiyo waxaa laga bilaaba heshiis iyo is afgarad ay u dhan yihiin dadka halkaas ku nool. Hannaanka loo dhisay Galmudug oo ahaa mid la doonayey in lagu horumariyo dadka iyo bulshada deegaanka rabi ku wada abuurey ayaan noqon mid lagu shaqeeyo, taaso keentay ismaandhaaf, muran iyo ismari waa joogta ah oo soo noqnoqday una dhaxeeyay madaxda sare ee maamulka Galmudug kaasoo meesha ka saaray guud ahaan filashadii waxqabadka laga sugayey maamulka. Maamulka waxaa laga sugayey ugu horreyn saddex arrimood: 1. In guud ahaan maamulku wada gaaro deegaanka. 2. In la dhiso hay’adaha dowliga ah oo dhan oo deegaanku helo ciidan ilaaliya amniga guud ahaan iyo gaar ahaanba, heer gobol ilaa degmo. 3. In dhismaha guud ee dalka laga qaybqaato iyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda lana wada gaarsiiyo deegaanka Galmudug. Muddo 3 sannadood ku dhaw ilaa hadda ma jirto hal tallaabo oo la qaaday aan ka ahayn, wasiiro la magacaabo, madaxweyne dhaca iyo xildhibaanno aan mushahar loo hayn oo 300 ku dhaw. Soomaaliya ayaa 30 sanno wax ku weysay ismaandhaaf iyo is mari waa, una malayn maayo inay reer Galmudug xal ku keeni doonaan. Muranka ku dhisan madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa xukuumada oo dhinaca ah iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhinaca ah, ayaa qoloba qolada kale ku eedaysaa. In qolo gaar ah wixii lagu heshiiyey baal martey oo ay iska maamuushaan Galmudug waa garabka madaxweynaha e, ayay garab qabaan. Halka qolada kalena andacoodaan in labada nin ee madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ka shiidaal qaataan Muqdisho oo labada nin ee la beesha ahi gacan weyn ku leeyihiin muranka iyo is mari waaga. Haddaba, dhanka kale ayaa waxaa jira beello dhawr ah oo aad u saluugsan hannaanka wax lagu wado lana baxay Group 4 oo ka soo horjeeda Madaxweynaha iyo Madaxa xukuumadda una arka in lagu xadgudbay heshiiskii wadareed. Beelaha qaarkood maba qarsan ee si toos ah ayay u sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen, guud ahaana ka baxeen is Af garadkii Galmudug. Ma jirto madaxda labada dhinac cid ka hadashay, taasoo muujineysa inaanba dan laga lahayn joogitaankooda iyo tegitaankooda! Galmudug waxaa laga sugayey dhisme maamul isku dheelitiran, waxbarasho, caafimaad, nabadgelyo, shaqo abuuris iyo isku furka gobollada deriska ah iyo maamulka deegaamadiisa, ilaa hadda waxay dhaafi la’ dahay in hal qol oo xafiis ah, marna cadaado laga raro marna dhuusamareeb laga furo, Madaxtooyada guurta ama wareegta ee Galmudug. Maamul dadkii dhistay aysan isku qanacsaneyn heerkee iyo halkee buu gaari karaa? Maxaa dadweynaha kale ee. waxgaradka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta dowladda dhexe, ganacsatada iyo dadweynaha u diiday inay farageliyaan oo ay iyagu dantooda ka tashadaan, oo aysan noqon; Taraq hadba nin sigaar ka shito. Galmudug iney kala guurto iyo iney isla guurto midkeebaa u dan ah? Dadka degan Galmudug badankoodu waxay aad uga soo horjeedaan heshiiska dhuusamareeb, degmooyinka kala ah, Ceelbuur, Galhareeri, Ceeldheer, Caabudwaaq, Cadaado Xarardheere, iyo degaano kaloo badan, markaa waxaan dhihi karnaa waxaa heshiiskaas wada galay, Gaalkacayo iyo dhuusamareeb keliya.Taasi maaha mid majooratigu raacsan yahay ama raaci karo. Ugu dambayn maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ee mataanahaa, ayaa ah kuwo ilaa haatan nugul oo aan curdan ka bixin, lahayna awood siyaasadeed, ma dadkooda ayaa kuwa kale ka liita mise waa dhib meel kale ka haysta? W/Q: Cismaan M. Qanyare Email: osman_kanyare@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Madaxweynaha Puntland ahna Taliyaha ciidamada guud ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday maanta jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan labada ciidan ee SNM & Puntland, wuxuuna tagay furimaha dagaalka oo ay shirar ku yeesheen saraakiisha ciidamada. Gaas ayaa goob goob u booqday fariisimada ciidanka, goobihii ay ku jebiyeen jamhadda soo weerartay dhulka ee SNM, iyagoona kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka Puntland oo ay u sheegeen in dowladdu ay marwalba diyaar u tahay nabadgelyo laakiin aysan waxba ku bedelan doonin difaaca dalkooda. Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu ciidanka difaaca dowladda Puntland u sheegay in xukuumadda iyo shacabkuba ay ku garabtaagan yihiin shaqada ay dalka u hayaan, isagoona horay u sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn haseyeeshee ay difaacayso dalkeeda. Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto saacadaha soo socda waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay ka cabsi qabaan dagaal dib uga qarxa deegaamada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka SNM. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxa ay booqdeen maalinimadii shalay fariisimada dagaalka ee ciidanka dowladda Puntland kuleeyihiin Tukaraq. Booqashada madaxweyne Gaas ee jiida ayaa ku soo beegmasa xili maalin uun ay inaga xigto kalfadhigii barlamaanka puntland oo ku beegaan 20 bishan.