Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa sheegaya in dabley hubeysnaa oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ay gowraceen dhalinyaro Soomaali ah. Dableyda hubeysnaa ayaa gowracay 5 Soomaali ah waxaana lasoo sheegayaa in falka gowraca uu ka dhacay tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Ethiopia. Shanta ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysnaa oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud. Nabadoon Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in falkaani gowraca ah uu sii hurinaayo colaada ka dhexeysa Soomaalida iyo Oromada. Waxa uu sheegay Nabadoonka in wali uu socdo dagaalka Soomaalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan. Sidoo kale, Oromada ayaa la xaqiijiyay inay diideen in goobta laga qaado meydadka Shanta Soomaalida oo weli yaala Tuulada lagu gowracay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii xoogeysanaaya colaada Soomaalida kala dhexeysa Qowmiyada Oromada waxaana adag in xal loo helo dagaalka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Wasiirka Wasaarada Duulista hawada Iyo gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Ha’ada Duulista iyo hawada Yuusuf Jeelle. Wasiir Oomaar ayaa Digreeto uu soo saaray Goordhow shaqada kaga joojiyay Maareeyaha iyada oo si KMG ah loogu dhiibay ku Xigeenkiisa. Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeeysa Shaqo joojintaan lagu sameeyay Yuusuf Jeelle. Shalay ayaa waxaa xilka laga qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Federaalka Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in is qab qabsi ku aadan Diyaaradaha xajka ay sabab u tahay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta lagu sameeyay mudanayaashaasi inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Duulista oo Shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Hay’ada Duulista appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaarayo shabakadsa Caasimada Online ayaa sheegayo in shaqo joojin lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf Jaalle. Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Mr Yuusuf Jaalle. Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay salka ku heyso is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha iyo qorsha la rabo in lagu soo nooleeyo Somali Airlines oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Madaxtooyada La soco faahfaahinta oo dhameystiran wax yar kadib.
  4. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia ayaa ku goodiyay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dishay ku dhawaad labaatan qof ayna ku dhaawacday tiro intaas ka badan. AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in weerarkii lagu qaaday maalin ka hor xarunta wasaaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Somalia ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu wiiqo amniga guud ee ka jira dalka. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay inay AMISOM qaadi doonto Weerar ay ugu aar-gudayaan shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka lagu qaaday xarunta Otto-Otto ee Muqdisho. AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka Soomaaliyeed aysan ku nijad-jabin dhacdooyinka kala duwan ee ay kooxdan geysanayso. Taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Otto-Otto uu muujinayo in Al-shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasilloonida iyo horumarka ka jira Somalia iyo sidoo kale dallaka gobolka. “Hawl-galka AMISOM wuxuu ka xun yahay falalka naxariis darrada ah ee ay Al-shabaab geystaan, waxaanu qaadaynaa tallaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xag-jirka,” ayaa lagu yiri warbixinta AMISOM. Ugu dambeyn, Taliska ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo sheegay inay jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Otto-Otto appeared first on Puntland Post.
  5. Center for policy analysis released report on Sources of campaign financing in 2017 Somaliland presidential election. INTRODUCTION The linkage between money and politics is a powerful one, with implications for democracy, especially in new democracies. Political parties financing laws and regulations, through which political parties and candidates for office declare their funding sources, are among the main instruments for transparency. The relationships between party financing and corruption are so significant that to ignore party funding is simply to open wide the donor for corruption (Okechukwu Eme, 2014). Looking in to the case of Somaliland, one realizes that there is much that needed to be done. In contemporary Somaliland political history, political financing is both necessity and a problem. There are no strong laws and regulations regarding the party and political financing in Somaliland. It is obvious that some of the political parties are owned by certain clans. The patriotic or ideological values among the parties have limited value within the party. Now, Somaliland democratization process is in a crossroad, which need re-evaluation, about what is wrong and the majority weaknesses of the democratic process which is 16 years old. Click here more- Sources of campaign financing in 2017 presidential election
  6. The president of Somaliland His Excellency Musa Bihi Abdi has expressed his views on the historic and comprehensive peace accord between Ethiopia and Eritrea which ended the worst hostilities between two neighboring countries in the African continent which has been raging for 20 years. The president said that Somaliland welcomes the peace deal and sends a congratulatory gesture to both Ethiopia and Eritrea which has rekindled their friendship and ceased the animosities while they chose peace. Hon. Musa said that this is a historic agreement which deserves to be emulated as this will further consolidate the tranquility in the region.
  7. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa ka hadlay Wadooyinka Xiran oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab. Shariif Xasan Ayaa sheegay in AMISOM ay ku guul dareeysteen in ay isku furaan wadooyinkaasi Al-Shabaab ay xireen. “Aad iyo Aad ayeey u mahadsan yihiin Ciidamada AMISOM dadaal badan ayay noo sameeyeen gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ciidamo farabadan noo tababaray,balse weey ku fashilmeen oo kuma guuleysan in ay furaan wadooyinka deegaanada koonfur Galbeed oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen laakin waxan rajeynayaa in lagu guuleysan doono ” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan. Al-Shabaab ayaa ku sugan Deegaano badan oo Koonfur Galbeed ah iyagoo kala xiray wadooyinka muhiimka ee Degmooyinka ay ciidamada Koonfur Galbeed ay ku suganyihiin. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shariif Xasan” AMISOM waa ku Fashilantay isku Furida wadooyinka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay fashilmeen ciidamada AMISOM. Shariif Xasan, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hana waayen amniga dalka gaar ahaan deegaanada maamulkiisa. Waxa uu Shariif sheegay in ciidamada AMISOM ay isku furi la’yihiin xitaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo go’an, waxa uuna cadeeyay in wadadaasi ay dhibaatooyin badan ka jiraan, AMISOM-na ay joojisay isticmaalka wadada. Shariif Xasan waxa uu intaa raaciyay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay muhiim u tahay shacabka Koonfur Galbeed, hase yeeshee ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ugu fashilmeen furista wadadaasi. Sidoo kale, waxa uu Hoggaamiyaha ugu baaqay dowladda federaalka iney ka shaqeyso furista iyo nabadeynta wadadaasi, waxa uuna ku celcelshay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo. Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer AMISOM la faray inay furto wadada hase yeeshee aysan ka bixin wax jawaab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ugu goodinaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia. Qoraalka taliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay jawaab waafiya ka bixin doonaan weerarka dhiiga ku daatay oo Al-Shabaab ay ku qaaden xarunta Otto Otto oo saldhig u ah Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga. Waxaa lagu sheegay in AMISOM ay qaadi doonto weerar loogu aar gudi doono shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka Otto Otto. AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinka kala duwan. Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto inuu muujinayo in Shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasiloonida Somalia iyo horumarka dalalka Geeska Afrika. Nuqul kamid ah qoraalka AMISOM ayaa ahaa “AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” Geesta kale, Taliska ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Britain's colourful foreign secretary Boris Johnson resigned on Monday, apparently in protest at the government's Brexit plans, ditching an international summit to walk out after months of publicly challenging the prime minister. Source: Hiiraan Online
  11. Istanbuul (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo. Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa. Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba. Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbuul Caasimada@live.com
  12. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has named his son-in-law as the country's finance minister after being sworn in to another five-year term. Source: Hiiraan Online
  13. An MP has petitioned National Assembly to order the immediate withdrawal of Kenya Defence Forces from war-torn Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. It’s a first 100 days in office that might have made Franklin D. Roosevelt’s head spin. Source: Hiiraan Online
  15. The government does not know the capacity of the Mandera Town Military airstrip, Transport secretary James Macharia has said, calling to question the safety of aircraft using the runway. Source: Hiiraan Online
  16. Egypt welcomed on Monday the signing of an agreement between Eritrea and Ethiopia to end their two decades of dispute. Source: Hiiraan Online
  17. The commander and the senior enlisted officer of a U.S. Navy SEAL team have been relieved of their duties after investigations into alleged sexual assault and sexual harassment while their unit was deployed to East Africa, officials said. Source: Hiiraan Online
  18. More than 50 immigrant children under age 5 will be reunited with their parents by Tuesday's court-ordered deadline for action by Trump administration, and the families will then be released into the U.S., a government attorney said Monday. Source: Hiiraan Online
  19. China on Monday promised assistance amounting to some 22,600 U.S. dollars to the Somali News Agency (SONNA) to modernize operations at its Mogadishu office. Source: Hiiraan Online
  20. Corruption drains $148 billion annually from Africa, according to the African Union. At an estimated 25 percent of the continent's average gross domestic product, the AU calls it a huge drain on Africa's productivity. Source: Hiiraan Online
  21. Two Somali brothers have applied the carpentry skills they learnt during more than a decade living as refugees in Yemen to establish a thriving business that is now creating employment in Baidoa. Source: Hiiraan Online
  22. Soomaaliya kama mid aha dalalka Africa ee isku tashtay kuwaa oo sameeyay isbadal xoog leh iyagoo u midooway ilaalinta Qaranimadooda gaar ahaan waxaa Soomaaliya ay ku guul dareysatay in ay wax kabarato dalalka deriska la ah sida Kenya, Itoobiya iyo dalka koofurta Suudaan. Waxaa Soomaaliya ay u kala qeybsantahay maamul maamul, waxeyna lakala safanyihiin dowlado shisheeye oo dano gaar ah leh iyagoo ka ilaalinaya Soomaalida iney Midowdo. Tan iyo markii Abyi Ahmed uu noqday Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu cafsi u fidiyay maxaabiistii mucaaradka ee xabsiga ku jirtay sidoo kale waxa uu la heshiiyay qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi isagoo ka hortagaya kala qeybsanaan iyo burbur. Howlo dar dar leh ayuu la soo baxay Ra’isul wasaare Abyi wuxuu heshiiso dalkiisa anfacaya la saxiixday dalal dhowr sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Eriteriya oo uu soo afjaray colaadii ka dhaxeysay labada dal, waxaana dhamaantood ay ku saabsan yihiin heshiisyadaasi in dakadahooda Itoobiya maalgashato si ay u isticmaasho. Soomaalida kuma baraarugsana dowladaha Imaaradka Iyo Sacuudiga oo Ra’isul wasaaraha Itoobiya la abaabulaya in dhulka, badda , dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu daro wadanka Itoobiya. Booqashadii koowaad ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimaado Soomaaliya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ka saxiixday heshiiska Afar Dekadood markii uu dalkiisa ku laabtayna waxa uu sheegay in labada dal la mideynayo. Sidaas darted waa in ay kuu muuqataa in Booqashada labaad ee Ra’iusl wasaaraha Itoobiya ku iman doono Soomaaliya iney ahaato mid madaxda dalka uu kaga dhaadhaicinayo in Soomaaliya Iyo Itoobiya Midowdo, maxaa yeelay Abyi Ahmed herar aan caadi aheyn ayaa la socda sida dalalka quwadaha leh ,iyadoo la ogyahay in si xoog ah oo sharci darro ah iney shidaal kaga soo saaratay Itoobiya dhulka aan ku muransanahay ee Ogaadeeniya oo labada dal ay ku dagaalameen. Waa in laga hortagaa oo ay tashadaan dadka soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga iyo Koonfurta soomaaliya inta aan dhulkooda bada iyo bariga la hoos keenin Abysinia-yada cusub ee Qarniga 21-aad. W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Qudus (Caasimada Online) – Israel ayaa ka fakareysa inay qaado tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada hay’adaha Turkish-ka ee gargaarka ka wada magaalada Qudus, si looga hortago saameynta madaxweyne Erdogan, sida uu qoray wargeyska Times of Israel. Arrintan ayaa timid kadib codsi ay Sacuudiga, Jordan iyo kooxda Mahmoud Abbas u jeediyeen maamulka Yahuudda, ayaga oo uga digay in Erdogan uu doonayo inuu qabsado Qudus. Golaha amniga qaranka Israel ayaa diyaarinaya qaraar ka dhan ah hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ee ka howlgasha Bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Warbixinta ayaa sheegtay in sirdoonka Israel ay rumeysan yihiin in hay’adda TIKA ay xafiisyadeeda ku marti-gelisay xubno ka tirsan dhaqaaqa Islaamiyiinta, ayna lacag iyo akhbaaraad u gudbisay kooxda Xamas, inkasta oo tani ay u muuqato mid cudurdaar loogu sameynayo tallabada Israel. Tallaabooyinka ka dhanka ah TIKA ee la qorsheynayo ayaa waxaa ka mid ah in la xaddido dhammaan dhaqdhaqaaqyada hay’addan, laguna qasbo inay fasax u qaataan mashruuc kasta oo ay fulinayaan. Bishii tagtay, Sacuudiga, Jordan iyo maamulka Falastiiniyiinta ayaa uga digay Israel in saameynta Turkiga ee Bariga Qudus ay sii ballaaraneyso, sida uu shaaciyey waregyska Haaretz ee Israel. Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil sare oo carbeed ay Israel u sheegeen in saameynta Turkiga ay kusii fideyo xaafadaha Qudus, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay qorshe madaxweyne Erdogan uu ku doonayo inuu ku sheegto lahaanshaha Qudus. Jordan ayaa ka walaacsan in saameynta Turkiga ay meesha ka saari karto booska Jordan oo isku haysata inay ilaalo ka tahay dhulka saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka. Dhinaca Sacuudigana, waxay ka walaacsan yihiin in damaca Erdogan ee Qudus uu sare u qaadi karo magaca uu ku dhex leeyahay carabta iyo islaamka, taasi oo ka dhigi karta in loo aqoonsado hoggaamiyaha kaliya ee Islaamiga ah ee u babac dhigi kara Mareykanka iyo Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  24. Jigjiga (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorsho lagu xiraayo Xabsiyada ku yaalla dhulka DDSI. Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xiro Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”. Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Iley uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa. Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka. Madaxweynaha DDSI Cabdi Iley ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaalo buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostii. Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia. Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xiran ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  25. Brussels (Caasimada Online) – Dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya oo ee hogaaminayo Madaxwyene Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa lagu eedeeyay arimo kala duwan oo Midowga Yurub uu sheegay iney ku tumatay iskabadaa in lagu xadgudbee. Arimo dhowr ah ayaa lagu heystaa Dowladda Soomaaliya hadii ay wax ka qaban weysanaya waxaa suuragal ah in cunaqabateyn la saaro . Waxyaabaha Dowladda Soomaaliya lagu heysto waxaa kamid ah inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha, waxay kaloo xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre lagu eedeeyay inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho. Qodobada ugu waa weyn ee Midowga Yurub Dowladda Soomaaliya ku heysto waxaa kamid ah. · Al Shabaab oo wali maamulaya qeybo kamid ah Soomaaliya xili in kabadan 22,000 oo ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwo Dowladda Fedralka Soomaaliya ka howlgalayaan dalka. · 2.6 Million oo qof oo dalka ku barakacsan kadib abaarihii sanadadihii ugu dambeeyay ku dhuftay Soomaaliya oo aan heysan waxyaabaha aas-aaska u ah Nolosha, xili hay’ado caalami ah ay dowladda dhaqaale badan ku siiyaan arimaha Bini’adanimada. · Maleeshiya beeleedyada hubeysan iyo Al Shabaab oo si arxan-darro ah dilal uga geysanaya meelaha dowladda gacanta ku heyso waxaana sidoo kale ay geystaan kufsi, dilal aan baaritaan ku sameyn dowladda iyo ciqaab ay u geysanayaan cidda walbo oo ay is qabtaan iyagoo sidoo kale askareeya caruurta da’da yar. · Howlgallada Military ee ciidamada Dowladda oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda oo xabsiga dhiga sabab la’aan dad aan waxba galabsan waxaana loo geysto jirdil iyo handadaad. · Al shabaab oo gudaha Soomaaliya ku diyaariya qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida dalka Kenya, iyadoo ay jirto in 14-kii October ay shabaabku ku dileen Muqdisho oo ah Magaalo madaxda Soomaaliya in kabadan 500 qof. · Ciidamada AMISOM oo ku xad gudbaya xuquuqda bini’aadanimada dadka Soomaaliyeed, waxna kama qabato Dowladda dalka hogaamisa sidoo kale waxeey dilaan dad shacab ah iyagoo kufsi badan ku haya dumarka ku nool goobaha magaalada kabaxsan oo ay ka howlgalaan. · Cadaalad darro ka jirta maxkamadaha Soomaaliya, waxaana maqan xuquuda aas aasiga ah ee uu isku difaaci karo qofka shacabka ah, iyadoo Maxkamadaha Militry-ga la soo taago dad shacab ah. · Ciidamada nabad sugidda iyo qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo heysta awood balaaran oo ay ku sameeyaan baaritaanada iyo howlgaladda la amro iyadoo aysan jirin sharci haga taa oo sababi karta rabshado, kana dhasha ku xad-gudbka dadka ay Ciidamada NISA qabtaan. · Xakeemyo xuriyatul qolka, iyadoo loo hanjabayo weriyayaasha, waxaana xabsiga la dhigaa hubsiino la’aan, qaarkood waxaa lagu khaarijiyaa si qorsheysan, si lamid ah maamul goboleedyada dalka ayaa xira xarumaha warbaahineed ee maamulkooda hoos yimaada hadii ay ka hadlaan arimo jira. · Soomaaliya oo aan u diyaarsaneyn iney martigeliso qaxootigeeda soo laabanaya oo albaabada ka soo xiratay dowladda Kenya kuwoo oo ku noolaa xeryaha qaxootiga sida Dadaab Iyo Ifo. · Colaada dagaal ee ka taagan Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo dowladda Federalka aysan qaadin wax talaab ah oo lagu joojinayo. · Dad aan aqoon durugsan u laheyn oo ka howlgala xarunta dambi baaritsa CID-da oo laga rabay iney dabagal iyo baaritaan ku sameeyaan Kiiska kala duwan ee dhaca sida dilalka, qaraxyada iyo dhaawacyada ee ciidanka dowladda geystaan ama shacabka ay la kulmaan, waxaa meeshaas ka maqan qabiir yahao aqoon u leh howlaha dambi baartista. · Midowga Yurub oo Soomaaliya meel u saaray 286 million (€) Euro ka soo bilaabato sanadii (2014-2020) si wax looga qabto dib u dhiska Soomaaliya, nabadeynta dalka, helida cunada, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka u ah dowladnimada, ayaa u muuqda kuwo shaqsiyaad u gacan galay kadib boorsoyinka ku shubta, sidoo kale EU-da waxeey soomaaliya u qoondeysay 120 Million oo Euro oo u gaar ah arimaha bini’aadanimada iyo 1000,000 oo Euro oo si deg deg ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya markii dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen weerarkii 14-kii October ee ka dhacay Muqdisho, sidoo kale Midowga Yurub waxa uu sheegay iney taageeraan Howlgalka AMISOM. Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Baarlamaanka Midowga Yurub oo madaxda hay’ado caalami ah kaa shanaya, waxaana ay dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ay soo gudbiyeen, waxaana suuragal ah in go’aan lama filaan ah laga qaato Soomaaliya oo ka imanaya Midowga Yurub, sida in la joojiyo dhaqaalaha faraha badan ee Miwdoga yurub oo kalsoonida lagala noqdo iyo in cunaqabaten la saaro Soomaaliya. Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga timaada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com